Shirka London….Ma inta naloo sheegay oo keliyaa?? Mise wax kalaa jira??

Facebook Recommendations

Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin
Share

Shirka London….Ma inta naloo sheegay oo keliyaa?? Mise wax kalaa jira??
Farah Warsame
Bile1971@hotmail.com
Feb 06 2012

Waxaa maalmo kooban uun naga xigaan shirka loo ballan sayahay in lagu qabto waddanka Ingiriiska kaasoo sida la sheegay la isugu imanayo 23-ka February 2012-ka. Shirkan oo dowladda Ingiriisku gar-wadeenka ka tahay ayaa la sheegay in looga hadlayo qodobo toddoba gaaraya, kuwaas oo sal u ah dhibaatada soomaaliya ka jirta sida la sheegay.

Faarax Warsame

Shirka London sida qababqaabadiisa ka muuqata wuxuu u muuqdaa mid wax badan ka duwan shirarkii horey loogu qaban jiray soomaalida. Waa markii ugu horreysay oo shir noocan oo kale ah la qabto, laguna qabto meel ka baxsan Africa. waxaa shirkan qabanaya mid ka mid ah dowladaha ugu awoodda iyo dhaqaalaha badan caalamka. Sidoo kale dowladaha kale ee 40ka gaaraya ee shirkan ka qeyb galaya, ururada caalamiga ah iyo hey’ado kale ayaa shirkan ka dhigaya mid aan sahlaneyn, saadaal koobanna laga bixin karin.

Haddaba shirkan muxuu kaga duwan yahay shirarkii hore? Maxaa keenay in waqtigan laqabto? Maxaa laga filayaa in ay ka soo baxaan? Waxa laga wada hadlayo inta naloo sheegay oo keliyaa mise wax kalaa jira? Muxuu yahay shakiga hareeyay shirkan?

Muddo 21 sano kabadan ayay sii mareysaa inta wax maamul lagu sheego soomaaliya aan laga hir gelin. Muddada intaa le-eg shirar badan ayaa soomaalida loo qabtay midba midka kale ka daran, maanta waxay mareysaa in aan London isugu tagno, waxaa inoo dhiman Australia iyo Japan haddaanba horey loo qaban oo aanan la socon. Ogoow shirarkaa oo dhan qodobada hadda naloo sheegay waa ku jireen wixii la yiri waa lagu xallinayaa!

Dowladda Ingiriisku waxay sheegtay in In kabadan 40 dowladood iyo hey’ado kale oo caalami ah oo qaarkooda qaramada midoobay ka socdaan iyo urururo siyaasadeed ay shirkan ka soo qeyb gelayaan. dowladaha iyo ururada shirkan ka qeyb galaya intooda badan waa kuwa si toos ah ama si dadban ugu lug lahaa qalalaasaha soomaaliya. Dowlad welibana maslaxadeeda gaarka ah ayay ka eeganeysay intii uu burburku soomaaliya ka socday. Waxaase is-weydiintu tahay waxa markan isugu yeeray! Maxay tahay waxa ay qoonsadeen ama gubaya?

Waxaa aalaaba dhacda marka shir soomaalida loo qabanayo in loo sheego oo keliya in ay shir ka soo qeybgalaan, ma filayo in la heli karo dad si hoose u og waxa ajanduhu yahay /kama wado kan ay markaa noo sheegaan/ haddii markaa qolo ka mid ah wax shaki ah laga dareemo waxaa loo sheegaa oo keliya in laga caawinayo waxa ay dooneyso. Tusaale Somali-liand waxaa lagu qanciyaa in ay u tahay fursad ay caalamka ugu dhaadhicin karaan gooni-u-goosadka ay ku mashquushay mudadada intaa le’eg, isma weydiiyaan waa tuma dowladda muddada 21-ka sano ee ay sheekadani socotay ee maanta loo sheegayaa!. Puntland waxaa lagu qanciyaa in laga caawinayo sidii ay burcad badeeda ula dagaalami laheyd ama looga cirib tiri lahaa deegaamadooda, shalay sow ma aheyn markii ay u soo qalab iyo ciidan urusatay lagu yiri ma ahan adinka cidda howshaa qaban karta! Qeybaha kale ee koonfurtana waxaa loo sheegaa in laga caawinayo sidii ay Al-shabaab ama kooxaha kale uga guuleysan lahaayeen, sidoo kale la isma weydiiyo sida macquulka ku tahay in urur, koox ama shakhsiyaad laga adkaan kari waayo mudada intaa le-eg iwm.

