Midnima La’aantiina Roadmap, Shirka London, Iyo Mid Kalaba Waa Faashil

Facebook Recommendations

Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin
Share

Midnima La’aantiina Roadmap , Shirka London, Iyo Mid Kalaba Waa Faashil
Cabdullaahi Macallim Maxamuud(Cabdullahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com.
Feb 02 2012

Idinkaa mooday mooyee weligood saaxib idinlama noqon, waxay saaxib u ahaayeen dantooda , Ingriiska Hargaysa saaxib lama noqon ,Talyaaniga koofur saaxib lama noqon, haddeer Amisom Muqdisho saaxib lama ahan, Puntland kuwa haddeer dhegta ugu sheegayo waxaad gaarteen heer aduunka idinla mucaamilo saaxib lama ahan, Bakool, Bay, Beladweyne ,Bu’aale  ,Baardheere iyo Buurdhuubo kuwa dabaabadaha ku  soo galay kuwa ay dushoodo ku dangiigaan saaxib lama ahan, Somalina Saaxib uma ahan, khaatumo iyo Awdal kuwa ku yiri birtiina af u yeela waqti ay ummadda dhiig daadis ka daashay saaxib lama ahan, kuwa shirarki idinkugu baaqayo tan iyo inti uu burburka ku yimid dowladnimadiina saaxib idinlama ahan, Somaliyeey cid idiin maqan ma jirto idnkana waa isku maqan-tihiin.

Cabdullaahi Macallim Maxamuud (Cabdullahi Siyaasi)

Roadmap sidi noolugu meeriyay uguma cuntamin qaar badan oo dusha ka daawanayay sida loo dharaandhirinayo ma tahay mid ay maslaxadi ugu jirto . Somalidi arrimahooda looga tashanayay shirka Febraayo ee London dowladaa tebay xagey kaga jirtaa dantooda Soomalida ka hor.

 

Sirmaqabe saabaa biya u celsho ,Somalida ku maahmaahdo, Somaliyana Ilaahi Abuurtay ayaa u maqan ,khayr waxay heli rabtana lama reed mari karo , shar haddii ay soo heysana cidna kama celin karto umana keeni karto, qoraalkan guntiisasa waa caqliga Ilahey na siiyay maxaa inoo diiday in aan ka shaqeysiino , uguna adeegno nafteena ,dadkeena ,dalkeena iyo aakhiradeena annagoo isku duuban iyo qof walba iyo hortiisa uu dadaal la yimaado..

Kor marid gaaban ka hor ujeedada qoraalkan , Somalida dhab ahaanti waa ummad Ilaahey ku manaystay waxyaaba badan oo ay ugu horeeyaan in ay yihiin dad Islam ah .karam leh ,deeq leh ,saaxib leh ,caqli u ehel ah,isku af ah , isku dhaqan ah ,isku diin ah ,dalkooda iyo dadkoodana jecel .ceebahoodase waxaa eh ,cadawna ku ah intaas kore, qabiilka oo ay ugu dhaqmaan si ka fog macnihi loogu tala galay oo isaga ah in lasyku aqoonsado ,laysku kaalmeeyo iyada oo aanan laga gudbayn xuduudka Ilahey oo isaga ay qaacida u tahay ninka basharka oo dhan ugu fiican in uu yahay kan Ilaahey ka baqo. ka baqida Ilahey ma ahan mid macnaheeda lagu soo koobi karo maqaal kooban oo aan kaga hadlayno ujeedada qoraalkan igu dhalisay iyo ka dhawaajinta halka ay ku jirto danta ummaddeena oo iyada ah hal ummad oo meel ka soo wada jeedo.

Danteena waxay ku jirtaa in aan wada doono midnimo maareyso danteena guud iyo danaheena hoosaba.

Somliweyn ma is weydiiseen ,shirarki Somali loo qabtay oo dhan waxaa goob joog ka ahaa dowladda ingriiska iyo dhamaan hay’adaha iyo dowladaha ay haddeer ku casuntay goobjoognimada shirka looga tashanayo arrimaha Somalida . waxay tahay su’aasha isweydiin mudan maadaama ay dhamaan dowladahan iyo hay’adahan goob joog horay uga ahaayeen shirarkaas, talooyinkoodana lagu shaqeynayay maxaa cusub oo ay Somalida ku soo kordhin karaan , jawaabta waa sahal ,waa waxbana, waayo ilaa haddeer ma muuqato rabitaanka in si dhab ah xalka looga doono halka uu ku jiro. Xalka wuxuu ku jiraa Somalida oo iyada garato danteeda in ay si dhab ah ugu istaagto sidi kuwa shirinayaba ay ugu howlan yihiin in aanan laga tilaabsan danta ay ka leeyihiin wadanka Somaliya shir walba oo Somalida loo qabta..

