Shidaalka Puntland .. Tallaabo 3-aad oo la qaaday .

Facebook Recommendations

Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin
Share

Shidaalka Puntland .. Tallaabo 3-aad oo la qaaday .
Farah Warsame
Bile1971@hotmail.com
Jan 18 2012

Shaki kuma jiro in saddex tallaabo oo waaweyn oo muuqda uu maamulka Puntland ku tallaabsaday intuu jiray. Tallaabooyinkaas oo kala ah dhismaha Puntland oo aan ogeyn sida uu ku dhismay iyo waqtigii xasaasiga ahaa ee la aas’aasay!, Habka maamul ee Puntland ku shaqeyso oo taabbo gal ka noqday illaa xad gudaha iyo dibeddaba iyo Howsha hadda nagu cusub ee kheyraadka puntland sidii loo soo saari lahaa ku saabsan.

Qoraa Sare: Faarax Warsame

Labada tallaabo ee hore ee kala ah dhismaha puntland iyo systemka maamul ee halkaa ka jira hore-na waan uga hadalnay waana ka sii hadli doona haddii alle idmo laakiin maanta maqaalkeena wuxuu ku saabsanaan doona tallaabada 3-aad ee nagu cusub taasoo ah shidaal qodista.

Arrintan shidaal qodista ayaa maalmahan noqotay hadal-heynta ugu weyn ee caalamka guud ahaan, gaar ahaan soomaalida ka maqalno. Waa arrin la yaabkeeda leh naguna cusub, tallaabo dheer oo hal mar la qaaday maadaama aysan wax sahlan aheyn in Soomaaliya maanta shidaal loo soo saaro, la-ismana laheyn sidan ayay wax u fududaan doonaan.

Mudadii hadal-heynta shidaalka Puntland ay socotay, inta markaa sheekadaa si kal & laab ah ugu qaadatay aad ayay u yaraayeen, aniguba aan ugu horeeyee. Laakiin aniga shakigeygu wuxuu ku saleysnaa baqdin aan ka qabay in shirkadaha shidaalka sad-bursi aad u weyni ka iman karo marka laga eego xagga nidaamka dowliga ah ee wax kala qeybsiga ee heshiisyada noocan oo kale ah loo galo.

Waxaana mar walba ii muuqday welina ii muuqda, in mar haddii soomaaliya dowlad adag oo heshiisyo sidan oo kale ah saxiixi kartaa aaney wadankeena ka jirin, in markaa si sahal ah laguu dhici karo. Ama haddaan si kale u dhigo lagugu qancin karo wax aad u yar oo aan kuu qalmin, iyadoo laga faa’ideysanayo dhibaatada & rafaadka aadka u xun ee ku soo daashaday welina aan kaa dhammaan.

Sidoo kale waxaa mar walba igu soo dhacayay sababta dowladihii waaweynaa ee Soomaaliya soo maray uga horyimaadeen in shidaal laga qodo waddankeena iyagoo markaa saluugsanaa sida ama qaabka shirkaduhu saamiga ugu qorsheeyeen Soomaalida. Shaki kale waxaan ka qabay arrimaha amniga Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Puntland anigoo marwalba qalbiga ku hayay dhacdo hore uga dhacday qeyb Puntland ka tirsan markii la damcay in baaris loogu dhaqaaqo sida durba looga hor yimid iyo kuwo kale oo kuwaa la mid ah.

Laakiin waxaa shakigii aan qabay aad u yaraaday mar aan bishii oktoobar ee sanadkii tagay socdaal ku tagay magaalada Sydney ee waddankan Australia oo markaa annagoo badan oo soomaali ah cayaar kubadda cagta ah daawaneyna, uu noo yimid nin caddaan ah isagoo soomaalinimo noosoo heybsaday. Waxaa na dhex martay aniga iyo isaga sheeko gaaban.

Wuxuu hadal iiga bilaabay” Ma soomaali baa tihiin?” Markaan iri “HAA” wuxuu i weydiiyay ” Soomaalidee tihiin?”  Ma fileyn in shakhsi caddaan ah su’aashaa oo kale i weydiinayo, waayadana wax su’aashaa oo kale i weydiiya ma arag! Anoo su’aashiisa dhibsanaya laakiin doonaya in aan u jawaabo ayaan ku iri “Ma soomaalidaad kala taqaan?” Isagoo dhoola cadeynaya ayuu igu yiri “Haa” iina raaciyay “Wax reer Puntland ah ma idinku jiraan??”

Yaab ayay igu noqotay, shakise ima gelin maadaama meesha la joogay ay aheyd meel ammaan buuxa ka jiro, maalintaana cayaaro kubadda cagta ah socdeen, oo isagu laftigiisa cayaarahaa u yimid. Waxaana durba ugu jawaabay “Anigan kula hadlaya ayaaba ka soo jeeda Puntland ee maxaa cusub?” Wuxuu iigu jawaabay” Bosaaso ayaan 4 sano dagganaa”. Gartay!!!.

