Shir Lagu Dhexdhexaadinayo Laba Beelood oo Ka Furmay Boosaaso [Sawirro+Codad]

Facebook Recommendations

Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin
Share

Odoyaasha Labada Beeleed ee Cali Saleebaan iyo Cali Jibraahil

Boosaaso[RBC Radio] Kulan lagu dhexdhexaadinayo laba beelood oo kamid ah kuwa dega gobolka Bari ayaa maanta si rasmi ah uga furmay gudaha magaalada Boosaaso gaar ahaana guriga looga arrimiyo gobolka Bari.

Bilowgii Kulanka ayaa waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiirka amniga iyo DDT-ta Dawladda Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan,Wasiir kuxigeenka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland Cabdishakuur Mire Aadam,Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan,Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdalla Xasan iyo Odyaal ka kala socday labada beelood ee Cali Saleebaan iyo Cali Jibraahil.

Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan oo furay kulanka ayaa Faah-faahiyey Ujeedadiisa,waxaana uu sheegay in rajo wanaagsan laga qabo heshiiska labada beelood loogana baahanyahay si taasi hubanti u noqoto in laba dhinac ku guulaystaan heshiiska ayna dhaqan geliyaan waxa kasoo baxa.

Halkaan hoose ka dhagayso Erayadii Gudoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan

…..”Wadanka aynu deganahay waxa uu leeyahay Cadow farabadan oo duulaan ku ah Jiritaanka Dawladda Puntland ,waxaanu rabnaa arintaasi maamul iyo Shacab in aan meel uga soo wada jeesano aan ka hortagno daldaloolada Cadowga in uu ka faa’ideysto ….”ayuu yiri Guddoomiye Galan.

Sidoo kale waxa uu xusay in Colaada laba beelood ay dib u dhac weyn ku keentay arrimo badan oo lagu horumarin lahaa deegaanada ay wada degaan labada dhinac dirirta u dhaxeysa awgeedna waxba suurtagal noqon waayeen.

…”Waxaad ogtihiin Colaada iyo dirirta u dhaxeysay labada beelood wax badan in lagu waayey oo wax badab oo horumar ah ay halaasi ku luntay,waxaad ogtihiin  golayaal deegaan oo deegaanada ay reeruhu wadaagaan labad beelood inay u xaniban yihiin dirirtii u dhaxeysay labada reerood….”ayuu yiri Galan.

Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan

Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Dawladda Puntland Col. Khaliif  Ciise Mudan oo isna ka hadlay kulanka ayaa tilmaamay  in dirirta labada beelood lagu waayey dad badan  kuwana ay ku dhaawacmeen ,wuxuuna hoosta ka xaruuqay in ay halkaas lagu soo afjaro dirirta labada beelood ee walaalaha ah.

Halkaan ka dhagayso Erayadii Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan

…..”Waxaan idin rajeynayaa Sulxiga aad wadaan Ilaahay idin la garab galo,go’aamo fiican oo dhaxalgal ah oo lagu wada dhaqmo ,lagu wada degenaado oo raaga Ilaahay idinkiis inay kasoo baxaan ,wixii aad ku heshiisaana anigoo magaca Dawlada ku hadlaya inaan idin ku taageerno …”ayuu yiri Mudane Khaliif  Ciise Mudan.

Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin

Halkaan hoose ka dhagayso Erayadii Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin

Sidoo kale Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo kamid ah Isimada magaca muga leh kuleh Puntland iyo Soomaaliya ayaa xusay   in looga baahanyahay laba beelood in ay ka shaqeeyaan nabada kana hortagaan wax kasta oo dhalin kara isku dhac labada dhinac ah.

Inta badan Kulamada loo qabto labada Beelood ee Cali Saleebaan iyo Cali Jibraahil ayaan noqon heshiisyada ay gaaraan kuwa ay ku dhaqmaan,waxaana marar badan ay heshiis gaareen dib usoo noqnoqday dirir dhexmarta labada dhinac balse kulanka maanta furmay ayaa lag dhowrayaa isbadel dib usoo celiya Wadanoolaanshaha labadooda walaalaha ah.

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Wararka Boosaaso

turrabi20@gmail.com

Share

9 Responses for “Shir Lagu Dhexdhexaadinayo Laba Beelood oo Ka Furmay Boosaaso [Sawirro+Codad]”

  1. [...] See original article: Shir Lagu Dhexdhexaadinayo Laba Beelood oo Ka Furmay Boosaaso [Sawirro+Codad] [...]

  2. Ahmed (Somali) says:

    Dagaalka Beeleedka waxaa looga dan leeyahay sidii lagu Boobi lahaa Kheyraadka Puntland ku jira ee Soomaalida idil wada leedahay. Arrintaas weeye waxaa loogu abuuro Puntland Dagaalada Beelaha iyo Dilalka Qorsheysan. Waa tan Keentay Dagaalkii Xaqrada ee lagu qaaday –, —, Cali — , —, Reer —–, ——iyo —-. Taasina waa arrimaha keenay Dhismaha Maamulada Xaq u dirirka ee Maakhir, Rascaseyr, Khaatumo, Galbeed Puntland iyo kuwo kale ee soo socda, diidan Maamulada halka Qabiil ee abuurtay Nidaamka lagu dhacayo Kheyraadka Soomaalida ay wada lahayd. Eega Xafiiska Boobka ee ka dhisan Ras Kheyma ee uu maamulo Ina Cadde Muuse, Liibaan Muuse Boqor, sidoo kale Kuwa Reer Faroole ee Garoowe iyo kuwa uu wado Isbaheysiga Dhoolawaa iyo Ina Saciid Yare. Baruuro Cune soo bixi doono. Soomaaliya iyo Kheyraadkeyda sida Imaaradaha Carabta looma maamulin doono.