Shirka London wuxuu shirarkki hore kaga duwan yahay oo kaliya ,shir walbana uu kaga duwanaa shararki ka horeeyay qaabka casumaada loogu fidiyay Somalida ka qeybgalayso iyo hay’adaha iyo dowladaha ka qeyb-galayo. Shirkan waxaa ku cusub in casumaad loo fidiyay DFKM, Puntland, Galmudug ,Ahlu-sunnah oo iyada marki aan si hoose u qeexno aynan jirin cid fasiri karto yaa loola jeedaa magaca kooxdan oo iyada waddanka gudhiisa ah koox ka sii kooban kooxa badan oo kala fikir ah iyo kala degaan ah ,isla markaasna aynan jirin dan mideyso dhaxdooda marka laga reebo in koox walbo rabto in ay iyada noqoto kooxda kooxaha kale u soo qaado wixi lagu helo magacaas gogosha lagu casumay , waxaa iyagana marki ugu horeysay shirkan lagu casumay Somaliland ,waxaasa dadka gobalkaas degan ka yaabiyay labaatan sano keddib dowladi ay ka dhursugaayeen in ay ku taageerto kooni isu taagida ay iyada noqoto dowladi ugu horeysay oo si cad uga dhawaajisay in ay Somaliland tahay gobal ka mid ah goballada Somaliya maadaama ay shirka ugu casuntay qaab sidaas ah. Shirka London wuxuu sidoo kale shirarki ka horeeyay si cad ugala mid yahay erayga looma dhamo oo isaga mar walba ah xaqiiqo jirto oo layska indha tirayo sababa qarsoon mar walbaba oo aynan Somalida ilaa haddeer wax badan ka fahmin maxaa Somali intooda badan waxay raali ku yihiin gogol dhig looga dhigi waayay shirarka loo qabto iyaga.

Shirka London waxba kama duwana shirarki ka horeeyay ee Somalida loo qabtay ,geddigoodna wixi lagu soo dhisay waxay ka socon wayeen ,looma dhama ,is-hoosaasis ,nin ku haminayo in reerkiisa dhegta ugu sheegaan adigoo kale nin soo dhacsho xaqeeno weli reerka kama soo bixin, madax ku howlan arrima hoose oo aanan ahayn kuwi wax-qabashadooda laga sugaayay ,mid isleh waad ogtahay saad ku timid ee waqtiga ka faa’iideyso iyo kala daadsanaanta ummadaan, iwm.

America(USA) waxay si cad ugu fashilantay faragelinta ay arrimaha Somalida ku sameysay 1993 kolki ay waddanka ku soo gashay mashruuci loogu magac daray Restore hope. Fashilkaas keddib arrimaha ummaddaan faraha kalama aynan bixin waxayna si dadban mar walba danaha ay ka leedahay waddankeena uga ilaashanaysay daaha gadaashiisa ,markaan runta is-taabsiinana ma jiro shir aynan daaha gadashiisa ka maamulayn ,sidaas darteed waxaan mar kale dhihi karnaa faragelinta ay waddankeena ku heyso waxay weli lugaha kula jirtaa fashilnaan sida ay dowlada Somaliyeedba ilaa haddeer ay u tahay dowlad faashil ah.

Ethobiya iyo Kenya iyaga marnaba gacmaha kalama bixin faragelinta danaha ummadda somaliyeed ,Ethobiya iyo Kenya labadaba ma ahan dowlado awood leh  ,heystana dhaqaala u ogalaanaayo in ay fragelinta arrimaha Somalida siday rabaan uga mira dhaliyaan, sidaas darteed mar walba waxay ahaayeen kuwa u adeegayo danaha maraykanka ka leeyahay dalkeena iyo guud ahaan danaha ay reer galbeedka ka leeyihiin wadankeena ,halkaasna waxay ku dhax qarinayaan danahooda gaarka ah , labdoodana waxaa xaqiiqa ah in aynan weli ka mira dhalin danahi ay ka lahaayeen Somaliya iyo in aynan sidoo kale sida laga rabay ugu adeegin dowladaha gadaal ka taagan.

Jabuuti sidoo kale awood dhaqaale ma laho waxayna madiidin u ahayd danteeda iyada oo iyadana u mareyso fulinteeda dowladaha reer galbeedka , ciyaarteedana waxay ahayd in ay reer galbeedka u dheganuglaato iyada oo aan meesha ka saareyn danaha gaarka ah oo ay ka leedahay waddankeena, welina ilaa haddeer ma jiro waxay Somali u qabatay ama ay nafteeda u qabatay oo miriha laga gurtay ay muuqdaan marka laga reebo dowladan muranka hareereeyeey ee labada gudoomiya barlamaan leh .

