Soomaaliya Soomaali baa dayacday
Maxaa ka jira Eedeynta ay Soomaali usoo jeedinayso dowladaha adduunka.
Cabdixakiim Jaamac Jooje
saicentadv@yahoo.com
Feb 04 2012
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeenii ayeey korkiisa ahaatay. Kadib dhammaan akhristayaasha sharafta iyo qadarinta mudanoow iga gudooma salaanta islaamka ah ACWW.
Tan iyo burburkii Soomaaliya kolkii ay dowladii dhexe meeshaa ka baxday 1991kii, akhbaarta dalkeena kasoo yeeraysay waxa ay aheyd mid midda kale ka daran oo isku day walboo la sameeyo waxbaa laga sheegayey ama waa la durayey illaa aakhirka la fashiliyo. Waan qirayaa oo waa wax jira in ay faragelin shisheeye ay nagu jirto, waan qirayaa in dano badan nalaga leeyahay, waan qirayaa in aan naloo ogoleyn in aynu madaxa kor u soo qaadno, laakiin su’aasha waxa ay tahay yaa siiyay fursadaas oo laga faa’ideystay. Waxaan filayaa haddii aan la helin jawaab sax ah ama aan runta haba qaraaraatee aan la sheegin in weligeen aynu sidaas ku sii jireyno.
Waa wax jira oo dunidoo dhan ay soo martay in waddan walbaa uu ka dhaco dagaalo sokeeye, laakiin markiiba la xaliyo ama ay ummado kale u soo gurmato oo la helo xal. Annagu waynu isleenay oo waynu kala tagnay, aqoonyahanadeenii, waxgaradkeenii, culumadeenii iyo qof walboo doonayey in uu ka shaqeeyo wanaaga Soomaaliya waxa ay noqdeen wax la laayo iyo wax waddankii kasoo qaxay iyo inta hartay oo gacan ku gabad ah. Iyadoo loo jeedo qaladkii ayaa haddana leyska indha tirayaa oo qof sheegaya ma arkaysid sida runtu tahay. Ummad waliba waa ay leedahay dad wanaagasan oo mar walbaa ka taliya wanaaga iyo kuwo xun oo had iyo jeer leysaga hayo hangool oo waliba qaarkood xabsiyada loo taxaabo. Innaga hadeynu nahay Soomaali waxa aynu leenahay dad aad iyo aad u wanaagsan oo wanaag doon ah, nasiib daro waxa naga batay caadifada aynu u heyno qabiilka iyo danaha gaarka ah oo qof la ogyahay waxa uu ku sugan yahay ayeynu ku taageeraynaa xumaan uu u bareeray. Sidoo kale qof wanaagsan oo wanaag doon ah ayaa looga hor imaanayaa qabiil hebel ayuu ka dhashay.
Haddii aad gurigaaga dayacdo oo aadan albaabada u xirin oo wixii soo galaba aadan ka hadlin, Haddaba ogoow gurigaas ma badbaadiyo oo wax walboo jira ayuu halis u noqonaya. Haddaba sidee ayaad ku fekertay waan daneysanayaa oo haddii aan aqoonyahan ahay ama aan ahay qof uu Allaah hanti siiyay sidaan doono ayaan u soconayaa oo waxba igama gelin waxa dhacayaa, haddana waxaan rabaa in uu waddankeeygii ii badbaado, runtii waa labo aan meel wada geli karin. Waddanka adiga dayacay, adiga iska qaban waayey kaaga xun, adiga walaalkaa u arkay cadoow, adiga dhulkaagii kala fadilay, adiga kaaga wanaagsan u arkay shisheeye, adiga kii waddanka wax u qaban lahaa ka shaqeeyay sidi loo qaarijin lahaa, adiga hantidii waddanka ka dulaalaya, adiga dadka qaar yiri waa laangaab, adiga keenay in Soomaali ay is cunsuriyeeyso. Haddaba maxeynu u eedeynaynaa umadaha kale, waa lagu soo hunguriyeeynayaa qof wanaagaaga jecel iyo mid ku necebba. Waddan ma jiro adduunka oo ay dhibaato ka dhacdo. Illaa wuu kasoo kabsadaa. Waa yaabee adiga maxa ku heystay, hoos ma isu fiirisay.
