Maxaa kala Haysta Real Madrid iyo Zaragoza, Barcelona iyo Villarreal?
Muqdisho (RBC Radio Sports) Ciyaaro badan oo ka tirsan horyaalka wadanka Spain ee Primera Division ayaa la ciyaari doonaa kuwaasi oo xiiso gooni leh.
January 28
Kooxda Espanyol ayaa waxaey marti galindoontaa kooxda kubada cagta ee Mallorca. Ciyaartaan ayaana ah mid ka mid ka mid ah ciyaaraha wadabka Spain.
Kooxda kubada cagta ee Rayo Vallecano iyana garoonkooda ayay ku marti qaadi doontaa naadiga weyn ree Athletic Bilbao, lana arki doonee natiijada ciyaartaasi ka soo baxdaa.
Ciyaarta ugu xiisaha badan ayaa ka dhici doonta garoonka weyn ee kooxda Real Madrid waxaana naadiga Real ay ku marti galindoontaa gagideeda naadiga Zaragoza.
Kooxda Real oo Careesan ayaa waxey doonaysaa in ay caradeeda kula kufto kooxda Zaragoza oo ay ku marti galinayso garoonkeeda.
Kulan kale oo aanan kaasi ka liidan ayaa ka dhici doona garoonka kooxda Villarreal waxaana garoonkaasi u soo safraysa kooxda weyn ee Barcelona.
Kulankaan ayaa wuxuu yahay mid indhaha lagu wada haayo waxaana kooxda barka ay iska ilaalinaysaa in taako loo dhigo iayada oo doonaysa in ay ka daba tagto kooxda hogaanka haysa ee Real Madrid.
Kulamo kale oo ka tirsan horyaalkaan ayaa waxaa lagu wadaa in la ciyaaro habeenka xiga ee Axada waxaana kooxuhu ay isugu balansanyihiin sida tan.
January 29
12:00 Real Betis ? – ? Granada
16:00 Levante ? – ? Getafe
16:00 Real Sociedad ? – ? Sporting Gijon
18:00 Racing Santander ? – ? Valencia
21:30 Malaga ? – ? Sevilla
RBC Radio Sports
Xafiiska Wararka Muqdisho
[...] Continue Reading: Maxaa kala Heesta Kooxaha Real Madrid iyo Zaragoza, Barcelona iyo Villarreal [...]
waxaan caawa xasuuqaynaa villareal
caawa barce taako ayaa loo dhigi doona realna hogaanka ayey sii dheeraysanaysaa