Nuxurkii Khudbadii Madaxweyne Shariif ee Sanad Guuradii 3aad ee Xukunkiisa (Dhageyso)

Facebook Recommendations

Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin
Share

Muqdisho (RBC) Waxaan halkaan ku soo gudbineynaa nuxurka khudbadii madaxweynaha DKMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu ka jeediyey xaflad shalay [31-01-2012] lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Waqtiga Dawlada KMG ah

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in waqtiga dawladan uu ku eg yahay bisha Agoosto, isagoo sheegay in la soo dhisayo baarlamaan cusub, oo dooranaya gudoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne cusub iyadoo la raacayo heshiiskii Garowe ka dhacay.

Wuxuu ku baaqay in la xaliyo khilaafka baarlamaanka ee ka dhashay afhayeenka baarlamaanka.

Wuxuu sheegay in isaga uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo haddii dad kale la doorto ama uu gurigiisa fariisan doono.

Wuxuu ka codsaday dadka siyaasiyiinta ah inay la shaqeeyaan dawlada ama ay keenaan talooyin haddii ay hayaan.

Baaqa Somaliland iyo colaada Buuhoodle

Sheekh Shariif wuxuu ku baaqay in la joojiyo colaada ka soo cusboonaatay degmada Buuhoodle isagoo sheegay in dadka halklaasi ku dagaalamay ay yihiin dad walaalo ah.

Somaliland mar uu ka hadlay wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin in laga xaalmariyo waxyaabaha ay tabanayaan kuwaasoo uu sheegay inay dhici karto in dadka reer koonfureedka ay kaga badnaayeen, hase yeeshee ay ka muhimsan tahay midnimada dalka.

Siyaasad dhiig aan lahayn iyo Qabyaalad la’aan

Madaxweyne Shariif wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay u baahan tahay siyaasad aan dhiig ku daadan, isagoo sheegay in dawladii xumaata dadku xaq u leeyihiin inay iska tuuraan.

Wuxuu ku celceliyey in nidaamka loo baahan yahay uu yahay kan dimuqraadiyada ee la is dooranayo, lagana bilaabi doono baarlamaanka cusub ee bisha June 2012 la dhisi doono.

Qabyaalada iyo eexda ayuu ku sifeeyey cuduir naafeeyey dawladnimada Soomaaliyeed, loona baahan yahay in laga gudbo lana helo caddaalad!

Mar uu soo qaaday isbedelka laga filayo dawlada inuu ka dhaco bisha Agoosto, wuxuu xusay in isbedelka uu ku dhisan yahay kalsoonida shacabka haddii la waayana ay adkaan doonto in la helo dawlad iyo qaran.

Al-Shabaab iyo dagaalada

Shariif wuxuu markale soo jeediyey in Al-Shabaab ay nabadda qaataan ayna ka tanaasulaan dagaalka, isagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan “xoog ku soo islaamin” balse diinta ay ku soo gaartay ka fac ka fac iyo awoowayaal u soo gudbiyey.

Culimada ayuu ka codsaday inay “diinta saxda” ah gaarsiiyaan dadka Soomaaliyeed, warbaahintana ay fursad siiso dadka diinta.

Wuxuu amaanay ciidamada DKMG Soomaaliya, isagoo xusay saraakiishii iyo wasiiradii naftooda ku waayey dagaaladii lala galay Al-Shabaab saddexsii sano ee uu xilka hayey.  Sidoo kale ciidamada AMISOM iyo dawladaha deriska ah ayuu amaan u soo jeediyey.

Wuxuu sheegay in gobolada laga saaray Al-Shabaab uu u rajeynayo inay helaan maamulo dadka deegaankaasi u adeega.

Isfahamkii Puntland, Ahlusuna iyo DKMG

Shariif wuxuu carabka ku dhuftay in intii uu xilka hayey ay jireen caqabado ay ugu horeeyeen khilaafkii u dhexeeyey Puntland iyo DKMG iyo mid u dhexeeyey ururka hubeysan ee Ahlusuna iyo DKMG balse hadda isfaham laga gaarey, taasoo uu ku tilmaamay guul ay dawladu gaartay.

Abaarihii dalka ka dhacay

Madaxweynuhu wuxuu u mahadceliyey dawlada Carabta, kuwa Europe, Mareykanka iyo Afrika qaarkood oo uu sheegay inay lacago fara badan ugu deeqeen dadkii abaaruhu saameeyeen ee Soomaaliyeed.

Wuxuuna soo jeediyey in dadka Soomaalida laga rabo inay gartaan inaan markasta la sugi karin kaalmo dibadeed ee ay tahay in dadku wax soo saar yeesho si uu noloshoosa u maareeyo.

 

HALKAN KA DHAGEYSO KHUDBADA MADAXWEYNE SHARIIF

 

 

RBC Radio
Raxanreeb.com

__________________________________________________________
Khudbada oo aad u dheereyd ayaan ka soo qaadanay qeybaha muhimka ah.

Waxaa soo koobay bahda Raxanreeb.com

 

Share

Tags:

Leave a Reply

test

d

test