SHidaalka Puntland & Caqabadaha ka hor Imaan Kara
SHidaalka Puntland & Caqabadaha ka hor Imaan Kara
Amsyare@hotmail.com
Ahmed Mire
Jan 19 2012
Alah ayey mahad oo dhami u sugnaatay. Sida aynu wada ogsoonahay waxaa maalinimadii isniinta ee ay taariikhdu ahayd 16/01/2012, ka bilawday deegaanada Puntland ee Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Bari xaflad xariga looga jarayey ceel shidaal oo markii ugu horaysey laga hirgelinayo dalka Soomaaliya.
Ceelka shidaalka oo laga qoday dooxada Dharoor, gaar ahaan Meesha loo yaqaan Labarugoodle oo ka tirsan Degmada Ufayn, ceelkaas oo loogu wanqalay ama loogu magacdaray Shabeel 1, sidoo kale waxaa lagu rajaweynyahay in ay ku xigidoonaan ceelal kale oo iyaguna isla aagaas horay looga sahmiyey.
Hadaba su’aalaha in badan oo ka mid ah shacabweynaha soomaliya ka dhexguuxaya gaar ahaan shacabka puntlad ayaa ah:
1. Ma tahay xili ku haboon manta in shidaal dalka lagasoo saaro iyadoo laga wada dheregsanyahay duruufaha iyo arimaha qalafsan ee uu dalku marayo?
2. Shidaal qodistan maanta laga hirgeliyey deeganada puntland ma noqon kartaa mid dalka soomaaliya oo dhan u horseeda barwaaqo iyo xasilooni, mise weyba uga sii dari oo qaab dagaaleed iyo qulqulatooyin horleh ayey dalka u horseedi?
3. Dawlada puntland ee la ildaran amni xumida iyo musuqmaasuqa baahsan ee ragaadsadey ma awoodeysaa sugida amniga ceelashan shidaal ee ay usacabo tumatay?
4. Shacabweynaha puntland ma yahay shacab u bisil hanashada hawshaas miisaankaweyn leh?
5. Maku qanacsanyahay shacabka puntland, si cadaaaladi ku jirtose maloo maareeyey hawshaas muga weyn ee laga hirgeliyey deegaamada puntland?
6. Malaga yaaba in ay dawladu waaya aragnimo dheeri ah u yeelatay maaraynta hawlahaas oo kale, Mise weli waa jug jug meshaada joog oo wadadii hore ee qodxaha badnayd ayey ku jogtaa?
7. Malaga yaaba hadiiba ay dhacdo in shidaalkaas lasoo saro in si cadaaladi ku jirto oo siman uu uga faa’iideysto shacabweynaha Puntland?
8. Malaga yaaba wixii khayraad ah ee kasoo baxa arintaas ugubka ah in bisaylka lagu qaybsado oo ay shacabku dhaxalkiisa cunaan, mase laga yaaba in ay madaxda dawladeenu fahmaan masuuliyada saaran oo ay ka waantoobaan ceeriin ku qaybsiga ay madaxda badankood dhaqan iyo caado ka dhigteen?
9. Maku wadaa dawlada xilka umada u haysaa Siyaasad cad oo raali gelineysaa dhamaan qaybaha bulshada puntland?
Hadaba iyadoo aan dhawr sadar oo qoraal ah lagusoo koobikarayn dareenka shacabka puntland, dareenkaas oo ay kala midyihiin dhigooda somaliya, ayaan waxaan jeclaystay inaan dhawr talo oo aan isleeyahay hadii la raaco Dawlada Puntland ee uu Dr. A/rahmaan Faroole garwadeenka ka yahayna yeelato dhega wax maqla, in ay waxbadan oo hada khaldan iyo daldaloola badan oo inoo wada muuqdaba wax ka saxayso.
Aniga oo aan cid gaar ah duulaan ku ahayn, dawlada iyo madaxdeedana mucaarid ku ahayn, jecelna midnimada iyo jiritaanka Puntland iyo dhamaan soomaaliya oo idilba, waxaan kula talaniyaa Madaxda dawlada uu garwadeenka ka yahay Mr.Faroole:
1. In dalka iyo dadkaba loo naxo, lagana taliyo aayihiisa.
2. In danta gaarka ah laga hormariyo danta umada, ayna ogaadaan madaxda dalku in aduun iyo akhiroba lagala xisaabtamayo wax san iyo wax xunba waxay qabtaan.
3. In si caadaladi ku dheehantahay umada wax loogu qabto, lagana waatoobo sed bursiga, eexda, garabayshinka iyo xumaan ka taliska, taas oo aan filayo inaan macna weyn laga dheefayn, leef leef maalmo ah mooye.
4. In qabyaalada laga fogaado waayo wax dan ah oo uu umada ugu jirtaa ma jirto, aan ka ahayn isnacayb, burbur iyo dhiig sokeeye oo macna la’aan ku daata.
5. In lagu waaya aragnimo qaato waxa ay ku suganyihiin gobolada kale ee dalku, lagana dheeraado wixii iyaga heerkaas gaarsiiyey, ee aan wanaag loo arag loona sacaba tumin xumaan, oo aan wax xun la isku kalkaalin.
6. Dalka weerarbaa ku socda dhan walba ah, in aysan noqon caadaqaatayaal duminta iyo tirtirada umada ka qaybqaata, cidii falkaas ku hawlana ay ka waantowdo?
7. In la ilaasho, lana dhawro xuquuqda iyo karaamada umada, taas oo in badan lagu tunto, tusaale ahaan maanta hawl shidaal qodis ah ayaa ka socota Deegaanka Ufayn, shaqaalaha ka shaqaynaya haba yaraatee wax xuquuq ah oo ay leeyihiin oo ay dawladu ka hadashay majirto, kii wax ku noqdana waa isaga iyo nasiibkiis, halka laga yaabo kan dulaalaya ee ay dawladu ugu horayso inuu malyuumaad jeebka ku shubto isaga oo aan u dhididin, kooxo magacya badan wata oo aan dhan ala meel ay kasocdaan jirina ay dhankooda jeebabka buuxsadaan.
8. Mashruuc aan laga salgaarayn, awoodiisana aan la hayn in lagu mashquulo si shilimo dhawr ah loogu urursado waxaa karoonayd, iyadoo raadisa geed dheer iyo mid gaabana u fuusha xasilinta iyo sugida amniga dalka, oo maanta meel xun maraya hadii aan indhaha la isqabanayn, cid biri magaydo ahina aysan jirin oo wadad iyo waranleba ku le’day.
Waxaan kusoo gunaanadayaa in midnimo iyo qaranimada umada la dhawro, amniga iyo xasiloonidana laga shaqeeyo, dawladana uu ilaahay waafajiyo wixii loo igmaday.
