Eng. Siciid Maxamed Raage: 48- Saac Waa in lagu baneeyo gudaha Dekedda Boosaaso [Sawirro+Cod]

Wasiirka Gaadiidka Badda,Dekeddaha iyo la dagaalanka Burcadbadeeda Puntland Eng Siciid Maxamed Raage
Boosaaso[RBC Radio] Wasaaradda Dekeddaha,Gaadiidka Badda iyo la dagaalanka Kooxaha Burcadbadeeda ayaa maanta amar ku bixisay in gebi ahaanba ay ganacasatada gaadiidleyda badda kagala baxaan gudaha Dekedda Boosaaso muddo 48-saacadood gudahood.
Wasiirka Gaadiidka Badda,Dekeddaha iyo la dagaalanka Burcadbadeeda Eng. Siciid Maxamed Raage oo maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa magaalada Boosaaso ayaa ku amray in gaadiidka ku xiran gudaha dekedda Boosaaso ay ugala baxaan ganacsatadu 48-saacadood.
Halkaan hoose ka dhagayso Shirka Jaraaa”id ee Wasiir Eng. Siciid Maxamed Raage
Eng. Siciid Maxamed Raage ayaa sidoo kale waxa uu xusay in haddii ay ka dhaga adeegaan go’aanka ay soo saareen ay iyagu ka jiidi doonaan gaadiidka ku xiran gudaha dekedda wixii khasaare ah ee ka yimaadana ay ganacsatadu dhabarka u ridan doonaan.
Dhanka kale Mudane Siciid Maxamed Raage ayaa ugu baaqay dadka degan guryaha ka agdhow agagaarka dekedda muddo 5-cisho gudahood ah taasoo qeyb ka ah dayactirka gudaha degada magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Aggaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka Badda,Dekeddaha iyo la dagaalanka Burcadbadeeda Cabdimajiid Samatar Maxamuud -Jaafaan
Shirkad la yiraahdo KMC oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa muddo waday hawlo dayactir ah oo ciida kaga gurayso banaanka iyo gudaha dekedda,waxaana maalgelinaysa Hay’adda WFP.
Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Wararka Boosaaso.




war wuxu seee u hadalayaa waxa ayleeyihiin waa wasiir dadka haday dagdag kalabixin alaabtooda waan ka burburinayaah ilaahay baa umaqan dadkaan iyo dalkaan
asc waan taageersanahay wiwi danta bulashu ku jirto in la dayac tiro dekeda bosaso waa arin muhiim ah waayo dekada bosaso alaabta ka dejiyo ssomaliya oo dhan ayay tagtaa ilaa ithopia
maamunlka waa in lala shaqeeya lkn deeeeeee wasirka eng saciid maxmed raage xoogaa hanjabaaada ha yareeyo oo dadku wa shacabkiye nolol maalmood koda ayaa ku xiran in hadii waqtigu u saamixi waayo alaabta laga bur buriyaa waa nasiib daro dawdala haka taxdarto waad mahadsantihin dhaamaantiin
viva puntland waa hormar wanaagsan oo laga sugayay dowlada
Wa inay dadka dhaxalkooda uu
soo celiyaan haday nubud uudoonayaan dhulkii Hoyo. Arintaana wa inaay dadka wakhti siiyaan oo ay waxooda ku dhaqagiyaan kii ka daha lacag oo ganax haku xukumaan lakiin 48 saac maa wakhti ah. Shacabkana hanjabaada halaga joojio.