Dawladda Puntland oo Dilkii AUN Xildhibaan Bile Maxamuud Ku Eedeysay Duqii Hore ee Degmada Calluula [Sawirro +Codad]

Facebook Recommendations

Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin
Share

Wasiirka amniga iyo DDR-ta Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan

Boosaaso[RBC Radio] Dawladda Puntland oo ka hadashay maanta dilkii loo geystay AUN Xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf  ayaa ku eedeysay in uu ka danbeeyey Guddoomiyihii hore ee degmada Calluula Xareed Ciise Cumar iyo koox uu watay oo jidka u galay sida ay sheegtay.

Wasiirka amniga iyo DDR-ta Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan oo Shir Jaraa’id ku qabtay maanta Xarunta gobolka Bari ayaa sheegay in Dawlad ahaan marka hore ay aad uga xun yihiin dilka loo geystay Xildhibaanka ugana tacsiyeynayaan eheladii  iyo asxaabtii uu ka baxay inraba.

Shirka Jaraa’id ee Wasiirka amniga ayaa waxaa ku weheliyey Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Puntland Eng. Maxamuud Xaaji Saalax,Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan,Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Bari Cismaan Cawke Afdalow iyo Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Puntland Muxiyadiin Axmed Muuse.

Halkaan hoose ka dhagayso Shirka Jaraa’id ee Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland Col.Khaliif Ciise Mudan

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Puntland Eng.Maxauud iyo Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Bari Afdalow

Col.Khaliif  Ciise Mudan ayaa sheegay in dilka Xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf uu ka danbeeyey nin uu yiri waa Xareed waana Guddoomiyihii hore ee degmada Calluula Xareed Ciise Cumar iyo koox burcad ah uu watay waa sida uu sheegaye.

Sidoo kale waxa u tilmaamay Mudane Khaliif in AUN Xildhibaanku u socday shaqo qaran oo deegaanka ah balse ay Jidka u galeen koox u ku sheegay in ay yihiin burcad madax u yahay Xareed Ciise Cumar.

…..”Waxaan shirjaan Jaraa’id u qabanay  geeridii ku timid Xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf  AUN oo shalay ay burcad ku dishay meel ka sokeysa magaalada Baargaal ,Xildhibaanku wuxuu u socday shaqo qaran inuu degmada deegaanka soo shiso oo u naga hormaro si loo abaabulo Odayaasha,ganacsatada iyo dadka meesha degan ,hawshaas isaga oo u socda ayaa burcadaas waxay u gashay Jidka oo u madax u yahay nin la yiraahdo Xareed oo halkaas burcadnimo ku jooga taasna waxay keentay in xabo ku furaan intay ambush u galaan  meeshiina uu ku geero=iyoodo marxuumkii Xildhibaan Bile ,waxaanu Ilaahay uga baryeynaa in janada ka waraabiyo danbigiisana dhaafo ,eheladiisana waxaan u rajeyneynaa samir iyo Iimaan …..”ayuu yiri Col.Khaliif Ciise Mudan.

Wasiirka ayaa xusay in ay u diri doonaan deegaanka dhibku ka dhacay ee Baargaal Ciidamo ka socda Dawladda Puntland oo gacanta kusoo dhiga kooxihii ka danbeeyey dilkia AUN Xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf.

….”Dawladu hada talaabo wey qaaday abaabulna wey wadaa,talaabo adag oo lagu soo qabanayo  cidii falkaas geysatay ,waxaana loo dirayaa Ciidan…”ayuu yiri Col.Khaliif.

Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Puntland Muxiyadiin Axmed Muuse

Dhanka kale Madaxweyne Kuxigeenka Dawladda Puntland ahna Kusimaha Madaxweyne Faroole Cabdisamad Cali Shire ayaa isna dhankiisa sheegay in la garanayo dadkii ka danbeeyey dilka AUN Xildhibaanka uuna ka danbeeyo Xareed Ciise Cumar goor dhowna la hor keeni doono cadaalada.

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan

Hadaba waa Kuma ninka lagu eedeyey dilka AUN Xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf?

Xareed Ciise Cumar ayaa ah Siyaas kasoo jeeda deegaanka Baargaal,waxaana uu mudoo ka tirsanaa Dawladda Puntland isagoo Guddoomiye kasoo noqday degmada Calluula ee gobolka Bari.

Muddo markii uu ahaa ayaa laga qaaday xilka,waxaana isaga oo masjid ku tukanaya gudaha magaalada Boosaaso loo taxaabay Xabsiga weyn ee Gaalshiraha Boosaaso isagoo lagu soo  eedeeyey in uu yahay qaran dumis.