Dowladaha carbeed ,afrikaanka yio Igada dhamaan faragelinta ay Somali arrimaheeda ku haayaan ma dhaafsiisno fulinta awaamiir kaga imaaneyso dowladaha reer galbeedka.

Hadda iyo kow waxaa hadda waddankeena faragelintiisa ku soo biiray si cad dowlada Turkiya ,qaab ahaana ka duwan qaabka ay noo faragelin jireen dowladihi ka horeeyay, waayo Turkika wuxuu si aad ah xoog u saaray kaalmeynta ummadda dhan walbaba ,taasna waxay dhaqsiba ka dhigtay dowlad ay aad u jecel yihiin dadka Somaliyeed, faragelintoodana waxaad moodaa in ay abuurtay in ay reer galbeedka il kale ku fiiriyaan arrimaha Somalida wallow aynan weli ku istaagin wadadi saxda ahayd ee xal waara iyo dowlad wacan looga dhalin lahaa dhulka somaliyeed ,waxaana taa diidayo in aynan ahayn dowlado si dhab ah u rabo dowlad wanaagsan oo ka curato Somaliya  ,saaxibna ay la yihiin waayo ayaga ma rabaan saaaxib ee waxay rabaan dowlad ay awaamiir ka siiyeen daahi gadaashiisa sida ay dowladaha aduunka badankooda ula dhaqmaan. Dowlada Turkiya waa dowlad Muslim ah ,waxaana haddeer xukumo dowlada curdan ah oo aad ugu howlan ilaalinta danaheeda iyada oo taas u mareyso waddamada la wadaago diinta Islaamka, wasiirka koowaad ee Turkika wuxuu si cad shirki Istanbul ee lacagta loogu aruurinayay ummadda Somaliyeed oo ay halakaysay abaar daran , gogashaas kaga yiri”Dowlada Turkiya waa martabada lix iyo tobanaad dhaqaalaha aduunka ,dowlada aan haddeer lacagta u aruurinaynana waa dowlad dhulkeeda uu ka qanisan yahay dadlka Trukiyo” ,wuxuuna tiriyay waxay ay qani ku tahay ummadda Somaliyeed.

Shirka London wuxuu si cad u reed maray Roadmap oo isaga ay gadaal ka riixaysay UN-ka .UN waxa arrintaas ku maal-gelinayay waxaa ugu horeeyay maraykanka , roadmap waxaa lagu qeexay qaab dhismeedka ay noqonayso DFKM dowladi bedali lahayd loogana bixi lahaa dowlad ku meel-gaar ah. haddaba markaan meel iska dhigno dooda ah qaabka ay UN iyo Mahigahooda wax u wadeen ma saxbaa misa waa khalad ,su’aasha waxay tahay maxaa Ingriiska haddeer ka dhawaajiyay ,maxaasa ku kalifay in uu dheesha ku soo daro Somaliland maadaama aynan Somaliland si cad loogu yeerin ka soo qeybgalka roadmap, misa arrimaha waa ‘Ilka Abeeso hoosey ka xiriiraan” ,oo shirk London iyo roadmap hal meel ayaa laga wada hagayay. Gogasha London weli ma cado ma dowlad ayaa lagu soo dhisayaa misa waxaa xidida loo soo adkeyn rabaa qorshihi UN-ka ee Roadmap . waxaasa su’aal kale ah UN maxay haddeer xafiis uga furteen keddib kolkay

Turkiya si cad ugu soo gurmatay ummadda Somaliyeed ,xafiisyana uga furatay waddanka gudahiisa.

Su’aalaadkan jawaabhooda waxay na tusayaan in Shirka London uunan la imaaneyn wax cusub oo ka duwan wixi horay uga soo bixi jiray shirarki isaga ka horeeyay ,tan ah baqtinta laga qabo in Somaliya laga ceshan rabo siyaadada beenbeenta ah oo ay haddeer haysato waxaa taa ka hor’imaanayo Mahigo ergaga UN qaabka uu waraaqaha aqoonsigiisa safiirnimo ugu gudbiyay madaxweynaha dalka yio joogitaanka soo xoogeysanayo ee dowlada Turkiyo oo aan filayo in aynan aqbalayn in mar kale Somaliweyn la geliyo maxmiyad ay gadaal ka maamulaan UN iyo dowlada kalaba.