Halkaa markay sheekadu mareyso ayaan wareysi ugu dhaqaaqay aniga oo weydiiyay wuxuu Boosaaso ka qabanayay mudada intaa le-eg. Wuxuu ii sheegay in uu ka tirsan yahay khubarada gacanta ku heysa shidaal qodista Puntland. Waana meesha aan ka ogaaday in Puntland shidaalkeeda la soo saarayo isagoo aakhirkii iigu khatimay “baaristii waan dhammeynay, markan noqoshadeyda dambe waa soo saaristii!!

Markii hore aad ayaan u farxay laakiin mar walba waxaa farxadeyda kala dhantaalayay fikradda illaa hadda aan qabo ee shakiga ah ee ah in kheyraadkeena la boobayo. Mararka qaar waxaanba is weydiiyaa, armay waxaad horumarka la gaari weyday ama dadka qaarkii la gaari waayeen tahay cabsida amaa lagu dhacaa ah ee idinku jirta? Waa wax dhici karta laakiin markaan soo xusuusto xaalkeenu meesha uu marayo ka-soomaali ahaan, ayaan firkaddaa iska iloobaa!!.

Haddaan shidaalka u soo noqdo, Shaki kuma jiro meel shidaal laga qoday laga rajeynayo in laga helo dhaqaale ummaddan wax loogu qaban karo intuu doono ha le-ekaadee  . Arrinta keliya ee aan isleeyahay soomaali wey isku dirtay ee faqriga ku saabsanna lagala dagaalami karo. Waana markii ugu horreysay oo dhag bani’aadam ku soo dhacdo in dhul soomaaliyeed shidaal laga qoday. Waxaan oran karaa marka dhinacaa laga eego waa horumar soomaali u soo hoyatay gaar ahaan Puntland.

Shidaalka Puntland wuxuu howshiisa bilowday 2005-tii, wuxuuse uu aad u soo shaac baxay 2007-dii markii heshiisyo arrimahan ku saabsan la kala sixiixday. Dhulka Puntland ayaa lagu sheegay in uu yahay halka ugu badan guud ahaan soomaaliya ee shidaalku ku jiro. Sidoo kale waxaa Puntland lagu sheegay in uu ku jiro macaadin kale oo faro badan oo gaasku ka mid yahay taasoo aan weli baaris lagu bilaabin laakiin la filayo in mar dhow iyadana loo howl galo. waxaana la rajeynayaa in Puntland noqoto dhul hodan ku ah kheyraadkeeda.

Ceelashan shidaal ee hadda soo saaristiisu bilaabaneyso waxaa lagu qiyaasay in ay ku jiraan illaa 5 bilyan oo barmiil ama foosto hadba qofku sida uu u yaqaan. Qiyaastan wey ka yaraan kartaa weyna ka badan kartaa. Laakiin waa bilow fiican haddii si fiican howshu isugu duba dhacdo.

Dabcan tallaabooyinka xiga ee ay Puntland qaadeyso ayaa ah in ay u socoto sidii dad wax heysta oo markaa heshiisyo iyo mashariic kale oo hrumarineed ay ku tallaabsato, iyadoo mar walba magaca soomaaliyeed inoo sidda.

Kuma koobana Puntland meelaha shidaalku ku jiro, dhulal badan oo soomaaliya ka tirsan ayaa la sheegaa in macaadin ka buuxdo, xitaa waagii aan yaraa ayaan sheekooyinka shidaalka ku saabsan maq-maqli jiray iyo hadal ah sucuudigaa diidan in la soo saaro iwm. Mar haddii shidaal la maqlay waxaan is leeyahay shakiga ah shidaal ma ku jiraa dhulkeena iyo mala soo saarayaa uu meesha ka sii baxayo. Laakiin aniga weli far ayaa ii taagan waxayna su’aasheydu tahay maxaa xigaya?

Yaan loo qaadan in aan dhinaca xun uu wax ka eego (pessimist), laakiin waxaa mar walba dib u jalleecaa dabeecadaha Soomaalida, kuwaas oo weli tusaalooyin aan wax ku kala ogaan karo ii noqda, haddana waxaan ogahay in wax laga badali karo dabeecadahaas haddii la doono!!. Waan hubaa in soomaalida oo isku dayashada ku dheereysa uu tartan soo dhex marayo, oo meelaha kale oo soomaaliya ka tirsan ee weliba ammaanka yari ka jiro, taasoo la saadaaliyay in shidaal laga heli karo, sida Somali-land oo kale ka bilaabaneyso shidaal qodis kale.

Laakiin  marka uu tartan bilowdo ,xaaladda aan ku jirno iyo dhaqanka soomaalida lagu yaqaan isku eego, waxa aan ka baqayaa in si laablakac ah oo qabyaaladi hor boodeyso  inta wax loo bilaabo ama adigu keligaa nooloow, ay markaa hadhow sheekadu noqoto jaantaa rogan, oo shaksi walba wax iska saxiixo, kii ku yiraahda labo gaari oo aan xoolaha furdada ku geysato ayaan kuu iibinayaa ee aan kheyraadkaaga daldasho, aad tiraahdo “you’re most welcome”..

Taana ha biciidsan oo hore ayay noo soo mareen. Qaar iska daa in wax loogu badalee kursi qurxoon inta la fariisiyay wasiir aan weligii soo mareen noloshiisa inta laga dhigay halkaa saxiix la yiri, hanti qaran sidaa ku baxshay. Ogowna haddii sidaa aan saadaaliyay wax u dhacaan hubaal waxaa noqoneysa in heshiiska Puntland uu noqonayo, kan markaa ugu wanaagsanaada.