Waraysi uu siiyey Warbaahinta xili laga soo daayey Xabsiga Gaalshiraha ayuu sheegay in eeda ugu weyneyd ee lagu haystay ay ahayd in Jeexay wadadii lagu dhisay maamulka ilaa hadda lagu muransan yahay ee Casayrland,waxaana damiin kusii daayey Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Puntland Eng. Maxamuud Xaaji Saalax.

Si kastaba lama oga talaabada xigta ee ay Dawladda Puntland qaadeyso walow ay ka dhawaajisay in Ciidamo u dirayso deegaankaas ay shaqaaqadu ka dhacday ee Baargaal.

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Wararka Boosaaso
turrabi20@gmail.com

Share

16 Responses for “Dawladda Puntland oo Dilkii AUN Xildhibaan Bile Maxamuud Ku Eedeysay Duqii Hore ee Degmada Calluula [Sawirro +Codad]”

  1. abdi says:

    dowlada buuntland aad iyo aad ayeey u dayacday degmooyinka iyo tuulooyinka dhaca dhul xeebeedka .
    waxay ila tahay meeshaas in ciidan joogta ah la geeyo si ay san u dhicin jiriga in ay dadka iska dilaan .

  2. [...] More: Dawladda Puntland oo Dilkii AUN Xildhibaan Bile Maxamuud Ku Eedeysay Duqii Hore ee Degmada Calluula … [...]

  3. Raas casyrlander says:

    asc ad ban ua xuhumaya dilka k yimid xildhibaan bile ilahay ha u naxariisto sabir iyo iiman allah ka siiyo laakinse dilkaas waxa ka danbeeyay faroole iyo koxda u horbooooda waayo deeganas waxa ka jira mamlka madax banaan pintland waxa ka jiraa raasasayr land waxa madax u ah mudane farax dooxa joog mar aniga waxaey ila tahay fidmad kasocto in pintland dabada k wadao oo ay rabto qalalse siyasadeed dagal sokeeyo oo ay usku dhacan beesha suwaaqroon hadey san sidaas rabin mxey ugu oo direysaa deegaanks uu ka arimiyo raascasayr miyeeysan fidno iyo isku qabiil in ay wado oo dadka isku baabaan waxan u shegaya faroole in fara kala bxo deegamadas waayo cidan uma joogo dad taageersan um joogan hadey puntland ciidamo baan u direyna waa dagal bilow mar hadey dagal bilaabmatana shidaal la qodo majireyso wadan wa isku holcaya waxan ku talin laha pintland fidmad ay kula wareegeyso rascsayr halakala baxdo dadkas waa tashadeen

  4. Warbal ega doqonkan qodhin iyo xeradin war ma waxad ku botenaysa rascarerland war xishod midna ha ilobin ;;;;raali kama ahan mamulkad ka hadlayso sxb dadnimo iyo damir hadad ledahay hakala jarin mandiqiyada puntland hana kala fogen qadiyada iyo midnimad dadka walalaha anigu rer bari ma aha waxan ahay wiil rer mudug balse ayan darada u katalinayo ina faarax doxjo bana ogalen .geesi mudug

  5. Puntlander says:

    Alaha u naxariisto xildhibaanka, waxaana rajeeynayaa Ina Dooxajoog iyo qowleysatadiisa ee abuuray dhibkaan aan horay looga aqoon dhulka Bari, in maxkamad lagu soo taago, mudankiisana la mariyo.
    Puntland marna looma kala qeybin karo xaafad xaafad, nimanka Xamar laga soo hubeeyay ee raba ineey arintaas ku kala qeybiyaan umadan wada dhalatayna waxaan ka codsanayaa inta Puntlanderka saxa ah ineey af iyo adinba uga hor tagaan.
    Tuugada aan waligood arag dhulkaas ama qabiilo kaloo koonfurta degan ka soo jeeda, hanada magaca “Raascasayr” meelaha la taagtaagan waxaan kula talinayaa ineey dantooda ka raacdaan iskana ilaawaan riyada raqiiska ah.