Wabilaahi Towfiiq
Ahmed Mire
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY FIKIRKAAN AMABA MAQAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM
Insha allah waxuu noqonayaa mid uhorseeda dhamaan soomaliya barwaaqo iyo hormar.
Tusale yar dawda Emaraad ka carabta waxay ahaayee intaan laqodin shi daalka 7 qabiil oo kala goo go an . Mar kay helaeen shidaal ka waxay u horseeday midnimo iyo hormar. Anigana waxaan ra jaynayaa sisaas ookale in dal keena unoqoto insha allah.
[...] See more here: SHidaalka Puntland & Caqabadaha ka hor Imaan Kara [...]
Xasid. Yahu qumay. Cadwga. Puntland baa taa.aminsan. oo kuriyooda
scww ilaahbaa mahadaa leh na garnsiiyey inaan lasoo bixi karno khayraadkiisa buntulandna way adkayn doontaa amaankiisa ceelkaas waxuuna ka dhoofi doonaa sidaan is leeyahay xaafuun ayey gaari doontaa dhuuntiisa halkaas ayuu ka dhoofi doonaa iinsha alaah ilaahay haynooga dhigo kii umada isku keeni lahaa 2 xaafuun iyo bayla dhaxdooda oo bada ah waa ceel kale oo ay diyaarisay shirkad ayaduna ah faransiis daowladii maxamad siyaad alaha u raxmado taasoo magaceedu la yiraahdo aelf
Waar naga aamus duf alle ku badye- waxu xaasidsanaa. Waa qoraal barad doonaya in uu qariyo xaasidnimadiisa hadana aan garannayn in lala fahmayo sida uu wax u dhigayo iyo qalooca uu wax ku tilmaayo.
Ilaahay nooma qabto caqlixumada aad ku hadashay iyo waxa uurkaaga xumaan ah ee ku jira.
HANOOLAATO PUNTLAND
CADOWGEEDU HA DHINTO!!!
ama afeef hore laahw ama adkaysi danbe lahay ayaa ka muuqata hadalka qofka waxan qoray waa qof aan ahay puntlander rimi ah macanaha maamulkii udanbeeyay oo laga magacaabo beesha dhexdeeda weyaan marka haku taagnaaato..
Acs horta in runta laysu sheego ayaa haboon wadan aysan dawladi ka jirin sidee shidala looga soo sari karaa. Ani waxaan qabaa ama aaan aminsanahay in ay tani tahay horornimadii wadnaka somalia lagu hayey middo 20 sano ah oo badii lasoo xaalufiyey suna lagu shubay hadana berigii ayaa loosoo dhigtay dadka yaan la hodin ee niman calooshood u shaqaystayaal ah hadalkooda yaan run lamoodin faroole wadankii horay ayuu ugu tuntay una baabi iyey dadkii walalaala ha ahaana kala dilay oo fitmo dhex dhigay hadana tan miyuu noogu daray .
Waxan kula talinlahaa Shacabka reer Puntland in ay arintaan ka fiirsadaan oo u kacaan sidii aynu wadankeena uga difaacilahayn shirkadaha shisheeye iyo calooshooda u shaqaystayaasha wadanka ku soo duuley wabillahi tawfiiq.
walaalayaal inta xaasidnimada uqaatatayeey xaasidnimo kumajidho qoraalkaan wax dhab ah ayuukahadlay msr ahmed mire inbadan oo uukasheekeeyay oo uu maamulka iyo madaxda kulahadlay aadbaan uguraacsanahay waaruntiise musuq maasuqa iyo qabyaalada iyo sadbursigu waawaxa soomaali halkaa dhigay insha allaah waxaan illaahay kabaryaynaa in sidaxaqukujiro hadii waxlahelo loowadaago oo aan kooxyari jeebka kushuban xaga amaankuna waa inagawadadhexeeyaa oo qofwalba oo muwaadila waxaa loogabaahanyahay in uu simudadawacnimo ah ulashaqeeyo laamaha ammaanka aadbuu ugumahadsanyahay mr ahmed mire
waxaan umalaynayaa xaga bur burka soomaalidana ceelkaani waxa uukatarikaraa waxwanaagsan soomaalidu waxay hada laxiiqsantahaym oo hadba meel uguyaacaysaa waa gaajo iyo daryeel la,aan hadii khayraadkeenaasi sihabsamile usoobaxana waxaan aaminsanahay in aywaxwayni iskabadalayaan soomaaliya aamiin aamiin taasaan illaahay karajaynaynaa
qoragu wu mahadsanyahay waxa una so jediyay talo wanagsan lakin u wanagsan rer /land marka qoraaga waxa an leyahay shidalka ufeyn lagu qodayo waxa qasab ah in muqdisho lagu kontorolo laguna canshuro hadi kale gaalada iyo cadawga ayaa iska duudsan rer p/lan dad caqli badan ma aha mar walbna waxa niyada kaga jirto cuqdad iyo kofur neceb
asc axmed mire waxba kama tagin hadii la maqlayo aniga waxay ila tahey labada ugu daran waa abniga waayo waxan ognahey masar oo ah dawlad weyn intii yareyd oo qulquladu gashey oo xusni mubarak kaliya baxey inta jeer oo la qarxiyey dhumaheda shidalka kawaran somali oo qabail hubeynsan ka koban iyo umada somaliyed iyo tawlada dhexe in si kalsoni leh uga qeyb qadato wayo dalku waa mid wana illah ka baryeynaa in somaliya dhaman illahay dhibka iyo colada ka saro si gobalwalba uu uga shaqeyo horumarkiisa dantiisa gaar ah iyo mida guudba wabilahi tawfiiq
midyar saxibayal sual? dadkan ka hadlaya shidalka hadii aad qeymeyso warkoda wuxu kuu sobaxaa warbal wixii kale haleyskula soo noqdee fusto sooqado oo iska dilindileyso yacni wax diyar ah oo dibada lasodhigey oo kale hadaba xaalku masidasbaa? mise maahee dadka laab lakac un baa haya ee waa baaris oo khura warbal warka ii balbalarsha cabsidan qabaa waxaweye in madaxweyne faroole umadan waalayo oo kolba meel un wajiga u sarayo ee xaalku sidas ka fogyahey k.k.k. warbal warka ii jilciya wabilahi tawfiiq
waa guul hadii shidaal la qoday dhamaanteen waxaa nasaaran xil inaan iska kaashano sidii aan aminiga wax uga qaban lahayn islamarkaana aan ula soo baxi lahayn khayraadka dalka ku jira .
ceelka shidaalka waxa uu aad ugu dhowyahay bosaso marka waa in la weyneeya dekeda bosaso si ay fududaato wax dhoofinta maxaa yeelay deked weyn ayaa loo bahan yahay marka wax la dhoofinaya sida shidaalka oo kale .