Qodobada shirka looga hadlayo waxaa la yiri waxaa ka mid ah sidii loo heli lahaa xidid /root/-ka mushkiladda soomaaliya si xal loo helo. Arintaa ma sax baa? Ma wax dhici karaa in waqtigan oo muddo 21 sano ka badan aan ku soo baaba’nay isla qodobkaas, in maanta la is weydiiyo waxa uu xididka mushkiladda soomaaliya yahay?  Sowtaad 4.5 nagu tiraahdeen waa xalkiina! Wax la xalliyaa oo qabyaalad ka xun ma jirtee, armaa meesha hadda ay joogto meel ka sii daran la geeyaa! Yaase hadda laga dhaadhicinayaa London ayaa xalka qabyaaladdu  taallaa!.

Waxaa sidoo kale la yiri Shirku ma aha mid dib-u-heshiisiineed, ma aha mid awood qeybsi, mana aha mid dadka oo dhan (soomaali) looga yeeray. Hadduusan intaa oo dhan aheyn ma qorsho cusub oo maamul ayaad markan inoo heysaan? Haddii arrintu sidaa tahay goormaan innagu ismaamuli jirnay oo go’aanka laheyn? Howl telefoon keliya ku ekeyd iyo in Amisom la amro ama gudaha soomaaliyaba lagu qaban karay sida kii Garoowe, maxaa qaaradaha kale geeyay? Mise kuwa aad iska soo hormariseen ayaad naga hor wareejineysaan oo kuwo ka daran ayaad noo soo waddaan?

Nin baa laga sheegay reer hebel dadka kama badnee waa ka socod badan yihiin. Soomaalidu waa dad iska socda jecelna in meel walba ka muuqdaan xitaa haddii loo sheego in jiritaankooda lagu baabi’inayo. Ma aha dad leh aragti dheer oo waxa soo socda sii saadaalin kara ama kasii fakari kara. Dadka aaminay in Kampala,Nairobi, Adisababa ama jabuuti wax u qaban karaan ilama aha in ay ka hor iman karaan Ingiriiska oo ka mid ah dowladaha caalamka ugu waaweyn uguna dhaqaalaha badan arrin uu wato. Lama hayo shakhsi is-weydiiya maxaa meesha ka socda? Ma dan soomaaliyeed ayaa lagu hayaa? Xitaa isma weydiiyaan Maxaa adiga faa’ido ah oo gaar ah kuugu jira  iska daa mid soomaalinimee? Ugama jeedo in shirarku wada xun yihiin ama wax xumi ka soo baxaan laakiin waxaan aad ula yaabay waxa dadkeena maskaxdii ka qaaday oo wax isu weydiin la’yihiin!

Maalin dhoweyd ayay aheyd markii qaar ka mid ah mucaaradka Somali-land ka soo yeeray hadal u eg in aysan ku qanacsaneyn shirka London. Waxaan is iri kuwanaaba la qaataa, inkastoo waxa ay markaa ka hadlayeen ee aheyd gooni-isutaaga aan ka soo horjeedo, haddana xitaa fikirka ah aniga dan iiguma jirto ama maxaa ka helayaa? waa wax isoo jiitay! Laakiin maxaa ka dambeeyay? Maalmo kama soo wareegin markii madaxweynahooda inta isugu yeeray intii meelaha ka qeylineysay muddo 2 saac aan ka badneyn ku qanciyay in laga qeyb galo shirka London. Malaha in madaxweynuhu soo hor fariisto ayay awalba doonayeene qadiyadba meesha ma oolin. Ama waxaa dhici karta wax kaloo khiyaali ah sida isku si soomaalida kale nalooma qaabilayo/wareysanayo/wax siinayo in uu ka dhaadhiciyay.

