Xasuuqa dhacaya yaa xilkiisa leh?
Xasuuqa dhacaya yaa xilkiisa leh?!
Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com
Jan 26 2012
Todobaadkii tagay ayaan qoray qormo magaceedu ahaa: “Xadgudubka Kenya iyo xasuuqa umadda!”, Horraantii sanadkii 2007-diina, waxaan qoray qormo cinwaankeedu ahaa: “Xasuuqa Muqdisho yaa Xilkeeda leh?!”, oo aan ku mataaneeyey qormada: “Xigaalada Xabashida & u Xusulduubka Xaquuqa”, taariikhdu ma duugowdo ayey dhahaan culimada taariikhdu, sooyaalkuna wuu soo noqnoqdaa, haddaan afar sano ka hor sidaa lahaa, weydiintaana dadka hordhigay, waxaad mooddaa inaan wali wax is badalin, ee balaan maanta isla su’aashii ku soo celiyo, maxaa yeelay sidii ayey wax ku socdaan.
Kob walba kaliil ayaa dhacaysa, kaar iyo aadaar ayaa dhan walba is haysta, kur go’an, kalxan jaban, kab shiilan, kor dubmay, kub falliirmay, kabiir iyo saqiir taahaya, duqayn Kudhaa iyo Hoosingow, kaliya mahee, gobolladaa oo dhan Kobrooyin ayaa dul heehaabaya, kor iyo garba siman u duqeynaya, degmooyinka xadka kulaala waaba laga hayaamay, kumanaan ayaa isaga qaxay, kaniini iyo dawo la’aani ku dhacday, kadinta oo biya dhex ceegaagan awgeed, kadeed aan dhammaanayn!
Darisnimo lama dhawrin, bini’aadannimo lama dhugan, dhamishadu waa wadar xabaal, dhaawaco meel walba ayuu tuban yahay, dhiigjoojin la’aan ayey u le’enayaan, dheecaankooda ayaa ciidda ku qubmaya, dhulkana ku baxaya, gaaray dhudhun iyo baac, aadaarkooda lama dhagaysto, oo dhagaha ayaa laga furaystay, cid dhagjalaq u siinaysa ama maqal amaahinaysa ma jirto!
Magaalooyinka: Jilib, Garbahaarrey, Buulo Xaaji, Luuq, Afmadow, Baardheere, Faafaxdhuun, Xayo, Taabto, Xagar, Qooqaani, Hoosingow, Kudhaa, Ceelcadde, Afgooye IWM, Duqaymihii xumaa ee lagu hoobtay, ee ka dhacayey maalmihii aan soo dhaafnay, waxay qaysteen qasaarooyin lixaad leh, oo aad u ballaaran, soona gaaray marrasta iyo rayidka, carruur, cirroole, qadley (Arday dudsi quraan), xarumo daryeel, maato iyo mid aan dagaal ku jirinn.
Duqaymahaa ka dhacay magaalooyinkaa, ayaa keenay qasaarooyin baaxad weyn, oo naf iyo maal leh, burbrur iyo barakac soo gaaray maatida iyo hantida dadweynaha, waxaana lagu qiyaasay dadka ku dhintay duqaymahaa (1.700), suuragalna ay tahay inay tiradu intaa ka badan tahay, maadaama aan lahayn tirokoob rasmi ah iyo cadad go’an oo qeexaya tirada ku geeriyootay duqaymahaa, dadka dhintay oo isugu jira kuwo uu ku dul habsaday guryahooda gantaal, oo sidaa ku qur go’een iyo kuwo ay haleeleen firirka iyo fanfaniinka madaafiicda iyo gantaalaha, halka dhaawacana lagu sheegay ku dhawaad (6.000), oo isugu jira dhaawac fudud iyo mid culus, walow ay jiraan tiro badan oo la ildaran dhawaacyo halis ah, oo aan helin xarumo caafimaad iyo istbitaallo ay isku daweeyaan.
