Odayaasha Dhaqanka Cal-bari oo Ka Hadlay Dilkii AUN Xildhibaan Bile Maxamuud [Sawirro+Codad]
Boosaaso[RBC Radio] Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda degmooyinka Baargaal iyo Calluula ee gobolka Bari ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Boosaaso maanta waxay si kulul uga hadleen dil Kantaroolka laga galo degmada Baargaal loogu geystay Xalay AUN Xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland.
Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo ugu horeyn Kulanka ka hadlay ayaa sheegay in tacsi ay u dirayaan AUN Xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf,qoyskii,asxaabtii iyo shacabkii uu ka geeriyooday,waxaana uu sidoo kale sheegay in dilkaas ay si weyn u canbaareynayaan loona baahnyahay in la xakameeyo.
Halkaan ka dhagayso Erayadii Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin
Sidoo kale Beeldaaje Ismaaciil waxa uu ka codsaday Dawlada Puntland in aysan qaadin wax talaabo ah hawshana loo daayo Odayaasha waxgaradka ah ee kasoo jeeda deegaamadaas si ay u gaaraan xal kama danbeys ah.
….’Dawladda Puntland waxaan u sheegaynaa maadaama aanu nahay waxgaradkii iyo Isimadii hawsha anaga ayaa ku jirna,waxaanu jecelnahay Insha allaahu watacaalaa inaan meel fiican aanu soo istaajino ….”ayuu yiri.
“]
Faarax Maxamed [Faarax Fuuq-yare] oo isna kulanka ka hadlay ayaa ka sheekeeyey Taariikh-nololeedkii AUN Xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf,waxaana uu sheegay in Xildhibaanku ku dhashay degmada Calluula 1957 isagoona dugsiga hoose kaga baxay isla degmada Calluula ka dib markii uu dhamaysatay dugsiga hoose waxa uu kamid noqday Ciidamada Booliska Soomaaliyeed .
Halkaan ka dhagayso Erayadii Faarax-fuuqyare
Faarax-Fuuqyare ayaa sidoo kale tilmaamay in AUN Xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf uu ifka kaga tagay 16-carruur ah,waxaana intii uu noolaa uu door weyn ka qaatay dhanka dhaqan oo u noqday hoogaamiye dhaqmeed,farasama yaqaan iyo Xildhibaan Baarlamaanka Puntland ka tirsan oo intii uu dhiman ahaa.
Si kastaba AUN Xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf ayaa itii aaan la dilin u socday hawlo uu ugu gogol xaarayey gole deegaan oo laga sameynayo degmada Baargaal,taas oo ay wado Dawladda Puntland.
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Wararka Boosaaso

[...] Read the original: Odayaasha Dhaqanka Cal-bari oo Ka Hadlay Dilkii AUN Xildhibaan Bile Maxamuud [Sawirro+Codad] [...]
Dadkaas Rabshada ka wadah Degankas Bariga fog waa Dad Dhaqanka hufan ee Degaanka iyo Wada Noolaanshaha aa u Bisilayn Dhalintaas dhibka geysatay waa la Marin hababiyey.Marxuunkas Gacanta ka Xaqadarani dishay Allaha u Naxariisto Qoyskisa iyo Eheladisa Samir iyo Iiman Allaha ka siyo