Hadmaan Garan
Maanso: HADMAAD GARAN
Xassan Cabdulaahi Xaashi
Hassanhashi2010@hotmail.com
Jan 30 2012
Anigoo ah xassan cabdulaahi xaashi kana mid ah hal abuurada soomaaliyeed waxaan halkaan si kal iyo laab ah uga salaamayaa dhamaan bulsho waynta soomaaliyeed, sidoo kale waxaan salaamayaa shaqaalaha website-kan www.raxanreeb.com , halkaan waxaan idin kugu soo gudbiyay maansadii “HADMAAD GARAN” oo ah gabay ka hadlaya xaaladda dalka iyo ciribta dambe ee ay leedahay is dilka socda, waa farriin ciiddu ay dirayso, waa Alle bari iyo gacan hoorsasho Aan Allaah ka baryayno inuu Dalka nabad nooga dhigo, waxaa igu dhaliyay maansadaan waa xaalaadda aan ka soo raynta lahayn ee dalku ku suganyahay iyo aayaha dambe ee la filayo hadii sidaan lagu sii socdo, hadaba akhris wacan.
· Had dhawaale hanadoow ma tirin halalki geeraare,
· Waa taan ka haray gabayadii hooriska lahaaye,
· Ha yeeshee dhib baa taal dalkii hooyo oo idile,
· Holac iyo dab baa lagu wadaa horinba geeskeede,
· Halaaggiyo rasaastiyo dabkiyo hoogga soconaaya,
· Madaafiicda hugunkoodu uu hanaqa soo gooyey,
· Hayaaydiyo fitnada socota iyo habaqle fiiggeena,
· Huuhaada beentiyo higlada laysu horanaayo,
· Habhablaynta beentiyo hungada hebel u yeedhyeedhka,
· Maandeeq hashaydaas intaas hororku leefaayo,
· Hadmaad garan dadkaygoow jidkii waday hidaayaadka?
· Hadmaad nabadda wada goobaysaan hilinka kheyraadka?
· Hadmaad dhagarta cadowgaaga iyo garan hayaankaaga?
· Hadmaad garan xasuuqii dhiciyo hoodo’ li’idaada?
· Afartaa ha’dii gabayga iyo hilimo dhaadheer dheh,
· Haashaarka suugaanta iyo hoog la dirirkii dheh,
· Hillaac iyo dhulkoo hawray iyo haro afkeedii dheh,
· Habataciyo ciid raysa iyo hogol daruureed dheh,
· Afar kale hayaay iyo war hooy hadal digniineed dheh,
· Hadal Ciiddu ii sheegtay iyo habar waceedii dheh
· Waxay tidhi “halyeey iima kicin hanada waayaaye
· Nabad kuma habeensado badhkay haatan iyo goore
· Habqan iyo hayaay baa ka bixi holac jirkaygiiye
· Hogol iima di’in waayahaan gu’ga horraantiise
· Waxa lay hadoodilay dar aan “hagar bax” yeelayne
· Nin Xuniba halyeeyguu rabaa inuu hogeeyaaye
· Hilbahayga buu doonayaa hooge waligiise
· Hagar daamo qaar ii wadaa huriyay geestay’e
· Hanqaltaag adduun baa dadkii hoday badhkoodiiye
· Dhiig hibitiqaayaa qabsaday hodon korkaygiiye
· War habaarka maatada miyaan laga hayaamaynin?
· Hooyada ilmaysiyo shuyuukh hoogeyda caruurta
· Hiinraagga shacabkiina iyo halabsi tuugiinna
· Bal maxaad horseed ugu tihiin hoobiyaha jooga”
· Afartaa ha’dii gabayga iyo hilimo dhaadheer dheh,
· haashaarka suugaanta iyo hoog la dirirkii dheh ,
· Hillaac iyo dhulkoo hawray iyo haro afkeedii dheh ,
· Habataciyo ciid raysa iyo hogol daruureed dheh,
· Afar kalena hibo gaara iyo hadal abwaaneed dheh,
· Holaciyo colaaddaan dhulkiii halabsadoo leefay,
· Hinjiffada dadkaygaas wanjali hohe masaakiinta,
· Hiqhiqdiyo walaahoowga iyo hogasho soo jeedka,
· Habar wacadka shaydaanka iyo hiil li’da taagan ,
· Hirdankaas dhexdeennaa intuu hogob ka sii muuqdo,
· Helimaysid nabad horumartiyo miriyo hoobaane ,
· Helimaysid hoos aad gashiyo harac qabowgiise,
· helimaysid haraawaati iyo hohob macaankeede,
· helimaysid hawd ood degtood hibo aroostaaye
· Helimaysid hilinkaad martood hodan ahaataaye,
· Helimaysid hilib iyo baruur halalacdii laydha,
· Helimaysid hoobaale iyo hadal cayaareedka,
· Helimaysid hadaf quruxle iyo himilo loo aayo,
· Afartaa ha’dii gabayga iyo hilimo dhaadheer dheh,
· Haashaarka suugaanta iyo hoog la dirirkii dheh,
· Hillaac iyo dhulkoo hawray iyo haro afkeedii dheh,
· Habataciyo ciid raysa iyo hogol daruureed dheh,
· Afar kalena hooyaale iyo gabay hanaankii dheh,
· Hawraar ducada Eebe iyo hoorsi gacameed dheh,
· Allahayoow halaagiyo dhibtiyo hoogayda istaaji.
· Allahayoow hibada diinta iyo hodanka xaadiista,
· Allahayoow Hidaayada qalbiga noogu wada hoori,
· Allow hodon dhulkaygaas ka yeel halaq midaan yeelan,
· Allow hoodo tii lagu nastiyo hedel ta loo aayo,
· Haleelsii dadkaygaas Allow hiifay noloshooda,
==========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM
[...] Read this article: Hadmaan Garan [...]
Hadmaad garan??
Waa su’aal muhiima abwaan allow garansii soomaali
Hal-buur weeyn inaad tahay waan kuu qoriye horay usoco abwaanka qarniga aanjoognoow
maansadaanu caadi maahan
way kasarraysaa maasooyika
xilligan jira dadku allifaan.
jazza-ka-llah walale waa gabay aad u qiimo badan
Aamiin, aamiin, aamiin. Ducada noo wada!
Mooriyaan nimda marka ay meelsare kagaaraan dadka xamar iyo nawaaxigeeda degan ayeey waxee isu bedelaan gabayaa dabadeedna waxedy isu bedelaan gawaad. Bal ninkaan intui umadi somaaliyeed kadhigay mid iu dhoco iyo mid uu dilo oo maanta dowladnimadii hortaagan haa gabay noo aqrinaaya xishood daro hadii loo dhimaanlahaa Ku waasu waa horeey dhamaan lahaayeen