Xasuuqa Kenya waa Xadgudub Xukuumad Soomaaliyeedna ma jirto
Xasuuqa Kenya waa Xadgudub Xukuumad Soomaaliyeedna ma jirto
Idiris Suldaan Axmed Dooxajoog
Dooxajog5@hotmail.com
Jan 19 2012
Waxaan Salaamayaa dhamaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunidda ka joogaan bacda salaan waxaan rabaa in aan aragtidayda ka dhiibto Doodan furan ee ah Duqaynta Kenya ,Laynta shacabka Iyo ka aamusnaanta DKMG
Waxaan uga tacsiyaynayaa dhamaan ehelladi ay dadkoodu ku dhinteen xasuuqa ay Kenya ka gaysanayso koonfurta Soomaaliya , waxaa wax laga xumaado oo foolxun ah in diyaaraddaha Dagaalka ee dalka Kenya ay xasuuqaan shacabka Soomaaliyeed bulshada soomaaliduna ay iska daawato oo ka damqan wayso gabood falka lagu hayoo .
Waxaan rabaa in aan ka Jawaabo Su,aalaha Raxanreeb ay doodaan furan ku soo bandhigtay oo aan kala qaadqaado
Maxaa lagu micneyn karaa?
Waxaa lagu macnayn karaa inay tahay xasuuq lagu hayo shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatadu haysato iyada oo lagu soo gabanaayo waxaan la diriraynaa al shabaab , Ciidamada dowladda Kenya ee iyagu dalka Soomaaliya iska soo galay waa kuwo aan iyagu u naxayn bulshada Soomaaiyeed dhimashoodana ay ula mid tahay Neef xoolo ah oo dhintay waana mid xad gudub wayn ah oo ka dhan ah bini aadamnimada .
Maxay Dowladu uga hadli la dahay dhibaatada Caruurta Soomaaliyeed lagu dilaayo ?
Waxaa mid aan daahsaarnayn ah in aan dalka Soomaaliya lahayn wax xukuumad ah sababta oo ah Soo galitaanka Ciidamada kenya waa mid aan cidna la waydiin sida ay ku doodaan qolyaha jooga muqdisho waxay dhahaan waxaa jira Baarlamaan in ciidamada Dalka Kenya ay soo galaan dalkeena Baarlamaan ku sheegaas maxaa loo horkeeni waayay oo ay u ansixin waayeen hadday dan u arkaan haddi kalena ay u diidi waayeen , balse taasu ma dhicin oo sidi gobol ka mid ah gobolada dalka Kenya ayay Ciidamada Dalka Kenya iska soo galeen Soomaaliya , Jawaabta su,aasha ayaan oran karaa in ilmo dhintaan oo la xasuuqo saw kama horayso maxay usoo galeen ? yaa siiyay awooda ay ku soo galeen dalka Soomaaliya ? intaasuba hadaysan jirin oo ay iska soo galeen Macnaheedu waa xukuumad wax la dhahaa ma jiraan cid caruur Soomalaiyeed oo la dilay u hadlaysaana majirto ee kooxo danahooda muqdisho u jooga ayaa loogu yeeraa waa xukuumad hadday ka hdlaan caruurta dhimanaysana waxay u arkaan mid danahooda ka hor imaanaysa ,
Waxaan ognahay in dal soo galitaan ciidamo shisheeye ay tahay arin aan ka maarmin in Baarlamaan la horgeeyo mana ahan wax la sahlan karo ma ahan wax shakhsi saxiixi karo ama ay oran karaa waa isfahan labada dowladood , Baarlamaanka dalka Kenya waa ka fariistay arintaas waana meelmariyeen , meeh baarlamaan ku sheegi dalka ciidamada shisheeye ay soo galayaan ee markaas la filanaayo inay waxay doonaan samayn karaan ciidamadaas shisheeye mana kala jecla Kenya dhimashada al shabaabka iyo shacabka masaakiinta ah ee abaaraha iyo colaaduhu aafeeyeen.
Su,aashaanu waa mid qofka ugu filan inuu ogaado inaysan jirin wax xukuumad la dhaho oo Soomaaliya leedahay hay,addaha xuquuqda aadamaha u dooda ayaa ka hadlay xasuuqa ciidamada Kenya bal maxay ugu hadli waayeen kuwaan sheeganaaya inay xukuumad yihiin mise haddi al shabaab lala diriraayo wixi dhinta oo shacab ahi waa kuwo aan mudnayn in laga hadlo
Yaa qaadaya masuuliyada dadkii ku dhintay duqeymaha?