wayaa muqdisho maxad sidas u leedahay adiga khudhadu soo ma moodid in aad isxijineyso muqdisho oo muqdisho karamo gaar ah malahee umada somaliyed un baa sumadi u taal meel kasta oo sumadas lageeyo waxay noqoneysa mudisho iyo kadaran marka muqdisho madiidin aniguye waxan kaa rabey in aad dhahdo dawlada dhexe ayaa kontaroleysa waana sida dhabta ah oo xaalku yahey waayo shirgadan hada waxey ila tahey meesha ayey sii calameysaneysaa si aan hadhaw loga hormarin ee arinku dawlad dhexe ka maarmi maayo shirkada ayanba kalsoni ku qabeyn wax kale wabilahi tawfiiq
mr garoowe sxb somalidu gaajo la yaaci meysee colad iyo dagal ahli ah ayey la yaaceysaa nabad un bey u bahantahey wixii dhul ku hosjira oo waliba naan garaneyn iska daaye waxa aan naqan oo kor iska saaran ayaa naga badan hadii dawlad wanagsan iyo shacab wanagsan oo dawladiisa ku kalson lahelo wabilaahi tawfiiq
qoraaga waxaan dhihi lahaa walaal allah mahadii amniga waa lagu dadaali tan kale cadaalad way dhici sababtoo ah hadaan aniga wax ka heli waayo shidaal mid aan qaraabo nahay oo reer puntland ah ayaa wax ka heleya taasina raali baan uga ahay kol uun wax waa iga soo gaari kol aan helo school free ahba
Waxaan talo u dirayaa reer dharoor, waxaana leeyahay:
wax la soo saarimaayee, wax baa la duugayaa.
nin obosiiba raba iyo nin dad iska jeedi leh iyo mid wax in uu xado raba ayaa
howshan ka dambeeya, reer dharoorow bal hoos ha loo eego waxa ku jira konteenarada.
sun baa ku jirta, waa baabi’in dal iyodad.
taasi waa iga talo, waana dhab
asw soomaalidu run necebaa! bal maxay ku galen qoraagaan nasiixo iyo talawanag un buusoojeedshay
laakiin waxaan filaya inaysanba aqrin kuwa caytamay waxa meesha kuyaal ee kadideen CAQABAD eraga ah. anigu waxaan qabaa in shirkadaan SUN AASAYSO faraalana lacagta qandaraaskaa
qaarkuleeyahay ALLAW NAGA SHARBIXI hadda kahorna waxaa aasay sunta CALI MUH,DI.
aaamus qurunyahaw ,virus ka dadka ku jira baad tahay ,umada kala dhex bax umada.reer puntland waa mid ,mid bayna ahaanayaan ilaahay idan kiis ,hataan u soo noqdo waanada walalkayn .in wax la dhaliilo ma xuma lkn waxaas waainay jiraa dhaliisha wax badan waa jiraan lkn ka badbadis baa jira oo walaal amniga waan adkaynaynaa insha alaaah
ummada reer ountland waxaan u soo jeedinayaa war dharoor maanta reer kaliya ma leh waanta waa loo simanyahay ,war wixii duulaan ku soo qaada waa in aan ka hortagnaa oon nafteena ku qarxinaa ileen wuxuu rabaa inuu nolasha inoo diidee
guu; gul guul guul insha alaah
Ninkan maqaalka roray waa puntlander ,waxa uu dhashay degaanka howshu ay ka socoto ee dharoor gaar ahaan degaanka ufayn (dooxada laba rugoodle) run ahaanti waxyaabo badan ayuu taabtay , mahan haduu qofku aanu waa wafsaneen rayigaa in la dhaho waa mucarad ama puntlander mahan , wadanka amni la aan baahsan ayaa ka jirta , in dhaha somali weyna waa ina gu soo jeedaa shidaalkan dhib iyo dheefba waa lee yahay , ilaahay sidii khry ha inoo ka dhigo
aad baan usoo dhoweynayna qoraaga DR:ahmed mire waa runtiis waa in la cadeeya xuquuqda shaqaalaha muwaadininta ah iyo xuquuqda degaanka dadka degen waayo sidaad la socotaan degaanku waa degaan daaqsimeed waxaana ka bara kacay ugu yaraan 900.000 oo qoys marka waxa alo bahan yahay in arintaas dowladdu xil iska saarto ayna mashariic u furto dadka degaankas ufay iyo uurcaleedba
muqdisho boy isceeji kkkkkk sakiin laq kkk muqdisho ku xaartaye awalba ma adaa dhisay dadka dhisay waa kaa soo tageen ku xaartaye yaa kuugu imaanaayo kkkk adigaa shalay dhihi jiray waa la i gumaystaa hadeerna waxaaad leedahay reer buntuland baa koofur neceb oo maxay nagala maqan yihiin ma is waydiisay
ma sha alaah walaakay runta ayuu taabtay , talooyinka cida ay ku socoto in sha alaah ilaahay ha gaarsiiyo , reer pl haanu nahay dadka wax fiican inaan u horseed , in sha alaah shidaalkan ma noqon doono min diraac dhx dhiga somalia iyo degaanka pl , walaale aad baad u mahadsan tahay , wiilasha iyo hablaha xamasadu qaaday si khaldan ayay muuduuca u fahmeen qofkii qacli saliim ah leh aaan ku jirin qabyaalad somali nimo aamin san ayaa fahmi kara , qoraaga nin aqon yahan weyan ayaan filaaya puntlander ah kana soo jeeda deegaanka la baaaraayu shidaalka siiba kobdhexaad ,dooxada laga rugoodle
aad baan usoo dhoweynayna qoraalkan aqoontu ku dheehan tahay ee uu soo diyaariyey DR:ahmed mire
waxaana dowladda pl ku boorinayna inay uurcaleed gobol u magcawdo waayo waa gobol isku filan dhankii loo eegoba khayraad fara badana leh :shidaal,dahab,dhuxusha dhulka laga qodo,beero maydi ama beenyo, tan labaad waa in dowladdu ay dadka degaanka mashruucyo wax ku ool ah u qabataa sida wadooyinka hospitaalada jaamacadaha iyo schoolada
asc waxaan u fahmay dadkan ama ciyaaladan iska qaylinaya adeerayaal xagee ka jirtaa dheefta noo qaybi dhibtana hakugu eekaato arintan faa iidoyin iyo qasaaro bay leedahay qasaareaheeda dawlad xoogan oo cadalad ah oo shacabkeeda rabta ayaa ka bixi karta lkn sidan macquul ma noqonayso ilaah ayaa og wax kasta aloow dheefteeda nasii dhibteedana naga qabo dadka deegan ka laga qodayo dagan aad bay u jecelyihiin hormarka somalia iyo darisnimo iyo walaaltinimo iyo in waxaa soo baxa la wada cuno anaa kormeer ku tagy soona qiimeeyay lkn yaan la noqon somaliyay danaystayaal un hala fiirsho hadii dhiibaato ka timaado walalihiina somaliyeed ee degaanka dagan baa dhibi uga imaan kartaa wabilaahi towfiiq ninka maqaalka soo qorayna caac da iska daayo waa nin jiree noolow ahmad said
