Xumaanta Shabaab maxaad awal noogu sheegi weydeen?

Facebook Recommendations

Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin
Share

Xumaanta Shabaab maxaad awal noogu sheegi weydeen?
Axmed C/samad
alwaqaar@hotmail.com
Jan 19 2012

Culumada iyo ducaadda jamaacada Ictisaam way dareensanaayeen in qallooc ku jiro fikirka iyo camalka aasaasayaashii kooxda Alshabaab tan iyo xilligii ay bilaabeen ololaha ay ku unkayaan ururkan markii dambe ku hirgalay magaca Xarakatu shabaab, wayna ka digeen fahamka leexsan ee ay xambaarsanyihiin.

SH Axmed Cabdisamad

Sidaas oo ay tahay nina kuma fakareyn in raggaas ay ka suurtowdo qallooca iyo fasaadka ballaaran ee markii dambe summadda u noqday caqiidadooda, hab fakarkooda iyo hab dhaqankoodaba; sidaa darteed culumadu af-labadi ma yeerin ee si cilmi ah ayay uga hadli jireen marinhabowga kooxdaan iyo khatarta ay diinta iyo ummadda ku keeni karto ama ku hayso. Habka ay uga hadlayaan wuxuu ahaa “ maa baalu aqwaamin” iyo caddaynta xaqa ay barbar mareen, hoosna looguma daadagin daah ka feydista wax badan oo ay maro-diimeed huwinayeen.

Dhinaca kale dad badan oo ka mida culumadii iyo waxgaradkii ku sugnaa gobolada koonfureed gaar ahaan Muqdisho ayaa xilligii maxkamadaha ku baraarugay diinxumada kooxdaan iyo hagaardaamada ay diinta iyo ummadda ku hayso laakiin waxay ku soo beegantay xilli dadka xamaas badan hayey, lagana horjeeday cadowyo badan oo isbiirsaday oo ay xilligaas ducaadda iyo dadweynahaba la ahayd inay kooxdaani ka sharyartahay, taas oo keentay inay fursad u helaan inay ummadda daakhilka ka dumiyaan, madaxana isugu wada dhuftaan.

Dhawaan mar culumada iyo rag ducaadda ka mid ah ay ka hadleen xaqiiqada hawsha kooxdaani ummadda ka dhex wado, ayna soo bandhigeen tusaalayaal dadweynuhu ka marag-fureen ayaa aad la isu weydiiyey maxaa awal oo dhan naloo ku sheegi waayey xumaanta iyo khatarta kooxdaan?. Mar aan muxaadaro ka jeediyey Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda magaalada Galdogob oo aan ardayda fikrad ka siiyey kooxdaan ayaa gabari i weydiisey: maxaad awal oo dhan noogu sheegi weydeen?. Waxaan ugu jawaabay anigu kama fakareyn dumarka iyo caamada ayaa raacaya, wiilashase bishii shanaad 2008 ayaan u sheegay in Jihaadkii dhamaaday oo hadda ka dib Soomaalidu is dili doonto, loona baahanyahay in nin walba uu diintiisa la gabbado, waliba waxaan ku iri: waligiin ma gasheen dagaal qabiil, kaalmase ma geysateen, haddase diyaar ma u tihiin inaad ka qaybgashaan?. Waxaan ku iri: ninkii Xamar u aadi lahaa inuu dadka lagu laynayo wax ka laayo dadka meelahaan dagan ha laayo muxuu xamarta fog isugu dhibayaa?. Wiilashiina arrintaas waa iiga maragfureen!.

Waxaa kale oo soo qaadis u baahan in aysan dadku marxaladaha qaarkood u bislayn in la siiyo xogta noocaan oo kale ah; waayo dad badan ayaa u qabey in kooxdaani diinta dan u hayso ama qabillkoodu ku meelgaari doono ama qolo ay u ciilqabaan kaga aarsan doonaan iwm. Laakiin hadda ninkii aan sharkoodu taaban wuxuu arkay ummad kale oo ay luufluufiyeen, wuuna ku qanacsanyahay in aysan cidna khayr u galayn ee ay yihiin DABAQALLOOC (hangarale) ninkii hoosta gashada isaga uun qaniinyada ka bilaabaya.

