Ajendayaasha Shirka London Iyo Xukun Maxmiyad ah oo Soomaaliya Laga Sameynayo illaa 2015-ka (Warbixin+Dukumintiyo)
Sida ku cad dukuminti hordhac ah oo laga diyaariyey shirka London ee dawlada Ingiriisku ay u qabaneyso Soomaaliya bisha Febraayo 23-keeda, waxaa go’aan lagu gaaray in Soomaaliya la geliyo maamul hoosaad (maxmiyad) ah oo la mid ah nidaamka hadda ka jira dhulka reer Falastiin kaasoo ah “Interim Authority”.
Dukimintiyadan waxaa qoray danjiraha cusub ee dawlada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Matt Baugh, wuxuuna u diray xubnaha dawladaha ee dawlada Ingiriisku ay ku martiqaaday inay ka soo qeybgalaan shirka London kuwaasoo u badan wadamada reer Galbeedka iyo kuwa Afrikaanka ee faraha kula jira arimaha Soomaaliya.
Qoraalka Matt Baugh
Matt Baugh wuxuu qoraalkiisa oo ku taariikheysan 23-ka Disembar 2011, ku sheegay in ujeedada shirka London loo qabanayo ay tahay saddex ujeedo oo kala ah:- Amaanka, Siyaasadda iyo Horumarinta kuwaasoo uu sheegay in si weyn shirka London loogu falanqeyn doono.
Waraaqahaasi oo Shabakadda Raxanreeb ay heshay waxay sidoo kale sheegayaan in ajendaha shirka aysan ka marneyn sidii nidaam loogu sameyn lahaa Soomaaliya kaasoo uu ku micneeyey inuu yahay “nidaam hoosaad”.
Haddaba qoraalka Matt Bugh oo intii ugu muhimsaneyd aan soo tarjunay waa kan:-
Wuxuuna ku bilawday sidan:
“Shirka London; Fikrado soo ifbaxaya”
Shirka London; Fariin iyo Gabagabo
1- GEEDI SOCODKA SIYAASADDA
- Way cadahay in August 2012 ay tahay waqti kama dambeys ah oo muhim ah (dhamaadka jiritaanka DKMG ah ee hadda shaqeysa).
- Qeybaha kale ee siyaasadda Soomaaliya waa in lagu soo daraa geedi socodka siyaasadda si firfircoon, si ay u saamaxdo sameynta dawlad wax metesha.
- Dawlada Federaalka KMG ah waxaa bedelaya nooc gole guud ah iyo maamuul hoosaad KMG ah* (tani waxay la mid tahay nidaamka hadda lagula dhaqmo reer Falastiin).
- Dadka qaar waxay muhim u arkaan taageero in la siiyo maamulada gobolada sida Puntland, Galmudug iyagoo taasi ku dhisaya deganaanshaha guuleystay ee Somaliland ay heshay. Halka qaar ay si cad oo isku mid ah u sheegeen inay muhim tahay taageerida hay’ad dhexe (maamul dhexe).
- Dhamaan dhinacyada waxay insku xirnaan wanaagsan oo ka dhexeya saaxiibada caalamiga eek u hawlan caawimaada. Qaarna waxay soo jeediyeen “Guddi wadajir ah oo maamula dhaqaalaha”.
Arimo muhim ah oo ku jira gabagabada:
- London waxaan ku cadeyn doonaa in isku-bedelkan ay ku dhamaato August 2012.
- Kuwa ku imaanaya isbedelka (maamulka dambe) waa inay noqdaan dad metela Soomaalida oona lala xisaabtami karo.
- Waa inuu jiraa hab cad (transparency) oo la xiriira dakhliga iyo kharashaadka maamulka loona cadeeyaa deeqbixiyaasha iyo saaxiibada.
- Waa in si hadaf leh loo wajahaa sidii miisaaniyada horumarinta (developmental budget) iyo taageerada kale la gaarsiiyo maamulada ka baxsan Muqdisho si ay qeyb uga noqoto hanaanka ballaarinta siyaasada qaran (Faahfaahin dheeri ah hoos ayaa looga hadli doonaa).
- Waa in la dhisaa diyaarinta doorasho quman oo heer qaran ah taasoo dhacda mustaqbalkan aan fogeyn.
2. AMAANKA
- Amaanka si dhakhso leh ayuu isu bedelayaa. AMISOM-ta Muqdisho si wax ku ool ah ayey horay ugu dhaqaaqday hase yeeshee taageerada dhaqaale ay hesho ayaa ah mid ku yar waana in loo kordhiyaa taageero jiri karta oo dheelitiran.
- Inkastoo Al-Shabaab hadda ay ku jirto dib u gurasho, haddana waxay sameyneysaa weeraro istiraatiiji ah oo aan isu miisaaneyn.
- Horu-socoshada ciidamada Kenya ay ku siiqayaan dhanka Afmadow waa talaabo cusub oo muhim ah. Dadka qaarna wayba taageereen. Dad badana waxay xuseen in la mideeyo ciidamada Kenya, kuwa Ethiopia, kuwa Uganda, iyo militariga Midowga Afrika(AMISOM) iyo istiraatiijiyada siyaasadeed, waxayna filayaan go’aan kasoo baxa golaha amaanka ee QaramadaMidoobay sanadka cusub [2012].
- Dad badan ayaa shaki iyo dareen ka qaba suurtagalnimada guulaha militari, qaarna waxay sheegeen in loo baahan yahay sharciyad buuxda.
Arimaha muhimka u ah gabagabada
- Waxaan fiirin doonaa habka ugu yaraan aan ku taageeri karno talaabada Kenya oo ay ku jirto taageero xasilin ah oo la siiyo goobaha laga wareejiyo maamulka Al-Shabaab.
- Waxaa jira kooxo badan oo ku lug leh; natiijo wanaagsan oo ka soo baxda shirka London waxay kordhin doontaa isku-xirka dadaalada militari ee Soomaaliya, taasoo ay barbar socoto miisaaniyad dhaqaale oo la isku halleyn karo oo u dhiganta rabitaankeena iyo ballanqaad mudada dheer ah oo loo helo horumarinta ciidamada amaanka Soomaaliya.
3. AL-SHABAAB
- Waxaa jira aragtiyo kala tagsan oo laga qabo Al-Shabaab. Inkastoo aan u aragno aragti guud oo ah in kuwa ka midka ah Islaamiyiinta Soomaaliya ay ku jiri karaan siyaadda balse waa inay noqdaan kuwo raba inay iska daayaan rabashada oo ay dadka aragtiyada kale qaba ay kula nolaan karaan si nabdoon.
- Xitaa saaxiibada aan rabin inay la macaamilaan Al-Shabaab, waxay muhim u arkaan in dadka Al-Shabaab raacsan la siiyo fursad ay hanaanka siyaasada ku soo geli karaan.
Arimaha muhimka ah
- Waxaan iskudayi doonaa qaacida tilmaameysa in geedi socodka siyaasadda Soomaaliya boos laga siiyo “siyaasad Islaami ah”.