somalidu waa dad ubartay siilotugasdo waayo manta waxa losoosaray shidal iyo kheyraad halkey oran lahayeen aamin aamin ta qaban lahayeen ayeey habar iyo qabyalad uu jeesteen ha uguu darnaadan qaba ilada dega konfur war hedhee waxaan malaha puntland kaliya ee waa somaliya oo dhon nacas yahow faqriga iyo gaajad aya lagasaray magateen dhinaca xuun ayaa uu fakereesan kheyradkiina ayaa cuneesan oo ku hormareesaan puntland ma mudana in waxa lagasheego waayo dalka oo bur buur ah ayeey isku dayeesa neey dadkeeda iyo dalkeeda waxaa uqaabato waxabadan waa laga shekeeyeey qabyalada manta waa lagabaxaya walayall magarteen haladadalo somaliyeey hadad sa ufekeertan waa ayaandaro allow nabad nogu soosar oo nabad noguu dhameey colada bagasaar aamin aamin aamin somaliyeey toos ukaca
horta maha xiligii shidaal ama macdan alsoo saari ahaa ayagoo beel walba ama qolo walbaa wai hubkedi heysato. hadii la shdiaalkan la qodayo wax kaso baxan waxa iska leh soomaali oo dhan reer bari na qeebtoda wey qaadan doonaan sababto dalkan waa dal somali tan kale waxi kaso baxa dowlada dhexe ee soomaalia ayaa iska lahaan doonta maamulida iyo dhoofinta shidaalkas waxa jiri doona qeeybo badan oo kale o somali katirsan ee aay kjrian shidaa iyo dheeman laakiin suaasha waa amniga yaa sugeya waa in laheela dowlad dhexe ee dalkan oo dhan gacanta kudhigta waxa qeyraad ah ee kaso baxana somali oo dhan qeybsato hadey taasi dhicin ama dowlad lahelin isla markaana group ama koox aay ka qodaan shidaal ama dheeman qeeb kamid ah dalka waxa dhaceysa burbur iyo dagaal hor leh sababto ah marba hadeysan jirin dowlada si cadaalad ah somaliweyn wax ugu qeybisa in aay dhacdo dagaalo iyo in leesku qabsado waxi halkaas kaso baxa hadaba dadka dhahaya reer puntland baa iska shidaalkan masoconeyso somaal oo dhan baa wada leh waxi kaso baxa halkaas amaanta haba yeelato puntland oo lehed fikirka iyo howsha lagu qodayo shdianlkas laakiin wa in aay dowlada dhexe ee somalia lahaataa maamulka iyo qeybinta qeyraadka somalia hadi kale waxey noqoneys ain somali dib ugu laabato gobol gobol kale kudulaya ama qabiil qabiil kale kuduulaya ayago leesku qabsanayo waxi halkaas kaso baxay inte goori goor tahay labo maado mid waa in lasameya waa in dowlada dhexe la wareegtaa maamulka iyo qodista shidaanlkas si somali oo dhan ugu qanacdo hadi kale waxa halkaas kaso bixi doonan weerar iyo weerar celis taas oo kadhalata waxa halkas kaso haxa
Walaaldeeen reer puntland waxaan kula talinayaa in eey iska jiraan shirkadaha dhiigmiiratada ee doonaya in eey sumeeyaan shacabka soomaaliyeed oo dhan iyagoo sun ku aasaya dhulka si shacabku u xaalufiyaan. Taas waxaa tusaale u ah cuduradda ku cusub geyiga soomaaliyeed sida gabadhan raxanreeb soo sawireen wajigeedii oo go’goay sida sawirka aad ku aragteen.Si aad iyo aad ah ayaan uga damqaday gabadhaas .Markaan saakay arkay isla markiibana waxaan u diray wargeyska Aftonbladet oo ka soo baxo SWEDEN in eey caawiyaan ilaaheey dartiis.Waa gabar walaasheen ah dhamaanteen waayo waa gabar Soomaali hadan muslim ah.Aniga degaankeeygu waa muqdisho sidaas daraadeed waan u naxayaa walaal soomaaliyeed oo ku dhibaateysan meel kale oo wadanka ka mid ah waayo muslimiintu waa isku hal jir.Meeshii midkiin xanuuno kan kalena waa damqaneysaa.Walaalayaal caqli xumada joojiya oo isu naxariista kadibna ilaah baa idin naxariisanayo.Naceybka,qabyaaladda,iyo kal taga waxaa ka wanaagsan in midnimo iyo hadal wanaagsan oo umadda kala dilin lagu dadaalo.Reer puntland hadeey soomaali ka xaal mariyaan wixii dhacay 1978 iyo kadib soomaali waxeey heleysaa wixii eey ku taameyso oo ah horumar,barwaaqo,isjeceyl.Burbur waad horseedeenee wanaagna kasbada,walaalo is neceb kuwo is jecel baa qerkooda la siiyaa.GUUL IYO MIDNIMO DHAMAAN MAGAC SOOMAALI WIXII WAADAAAGO;Aamiin
Walaaldeeen reer puntland waxaan kula talinayaa in eey iska jiraan shirkadaha dhiigmiiratada ee doonaya in eey sumeeyaan shacabka soomaaliyeed oo dhan iyagoo sun ku aasaya dhulka si shacabku u xaalufiyaan. Taas waxaa tusaale u ah cuduradda ku cusub geyiga soomaaliyeed sida gabadhan raxanreeb soo sawireen wajigeedii oo go’goay sida sawirka aad ku aragteen.Si aad iyo aad ah ayaan uga damqaday gabadhaas. Markaan saakay arkay isla markiibana waxaan u diray wargeyska Aftonbladet oo ka soo baxo SWEDEN in eey caawiyaan ilaaheey dartiis.Waa gabar walaasheen ah dhamaanteen waayo waa gabar Soomaali hadan muslim ah.Aniga degaankeeygu waa muqdisho sidaas daraadeed waan u naxayaa walaal soomaaliyeed oo ku dhibaateysan meel kale oo wadanka ka mid ah waayo muslimiintu waa isku hal jir.Meeshii midkiin xanuuno kan kalena waa damqaneysaa.Walaalayaal caqli xumada joojiya oo isu naxariista kadibna ilaah baa idin naxariisanayo.Naceybka,qabyaaladda,iyo kal taga waxaa ka wanaagsan in midnimo iyo hadal wanaagsan oo umadda kala dilin lagu dadaalo.Reer puntland hadeey soomaali ka xaal mariyaan wixii dhacay 1978 iyo kadib soomaali waxeey heleysaa wixii eey ku taameyso oo ah horumar,barwaaqo,isjeceyl.Burbur waad horseedeenee wanaagna kasbada,walaalo is neceb kuwo is jecel baa qerkooda la siiyaa.GUUL IYO MIDNIMO DHAMAAN MAGAC SOOMAALI WIXII WAADAAAGO;Aamiin Ninkan maqaalka soo qoray run ahaantii wuxuu cabiray ra’yigiisa kii ugu sii wnaagsanaa qeyr alaah ha siiyo waa nin wax garad ah ina mire ha loo duceeyo.