Su’aasha kale waxay tahay sidee arrimahan oo kale looga manaafacaadsan karaa si siman oo soomaalinimo ku jirto? Maxaase caqabado ah ee ka iman kara?

Caqabadaha haddaan ku hor maro, wey badnaan karaan waxaana ugu horreeya uguna muhiimsan tan aan mar walba ku celcesho ee arrimaha nabadgelyada. Waxaa jira oo aan weli la iska daweyn xanuunkii soomaalidu qabtay ee qabyaaladda oo markaa kuwii dabka shidi jiray bilaabaan howshii ay takhasuska ku ahaayeen ee isku dirka, dhaleeceynta iyo iska hor keenista.

Waxaa sidoo kale caqabadaha ka mid ah in maadaama dadku iska gaajeysan yahay suurto gal noqon karto in loo soo jabo meelahaa dhan-dhanaanka yar laga soo sheegay iyagoo dadku markaa ama shaqo doon ah ama naftaada badbaadi is-leh, oo markaa ummadda intaa le’eg ee soo hayaantay dhibaato xagga amniga ah abuurto. Sidoo kale marka ay wax qeybsi timaaddo waa muran kale oo tuhun iyo wax kala jiidasho wata. Soomaaliduna iyagoon wax kala hubsan ama fiiro dheer u yeelan waxa ay sameynayaan ayay iskala boodaan arrimo aan loo baahneyn oo khalkhal abuuri kara.

Arrimahaa oo dhan waa dabeecado aan Soomaalida hore ugu aqiin.

Dhinaca kale markaan eegno, markii la maqlay shidaalka puntland waxaa ummadda soo gashay rajo ah in ay nolol sameystaan. Hubaal waxaa ah haddii si wanaagsan oo soomaalinimo ku jirto kheyraadka soomaaliya loo wada manaafacaadsado, in ninna uusan gaajooneyn! Dhibka iyo shiddadana la yareyn lahaa, Laakiin weli waxaa la la’yahay sidii dadkani wa loo fahamsiin lahaa ama iyagu wax isu fahamsiin lahaayeen.

Waxaan ku soo gabagabeynayaa, aan ilaashanno ishaa yar ee noo soo burqan rabta. Ka muwaadin ahaan ku bixi juhdi walba sidii looga manaafacaadsan lahaa. Dowladda puntland-na waxaan kula dardaarmayaa in sidii ay ballan qaaday howsha u waddo, ummadda oo dhanna soo dhaweyso.

Wabillaahi Towfiiq

Farah Warsame

Melbourne Australia

Bile1971@hotmail.com

=============================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY FIKIRKAAN AMABA MAQAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags:

29 Responses for “Shidaalka Puntland .. Tallaabo 3-aad oo la qaaday .”

  1. runsheeg says:

    waligay maanta ayaan u riyaaqay raxanreeb waana ku faraxsanahaay walaalayaal aan iska iloowno wixii hore horayna aan u socono viva somaaliya viva puntland

  2. Cadde says:

    Bile wa ku mahadsnyahay dardaaranka iyo tilmaanta halka ay soomaalida gaar ahaan reer Puntland horay uga dhaqaaqiweyday oo ah qabyaaladda. Dad iskudilaaya anagaa halkaan degna maxay tahay walaaltinimada iyo islaanimada ka dhexeysa. Cudurkaasna dadka gudaha jooga iyo kuwa dibadda jooga waa wada qabaan. mana filaayo in ay ka baxayso haday gaajaysanyihiin iyo hadii ay dheregsanyihiin

  3. dahir says:

    Aswrwb

    Aad baan kaaga mahad celinayaa qoraalkan, Anigu waxaan ka soo jeedaa koonfur, Runtii aad ayaan ugu faraxsanahay in dhulka soomaliya shidaal laga soo saaro, waana arin lagu farxo qof kasta oo magaca soomali sheegta, waana soo dhaweynayaa arintaas horumarka ah annigoo u rajaynaya reer puntland dadaalkaa ay geliyeen in mar dalka soomaliya meel ka mid ah shidaal laga soo saaro, annigoo u rajaynaya in rajada shidaalka rumawdoisla markaa soomali meel kasta oo ay joogto ka faaidaystaan fursadaas qaaliga ah.

    Soomali waxaan u rajaynayaa nabad & barwaaqo insha allah

    Dahir
    Uk.

  4. Ismail says:

    Waa qoraal aad u wacan walal, but inshalah niyada khayr haloo sheego. walalo waa kuwa isku dhaca mar inta kalena wax wada cuna. Reer Darood Ismail waxay qaban ducadii abahooda maxaa yalay waa qosyka kaliya ee inta isku dhaca durbaba iska ilooba wixii sooo maray.

  5. diiriye says:

    waa qortaal aad laga baran dagay .farax aad ayaad ugu mahadsantahay qoralkada .aqoontu ku dheehan tahay waana ka helaa qorladad ay ka muuqato wadaniyada .iyo dhul jaclaanta .
    waxaan kuu rajaynaya inaad halkaas ka wadid dadalka aad ugu jirtid ibn bal un aad dadka wax u iftiimiso . si wadaniyad iyto sdal jacal aad ugu beero .waad mahdsan tahay-.