Dhanka kale, waxyeellada soo gaartay guryaha iyo goobaha ganacsiga, ayaa iyana aad u daran, maxaa yeelay magaalooyinka la duqeeyey, xarumaha ganacsi ee ku yaalla ayaa si toos ah loo beegsaday, taasoo sii laba jibbaartay burburka ku yimid guryaha, siina kordhisay inay ku basbeelaan aqallo badan.
Duqaymahaa qasaarahaas ka dhashay ka sokow, waxay keenaan qax, barakac iyo inay isaga hayaamaan guryahooda dad lagu qiyaasay (16.000), uu u kala qaxay goballada dalka iyo gudaha wadanka Kenya, dadkaa qaxay oo ay soo food saartay xaalad nolol xumo, oo ka dhalatay cunto yari iyo biya la’aan! Bal waa yaabe dadka dhintay, kuwan dhaawacmay iyo kuwan qaxay maxay galabsadeen? Dambigooduse muxuu yahay? Kenya dib ayeyba u soo celinaysaa, malaha si aysan gantaaluhu meel cidlaa ugu dhicin! Dhanka kale hantida ku burburtay oo isugu jirta mid qaran, qof iyo qoys, cidna qiyaas ama hayso.
Billowgii duqaymahaa waxay ku yimaadeen barnaamij loogu yeeray: “Ciribtirka Alsabaab” oo loogu talagalay in dalka lagu qabsado, waa su’aale yaa laga Sifaynayaa magaalooyinkaa?, Sida muuqata, waxaa hubaal ah in ujeedkii dhabta ahaa ee laga lahaa howlgalkan uu xaqiiqoobay, sida eraga “Ciribtir” ka muuqaataba, maadaama dadkii Magaalooyinkaa laga dhigay, qaar ku dhintay qantaalaha ay tuurayaan diyaaradaha dagaalka iyo duqaynta ay gaysanayaan, kuwo ku dhaawacmay hoobiyaasha loo miilinayo xaafadaha iyo qaar isaga cararay oo u hayaamay bannaanka magaalooyinkaa, ka gadaal markii ay u adkaysan waayeen hoobiyayaasha iyo duqaynta!
Sidaa darted, waxaad mooddaa in la suuragaliyey qaab ahaan erayga “Sifayn”, Balse waa su’aale nimankan ku xaraysayn madaxtooyada maxay maamulaan ama u talinayaan? Mar haddii dadkii noqday saddaxdaas qaybood ee aan soo xusnay, mise waxay rabaan inay dul yuuraraan kuraasta una taliyaan guryo dumay iyo aqallo burburay, maadaama ay dadkii ka qexeen? Mise waxaa la damacsan yahay in markii dadkan magaalooyinkaa laga sifeeyo, dad kale la soo beero, oo ay u taliyaan dadkaa lagu tallaalay? Waaba hadday dhacaysee! Waa yaab iyo amakaak.
Xasuuqa dhacaya waxaa xilkeeda leh, si toos ahna masuuliyaddeeda u qaadaya, ugu horrayn Madaxda dawladda, ayna horseed ka yihiin Madaxweynaha, Ra’isuul wasaaraha, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo wasiirka Gaashaandhigga, waa kan horee, madaxweynahu wuxuu masuul ka yahay dhammaan wixii dalka ka dhaca, xummaan iyo samaan, kan xigana waa ra’isul wasaarehee, isna waxaa xil ka saaran yahay hagidda howl maalmeedka dalka iyo dadka, kan xigana waa wasiirka arimaha gudahee, wuxuu u qaybsan yahay inuu ilaalsho arwaaxda iyo hantida dadweynaha, si guudna uu gacanta ugu yaho ammaanka iyo xasilloonida dalka.
Waxaadse mooddaa in madaxdan aan soo sheegnay ay si toos ah u taageereen xasuuqa maatida, rayidka iyo marrasta, ayna ku qanacsan yihiin burburinta loo gaysanayo xaafadaha lala dhacayo PM-ka, hubka artilleriga iyo gantaalaha, sidoo kale diginta laga dhigayo guryaha iyo aqallada, madaxdan kuma ekaysan taageerada xasuuqa iyo burburintaas qaawan, balse waxay ku celceliyeen inay ku faraxsan yihiin sida wax u socdaan ayna ku soo afjari doonaan muddo gaaban howlgalkan la magac baxay: “Ciribtirka Alshabaab!”, waxayba amar ku baxsheen in 10 magaalo oo la duqaynayo, dadweynuhu isaga baxaan.
