Naadiga Juventus Oo Guul Ka Gaartay Horyaalka Talyaaniga iyo Kulamo Maanta La Ciyaarayo (Daawo Sawirada)
Muqdisho (RBC Radio Sports) Ciyaaro Xiiso Badan Oo Ka Tirsan Horyaalka Sere A, Talyaaniga yaa La Ciyaaray kuwaasi oo aad u xiiso badnaa.
Labo kulan oo oo ka tirsan ciyaaraha horyaalkaan ee Todobaadkaan ayaa caawa la ciyaaray waxaana kooxuhu ay isku arkeen sida tan.
Kooxda kubada cagta ee Catania ayaa waxa ay la ciyaartay kooxda Parma waana ciyaartaasi ay ku soo idlaatay 1-1 oo ay labadaan naadi isla dhaafi waayeen.
Naadiga Juventus ayaa kulanka ugu xiisaha badanaa waxey la ciyaartay kooxda Udinese, waxaana ciyaartaan ay ku soo dhamaatay 2-1 oo ay guushu ku raacday kooxda Juventus
Naadigaan Juventus ayaa waxey soo bandhigtay ciyaar aad u wanaagsan waxeyna ku muujisay guusha iyo awoodeeda.
Kulamo kale ayaa la ciyaari doonaa oo ka tirsan horyaalkaan maanta oo Axad ah waxaana kooxuhu ay isku arki doonaan sidatan.
January 29
12:30 Fiorentina ? – ? Siena
15:00 AS Roma ? – ? Bologna
15:00 Cesena ? – ? Atalanta
15:00 Chievo ? – ? Lazio
15:00 Genoa ? – ? Napoli
15:00 Lecce ? – ? Inter Milan
15:00 Palermo ? – ? Novara
20:45 AC Milan ? – ? Cagliari
RBC Radio Sports
Xafiiska wararka Muqdisho