Somaliyeey wax walba qaloocnaantooda waxaa sabab u ah annaga oo aan dadkeena iyo dalkeena ugu adeegin si hufnaan ah, midnima la’aateena, gooni u cararka gobal walba iyo dhaqan qabyaaladeedka uunan jrin cid ay dan ugu jirto , waxaa kale oo sabab u ah in aan dowlad jirto noqonweyno in madaxda dalkeena soo martay labaaatanki sano ee u dambeysay iyo kuwa haddeer joogo dhamaan aynan si cad u diidi Karin wixi ay u arkaan in aynan Somaliweyn dan ugu jirin iyaga oo ka baqayo in ay sidaa ku waayaan mansabkooda ama ixtiraamka yar oo ay ka helaan beesha debandaabyo ee caalamka.

Somaliya Somaali baa leh ,waxna hagaagimaayaan haddii aynan idinka idinka imaan ,in mar walbaba qola lagu casumo shir hor leh waxba soo kordhinmeyso in daciifnimo aan ka sii qaadno maahine, jikada shidan iyo mida la rabo in haddeer laga shido London waxay sal u yihiin “Dheregi Fara Badsho waa Fuud xaraareeyaa” .Shirka London intuunan bilaaban ayuu faashil yahay ,roadmapkana waa sidaas  waayo howsha waxaa gacanta loo geliyay dad aanan ehel u-ahayn in ay doonaan danta guud ee ummadda Somaliyeed, gogsha la isugu balan-sanyahay waxaa ku casuman dad aanan isku ujeeda ahayn ,ujeedadoona aynan ahayn danta guud ee ummadda ,haddaba dad noocaas ah siday  u abuuri karaan dowlad ummadda somaliyeed ku qanacdo ,gacantana ku dhigto howlaha balaaran ee u yaal dadka iyo dalka Somaliyeed.

Abdallah Moallim Mahamud (Cabdullahi Siyaasi)

Moallem10@hotmail.com.

==========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

Tags:

8 Responses for “Midnima La’aantiina Roadmap, Shirka London, Iyo Mid Kalaba Waa Faashil”

  1. Galdogobian Analyst says:

    Cabdilahi Masha Allah; si fiican ayaad u qortay qormadaan.

  2. allaw na astur says:

    dhagihii alle waaniyaa waantooba, xeradii alle dhigaana dhigan,nin meeli u cadahay meeli kamadu ,maalintii aad dibi cade cuntaad i cuntaye iska key cun hal marna waan garan kari waayey waxa ey soomaalidu ku dirirayso tolow ma dhul bay kal leeyihiin, ma kala diin baa, ma kala kalar baa,mais waydiiyeen waxa ey goobayaan iyo wax ey dhuminayaan kee qiima badan

  3. kaadsade says:

    runtii maqaalka qoraaga aadbaan oola dhacay waxaadba moodaa inuu wax maskaxday kaguuxaayay kawarqabay calaakulixaal mu’aamarada soomaali loo mleegaayay cabra taariiikh ilaa iyo hada waa mid cad oo qofwalba oo caqlileh ogyahay waxaan ku talinlahaa dawlada kumeelgaarkaa iyo maamulka puntland inay isku tagaan oo ay dawlada turkiga kacodsadaan inay milatarigooda soomaliya usoo diraan oo itobiyanka iyo gaaladaan gafuurada weyn ama amisom ama kenyaba looga maarmo arintaa waa inay maamulka p/land isku feera jabiyaan sioday arintaas u hirgelilahayd maxaa yeelay turkigu waa dawlad isbahaysiga nato kamida oo afrikankaba kaxoogbadan noona dhaamilahaa afrikaan gaajaa inay adiga kudilaan oo ay kufurtaan mooyee aan waxba kugu kordhinayn lakin turkiga hadii nabadaynta dalka loo xilsaaro anana aan ku garabsiino walahi waxwayn ayaa iskabadali lahaa wadanka sidaa daradeed dawlada kumeelgaarka iyo p/land haday iska kaashadaan qorshahaas sal mugiis ayaanu fariisan lahayn sidaadarteed arintaan koleey siyasiintu mamoogee culays ayaa meel kale kahaystaa war turkiga maxmiyad hana galiso intaan cadaw aan naga naxayn isu dhiibilahayn

  4. hassan says:

    qoraagan haduu sida uu wax u qoray aysan aheyn nin shabaab hoosta ka ah ama ceelbuur iyo matabaan ka soo jeedin.oo marba wax ku dhex dhuunta, waa run hadalay waana xaqiiqda lama dhaafaanka ah waxa aynu nahay iyo wax socoda oo cad buu qoray waana shaqsi wanaagiisu sareeyo hawsha wax faham siista qoraalkeedna badi baan oran lahaa jasaakumu laah

  5. xasuuqa-faroole-iyo-gaas-wadaan says:

    Somalia dadkeedi waxa ay noqdeen wax la diley, wax gaajo uu dhintey, wax cuduro uu dhintey, wax dalal kale uu baxsadey, wax waashay.

