Dhaanwade & Dhalandhool 17/12/2011: 4+1, Burcada, Mashaariicda, Dilalka Qorsheysan, & Baarlamaanka Puntland
Dhalandhool : Dhaanwadow waa nabad , hadde Wadankiina maanta buu dariiqii Dowlad-wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa in wax laga qabto loo sare kacey !. Waa kuwaas Baarlamaankii Puntland la xisaabtan iyo dabagal ku bilaabey Golihii Xukuumada oo maalinba qaar u yeeraya Golihii Wasiirada oo raacii ugu horeeyayna ay soo hor fariisteen . Waxaaba noogu daran kuwa qaarkood waxayba garab mareen ama ayba garan waayeen inuu jiro Gole Sharci dejinta iyo saxida xukuumada bal adba.Nin walbaa meeshii uu hor jooga ka haa buu iskii isaga maamushey talo yar oo ay madaxweynaha weydiiyaan ma ahee, bal xagee bay wax mariyeen intaa waxaan maqalnaa shirkadaa heshiis lala soo galey Badda iyo Dhulkaba (oo Dekado iyo Garoomo ayay durba sameysteen), Mashaariic dhaqaale ayaa intaa la soo saxeexaa meel ay ku baxeen ama laga hir geliyeyna lama arko, deeqo waxbarasho ayaa inaa iska soo daba dhacaya, meeyey Road-mapka la sheegayo iyo waxa uu ka hadlayo midna lama yaqaan, Shirkado intaa maalgelin Hubeed iyo mid Ciidanba ku sameynaya Burcad-badeedka iyo burcad-dhuleedkaba lagama war hayo.Wallee dhaanwadow maanta uun buu baarlamaankii iyo Shacabkii Puntlandba soo jeesteen oo ay inadhaha kor u kala qaadeen , bal aan dhowrno waxa soo socda labo mid bay tegi oo Dalkani dad ayuu yeelan ama Dal aan dad lahayn oo iib ah ayuu noqon !!
Dhaanwade: Dariiqaa ba´yey dhalandhool waa nimaan habeenka iyo maalinta kala garan !. Adeer afarta ay u yeereen iyo Dr. Cali Warsame “4+1” ayaaba intaa maamulka Puntland ee hadda jira soo gaarsiiyey, oo adeer waaba kuwii u soo qaraabi jirey. Waanu ognahay oo nimankaan Baarlamaanka fadhiyaa Ragbaa soo direy oo yiri sii xagxagta aysan doorashada danbe tartanka soo gelin e. Ragga iyo Wasaaradaha la-xisaabtanka u baahan waa la yaqaan adeer haddii Cudurka Dameerka kaa gala aad Faras ka raadiso sow dhibaato ma ahan. Mida kale hadey dhab ka tahay waxa ay sheegayaan may la xisaabtamaan ninkaan sidii Libaaxii keligii iskudhoonka sameystey oo Barida Subaga ku dhuuqaya oo wuxuu maqlayana iyo cid uu talo weydiinayaanba aysan jirin !, mise arinkoodu waa tii diraacdii dhaweyd ee Xildhibaan Indhabuur ku dhacdey ( dharbaaxadii dhaban Dhurwaa ku dhacdey ku quuso ) dabadii maysan hadlin e. Dhalandhool waxaa cad oo aan cidna ka qarsoonayn waa taa ummadii Puntland sidii Ari Weer galay Oday, Culimo, Aqoonyahan, Ganacsade iyo kuwo kaleba aan midna aan loo hambayn,kuwa dilalka samaynayana ay yihiin kuwo gudaha jooga iyo shirkado la soo ijaartey oo Ajnabi ah, iskaba daaye shacabka Puntland ku nool meelihii ay nolol maalmeedka ka raadsan jireena ee suuqyada ahaa ayaa loo soo direy kuwo guba, taasoo ay ka danbeeyaan fikiro meelo kale laga soo qaatey oo ah “ dadku hadey faqri ama cayr yihiin waa la xukumi kartaan laakiin dad dheregsan lama xukumi karo“. Dherigu marka karka laga badiyo wuu daataa , markan waxaanu sugnaaba waa kacdoonka shacabka iyo dabayshii cadaalada wadatey . Allena hala garab galo Aamiin, Aamiin, Aamiin….!!!
