David Cameron Soomaalida muxuu u sheegayaa oo cusub, 21sano ka dib?!
David Cameron Soomaalida muxuu u sheegayaa oo cusub, 21sano ka dib?!
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
Alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
Jan 29 2012
David maxaan la ogeyn ee uu soo kordhin doonaa 21sano ka dib?, Soomaalida wax muddada intaas la eg la garansiin waayay laba maalmood laguma fahamsiin karo, walina waxaad moodaa inaysan is af garan, hasa ahaatee waxaa jira hal waligiiba shirarka Soomaalida loo qabto aysan arag, hal shay oo la’aantiis aysan taladu wax tar noqonayn, ee aan is weydiinee marka hore David daacad ma ka tahay inuu dadkaan ka danaysto una daneeyo iyaga?…mise..?
Amxaaro, Kikuyu, Jinni madow oo dhan baa laynaga adeejiyay, laakiin sida hadda muuqata waa laynagu aamini waayay inay ina gaarsiiyaan heerka laynoogu talo galay inay ina geeyaan! Waxaan la yaabanaa Ingiriis baa idin damqaday, waxaan si weydiinayay goormuu ka il-baxay in wax la guumaysto? Waase haddi qarnigan lays guumaysan karo ama aan annaga Soomaalida ah nahay kuwa layna mooday, ee dunidu maanta ugu yeerta Doqommada Geeska Afrika!….
Waxaan aqriyay qoraal ilaa sagaal bog ah oo uu soo diray Matt Baugh u qaybsanaha arrimaha Soomaaliya ee dowladda Ingiriiska, waxaan aad ula yaabay qoraalkaas hal meel oo qur ah kagama qorna in la dhamays tirayo si buuxda dhismayaasha hay’adaha dowladda Soomaaliya,iyo in ay ka baxayso Ku-meel-gaarka, qodobbada warqadaas ku qoran ayaa dhammaan si cad waxaa loogaga dheehan karaa in madaxda dowladda aysan xaqiiqada dadka u sheegin marka ay ka hadlayaan arrimaha waxa Beesha Caalamaka loogu yeero ay dalka Soomaaliya ka leeyihiin, lagana yaabo inaysan wax-badan dad-weynaha ku dhaamin.
Warqaddaan ayaa sida ku cad waxaa shirka Ingiriiska lagu qabanayo uu yahay mid lagu xoojinayo go’aannadii Kampala Accord oo sida ay warqadda xusayso xal ka keenay dhibaatooyinkii ka jiray gudaha Soomaaliya, heshiiskii Djibouti ayaa isagana lagu sheegay inuu yahay midka la sii ambo qaadayo, waxaa intaas ka daran oo cadayniya inaan la rabin in dowlad Soomaaliyeed la dhiso oo aan horay loo wadin arrimha Soomaaliya sida warqadda ka muuqata in la xoojiyo guulaha ay gaareen ciidammada AMISOM ee muqdisho ku sugan iyo guulaha ay ciidammada Kenya dhanka Koonfureed ee Soomaaliya ka gaareen…waa arrin lala yaabo macnaha ka dambeeya shirkan waxaana muuqda keliya oo laga fahmi karaa in shirkan uu yahay shir-qool horseedaya Maxmiyad aad u taag daran in Soomaaliya loo rogo ama sida ay tahay lagu maamusho ama si ka liidato lagu hayo ilaa 2015ka oo malaha sida ay qiyaasiyaan waxa beesha caalamka loogu yeero ah xilli aysan noolayn cid wax diida karta oo Soomaali ah.
Waxaa yaab leh waxa shirka noocaan oo kale ah laga doonayo, David Cameron makii uu ku baaqayay shirkan wuxuu sheegay in dowladda ku-meel gaarka ah waxba qaban isla markaasna aysan wax ku ool noqon, hadalkiisa wuxuu u ekaa nin caawinaya ummadda Soomaaliyeed oo doonaya in muddada gaaban ee sanadka ah ee u hartay dowladda ay gaarto is bedel degdeg ah, ama qorshihiisu yahay inuu ka caawiyo dowladda xagga farsammada iyo xayladaha maamulka sida lagu yaqaanay saaxiibka wanaagsan, laakiin hadda wax kale baa soo baxay!.wax kale baa muuqda, mugdiyo fogfog oo aan dhammaad lahayn baa bidhaamaya.farxaddi ay dad badan farxeenna waxay isu bedeshay Qosol Ku-jab.