Haddaba markii aan maqlay dad kala duwan oo isku cilkaambiyaya maxaan xaqiiqadooda hadda ka hor u ogaan weynay ama u hadlaya in aan masiibadaan ummadda loo cadayn ayaan jeclaystay in aan soo bandhigo qoraallo badan oo arrintaan si toos ah ama si dadban uga hadlaya, in kastoo aan markii hore loogu talagalin in qoraal ahaan loo faafiyo. Waxaan horay u faafiyey qormo aan ugu magacdaray: Wadaadada is dilaya ma wada saxyihiin? Oo aan rag gaara oo talo i weydiiyey u qoray, haddana waxaan jeclaystay inaan ku xijiyo talooyin ay culumada iyo ducaadda Hargeysa ugu naseexeeyeen maxaakimtii islaamiga iyo dadweynaha reer Muqdisho bartamihii sannadkii 2006 ka dib markaan warbixin faahfaahsan ka siiyey xaaladdii meesha ka jirtey, su’aalihii ay i weydiiyeena aan uga jawaabay. Talooyinkaas waxaan u soo bandhigayaa sidii aan culumada afkooda uga qoray xilligaas. Ninka talooyinkaas maanta akhriyana wuxuu is oranayaa: culumada ma waxaan baa Ilaahay u sii daaliciyey oo ay ka hordagayeen!.

Axmed C/samad – Boosaaso

Naseexooyinka culumadu sidaan ayay u qornaayeen:

Talooyinka culimada iyo ducaadda Hargeysa

Waxaa lagu qabtay xarunta maamulka dacwada ee magaalada Hargeysa kulan ay isugu yimaadeen culumada iyo maamulka dacwada 08/06/06. Kulankaas waxaa  warbixin ku saabsan xaaladda Muqdisho ka soo jeediyay Axmed C/samad oo socdaal dacwadeed ku yimid gobolada woqooyi,  ka dibna waxaa culumada iyo guddiga dacwadu soo jeediyeen hambalyo, duco iyo talooyin aad u qiima badan oo ay u soo jeediyeen maxaakimta islaamiga iyo guud ahaan dadweynaha reer Muqdisho. Talooyinkii, hambalyadii iyo ducadii ay walaaluhu soo jeediyeena waa kuwaan:

Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay guusha weyn ee ay gaareen walaalahayo oo runtii guul u ah ummadda oo dhan. Waxaan mar kale ugu hambalyaynaynaa walaalaha guushaas ay gaareen, Allaahna waxaan ka baryaynaa in uu u taam yeelo, uuna u hiilliyo muslimiinta meel kasta oo ay joogaan.

In la badiyo wadatashiga iyo isku xirnaanta, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara khilaaf iyo kala fogaansho.

In xoogga la saaro sugidda amniga caasimadda iyo kala socodsiinta hawlaha bulshada.

In la is raaciyo haraaga isbahaysiga ka jooga magaalada, isla markaana la isku dayo in magaalooyinka kale lagu qabto si nabadgalyo iyo is faham ah.

In la dhiso maamul u gaar ah Muqdisho iyo mid dawlad goboleed ah.

In loo xulo maamulka dad ku habboon awoodna u leh inay isku wadaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Dhacdadaani waa imtixaan culus oo leh waxa ka dambeeya, waana arrin dad badan dhibaysa, sidaa darteed waxaa loo baahan yahay in la isticmaalo xikmad iyo ka fiirsi badan oo aanay dhicin in markiiba la soo dadajiyo iska hor-imaadyo lala galo dawladda FKMG iyo quwadaha shisheeye.

In laga digtoonaado saamaynta ay camalka ku yeelan karto xinifta ka dhexaysa qabaa’ilku, lana hor-istaago tuhmooyinka imaan kara.

In aan la isku dayin in wax walba lagu xalliyo qaraaro deg deg ah ee wax badan loo daayo waqtiga, marar badanna lagu dhaqmo siyaasadda kasb alwaqt.

In la kaashado lana tixgaliyo dadka wax ka go’aan meel kasta oo laga hawlgalayo, isla markaana la soo dhaweeyo, lagana faa’iidaysto acyaanta qabaa’ilka.

In xoog la saaro wacyigalinta bulshada iyo warbaahinta guud ahaan.