Masuuliyadeeda waxaa iska leh Dalka kenya oo iyadu ah midda dhibaatada gaysanaaysa ee gantaallaha la dhacaya dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed dhanka shacabka masaakiinta ah ee Soomaaliyeed waxaa masuuliyada qaadaaya kuwa dadka ugu sheekaynaaya waxaan nahay xukuumad leh gollayaal kala duwan oo ay qaybtood saxiixyo sameeyeen ku aadan in ciidamada kenya dalka soo galaan iyaga oo aan lahayn awooda meelmarinta arintaas kuna macneeyay waa iskaashi labada xukuumadood oo aan iska kaashanayno la dagaalanka al shabaab , iskaashigu ma in caruur Soomaaiyeed la xasuuqaa .
Sideese lagu kala saari karaa Al-Shabaab iyo shacabka ku hoos nool si aan dhibaato loo gaarsiin?
Waxaa lagu kala saari karaa shabaab waa ciidamo dagaallamaaya oo ciidan dhulka jooga ah cidda weerarka ku ahi waa inay la dagaalantaa oo dhulka ugu timaadaa lakiin marka Gantaallo la iska soo tuuro oo la dhaho ku socda alshabaab hadde cidda waxaas samaysaa iyadu shabaab uma socoto ee dadka Soomaaliyeed inay xasuuqdo ayay u socotaa ma gantaal aad tuuray ayaa al shabaab iyo shacab kala yaqaan saw macnaheedu ma ahan Soomaali ayaan xasuuqaynaa ? mise Soomaali oo dhan waa alshabaab , Al shabaab iyo shacab Masaakiini iskuma jiraan unamalayn maayo gantaal la soo tuuray inuu yahay shabaab ayaan jabinaynaa ilayn maba taqaano in uu ku dhacaayo iyo in kalee mise waa ku nasiibsanaysaa kenya ? imasaa ayay kaga dhici kartaa al shabaab gantaallo la soo tuuraa waa wax yar lakiin badanka gantaalladaasu shacabka ayay wax yeelaynayaan waana xaqiiq .
Maxay tahay waajibka saaran shacabka iyo qeybaha bulsha Soomaaliyeed?
Waxaa la gudboon shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan inay arintaas ka kacaan oo ka mudaharaadaan cadowgoodda aan u naxariisanayn shacabka Soomalaiyeedna ay iska celiyaan kana tanaasulaan kala qaybsanaanta dhexdooda ah waa midda keentay in cid kasta Soomaaliya iska soo gasho waxaa ognahay in ciiddamo itoobiyaan ihi ay sidoo kale soo galeen dalka Soomaaliya iyaga oo aan cidna waydiin taasu saw sharaf daro kuma ah shacabka Soomaaliyeed in dalkooda la iska soo galo, Waxaad arkaysaa kuwa muqdisho jooga oo ay goboladi ku soo dhowaynayaan ciiddamo itoobiyaan ah , dalka Soomaaliya xuduudo ma leh miyaa ?ma meel la iska soo gali karo oo aan cid u hadasha layhaynbaa?
Dhibka ugu wayni waa kala qaybsanaanta bulshada Soomaaliyeed ee uu xanuunka qabyaaladdu gayaysiiyay inay ka damqan waayaan xasuuqa dhalaanka Soomaaliyeed lagu hayo , meeh shacabki Soomaaliyeed miyaysan damqanayn maxaa damiirka ka qaday oo ay ugu jiraan mugdiga oo ay isaga daawanayaan dhibaatada dhacaysa ? ilaa intee sidaan ku jiraynaa haddaan Soomaali nahay ? miyaysan shacabka la gudboonayn inay gacmaha is qabsadaan oo ay ogaadaan in kala qaybsanaantu ay tahay dhibaato ?
Kenya-yada caruurteena xasuuqaysa saw ma ahan middi doonaysay inay qaadato qaybo ka mid ah xeebeheena oo ay ka faa,iidaysato kala qaybsanaanteena ma kenya ayaa caruur Soomaaliyeed u naxaysa
Soo afmeerid
Waxaan ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah ee ay kal hor joogaan kuwa xumaanta ku adeegta ee hadba meel shir loogu qabanaayo oo aan iyagu ka damqanayn dhibka shacabka haddana isku sheegaaya garwadeeno siyaasadeed in aan iska qabano oo aan dhahno na dhaafa waa inaynu la dagaalanaa 4.5 , Qabyaalad State oo hadba xaafad calan loo samaeeyo oo la dhaho waa maamul Goboleed , horjoogayaal iyagu u adeega kuna adeegta qabyaalada oo ah wax fool xun `oo ay ina kala qaybiyaan oo dhahaan Reer hebel iyo reer hebel bal maxaa reer hebel naga kala dhigaaya saw soomaali ma wada nihin wixi ka hooseeyaana xumaanteena ma ahan sidaan ku hayno sooyaalka taariikhdeena ee ah nadaam la,aanta oo ay sabab u yihiin waxaasu , Qabyaaladu waa taas loo waayay wax ka kaca xasuuqyadaas oo dadka makansiisay inaysan waxba iswaydiinba.