Waxaa sidoo kale qorshaha shirka ka mid ah ayaa la yiri in ciidamada AMISOM la kordhinayo. Haddii aad awal Amisom u tiqiinay waddamada Uganda, Burundi iwm, ama meelo fogfog wax laga raadin jiray, maanta saf hore iyo mid dambe cid walbaa waa u furan tahay, ciddii Afrikaan ah ee halkaa dani ka gasho waa Amisom. Kenya waxay xiratay shaarkii Amisom, waxaana ku kallifaya iyadoo isa siisay bad-weynta soomaaliya ee sida sahalka ah loogu saxiixay. Waana wax jira in qof markii horeba dhul aad leedahay kaa heystay kana soo ceshan weysay inuu markan ku hamiyo in uu kuwo kale ku darsado.

Itoobiya iyadu ahmiyad weynba uma aragto ka mid ahaanshaha Amisom, oo waa taa sidii ay doonto ka yeeleysa dadkeenii iyo dalkeeni, waqtigii ay doontana soo galeysa waqtigii ay doontana ka baxeysa. labadaba horey ugama qataneyn hantida, dhiigga iyo ciidda soomaaliya ee markan waxay raadinayaan waa dheeraad, ciddii ka ceshan laheydna waa kuwan aan u jeedno. Jabuuti oo laftigeedu ciidamo ka joogaan Soomaaliya  kuwii ay IGAD isla ahaayeena AMISOM noqdeen meel ay ku harto maanta ma joogto. Xitaa soomaalida qudheeda ayaan aaminsanahay in kuwo badan oo ka mid ah AMISOM isu heystaan oo soomaalinimadiiba meel iska dhigay.

Haddaad awal maqli jirtay dowlado shisheeye ayaa soomaaliya dacalada heysta oo ay ka dagi la’dahay, maanta shirka London waa ku dhan yihiin. Bal tiri koow iyo laba dheh, yaad isleedahay waa ka maqan yihiin?. weliba waxaa markan dheer kuwo kale oo lagu qurxiyay, ama dhaqaale ha loogu xisho ama dano kale halaga lahaadee. Maxaa intaa maanta meel isugu keenay? Ma la isu tanasulay oo Soomaaliya waxaa loo qorsheeyay in hal dowlad ama urur looga dambeeyo? Ma haddaa arrintaas lagu gudo jiraa? Ma kheyraad-ka laga shanqariyay ayaa sidii loogu heshiin lahaa qaabkeedii la wadaa? Mise maslaxado kale oo dhaqaale oo meesha ka baxay ayaa dowladahani soo geliyay, oo waxaad la raadinayaa sidii loo soo celin lahaa?

Ogoow akhriste su’aalaha aan is-weydiinayo ama aan ku weydiinayo kama foga waxa halkaa ka jira, marna ha filin in shir soomaali dibedda loogu qabtaa uu xal kuu keeno. Waase wax dhici kara iyo qeyb soomaalida ka mid ah wixii ay rabeen /kama wado xal/ halkaa uga soo baxaan.

Arinta kale ee xiisaha leh ee shirka ku jirta waa la dagaalanka burcad badeeda. Yaa Burcad badeed ah? Xaggee ka jiraan? Maxay ku aas-aasmeen? Yaa abuuray?Yaa wax ka qaban kara? Sow su’aalahaa la is weydiin mayo marka meesha la isugu tago waaba haddii la soo hadal-qaadee? Mase la is weydiiyay horta cidda ogol in soomaali in ay wax noqoto! Yaase u heysta in shakhsiga soomaaliga ah wax qaban karo haba la caawiyee.

Ciyaarta soomaalida lagu hayo waxaa ka mid ah in hal meel la isugu keeno Somali-land, Puntland, Gal-mudug, ururka Ahlu sunna Wal-jamaaca, qeybo kale oo soomaalida ka mid ah iyo dowladda FKMG ah oo sheegata in ay kuwaa iyo kuwo kale oo ka maqan ay dowlad u tahay. Intaas oo qolo ma siman yihiin? Magac ahaan iyo maamul ahaan midkaad doonto ka eeg ma u siman yihiin? Ma isku hadaf iyo ujeeddaa? Ma waan xitaa la is-weydiineyn qaanuun ahaan sidee SAX ku tahay in Dowlad iyo maamulo si siman shir looga wada qeyb geliyo? Haddii meesha dowladi ka jirin maad maamul goboleed u aqoonsataan sidaana isugu keentaan? Waxay na leeyihiin dowladda soomaaliyeed ayaa jirta haddana waxay ku leeyihiin iyada keligeed lama xaajooneyno.