Dhanka kale, dhacdooyinka gurracan masuuliyadda ugu weyn waxaa leh ciidanka Keenyaantiga, oo iyagu ku andacoonaya inay dagaal kula jiraan “Alshabaab”, iyagoo magacaas ku gambanaya, ayey xasuuq ka gaystaan xaafadaha ay la dhecaan hoobiyayaasha iyo PM-ka, ayna garab socoto duqaynta diyaaradaha dagaalka, ha illoobina maamulka gacan ku rimiska ah ee uu hoggaamiyo Gandi, maleeshiyaadka hoos taga maamulka Azaania ayaa iyaguna qeyb weyn ku leh xasuuqa dhacaya, waxaase wax aad looga xumaado ah gaabiska Urarada gobalka iyo dunida, oo wada daawanaya dhibaatada baahsan ee Magaalooyinkaa ka jirta.
Inta aanan u gudagalin dunidu waxay ka tiri xaalkan gurracan, aan wax yar idinka xusuusiyo, sadax hadal oo ka soo yeeray laba mudane iyo guurti, mid waa ra’iisul wasaare Gaas, oo sheegay in xasuuq dhacay, aysanna raali ka ahayn duqaymaha diyaaradaha Kenya, kuna daray inaysan u dulqaadan doonin, ila eega walaalayaalow, ninkani ma fayowyahay mise wuu waalan yahay? Markii madaxweyne Shariif yiri raalli kama nihin soo galitaanka Kenya, saw ma ahayn ninkii shafka u garaacay, hadalka madaxweynahana beeniyey, ee inta is qaaday Nairobi ku soo saxiixay heshiis aan dawladda dhami wada raacsanayn.
Waa iga su’aale muxuu hadda sidan ugu hadlayaa? Damiirka maanta uu yeeshayse muxuu yahay? Mise waa: “Qawda maqashii waxna ha u qaban!”, middan u badani, maya ninka waxbaa ka si ah, maalintuu Beledweyn tagay raggii ku soo dhaweeyey ayuu inkiray, maamulkoodiina wax kama jiraan ka dhigay.
Mudanaha kale waa Cabdi Cawaale Qaybdiid, ku lahaa in maati la waxyeelleeyaa kama mid ahan hannaan ciidameedka! Isagoo yiri: “waxaan leennahay Kenya jooji falalkaas”, Yuu is mooday waaba iga su’aale? Miyuu halmaamay gacmihii dahabku ku rarnaa ee gabal gabalka loo soo uruurinayey? Miyuu halmaamay xasuuqii suuqa Dahablaha ee Bakaaro sanadkii 1996-dii? miyuu halmaaamay xasuuqii maalmuhuu daagaalka kula jiray wadaadadii waallida waday? Ninba afkaa qoyan u hadal!
Qaybta sadaxaad waa Guurtida Beelaha Hawiye, iyagu hadal ma reebtaan, erayna ma bakhiilaan, afka noolayaal dheh, aanse is weydiinnee, maxay u arkaan dhibka ka dhaca meelo ka fog, mey eegaan midka joogtada uga dhaca xaruntooda Muqdisho? Ee ay waliba gaystaan ciidanka AMISOM, uguna dambeeyey kii ka dhacay Masjidka Alhidaaya, malaha kay rabaan ayey arkaan, kan kale waa iska idha saabaan, yaan la halmaamin inay xildhibaanno hadleen.
Dhanka kale, Sida loola falgalay xadgudubkii xabashida loolama falgalin xadgudubka Keenyaanka, dunida dhan waxaa is qabsaday mudaharaadyo, ay dhigayeen Soomaali ka caraysan xadgudubka Xabashida, waaba su’aale maanta aawaye? Miyey le’deen Soomaalidaa? Mise dan kama lahan oo waa doorsoomeen? Aan dhan kale sheekada idinka tuso, armuu buuqii iyo sawaxankii hore ahaa, geesgalin C/laahi Yuusuf la go’doominayey? Armuu ujeedku ahaa beelaysi bugtada qalbiga iyo beegsi shakhsi?