Ma keenya ayaa dalkeena imaan lahayd oo caruur xasuuqi lahayd haddaan nadaam samaysano oo aan dalkeena aayihiisa ka tashano ,Waxaad arkaysaan sidda shucuubta carbeed ay uga takhaluseen rajiimiinti muddooyinka baddan soo haystay ee buslahada caburinaayay inaga cid inooga baahi badani ma jirto in aan kacno oo aan u istaagno wada jirkeena sababta oo ah 21 sano waxaan ahayn Nadaam la,aan waxaa dalkeena ka dhaca Gabood falyo shisheeye iyo kuwo sokeeye.
Ma jiro qof Soomaaliya oo ay dani ugu jirto kala qaybsanaanta iyo in sidaan uu dalkeenu sii ahaado qof kasta oo soomaali ahi waa dhiban yahay oo dunidu waxay inoo wadda taqaan Soomaali ha la iska daayo xaafadayada ayaa fiican oo xaafadaas ayaa xun dadka halkaas dagan ayaa soomaaliya ka dagi waysay dabcan waa kala qaybin dadka gobolkaas ayaa xun dhamaanteen walaalo ayaan nahay ee aan iska dayno si wada jirana aan isu garabsano .
Waxaad arkaysaa dad u banaan baxaaya shirkad shisheeye ayaa deegaan kayaga timi , Qabyaalad state kayagu waa mid lama taabtaan ah maxaa diiday dad u banaan baxa oo ka kaca caruurta la xasuuqaayo taasu waxay cadaynaysaa inaynu waxyaabo hoose ku mashquulsanahay wixi wanageena iyo sharafteenu ku jirtayna aan iloownay oo ay qabyaaladu inaga xoog badisay .
Alshabaab shacabka Soomaaliyeed wa iska celin karaan waana wax sahlan ka adkaantoodu lakiin dhibka ka darani waa wax beena oo xukuumad lagu magacaabo oo aan wax ay qabataa jirin bal 12 sano Xukuumad ayaa la sheegaayay oo la lahaa waa DKMG ah maxay dalka soomaaliya ku soo kordhiyeen ? waxay ku soo kordhiyeen kala qaybsanaanta oo heer xun sii gaarta oo calamo gobol kasta iyo xaafad kasta ,iyo in abaaro aad u darani dhacaan oo dadka macaluuli layso marki ay waayaan waxay cunaan iyo biyo ay cabaan haddana waxaa la yiri 4sano oo kale ayuu jirayaa 4.5 nadaamka ahi oo aan wanaag laga filayn. yaa kuwaas wakiishay sidaas leh oo ay matalaan .
Soomaaliya shacabkeedu waa awoodaan inay iska tuuraan heeryada saaran ee ah kala qaybsanaanta inay iska eryaan oo midka aan damiirka lahayn ee beenta u sheegaaya ee ku dheefsada kala qaybsanaanta iyo xumaanta ay na dhaf dhahaan .
W/Q Idiris Suldaan Axmed Dooxajoog
=============================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY FIKIRKAAN AMABA MAQAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

[...] See more here: Xasuuqa Kenya waa Xadgudub Xukuumad Soomaaliyeedna ma jirto [...]
Idiris si wanaagsan ayaad dhigtay wa xaqiiq in qolada muqdisho dagani ysan ka shaqaynayn dan soomaaliyeed shacabkeenuna ay hurdaan oo aysan kacyn
waan salaamayaa qoraaga waana ku mahadsan yahay sida wanaagsan ee uu doodaan uga qayb qaatay waa nin soomaalinimadu ku wayn tahay idiris .waxaa ka musuula dadkan dhimanaaya ninkaan cabdiwali gaas ee soo saxiixay inay kenya so gasho somalia ,
waxaan salaamaya xukuumada mawaxaa ah shariif sakiin iyo shariif herow gaas hurdaaye
haday kiinya ay dad soomaali ah dilayso .aan hadan la is waydiinayn waagunimo soomaali usoo hoyatay saacadaan laga bilaabo”huutuu ayaan nahay” ilaahay waxaan kabar yey meeshaas nagaarsiiyey jahanamo ilaahay haku fageeyo qabiil iyo halooshiis usha qayste ayaa meeshaas nadhigay
“Xasuuqa Kenya waa Xadgudub Xukuumad Soomaaliyeedna ma jirto”.