- Waxaan isku raaci doonaa qeexitaan guud si looga hortago “argagagixisanimo rabshad ku dheehan tahay” oo Soomaaliya ka hanaqaada.
4. ARGAGIXISANIMADA
- Aragtiyaheena kala duwan ee aan ka qabno Al-Shabaab waxay noo sawirayaan habab iyo farsamooyin kala gedisan oo araxda looga jebin karo Argagixisanimada. Tani waxay isugu jirtaa qaab dhismeed adag iyo mid fudud labaduba.
- Laakiin sida badan waxaa la isku raacsan yahay in amaan adag iyo horumar siyaasadeed ay wiiqi karto argagixisanimada.
- Dad badan waxay dareensan yihiin in wax –uun horumar ah laga gaari karo dhaqaale-siinta argagixisada.
-Dhowr xubnood waxay tilmaameen barnaamij lagu soo xiri karo, dacwad loogu oogi karo, caddaalada lagu horkeenayo dadka lagu helo iyagoo maalgelin siinaya argagixisada.
- Waxaa jirta soo jeedin dhaheysa in AMISOM qudheeda la siiyo “tababaro iyo ogolaansho sharciyeed” oo u fasaxaya inay fuliso hawlgalo lagula dirirayo argagixisanimada.
Waxyaabo muhim ah
-Fariinta guudee shirka London waxay tahay “In argagixisanimada looga guuleysan karo horumar siyaasadeed iyo mid amni oo isku jira”.
- Waa inaan tilmaanaa ka go’naansheena wadajirka ah ee aan dhabarka uga jabineyno argagixisanimada iyo sababaha keenaya argagixisanimada labaduba.
- Waxaan isku dayi doonaa in qaar ka mid ah barnaamijyada garsoorka ay taageeraan habka garsoorka iyo maxkamadaha gudaha Soomaaliya iyo goboladeeda.
5. BURCAD BADEEDNIMADA
- Burcad badeednimadu waa calaamad dhibaato ku ah amaanka iyo dhaqaalaha. Lagumana maareyn karo go’doomin kaliya.
- Inkastoo warbixinada warbaahinta ay muujinayaan hawlgalo bjurcad badeednimo oo aad u daran. Haddana xaqiiqo ahaan wax badan ayaa laga qsbtay inta la og yahay. Maraakiibteena dagaalka ee wadajirka ee ku sugan Gacanka Cadmeed waxay micneheedu tahay in halkaasi aysanhadda ka jirin wax falal burcad badeednimo ah. Waxay dadka qaar sheegeen inay tahay in laga fekero sidii talaabo looga qaadi lahaa hantida burcad badeeda u taalla dhulka iyo magaalooyinka.
- Kuweena maraakiibta saartay ilaalada hubeysanwaxay u arkeen inaysan keenin cawaaqib guul leh.
- Tiro wadamo ah, gaar ahaan jasiirada Seychelles ayaa aqbalay in burcad badeeda la soo qabto ay xiraan oo maxkamad geeyaan. Sidoo kale qaar ka mid ah gobolada Soomaaliya ayaa hadda aqbalay in burcad badeeda lagu xiro deegaanadooda.
- Waxaa dhacay dhowr dhacdo oo muhim oo fursad wanaagsana siin karay dood dambe oo arinta burcad badeeda laga yeesho. Kulamadaasi waxaa ka mid ah shir madexeedkii Kenya ee burcad badeeda iyo shir madaxeedkii Imaaraadka Carabta ee isna looga hadlay burcad badeeda.
Gabagabada
- Waa inaan si dhow ula shaqeynaa saaxiibadeed Kenya iyo Imaaraadka Carabta shirarkii ay qabteen oo lagu hagi karo hawsha kooxda Xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya ICG.
- Waa in aan si weyn oo taxadar leh idugu keenaa wixii shaqo ee wanaagsanee horey loo qabtay oo ay ku jiraan burcad badeed qabashada, maxkamad saaridooda iyo xukumidooda iyo tusaalayaasha hawsha sida wadajirka ah aan u qabaneyno ama kooxgaar ah qabaneyso.
- Waxaan u baahanahay inaan isla ekeyno shaqada aanu badda gudaheeda ka heyno iyo la shaqeynta maamulada Soomaalidaee gudaha.
6. ARIMAHA BANI’AADANIMADA
- Xaalada waxaa laga yaabaa inay ka darto.
- Dad badan oo gobolka ku sugan (Geeska Afrika) waxay ka walaacsan yihiin xad ka talowga, gaar ahaan tirada badan ee qoxootiga Soomaalida.
- Waxaa jira rabitaan guud oo ku wajahan isku-xirka deeqbixiyaasha dhexdooda.
- Abaartii ka jirtay koonfurta Soomaaliya waxay isu bedeshay macluul colaada darteed. In laga hortago macluul dambe waxay u baahan tahay in la kordhiyo xasiloonida gudaha Soomaaliya. Abaartuna waxay ugu darneyd meelaha ay Al-Shabaab maamulaan ee dalka.
- Rasmi ahaan UN-ka ayaa hogaamiya iskuxirka. Laakiin Ururka OIC (Iskaashiga Islaamka) laftiisu kaalin mug leh ayuu kaqaatay.
- Turkiga iyo UN-ka waxay qorsheynayaan shir ay ku yeelan doonan Istanbul dhamaadka 2012. Waxaana looga hadli doonaa arimo badan oo ay ku jiraan iskuxirka hawlaha gargaarka iyo mashaariicda dib u soo kabashada iyo dibu dhiska.
Gunaanudka
- Waxaan si dhow ula shaqeyn doonaa saaxiibadeen Turkiga iyo UN-ka.
- Waxaan u aqoonsan doonaa inabaartii ka jirtay koonfiurta Soomaaliya ay isu bedeshay macluul sababtoo ah xasilooni darida darteed.
- Waxaan isku dayi doonaa inaan isu-keeno waxu qabashada qoxootiga iyadoo la fiirinao walaaca wadamada gobolka iyo damaanad qaadka sharciyeed eeku xusan heshiiskii 1951-kii ee xuquqda qoxootiga adduunka.
- Waxaan darsi doonaa noocyada ballanqaadyada iyo wax ka qabashada heerarka nolosha ee dadka qoxootiga ah si la mid ah gargaarka aadanimo meelaha ugu daran.
7. XASILOONIDA GUDAHA
- Qaarkeen waxayba horey taageero u siin jireen qaar ka mid ah maamulada heer goboleedka Soomaaliya, inkastoo uusan jirin wax heshiis ah oo naga dhexeeya oo la xiriira maxaa ahmiyada leh iyo halka ay tahay.
- Kuwo badan oo ka mid ah maamulada heer gobol waxay jeclaan lahaayeen qaabdhismeed ka isku-xir wanaagsan.
- Taageero dhaqaale oo ay bixiyaan deeqbixiyaal fara badan oo lagu kharashgareeyo amaanka gudaha waxay noqon kartaa mid wax ku ool ah dhaqaajinta tasiilaadka la heysto laguna hagaajiyo isku duubnaanta.