Marka la fiiriyo qoraalkan oo ah agenda-ha shirka ayaad arkaysaa in qorshuhu yahay sidii wixii ka dambeeya bisha august loo samayn lahaa tuulooyin yaryar oo leh maamulo kala googo’an oo mid kasta leedahay gole baarlamaan oo Itoobiya iyo Kenya hoos yimmada, sida ku cad qoraalkan waxaa muhimadda la siinayaa deeqaha (cid ay baahi tiraan wali ma aanan aragee) iyo dadka wada sidii loo sugi lahaa ammaankooda, waxaa laga hadlayaa la dagaalanka argagixisada, waxaa laga hadlayaa la dagaalanka burcad badeedda, laakiin annaga Soomaali hadaan nahay waxaas oo dhan wax ka weyn baa innaga maqan, magacyo ay bixiyeen dalal dana gaara raba inay ku gaaraan, marka waxaa is weydiin ah shirka muxuu Soomaalida u kordhinayaa?! Jawaabtu waa waxba…
Waxaad moodaa David Cameron inuusan la soo tashan odayaashii arrimahan oo kale waayo aragnimmada u lahaa, waxaa la yaab ah arrimaha lagu sheegay inay noqonayaan agenda-yaasha shirka Soomaalida loo qabanayo hal qodob oo wax ku soo kordhinaya hanaankii qaranimo Soomaaliyeed lagu gaari lahaa kuma jiro, waxaan u malaynayaa David Cameron xisaabtaa ka khaladantay oo sida muuqata si khaldan buu xisaabta isugu jimlaystay, waase haddii ay fahmaan ragga la marti qaaday in xisaabtan ay khaldantahay.
Waxaa qoraalkan lagu sheegay in lagu sii ambo qaadi doono Road map-kii alysku raacay bishii September ee sanadkii 2011-kii macnaha ma aha kii madax-weynaha SHariif Axmed ka aqrinayay shirkii Garowe ee waa midkii horay Soomaalidu u diiday ee maamulka dalka oo dhan gacanta Soomaalida laga wreejinayay, waa kii ay barlamanka ku-meel gaarku laaleen ama ay tuureen October4, 2011, waxaa intaas oo dhan kaaga daran inaan agenda-yaasha shirka meelna looga soo darin hal qodob oo ka mid ah go’aannadii shirkii Garowe ee loogu magac daray Garowe principles, iyadoo waliba ergooyinka Soomaalida ee lagu marti qaaday ay yihiin kuwii shirkaas ku heshiiyay.
David, marka uu sidaas u bareeray, oo uu qaatay ama uu leeyahay waxaan meel marinaynaa Road Map-kii uu barlamanka ku-meel gaarka ah diiday, marka uu Kmapala Accord baan xoojinaynaa, iyo heshiiskii Djibouti, oo uu inkirayo go’aannadii ama Mabaadi’idii Garowe, isla markaasna uu marti qaaday dhinacyadii garowe heshiiskaas ku gaaray, muxuu filayaa? Muxuu ku oranayaa?! Waxaa iyadana meesha ku jirta oo xusid mudan in shirkii IGAD ee hadda (Jan.27,2012) Addis Ababa ku dhammaaday go’aannada ka soo baxay taageero buuxda ayeey IGAD isla garab taageen Growe Principles, marka arrimuhu xaggee bay iska diidanyihiin?….
Run ahaantii shirka uu ku baaqay David Cameron, siyaabo badan oo laga shakin karo buu u qaabaysanyahay, murti weyn oo qodobbada hadda la sheegay inay yihiin agenda-yaasha ka dhex muuqata oo aan ahayn in wixii la soo qabtay la sii burburinayo kama muuqdaan, wuxuu ku leeyahay dowladda waxaan ka gudbinaynaa Transitional (Kala-guurka) waxaana gaarsiinaynaa Interim (Ku-meel Gaarka), waa arrin si weyn uga soo hor jeedda qorshihii ay Soomaalida ku taamaysay ee ahayd inay ka baxdo Ku-meel Gaarka si ay hanto mas’uuliddii dowladnimo oo buuxda.