waxaad tahay mid ay ka buuxdo puntland nacayb marka illaah baa na jecel cidkale u jioojin meyn marka reer puntland waa dad isku duuban qeyraadkale way wada intifaacsanayaa
guul masha allaah alow nuugu guulee ,amin amin,
cadowga puntland inta ah kk uba dha matay dhinta oo alle indima naxariisto duli dili dhaly
ilaa hoow noosoo saar oonogu guulee amin amin oo cadowga naga qabo oojebi
Salaan ka dib Arinka ugu daran waa dadka soo galootiga ah oo meel walba ka imaanaya. Taas. Cawaaqib xumo keeni karta. Mustaqbalka. Fog in wadanka. La idila wadaago ama. Laydinka. Tira bato. Waa in Dadka. La tira koobaa. Oo qofkasta. Oo puntlander lasiiya. Aqoonsi card.iyadoo lala kaashanayo. Dawladaha. Waaweyn oo aqoonta u leh. Waa in aad loo dhisaa ciidamada. Police ka. Sirdoonka. Migrationka. Waa in tababaro lasiiyo. Oo aqoontooda farsamo kor loo qaado. Waa in aad. Loo dhisaa ciidamada miletariga. La mideeyaa. that is my view. Good lucky. Thank you. President. C/rixmaan shiek. Maxamud. And his. Government. God bless you aamiin.
asc salan kadib qoraaga soo bandhigay qoraalkiisa runtii hadaan kafaalooda isaga way lawanagsantahay laakiin wuxuu ka hadlayo hadaan caqliga dib ugu noqono isagaaba sameenayo waayo wuxuu leeyahay aan ka fogaano qabiil iyo waxyaabaha lamidkaa waxaana moodaa inay isaga ay hayso caadifad tii ugu xumeed oo aan soo gudubna Alaah ku caafiyo akhii wad jirantahay sana kuuma fiicna Ilaahayna nooma qabto afkaaga adiga hakugu soo noqdo waayo waxaad kahadlaysid iyo qoraalkaga isma qaadan karaan adigayga ku sifaynaysaa sxb waa mahadsantihiin Puntland na way dadaashay dadkeedana way lagarabtaagan yihiin Ilaahayna ha idinka xifdiyo xaasid iyo mid naceeb wado kan qoraagaan oo kale ah mahadsanidiin dhamantiinaba wabilaahi towfiiq.
kii xanaaqi laha iyo kii ka xumaan lahaa ba punland shidaal wey qodaneeysaa cid hor istaagi karto malahan kheyraadkeena, mar dhow na waxaa dhargi doona insha’alah dhamaan umada somaiyeed meel walba ay joogaan, nin walba na wuxuu heli doona wuxuu shaqeeyto marka raxanreebey waagi hore waxaad ahaan jirteen website puntlander ah balse hada waxaa la ogaadey in aad tihiin dad xun oo conflict of interst ah kadib dad xaafada garsoor jooga oo alshabaab ah markii la weerarey ayaad waxaad qorteen ogaayeen dhamaan umada somaliyeed gaar ahaan puntland,
ogoow nin walba wuxuu shaqeeysto ayuu leeyahay website walba na wuxuu shaqeeysta ayuu helayaa idinka markii dhamaan umada somaiyeed ay hesho barwaaqo iyo horumar iyo lacag idinka xabsi ayaad heli doontaan
Raxanreeb Maxaa dabadhigay Puntland? Waxaad moodaa laga bilaabo Isku dhicii Galkacyo oo aan anigu aad uga naxay dadka Walaalaha ah ee haybwadaaga ah ; Waxaan ka arkaa Faladaan in Raxanreeb meel ka dhiibaneyso Talooyin fiican , marna ku duqeyneyso Puntland, — waxaa talo laga qadan karaa Qalbigi nadifsan oo daacadnimo Talo u bixiya , laakiin sidee talo looga qadan karaa Raxanreeb oo aanu ku naqaano Caadifad Jaan oo ay kula kacdo Dadka Walaalahood ah oo la dhihi karowaa kuwii ay wax-wada qabsadeen; walow aan ogahay in aaney Goldogob wax badan oo faido ah kama soo gaarin Maamulka Puntland; mana ah kaligood ee waxay la mi tahay Jariiban,Eyl,Baran, Burtinleiyo Dhamaan Degmooyinka, waxaa horumar gaaray Magaaloyinka Boosaaso,Garowe iyo Galkacyo oo Dadkii Magaaloyinkaas ay dhisteen, laakiin aanu waxba u qaban Maamulku,.
Dadka reer– War iyo dhamanti Raxanreeb Qoralkaan waxay ku soo bandhigtay KICIN Dadka oo ay Maamulka ku kicineyso iyo Talooyin laakiin isma galaan labaduba.
Waan kasoo horjeedaa in waxkasta la mucaarado sabab la aan. hadii soomaaliya burburtay oo puntland gobolaadaas dadkii kunoolaa samaystay maamul dhexdooda ah oo hadana ay leeyihiin waxaan wadnaa dadaal soo saarid shidaal maha in lagu mucaarado soosaarid shidaal inay isku dayaan intay awoodaan waayo dalkeena hadiiba uu khayraad ku jiro muxuu ugu jiraa? waxay ilatahay waxa uu ugu jiraa ilaahay baa ugu talagalay in aynu ku noolaano oo manaafacaadsano. markaa kawarama hadii dadkeenii uu ka gaajaysan yahay qarniyaal?
Arimaha siyaasada ee maamulka puntland waa sax in la mucaarado laakiin waxii danta guud ah oo dadkoo dhan anfacaya lama diido waayo ilbaxnimaday ka hor imanaysaa.halataageero hana lagu farxo ilaahayna ha loo baryo in ceelashaa la baadi goobayo shiidaal wax inooga soo saaro. midna ogaada maha wax puntland ay gaar u helayso dalku waa soomaaliya soomaalibaana leh waxaas oo shidaalka dalkeena maha uun kan puntland hada laga raadinayo waxa uu ku jiraa afgooye gaas sidaan mudo dheer maqlaynayba xagan khaatumo state wuu ku jiraa xagan waqooyiga wuu ku jiraa kismaanyo wuu ku jiraa bada wuu ku jiraa waxaas oo dhan waa maqlaynaa intaa laakiin punland madaama ay soomaalida ka ilbaxsan yihiin kii agtooda lagu sheegay way baadigoobayaan halka aan la baadi goobayn ka afgooye waayo amaan malaha waa badaw isdilaysa uun.