In dawladda FKMG lala furo wada-hadal ku aaddan arrimaha dalka oo dhan wada khuseeya,  maxaakimtuna ay la gaar noqdaan arrimaha dawlad goboleedka koonfureed iyo maamulka Banaadir.

In aan marna laga tanaasulin fulinta shareecada, lagana baaraandago habka, maraaxisha iyo fursadaha iclaaninta iyo fulinta.

In deegaanka loo sameeyo maamul midaysan, isla markaana si buuxda maxkamaduhu gacanta ugu hayaan amniga, garsoorka iyo meelaha xasaasiga ah.

In la iska ilaaliyo dhagarta iyo hagardaamaynta dabadhilifyada iyo ururada ka fuliya ajandayaasha shisheeye.

In loo tanaasulo danta guud .

In laga digtoonaado iska-hor-imaad ka dhex dhaca maxaakimta iyo qabaa’ilka.

In bulshada lagu wacyigaliyo in guusha lagu gaaray shareecada, ayna lagama maarmaan tahay in lagu mitido.

In loo dhiibo xarumaha danta guud dad xul ah.

In qabaa’ilka loo kaashado ka hortagga khataraha ku wajahan bulshada.

In wufuud loo diro dawladaha daneeya arrimaha Soomaaliya, si loogu sharxo xaaladda dhabta ah ee ka jirta Muqdisho, looguna qanciyo sida maslaxadda ummaddu ku jirto.

In qabaa’ilka oo dhan loo sameeyo maxkamado; si ay uga qaybqaataan difaaca diinta.

In madaalimta loo celiyo ahalkeedii, intii awood loo helo; si loo kasbado kalsoonida dadweynaha.

In la isku dayo in la kala jabiyo xubnaha dawladda FKMG, haddii ay isku daydo in ay ku dhaqaaqdo wax ka soo horjeea maslaxadda diinta iyo dalka.

In looga digo Maraykanka iyo Xabashida inay soo faragaliyaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

In aan lagu hawlgalin xamaasadda ee caqliga, kaadsiiyaha iyo xikmadda la adeegsado.

In laga digtoonaado fashalka iyo asbaabtiisa.

In loo sameeyo ummadda maamul daacad ah.

In Allaah lagu kalsoonaado oo aan laga cabsan waxyaabo wahmi (ismoodsiis) ah.

In aan wadaaddadu si gaar ah u bixin ee ay dadkooda dhexda kaga jiraan. Waxaa kale oo muhiim ah in aan bulshada lagu dhex milmin oo aan hadafka laga lumin.

In la furo goobaha adeega bulshada, sida: dekadaha, madaarrada iyo waddooyinka.

In dadka aan maxkamadaha tooska ugu jirin, kuna laban si rasmi ah loogu daro; si aysan sumacadda wax u yeelin.

=============================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY FIKIRKAAN AMABA MAQAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags:

14 Responses for “Xumaanta Shabaab maxaad awal noogu sheegi weydeen?”

  1. [...] Read More: Xumaanta Shabaab maxaad awal noogu sheegi weydeen? [...]

  2. maxamedyare says:

    Maashaa ALLAAH waxay ahaayeen dhamaan qodobadaasi kuwo haddii la’qaato lagu aflixi lahaa oo ay kudhamayd danta guud iyo midda gaara intuba.
    culumadu maxay usheegi waayeen waxay hadda sheegayaan? anigu waxaan qabaa culumadu waa sheegeen intii loobaahnaa iyo kabadanba laakiin dadka soomaaliyed baa aad u xamaasadaysnaa oo wax kastoo naloo sheego aan arki karin (ishu haday daaf qabto qoraxda ma’argto) baa nagu dhacday.