8. METELAADA
1- Metelayaasha waxay ka imaanayaan gobol kasta oo ka mid ah 18-ka gobol ee Soomaaliya. Waxaa tixgelin la siinayaa habka qabiilka ee 4.5 (afar iyo bar).
2- Gobolada hadda ku hoos jira maamulka Al-Shabaab eeaanawoodininay wakiilo soo dirsadaan kuraastoosa waa loo baneynayaa.
3- Odayaasha qabiilka ee la ogol yahay ayaa isku waafaqi doona wakiiladooda. Arintan waxaa laga yaabaa inay meesha ka saarto qabiilada ku nool meelaha [deegaanada] ay liidato metelaada qabiiliga ah.
3- Golaha dastuuriga waxay jiri doonaan waqti xadidan oo ah inta maamul hoosaadka KMG ah uu diyaarinayo dastuurka, waxaanaku jira geedi socod wadatashi ballaaran ah. Isla markaa geedi socodka wadatashiga oo isu keenaya dadka talada ka go’do ee waaweyn wuu sii socon doonaa. Marka uu dhamaado wadatashiguna waxaa dastuurka ansin doona wakiilada la soo xulay (baarlamaanka cusub ee qabiiliga ah) ama waxaa lagu ansixin doonaa afti qaran (dadweynahaa cod laga qaadi doonaa).
9. MUDADA MAAMULKA MAXALIGA ee KMG AH (Interim Authority)
4- Mudada lagu jiro maamulka maxaliga (interim authority), deeqbixiyaasha iyo saaxiibada Soomaaliya ayaa dusha kala socon doona habka loo maareynsyo kheyraadka iyadoo la sameynayo guddi la yiraahdo “Guddiga wadajirka ee maamulka kheyraadka” . Sidoo kale waxaa la magacaabi doonaa guddiga ka hortaga musuqmaasuqa.
5-Marka la gaaro 2015, waxaa jiri doona doorashooyin ama meelaha aan doorashooyinka laga qaban karin amaanka dartiis, waxay soo magacaaban doonaan wakiiladooda baarlamaanka. Haddii dastuurka lagu sheego, gobolada koonfurta iyo bartamaha haddii ay Al-Shabaab sii heystaan illaa xilligaas, waxaa soo meteli doona odayaal dhaqameed. Habkaasayaa DAWLAD lagu dooran doonaa iyadoo la raacayo dastuurka!!!.
6-Bulshada caalamka waa inay taageertaa horumarinta hay’adaha dawlada illaa heer degmo iyo heer gobol iyadoo lagu dhisayo qaab dhismeedka jira, xiriirka ka dhexeeya qaab dhismeedkan iyo dawlada qaran waa in lagu qeexaa inta lagu jiro marxalada dastuurka. Isla markaana waa in la taageeraa doorashooyinka heer gobol sida Puntland oo kale.
-DHAMAAD-
Faahfaahin: Qoraalkan wuxuu ahaa dukimintigii ay dawlada Ingiriiska ugu talagashay inay ku faahfaahiso ajendaha shirka London. Waxaana loo diray wadamada lagu casumay shirka oo lagu wado in bisha Febraayo 23-keeda uu ka furmo London.
Matt Baugh, wuxuu mudo ahaa wakiilka sare ee dawlada UK u qaabilsan arimaha Soomaaliya oo fadhigiisu ahaa Nairobi. Mr Baugh waxay dawlada UK si rasmi ah u shaacisay inay u magacawday danjiraheeda Soomaaliya 2-dii Febraayo 2012 isagoo isla maalintaasi waraaqihiisa aqoonsiga ku wareejiyey madaxweynaha DKMG Shariif Sheekh Axmed.
Waa maxay interim Authority?
Ereyga “Interim Authotiry” oo ah erey ka soo jeeda laatin, waxaa caadi ahaan loo isticmaalaa nidaam ka hooseeya “dawlad buuxda”. Waxaana uu sheegayaa hogaamin hoose oo la siiyo koox ama dhowr ruux oo hawl loo igmaday qabata iyadoo ay jirto cid kale oo dusha ka waardiyeysa. [Halkan ka akhri tafaasiil dheeraad ah]
dadka u dhuun-duleela siyaasadda dalka waxay sheegeen in habkan ay la midtahay tobankii sano ee Soomaaliyaku jirtay xukun hoosaadkii Qaramada Midoobay sanadkii 1950-kii [UN trusteeship in Somalia] taasoo ahayd mudadii ka horeysay xoriyadii dalka ee 1960-kii loo dabaaldegay. [Faahfaahin dheeraad ah ka akhri halkan].
Habka ‘Interim Authority’ ma ahan wax dunida ku cusub, gaar ahaan wadamada ay faragelinta shisheeyuhu ku jirto. Nidaamkan oo kale waxaa horey looga sameeyeyay Afghanistan ka dib markii la riday xukunkii Daliibaan sanadkii 2001[Fiiri: http://en.wikipedia.org/wiki/Afghan_Interim_Administration]
Sidoo kale waxay Mareykanka iyo xulufadiisa habkan oo kale u sameeyeen Ciraq sanadkii 2004 waxaana maamule ka ahaa Paul Braymer oo ahaa Jeneraal ciidamada Mareykanka ka tirsan. [Fiiri: http://en.wikipedia.org/wiki/Iraqi_Interim_Government]
Waa isla habkan kan hadda lagula dhaqmo reer Falastiin oo illaa hadda gumeysi ugu jira Yuhuud iyo reer Galbeed, waxaana Falastiin habkan loogu sameeyey shirkii Oslo (Oslo Accord) ee dhacay 1994. [Fiiri: http://en.wikipedia.org/wiki/Palestinian_National_Authority]
__________________________________________________________
©Waxaa tarjumay bahda Raxanreeb.com, RBC Radio










ugu horeyn bahda raxanreeb waan idiinkaga mahadcelineyaa sida aad waqtiga u galiseen oo aad nooga soo tarjunteen guuleysta walaalayaal mida xigta waa ay iska cadahay in dalkaan sidii koonfur suudaan ay maalin dhaweyd qeelada uga baxeysay in soomaaliya laka goosan doono marka cidii saxiixda waa in somaali oo dhami meel uga soo wada jeesataa.
ma qarnigaan baa gumeysi madax kusheega soomaalida ukala ordayaan in ay usoo saxiixaan walaahay in aan idinka yeeleyn soomaaliya soomaali baa leh
Waa guul uu soo hooyatey dadkii Somaliyeed. Haddanu nahay reer Somaliland sii weyn baan uu soo dhoweyneeyna Maxmiyad soo laabta sababto ah Somalidii oo diiday inaay dhexdooda heshiyaan.
In sidii 1960-kii ka hore Somali loo kala qeybiyo British Somaliland iyo Italian Somali ayaa haboon oo labadii dowladood ee gumeeystey dalka ay kaa masuul noqdaan horumaarka, amaanka iyo nabad wadanka.