Hadaba faroole kuma raacsani arimo farabadan laakiin kuma qabsankaro maxaad shidaal u raadin soomaali haku jirto gaajadee faraha ka qaad ilama haboona waa cadawnimo sidaasi ilaahay baana kamagan galay. war ducaystoo khamiis cad iyo cigaal wada xirta oo raaxaysta maxaa idinwaalay.mardhaw soomaali baa loo shaqayn sidaas ayay ilatahay,
Why
Xaasid nimada iskadaaya hadii shidaalkasoo boxo maashaas umada soomaaliyeed baa iska leh qofwalbana waxbaa lagu sadaqeeysan ileen dhulkiinu waa abaare dadka gobolada dhexe iyo xamarna qoryaa loogu soogadi qaybtooda si eey osugulaauaa. Ssc na khamri baa loogu soo gadi ontaasaad jeceshihiin waana laydin siin ee qalbiga qeer usheega ha iscalool xumeeynina. Nacabyohow
Raxanreeb waa cadow cadoowyada ka mid ah cadoowyada sii jireenka ah dhibkana waxaa Keeney faroole welfare ki buu ka gooyey. kushubo ma caaqibaad ka sugeeysey. Hadeey wexeey keeneen ineeu dhahaan dad qaas ah uunbaa wax qori Kara ama dadka afka qabta ama haqa anina no wefare any more
calanley akhli waamo k.k.k
Qoraalkan waa mid gunuunuc ka muuqdo, qoraagu inkastuu isku dayay inuu isqariyo oo uu sii afeefto hadana isaga ayaa iskashifaya. Caadooyinka jahliga ayay ka mid tahay in wax walba la mucaarado iyadoon laga fiirsan . Dowladda Puntland dadaal weyn bay muujisay oo in lagu amaano ay ku mutaysatay, xagga amniga gacan bir ah ayay baryihii uga dambeeyay ku qabatay oo is badal weyn baa la dareemay.
Xagga musuqmaasuqa Puntland waa in istaqaan oo cidii wax xada farta ayaa lagu wada taagaya ,maaha sida kuwa xamar fadhiya ee dowlada dhexe isku sheega ee loorka bariiska ah ee masaakiinta loo wado suuqa ku iibinaya..
Wixii kheyraad ah oo Puntland waa mid lagu farxo wixii ka naxa waa cadow.
Ainiga sida ay ila tahay maa mul gobaleedka budland qorshaheeda gaas soo saarida ma xuma waayo dhalinyaro reer butlantis ayaa fursado u helayo shaqooyin, maa mul gaboleed yada kale waxa ay fursad u helayaan in ay wax yaabo kale ay soo saaraan, taas oo ay hor seed u noqo nayso gobal kasta in uu wax soo saarto, {SIDA CANADA} Canada waa 13 maa mul goboleedyo, mid walba waxa uu soo saaraa nacfi ama qeeraad, sida ALBERTA =saliida ONTARIO=baa buurta SASKATCHEWAN= miraha ,qamadiga. mida kaliya aan ka wal walayo waxa ay tahay in lagu dagaalamo ama ha ahaato soomaali guda heeda ama wadanka dariska ee itoobiya uu handado.
Dhamaan waad salaaman tihiin.
Soomaaliya ayaa shidaal yeelatay meel kasta oo laga qodaba waa wax lagu farxo, mana filayo in qof Soomaali uu ku qadayo oo haddii qaab maamul iyo dowladnimo wax lagu waayo, qaab xigto, qaraabo iyo afka aan ku hadalno oo Af Soomaali ah ayaan wax lagu weyneyn ileyn Somalidu waa wada xigto iyo qaraabo. Waxaase jira arin murugo igu heysa ka dib markii aan aqriyay sheekada shidaalka ee ila arka.
Wadanka Indonesia oo aan hadda ku noolahay, ayaa 2006 waxaa qarxay ceel Gaas laga qodayay, dhacdadaas waxaa loo yaqaanaa SIDOARJO MUD FLOW AMA LAPINDO MUD. Lapindo waa magaca shirkadda qodeysay ceelka (PT LAPINDO BRANTAS ). Qaraxii gudaha ceelka ka dhacay waxa uu debeda ku soo afuufay dhiiqo ama dhoobo lagu qiyaasay maalintiiba 100,000 Mcubic, waxaana quburada cilmiga geology-ga ay tilmaameen in burqasha dhoobadu socon doonto muddo 30 oo kale. Magaalooyin iyo tuulooyin ayaa looga guuray dhiiqadii iyo gaaska iyo biyaha kulul ee la socday ilaa maantadaan dadka ku hanti beelay waxa ay dalbanayaan mag dhow qasaarihii gaaray. Waxaan jeclaan lahaa inaad aqrisaan maqaalada ku saabsan dhacdadaan Indonesia ka dhacday si aad u ogaataan qatarta ay leedahay oo aanan la fiirin NUMBARADA NOO SOO BAXAYA IYO XISAABAHA AAN ISKU DHUFSANEYNO MARKA SHIDAAL LA HELO.
Haddaba su’aalaha is weydiinta mudan waa:
1- Shirkadda qodeysa ceelashan ma tahay shirkad meel loo raaco leh, mise waa calooshood u shaqeystayaal doonaya haddii dhib dhaco iney kala cararaan.
2- Ma jirta cid ka hubisay qalabka ay adeegsanayaan (wax ku qodayaan) inuu yahay qalab la isku hubo xagga amaanka (safety) ama caalamiyan la isticmaalo oo la ogolaaday.
3- Deegaanka ay ka qodeyso shidaalka ma ka sameysay shirkaddani wax kaabayaal dhaqaale ah (infrastructure) sida wadooyin deegaanka ay wax ka qodanayaan.
4- ma u sameeyen wax gacan qabad ah (corporate social responsibility) dadka deegaanka ay wax ka qodayaan.
Su’aalahaas iyo kuwa kale oo badan waa wax u baahan in laga fikiro inta aan lagu dhaqaaqin hawshaan dhibkeeda iyo dheefteedaba leh.