Jahwareer kale waxaa ah, maamul dowlad sheeganayay muddo 21 sano ah uu maalmahan bilaabo in uu shirarka soomaalida ka qeyb galo. Waxaase iiga daran dadka soomaalida ah ee goboladaa ka soo jeeda oo wixii loo sheego iska qaadanaya. haddaadse talada yurub ee ku oggoleysiisay in aad soomaaliweyn meel la soo fariisato, maxaad ku diiday midda walaalkaa soomaaliga kula ah kaaga imaneysa? Waa wax iga yaabiyay!!

Jah-wareerka iyo ciyaarta soomaaliya ka jirtaa dhammaan mayso inta sidan wax ku socdaan ee waxaa jeclaan lahaa in aan ummadda soomaaliyeed weydiiyo:

Ma u maleyneysaan in shirka London wax wanaagsan ka soo socdaan? Ma u maleyneysaan in maadaama aad tashan weydeen markan la idiin talin doono? Ka warama haddii qaabka laguugu talin doono lagasoo min-guuriyo nidaamkii faasid-ka ahaa ee aad aqbashay ee 4.5 oo weliba .5-ku adigu (soomaali) noqoto afarta kalena dowlado ama ururo shisheeye noqdaan ama mid ka sii xun? Maxaadse ku diideysaa haddaad markii hore ku qanacsaneyd?. Ka warama haddii shirku ka soo baxo hadal ah in Magaalo madax laga dhigo meel ka baxsan Muqdisho, sida Hargeysa ama Garoowe, inta kalena maxmiyad la geliyo? Ma ku qanceysaan oo ma ku heshiineysaan SIDAA!! mise xalku weli gacmihiinuu ku jiraaye oo dhibka idin heysta adinkaa garanayee intaad shirarkan aan dantu idiinku jirin iska deysaan ayaad ummadda dhibka ka saari doontaan?

Wabillaahi Towfiiq

Farah Warsame

Melbourne Australia

Bile1971@hotmail.com

 

==========================================

QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

Share

9 Responses for “Shirka London….Ma inta naloo sheegay oo keliyaa?? Mise wax kalaa jira??”

  1. calanleey says:

    War cawaantaan xamar tuuganinmada la fadhida wax walbaa dhaama ,gumeeysi gaan ka xignaa kuwaas.sinji xumadoodaa waxaasoo dhan keentey ,shanta qaaradood ee aduunka meesheey tagaanba soomali waa laga nacaa Marki dhaqankooda la arko inta eeyan meeshaas imaan dadka jooga sida looga jecelyahay ma maleeynkartid.mar alaale iyo markaad aragto wax daciifnimo ah iyi wax isdaba Marin beeyku jiraan.kuwaasi enta eey soomali yihiin sharaf yeelanmeeyno

  2. abdiyare says:

    meshaan wax kasoo baxaayo ma jiraane waa shinbirayohow heesa somalia maxmiyada horay bey ugu jirtey lakiin hada waxaa la gaaray xiligii layinoo bareeri lahaa marka ciyaarta waa gabgabo.

  3. libaax says:

    Anoon hadal badan halkan kaga faaloonaynin arintan kor kuxusan waxaan ku soo gaabinayaa hadii soomaali dawlad la larabo shariif ahmed miyaa noqon lahaa madaxweeyne sida u fahma sida laynoogu ciyaarayo hada waa shariif ahmed!!!!!, Malaha raganimo iyo karti shaqsiyadeed,malaha diin,malaha wadaniyad,kuma kalsoona in uu soomaali yahay dhulkana leeyahay.

    bal ufiirsada soomaaliyeey hada waa shariif ahmed waxa laynaga dhaadhiciyay waa madaxweeyne!!!!