Meel uu titelkaas u socdo iyo meel uu ka socdo hala iga dhaadhiciyo.
“Xasuuqa Kenya xadgudub xukuumad, Soomaliyana ma jirto”
“Xasuuqa Kenya, Xadgudub xukuumad Soomaaliyeed ma jiro”
Meesha uu hakad iyo joogsiga kaga jiro ha noo sheego Ina dooxa joog.
Ileen ninka farba lama gelin
waad mahadsan tahay idriis walaahi waa maqaal macaan oo wadaniyad ku dheehantahay nasiib daro
somali hadii ay waano wax ku qaadanayso waa hore ayeey wax ku qaadan lahayd laakiin
somali inta wadaniyiinta ah hadii ay midnimo muujiyaan oo ay inta kale ay ubilaabaan kacdoon gayiga somaliya kacurta in lugu dayan lahaa ayaan filayaa laakiin intii wadaniyiinta ahayd ayaanan naftooda ku kalsoonayn
mar labaad adriis waan kuu mahad celinayaa maqaaladaada wanaagsana soo badi thnks
Marka hore waxn u tacsiyeynaya dhaman umada somaliyed marka xigta waxan leyahay somaliyey ma waxan wadani?.dhanka kale kenya waxeda ma,ahan alshabab ujede ee wa somali u jeed.do u remember 1984? Xasuqi wagala imisa somali ah aya lagu xasuuqay? Firi nin somali ah aya la si socdo oo ka barbardagalamayo qof umada somaliyed qeybteda ugu jilacsan bombgareynayo marka ma waxan nahay wadani?
marka hore waxaan salaamayaa bahda webtiteka raxanreeb & qoraaga barnaamijkaan soo diyaariyay salaan kadib hadaan anigu fikirkayga ka dhiibto arintaan waxay ilatahay wax kasta oo ka dhaca somalia xiligaan in uu masuuliyadeeda leeyahay wasiirka 1aad & intii lahamaasha waan arin laga xumaado oo waliba murugo leh xasuuqa dadka shacbkaa oo aan waxaba galabsan oo ay iska leynayaa ciidamada shisheeye ee aan cidana ka amrqaadan waxana u tacsiynayaaa umadii halkaa kugeeryootay & intii waxyeelo kaoo gadhayba rabi ayeey leyahiin anguna rabiyaan lenahy nimanka muqdisho joogan waa daneeystayaal aan shacab dan kaleheen thnks idiris waad salaamantahay
Deeq Wadani
Waxaan maqli jiray xoolaha dambi eey cadaab tagaan ma galaan, oo ilaaheey waxba uma qabto. Waagii C/yuusuf madaxweynaha ahaa, Cali Geedina wasiirka koowaad ahaa, waxaa walwalba oo Soomaliya ka dhaca loo saarin jiray C/Yuusuf, halka Geedina eed la’aan ka ahaa. Maanta oo Madaxweyne Sheekh Shariif yahay, C/Walina yahay wasiirka koowaad, maxaa eeda siiyay wasiirka 1aad. Mise reerku waxeey la mid yahiin kuwa Ilaaheey cafiska guud u fidiyay.
Waa isu keey qaban la’dahay Boowe!!!!
WAAN KAA TIRTIRNAY SIDII QAABKA DARNEYD EE AAD UGU QORTAY HALKAAN
QABIIL CEYN HALKAAN LAGAMA OGALA
FADLAN ADOON CIDNA CEYNIN WAXAAD DIIDAN TAHAY IYO WAXAAD OGASHAHAY SI WACAN U QOR
@puntlander Cabdullaahi Yusuf isaga ayaa Ethoipia watay, ee Geedi muusan dalban. Hadana Madaxweyne Sharif wuu kaxumaadaay Kenya markay wadanka ku soo duushay, laakin wasiirka1aad ayaa u mashxaraday.
Aad ayaan igu mahad celinayaa quraaga .laakaliin xal uhelida waxaan waxaan umaleeynayaa ineey sidaa kaduwantahay .hadii madaxweeyne jaahil ah uu madax inooyahay waamasiibo kadaran xasioqa ina haysta tanla aad soomaalidu waa dad is jecel oo walaalo.ah.laakiin somaaliyi waxaay iska raaci la dahay waa dadka xamar iyo nawaaxigeeda degan ilaa kuwaasi dhulka lalajarona soo.aaliya xalyeelan.meeyso