    Somalia hogaamiyeyaasheeda siyaasadeed waxa ay noqdeen dulliyiin dalal badan ku shaqeystaan, Al-Shabaab waa Soomaali, Soomaali baana tageerta, marka hadi al yiraahdo Al-Shabaab oo dhan baa dilaya, dee ma dhamaan gobolada koonfurta Somalia waxa dega baa dileysa? Caqliga TFG-da waa kan xawayaanka, dadki waa wada dileen, waa qaxiyeen, maxa soo harey oo dowlad uu noqdaan? Dowlad 9 wadan soo kaxaysatey si dadkeeda uu xasuuqdo waa wax aan aduunka laga maqal.

    Dhamaan madaxda TFG-da waa in la dila, maxa yeelay dadki Somalia ayaa ayaguba dil ku hayaan, TFG waa cadowga Soomaalida, waa dad lagu shaqeysto.

    Somaali waa is dili jirtey, hub iyo lacagna waa ka soo qaadan jireen dalal shisheeye, balse waxa cusub in ciidamo shisheeye loo fasaxo soo gelitaanka Somalia ciideeda, Cabdullahi Yusuf baa bilaabay doqonimadaas, adeerkiis Gaas baana maanta meesha ka sii wada xasuuqa reer koonfur, Sheikh shariif iyo beeshiisana sida caadada ahayd waa lagu shaqeysanaya, ayaguna waxba ma fahamsana aan ahayn waxa Gaas kula taliyo. Gaas shirqoolki adeeradiis weligood ka wadeen Somalia baa wada, dalka in gacan gumeysi la geliyo baa yahay qorshahu iyo babiinta reer koonfur si markaas beesha Gaas soo degaan koonfurta oo dhan, wax dowladnimo la yiraahdo kam socoto muqdisho waa babiinta reer koonfur waxa la wado. Hade shidaalka Bari maxa faroole uu hadal haya, mayaanay dalku lahayn dowlad muqdisho fariisatey? mase waa gaas ha ka taliyo muqdisho iyo koonfurta balse puntland anaga leh anaga qaadanayna shidaalka.

    Qabyaalad baa ka socota TFG, waxaana laga guuleystay waa beelaha reer koonfur oo babaa ku jira, waxaana guusha helay oo Somalia koonfur oo dhan laba goor xasuuqay faroole iyo beeshiisa.

  6. xaji maxamed says:

    qoraagu waa ku mahadsanyahay fikirkiisa fiican iyo aragtida dheer waxaanu u bahaanahay
    hogaamiyeyaal fiican oo wax qabad muujiya shakina kuma jiro in ay umadda taageerayso,
    anigu waxaan taageeraa maamul goboleedada iyo aan wax hoos ka bilawno madaama ay
    adkaatay in dawlad soomaaliyeed ay dhaqso u soo noqoto taas ayaana sabab u ah in dadka
    qarkood doodaas qabaan waayo inkastoo ay qaranimadii maqantahay haddana markaad
    aragto hargeysa iyo boosaaso oo nabad iyo horumar ka muuqado waxaad isleedahay dadka
    xamar oo caasimadii wadanka ahayd degan maxay dadkaan ugu dayanwaayeen.

  7. faay says:

    Assalaamu caleykum akhristayaasha
    Waa yaab, horta su’aashu waa sida la sheegaye maxaa ka hdliyey ingiriis oo 21 sano shheedda ka fiirsanayey arrimaha soomaliya, dee waa carqaladayn hor leh baan is leeyahay, sida aan xogo hoose ku helayna waxaaba can in arrimaha miiska saaran ay si weyn uga muuqato maxmiyad soomaliya la geliyo, teeda kale marna soomaaliya saaxadeeda siyaasadeed in qof dareen waddinayadeed lihi ka muuqdo la ma rabo, waxaa la rabaa qaar sir laga haoyo oo la dhaho annagaa wax kaa dhignay iyo wax la mid ah . soomaliyeey tasho waa laguu tashadaye.

  8. yaabow says:

    Ingriis ma aheeno kan Itoobaya siyay somaligalbeed? ma hada jeclaaday soomalida?

Leave a Reply

test

d

test