  4. Rigo ...habar bayska haw-hawlee heelada inoo tuma. says:

    Intaa kore iyo waa isla araganay waraqada mr ingriis…aragtiydana waa haynaa shakhsiyeed ..dhaliilaheenuna waa kuwa aan marna ka hor imanayn waxay cidkale inagula kacayso.waxaanse jeclaan lahaa qoraagu inuu ku darsado fikirkiisa waxa bad baadinaya ama xalku la yahay …waanse dareemayaa oo nin kasta oo keena hab wax lagu xalinayo waxa is yeelanaya sumada reerkiisa iyo sida xalku ku jiro..marka wuu ka gaabsaday si aan loo ogaan cida uu yahay baan filayaa .Soomaalidu waxa la oran jiray.. waa isi suurad taqaan..ha qariibsan waayo ?dhaliilaha uu saaray meesha yay ka muuqataa qolooyinkii..inuu iska dhamyastirto baa horta ila roonayad…waa sababta aan u leeyahay”Habar baa iska how -howleee heelada inoo tuma”
    Taariikhda waxaa loo qoraa si aan loogu dhicin khaldaadkii mujtamucu soo maray ama waa dariiq laga anba qaado meesha loo socdo iyadoo laska ilaalinayo in dib loo noqdo..1950kii buu dalkani galay maxmiyad xiligaas oo UNku u dhiibay Talyaaniga si uu u gaarsiiyo ismaamul.waxaa laynoo dhiibay 1960tgii wiilal hanaankaa qabiilka iyo fawdo musuqmaasuq hareeyeen ..iyadaoo la ogaa waxii ka dhici jiray doorashooyinkii dawladahii la oran jiray waxay ahaayeen Dimoqraadi..hadaba dadkaa lahaa dhaqan iyo wax cesha oo layiraahdo isku filaansho ama qanaaco wadaniya nimakii meesha joogay kuwan uun bay la mid ahaayeen..ee wax la sii wada ayaan jirin.waxaynu ku gaaray tii kacaankii 21Oktoobar taasoo ay la yimaadeen dhaliyaro ciidankii xooga ah oo leh aragti iyo han aad u sareeya.waxay wadanka markaliya galiyeen samada..waxa kaliya oo ay waa yeen back up ah oo la haya talda oo dhinacii waxagaradaka soomaliyeed.ingaa rifnay…Jabhaddii qabaliga ahaa ayaa afka ciida u daray iyadoo reeraha maanta horboodaya siyaasada soomaaliya ay masuul kawada ahaayeen
    kuna qanacasan yihiin waxa ay horjoogayaasha ka yihiin …hadaba maxmiyada maanat soomaaliya waa kawada masuul dhamaana foolxumadeeda waa ka siman yihiin…u malynmaayo tolkaa adaa u fariidsan faan iyo wax lagu farxo inay tahay..oo laguu adeegasado dadkaaga dayoo dhiilada maanta afaka gacanta lala saarayo xal waa leedahay.
    mida kowaad in dawlda ku meelgaarka loo daayo shirka oo iyadaa na matasha loo joogsado kuwa kalena ay banaanka ka joogaan ..waayo iyaba waa ku wada jiraa ama 4.5 an ku joogno ama si kalee.
    iyadaoo la xulanyo raga shirka ka qyb galaya…sida Madaxwaynaha raisulwasaaraha.gashaandhiga iyo laba kale.
    In shacabka soomaliyeed ka hor cadeeyo fagaarah shirku ka dhacayo rabitaankooda iyagoo qolokii lakala geliyay ka xoroobay…oon ahayn shabaab…puntlaand soomaalilaan iyo ficiis laandmidan muujiya rabitaankooda cadeeyana waxan inanay matelin soomaali..rabaan sida ay u arkaan xal oo ah
    si uun …iydoo laga run sheegayo ..
    haddii kale inaga daay oohinta yaxaaska waa wadaqabanaa daawashiyo ceebe…

  5. Assala,mucalaykum soomali wayn gar ahaan ninka qoray faalladaan
    Salaan kadib Qoraagu waxaa UU sheegay iyo Su, aallaha, UU,Nawaydii,Yay Waa, wax jira Aniga Waxaan Dhihii Kara Waxaa Keenay shirka London Qodobadaan Sosocd==============