  6. mahamed says:

    guuuuuuuuuul raxanreeb waxaa bogaadin mudan iyo in lagarab istaago shidaalka pl soosaariso
    maadaama uu eebe wayne ugu naxariistay in uusiiyo shidaal insha Allah waxyarka dib pl waxay noqon like khaliij viva puntland cadowgaa jabyooooooo calanyahow hadhicin kuwax ka xaasidiya shidaalka ay lasoobaxday pl waxaan oran lahaaa ha isdaaalina puntland dhaqaaqdeee from mudug,nugal, cayn, sool skarkaar sanaag IYO GOBALWAYNAHA BARI VIVA ALL PL il iyo cowri la oow pl

  7. abuu mujaahid says:

    scw walaal bile khayr allaha kusiiyo maanta waa maalinkii aan cabi laheyn dhulkeena khayraadkiisa ee bilow halkaa kasii wad kana digtoonow kuwa fikirka xun

  8. casaa says:

    raxanreeb reer puntland weydin jecel yihiin ee iska ilooba wixii dhacey meel lagu kala harayo ayaaba iska yar ilaa aakhiro waan is daba soconeynaa

  9. warninkaan halooyeero maqaalkaan sooqoray
    waadadka tiradayar ee caqligooda iyo meelshishe wax ka eegooda uu aad usareeyo faarax maanta hadii intaa soomaalinimada iyo muwaadilnimadu kudheehantahay aydhabkatahay waaba u,egtahay in aydhabkatahaye waxaan oranlahaa war adookalaa dalku ubaahanyahaye noo imaw oowaliba pland imaw oo waxbadan baad ufaa,iidaynkartaa madaxda plandne ufaa,iidee kolay maanta anigun waankudooranlahaa anoowaliba haybdhawlawadaaga madaxwaynaha hadataladahaya waanhubaa in hadiiwaxla,igawaydiinayo aanbooska uuhadajoogo kaagaqaaadilahaa waayo meeshuuhadawaxmarinayo baadkasiidhaqaajinlahayd oo inbadan oo aan isleeyahay waakatagay baad sixilahayd aad iyo aad baankaagamahad celinayaa maqaalkaan qurucdabadan

  10. lawnagsin buu oranjiray oday marhore dhintay maxaadhulkeenudahyahay markaan alla qoraalkaan quruxdabadan ooo faarax arkay baan sooxasuustay alla unaxariisaygiii

  11. Asc wrwb dhamaan ( Farax Warsame) walaal aad iyo aad badugu mahadsantahay qoraolkaga oo ah mid runta tilmantey Illahayse nagama dhigo kuwii barwaaqo ku fiidnoobaa iyo kuwii is dulmiya insha allaaaah , wanku faraxsanahay kheyradka dhulkeena Puntland guuul meshii Awoowgeen Cabdiraxman Ismaciil ku aasna baa kheyrkii ka yimid masha allaaaaaaaaaaaaaaaaaah.

  12. Gabalaax says:

    Maasha allaah waa qoraal aad iyo aad u wanagsan islamarkaana la,orankaro shakhsi waxaa qoray lafo iyo dhuux ladugsado leh sidaas markaan leeyahay ka diin ahaan iyo ka wadan ahaan intaba shakhsi ehel u ah ayaa soo qoray farah mahadsanid khayr allaha ku siiyo

  13. Wadani says:

    Asc sxb wad mahadsan tahay waa arin lagu farxo waxaase loo bahan yahay in il gara lo yesho dadka xumaan sidayasha ah ayna jirtaa fol jignan dherad ah maamulka puttlana waxan dhihi la haa itoobiya si goni ah isaga ilaalsha waa cadaw mana jeclo horumarka dadka muslimta ah e somaliyed fadlan iska dhisa dhinaca minitiriga ogaadana konfur iyo waqoyi dadka jogo waa walaalihin idinku diin iyo af iyo dhul ah hana tagorina soo dhaweya walalihin qabyalada ka fogada noqda dad somali wanaag ay kaga daysadan mahadsanidin

  14. akhyar says:

    HADAD FAKIR KU DARSANEYSID MAQAALKAAN
    SI AAN QABIIL CEYN AHEYN UGA HADAL
    WAANA KAA TIRTIRNAY EDEBDARADA AAD HALKAAN LASOO DOONATAY
    SI QOF CAADI OO EDEB LEH UGA DHIIBO FAGRADAADA