Dabeecadda shirkana uu ku baaqay ra’iisal wazaaraha dowladda Ingiriiska ayaad is leedahay waa cabsidii iyo tuhunkii ay qabeen dad badan oo wax-garadka Soomaaliyeed ka mid ah oo soo if baxday, waxaadna moodaa in sheekadu taagantahay Nabar La Filaayay Naxdin Ma Leh! Soomaalina loo tilmaami maayo waajibaadkeeda iyo hawsha soo korodhay, shaki kuma jiro inay dadka Soomaaliyeed dhibbanyihiin, nin kastana uu ka faa’idaystay khilaafka iyo is-faham waaga aan dhammaadka lahayn ee u dhaxeeya sidaa aawgeedna uu wuxuu doono kula hadlo.
Waxaa iyadana jira warar soo baxaya oo aan wali la xaqiijin oo sheegaya in muhimadda qarsoon ee shirkan ay ka mid tahay in ergooyinka tegaya shirkan laga soo ansixiyo maxkamad AMISOM ay leedahay oo iyadu buuxinaysa kaalintii maxkamadda sare ee Soomaaliya, si kastaba ha ahaatee, waxay hadda talada xoogeeda u taalaa marti sharafta David Cameron ee iyagoo magaca ummadda Soomaaliyeed huwan lagu marti qaaday shirka London, February23, 2012, Dowladda Federal-ka ku-meel gaarka, Puntland, Somaliland,Ahla sunna wa-al-jamaaca iyo Gal-mudug,
Ragga shirkan laga wacay ayeey tahay inay hadda ka sii fekeraan, wax iska weydiiyaan, arrimaha la soo jeediyay isla sii qadaa-dhigaan inatysan tegin. Waa inay maanka ku hayaan xilka ay maanta hayaan inuusan ahayn xil ay ummadda u dhiibatay sidaa aawgeedna ay ku ixtiraamaan. Waa inay ku talo galaan haddii maant ay xil u soo dhiibaan mas’uuliyiin shisheeye ah inaysan ku naaloon doonin oo berina ay isla iyaga ka qaadi doonaan waliba si fool-xun, gaar ahaan SHiikh SHariif waa inuu maanka ku hayo sharciga uu hadda madax-weynaha ku yahay iyo midka uu xilka uga dhammaanayo august isaga iyo maamulkiisa labadaba inaysan ahayn wax Soomaali wax laga weydiiyay.
Nimanka shirkan lagu marti qaaday waa inaysan rajo been ah is gelin oo aysan dalka u horseedin inuu ku dhaco shir-qoolada lala baadi goobayo (mar hore bayba innagu rideenee) tallaabadaas haday ku guulaystaan ayeey shaki la’aan noqonaysaa mid wax weyn ka bedesha himadda shacabka sababna u noqon karta inuu soo noolaado dareenkii wadaniyadda iyo qaranimo, sidoo kale waxaa waajib inay xasuusnaadaan Mr. David wax cusub inuusan sheegayn laakiin uu egyahay nin raba inuu arrimaha sii murjiyo, waxaana rajaynayaa in dowladaha ay wax innaga dhexeeyaan fehmaan in dadka Soomaaliyeed ay nin kasta kula xisaabtami doonto waxa ay maanta kula dhaqmo..waana dad abaalka guda! …
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan
Alle_yaqaan99@yahoo.co.uk
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM
Axmed-yaasiin Max’ed Sooyaan waa wadani dhab ah qoraalkaan waa kii ugu wanaagsanaa ee ugu fiicnaa intii aan ka ahriyey walaahay waad asiibtay waana mid ay haboon tahay in soomaali oo dhami ay wada akhristaan waliba kua halkaas kusii jeeda waxaan kaa codsanayaa axmadoow in qoraalada wadanimada leh aad umadaan baabasan uso badisid dadkana aad sii baraarujisid nin wax badan og baad iila hadal egtahay.
GREAT ARTCLE I LIKE IT VERY NICE VERY NICE
[...] See the original post: David Cameron Soomaalida muxuu u sheegayaa oo cusub, 21sano ka dib?! [...]