Aayad quraan ah ayaa micnaheedu wuxuu ahaa { ha I eeydeyninee, ee idinku eedeeyaa nafsaddiina}, annagu aynu xisaabtano oo aynu fiirino waxa naga qaldan. Waxaan aaminsanahay haddii aynu la nimaano xisaabtan dhab ah oo aynu iska qabano caado qaataha, gacan ku dhiiglaha cidduu doonaba ha u dhashee, kan dalkii gadanaya, kan nakala qeeb qeebinaya, kan cunsuriga ah ee nagu dhex jiraa, kan aan Allaah aaminsaneen ee dantiisa iska wata iyo mid walboo xun oo nagu dhex jiraa. Sidoo kalena aynu soo dhaweyno qof walboo wanaaga wada oo naga mid ah oo aynu u aragno Soomaali meeshuu doono haka yimaadee oo fiican qof walaalkay ah, oo magaalooyinka uu waddanka ka kooban yahay ay isku kaaya mid noqdaan, oo mar walbaa aad taageerto wixii xaq ah, kadibna aad Allaah talo saarato markaas ayaad gaareysaa heer lagaa heybeysto oo aan si sahlan laguu soo dhex galin. Soomaali maanta waxa ka maqan waa isku xirnaantii iyo wanaagii ay dhexdooda ku maamuli lahaayeen ee ma jirto cid nasoo dhex gali kartaa.
Waxaan hadlkeyga ku soo gabagbeynayaa waxa ma tareyso in aynu cid kale eedeyno ee aynu annaga xisaabtano raadinana waxa wanaagu uu ku jiro. Boqolaal shirar oo la qabto waxaan aaminsanahay haddii ayan innaga naga imaan meel lagu gaaraya ma jiraan. Soomaalia Soomaali baa dayacday ee innagaa nalaga doonaya sidi aynu u raadin laheyn midnimadii iyo qaranimadii dhulka lala galay. Inta uu qof walbaa iska qabanayo kiisa xun, uuna soo hormarinayo kiisa fiican ayaanu rajo leenahay ee soomaliyeey dhulka aynu iska qaadno. Innagaa isu keenay in nala yiraahdo Soomaaliya waa dowlad fashilantay oo waliba ay qaar naga mid ah ay kalimadaas ku raaxeysanayaan inta ay ka damqi lahaayeen. Waxaan aaminsanahay cid noo imaan kartaa ma jirto haddii aynu is habeyno oo aynu soo celino sharaftii iyo wanaagii nalagu yiqiin.
Allahayoow naga kor qaad dulliga ina heysta, Allahayoow Soomaali niyadeeda burcad isu mari oo Allahayoow naga qabo inta xumaanta wada ee nagu dhex jirtaa. Allahyoow talada wanaagsan na waafaji.
Wabilaahi Towfiiq
Qalinkii Cabdixakiim Jaamac Jooje
saicentadv@yahoo.com
Social Development Adviser – Leicester UK
==========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM

mar hadaad mareegtaan wax ku soo qoratay waxaan u qaadanayaa in soomaaliwen aad ula danleedahay in qoaalkaagu gaaro aan ku weydiiyee maxaad somali oo dhan isugu qabaneysaa ma gibil cad iyo jareer baa dhib geysatay sxb jooje hadaad qoraa tahay runta lagama leexdo fuleynimo looma baahna rag qabiilo adeegsanaya ayaa dhibka soomaaliya ka danbeeya saas in aad wax u aabaartid baa haboonaan laheyd
Barnaamijkii falaanqaynta jimcaha ee BBCda ee asbuucaan (3.02.12) oo Soomaalida u siyaadiyey qalbijab!
Wasiirku miyuusan wax ishaarin markuu isticmaalay kalmadaha
(dhibka wixii keenay – Root Causes of the Problems)?
1- Marnaba lagama dhawaajin UK inay tahay mid ka mida sadexdii dal ee reer Yurub ee eelka dhigay, ayna tahay waajibkooda inay sidaas waajib ugu tahay inay dib ugu soo laabtaan goobta iyagoo markaan u socda oo kaliya inay xalliyaan sharkay ula kaca u falkiyeen, xalkuna yahay inay dib u mideeyaan shantii Soomaaliyeed qaab federaala oo leh madaxtooyo iyo ra’iisul wasaare wareegaysta iyo caasumad cusub oo la soo dhigo bartamaha dalka sida gobolka Mudug;
2- Waxaa laga dhawaajey inuusan jirin dal yimid Soomaaliya waayahayn dambe oo dhul boobay! Mana jiro dalalka aduunka mid aan dhul ka boobin Soomaalida! Waayo dhammaantood waa mid boobay iyo mid u aqoonsan oo ku xishmeeya oo dhulkaas iyo dadka ku dhaqanba u yaqaan una aqoonsan qab ka mida dalka haysta sida Itoobiya iyo Keenya. Dunida oo dhan waa qaade ama qarshe xitaa Turkiga oo aqoonsan masaafada iyo shacabka ay sheegtaan Itoobiya iyo Kiinya!!!!!