  15. ciidyare says:

    asc walaalayaal waan idin salaamay dhamaan umada somaliyeed meelkasta oo ay joo gaan salaan kadib waxaan u mahadnaqayaa walaalkay faarax oo soo qoray qoraal kaan qiimaha iyo qaayaha leh ee ay ka muuqato wadaniyada iyo diinta iyo amaanada waxaan lee yahay han balyo mar labaad walaal ilaa h hakuu siyaadiyo caqligaaga saliimka iyo aqoontu ku dheehan tahay hadaan usoo laabto arimaha shidaalka laga qodaayo puntland waan soo dhawaynaynaa waana ku faranay hadaan nahay reer puntland iyo soomaali wayn waxaana leenahay waa arin qiimo leh oo usoo hoyatay soomaaliwayn iyo puntland lehna in lagu amaano cid aleh iyo cidii usoo halgantay ha ahaato madadeena ama shacabkeena iyo dadka qodaya oo ajaanibtaa waxaan leeyahay ala haidin lagarabgalo waxaan usoo jeedinayaa umada soomaaliyeed in ay kudaydaan mawaadiniinta uhalgamaya wax qabadka dalkooda iyo soocelinta samcadii umadeen a iyo dAL KENII QANIGAA HAA ANIGA CIID KAHAAN WAAN TAAGEERSANAHAY WAANA IDIN LAGARAB ISTAAGIN WAXII TALO IYO DARDAARAN AH WALAAAYAAKOW AAN ISKA DAYNO QABIILKA QABKA DARAN EE GUMAADAY HORMARKEENA IYO UMADEENIIBA AANA NOO KEENIN WAX FAA IIDO AH tan dadka shisheeya in ay qaadanayaan ayraadkeen waasax waa in laga digtoonaadaa oo lala xisaabtamaa wax kasta oo ay qabanayaan si wadaninimo ah qofkasta oo masuul ah na ogow in aad hayso amaao dal iyo dad somaliwayn ee hais oran cidkuma arkaysee afka buuxso hadii uusan ku arkin umada soomaliyeed wwaxx ku arka ale oo qofkasta oo masuula waydiin doona masuuliyadiisa uu uhayo umada waxaan umahadnaqaayaa madaxdeena dadaalaysa ha ahaato puntland ama dowlada somaliyeedba ama qofkasta oo wadanisomaaliyeed le oo shaqaynayo damiirkiisa iyo caqligiisa waxaan kusoo gaba gabaynayaa madadeena hanoolaato shacbka somaliwayn hanoolaado wadan keenu hanoo laado alahanaga dhigo kuu garta dantooda wadan iyo wadaniyadooda qabiilkana kataga amiiiiiiiiin waxaana leeyahay qofkasta osomaliya waxbaad qaban karaaaye qobo waxii aad qankartid dantaadana kahotmali danta wadankaaga wabilaahi towfiiq wadaniyiintu hanoolaato

  16. mohmud says:

    aad baad u mahad santahy

    soo baxyey shidaal ee yaa maamulaya ayey xalku joga

    nidaam wacan ayuu ubaahanyhy

    iyo is afgarad dhaman bulshada puntland and all somalian

  17. hassan says:

    kkkkkkkkkkk waxan ku qosley ninka ku soo gala runsheg ninkas waa cadeystey laakin waxaa layabayaa oo ilaa hada iga daadagi la sida reerka puntland ugu tunka weyn uu u amaan jecelyahey hadii la amaano waxa uu hayo in dhulka ay uga dhacaan ayey u badantahey farxad awgeed hadana adiga oo sanado amaanijirey hadii hal maalin aad wax ka sheegto wax dulqad ah uma lahan xataa kuma fakarayo war ninkan waa kii ku amani jirey ee maanta waxa ka keney ayuu qabaye ka qanci ama iska adkeyso ee wuxuu sameynayaa xumantiisa u danbeysa ama dil ama cay aan macquul aheyn sida uu hada hadalka u dhigey runsheg tusale kale art amiir caamir somalida uu amano maamul gobaledkeeda waxaa ugu badan puntland wuxuu sawirey puntland oo allshabab xaqdey cagaf galisey wuxuu sawirey puntland oo mashariis iyo maalgshi iyo shirgado waaweyn soo bandhigtey wuxuu sawirey puntland oo waxbarashada heer ka gadhey jamacado iyo wax badan oo kale maalin ayuu soo sawirey faroole oo sac buuran maalaya asaga iyo wiilkiisii dabaded niman arkey oo damcey in ay sawiran ayuu qaarna shaqadii ka jojiyey qaarna wuu xirey dabaded sidii ay u dhamayen afka ayey furten ninkii dagal ayaa lagu qaadey dibad iyo gudaba xataa hanjabad ayaa loo soojediyey hada yarku wuxuu yiri raxanreeb maanta ayaan jecladey awal maxaa dhacey maalin ayuu arkey ayaga oo qorey dhaliil puntland dadku waa labo nooc waa rag iyo dumar dumarka ayaa lashegaa in ay amantu wax tadho wax ka aman jecel waa yaab

  18. hassan says:

    in wax lamuracdao ama maamul lacayo ceebmahan ee fikirkey kujidhaye sideebaa laidinku shegaa wax ama dadka abhiya oo ku dhaha illahey waxan ka baryey qofkii na amana mooyee qofkii kale balayo haku dhacdo ilen haldhinac ayad rabtane