Waxaan ku soo gabagabeynayaa warkeyga, hadda ka hor ayaa waxaa jiray nin aad u hunguri badnaa, iyada oo la guurayo oo geeddi la yahay ayuu wuxuu arkay geed TUKE ku kor xoonsan yahay markaas ayuu is yiri walee meeshaas SAB (xoolo qal iyo duco) ayaa ka jirta, markaas ayuu ka leexday geeddigii oo geedkii xagiis isku qaaday, wax yar ka dibba waxaa yeeray qeyladiisa markii uu ka kortegay libaax fadhiya geedkii. Nasiib wanaag waa laga soo gaaray oo raggii la socda ayaa ka badbaadiyay, laakiin waa buusbuusanyay oo jab iyo xagatimo ayaa soo gaaray, waxa ayna noqotay maahmaah la yiraahdi WALEE QAAREEY TUKE GEED DAMBE SAARAN MA AADO. Waxaan ula jeedaa haddii aanan si fiican uga fiirsan arintan shidaal qodashadu iney nagu dhaliso inaan ku fikirno inaanan ceel dambe dib u qodon ama qatartiisu noo soo hormarto halka hadda nacfigiisa oo kaliya uu noo muuqdo.
xaas xaasid dhalay maxaa ay munaasib u haan wayday cadawyahow maanta soomalidu waxaa ay u baqtiyeysaa gaajo oo waxay tuugsanaysaa gaalo marka iyagoo haysta qayraad ay leeyihiin maxa u diiday maantayse aad iyo ad ugu bahan yihiine hadaysan la soo bixin ma markay dhintaan ayey la soo baxayaan
WAAN KU OGAA WAXAA TAHAY XAASID MADHALAYAH OO QABIIL KU DUUGAN YAHAY
HADAA MA REER GARSOOR AYAA HORTAAGAN LA SOO BIXIDA …PUNTLAND CIDNA MAGAN UGAMA AH KHAYRAADKEEDA WIIXII SOO FAR GASHTANA WAXA AY KALA HORTAGAYSAA CUDU MALATARI
SUBXANALAAAH,,,,,,,,,AHMED MIRE,,CIDIKAAMA CAQLIYARA SHARKA AADWADO IYO DADKAD ISKU DIRAYSID ALAHA ADIGA KALIGAA KUGU EKEEYO,,XAASIDNIMO IYO QURUNBA KASOO URAYA ,MARKAD LEDAHAY MA WAKHTI SHIDAAL LAQOTA LAJOGA HADA MAXAA LAJOGA MA WAKHTIGII LAYS LEYN LAHA WAR DADKU WAXAY ISU CUNAYAN WAA DHIBATADA IYO GAJADE HALAGA SAARE WARXUMADA IYO WAXAD LAWAREGAYSO JOOJI,,XAGEESE KA BUGTA HADAD DOWLADA TALO U HAYSO ORODO AYAGA LAXAJOOD LKIN UMADA HAYSKU DIRIN INTA KU SOO DHUMATID SHIISHADAN GADASHEDA BWAX HAKA SOO QORIN NIN ISKA DHIGO HADA RER PUNTLAND TAHAY TALADA RAGA HAYA WAX U SHEEG,,,HADI KALE WAXAN KU ARKAYNA QOF XANUNSAN OO MEELO BUGTO,,,BALAYA SADIN OKIDA HADABA LABILABEY CELKE SUBXANALAAH,,CUQDA IYO CAWRADA ISLA HEL OO ISLA HALEEL BALADA WADID ILAHAY KUMA SOO DHAAFSHO UMADA SOMALIYED INTA FAYOOWNA HAKA QABTO ADIGA IYO INTA XUMAHA IYO ISKU DIRKA KA SHAQAYSA.,,,,,,PUNTLANDNA MADAXDEDA IYO SHICIBKEEDA XALASHA WAXBA KA HALABI MAYAN WAYO XAASID MA AHA XAASIDNA MA BULAALO EE WAA WIIQMA,,,,,PUNNTLANEEEY BISINKA LAGUU HAYA ALAHA KAA BACSHO BALADI LAGULA RABO
WAA TILAABO WACAN OO HOREY LOO QAADEY, DADKANA WAXA ISKU DIRAYA WAA GAAJADA HADDII LA HELO DHAQAALE WACAN WADANKU WAA DAGAYA, DADKUNA QORIGA WAA ISKA DHIGAYAAN. DOWLADUNA HADDII AY HESHO DHAQAALE KA SOO XAROODA SHIDAALKA WAXAY AWOOD U YEELANAHEYSAA INEY MAAMULKA IYO ARRIMAHA BULSHADABA HAGAAJISO. INAYN WAXA HADDA WAX LALA QABAN LAYAHEY WAA DHAQAALE DARO. DADKA QAAR BAA WAXAY KA HADLAHAYAAN CORRUPTION, WAA RUN CORRUPTION WAA JIRA WAANA JIRI DOONAA. LAAKIIN MARKA SHIDAALKA LA HELO HADDI WAX UN LA XADO INTA SOO HARTEY BAA INAGA BADAN. TUSAALE AHAAN WADAMADA KHALIIJKA MADAXDOODU WAA FOOQAL QAANUUN WAX ALLE WAXAY AY RABAAN BAY SAMEEYAAN, WAXAY DOONAAN BAY XADDAAN, LAAKIIN WAY DHAMAYN WAAYEEN OO INTII SOO HARTEY KHAYRAADKA SHIDAALKA AYAA KA BATEY DADKII SHACABKA AHAA. SXB HADDA ADDUUNKA WAA KA GODBEY IN MEEL LOOGU XIRNAADO COMPANYADA SHIDAALKA SOO SAARE EE REER GALBEEDKA, WAAGII HORE WAXAA SHIDAALKA SOO SAAI JIREY 4 COMPANY OO KALIYA OO LAGA LAHAA USA, UK IYO FRANCE, DADKA WAY KU GUMAYSAN JIREEN ARRITNAAS TUSAALE AHAAN SACUUDIGA MARKII UGU HOREYSEY HESHIIKU WUXUU AHA IN COPANY GU QAATO 95% OO INCOME KA AH HALKA WADANKA SACUUDIGU QAADAN JIREY 5%. LAAKIIN MAANTA WAXAA JIRA IN KA BADAN 450 COMPANIES OO SHIDAALKA SO SAARA REER GALBEEDKANA WAA LOOGA DHEEREEYAY, WAXAA SOO SAARO CHINE, MALESIA, KURIA, NORWAY, CANADA ISWEDAN. MARKA WAA ISKU ERI OO HADDA WAXAA LA MARAYA IN COMPANIYADU QAATEEN 10% UGU BADNAAN DALKA LEH SHIDAALKANA WUXUU LEEYAHEY UGU YARAAN 90% MARKA WAAD GARAN KARTAAN ISBADALKA ADDUNKA KA DHACEY LAST 20 YEARS. TANKALE MAANTA CEELKA SHIDAAL EE ADDUUNA UGU DHEER WAXAA LAGU SOO SAARA MAXIMUM 10 WEEKS, HALKA WAAGII HORE LAGU SOO SAARI JIREY 1 TO 3 YEARS.