This is the end of Somalia.
aanu aragno cida saxiixda warqaga gumeysiga
lax walbaa shilelkey isdhigta lagu qalaa waa ayaan daro in sharif , siilaanyo iyo faroole ay waqtigaan dalka gumeysi galiyaan
hada maxuu cabdiwali gaas ka leeyahay warqadaan waatuu idaacada ka sheegayey waa beene maxmiyad uma wado dalkee maxuu ka oranayaa
Kkkkkkk jaale laayab ,…..Barku kuxanun gumesi maa gul aha somaliland kugu margatay habaa udhima
raxanta alayaa cizak thanks waryaa wasakhdaan yaa u sheega in shirka London uu yahay in ingiriis uu dalka doonayo waa maxay interim soow tii la isku ogaa agoosto in kumeelgaarka laga baxo side baanu ku aami karnaa 2015 in dowladnimadeeni soonoqoneyso adeerayaal taas maahan in layeelo waa dulinimo
Waxaan aad ula yaabaa dadka cadaanka ah ama reer galbeedka oo afrika raba in ay waligeed faqri ahaato ayagoo ka xasday dhanka waxbarashada iyo farsamada taasoo u saamixi lahayd afrika inay dhulkooda kala soo baxaan khayraadka ilaahay dhigay,xaga beeraha iyo biyaha iyo kaluunka iyo shidaalka. waxaa hadaba qaarada hada u soo baxay shiine oo ah dawlad xoog yeelatay dadaal dheer kadib waxayna kasameeyeen afrika warshadaha yar yar ee afrika u baahan tahay iyo shidaalkii oo ay usoo saareen halka reer galbeed kad ahaan u haystay dana uusan kalahayn dadka iskaleh shidaalka haday gaajo uga dhintaan.
Hada dagaal ayuu kula jiraa shiinaha isagoo afrikaanka isleh ka soo jiido.hadaan usoo laabto teena INGIRIIS waxa uu rabaa in uu soo saaro oo ka faa iidaysto shidaalka ceegaaga soomaaliya intaan shiinuhu soo saarin.waxa uu rabaa in uu sameeyo maamul ma qaar saar ah oo lamid ah kan hada ka jira soomaaliya ee shariif madaxweeyne ka yahay taasoo shariif aan u jeedno in uu yahay in aan waxba kala ogayn oo maqaarsaar ah oo lagu adeegto sidaan wada aragnaba saas oo ay tahay hadana hada shariif wuu cayrinayaa waxa uu rabaa nin u adeega laakiin wax kala garanaya.
Isku soo wada duub soomaalida taladii waa laga xayuubiyay iyo masuuliyadii qarnimo ee dalkooda sababtoo ah soomaalidaa sidaa dooratay oo rabta in gaalo iyo gumaysi maamulaan oo loo shaqeeyo waa arin soomaalidu ay raali ku noqotay.hadaba itoobiya oo soomaali daris la ah oo afrikaan ah gaalada cadaanku way udiideen inay soomaaliya dagaan oo ka faa iidaystaan waxay rabaan in nin madoow waxba noqon oo waxba helin oo kala qoqobnaado markaa itoobiya lama ogola in ay wax ka faaiido soomaaliya dhul iyo shidaalba waxaana kaxirtay gaalada cadaanka ah ee reer yurub.
soomaaliyana itoobiyaanka reer galbeed ayaa kasaaray markii horana soo galiyay oo waa la isticmaalay sida hada ugandha iyo kenya loo isticmaalayo ileen iyagu ka dawlad ahaan ma go aan san in ay soomaaliya caawiyaan waa lamaal gashaday oo lasoo kiraystay waadna wada aragtaan.
Hadii aynu isu talin waynay oo qabiil dartii iyo diin xumo darteed iyo wadaniyad xuma darteed dalkeenii dawlad aan uga dhisan waynay xaq weeye in laynoo taliyaa inagoo dulaysan.markaa ilaahay haynoo keeno wax inaguumaysta oo dalka aynu leenahay naga qaata oo nagu xukuma tanaan ilahaay ka baryaynaa magacan xuna ee soomaaligana in la badalo ayaa fiican oo dalku noqdo cadan iyo madaw iyo wax isku dhexjira magac kalana leh sidaas ayaan qabaa.
Nin kii albaab garaacaa jawaabteeda buu helaa,maanta nin kii wax is bidayayba waa laisdherer le,egyahay saas baad ka dheehan karaysaan Soomaaliland iyo galmudug waa laba maamul guboleed labada odayna waa laba barasaab oo kalle kuwa kalana waa saas oo kalle,shariif sakiina isaga haduu bura sido 4kalaa lagu soo darayaa oo reerahooda ah sheekh shariibna gudiga wareegtada ah buu soo gali karaa haduu nasiib ba u sii yeesho in uu soo laabto cabdiwali gaas waa garanayaa Gaalkacyo iyowaxa uu kayahay iasaga iyo dad ka uu kasoojeedo waxaa kamartabad fiicnaan doona Faroolle waayo hadaba waa barasaad buuxa marka xamar danbe waxba uma yaalaan marka nin walba awrkiisu ha qaado doontii gumaysiga baa lawada saaran yahay run ahaantiina cidna kama farxin doonto laakiinse nuxurka kujiraa waain loo siman yahya xanuunka gumaystaha,iyoin shabaab ku awood helayaan iyoshacbiyad laakiinse siilaanyo,Faroole,shekh shariif ,shariif sakiin ragaas waa shacab maanta ninmaiba ha ogaado waxa isga iyo aabihiis gudaan
soomaaliya soomaalibaaleh soomaalinumada marayaroo meel lasuro ma ahan waa dhiiga iyo dhurta iyodhoobada ,
mahadsanidin
Somalia waa in Talyaanigii dib loogu sooceliyaa, mise waxay ka jecelyihiin Amxaarka iyo Kenya? mise Burundi iyo Ugaandhiiska daanyeerka cunay is AF barteen qarnigan 21aad? dib u dhac wanaagsan.
Aandhowrno cida saxiixda goormad sugin mamarka midiida lagumariyo inaad tiraahdid reer hebelbaa saxiixay waxaan anigu leeyahay wadankaan intiisa badaan horaa loohaystay waxaana haystay oo gumaysanaayay gumaysi madoow oo hoore aan cidhore ugumaysan calooshod ushaqaystayal Somali ahna Villa somalo ayaay uguxaraysan yihiin marka kuwii ayaa fashilmay oo hada kuwii markii hore isqarinaayay ayaa mantay isqariin waayay marka ninkan ogeyn wadanka inaan lahaysan tooosmantay Umad waliba ayaadaleh inaygarato ayeedaa tooso iskutirsada Allah sahlo
jaaaaaaaaaaaale
BAL EEG GAALO IYO DULI AYUU U YEDHANAYAA KULA YAABI MAAYO BARIGII INGRISKA LALA DAGALAMAYEYBA DABADA AYAD KUWADATAY OO INAAD GALOWDO AYAD KU SUGATAY HADA WAXAD RABTA SIDII DUF KU BAX
haday arintani run noqoto walee inaysan soconayn oo soomaali oo dhan geeri ayay kaxigaan hada shabaab ayaa dagaalamayay kaligood lakiin hadii gumaysi cad yimaado kuligeen qorigaan garabka saaranaynaa walaan caano laga cabayn tii dheerayd ayaana kadhacaysa waana midii ay soomali isku raacilahayd kii bukayna laga maarmi doono soomaaliya soomaalibaa leh intay faragalin iyo burbur nagu wadeen 20 sano dawladii kacaankana iyaga dumiyeen miyay rabaan hada iyo gumaysi heeyhaata ayay katahay walaan taasi soconayn
Yes, Maryooleey waa eey diiday in eey isku tanaasusho, marka hanalawada xukumo, maadaama uu qof kasta oo Somali ah uusaan rabin in qofkale oo Somali ah oo qabiil kale ah uu xukumo, taa badalkeedana uu qofka somaliga ah ka doorbidaayo in uu qof ajnabi ah xukumo. Marka, hanalawada gumeeysto dhamaanteen, nacalad yahay aan damiirka iyo dadnimada laheyn, mid mooryaan noqday, mid argagixiso noqday, mid dulaal u noqday ajnabiga ayeey Somali wada noqotay, marka karaamo malihidiin waliba kuweena qurbaha joogo oo starbuck ka qabyaalada la fadhiya oo aan wax isku ogoleeyn, waxaan kaliya heshiis ku nahay in nalawada gumeeysto.