  3. Allow xaqa na tus says:

    Asc bacda salaan shiikh c/samad waad ku mahadsan tahay qoralkaaga taabo galka ah.koleyba aniga shaqsi ahaan ma tageersani afkaarta shabaab iyo qaabka ay wax u wadaan.Haddii wadanka shareecdada islaamka lugu xukumanayana waa arin wanaagsan oo allah ayaa nafaray waxaana moodaa in wali shacabka soomaaliyeed aysan wali u bisleen isku xukumka kitaabka iyo sunada rasuulka(NNKH).
    Anigoo soo qaadanayo hadalkaagii ahaa jihaadka wuxuu dhamaaday 2008,waxaan u gartay inaad ka wadid markii wadanka amxaarada soo gashay oo madaxweynaha ahaa c/laahi yuusuf.markaas oo dadka soomaaliyeed ay ad ula dagaaleen itoopinkaankii wadanka soo galay.hadii ay arintu ay sidaas tahay.Maanta oo ay wadanka ka buuxaan itoopiyaan iyo amisom oo kuligood gaala ah.dowlada hada talada haysana aysan wadanka ku shareecda islaamka.
    Halkaa soo lama dhihi waxaa ka soo bixi kara su aasha ah.Maxey kula gadisan yihiin shalay iyo maanta?.marka laga tago gumaadka ay alshaabku hayaan shacabka soomaaliyeed soo lama dhihi karo wey ku saxsan yihiin inay ku jihaadaan gaalada wali wadanka joogta mise meesha arinkalaa ku jirta.
    Marlabaad aadbaad u ugu mahadsan tahay wacyi galinta umadda aad uwadaan
    Wacaleeykuma salaan.
    Afeef uguma talagalin fikirkayga halkaan ku qoray inaan xmaan iyo ku caayo.

  4. waxaan aad ugu faraxasanhay inana ku soo birro webkaan caalamiga ah ee raxanreeb oo ah webka uguisha dheer ruux walbana kaga bogto baahiyaadkiisa warbaahineed?

  5. SUHEYLA says:

    QABIILADA AAD KU DARTAY DARTOOD OO AAD KU QORTAY HALKAAN BAANU UGA TIRTRINAY SI KALE WAX U CABIR AMA U SHEEG

  6. xaji maxamed says:

    asc shiikh axmed waad ku mahadsantahay qoraalkaan aad bayna u fiicantahay in runta laga hadlo
    marwalba in wixii xun la khariyaana ma fiicna,dad badan ayaa qaba wadaadadu markii iyaga loo yimid
    ayey hadleen inkasta oo ay duruufo badan jireen sidaad sheegtay,dhaqankeena markaad eegto waxaa
    inaka xoog badan caadifada sida qabiilka,diinta,wadaniyada etc. wax badan waxaanu ku dhisnaa caadifad
    taas ayaana akhirka keenta burburka .

  7. ccccc says:

    waligaa ha walwalin hadaad baxar dhex istaagto ilayn waadan kafiirsanine awal

  8. xoogladirir says:

    a/s kan labaxay ccccc adeer ninkaan ilaahay ayuu kabaqaa bilow aadam uma joojiyo alshabaabna maanta futatooda ayaa qaawan,marka maxaad ka hanjabaysaa iscadee maskiin yohow oo hadii aad tahay alshabaab ilaahay kacabso oo dhiiga muslimka iskatuf aad afka kuhayso oo dadkii aad wax kalaysay iyo allaahba cafis waydiiso,ninkaan waxba kama qaadi kartide.

  9. ceelciidle says:

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk daba qalloocu dad uusan cunin o qaniinin aya jira laakin ee see laga yeelaya kuwaas halaaga hadlo

  10. calanleey says:

    Sh/ c/samad aad ayaan kuugu mahad celinaynaa.marwalbana kuugu mahd celindoonaa adiga iyo inta jecel ineey khayrka gaarsiiyaan umada somaaliyeed laakiin bahda raxanreeb khayrka ma jecla I don,t know why

  11. Ceelbooc says:

    ????????
    Waa mahadsan yahay wadaadku waxaanse kaa balan qaadayaa inta naftu igu jirto inaysan katalain madaxduub meelaan joogo ilahay balantii

  12. Kismaayo says:

    Culimada haddii hadda ka hor ay ka gaabiyeen caddaynta beenta ina Godane iyo kooxdiisa shabaab waa inay imminka ummada iyo dhallinyarada Somaliyeed in shabab yihiin koox aanan ka tarujumi karayn diinta islaamka muuqaalkeeda dhabta ah

  13. Waa Nasteexo Kufilan Cidii Ilaahay Soo Hanuuninayo Alshabaab Alloow soo Hanuuni oo Xaqa Tus ama Alloow Nagaqabo (Nacuudu Bilaahi Min Shaabaab)

Leave a Reply

test

d

test