Waa iga weydiin kaliya, hubaal inaan dadka dhami u wada xuurtaysnayn arintaa, balse shaki ayaa ku galaya marka aad eegto sida wax u dheceen iyo sida wax yihiin maanta, sida labada dhacdo u kala fog tahay, ayaana keenayana dareenka caynkaa ah, waxay noqotaba, dareenkii shalay ma jiro, hadalku waa kooban yahay, kalaamku waa afar eray.
Dhanka dunida, murti ayaa waxay leedahay: “Qosolba Hiillo waa Galaa”, waxaa la yaab ah in dunida laga waayo dowlad ka hadasha Xasuuqan qaawan, falalkan gurracan iyo dhibaatadan ku hubsatay shacabka, waxaa hubaal ah in aamuskan uu ku sii dhiirigalin doono dawladda Kenya inay sii joogtayso falalkan gurracan ee arxandarrada ah, ee ay la beegsanayso Bulshada iyo hantidooda.
Waxaa nasiib xumo ah nimankan sheeganaya inay madax yihiin aysan waxba maamulin, aysanna u madax bannaanayn ka go’aan qaadashada talada dalka, aysanna gacantooda ku jirin maamulka dalka, balse dalka dhan ay maamulaan saraakiil Caddaan iyo madaw isugu jira, oo iyagu si cad u maamula gayiga Soonaaliyeed, tani la yaab ma leh oo waa arrin muuqata.
Waxaanse la qaadan karin sida dunidu uga gaabisay baajinta Xasuuqa, ama ugu yaraan ugu dhaqaaqi waysay sidii loo yarayn lahaa qasaaraha ka dhalanaya awoodda xad dhaafka ah, ee Keenyaatigu adeegsanayaan, run ahaantii waxaad mooddaa in Soomaaliya la wada dayriyey ama la wada laalaadshay, haddaanba arinteeda la filqin!
Ma jirto cid ka dhiidhinaysa falalka waxashnimada ah, ee ciidanka Keenyaantigu ka gaystaan Magaalooyinka koofureed, mana jirto cid ka damqanaysa dhibaatada shacabka Soomaaliyeed ka soo gaaraysa hoobiyayaasha iyo PM-ka lala beegsanayo xaafadaha iyo waxyeellada naf iyo maal leh ee ka dhalanaysa duqaymahaa.
Duqaymahan ku soo noqnoqday magaalooyinkaa, macnaha loo yeelay iyo ujeedada laga leeyahay ka sokow, waxay ku dhammaan guuldarro iyo jab u soo howayan doonta Kenyanka iyo kaabeyaashooda, Murti ayaa waxay leedahay: “Dhagar qabe Dhulka ayaa la Dhaqdhaqaaqa”, si kasta oo ay cudud military ugu soo dagaal tagaan, wax guul ah kama soo hoynayaan, iyadoo waliba duqaymaha ay ka qaybqaateen dalal kale, jabka iyo guuldarrada oo waji gabax ku noqondoona Keenyaanka ka sokow, kalkaaliyayaashooda u qiil sameeya hoobiyayaasha PM-ka iyo duqayntana iyana kadabkooda ayaa go’aya.
Falalkan gurracan ee ay hurmuudka ka yihiin Keenyaanka oo kaashanaya caadaqaatayaasha aan damiirka lahayn, kuma guulaysan doonoon hadimada ay la maaggan yihiin iyo shirqoollada ay u maleegayaan Ummadda, maxaa yeelay dhagarqabe oo dhan wuu iska dabar go’ayaa, waxaana ka haraya magac xun iyo xusuus aan wanaagsanayn, haddaba dadka Soomaaliyeed ha ku dadaalaan Midnimadooda iyo inay ka feejignaadaan dibinyaabyada nacabku la maaggan yahay, isagoo u soo adeegsanaya dad gibilka iyo maqaarka Soomaali ka ah, kalkaaliyayaashuna ha ogaadeen inay u dambaynayso meel xun iyo magac xun, ayna dadka dhexdooda ka noqon doonaan Duke Cambaar leh iyo haraso Nijaas ah, oo qiimo iyo xushmad midna aan lahayn.