madhacayso gumaysi dagaal joogtaa ayaan kaxignaa
Waxaa,hubaa, labada,shariff inaysaxiixi, doonaan, oo ay san xataa, hadal, kakeeni, doonin ee dadyahow, ila dhowra,
Waxaan, hubaa, inay, labada, sharif, ay saxiixi, judhiiba,
Allow alle ….. tanina ma noo dambaysay!!
Madaxda soomaalidu waa labo uun. nin aan waxna qorin waxna akhrin iyo mid dadnimo ka dharla’.
Wallee wiilkii farmaajo maalinkii la iska qaarajiyay waan ogaa in wax xun nala la damacsan yahay.
DIINKII wuxuu yiri meeshii la iigu tashtay saw ALLAAH ma jogin.
Ku JAALE.
waa tee SOMALILANDta aad ka hadlaysaa? saw raggeedii hurdada kama soo toosin? reer SSC iyo reer Awdal oo kaa aqoon iyo taariikh dheer meel wax naga gayn maysid.
Maasha allah allow waxaan ka filnaa waa khyr, marna rajada rabi lagama quusto, walaalaha Somaalida waxaan usheegayaa waad aragtaan waxa ay Reer Gakbeed nala damacsan yihiin oo ah Gumaysi hor leh iyo in lanoo gardaduubo cadawgeena Ethopia marka waxaa nala quman in aan af iyo adin uga soo horjeesano oo aan ilaaheen kaa shano Gaalana la dagaalno duli nimay nala doonayaane, walaalayaal waa in aana marna la aaminin sirta Gaalada bal eega Falatiin 20 sano kadib shirkii Oslo Norwey ee (Oslo Accord) in anaga maata waxaas nalala doonayo balse waanu ka dhiidhinaynaa ee aan is ka dayn aragtida hoose ee ah kooxaysi iyo wiilka yar ee qoriga wata.
Wanaag waye I’m here in the USA so and
I’m already slave for them so let the rest Somalian see
What slave we in and in the future they will realize and will unite
asc buuuuuuuuuuuuq dhuuso aad mesha kuheeysan ?
ASW, waa shey aad u wanaagsan in nala xisaabiyo maadaama aan is xisaabin weyney oo aan is Somalinamada, Islaamnimida, Luqada, isu ekaanshaha iwm aan isku fahmi weyney iskuna saamixi weyney.
Uma arko inuu gumeysi yahay, marba hadii wadanka isku wada marki karto oo aan BIYAHA WEBIGA lagaa iibineyenin, oo AAN XERYAHA QAXOOTIGA laguugu gubeynin.
Dadkii Siyaad Bare lacagta iyo garaadaa ku saxay oo Somali li ajligooda dagaal aan micno ku fadhinin u geliyey sow ma ahan isla kuwa cadowga maanta soo horkacayan?
1988 Hargeysaa iyo umada degen soonahas ayaa la xasuuqey, lagama raali gelinin
1991 Dadka degen Bay, Bakool, Gedo iyo Jubooyinka ayaa xasuuq lagula kacay waxaa gaajo loogu laayey ku dhowaad 400000, UNISOM baa u soo gurmatey. (Caqliga Somalinimada/Islaamnimada intey jirtey markaas?)
1994-1999 Dadka degan shabeelaha hoose Biyaha webiga ayaa laga iibin jirey, beerahooda ayaa lagu fali jirey – Caqliga Somalinimada/Islaamnimada intey jirtey markaas?
1990-2012 – Xamarweyney, Xamar Jajab, Shangaani waxaa dul fadhiya dad aan u dhalan ka yimid – Caqliga Somalinimada/Islaamnimada ilaa intuu jiraa?
2011-2012 – TFG waxay tiri hay’ado uma ogolin iney Afgoi ama Balcad kontroladeeda ka gudbaan (Seige – Caqliga Somalinimada/Islaamnimada intey jirtaa?
1991-2012 – Dadbaa loo ogoleyn iney aayahoda, degaankooda hormariyaan, hadba markasta wax isku dayaan dulaan lagu soo qaadaaya, dhacdadii Buuhoodle haba ugu dambeysee.
1991-2012 – Inta dowlad la soo dhisey maxaa hadba jufada maamulka heysa keliya uga taajiraan?????
2009-2012 – Maxaan markaan Xamar ka dego aan u bixiyaa laaluush????
Marka maxaan wada wadaagnaa???????????????????????? Think positively!! Caqli 21 aan shaqeynin u malayn maayo in ilaa August 2012 ka hor uu shaqyn karo.
Wadanka mudaaharad oo qorshahan lagu dhiiragelinayo halaga sameeyo si dhiig baxan 21 sano socdey loo joojiyo.
Simple statistics: 72 saac ugu dambeeyey imisaa Somaliya ku dhimatey;
Luuq – 16 qof
Qooqaani – 14 qof
Beledweyn – 6
Galgacyo – 3
Xamar – no count
Dhamaantood waa Somali, isku darkoodu waa 39, da’doodu waaa 13-45 jir, hadii hal beer ay ka wada shaqyn lahaayeen waxay soo saari lahaayeen 3000 ton sanadkii! Marka natiijadu maxay tahay, wadanka haku soo haro caruur agoomo ah, islaamo asaay saaran, odoy da’ ah. Caqliga intuu ka imaanayaa hadii lafdhabartii dalka iyo dadka ay xabad ugu dhiminayaan dagaal aan micno ku fadhin iyo aano qabiil.