qoruhu waa uu ku mahadsan yahay balse soomaali god ayey isku riday hada dad ku faraxsan madaxweyne maamul qabiileed bal mey raadhsaan sidii soomaali la isugu keeni lahaa marka qoraa wad mahadsan tahay halkas kasii wad qorista wax lagu saxayo
DALKA XAQIIQDII GUMEEYSI AYUU KU JIRAA.. SHARIIF NINKA LA DHAHO NIN FAHMI KARO XITAA MAAHA DABINDAAABYADA AAY WADAAN BEESHA CAALAMKA KUWA ISKU SHEEGA EE DALKEENA SUNTA HALISTA AH KU SHUBO….SOOMAALI WAXAAN UGU BAAQAYAA INEEYSAN SHIRKAAS TAGIN BANAANBAXYO WAA WEYN LAGA SAMEEYO GUUD AHAAN CAALAMKA SIDA LOOGA SOO HOR JEEDO GUMEEYSIGA CAD EE REER GALBEEDKU WADAAN.. MAHADSANIDIIN
Waxaan qabaa inay naan xaq ulahayn in aan ku mashquulo waxa uu rabo INGIRIIS!!! waayo way cadahay waxa uu rabaa waxa uu masuuliyadeeda hayo oo ah danta iyo hormarka iyo nabad galyada dadkiisa iyo dalkiisa. hadaba waxa uu ugu yeerayaa soomaalida waa danta gaarka ah ee uu kalyeeyahay soomaaliya taasoo u danaynaysa maslaxada shacabka iyo dawlada INGIRIISKA. waana wax jira in caalamku isku xiran yahay oo dano kala leeyahay. taa halkaa uuga boqso qof waloow.
Tan labaad waxaa haboon in aan ku mashquulo oo masuuliyiinteenu eegaan maxaynu karabnaa INGIRIIS oo dan u ah shacabka iyo dawlada soomaaliyeed? waa inaan danteena ka fakarnaa ninkale waxa uu rabo isagaa kaa og oo inaga rabo laakiin adigu maxaad rabtaa oo kuu qorshe ah? dawlada itoobiya danteeda way taqaan ay kaleedahay soomaaliya,dawlada kenya danteeda way taqaan ay kaleedahay soomaaliya nin walibana waxa uu u ordayaa danta dalkiisa iyo dadkiisa. away danteenii soomaaliyeed ee aynu kalahayn caalamka?
Halkaan waxaa ka cad in aynaan danba lahayn ah hanaan dawladeed iyo qaranimo sidaa daraa deed macno malaha nin iyo koox yaroo lacago iyo jago iyo waxaa raba taasi aduunyadu uma aragto waxa loo yaqaan dan dal iyo dad markaa intaa laga saaro sow macada in aynaan garanayn dawlad nimo iyo qaranimo oo ismaamuliba karin?waayo dawladaa fikirkaan inaga qaatay.
Waxaa haboon in aynu marwalba dhexdeena is xalino inagaa isdiidan oo aan rabin dawladnimada iyo qaran jira inaan ahaano arintaan aan wax kabadalo oo isu aqli celino oo isu tanaasulo oo xal raadino dhexdeena ah waxaan khalad ka fahanay wadamada shisheeye waayo waxaan doonaynaa inay wax walba inoo dhisaan oo inoo shaqeeyaan laakiin caalamka sidaa diyaar uma aha dalwaliba isagaa shacab ahaan iyo dawlo ahaan ka shaqaysta dalkiisa caalamkuna wixii ay is dhaafsan karaan oo dano saaxiibtinimo ah waa uula diyaar oo labada dhanba danbaa uugu jirta xiriirkaas. laakiin aduunku ha ii shaqeeyo qoryaha hayga dhigo guryhii aan iska gubay ha ii dhiso qabiilkaa idiidan ha isoo qabqabto suuro galmaha caalamkana xaq uuguma lihin iyaguna diyaar uma aha doqonimadaas.
Dalka soomaalibaa leh aduunkuna iyaguu eegayaa inay dalkooda bad baadsadaan wixii la tari karo oo suuro gal ah wakaa la caawinayo laakiin nina ma wadi karo nin aan hore usocon oo aan rabin dawladnimo iyo wax u dhaw toona.hadana nidaam cusub baynu bilawnay oo layiraahdo kudayo oo ah in beel waliba sanaawi utagto sidii beelihii bilaabay oo kale oo lasoo caleemo saaro oo ay yeeshaan dawlad gaara marka hada waa jifo walbaa hala timaado madaxweynaheeda ama gobo walba iyo dagma walba iyo tuulo walba hada sidan baa socota waa lawada ficiltamayaa oo la xintamayaa maa daama ay arintuba tahay sanaawi utag kuna dhawaaq dawladaada!!!
markay tuulo walbaa yeelato madaxweeynaheeda kadib aan eegno in loo baahan yahay dawladnimo inaga wada dhaxaysa iyo inkale laakiin shardi nin walbaa halayimaado madaxwaynihiisa markaa umad sidan ufakaraysa ayaynu nahay dib aynu isu eegno waxay aynu nahay.hadaynaan is rabin shisheeye iskama garan karo iskama celinkaro waxba lama qaybsan karo.