Gunaanadka faallada, intii shalay ku diidday Xabashida diin qabiil ama wadani, maanta ayaa looga fadhiyaa inay Kenyana sidii oo kale ku diidaan, waa in codkodooda la maqlaa, maxaa yeelay shalay iyo maanta waxba isma badalin, haddaysan arin kale qarsoonayn, iyana waqtiga iyo waayaha ayaa bannaanka soo dhigi doona, haddaan wadanka maanta loo istaagin, wallee berri isma haysan doono, danaha dawladaha shisheeye si xawli ah ayey u fulayaan, nacasiintuna waa nagu bateen.
Dadka waxaan ka muuqda dabacsanaan dheeraad ah, marka loo eego sida xaalku ahaa sanado ka hor iyo siduu maanta yahay, mise waa Muqdisho ha yimaadeenee sug, oo ah marka ay Muqdisho yimaadaan ayey dadku kacayaan, inta ka horraysa nuuxsan maayaan, ma garan sheekada caynkaa ah, maxay ku kala duwan yihiin Hoosingow iyo Muqdisho? Labaduba waa dhul ay Soomaali leedahay, kii lagu soo xadgudbaa waa kiisa kale.
Bashir M. Hersi
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM
Horta maqaalka waa fiican yahay, marka dadka ay wax lays waydiiyo waxaa cadaanaya meesha khaladka uu kasoo abuurmey. Somalida ilaa hada ma oga ama ma jecla in laga hadlo meesha khaladka ka abuurmey.
Anigoo waxay ila tahay tariikh dib loo raaco oo la ogaado meesha khalad ilaa hada ka bilowdey. Aniga waxaan oran karaa meesha khaladka ka bilowdey waa 1969 markii uu xukunka la afgabiyey oo xukuumadii jirtey noqotey mid military oo shuuci ah (somali u taqaano KAcaaN). Taasi waxay keentey in dhaqanka soo jireenka ahaa uu burburo. Meeshaas oo ay dhacdo in dadka si khalad ah u is ticmaalaan qabiil, musuqmaasuq iyo ta ugu weyn oo ah in bulshada noqoto mid aan la xisaabtamin xukuumada hadey noqoto heer magaalo ama degmo ama gobol ama dowlada sare.
1960 ilaa 1969 waxaa jirtey xukun decomcrtic ah oo barlaamaan leh oo dadku ay dowlada la tashadaan. Waa run in xusbiyada aad ubateen 1969 oo qolo walba ama group walba ay xusbi furatey lakiin waa mid iska dabiici ah waayo Somalia waxay hanatey dowladaas mudo yar waligeedna dowlad qaran ma noqon.
Markii dowladii 1969 ee democratic isku bedeshey mid milatary waxay noqotey mid aan dadka ma talin. Taasi keentey in dadka ay dowlad aaminin ama ay musuqmaasuqana ku bato. waxaa jirtey in Wasiiro ama agaasimeyaal ama gobonotoorayaal aan waxbo garaneen si qabiil ahaan loogu iclaaminayey kursi xitaa military waxaa jirtey rag aan cilmi u hanan oo mido yar kubilaabey askari shansano kunoqonaayey general. taasoo keentey in tayada ciidanka uu hoos udhaco.
Maanta dhibka jira waa qabiil loo is ticmaalayo si neceeb ah, waxii ka horeeyey 1960 qabiil wax aad u sumcad fiican oo qabiil walba xumadeen jirey qabiilka kale. taaso keentey in Waqooyi iyo Koonfur si shuruud la’aan ah oo walaaltinimo iyo somali ku dheehantahay ay dowlad usameeyaan iyagoo Wali doonaya in Jabuuti, Kilinka 5 ee ethiopia iyo NFD ee keyne lagusoo daro waayo xidigta shanta gees leh macnaheedu waa 5 degan ee somalia.