WAR HEEDHE;;- DANEESTOOW DADKA HA QALDIN, LONDON UNITED NATIONS, MAAHA, RAXANREEBOW, HADDAAD BURCAD BADEED TIHIIN, SIDDII LEYDINKAGA TAQALUSI LAHAA AYAA LA FALANQEYNAYAA, ITOOBIYA IYO SOOMAALIA, HAL BAASABOOR AYAA LOO SAMAYNAYAA, WAANU SOO ARAGNEY, BERIGII CABDULAAHI YUUSUF, IYO TIGREY, IYO ANAGA BOQORTOOYO
AYAA NAGA DHAXEYN JIRTEY, QARNIGA 21 AAD AYAA LAGU JIRAA, FAROOLAHA, INUU HANTI QARAN QABIIL KU CUNO, TAAS INOOGA HADAL MARKA XIGTA, BURCAD BADDEED YAHOW,
Dooliyow adigaa ka mid ah dadka saxiixaya mar hadaad qof kale oo soomaali ah aad fiirineyso waxuuu samaynayo si aad uga soo horjeesato.
Hadii aad is raaciweyso waa la iskiin raacsiinayaa. Walaalahaa al shabaab iyo waarloorada ka buuxa Baarlamaanka ayaa sabab u ah Maxmiyada
Hahaha wuxuu yira aan aragno cidda saxiixda,
horta soomaliyeey qofkii tashan waaya adunkaan waa loo talinyaa ogada waliba la gumeysanaayaa. 21 sano maxaan qabsanay? hadaan somali nah? ma tashan karno mana noloo talinayo wax soconyo maaha……… waxaan filaya in somali la baro cashar adag .. bal waxaa is weydiisaan… hada yaa wadan madaxweyne ka ah ma shariif ka mase Augustine P. Mahiga ? bal wax yar ka fikir arintaas maxay dhaantaa in si cad Augustine P. Mahiga madaxweyne lugu dhigo
Asc waxaan salamayaa marka hore bahda raxanreeb salamulaah ok waxaan umalaynayaa somali 20yers ayey maraysaa wax ka soo naas cadna ma jiraan somaliya waa is dhantaa gobalana waa nabad kuwana colaad ayey ku jiraan waxiina waa isla somaliya aniga waxaa qabaa somali heshiin wayday oo somali iskui naxi wayday oo wadan iyo dadba somali waa u dhamatay waxaan qabaa arintaan tii ay ku xasishay ciraq iyo afgaan waa in la tageero sababtoo ah maanta waa ka liidanaa wadamdaas islanka oo ku guul garay wayna qateen wayna naga fiican yehiin manta xaqiq waxaan kaloo le yahay manta ma gumaysibaa naga maqan hadaan ba ku jirnaa mid aan wax tar lahayn oo melna garin aanu fiirino dhibka haysta umadeena wax haray ma jiraan somaliya dib u fiirsha dadkii gajaa laysay iyo haraad xabadii wali waa socutaa war haday nagu yartahay wadaninimo waxaa qabaa dalka dhan in ciidan xoog leh qabsado 10 sano iyo intii laga helayo dal is raacsan oo hogaan rasmi ah iyo nabad yar waxay noo tahay guul wayn sababtoo ah ilmaha gaajado ku hayso somaliya waa inoo badbaaday dilkii taagnaa oo dadku ku dhamaday 20 yers waa inoo bad baaday somaliya manta wax la dhaho majiraan anigu xaal waa u arkaa ilkahay baa xal haya wabilaahi toofiiq
Waa wax lagu farxo aad baana u soo dhoweyaa sababtoo ah dulmiga aynu inagu isku hayno ayaa meesha ka baxaya dalkana waxaa loo tababarayaa dhalinyaro qabiilka ka xorowday oon u dayaal isku sheega aan waxna qorin waxana akhreyenmarkay wax saxeexayaa suulkaa khadlo mariyaa wakhtigoodi waa dhacay koofiyad baclayaasha dalinyarada somaliyeed waxaan kula talin lahaa inaan tagerno nidaamka kan faidaysan waxtigaa dhusha laynaga mamulayo
waar awal baan idhi soomalidu uma bislaan inay xoriyad helaan oo is maamulaan waayo siday u dhaqmayaan waa ka fogtahay dad fahansan wadanka macnihiisa iyo qiimaha uu leeyahay rule of low aduunyadanina dano iyo masaalix iyo xadaarad ka saraysa aqoonta soomaaliday ku dhaqmaysaa markaa suaashu waa maxaa soomalidan aan ilaashan karin nicmada ilaahay siiyey loogu daawanayaa nicmada?waa in laga fara maroorsado wadanka oo weliba si ilbaxnimo ah loo gumaystaa calaa aqal maatada iyo inta daciifka ah baa nabadgelyo helaysa oo aan la dooxdooxayn soomaali jaahil ah oo soomaali kale budh kula kor kufaya ma jirayo daa cawaanta dhaqan celis haloo sameeyee oo inta ilkaha sare laga guro xeryo halugu xereeyo ileen waa waraabayaal loose ah oo dhiiga uun ku nool e soomaalida dhaqnkoodu khatar buu ku noqday caalamka markaa waa in layska qabtaa ninikaan nicmada ku shukriyin ma istaahilo wadankeena dadka ku nooli ma istaahilaan
Soomaaliya ma haday Xor tahay, ala soomaaliya caqli yaraa, Walaa Alshabaab walaa Dowlada, walaa Soomaaliland walaa Puntland wax xor ah, mahayo anigu, Ciidan baa iska soo gala wadanka oo say rabaan ka yeela, xataa aan aqoon xaquuqda bini-aadamka. Waad aragteen,waxa ka dhacay beledweyne, marka haday kuwa kale yimaadaan maxaa makuwo, kalay ka darnaanaya. Mideeda kale hadeerba soo Mahiga madaxweyne noo ma ahan. WAr caqligu ha shaqeeyo, soomaaliyay.
tashan weydaye waa laguu talin?libaaxyo! hadalka badan iska daaya oo ,,,,,,,,,,aan toobad keeno! diinteenii ayaa horteena lagu burburinayaa inana waxaan soo raacnay gaalo iyo wadaad beenaale ,dhaqaale raac ah, ama fulaynimo hayso! WAXAAD KA HESHAAN AYAAD LEEDIHIIN! ARMAA CAQLIGU KU SOO NOQDAA MARKAY GUMEISIGA GASHO? ” CAQLIGAA DOON LAGA SAARAY” waa halkii timacade.
london un ma aha awoodaasna ma taalo,shirkuna waa 5 saac kaliya,oo puntland baa furaysa ka hadalka iyo ka talo bixinta arimaha soomaliya.iyo wixii ay iyadu qabsatay ee horumar ah iyo waxa ay u baahantahay in wax lagala qabto.kadibna dowlada somalia,galmudug,suna wal jameeca,iyo somaliland, kadibna somali diaspora,iyo intelctualka somalida,donoriska,u.n ka.international ngoska,bal maxaa ka soo hari kara 5 saac,waraaqahaan ay soo bandhigeena goormay ka badeleen kuwii talyaaniga laga helay dhaqso badanaa oo badbadli okaa.raxanreeb ma groupkaasay ku biidhay alshabaab baa ka danbeeya waxaas oo dhan.saas bay waligiina si dhib yar marba idiin kaxaystaan.mar maxkamdo,alshabaab iyo jihaad ka horna qabiil bay idinku kaxaysteen.maalinba shaati noo soo qaata.waadna ogaaneysaan haduu rabi idmo,war jiraaba weynu heli
Soomaaliyeey! waxaa la gaaray xiligii la idiin talin lahaa, ileeen waan tashan weyney! .Qofku waa inuu tashadaa hadii uusan talo iyo caqli ku filan uusan lahyn waa inuu qaataa talada qofka kale! Waa fusadii ugu danbeysay uu caalamka siiyo soomaaliya hadaan laga faa iideysan oo la raacin ogaada soamli waxey geleysaa xoog loogumeysto baryo la’aan, marka is dejiya hadii wadanka soomaali xasilin karin ama dejin karin waxaa dejinaya dadkale oo ilaah abuuratay! taasina ceeb mahan waa wax jira waligeedna aduunka ka dhici jirtay , in umad is maamuli weyso oo la maaamulo!
