Tartanka Ciyaaraha gobolada Puntland: Hayland iyo Karkaar oo Galabta Kulmaya
Garoowe[RBC Radio] Waxaa galabta kukulmi doona garoonka Kubada cagta ee Mire Awaare ee magaalada Garoowe gobolada Karkaar iyo Halnad oo ku wada jira Group-ka A ee Tartanka Ciyaaraha Puntland.
Qaban-qaabo xoogan ayaa laga dareemayaa gudaha magaalada gaar ahaan garoonka oo ay wadaan labada gobol ee Karkaar iyo Hayland,waxaana mid weliba uu doonayaa in galabta guushu ay isaga raacdo.
Haddii aan dib u fiirino tayada iyo guulaha labada gobol ayaa dadka Ciyaaraha falanqeeya ku sheegaan in gobolka Karkaar uu yahay mid wata Xiddigo dhowr ah oo horey ugu soo ciyaaray Koobkii gobolada dalka Soomaaliya gobolka Bari oo isugu kaalinta labaad ka galay Tartanka,haddii Xidigahaas wax ka sheegnana waxaa kamid ah Daacad,Maxamed Qalbi iyo kuwa kale.
Dhanka kale gobolka Hayland ayaan la saadaalin karin heerka qaab ciyaareed ee Ciyaartoydiisa taasoo ay ugu wacan tahay in uu yahay gobol ku cusub ka qeybgalka Ciyaaraha gobolada Puntland markii ugu horeysay balse la arki doonee waxa uu la yimaado.
Tartankii bilowday shalay ayaa waxaa ku kulmay gobolada Bari iyo Nugaal,waxaana 2-1 ku badisay gobolka Nugaal oo martida loo ahaa.
Filo Sawirro iyo Natiijada Ciyaarta galabta Raxanreeb.com
RBC Radio
Xafiiska Wararka
Garoowe
[...] Originally posted here: Tartanka Ciyaaraha gobolada Puntland : Hayland iyo Karkaar oo galabta Kulmaya. [...]