Xasan Daahir Aweys Aabihiis oo Xalay ku Geeriyooday Deegaanka Ceelasha Biyaha (Warar kala Duwan oo soo Baxaya)

Facebook Recommendations

Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin
Share

Xassan Daahir Aweys

Muqdisho (RBC) Macalin Daahir Aweys oo ahaa aabihii dhalay Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha ururka Al-Shabaab ayaa xalay ku geeritooday deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya geerida Macalin Daahir oo ku jiray da’da dhowr iyo sagaashanka.

Ilo wareedyo ku sugan deegaanka ayaa sheegay in Macalin Daahir Aweys mudadba uu ahaa waayeel bukaan jiif ah oo xannuuno kala duwan hayeen.

Xasan Daahir oo ka mid ah wiilasha uu dhalay marxuumka oo saaka la hadlay idaacadda ku hadasha Afka Al-Shabaab ayaa xaqiijiyey in aabihii uu xalay ku nafbaxay gurigiisa deegaanka Ceelasha Biyaha.  Wuxuuna sheegay in aabihii maanta lagu aasayo duleedka Muqdisho.

Warar iskhilaafsan

Hase yeeshee warar kala duwan ayaa ka soo baxaya geerida Macalkin Daahir oo beryahan dambe aysan isku fiicneyn kooxda Al-Shabaab oo uu wiilkiisuna ku jiro iyadoo wararka qaar ay sheegayaa in odayga la khaarajiyey.

Ilo wareed lagu kalsoonaan karo ayaa Raxanreeb u sheegay in waayadan uu jiray wada xaajood Xasan Daahir laagula jiray oo ka socday dibedda iyo gudaha dalka, kaasoo xoogiisa lagu doonayey in Xasan Daahir uu kaga tanaasulo fikirka kooxda Al-Shabaab oo hadda awoodeedu sii wiiqmeyso.

Wada xaajoodkan oo ay wadeen rag isku heyb yihiin Xasan Daahir oo qaarkood dibedda joogaan ayaa waxaa gacan weyn siiyey Macalin Daahir oo ka codsaday wiilkiisa inuu ogolaado hindisaha looga saarayo Al-Shabaab, taasoo Xasan Daahir uu ku bedelanayo cafis ay u fidiso dawlada Mareykanka oo liiskeeda argagixisada ku dartay mar hore.

Waxaa nagu maqaala in toddobaadkii u dambeeyay, Macalin Daahir uu wilkiisa u soo jeediyey inuu “duco iyo habaar” midkoosd qaato si uu u aqbalo wada xaajoodkan qabyada ah.

Waxaana la sheegayaa in sababtaasi darteed odayga loo khaarajiyey maadaama uu kala geyn lahaa Xasan Daahir oo ka mid ah ragga magaca leh ee ku jira kooxda.

Fal celiska Shabaab

Saraakiisha Al-Shabaab ee ay Xasan Daahir isku dhow yihiin oo dusha kala socday ayaa la sheegayaa inay dhowr jeer ka gows adeygeen hindisaha uu qeybta ka yahay Macalin Daahir.   Hase yeeshee Xasan Daahir ma uusan soo hadalqaadin.

Aas ballaaran oo ay ka qeybgalayaan saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa la filayaa in maanta uu ka dhaco deegaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.

Allah ha u naxariistee Macalin Daahir Aweys oo ka soo jeeda degmada Dhuusamareeb wuxuu ifka uga tagay carruur fara badan oo isugu jira wiilal iyo gabdho intooda badan aqoon diineed leh.  Waxaana ka mid ah Sheekh Muuse Daahir Aweys oo si weyn u dhaleeceeya dhaqamada Al-Shabaab marar badan warbaahinta ka weerara walaalkiis Xasan Daahir.

RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

Share

Tags:

10 Responses for “Xasan Daahir Aweys Aabihiis oo Xalay ku Geeriyooday Deegaanka Ceelasha Biyaha (Warar kala Duwan oo soo Baxaya)”

  1. hasan says:

    ALLOOW U NAXARIISO AAMIIN

  2. Puntlander says:

    Isagu maxuu u dhiman waayay, aan daaqada la istagee, “Dhagdheer dhimayay, amiin”

  3. ahmed says:

    raximullah daahir aweys wuxuu ahaa xaafidul qur,aan dad badan baray diinta
    uu ugu horeeyo inankiisa mujaahid xasan daahir aways

  4. sheekh daahir ilaahey ha unaxariisto wuxuulakulmay waxaad idinku weli sugeysaan oo ah geerida ruux weliba sugayo oo ah mid aan laga dhuuman karin laakiin waxaan idinku nasteexaynayaa inaad beenta iska yaraysaan iyo hubsiino la aanta waayo waxaad qortaan wax aydaan waxba kala socon ilaahna hortiisa aad ugu culus bal hada fiiri waxaa geeriyoodey nin oday ah 95 sano jira oo waayo badan xanuunsanaa waxaad soo qorteen waa la khaarajiyey oo walaalayaalow maxaa laga khaarijinayaa asagaaba sariir saarane war ilaah kabaqa oo waxaad ogaataan in aad keligiin raxmaan hor istaagi doontaan nin walbowba naftaada

  5. Ali soomali says:

    Odayga Ilaahay ha u naxariisto laakiin ifka wuxuu kaga tagey wax fiican iyo wax belo qaba sida hassan oo kale.

  6. abdul says:

    Ilaahay ha unaxariisto. wiilkiisana ilaahay hasoo hadeeyo amiin.

  7. saraaxi says:

    raxmatullaahi caleyhi

  8. waa geeri adag oo ku timid macalimiinta soomaaliyeed waa xubin kabaxday bulshada soo maaliyeed 95jir xaafidul quraan ah laganayaabo in uu quraanka ku dhameeyay yaraan ardadiisii kuway dhaleen kuwaysii dhaleenbaa hada quraanka aqrinaya bal ilaah baan idunkuraariyeeh dadkeena wax soo qor qoraya maxaan hadaan dhimano aan reeebnay daahir guulaysay insha allaahu iskana ilaawa in ilaah oranayo xasan baad dhashay qofwaba camalki buu laiman daahir ilaahoow unaxariiso fadliga quraankaaga

  9. SC WR WBR
    walaahi waxaan la yabaa dadka damcaya iney u doodaal kuwa alshabaab sheegta oo alsheydaanka ah
    dahir aweys lamaqarajine oo waxuu jirey 95 yrs,ee ilahay halaga baqo…
    alsheydaan 95yrs ilaa ilaa unborn child and islaamo culimo wax ay galabsadeen jirin bey dilaan
    maxaa excuses kabixineysaa ma dilikaraan dahir aweys?kuwaas ilahay subxana watacaalaa garabkooda ha kabaxo insha laah.waxii dhaley inkaar bey u soo jeedinayaan waxii la dhasheyna umadu magacoda kuma farxayaan

  10. A/raxman says:

    inaa lillahi wanaa ilaahehi raajicuun janatulfordoows al aclaa insha allah urajeeynaynaa
    sheekheena sheekh daahir aweys raximahullah muslimiintana sabir iyo imaan allah haka siiyo
    iyo caruurtiisaba

Leave a Reply

test

d

test