Halkay manta jogto somalidu gumaysi aya dhaama
Waa maqaal xaqiiqda ku salaysay. Shaqo wanaagsan sidii caadada aheyd Raxanreeb.
Markaan usoo laabto su’aasha cinwaanka maqaalkan ka qoran. Waxaan kaga jawaabayaa waar England waa ta halka aynu maanta joogno ina dhigtay, waata land land ta dalku ukala jajabay inooga tagatay dhaxalkiisa, waatii markaynu aaminay ina wanjashay, markaa UK wax wanaagsan kama soo socdaan Waa in Soomaalida dalkooda jeceli aad uga feejig naadaan mu’aamaraadka ay gumeystaha cusubi inala maagan yihiin.
wabilahi towfiiq
Waxaan aad ugu mahad celinayaa ahmed Alle yaqaan oo ah muwaadin dhab ah, runtii wuu noo iftiinshay wax badan oo naga daahnaa waxaana aad u xiiseeyaa maqaalladiisa mahadsanid.
waad mahdsantahay waana ku salaamay waxaana leeyahay fikirkaaga siiwad ,waxaana kaa codsanayaa dhamaan meediyada soomaaliyad arimaha baraarujinta dadkeena in laga shaqeeyo oo dadka tooshka dhexdooda isku ifinayaan iyo dilka in laga jeediyo oo tooshka loogu ifiyo hagardaamada iyo dhibaatada iyo ciribtirka magaca soomaaliyeed lala damacsanyahay . waxaana hubaa boqolkiiba boql dadka sooliyeed haddaysan wax fahmin in boqolka sanoo soosocota dalkooda laqaadanayo am dadka laga tirada badan yahay dalkeeda aakhirkii ku noqonaysaa ,waayo waxay u dhammaanayaana waa dawlad la aan kadhalata oo aay horseed kayihiin wadamo aan rabin soomaali dawladdeed1- cudur 2-tahriib 3-wax qurbaha ku baaba 4-,xabad 5,waali ,6 masiibooyinka dabeecigaa oo dawlad la aanta darteed u baa ba yaan dad iyo duunyo, 7,gaajo,8-iyo raashinka sumeesan iyo daawada suntaa am dhacday ,iwm, haddaba soomaalaay laguu tashaye tasho
ninka libaax isku magacaabay meel dhaw baad wax ka fiirinaysaaye ma is weediisay . 1,sababta adduunku ciidamadeenii qaranka usoocelin la yahay oo 20,000 kun oo tababarar fiican qalab fiican iyo mushaaraad haysata la inagu diidan yahay waayo ayagaa shabaab iyo cid kasta ka adkaan lahaa ee waan larabin in soomaaliya soonoqoto qarankeedii ,2,maxaan kaga badalan nahay ciraaq . iyo afgaanistaan iyo liibiya oo u dambeesay waa dawlado lataageeray oo meel walba kadhisan oo aan xiitaa ahayn kumeelgaar maxaa soomaali lugta loogu xiray kumeelgeer aan dhamaan, oo isbaaro
ah adduunku inuusan kuu arag dawlad dhameestiran marka soomaaliya dhibaatada lagu hayo midda aay isku hayso waa wax kala fog oo waxaa badan midda lagu hayo illaahay hatuso baan lrryahay
To ahmedpunt diyaar baan u ahay inaan kajawaabo suaalaha culus oo aad la dheel dheeliday fahankooda waana gartaayoo arimaha dalkeena marka laga hadlayo waa arimo adag in si dhab ah loo fahmo badanaa. suaasha ah 1. waa maxay sababta aduunku ciidamadeenii qaranka usoocelin layahay oo 20.000 kun oo tababar fiican qalab fiican iyo mushaad haysata laynoogu diidanyahay?
2.maxaan kaga badalanahay ciraaq iyo afgaanistaan iyo liibiya maadaama iyaga lataageeray oo aysan xitaa ahayn kumeel gaar hadaba maxaa soomali loogu lugxiray kumeel gaar?
Adeer waxaan ku doodayay in dhibta jirtaa dalkeena ay tahay inagoon israbin tanoo aad u aragtay in aan meel dhaw wax ka arko. waxaad ku doodaysaa in dhibtu tahay shisheeyaha inaguna aynu nahay ceebkasaliin masaakiin ah oo gaalo ku cayaarayso iyo shisheeye.
