Qeybtii 2aad: Fadeexad Ku Saabsan Wariyaal Soomaaliyeed oo Magacyadooda lagu Been Abuurtay (Akhri Liiska)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Shabakada Raxanreebwaxay soo bandhigeysaa qeybtii labaad liiska wariyaal Soomaaliyeed oo ka hawlgeli jiray warbaahinta Muqdisho kuwaasoo magacyadooda iyo saxiixooda si been abuur ah looga sameystay loona gudbiyey hay’ado ka mid ah kuwa Qaramada Midoobay.

Horey Waxay Shabakada Raxanreeb u faafisay qeybtii koowaad oo ah wariyaasha reer Puntland oo iyaguna lagu been abuurtay iyagoon wax war ah ka heyn. [Halkan ka akhri qeybtii koowaad ee wariyaashii lagu been abuurtay]

Liiskan waxaa ku jira wariyaal ka shaqeyn jiray warbaahinta Muqdisho kuwaasoo isugu jira wiilal iyo gabdho si ula kac ah looga sameystay liis aaney war ka heyn. Waxaana liiskan ku jira 173 wariye oo qaarkood dalkaba hadda aysan joogin.

Qaar ka mid ah wariyaasha magacooda iyo saxiixooda halkan ku yaalla oo telefoon ku wacnay isla markaana weydiinay inay og yihiin iyo in kale ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay sida xeeladeysan ee magacyadooda loogu qortay waraaqaha iyagoon lala soccodsiin.

Fiiro Gaar ah: Sida hay’adaha loo gudbiyey liiskan ay xaqiijiyeen, waxaa liiska diyaarsaday nin lagu magacaabo Cumar Faaruuq Cismaan oo mar ahaan jiray Xoghayihii ururka NUSOJ hase yeeshee bishii Febraayo 2010 laga qaaday xilka.  Cumar oo adeegsanaya xubno kale ayaa bilaabay inuu magacyada wariyaasha u adeegsado si uu hay’adaha wax kaga helo.

Ma cadda in liiskan wax dhaqaale ah lagu qaatay, maadaama ay jireen wariyaal reer Muqdisho oo ku dhaawacmay dagaaladii dalka ka dhacay kuwaasoo hay’adaha caalamka lacago u soo direen laakiin sheegay inaaney waxba soo gaarin taasoo ahayd sababtii ugu weyneyd ee Cumar doontiisa dejisay.

 

 

 

 

 

 

 

RBC Radio

Share

Tags:

Leave a Reply