Ingiriisna hadee waaba eelka kii dhigaye ha xalliyo dhibka hana bixiyo magdhaw isagoo la kaashanaya walaalihiisii uu watey markuu eelka dhigayey marbana qaybta siinaayey (wa Fraans iyo Talyaaniye) amaba wax la boobaayey, mana gumeysan Waqooyi galbeed Soomaaliya oo quree ha illaawin inuu guymeystey Koofur Galbeed soomaaliya oo loo yaqaan Waqooyi Bari Keenya, NFD ama Gaarisa, uuna walina ku haysto qanjaafulaha iyo cidiyaha Kenya!
Nin afgaaban laga dhaafi dhaxalka hooyadiis ayaa lagu maahmaahaa. Soomaalidu intay ka aamusan tahay dhibka jira, wuxuu ka soo ankumay, cidda ka masuulkaa iyo xalkiisa dhure u dhici maayo mana jirto cid u maqan iyo ceel u qodan toonna. Faahfaahin: http://www.hornpeace.webs.com.
Ingiriisku amaba Willian Hague isaga qudadiisa ayaa ka dhawaajey xalku inuu yahay in meesha laga saaro waxa ay ka soo askumayaan dhibaatooyinka Geeska Afrika! Miyuusan ahayn nin weyn oo ishaaro bixiyey? Soomaalidu miyeysan ku sifoobeyn oraahda ”haddii gacant afka loo galiyo qofkaasi ma calashan karo bal inuu isagu shaqaysto daayoo”.
Wasiirka UK haduu leeyahay halla xalliyo dhibka wixi keenay meesha hallaga saaro, isuguna yeeray dunidii ku wada lug yeelatay jariimada, waxna ka badali lahayd khalad keeda, maxay Soomaalidu isu dhamaageysaa oo eysan uga faa’iideysi dooneyn?
War taladi ba’dayoow sow talo kuuma dhalato? Soomaalidu arkimeyso xorriyado yaryara oo tafaariiqa oo uu reer waliba dhinac ula jeedsado. Jumlad kaliya ay ku xoroobi karaane hallaga dalbo dunida shiraysa in dib loo mideeo Soomaalida markaas ka dibna la sameeyo suuq u dhexeeya dalka cusub ee Soomaalida federaalka ah iyo dalalka dariska la ah.
Inta laga aamusan yahay isburinta labada xeer ku sheeg ee UNka iyo OAUda, lana dooneyn xorriyadda Soomaalida oo dhan iyo midnimadeeda, waxa kale oo dhan waxba tari maayaan, nabadina kama soo socoto gobolkaas iyo nolo karaama leh midnaba sida la qiyaasi karo, waayo waxaaba sii soconaya dulmigii keenay dhibka jira sida uu isba ka hadlay wasiirka Ingiriisku.
Qore: Cabduraxmaan Xuseen Maxamed, Amiirdaldoon, Denmark, amiirdaljire@gmail.com
marna puntland u olalee jooje marna soomaali ka hadal adiga ma munaafuq ba tahay waligaaba kama adan qorin wax soomaali dan u ah yaa hada qubaxa u shegee
qoraaga waa uu ku mahadsa yahay dhib ayaa soomaalida ka batay iyagaa loosoo adeegsadaa dhibkii wadanka agu sameenayo waxaana dhibkaas bilaabay cabdulaahi yuusuf, AUN Ceydiid, AU Tuur, Siilaanyo iyo rag kale oo badan reer galbeedka in ay dalkaan ay sida falastin ay inta Intrim Autority u sameyaan ay gumeystaan ayey u socdeen taasna haa Gaas iyo Shariif ayaa u fududeenaya marka waa in meel looga soo wada jeestaa kuwa shira u olaleenaya iyo kuwa tagaya.
Aaww, waa dadaalay qoraga ajarna alle ha kaa siiyo waana runtiis, xadiith ayaa micnihiisa ah ”reer bannii israaiil waxa loo cadaabey kooda xun oo ay iska qaban waayeen. Walaal ducada aad ku soo gababeysay ayadaas baa wax na tari oo nagu filan Soomaali hadaa nahay ee aamiin, aamiin, aamiin. Alloow aqbal, inta mu’minka ahna aamiinta ha ku soo kaalmeyso.