Hadaba waa suura gal inaad iga saxan tahay laakiin way igu adkaatay in aan sifudud u aamino in dhibta aan dalkeena kawadno cidkale dusha kasaaro.waxaan sheegay in aduunku dano kala leeyahay waxan sheegay in INGIRIIS danta dalkiiisa iyo dadkiisa ka fakarayo iyo waxa u fiican.hadaan ka jawaabo suaalahaagii korkuxusan.
1.Aduunka wax gaara ood u dhiibatay horta majirto ciidamadaada qaran in aad soo ceshatana waa mid umada soomaaliya ama dalka soomaaliya utaala markaa aduun kuma eedaynkartid.tusaale hadii hada waad ogtahayoo 22 sanadood baa dalkeena ka jiraa dagaalo sokeeye magacaad doonto ubixiye hadii qolo hublasiiyo waxaa cad jifadii kalay ku baa bi inayaan oo hubkii waysku gumaadayaan maadama aysan dawlad nimo rabin soomaali cidee hub loo dhiibaa!!!?
Miyaadan ogeeyn ciidamada hada jooga iyo kuwii hore intuba inay ahaayeen beelo kala jooga aad ugu fiirso waa beelo maha ciidan qaran oo isku dhexjira markaa hub laguma aaminikaro beel gaara.majiraan ciidamo gobolada dalka oo dhan laga soo qoray wuxu waa reero isu wada ciil qaba oo isdilaya iyo mooryaan.marka soomaali mala ga arkay hanaan dawladeed iyo inay diyaar uyihiin in siwada jira dalkooda u xasiliyaan oo dadkooda lahadlaan amaankana sugaan.
Ciidamada mogdisho lakeenay waxa loogu talagalay inay ilaaliyaan danaha reer galbeedka oo dantooday wataan madama aadan soomali ahaan rabin dawlad ee aad qabiil iyo jaahilnimo kaa buuxdo oo aadan fahmayn macnaha dawlad nimada laguma aaminikaro meeshiina cadaw reer galbeed baa ka dilaacay way iska qanayaan ee dan kamalha dawlad nimadaada taa aday kuu taalaa adaa dalka iska leh malha aduunku ha khaldamin.
2.Ciraaq iyo afgaanistaan iyo liibiya waan kabadalanay waayo iyagu siyaaso ayay isku qabteen inagu waa qabiil waayo iyagu mar ciraaq loo soo bandhigay inay ku qaybsadaan hab beel maamulka madaama ay kala yihiin waliba ciraaq suni ah shiico iiran ah kurdi waxay ku jawaabeen waligeed lama arag intay ciraaq jirtay beelo wax inoogu qaybiya xukun ah!!! nidaam la ga aqoon sanyahay ciraaqba maha raariikh ahaan waa fahanay bay dheheen boqor,hanti wadaag,kaligii taliye,dimiqraadi,diinta islaamka oo laysku xukumo,laakiin qabiil waaba yaab ayay dhaheen gaaladii waa iska tageen. laakiin soomaaliya eeg ceebta taala inaysan dawlad macnaheedaba garan karin waxay fahmayaan kani waa reer hebal kana waa jifadaas kanaa habeen ixiga ismana rabaan marka sidaas ayaan uuga duwanahay dalaalkaas.
Kumeelgaar aduunku inagama dhigin waa wax iska cad oo jira waayo hada hadii tusaale la yiraahdo dawladan hada jirta waa dawlad rasmi ah maxay damaanad qaadi kartaa kadawlad ahaan oo ay qabankartaa? ugu horayn shacabka soomaaliyeed marabaan,xafadaha mogdisho kama taliso dhab ahaan oo ajanabiga dantiisa wataa jooga oo ay ku hoos gabanayaan,shariifka madax waynaha sheeganayaa matagi karo guri mogdisho ku yaala hadaan ajanabigu raacin.masuuliyad dawladeed miyaynu qaadi karaa maadaama aynaan israbin markaa in aan kumeel gaar ahaano waa sax intaynu ka aqbalayno inaynu dhisano dawlad oo ah shacab is ogol.
Laakiin hadaad leedahay maa nala hubeeyo oo shacabka nalala qabqabto oo wax kasta naloo dhiso oo dawlad nalaga dhigo amaysan aduunyadu sidaa u shaqaynin baan isleeyahay.aduunka waxaa ka dhexeeya dano hadaad wax qabsato wixiikaa dhiman waa lagu saacidayaa laakin wiilashayda isbaarada utaalo ma ceshan karo qabiilooyinkii isuma keeni karo wax walba halay qabto waa dhibaato cidina inaga yeelimayso sidaas ayay ilatahay.
