Shir looga hadlayo xoojinta ka jawaabista deg-degga ah ee abaaraha oo ka furmay Muqdisho

Shir looga hadlayo xoojinta ka jawaabista deg-degga ah ee abaaraha oo ka furmay Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb Online) Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay  Shirka Wadatashiga Qaran, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta ka jawaabista deg-degga ah ee abaaraha ka jira dalka. Shirkan ayaa si gaar ah loogu falanqeeyay doorka muhiimka ah ee ururrada ay hoggaamiyaan haweenka iyo kuwa u dooda xuquuqda haweenka,...

Golaha wasiirrada oo xilkii ka qaaday Taliye Odowaa Yuusuf Raage

Golaha wasiirrada oo xilkii ka qaaday Taliye Odowaa Yuusuf Raage

Muqdisho (Raxanreeb Online) Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda todobaadlaha ah, ayaa ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee ku aadanaa in isbeddel lagu sameynayo hoggaanka sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Golaha ayaa si rasmi ah xilka uga qaaday Taliyihii Ciidanka Xoogga Dalka, Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage, kaas ayaan xilkan hayay muddo sannad ka badan. Sidoo...

Xildhibaan katirsan golaha shacabka oo qiray walaaca mucaaradka ay ka qabaan wax-ka-badalada Dastuurka

Xildhibaan katirsan golaha shacabka oo qiray walaaca mucaaradka ay ka qabaan wax-ka-badalada Dastuurka

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay in xubnaha mucaaradka ay cabsi ka qabaan habka loo marayo wax ka badalka cutubyo kamid ah dastuurka ay yihiin kuwa aan wanaansaneen, maadama sida degdeg ah loogu gudbiyay Baarlamaanka, iyada oo aan wax watashi ah oo ku filan la sameeynin. Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji oo xubin ka ah guddiga dib...

Shiinaha oo in ka badan 10 xubnood oo hal qoys ahaa dil ku fuliyay

Shiinaha oo in ka badan 10 xubnood oo hal qoys ahaa dil ku fuliyay

Shiinaha ayaa dil ku fuliyay 11 xubnood oo ka tirsan qoys caan ku ahaa khiyaanada, kuwaas oo maamuli jiray xarumo khiyaano oo ku yaalla Myanmar, sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda. Maxkamad gobolka Zhejiang ayaa xubnaha qoyska Ming ku xukuntay bishii Sebtember ee sanadkii hore dambiyo culus oo ay ka mid yihiin dil, xirid sharci darro ah, khiyaano, iyo ka...

RW Xamsa oo la kulmay saraakiil iyo mas’uuliyiin kale socday midowga Yurub

RW Xamsa oo la kulmay saraakiil iyo mas’uuliyiin kale socday midowga Yurub

Muqdisho (Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socda Midoowga Yurub, oo  uu hoggaaminayay General Seán Clancy guddoomiyaha Golaha Ciidanka Xoogga ee Midoowga Yurub (CEUMC), ayna ka mid ahaayeen safiirka Midoowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya  Marwo Francesca Di Mauro, iyo Madaxa Qaybta Bariga Afrika ee Adeegga Arrimaha Dibadda Midowga Yurub...

Xildhibaanada oo loo qeybiyay wax ka badalka Dastuurka cutubyada 5 ilaa iyo 9

Xildhibaanada oo loo qeybiyay wax ka badalka Dastuurka cutubyada 5 ilaa iyo 9

Muqdisho (Raxanreeb Online) Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulan wadajir ah, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliy Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim iyo xubnaha kale ee guddoonka labada aqal. Guntanka ama kooramka kulanka oo...

Rai’sul wasaaraha Ingiriiska oo ka degay Beijing

Rai’sul wasaaraha Ingiriiska oo ka degay Beijing

Bijiin (Raxanreeb Online) Rai’sul wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer ayaa soo gaaray Shiinaha si uu u sameeyo booqasho saddex maalmood ah – taasoo ah markii ugu horreysay ee Ra’iisul Wasaare ka socda UK uu dalka booqdo tan iyo 2018. Starmer, oo la socdaan ku dhawaad 60 hoggaamiyaal ganacsi iyo dhaqameed oo British ah, ayaa la kulmi doona Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping,...

Xarunta golaha shacabka oo buuq iyo sawaxan ka taagan yahay

Xarunta golaha shacabka oo buuq iyo sawaxan ka taagan yahay

Muqdisho (Raxanreeb Online) Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad ayaa maanta fadhi wadajir ah ka leh cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo dhowaan lagu wareejiyay Guddiga u qaabilsan dastuurka. Xildhibaannada iyo Senatarrada ayaa ku kala aragti duwan qabyotirka Dastuurka gaar ahaan cutubyada 5aad ilaa 9aad iyo hannaanka loo marayo dooddaan, waxa ay si...

Ilhan Cumar oo isku day dil ka badbaaday

Ilhan Cumar oo isku day dil ka badbaaday

Minnesota (Raxanreeb Online) Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa lagu weeraray shir ka dhacay hoolka shirarka ee Minneapolis. Nin ka mid ah dadkii ka soo qayb galay shirka ayaa mar qura kusoo booday isagoo ku buufiyay walax dareere ah oo aan la garanayn oo uu ku watay irbad, isagoo la rabay inuu indhaha kaga buufiyo balse la...

Wasiir Fiqi oo ka hadlay ka bixitanka ciidanka Yuganda iyo dagaalka kooxda AS

Wasiir Fiqi oo ka hadlay ka bixitanka ciidanka Yuganda iyo dagaalka kooxda AS

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi, ayaa ka wabixiyay howlgalladii u dambeeyay ee Ciidanka Xoogga Dalku ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan dalka. Wasiirka oo warfidiyeenada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in bishan gudaheeda deegaanka Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellada Hoose lagu dilay Cabdullaahi Wadaad, oo ahaa sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa ururinta dhaqaalaha...

Dowladda Somalia oo shaacisay in rashiinkii gargaarka ee laga baxsaday dekadda Muqdisho dib loo celiyay

Dowladda Somalia oo shaacisay in rashiinkii gargaarka ee laga baxsaday dekadda Muqdisho dib loo celiyay

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasaaradda arrimah dibadda ee Soomaaliya, ayaa xaqiijisay in dhammaan raashinkii iyo gargaarkii laga qaatay bakhaar ku yaalla Dekedda Muqdisho, dib loogu celiyay hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) kaas oo ay bixisay Mareykanka. Xukuumadda Soomaaliya ayaa mas’uuliyadda dhacdadaas ku sheegtay mid aan la aqbali karin, waxayna sheegtay in ay ka qoomamanayso oo ay tallaabo ka qaadi doonto cidi...

Trump oo taliye cusub u magacaabay howlgalka ICE ee Minneapolis

Trump oo taliye cusub u magacaabay howlgalka ICE ee Minneapolis

Minneapolis ( Raxanreeb Online) Xilli Taliyahii hogaaminayay howlagalka ICE ee Minneapolis, Gregory Bovino, iyo qaar ka mid ah saraakiisha socdaalka ay ka tagayaan Minneapolis, ayaa waxaa la magacaabay sargaal cusub. Tom Homan ayaa bilaabi doona inuu hoggaamiyo hawlgallada ka socda ee magaaladaas Minneapolis ka dib markii toogashadii Alex Pretti Sabtidii ay kicisay xiisad weyn. Go’aanka uu qaatay Madaxweyne Donald Trump...