somalidu waxay ku maah-maahda ninku dilay hoos kuuma jiido yacni nin aabahaa soo gumaysan jiray oo kaa dhigtay cabiid adoon ah hadaad maanta lahoos roorto wax ii qabo iyo waxbuu noo qaban dee caqli cabiid aya kugu jira in lagu adoonsadana waad u qalanta bal eeg ninkii aan madaxwaynaha u dooranay bale eeg kii raysalwasaaraha aanu ka dhiganay bal eeg kii raysal barlamanka miyay dhoohanyihiin kuwani walle alshabaab ayan kuwada biiraynaya hadii uu engriis waxa noo keeno anigu horta awalba waan ogaa ingriis masayr uu kak masayray turkey ayaa keentay iyo khiyaano ee khyr ma keenin tuug.com
somalidu waxay ku maah-maahda ninku dilay hoos kuuma jiido yacni nin aabahaa soo gumaysan jiray oo kaa dhigtay cabiid adoon ah hadaad maanta lahoos roorto wax ii qabo iyo waxbuu noo qaban dee caqli cabiid aya kugu jira in lagu adoonsadana waad u qalanta bal eeg ninkii aan madaxwaynaha u dooranay bale eeg kii raysalwasaaraha aanu ka dhiganay bal eeg kii raysal barlamanka miyay dhoohanyihiin kuwani walle alshabaab ayan kuwada biiraynaya hadii uu engriis waxa noo keeno anigu horta awalba waan ogaa ingriis masayr uu kak masayray turkey ayaa keentay iyo khiyaano ee khyr ma keenin tuug.com .
Raxanreeb, hawl wanaagsan ayaad qabateen, mahad sanidiin, sida aad warka u’ fidineysaan. Somalia, gobanimo kama jirto. Waxa loo baahan yahay badbaado.
Badbaado la’aanta adduunka oo dhan aya ka danqanaya oo danina ugu jirta in la soo celiyo.
Tabta lugu gaari karo badbaadada shacbiga,Somalia dagan, shirka London waxa uu ka mid yahay Stratejiada lugu xallin karo maamulinta Somalia iyo somaalii. Somaliland, Puntland iyo Galmudug waxa ay muujiyeen in Ismaamul wax u’ eg ay yeelan karaan, Shirka London waa “iyaga” laga martiqaaday,iyaga oo la mid ah dowladda dhexe. Talada nabad galiyo soo celinteeda, haddi laga qaado Somaalida, gumeysi ma ahan, waa tusaale in aadan isu talin karin. Muqdisho AMISOM, la’aanteed, dowladda ku meel gaarka ma jirteen. Haddii Muqdisho ay dhacdo, Somalia oo dhan ay qarxi
Aad ayaan ugu farxay maxmiyada cusub maxayeelay 20 somali waygaran waaysay waxa aay tahay nabad taasoo cadeen u ah inaay soomali ubis laanin nidaamka doowlad nimo somali inshaa alaah wagareesiin xurnimo wacan hormar after 3year
somali ma ahan dad bani aadmi ah ama human waa dad xun oo aan u nixin dhulkooda caruurtooda dadkooda dada ah xayawaanka ciidooda waa dad aan isla noolaan karin marka aad baan ugu farax sanahay arrinkaas (hadaad tashan weydey ha laguu taliyo) waqti dambe inala ka qaado ma rabno tusaalle lacagta dowlada oo dhan waxaa bixiya reer galbeedka ilaa hal milyan oo soomaali ah ayey hayaan marka toos hanoola wareegan wax ha nala baro ka dibna jiilasha dambe ha la wareegaan wadanka.
ma dhabbaa in somalia gumeysi cusub lagu celinayo?waxaa nasiib darro ah wadan 60 sano ka hor xornimo qaatay in maanta gumeysi horleh la galiyo,arintaas waa wax aan somalidu aqbali.
Wayska iman doonaan Ku ku baraarugsam baraanimijkaan shirqoolka ah ee umada soomaaliyeed Lagu kala qaybsanayo lakiin ku kala qaybinayaa maysan lasocdaan cunsur ahaan soomaalidu waxa ay yihiin ama ay kasoojeeddadan hadaan taas idiin sharaxxo soomaalidu maqaadato wax liidnimo ah sidda umadaha kalle uqataan hadii sidaban loogu socodsiiyona waqti yar dabadeed wqay fahmikaraan wax dhabta ah oojira sidaadarteed waxaan leeyahy anigu kashaqsi ahaan way ufiicantahy soomaalida in lacaburiyo ooxoriyada laga qaaddo waxakacaya markaas ayaan arkidoonaa waa halgan cusub iyo gobbonimo doon horleh sifudna aan ku dhantaalmi doonin ogasoonaada midaas soomaaliyay wasalaamu calaykum
Waxaan la’isuwaalin walaalayaal awalba ma xorbaa lahaa muddo ku siman 21sano waxaan ku jirnay shaydaan xukunkiis oo ah midaan waafaqsanayn diinta Islaamka oo ah mid ku dhisan cadawtinimo,ay ka dambayso wax layiraahda Qabiil hebel u dhimo,dagaal ooge,Diinta oo been laga sheego oo lagu laayo dad aan waxba galabsan,Barakicin,hantidii dawladda oo xoog lagu qaato,tii shacabka oo laxalaalaysto,intaas iyo ka badan sow ma gaysan RAGGII SOOMAALIYEED.
Marka su’aashu waxay tahay iyaga ma wax kaliita baa imaanaya????
Su’aasha kale iyana waxay tahay haddii 21sano laysu nixi waayay oo la’isu tanasuliwaayay maxaad sugayseen in aan Ilaahay idiin soo dirayn duul idinka xoog badan oo idin qayira sidaad u qayirteen dalkii iyo dadkiiba?????.
Dhadhamiya waajibkii uu Ilaahay u xilsaaraa oo ah qoomkii isduleeya in Ilaahay sii dulaynaayo,
oo waad ogtihiin inaad gacmahiina ku kasbateen halaag aduun iyo mid Aakhiroba.
Waxaad kaloo ku jirteen,dhaca,dila,gaaleeya,kufsada,barakiciya,dumiya,waxgaradka dila,aqoonyahanka dila,badda iyo tahriibta ku shuba ha ku dhamaadeene,guryaha jiingadaha iyo dhagaxa ka fuqsada,goobaha waxbarashada guryo ka dhigta si aan wax loo baran,sunta ku duuga dalka oo lacag ku qaata,cunta iyo daawo dhacday keena siloogu le’do,xaqii oo la’iska indha tiro,calaakuli xaal,intaas oo masiibo iyo in ka badan dadkii soo mariyay dadka iyo dalka Soomaaliyeed waxaan hubaa wax kaliita in aanay imaanayn.