All somali. Are. Crazy. Idiot. And. Danger. Ninka soomaaliga ah hadaan idiin qeexo. Waa doqon waalan. Khatarna ku ah naftiisa iyo. Nafaha. Kale. Somali. Man. Uncivilised and. Harmful Qofkasta Somali ah mahaa. Ilbax. AMA. Xadaari. Waana dad. Iyagu. Is dhaawaca AMA is. Dila. That is my view. Waxaan filayaa. In bulshada caalamku isku raacdey madow iyo cadaan. Gaalo iyo Muslim Bye bye maryooley
Halkaan igala soo xiriir hadaad rabtaan macluumaad fara badan. Suufi121@yahoo.com. Talo iyo tusaale. Xaga. Bulshada ah
Libaax hadalka uu yiri wuu ku saxsan yahay, waana mid dhammeystiraya qoraalka uu qorey Axmed-Yaasiin. Iima muuqato sabab Libaax loo yiraahdo wax ma uusan fahmin. Qoraalka waxa uu ifiyay hagardaamada shisheeyaha–oo ah arrin ka dhalatay isnaceybka Soomalida (effect). Libaaxna waxa uu isha ku ifiyay hagardaamada sokeeye–oo ah sababka dhaliyay hagardaamada shisheeye (cause). Haddii hadalkan Libaax loo bandhigo Quraanka iyo Xadiiska, waxa soo baxeysa in Rasuulku c.s.w. uu inooga digay in aynu dhexdeenna iscolaadino oo kala tafaraaruqno si aysan gaalo noo dulleysan….tiina dhacday, oo Soomaali xumaan iyo gef way isku sameysay.
Marka qoraalka meesha uu u socdo, iyo hadalka Libaax meesha uu u socdo isma diidana, ee way isdhameystirayaan.
Soomaaliya ha noolaato!
asc ww—- RR iyo dhamaan akhyaarta . walaalahayga fikarka qoraaga ahmed yaasiin diidan waxaan leeyahay horta marka hore ha umaleen qabiil inaan fikirkiisa kuraacay mana aqaan wallaahi laakin runtii waxa uu sheegay waa wada saxa , waayo soomaali dhibaatadeedu ma billaaban 21 sano soomaaliya qorsha lagu baa bi inayo waxay si fiican u billaamatay xoogeedii xilligii dagaalada 1977 ,ayadoo soomaaliya looballan qaaday haddii aay kuguulaystaan dagaalka in lasiinayo sharad fiican dagaalkiina markii dawladdii soomaaliya aay ku guulaysta oo la arkay inay dhiiqoodeen ujeedkii laga lahaa laga gaaray waxaa lasiiyay baabuurta tii emka layiraado oo hadda walli aay wax kayaaliin ,halkaasna waxaa ku baa ba ay qarankii soomaaiyeed oo xooga badnaa ,hubkii dawladdana waxuu gacanta ugalay jabhado dawladdu hubaysay waqtiigaas waxii kadambeeyay waddanku waxuu galay inuu dib u laabto ,millatari ahaan ,dhaqaalo ahaan ,dhankasta waddankii waxuu noqday sidii loogu tala galay ,waxaa kaloo jirta golihii sare ee kacaanka waxuu kudhawaaqay in sanadku markuu yahay 1980 uu waddanku isku fillaansho gaarayo ,arintaas baana wadmo badanoo caalamka kayaabisay waddan yaroo kacaankiisu uu dhisnaa waxaan dhameen toban sano oo xawliga horumarkaas leh gaaray dhan waba , markaas wadamadii aan rabin soomaaliya inay jirto waxay geed dheer iyo mid gaaban u fuuleen inay kahortagaan quwaddaas xooga kusocota ,waxxaa islawqti yar oo kubeegan 1985 ku billoowaday sicirbarar iyo waddamo qaniya oo usootafaxaytay qiima ridka shillinkeenii waxxana bangiyadeenii lakeenay lacago faro badan oo deena oo doolara oo hay adda lacagta adduunku ku qiima ridday shillinkeenii halkaana waxuu noqday mid aan waxba gooyn waxaana taasu dhalisay sabool badan iyo shaqa la aan baahsan oo dadkii isku badaleen inay bangiyadii dhacaan waxaana qarankii soomaaliyeed ku dhacay mid aan waxba gacantiisu ku jirin oo