  19. hassan says:

    asc halkan waxan uga jawabaya akhayar una shegayaa sheko yar nin puntland aan kudhalan ee ah somalida itobiya lakin qabil kushegta ayan isku meel kashaqeyn jirney wana kaftami jirney idacadaha iyo websiteyada markii qofba wixii cajabiya uu soo aruursho ayan fadhi kudiri isugu iman jirney malinkii danbe ayaa bbcda mise voa mid ay aheyd mooyane waxay shegtey war fican garoowe oo biyo galin lagu sameeyey oo ay sii faahfahiyen dabaded asagu malinkaa wuu hurdey gor habeyn ah ayuu isoo radiyey markii uu iiyimid ayuu igu yiri asaga oo aan isalamin waryaa manta ayan ogadey in aad xasid tahey awal nin iska kaftamaya ayan kuu qabey waxan ku iri maxaa dhacey wuxuu igu yiri maxad iigu sheegi weydey hadii manta idacaduhu sheegen in africa ay biyo galinta u qaadey puntland dee sacad ayan qoslayey waayo hadii uu oaran lahaa somaliya ayey u qadey waa caadi laakin africa oo aan garaneyno oo dawlado waa weyn oo si walba u horamarsan ayuu ka dhigey in ay ka qaadey hadana raga qaar ayaa iiga muqda ceynkas oo kale laakin mid ogada in qofku dhulkiisa jeclado oo amano waa muhiim wana lagu amaani karaa laakin waxaa ceeb ah oo xasidnimo ah oo soo galeysa xaasid maayo aflax hadii aad adiga mooyee qofkale aadan wax u quurin oo kii wax helo aad ka naxdo adiguna meel gaari meysid wabilahi tawfiiq

  20. hassan says:

    asc runtii ninka maqalka soo qorey aad ayuu u mahadsanyahey anigu waan aqriyaa maqaladiisa si wacana wax ayuu u cabiraa ee dadka aan dhaliilsanahey waa dadka wax posted gareynaya oo runtii qaarkoo aad layabeyso wax shir lala yimado aan ka hadleyn waa kuwas kuwa aan dhalilsanahey

  21. caaqil says:

    Farah Warsame,

    Waxaad qortey qoraal muhiim ah oo aad ka fikirtay wuxuuna kasbay in dhamaan dadka fikirka ka dhiibtay ay kugu amaanan aragtidaada dheer iyo hufnaanta qoraalkaaga.

    Waa muhiim dhamaan qodobad qiimaha leh ee aad qoraalkaan dheer kaga hadashay, runtiina waan ku raaxaystay intii aan akhrinayey. Laakiin waxaan aad u jeclaan lahaa in aad qodobka ah khatarta ka imaan karta shidaalka aad inyar sii faahfaahisid (Health and safety) hadii ay ahaan lahayd shaqaalaha kashaqaynaya, hadii ay ahaan lahayd nadaafada deegaanka laga soo saarayo iyo deegaanka laga dhoofinayo iyo sidii dhibaatooyinkaas looga hortagi lahaa.

    Waxaa hubaal ah in soosaarida SHIDAALKU ay u noqonayso lafdhabar dhaqaale dhamaan umada somalida guud ahaan gaar ahaana dadka reer Puntland oo iyagu ah dadka deeganka ay daganyihiin laga soo saarayo SHIDAALKA, laakiin waxaa muhiim ah in aan ogaano in ay gacmo wada jir wax ku gooyaan oo aan wada shaqeyno hadii ay ahaan lahayd fikir wanaagsan oo dhib ka imaankarta SHIDAALKA looga hortagayo iyo hadii ay ahaan lahayd uga faaiidaynta shacabka dhamaantiis.

    ugu danbayntii waxaan aad ugu mahadcelinayaa raxanreeb qoraalkan qiimaha badan oo ay u ogolaatay walaalka faaran in uu soo gudbiyey

    Khadar Jama

  22. Waa guul soo hoyatay insha allaah

  23. Bookh says:

    walalkey ad ayadu mahad santahay wanaka helay qormadada waxanaka codsanaya inad halkaskasi wado fikradahada iyo warbixinada aadka sotabinayso somalia specially puntland iyo arimaha shidaalka thnk U ina adeer

  24. Puntlander says:

    Hasanoow amaantu waxa ay ka mid tahay wanaaga oo la isku tahniyadeeyo iyo sharta oo ilaahay laga wada amaan galo . Marka nin dhulkiisa ku faraxsan waa hubaal inuusan ka naxayn mid kale wanaagiisii ee adigaan kuu dhiibaye is waa fiji waxa aad ka hadlayso. Kula farax ninkii farxad kuu sheegta ama aad ka maqasho ee ha xanaqin ,amaan jeclaa ha dhihin ee la jecloow wanaagaas oo aad jeclaan lahayd adiguba . Raxan reebna waa bog Soomaaliyeed lagu kalsoonaan karo , laakiin way garan karaan waxa is bedel ku dhacay intii xurguftu jirtay , hadii ay wax xuni ka socdaan Puntland xaq bay u leeyihiin inay sheegaan siday kheyrka iyo wanaaga ka jira uga sheegi lahaayeen. Lakiinse journalism cilmi bay u baahan tahay daacad nimo sumcada ool a ilaashado si aadan u lumin kalsoonida dadka wixii jira adigoon ay san ku saamaynaynin arintu. Mar amaan saaid ah iyo aflagaado xad dhaaf ah media ma laha isman waafaqaan . Intaas waa aragtidayda ee cidna kuma duulaan ihi ee xaqiiq ka hadal bay iga tahay . Hasan ka fogoow cadiifad qabiil meelna ku gaari maysid xaqana ha ka leexan . .