asc qoraaga walaalayaal afla gaadadu mafiicna,ee yaan la afla gaadeeynin sinaseex ah oo caqliga caafimaadka qaba uu fakarayo ooaqooni kamuuqato ayuu udhiibtey fikirkiisa qof kasta oo caqli lehna wuu fahmayaa maanta inaan shidaal waqtigiis lajoogin,waayo faroole maamulkiisu wuxuu xakameeyn la,ayahay amnigii p/land oodhan marka laga reebo garoowe ooqura maanrunta isu sheegno haduu shidaalka amnigiisa ka adagyahay ama damaanad qaadi karo gobolada dalka muxuu marka hore wax uga qaban la,yahay amnigooda,oo usugi la,yahay,ma hagar buu kaga jiraa?war dadka yaan afka lagoosanin,dadkaan maba kala garanayaan qofkanaseexa uah iyo kan cadawgooda ah haduunanp/lander ahayna sidaa umuu soo ban dhigeen aragtidiisa waloow ay kafiicnaan laheeyd inuu maamulka laftiisa taladan ujeediyo pegegkoodana ugu ban dhigo.waatalo wax ku oolah talada uusoo jeediyeey,hadii wax lagu qaadanayo waanan umaleenayn in madaxdeenu diyaar utahaye waayo nin meeli ucadahay meeli kamadoow.
qoruhu waa mahad san yahay runtii ayuu ka hadley waxaa ku dari lahaa nabadgelyadu waa muhiim dadaal badan ayaana loo baahan yahay ilaah na ha nooga dhigo shidaanka kii somalia oo dhan ku badhaadha waxaa qabaa iyo waxaan soo marey 21 sano oo kacaan waalan ayo 21 sano oo bur bur iyo dagaal insha alaah waxaa noo xigeesa 21 sano barwaaqo ah halkaana ilaahey nooga sii wado khayrka iyo guusha.
ADEER WIILASHA WAXEY JACEL YIHIIN ISKA SOO QORANAYSOW HA KU NAALOW NINA SHIDAAL DHAROOR LAGA SOO SAARAY AYAA MUQDHISHO LAKU XISAABINAYAA TAASI WAAA
CALAACAL OO TIMA KA SOO BAXEEN MA OG TAHAY WIIIL KOONFUREEDOW PUNTLAND MADAXDEDU INTA AYEY U MARTAY IN AY SHIRKADO HISHIIS LA SIXIIXAN KARTO ADEEERAYAA ANIGU SOMALI MA DIIDANI WAXA WALBA OOO NAGAARAY WAN ILAWNAY TAASNI WAAA ALLE MAHADIIS DAWLADA DHAXE WAXA UU JAATARKA LA’QORAYO KU QORAN AYAA LOO OGAL YAHAY BALSE SHIDAALKAN AQLI AYAA GUUUD DHEER IYO MID GAAB U FUULAY WIIL MUDISHO ADIGANAH WAA KA SOOO HORE JEEDAY IN PUNTLANAD WAXA LA SOO BAXDO WALINAH WAXABAAN KUU OGALAHAY MIYAANAH SOMALI AHEN HADII AAD XASUUSADAAN INTA MAXAWEYNAHII HORE EE SOMALIYA mR abdulahi yusuf ay sooo gaareen puntland adiga Ra, cali Mohmed geedi Bbc laga wareesaty uuu yiri puntland waa waa state xasilan misnah diiday saxiixiii ooo la weydiiyay adiga ayaa mudane Ra’ lahaa waa nabad puntlanad maxaa u diidan tahay in ay shidaal la soo baxaan tuu ku hadlay waa la ogaa balse
wali waxaan aniga jooogaa in aan waxa bixiyi balse TURKIGA daaqah uu somaliya siiyay adiga ayaa ku kan daloolaiyay aniga ooo puntlander ah waxaan hubaa dawlada dhaxe la siinayo shacabka ayaa ka horeeya ooo laku garab qabanayaa nin kursi ku fadhiya ayaa bartay in hatida dad weynah ku shubto bank taasi waa dhaatay khyr aaan alle ka sugno alle ayaa deeqdiisa laku hadamaa puntland viva iyo somaliyba iiinsha llah guuul allah akbar
asalama calaykum
walalaayaal wax walba waa laga wardoonaa
marka puntland haday goaansatay inay horey
horey usocoto bal yaan la hor istaagin
guushay doonayso ha higsatee
hade aniga waxaan qabaa hadaa wax laga soo saaro meeshaan markaan yaraa geela iyo ariga ku raaci jiray
walaahi waan soo dhoweynaa waxaan xasuustaa inaan anigoo yar dharoortaas oo aan nololi ka jirin aan waayay xataa ka waaya meelaan biyo kacabo waa meel aad u dufaan badan labo buurood bay u dhexaysaa
uur caleed iyo uur karkaas bahasha hoosena waa ku badan tahay sida abeesada daqiiqadii 10 xabaad arkaysaa haday ku qaniintana hade waa nabadeey fardo aan cidna lahayn inaad aragtaa laga yaabaa
doofaar gano dhaadheer oo tiro badan baad arkaysaa dameero badan waad ku arkaysaa mas cade waa joogaa oo dheerer badan mas gungume la dhaho dadka degaanku ku leeyihiin waa duulaa oo aad u madow waa joogaa oo qofkuu waniino uu yahay nabadeey waa joogaa marka aniga ahaan waaba ka baqaa waa meel cabsi leh oo ismaba lahayn taasaa shidaal laga qodi doonaa laakiin hadii waqtigeedii yimid oo dadkii dhulka wax garteen oo caqligii shaqeeyay hadee waa in lasoo dhoweeyaa waxii kasoo baxana lasugaa oo aan laga hor dagin marka hala sugaan leyahay khayrna hala rageeyo
sidaas ka baxay byeeeeeeeeeee
asama alkm
asc bismillah ani oo madax waynaha maamul kobeleedka soomaliyeed ee gacsi_land waxaan ka xumahay websiteka lamagac baxay raxanreeb in uu manta rabo inuu caqabadeeyo hormarka puntland marka waxaan u digayaa raxreeb hana is ilaaliyo dhibaataynta umada reer puntland eeeeeeeeee jecel hormarka iyo nabada soomaliyeed marka waxaan shacabka kacodsan inay illaliyaan amniga puntland byyyyy byyyy for good meeting all puntlander and sooomaliyaan
Asc waxan salamaya qoraga runti qoraagu hadalkisu maxuma lakin waxad mooda dhaliisha inuu saarayo dowlada kaliya halka shacabka rag iyo dumarba iyo cuqaal culumo qurba joog ganacsato dhamaan intaas oo dhan hadaysan amaanka iyo hormarka wadanka qayb ka qaadan hade far kaliya fool ma dhaqdo ani wax badana waan ku cel celiyey pl waxaa kamaqan kaalinti shacabka oo runti pl maleh shacab wadani ah ama u bisil hormarka iyo nabada wadanka intaa kadib dr. Faroole iyo xukumadisa waxan ka codsanayna inaan