  6. baaruud says:

    kkkkk soo joog ninkii laga waayaa soo jiifo laga helaa kumana aydan waana qaadan falalkii horay uga dhacay deegaamada buntuland ee qaarijiska ahaa kkkkkk magacaad doonto la bax waa kugu bilaabmatay adna waa markaaga in badan baad na daawanaysay bal dhadhami macaanka dilalalka odayaasha ama wax garadka haduu khayr leeyahay

  7. somali says:

    Alaha u Naxariisyo xildhibaanka waana qalad in nin dagaankiisa u socdo loo dilo wuxuu asagu aamin yahay waaba hadii sida la sheegay loo dilay. Mida kale dhibta somaliya taal waxey tahay koos waliba dhul ayey qaab uun u oodatay waxeyna la soo taagan tahay midnimadiisa waa muqadis ||| bal eego Somaliland waxey ku taagan tahay midnimadeedu waa muqadis iyadoo la soo taagan Somaliya waan ka gonay |||| puntland iyaduna waxeey la soo taagan tahay midnimada Puntland waa muqadis hadii xitaa beelihii wada dhisay maanta qaarkood dagaanadooda maamulo kale u sameysteen waana dhibka taagan oo dagaalo hor leh dhalin doona hadii aanan qabiil waliba loo deyn dagaankiisa iyo aayo ka talintiisa inta dowlad dhaxe laga helayo oo somaliya oo dhan hanata.bal muxuu rascaseerland ciidan ugu dirayaa oo maamulkaas ugu duulayaa?

  8. nora says:

    Deganadaas Bariga Fog waxa la oran jiray gaariwaa. Hadana Dad Degaano kale ka soo Jeedah baa Shido iyo dhib ku haya xataa Dadka Degaanka Asal ahaan ka soo Jeedah Hadii Dhaqan koodi iyo Qaabki loo Wada noolaan Jirray ay khilaafsan yihiin Dhibato ayaa ka imanaysa Amuur aan loo Dhamayn hadii ay Faraha la Galaan. Beeshan ;;;;Aamuuraha Qaarkood Dhaqan Uma ayan lahaan Jirin ee waa loo soo Safriyey Mudane Dooxa joog Damcisa Siyasadeed waxay Ilatahay in u Marin hababay

  9. waraabe cade says:

    Bal ma la is weydiiyay, Bile Wuxuu ahaa<
    waa xildhibaan, waa maxay shaqada xildhibaan
    waa xeer dejin.
    Bile maxildhibaan baargaal baa?
    Bile mawasaarada arimaha gudaha ayuu u shaqeeyaa, ma Boolis baa, masirdoon baa?
    waxaa kale oo su'aal iga ah, maxaa Raas casayr looga hadlaa, dagaalka loogu qaadaa?
    nin la raran jiray baa raba in uu rarka iska tuuro, fadlan jawaab i siiya waxaan ahay in aan degaankaa wax ka aqoon, waxaanse la socdaa waxa laga qorayo, waxaan ururiyay macluumaadka Ninka la yiraahdo dooxajoog, waxaan raadiyey ilaa jaamacadi Gahaur, inti uu dalka joogay iyo inti uu dibada jiray, waxaa ii soo baxay in uu yahay"WADANI, AQOON YAHAN, SIYAASI, DAACAD, HORUMAR JECEL"" bal warkiisa i siiya. hadaanu nahay reer Godey" Qof Been kama sheegno, waxanuu ahayna kuma dhaleeceyno ama kuma amaano" waa cajaaib

  10. jiija says:

    ILLAAHAH ha u naxariisto xildhibaankan gacanta ka xaq darani dishay
    puntland waa inay samaysaa dadaal ay ku soo qabanyso dadka dhibaatada
    ka wada gudha wadanka mar walba maaha in xil dhibaano culimo iyo wax tarkii bulshada la dilo aan
    la soo qaban cidii fal dembiyeedka geysatay ciday doonto ha noqotee ama shabaab ama ciday soo dirtoba ha islaa shaqeeyaan dawlada iyo shacabku wayo dalad keliya waxba maqaban karto
    reer puntland gurigiina ilaashada yaan nin la soo diray uusan dab idinka gelin

  11. wiil bari says:

    WARAABE CADE adeer dooxa joog haduu mu waadin yahay intuu wasiir ka ahaa puntland ama qurbaha jogay
    maxuu u qabtay caluula
    maxuu u qabtay barkaal
    maxuu u qabtay xaabo
    wax uun ii sheeg waa is naqaan anaa kasoo jeda g/bari
    dooxa joog sow ma ahan ninka khiyaanada waday ilaa uu c/laahi yusuf dalka ka baaciyay oo usheeqay qabiilka uu kaso jeedo dooxa joog inay qabsadaan oo waxuu wado joojiyo puntland oo is raacsan ayuu xumaan iyo qabiil waday dooxo joog nin yaqaan ayaa yaay
    waxuu qabtay iisheeg ama ceel biyo ama school ama isbitaan ama habar uu meel kasoo qaday ama qof maskiiin ah oo wax siyay oo barkaal ku nool ama caluula
    tan kale walee qabiilka uu kasoo jedo farax dooxa joog bali ayaa wadada
    oo galgala sida loo kalay waa u jedaa caayaar ayaa aqoon

    ciidanka puntland dhaaar ayay ku mareen inay soo qabanayaan duqii hore caluula iyo farax dooxa joog oo maxkamad dagaal lasarayo ee boowe maxaa u qaban markii gen SICIID DHERE iyo khaliif cise madan ay cauula tagaan oo soo qabtaan oo ay basso ku dilaan maxaaa u qaban walee 2nin meshay ku danbeeyaan ayaa arag
    tan kale maadhow xildhibaanka caluula iyo barkaal ma aadi karo miyaa yaa u diday sow ma dagana kamaso jedo waleee howshii siciid atam ayaa rag badan ku dhacaya inay dameer ku baxsadaan lkn farax dooxa joog saximad ama laash ayuu ku baxsan ama waa lasoo qaban insha alh

  12. galkacyo says:

    Alaha u Naxariisyo xildhibaanka danbigiisana ha dhaafo lakin ina mudan ma ahayn inuu ka hadlo wayo asagaba danbiile ah waxa la rabay dadka sharafta ku dhex leh puntland ee shacabka puntland jecel yahay inay ka hadlaan balse ma ahayn qowlaysata ilma faroole inay ka hadlaan howshaan allow u naxariiso marxuumka amin amiin

  13. Raas casayr citizens says:

    Alaha u naxariisto marxuumka,waxa dilay waa Faroola oo diiday inuu codsiga dadwaynaha ku nool raas casayr dhagaysto oo wax ka qabto dhibaataday ka sheegteen mamulkiisa.
    Mida kale ragan aad leedahay waxaa la yiraahdaa Khaliif iyo saciid miyayan iyagu xabada dilin,mise qoryaha ay wataan unbaa wax dila.waa wanaagsanaan lahayd iyagoo futo iyo caloola wayn in ay Caluula yimaadaan dadwayne dhulkoodii joogo oo diidan tuuganimadooda iyo beynta ay media ha ka sii daynayaan.
    Aloow faan badanaa ninka isku sheegay wiil bari,waxaan shaki ku jirin inuun yahay ….ku baryo tago ama ku shaxaad doonto.KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK waa la is fahmay beeni run noqon wayday!!

  14. ciidyare says:

    asc/ walaalayaal waan idin salaamay dhamaan somali wayn waxaan leeyahay xildhimaanka alaha unaxariisto samir iyo iiman alaha nagasiiyo amiin tan labaad waxaan rabaa in aan kahadlo tan dadka halkaan kadhiibanaya fikirka waxaan leyahay sxb yaal waa lagatagay qabiil iyo kusoo nooshadiisa dunidu waxay maanta kahadlaysaa se wax ubaranaa se wax uqabsanaa laakiin idinku waxaa kuso laabanaysaan qabiil war hedhe dadka puntland waa dad walaalo ah o aan kala tagayn ama hamagacaaben maamul ama hahaysteen puntland, biyo mel godan ayay isugu yimaadan e waxaan leyahay halaga waan tobo cadiifada e hala eego horumarka dadka puntland iyo somaliwayn ba tan qabashada dan biilaha waxaa nafaraysaa diintena in laqabto gacan kudhiiglaha cidkasta hanoqde hadu dilo naf ala aburtay taasna waxaa iska leh masuliyadeeda waxii wax garada sida dowlada iyo odayaasha isimada iyoculumada marka taas dad ayay utaalaaye halodaayo howshooda nin walba mel bu leyahaye meshiisa haku aado taasna wa iga dar daaran shacabka puntland iyo somaliwayn midnimadoda waa muqadhis waxii dhintayna waxay dhimanayaan waqtigodo odhaafimayaan e alaha unaxariisto ee waxay tahay muhiimada waxii nol halabadbaadiyo fidnadana halagadheraado waayo fidnawadayaasha ala majecla e halaga waantobo wabilaahi towfiiq

  15. sayid says:

    waa nasiib daro somalida ku habsatay hadba mid afar jeeble ah ayaa shidaal ku soo shubta oo jago doon ah war danaystaha ka daba hara war dantiina garta .

Leave a Reply

test

d

test