  3. Asc dhaman ilaahay umada ha kala qaboojiyo dhamaanted waxan kaloo ugu baaqaya umada rer pl iyo dhamaan beelahaba inay dhamaan ay ka kaaftoman colaad dhexdoda ah oo ay uwada jeensadan midnimada iyo hormarka pl iyo sidii deeganada fog fog loo hormarin lahaa oo jaaliyadkaste oo qurbaha joogta ay hormariso gobalada ay ka soo jeedo iyo dhaman deganada pl waxan kaloo ugu baaqaya ganacsatada pl oo caalamka ku firirsan oo wadamada baadida ah maalgashaday sida monzambique zambia angola dubai kenya uganda dhamaan wadamada aan xusay dadka ganacsiga ugu badan ku leh waa rer pl dhamaantod marka waxan ku boorinaya inay wadankoda ay maalgashadan nabada iyo hormarkisana ka qaybqatan xukumada faroole waxan ku boorinaya inay umada cadaalad ku maamusho oo gobalada iyo tuulooyinka baadihaya pl ay hormariso waxan kaloo xukumada faroole ka codsanayna inay gobalada sanaag iyo hi land inay hormar balaaran gaarsiso oo dhamaan gobalada ay ka howlgasho dowladu awoodeda ciidana isugu gayso hormarka gobaladasna sida ugu dhakhsaha badan dowladu ugu howl gasha waxan kaloo ka codsanayna shacabka iyo waxgaradka gobladas sanaag iyo hayland iyo nimanka silaanyo maalinkaste soo dirayo laga kaaftomo oo soor quuredka aan laqadan waxan kaloo dareensinaya shacabka gobaladas inaysan in pl haday ku dulmanyihin iyo hadii kaleba an cidi kugu yeyn oo aan la oranayn waa horgal pl waayo shacabku waa plder waxan kaloo ka codsanaya xukumada faroole inay shacabka ssc iyo maamulka cusub ee khaatumo aysan inaba ha ahaate aysan ka hor imaan oo ay taagero hiil iyo hooba ah lagarab istaagan waa in pl mamulka khaatumo ay la dagaal gasha oo dhaman dulka ssc laga sifeeya silaanyo iyo maamulkisa kadibna pl ay faraha kalabaxdaa goboladas waxan kaloo maamulka khaatumo ka codsanaya inay hooy iyo garab ba ka dhigtan shacabka pl iyo xukumadaba khaatumo waa maamul gaara oo kamadax banaan pl lakin dadku waa hal meel ah oo aan kala maarmin khaatumo iyo pl waa in ay saaxib dhow yihiin oo midaysan darisna ah taas baan sooo jeedinaya asc

  4. cali says:

    raxanreeb si dhinac ah ayaa ugawaramaysaan..maqaaalka ama warkan..ee ama dhabta kasheeega ama galdogob ku ekaada

  5. guuleed maxamed says:

    warayaa @cali maxaa raxanreeb ka rabtaa anagaa joognay shirkaan sida loo qabanqaabiyey ka warheyna ma danahaaga gaarka ah baad ka dhex arki weyday raxanreeb wax beena kama aysan sheegin shirka nabadeed mida kale sida xogteeda aan u hayao qolyahaan raxanreeb ma ahan reer goldogob taasna ogoow gaabane iyo ajaayaa reer goldogob ah kala baro beeshaas hal degmo waa ay ka badan yihiin

  6. cumar says:

    warka cali qoray wuxuu umuuqdaa:

    mid kasobaxay doqon hada soobaraarugay.

  7. cumar says:

    maxaad
    kagaarin suxuldub qabiil iyado aad ogtahay mesha dadunyo marayso.

    oday abdi

  8. cumar says:

    maxaad kagaarin suxulduubka qabiil iyadoo aad ogtahay meesha ‘adunyo marayso.

    oday abdi

  9. horta marka hore waan soo dhoweynaynaa nabada labada reer inti isku hawshayna waxaan ilaah uga baryaynaa kahaatumo wanaagsan .intaas haddan ka gudbo waxaan la yaabanahay ninkaan gudoonka G/BARI sheeganaya ee caadifada qabiil madax martay oo leh waxa ajira degaano ay labada belood wada degaan taasi waa been
    ———- iyo ——– hal tuulo xitaa ma wada degaan nin walba waa yaqaan degaankisa iyo inta uu ka kooban yahay marka waxaan u sheegaya in hadalada ka fiirsi la,aanta ah ee uu ku hadlayo ay dhalin karaan cawaaiqb xumo hor leh in uu dad degaankis sheegto

Leave a Reply

test

d

test