Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Iyo Qubanayaal Sport

Facebook Recommendations

Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin
Share

Muqdisho (RBC Radio Sports) Suuqa kala iibsiga ayaa waxaa jira ciyaartoy badan oo lagula kala wareegay isla markaana ay kooxuhu kala qaateen si ay ugu soo shartagaan xili ciyaareedkaan.

*Xidigii qadka dhexe ee kooxda Inter Thiago Motta ayaa xaay ku biiray kooxda PSG ee wadanka France.

Ciyaaryahankaan ayaa waxaa si aad ah u soo dhoweeyay taageerayaasha kooxda PSG ee wadanka France, waxaana sidoo kale ciyaarayahankaan ka dhaxay taageerayaasha inter

*Weeraryahankii hore ee kooxda Liverpool Djibril Cisse ayaa ka dhaqaaqay kooxda Lazio waxaana uu ku  biiray kooxda aadka isku hubeysay ee QPR, waxaana xidigaan aanan wali la shaaqin qiimaha uu ku wareegay.

*Kooxda AC Milan aya  garoonkeeda ku soo dhoweysay xidigii kooxda Inter Sulley Muntari kaas oo amah ugu ciyaari doona inta ka dhiman xagagan kooxdaan weyn

*Xidiga loo yaqaano Ronaldniho-ka South Africa Steven Pienaar ayaa dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Everton waxaana ciyaaryahankaan uu ka wareegay kooxda Tottenham ee isla wadanka England.

Dhanka kale xidiga kooxda Man C. ee Tevez ayaa ogaaday in uu suuqa kala iibsga uu ku xirmay isla markaana ay kooxdiisa arintaasi ugu talagashay, xidigaan ayaa xiisaynayay in uu isaga hayaamo kooxdiisa.

*Kulamo ka tirsan horyaalka wadanka Talyaaniga ayaa la ciyaari doonaa kuwaasi oo aad u xiiso badan.

Kulanka ugu adag ayaa waxaa isku arki doona kooxaha Lazio iyo Ac Milan waxaana kulankaasi uu ka dhici doonaa garoonka kooxda Lazio waxaana kulankaan uu yahay midka kaliya ee isha lagu wada haayo.

Kulamada kale ayaa kooxuhu waxey isku arki doonaan sida tan.

18:00        Atalanta     ? – ?  Genoa

Postp.       Bologna     ? – ?  Fiorentina

20:45       Cagliari      ? – ?  AS Roma

20:45       Inter Milan ? – ?  Palermo

20:45       Napoli        ? – ?  Cesena

Postp.       Siena ? – ?  Catania

20:45       Udinese     ? – ?  Lecce

Sidoo kale waxaa la ciyaari doonaa kulamo kale oo ka tirsan horyaalka wadanka England, kuwaasi oo leh xiiso gooni ah.

19:45       Aston Villa  ? – ?  Queens Park R.

20:00       Blackburn R.       ? – ?  Newcastle U.

20:00       Bolton W.   ? – ?  Arsenal

20:00       Fulham      ? – ?  West Bromwich A.

20:00       Sunderland ? – ?  Norwich C.

RBC RADIO SPOR

Xafiiska Muqdisho

Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar

 

Share

Tags:

Leave a Reply

test

d

test