Hadaad sidaas qoreysey anna waxaan muddo qorayey: “Soomaaliya waxa ka socda waa dhul-bannayntii sadexaad” iyadoo labadii dhul-bannaynnood ee hore ay ka kala dheceen Waqooyiga America oo laga laayey dadkii degennaa ee loo yiqiin Red Indis kadibna ay dageen dadka hadda deggen, iyo Australia oo laga laayey dadka ay hambada yar ka danbayso ee loo Aborigins.
Hadday danbeeyaan tiro yar oo Soomaali ah oo is maqli kara, waxaan filayaa inuu xalku yahay kan ku faahfaahsan halkaan: http://www.hornpeace.webs.com ee halla isku dayo in guddi loo sameeyo inshaa Allah. Haddii kale iyo had walbana, wadeeca Allah!
Xamar inta xooga Ku haysatiyo xigtadoodaa xilkaas leh .taasi waa Halkaa tankale qoraagu 4 sano kahor itoobiya Wuu la dirirsanaa maanta oo ay dadkii uu isagu ka dhashay ay xasuuqaayaana meel kalaa umuuqTa ala ninka maxaa qabyaaladu Ku weey naatey umaleeynmaayo indaawo laguu hellayo
ninka la baxay abdul waxaa ku gabowday cuqdad jiro ah oo qabiil ah .
mida kale waxaan leeyahay fikrada ama commentiga uu soo qoray ninka la baxay Abdul iyo maqaalku wuxuu ka hadlaayo ama ujeedada maqaalka isma laha , maqaalku wuxuu ka hadlayaa xasuuqa hadda jira iyo xaalada hadda taagan ,ninka lagu magaabo Abdul commentigiisu wuxuu ku jeedaa dawladii kacaanka .
taas waxaad ku ogaanaysaa in ninkaanu qabo jiro ku xumaatay oo ah qabiil nacayb aan daawo lahayn.
aduuunka waxaa ugu daran nin inta baadiyo laga soo kaxeeyey abaarihii oo sida wax loo qoro la baray oo reer magaal laga dhigay hadana aan abaalkii loo galay ku badalay wax dumin iyo nacayb ,taasna waa reer baadiyonimada sababtoo ah qofka reer magaalka ah waa ka xishoodaa inuu mar kasta ku taamo qabiil nacayb.
fiiri waqtigan waxa jiro
ninka la baxay abdul waxaa ku gabowday cuqdad jiro ah oo qabiil ah .
mida kale waxaan leeyahay fikrada ama commentiga uu soo qoray ninka la baxay Abdul iyo maqaalku wuxuu ka hadlaayo ama ujeedada maqaalka isma laha , maqaalku wuxuu ka hadlayaa xasuuqa hadda jira iyo xaalada hadda taagan ,ninka lagu magaabo Abdul commentigiisu wuxuu ku jeedaa dawladii kacaanka .
taas waxaad ku ogaanaysaa in ninkaanu qabo jiro ku xumaatay oo ah qabiil nacayb aan daawo lahayn.
aduuunka waxaa ugu daran nin inta baadiyo laga soo kaxeeyey abaarihii oo sida wax loo qoro la baray oo reer magaal laga dhigay hadana aan abaalkii loo galay ku badalay wax dumin iyo nacayb ,taasna waa reer baadiyonimada sababtoo ah qofka reer magaalka ah waa ka xishoodaa inuu mar kasta ku taamo qabiil nacayb.