  25. hassan says:

    PUNTLANDER walaal wad mahadsantahey wax isweydini maxumee wax isweydari baadaran wixii wanaga ha lakala qaato laakin midii aan ka hadlayey ayad anigii igu soo celisey aniga puntland wan ahey wixii ay helan oo wanag ah waan heley wixii xuman ahna wan la ahey marka waxan diidanahey eed aad gashen iyo dhib aad aburten oonan rali aheyn in aan u dhinto ama la ii qabsado waxbaa naga dhexeeya mahadsanid wixii qaldan halasaxo shidalkana waa qeyrad dabiici ah oo somali oo dhan ka dhexeya meelkastana wuu ku jiraa marka waxan somali ku qanacsaneyn oo sigar ah loo arkayo waa in laga fojignado waayo somali waa dal qura midnimo ayaa la donayaa laakin waxan dono anaa sameynaya soconmeyso

  26. marka hore dhamaan waxan salmayaa bahda wax ku qorta raxanreeb marka xiga aad ayaan ugu mahad calinayaa ninkan qoray maqalka waan mid aad u muhiim ah wan ku mahad san tahay marka xiga waxaan rabaa raxanreeb in ay marka ay soo qorayso wararka ay iska hubiso waayo meesha shidalka waxaan ku arkayey gobalka karkar balse mahan gobalka kar kar wa agobal ka bari gaar ahaan degaan ka ku dhow degmada kondhaxaad oo ka tirsan gobalka bari marka waxan idin ka codsanyaa walal hayga halkan wax ku qora in ay wararka ay soo xaqiiijiyaan hadey wadanka joogin waan mahdsantihin dhibna how arkinina

  27. ssm says:

    AAWW
    Walaal Faarah waad ku mahadsantahay qoraalkaagan ka muuqdo wadaninimada iyo soomaalinimada maanshaAllaah baana ku leeyahay. Runtii waa arin lagu farxo in dhul Soomaaliyeed shidaal laga qodo, kheyr baan u rajeynaynaa, hana la ogaado in laga shaqeeyo Nabada iyo Cadaalad taasaa dadka wax ku qeybsan karaan. Faroolena ha ka ilaasho afkiisa war dhib u soo jiidaya waa siyaasi marka kaftanka badan ha iska daayo oo warkiisa meel walbaa laga dhageysan. InshaAllaah Soomaali nabad iyo barwaaqo ayaan u rajeynayaa iyo in loo soo shaqo tago sidii Khaliijkii maraan fogeyn waana waxa aan weligeyba ku riyoon jiray, in mar uun shidaal iyo macdan noo buqi doonaan oo lanoo soo shaqo doonto inshaAllaah.

  28. ciidyare says:

