Sarifka Doolarka ee Suuqyada Puntland oo Hoos u dhacay iyo Maciishada oo Meesheedii Taagan [Sawirro+Codad]

Facebook Recommendations

Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin
Share

Boosaaso[RBC Radio] Guud ahaan deegaanada Puntland ayaa muddooyinkii ugu danbeeyey waxaa laga dareemayey hoos u dhac baahsan oo ku yimid qiimaha lagu kala badesho lacgaha doolarka xili halkiisii uu weli taagan yahay waxna aysan iska badelin maciishada quutul dariiriga ah.

Boqolka Doolar ayaa lagu Sarifi jiray intii uusan hoos u dhicin 3.000,000 [Saddex Milyan oo Shilin Soomaali ah],waxaana hadda ku yimid isbadel weyn guud ahaan Puntland oo 100$ looga sarifo 2,500,000 [Laba milyan iyo shan baqol oo kun oo Shlin Soomaali ah].

Qiimaha Cuntooyinka Quutul-daruuriga ah ee la kala siisto ayaa ah sidatan:

  1. Kiiska Bariiska Falcon ayaa Suuqyada Puntland ka jooga 62$ una dhiganta 1.550.000 oo shilin Soomaali ah.
  2. Kiiska Sonkorta ah ayaa Suuqyada Puntland qiima ahaan ka joogta $37 oo u dhiganta 925,000 shilin Soomaali ah.
  3. Kiiska Burka ah ayaa isna jooga $25 una dhiganta 625.000 shilin Soomaali ah.
  4. Kartoonta Saliida Xayaat ayaa iyana qiima ahaan maraysa $25 u dhiganta 625,000 shilin Soomaali ah.
  5. Kartoonta Baastada ayaa Suuqyada Puntland ka maraysa $8.4 oo u dhuganta 218.000 shilin Soomaali ah.
  6. Kartoonta Caanaha AMIS ayaa iyana la kala siisanayaa $78 qiima ahaana u dhiganta 1.950.000 shilin Soomaali ah.

Raxanreeb.com ayaa maanta u kuurgashay bal in ay usoo bandhigto akhristayaasheeda sharafta leh Isbadelka ku yimid lacagtii doolarka oo in badan oo kamid ah qoysaska Soomaaliyeed ku xiran yihiin lacagaha dibada looga soo dirao oo iska jaan go’an iyo dhanka maciishada oo aan weli waxba iska badeln.

Maxamuud Maxamed Cismaan oo kamid ah ganacsatada magaalada Boosaaso ayaa sabab uga dhigay hoos u dhaca ku yimid doolar iyo in maciishadu ay booskeeda ka dhaqaaqi weydo in ay ugu wacantahay alaabta kasoo dega dekada oo lagu canshuuro lacago Soomaali ah una go’antahay $1[30,000 shilin Somali ah] balse $1-magaalada looga sarifo 25.000 shilin Somali ah.

Halkaan ka dhagayso Erayada Ganacsade Bagaash Maxamuud Maxamed Cismaan

Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Faroole ayaa khudbad uu Jeediyey Sanadguuradii 3=aad ee Xukuumadiisa waxa uu ku sheegay in ay jiraan lacago badan oo soo galay Suuqyada Puntland taasoo keentay in doolarku hoos u dhaco,waxaana uu xusay in ay wax weyn ka qaban doonaan arrintaas.

Halkaan ka dhagayso Mid kamid Ganacsatada Sarifka Doolarka oo RBC Radio u waramay

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Boosaaso
turrabi20@gmail.com

Share

2 Responses for “Sarifka Doolarka ee Suuqyada Puntland oo Hoos u dhacay iyo Maciishada oo Meesheedii Taagan [Sawirro+Codad]”

  1. [...] See the original article here: Sarifka Doolarka ee Suuqyada Puntland oo Hoos u dhacay iyo Maciishada oo Meesheedii Taagan[Sawirro+C... [...]

  2. [...] Read More: Sarifka Doolarka ee Suuqyada Puntland oo Hoos u dhacay iyo Maciishada oo Meesheedii Taagan [Sawirro+... [...]

Leave a Reply

test

d

test