abdul
adeer 1960 ka hor waxaadan u qurxin qabyaaladu way jirtay lkn soomaalidaan lahaan jirin dawlad oo gumaysigii wuxuu ugu yimi dhulka soomaalida qabiilooyin mid walba si gooni ah isu xukunto ilaa maantana sidii beri gumaystihii ugu yimi bay rabaan inay isu xukumaa fidnada iyo dhibku waa nidaamka hargaysa oo rabay in uu qaanuunkaa soomaali u dejisnaa inay jabiso ii qabiil qabiil kale u taliyo waa meesha sartu ka quruntau xeerka soomaalida adeer qabiilna qabiil kale ma xukumi karo
sugaan yahan yaa horay u yiri waxaa somali ka jira gacan- ku- dhiigle, af-ku- dhiigle iyo qalin- ku- dhiigle. anigu waxaan qabaa seddex u ugu xun yahay qalin-ku-dhiigle(sida Cabdul) waayo wuxuu been ka sheegaa taarikhda, wuxuu qurxiyaa oo sababo been ah u sameeyaa dambiyada shacbiga laga galayo iyo kuwa galaya oo u saldhigyo cududaar oo an jirin u abuuro.wuxuu ku hawllan in u hakiyo garashada dadweynaha say dhibaatada uga baxaan. wuxuu cadaw dhab ah u yahay kuwa u rabo in u ku beerlaxawsado dareenka beelaadka. waa jid u furaha cadaw kasta ee somaliyeed.waa sun iyowaabaayo fidiye.mana istaahilo in lagu martigaliyo media-yaha. somaliyi waa ka dharagtey fidno-hiriye .
aniga aragtidatda waxa mas’uulka loowaadleh
somalida oo kalabaxda deegankaasi
b.reeraha daga oo danlaawe noqday
t.dowlad lagu sheegta lasoomaray
j.kuwa la rabo inay xukumaan”azaniya”
x.cadowga geesanya
waxaanleeyahy walaalahey
warku waa gaabanyey
walaacna lama rabo
yaa iigu wacan lam rabo
waa waqtigii tashiga
waan halyey waagii
waranle kaligii maaha
wadaad iyo qalinle
warsanwade hooyo
wadanshisheeye
waanu jabindoonaa
waadi jano heliye
samir igu waageeran
wehelkeene eebe
waa duniye weyne
wacadkii xusuusnow
“nackan isu soo urursadey wuu jabi”
Waxaa ii muuqda qodhaaga inuu hal dhacdo ka hadlay waana sax in wixii dhacay lasheego laakiin waxaa fiican oo macne sameynesa marka arrinta la xaqsooro oo wixii dhacdada sababay lesheego! Ragga weedhadhay ninka lagu macaabo Abdul seeftana u wada afeysanaya runta isu sheega dhibaato walba marka laga hadlo waxaa jidha wax layidhaa ROOT Of THE OF PROBLEM ama dhibaatadu meeshay ka soo unkantay! Arrinta ah in qof soomaali ah dhibaato loo geysto ama walaalkiis la ah soomaali hawgesto ama ajnabi hawgeysto qof ku faraxsan majidho waana ayaandarro aan loo baahneyn inay dhacdo. Somali muddo qiyaasteedu faraha ka baxday bay dhibaato iyo xasuuq dhex mushaaxaysaaysay oo ay dheceen xasuuqyo kuwii ugu xumaa oo xabad disha iska daaye ay ummaaddii baduhu cuneen, ummaddii inta la xasuuuqay hantidoodii la xalaalaystay! marka waxaan odhan lahaa waxba yaan been iyo buhuu baah laysu sheegine waxaa ku dhacay somali waa mid aynu gacmeheene ku kasbanay! Hadda waxaa dhacaya waa carro Illaah waayo waxaa naga buuxa dad munaafiqiin ah oo waxwalba ooy sameynayaan tooda ka eegta dadkana aan u nixin ayagana ku dhex jidha. Bal eeg hadda jubooyinka laga hadlayo meegay xasuuq iyo dhibaato ku soo jidheen oo weli ku jidhaan, yaa loo heystaa taas? Haddise ay dadkii keceen oo dheheen ENOUGH IS NOUGH ma ku khaldan yihiin? Arrinta dawladda Soomaalia ma waxay saacidda kacdoonka dadkay? mise kan dhibaateynayey saacida? shacabka inay baarto dawladdu wixii xaqdarro ah oo lagu sameeyey waa xaq weyna yidhaahdeen dawladdu oo raisal wasaaraha ka hadlay arrintaa inay baadhitaan sameynayaan. waxaan ku soo gabagabeeyey inay hubaal tahay in dabkii munaafaq shido uu mu’min ku gubto waana tan hadda dhacaysa Illahay maslaxo ha keeno..