    ascl waxaan salaamay dhamaan dadka soomaaliyed melkasta o ay jogaan waxaan salaamay marka labaad bahda raxanreb wax kuso qora iyo masuuliyiinta raxanreb magacaygu waa ciidyare waxaan ahay dhalinyarada somaliya e kunool ardaqurbaha waxaan rabaa in aan kahadlo labo arimood o ah dakena hoyo iyo dhalinyarada dorka kaga aadan nabada iyo dhisida dalka runtii hadaan u dhaadhaco dulucda shekada waxaa is waydiinle yaadhisa dal yaase dumiya aaway dhalintii somali yed ee wadaniga ahayd away dhalintii badali lahayd syl makaso baxday waajibaadkii dhalinta soomaliya kaga aadanaa dhisida dalka iyo samcadii dalka waa su aalo in lais waydiiyo mudan ? run ahaantii hadaan kahadlo dhaliyaradena somaaliya waan dayacnay wadan kenii waana kasobixi waynay wajibaadkii wadankeena waa jiraan in yar o wadaniyiin ah u istaagay in ay dhisaan wadan kena una dhintaan laakiin inteena badan waan dayacnay siiba rageena marka aan taas lee yahay waxaan ulajeedaa markaa aragto dhalinyarada wadamada kale ee adunka way udadaalaan wadan koda waana udhintaan ilaalintiisa iyo samcadiisa anagase waxaan noqonay kuwo kahaajira kuwo dagaalku bur buriya kuwo fadhi kudirir kudhameeya waqtigooda iyo kuwa i kira dhalashadoda somaliyed markay tagaan dibada waxaan taas udaliila waxaan arkay qiso layaab le oo isoo martay aniga ciid ka ahan o aan fiiriyay waxaan jogay mel ardaqubo ah o dibada kamid ah waxaan fadhiyay meel maqaaxi wax laga cuno o kutaal wadan kamid ah dibada waxaa maqaaxida gadaya dad hindi ah o aan isla kaftano waxay idhahaan waxaa tahay burcadbaded ilen somaali ayaan ahay waana tan laga aamin san yahay somaalida waxaan ku iri markaaad guranaysaan qayraadkena sharcidarada marka sunta kushubaysaan badena sharcidarada markaa kalunkena aad qaadaynaysaan taas ma aha xaaraan miyaa taas uenka iyo golaha amaaku kama hadlaayo miyaa soomaaliyase xuquq malaha miyaa wu aamusay waxa sogalay maqaaxida wiil dhalinyaro ah o soomaaliyed waxay waydiiyeen mawaxaa tahay somaali markaa ayu kujawaabay maya waxaan ahay itoobiyan waana soomaali wiilka ani waan xanaaqay jirkaygiina waa is badalay waxaana ka xanaaqay wiil soomaali ah oo dhalin yaro ah oo in kiraaya wadan kiisa qiima badan iyo dalkiisa markaa ayu arkay in aan xanaaqay markaa ayu iyiri mawaxaatahay somali waxan iri haa markaa ayu yiri waxaan u inkirayaa waxay nookenenan nafta waxay nagu hayaan burcad badeed gaajo tugo iyo hadalo kale sidaa ayaan ugadheraaday magaca somaliya oo usheegtay itobiya way iska kaadayn hadaa sheegatid itoboyan ayu yiri waan qoslay aniga waxaana layaabay dorkii dhaliyarada somaaliyeed e13 syl oo udagaalamijirtay xoriyadasoomaaliya iyo samcada somaaliya oo ay kuwaayeen naftooda iyo sida dhalinyaradeenii u inkirayso qaranimadeena iyo dhalashadena waxaase iswaydiiyaa waa kuma kuwa baday syl makuwaan hadalka layiri kubadalay dhalashadodii iyo qaranimadoodii hadiise dalka lagu sooduulo madafaacilaha kan kacararaya halka burcad badeedka kaliya waxaan kalo arkay maalin maalmaha kamida isla wadankaa ayaa waxu ahaa maalinta wadankoda waxaan maraayay mel wado wayn ah oo kutaal magaalada dhexdeeda ama halbowlaha magaalada qofba su uyaqaan waxaa iga horyimid 10 gaari oo u ku bufsan yahay calanka wadankaa waxaa kuxiran sameecado waawayn oo aykabaxayaan heesaha wadankaa jidku waa cariiri gaari kasta waxaa saaran shan dhalinyaro ah labo kamid ah waxay ufadhiyaan daaqadaha gaariga waxaa gaari kasta kababanaya canka wadan ka waxayna hayaan dushiisa oo ay kudaladeyeen waxay shideen farejooyin ka dhaan gaariyaasha iyo samecadaha wax baahiya waxaa dabasocda boqolaal gaari dadwaynuhu iska leeyahay waxayna dhexmaraayan si tarteb ah wadaaas waxaa uxayiranboqolaal dad ah usocda dana hooda qaaskaa laakiin markay arken dhainyaradaa xusaysa maalinta wadanka ayay ka istaagen una sacaba tumeen markaa ayaan iska oyay o aan qiiroday fiiriyay wadankenii waasee wadankaana waase dhalinteenii waa see dhalintaana waasee samecada heesaha wadanigaa waase dhalinteniina hobiya ayaa sameecadlooga dhigay dhalinyaradaan way kufaanin calankooda anaguse waan kafaanin wadankooda magaciisa way kufaanin anaguse waxaan sheeganaynaa waan aan marti kunahay run ahaahtii waxaan iswaydiiyaa ma arki dontaa muqdhisho sidaa loogu xusaaya maalinta wadan keena iyo dhalinyaradena somaaliyeed oo baaburtaa calankeena kubufiya kudamaashaadaya wadooyinka muqdisho su aashaa ayaan iswaydiiyaa walaalayaal qaraalkaan yaan loo safiran in aan ku canbaarenaayo dad qaasa ama dhalinyaradeena dhamaan tod waajiraan dhalinyaro wanaagsan o wadaniyiin ah jecel dalkooda ama jecel in ay wax uqabtaan wadankoda waxaan leyahay dhalinyaroow wadan waxaa dhisa dhalintiisa e kakaca fadhiga o mujiya qiimaha iyoqaayaha wadankeena hooyo syl waxay ahayd 13 nin laakiin imisa ayaan nahay maanta waagaas masah lanayn waxkasta lakiin maanta way sahlantahay nolosha e haloo istaago dhisida wadankena iyo qiimihiisa qoraalkaan waxuu qaas uyahay qoraaga waxii talo iyo saxid ah igalasoo xariira {bulsho_6@hotmail.com} qoraalkaan wax masul ah kumalaha raxanreb anuu qaas ii ayahay qoraaga o kaliya wadaniyiintu hanoolaato wadan keenu hanoolaado{ amiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiii}

  29. wadani says:

    qoruhu waa mahadsan yahey aragtida lagama sina waan kala duwanaan karaan dadkana ilaah baa qancin kara puntland talaabo loo baahnaa ayay qaadey insha allaha waan khayr hadana waxaa looga fadhiyaa sidee ay nabada u sugi laheyd oo cadaalad loo wada heli lahaa hadii ilaahey raali ka noqdo

    DHIBAATADA waa in la helaa doorasho cadaalada ku dhisan oo 60 caada qaate oo shilimada ku shaqeeya meesha laga qaadaa hadii mar walba ninkii shilin siiya ayeey la jiraan sidaa awgeed waxaa rabnaa one man one vote qof walba codkiisa in la helo

Leave a Reply

test

d

test