Dawladda Puntland oo Wax Kama Jiraan Ku Tilmaantay Goole Degmo oo Ufeyn Loo Sameeyey [Warsaxaafadeed+Cod]
Boosaaso [RBC Radio] Wasaaradda Arrimaha Gudaha, D/hoose iyo Horumarinta reer miyiga ayaa maanta War-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in qaabkii ay u hawlgaleen dhinaca farsamada xubnihii aaday dhismaha golaha deegaanka aysan waafaqsaneyn Shuruucda dhismaha golayaasha deegaanka.
Halkaan ka Dhageyso Warsaxaafadeedka
War-Saxaafadeedka ayaa u qornaa sidatan,waxaana Warbaahinta u akhriyey Guddoomiyaha gobolka Bari
Cabdisamad Maxamed Galan.
Ku: Guddoomiyaha Gobolka Bari
Og: Madaxweynaha Dawlada Puntland
Ujeedo: Joojin dhismaha golaha deegaanka Ufeyn.
Markii la arkay Dastuurka Dawlada Puntland
Markii la tixgeliyey duruufta iyo dib u heshiisiinta ee hada socota.
Markii la ogaaday qaabkii ay u hawlgaleen dhinaca farsamada xubnihii aada dhismaha golaha deegaanka in aysan waafaqsaneyn shuruucda dhismaha golayaasha deegaanka.
Iyadoo laga duulayo qodobada kor ku xusan waxaa Madaxtooyada Dawlada Puntland iyo Wasaarada Arrimaha Gudaha,D/hoose iyo Horumarinta reer miyiga isla garteen in la joojiyo ilaa iyo amar danbe dhismaha golaha deegaanka Ufeyn.
Fulin Wacan
Cali Yuusuf Cali[Xoosh]
Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,D/hoose iyo Horumarinta reer miyiga

walaalayaal reaxanreeb qoraalka meesha ku qoran ma ahan warqadi saxda ahayd ee uu qoray wasirkuxigenka xoosh , ninka bidaha ah ee gobolka loo dhiibayna war saxaafadeed ka dhan ah maanta dhagaysta , waxan jeclaan lahaa in saxaafadu keento saxiixxii uu saxiixay xoosh , sida cadna wasir kixigenka arimaha gudaha mr xoosh wuxuu sheegay xalay in aanu asagu qortin warqadaas uuna waxba kama jiraan ku tilmaamay , arinta ninka wata waa bidaha gobolka looo dhiibay ee qabyaaladu ku fogaatay , jawaab ku haboona wuu helayaa
asc dhamaan u mada soomaliyee wiilka aad moodo bidaha e joga gobalka waxaan oranlahaa wax ha udhiman dowlada waxaad wadaa qas ah sidii lo
joginlahaa shidaalka waan lasoconaa in lagu siyay lacag lagujojinaayo shidaalka o qaslaku abuuraayo