dadkiisii aay isubadaleen jabhado mucaarada jabhadahaas dhammaantood meelaha lagu sameeyay waa meelo afrika kabaxsan dhammaantood waxaana dadkii mucaaradka noqday iyagoo hadaf iyo ujeeda fiican lahayn gacanta u galeen dawladdii amxaarada oo iyadu lahayd xoogii socodsiinaayay mucaaradkaa axmaqa soomaali isku sheegaa laakin dhaqaalaha iyo maskaxda waddamo qaniya baa lahaa arrinta kale markii hadafkii iyo ujeedkii burburinta soomaaliya lagaaray oo ahayd 1991 wadamadii dhibaatada soomaaliya u maleegayay ankee maku fakarin bal inay bani aadan nimada wax un hambeeyaan , mahanbeen oo dad cawaana oo hubeesan wax waddaninimo iyo soomaalinimo lahayn beey kusoosiidaayeen caasimaddii soomaaliyeed oo mudada 30 sanadood oo waqtigaasa waxii la askumaayay bay baa ba sheen oo cagta mariyeen wax allaale waxii aasaas u ahaa dawlad qarana waxayna labililaqaystay dukumeentigii sirta dawladda soomaaliyeed ,taalooyinkii taariikhgaahaa hubkii dawladda oo shacab gacanta usiigalay iyo umulo doox dhacay ,iwm,haddaba 21 sano oo sidaas wax usiibaaba ayeen aaway wadamadii xooga badnaa oo ahaa kuwa maanta shirinaaya ,waxay ahayd haddii aay bal wax un bani aadan nimada u hambeenayaan jabhaddii caqliga dareed ee, usc, in wadamadii dhaqaalaha iyo maskaxda ku bixiyay inay amraan oo aay yiraahdaan caasimadda hagalina markaasna siyaad bare aay kasaaraan oo siiyaan magan galyo ,iwm,haddaba maahan wax qoraal yar lagu sookoobi karo hagar daamadii ama dumintii qarankii soomaaliyaad ,inkastoo waqtigaas aan yaraa oo aan ahaa arday dhigta dugsigac dhexe ee jamaal cabdi naasir haddana waxaa waajiba qofka soomaaligaa inuu taarikhda waddankiisa uu lasocdo .maxaa talaa haddaba 1-ilaahay kacabso 2-iska dhaaf nin jeclaasiga iyo qabiilka 3-qofkasta oo soomaaliya hataageero dawladdaa hadda dhisan wax kasta ahaato illaa qarankeenii uu soonoqdo oo cadwguna fashilmo 4-wadamada dariska sida itoobiya iyo keenya waa in lala hishiiyaa waayo ayagoo laguu adeegsaday oo ku dilay ayagaana marlabaad cagahaaga dawladnimo ku imaankartaa oo dhaba ,5- waa inaan noqonaa dad muwaadina oo jecel waddankooda dhibkana kasaarnaa 6-waa inaan musuqmaasuqa ladagaalanaa oo qofka wax xada gacanta laga jaraa illaa musuqmaasuqu laga ciribtiraayo waayo musuqmaasuq waa qaran dumis 7- si adag taageer dawladdaada lanashaqee muruq iyo maskax 8-ladagaalan shabaab ,ladagaalan raashinka dhacay iyo daawada suntaa oo waddankaaga soogalaysa waayo waxay kadaran tahay xabbadda ,iwm,iwm ,iwm,——————–
wabillaahi toowfiiq-allaan wakiishay, tubta toosan
waa si wanaagsan ee waxba yaynan imimka ka calaacalin hadii horeba wax looga qaban waayay baaba’a soomaaliyeed, haadaana soamali way ku daysay hadiii maalintii la fahmi waayay waxanay ugu yeereen maamul goboleedyo ee lagu daray dastuurka,,, waxaan ka wadaa maalintaa iyadoo dhibaatooyinka kale fara badnaayeen ayaaa taasina inoogu sii darsantay, waayo waxa la ogyay in somali qabiil aanay ka bixin kana bixi doonin, waataa maanta qabil kastaa sheeganayo dawlad iyo mamul goboleed…. markaa waxan leeyay somali ka quus qaata iyadu haysdhamayso, hays cunto yaanay midh iska reebin,markaas goortay baraarugto haloo wada joogo.. wa bilaahi tawfiiq….