Dhaanwade-Dhalandhool
Iskudhoon: “Waa Geedo isku baxay oo jiq ah , wixii galana aan la arki karin oo uu Libaaxu galo iskuna badbaadiyo “

dhaanwade iyo dhalandhool waa labo aqasu naas oo qolona umaysan hanbeyn kkkkkkkkkkkkk bal yaa arkey oo maqlay qof bari subag ku dhuuqayo kkkkkkkkkkkkkkk waa ii kow kkkkkkkkkk walaahay waad iga qosliseen
[...] See the original post: Dhaanwade & Dhalandhool 17/12/2011: 4+1, Burcada, Mashaariicda, Dilalka Qorsheysan, & Baarla… [...]
waa waad iga qosliseen raxan reeb dhowr walxood cusub baa keenteen 4+1 waan ka helay
dhalandhool waxba ma oga waa dam maxaa meesha yaala waaba sii baaba aysaaye dhaanwadaa runta waxa jira ayuu ka sheegay isdhoonka ninka ku jira oo waxa dalka ka tagan aanba kala jecleyn waa in lala xisaabtamaa oo la iska dhaafaa waxa lagu wareegayo 4+1 iyo gudniinka ay faraha kala baxan dalkaan waa in laga badbaadiyaa ninka barida subaga ku dhuuqayo baarlamaanka waxaad ogaataan in aad idinka dalka u talisaan waxaanoo mashaariic ah maka warheysaan maxaa tihiin aan idinweydiiyee jileeca iska dhaafa oo dadka iyo dalka ka badbaasha libaaxa isku dhoonka ku jira
raxan reeb naga daaya fadlan wax weyn buu libaaxa noo hayaa ma ahan in aan dhibsanayo maadaan dhab ka hadalka ah waxaad tihiin webkeyga koowaad
walaalo ilama haboona in madaxweynaheena aad bari subag ku dhuuqaya ku tilmaantid haduu ku dhuuqaba waa u gaadhay adiga maxaa kaaga jidha ma qadhaadh baa haya
dhalandhool waa hal tuulo joog ah marwalba waxaa oolin ayuu lasoo shirtaayaa meeshaan xildhibaano ma ay joogaan hogaamiye wacana haba sheegin dad xumanta iyo samaha kal yaqaanana iskaba hilmaan rajo kama qabo in sida ay wax yihiin ay kasoo reyso mana ay muuqato dad xun iyo hogaan qaabdaran ayey hada puntland isku darsatay
ala qosol badanaa fix fix fix fix aah kkkkk isku dhoon goormaa iigu danbeysay maba aan xasuusto waa waagii aan geeljiraha ahaa baan raxan reeb in ay taqaan maba aan ogeyn waan idiin saxiixay mar hadaad taqaaniin geedkaan walee haduu odeyga geedkaan ku jiro waa ay adagtahay sidii looga saari lahaa raga siyaasiyiin isku shega in ay booska yimaadaan haba isku daalinina iskudhoon lagama saari karo cidii gasha ilaa ay iskood uga soo baxdo kkkk
inan gumeed laangaab ah baad tahay waryaa baruur subag yaa ku dhuuqaya oo isku dhoon ku jira miskiin bad tahay
cidi tartameyso xiligeeda ha sugto yaan wax la carqaleyn hada waayo arinka meel xun bey ka daganeysaa
meesha waa soomaaliya cidaa meel adag salka ku heyn kama macaasho marka qofwalbaa maalin buu leeyahay ha la iska dulqqato hadalku wax ma dhibayo
micnaha geedka ma waxuu galaa marka uu xoolaha iyo ugaarta uu soo disho taas waa adagtahay raga cabdirashiid uu gudoomiyaha u yahay in ay ka saaraan geedkaan uu dhalandhool sheegayo waxaan aaminsanahay in cabdirashiid iyo ninka barda subaga ku dhuuqayo uu isna bari kula dhuuqayo oo labadoodaba waa labo bari ayey subag ku dhuuqayaan
kkkkkk 4.5 baan maqli jiray puntland ma 4+1 baa ka jirta adkeysi badanaa miyuusan laqanyoon baruur buu subag ku dhuqayaa mise waa nin ay u gaartay oo u dhacatay
yaab badanaa raxanreeb ma waxaa naga dhaadhicineysaan cid baa bari subag ku dhuuqda anoo idiin xanaaqsan baad iga qoslliseen waxaan idinku sheego ma aan garanayo
XAQIIQDA HADII LA FIIRSHO FAALADANI WAA MID CAD OO RUNTA KA TURJUMAYSA
SABABTOO AH PARLAMANKU WAA GARAB MARAY KII LARAY IN LALA XISAABTAMO TAA BEDELKEENA WAXA AY QAQABSADEEN KUWA AAN WAXBA LAJOOGIN
MARKA HADII LARABO RUNTA KAN DANBIGA KA GALAY DALKA IYO DADKA WAA MADAXWEYNE FAROOLE EE LA XISAABTAMA AMA ADEERAYAALOO ISKA AAMUSA BILAACALEEG
@saacid, baxsan, yaasiin, jaahiliin, caadiifad.com
isku dhoooon kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk funny guys
Dhaanwade waa rageedii kkkkkkkk
Dhalandool baa runta sheeegay alayleheh
Waxaan ka yaabanahay soomalidu waxay dhahdaa
Reer magaalku runta kuma kaftamo
Ileen reer baadiya laga keenay runba lool waan ka helay raxanreeb waa warbaahanin caalami ah runtana alaa idinku jecel
Iyadaas iska sheega beeni raad malehe…..