Ku: Ali
Horta waan ka xumahay sida aad ii aflaagaadeesey, hadii aad tiri reer magaal ma tihid kkk horta taas waaba ku saxsan tahay oo magaalo kumaan soo korin waana ku faanaa. Wadama horumarey Europe, North America, Austria and New Zealand qofka beer and xoola dhaqato ah waa ku faanaan. sidaa ula soco.
Een waxaa tiri waxaa ku haya cuqdad, kk walaal cuqdad qofka hayo waa qofka wax qarqariya somalina waxaa meeshaas dhigey waa wax qarqarin. Ceeb maha in runta lasheego.
Mida labaad waxaa tiri mowduuca aan aniga ka hadley ma aha mida article kan ku saabsan. kkkk wuu ku saabsan yahay waayo maanta Somali waxa halkaas dhigey ee Kenya iyo Ethiopia usoo fara galineysaa maxaa keeney horta (iska ba dhaaf xasuuq iyo wax lamida) waxaa keeney waa somali oo danteeda garan weysey.
Horu dhaceyga markaan ka hadlaayey waxaan ka hadlaayey mid ka weyn fikirka ninkaan uu sheegtey oo ahaa mid saliim ah oo fikirkiisa ah.
Ali Suaal aan ku weydiiyo horta ma kula tahay dhibka hadeeer jira inuu kasoo bilowdey 1990 mise ka hor. Run halaga hadlo dowlada militariga ee jirtey waxee baabisey dhamaan Cultural Fabric of Somalia and Injected Hate between brothers and sisters. Qabiil ceeb maha lakiin that military adminstration did not had good policy for uniting Somali people from ethiopia somali region, Jabuuti, NFD and somalia. It ruin internation allied even Soviet Unioun. Go back to history starting from 1977 War between somalia and ethiopia. Bad education system, country’s borrown money from internation countries and world bank rating went high because of country’s economic polofolio. My uncle worked higher rank in that adminstration he told me late 80s the country was broke. Inflation was going off the roof, people’s were distancing from the government which let the down of the government and civil war erupted. THAT WAS THE ROOT OF ALL THE CAUSE — SOMALI PEOPLE ARE IN REFUGEES INSIDE THIER COUNTRY THAT IS HOW BAD IT IS BROTHER.
aliyow idman iyo abdul digadey kaa dhigeen ma qoladii xisbiga kacaanka oryanteeshiyada ka soo aflaxaad ahayd midey neefka dhahaan oo isna nacnacdaada oo kale dadka kula meereystaa jire la sheekeyso
Qormadan Figureska la gashay ee ka hadlaya dhimashada, dhaawaca iyo burburkaba waa la buunbuunshay, hadii la rabo in dadka wax loo sheego waxaa fiican in run la sheego.
waarheedhaha HAL NINKII LAHAA DHACAYO YAA DHICINAYA maanta mawaxaynu dawo ka raadinay cadawgeena sida kenya itobiya iyo maraykan dee berina yuhuuda u yeedha waa ka xumahay dadkayga inta gobolgobol loo qurbay hadana maanta aydiyarado ku dul garaacayaan, kobojaa,baranbaro iyo duqsi aan markaan dawlada ahaa super bawarka ka ahaa geeska afrikoodhan, ileen ciil looma dhinto, waxaase somalyeey xaqiiqa in kuwii dumiyey wixii dowlad ku sheega ahaa ee inoogu danbeeyey inay inooga sii dareen wadankiina furfurteen, markaanu dowlada haysaney haba noo xumato,dhulkeena bad beri iyo cirba waa ilashanaa cadowna kuma soo dhoci karayn, iminkana intiiba waa iib oo qaramada midoobay baa beec geynaysa aynu aragno cida ku gulaysata in ay iibsato rabbiyo na ilaali