Waxay aniga ilatahay dadkii gobanimada iyo gumaysiga kala yaqaanay way dhamaadeen oo waa dadkii soo maray gumaysiga kuwaan cawaanta ah oo aan waxa ka aqoon gumaysigu waxuu yahay
bal iyaguna hadhadhamiyeen markooda oo ha arkeen xoriyaddu waxay tahay.
Rag kusheegga soomaaliyeed waxaa u muuqan wayday haybadda uu leeyahay dalkeenu iyo dadkiisu
maxaa yeelay waxay ka doorbideen xoriyaddii in loo taliyo markay tashan waayeen,isuna talin waayeen,islana tashan waayeen,waxay ku badaleen hanala gumaysto.
Walaalayaal gumaystuhuna waa dhaamaa cawaantaas noocyada badan sheeganaysa,
oo uu ku shaqaysto jinka kiisa aan muslinka ahayn,ka Acuudi billaahi, bal aan aragno uuraysataye waxay dhasho,bal yaan laga hordhicine hala sugo dhaxalkii ragga kuraasta iyo miisaska isla dhaca baarlamaan kusheegga,waxaan hubaa in aduunku ku qiimeeyey raggaas sidaas u dhaqmaya in ayna istaahilin in ay u taliyaan ummadda soomaaliyeed oo ay matalaan,marka xaaladdu ay noqoto wuxuushnimadaas aduunku waxuu ka gaaraa go’aan kamadambays ah si looga badbaadiyo wuxuushtaas aan waxba fahmayn dalka iyo dadka !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.
@ jaale
reer somaliland lama baxaan jaale ee fulayahaw is caddee
mise waxaad ku raaxaysanaysaa cayda s/L?kkkkk
daciifnimadii baa kaa badatay yaa miskiin
acuudu,billaahi acuudu,billaahi acuudu,billaahi acuudu,billaahi
Asc dhaman waad mahadsantihin shaqalaha webka raxanreeb
somaliyey waad aragten qorshaha gaalo maleegeyso oo ay donayan in ay idinku gumeystan hada waxa ino harsan fursad qura taa o ah in aan garab is tagno walaalahen Alshabab o hada lagu tilmamay argagaxiso runti galada wexey argagaxiso u taqan dadka ku dhaqmo amarka alle sidu yahayna u fuliyo marka hadaad tihin dad mustilm ah o wadani ah jecelna diinta islamka dalka iyo somali nimo dhamanten an garab istagno walalahen, kuwa la shaqeynayo guumeystaha alle ha u tobad kenan o safka musliminta wadaniyinta ah ha so galan ilen dhul ninkisiya lahe si kasto ay galo isugu habar wacato ugu danben wey jaban waxan rajena mar dhaw in la arki dono somaliweyn oo sharecad ku dhaqmeyso
asc ww,RR, –war lafilaayay naxdin malaha ,soomaali waa dad isku midaba waa dad wada muslima waa dad isku afa waa dad haysta dal kabadan iyo barwaaqo kabadan ,maxayse noqdeen ,waxay noqdeen dawaco sumeesan oo caqli iyo talo iyo wadaninimo iyo xaasadnimo alla kayeelay .
allaa noo maqan
reer landiyoow ani ki jiree adi ki jirtee maamul hoosaad hada a kooyo gumaysi somaali nin diido gumaysi ha kaso aay ki iri ma boore
horta somalida waa istaahilaan in maxmiyad la geliyo sababtana fasir uma baahna .
tan labaad haddii ay run tahay sheekada maxmiyada ma aha wax cid gaar ah ay samaynkarto sida ingriiska. U.N.ta ayaa shaqo ku leh howshaas somaliyana gumaysi kuma jirto wakhti xadirka ah waa dowlad madax banaan . aniga ma garanaayo cida soo aliftay
Qof wixii la tosan baa qof la qaldan kan leh waa guul usoo hoyatay somali guul mahee waa jab iyo guul daro u soo gashay somali hadii gumaysi lala damcay hadiise adigu aad qabto cuqdad somaliland nimo ah dhowr adiga kula mida oo sidada caqliga aan ku fakarin ee dharka un ku qaba ayey wadankaas iyo dadkaasi u bas beleen waxaan oran lahaa marka somali ha tashato somali waa somali waa isku hayb iyo isku mid wax hadiise aad tashan waydaan waa la idiin talin madaxana waa la idinka garacayaa qof la gumaysanayo xor maha.
walahi waa wax laga xumado lakii nin dameer dabadiis kadaga waxaa uu wayay mel udhan ta sida manta somaliya aykujidhona si mahan xiligaan dub haloogu laboto gumesina ma wanagsana lakiin anigu wan sodhawaynayaah makii aan ar kay 20 sano natijadeediii iyo horumarku dunidu marayso ala noo gar gaar
xawayan ayaad tahay ninka jaale ladhoho oo dhahay waa guul somaliland usoo hoyatay, somaliland maxay tahay, maxayse heysataa, ayada ayaaba baahi iyo cunto la aan heysataa, somaali ayaad tahay anigana somali ayaan ahay, hadaad ku faraxsantahay in somalia maxmiyad lagaliyo iska tir magaca somali ee aad wadato, waxaad sheegtay inta ay dadnimadaada gaarsiisantahay. nacas
[...] Bishii Disembar 23-keeda 2011 waxay qoraal ay soo saartay dawlada Ingiriiska ku sheegtay ajendaha shir ay ugu baaqday inay u qabaneyso Soomaaliya, kaasoo lagu tilmaamay mid ay ka dhex guuxayaan hargardaamooyin wiiqaya qaranimada iyo madax bannaanida Soomaaliya. Akhri qoraalkii dawlada Ingiriiska [...]
[...] Bishii Disembar 23-keeda 2011 waxay qoraal ay soo saartay dawlada Ingiriiska ku sheegtay ajendaha shir ay ugu baaqday inay u qabaneyso Soomaaliya, kaasoo lagu tilmaamay mid ay ka dhex guuxayaan hargardaamooyin wiiqaya qaranimada iyo madax bannaanida Soomaaliya.Akhri qoraalkii dawlada Ingiriiska [...]
Ma aha wax lala yaabo in Isticmaar la galo waayo 30 sano ka hor baan labo talo midood in la qaato ku taliyey in dalkan oo nin weliba nacay la wareejoyo oo dadka lacag loogu bedelo kana dhaqaaqaan. Tan kale waxay ahayd in gumeysi wax bara oo dawladnimada bara la helo, maadaama ay yihiin reer miyi. in la gesho 20-30 sano gumeysi ka dibna dib loo siiyo xornimadooda.
waxaan malenayaa in aay ila fahmeen kuwa kheyraadka booba, waase goorma waa goor aay xeero fandhaal kala jabeen.