    1,, Dawlada Ingiriiska Waxay ma mid Tahay Dawladihii Soomaliya Soo Gumaystay,
    Hada waxay dareen Tahay in soo maliya Xasilooni ay ku soo fool leedahay kadib markii casimada xamar laga saray al shabab, marka dano gara oo ay ka lee dahay soomaliya baa meesha ugu muuqan wayay waxana siyasadii soomaliya uga dheereyay maraykanka sidaa bay shirka u qabanaysaa iyo inay awood buuxda ku yeelato fara galinta soomaliya

    2,,, Soomaliya Gar ahaan Puntland waxaa ka socoda shidaal baris waxana laga yaaba in shidaal laga helo marka sidii loo qayb san lahaa, ayaa laga shiraya , iyo in ay dawladaha soomaliya lugta kula jira ay shidaalka ula wareegi lahayeen,,

    Gobolada waqooyi galbeed soomalya soomali land waxaa soo yaraaday wixii ay ku Hadaaqayeen 20,, oo aha gooni isu taag kadib markii ay ku dhawaaqeen inta badaan bulshada inay Diyaar u yihiin mamul goboleedyo hoostaga dawlada dhex ee soomaliya , taasna dawlada ingariiska Waa ka xun tahay oo waxay rabta in soomaliya la kala qoqobo, marka shirka dawladaha ka soo qayb Galaya bay raba in ay ka dhadhiciso,, in an soomaliya la isku keenin

    3,, Waxaa waa yahan dabe soomaliya deeqo soo garsiiya si toosa dawlado islaama sida turkiga Iraan kuwaayd iyo qadar oo an ciid kale u soo mar siin deeqda soomalia ay siiyaan

    Dawlada ingariiska taas waa ka xun tahay waxayna raba in deeqda la siinayo soomaliya loo marsiiyo Haa,yado reer Yuruba oo London sal dhig kuleh,, aniga waxay ila tahay wWa Qodobadaas iyo Kuwo kale oo badaan danta shirka ee Ay ka lee dahay Dawlada Ingariiska

  6. reer mudug says:

    runtii waa maqal wanaagsan , wallaal faarax waad mahadsan tahay

  7. Amiirdaldoon says:

    Hadee haday ciyaarta tahay gabagabo, sidaanna bal ka warrama:
    Tubta Nabadda Geeska: aan xorownee horta ma xorayn karaynaa dariskeenna?http://www.hornpeace.webs.com

  8. Famow says:

    Qoraaga ma qaalka qoray waa soomaali sax ah, lakiin dadka kale oo meesha wax ku qoroyow waxaad moodaa in aydaan wali fahmi micnaha laga hadlayo, oo fakarkiinu ku filyahay qabiilka iyo in aad caydaan kaad ka dhalatay ma ahee kan kala. Allah waxaan ka baryeynaa in aysan gaalo naga faa’iideysan oo ILLAH naga qabto, Dawlad caadil ahna noogu dhiibo hugaanka, Allah waxba kuma adka.

    ILLAHOW shacabka somaliyeed kuwa dantooda garta ka dhig. AMIIN

  9. somali says:

    waxaa jirta sheeko xariiro caan ah oo somalidu wada taqaan sheeka xariirada waxaa loo yaqaan (habarar dugaag iyo qaybsigii hasha ) sheekadaas gudaheeda waxaa ku jirta in libaaxa oo ah boqorka keynta u marba rayi iyo talo ka ururinayo xaywanada kale ee kaynta kula nool sidii hasha ay uqaybsan lahaayeen balse uu markasta qoonsayay taldooda ilaa markii dame loo gartay inuu hasha isagu wad qaato waxaan filayaa hasha laqaybsanyo waa somaliya gorgortankana waxaa ku jira waa reer galbed kolayba anigu ma garanayo midka aar libaax noqonaya (ingiriis maryka talyaani russh) balse waxaa muuqata dowacda hasha wada bixinaysa inay tahay ithopia

Leave a Reply

test

d

test