Xulka Kubadda Cagta ee gobolka Bari oo u Ambabaxay maanta Magaalada Garoowe [Sawrro+Codad]

Facebook Recommendations

Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin
Share

Boosaaso [RBC Radio] Xulka Kubada Cagta ee gobolka Bari ayaa maanta kulan lagu sogootinayey waxaa loogu qabtay guriga gobolka Bari ee magaalada Boosaaso.

Kulanka ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan,Guddoomiyaha Ciyaaraha gobolka Bari Mustafe Majacase ,Ciyaartooyda gobolka iyo Taageerayaal farabadan.

Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan oo kulanka Sagootinta ah qabtay ayaa Warbaahinta u sheegay in Kooxda kubada cagta ee gobolka Bari ay u rajeynayaan guul,wuxuuna tilmaamay inay si weyn ugu faraxsan yihiin horumarka uu gaaray gobolku dhanka Ciyaaraha oo uu guulo lama ilaawaan ah usoo hoyey.

Halkaan Ka Dhageyso  Khudbadii Guddoomiyaha Kubada Cagta gobolka Bari Mustafe Majacase

…….”Ciyaartoyda gobolka Bari oo ku caan ah laguna bartay firfircooni, koobabkii lagu qabtay Puntland ee heer gobol ahaana intoodii badneyd ku guuleystay hadeerna rajeyneyno haddii Ilaahay idmo in ay kasoo hooyaan guul kuna guuleystaan Koobka ….”ayuu yiri Guddoomiye Galan.

Guddoomiyaha Ciyaaraha gobolka Bari Mustafe Majacase oo ku weheliyey Sagootinka Ciyaartoyda gobolka Bari ayaa xusay in sidii looga bartay Xulkaan kusoo bandhigi doonaan wacdaro,wuxuuna wax lagu farxo ku tilmaamay in maanta ay Shacabka kunool gobolka ay yihiin kuwa si siifan u fahmay waxtarka uu Sports-ku u leeyahay bulshada.

Sidoo kale Tababaraha Xulka Kubada Cagta gobolka Bari Shariif Maxamed Cadow[Shariifow[ oo isna la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in uu ku kalsoonyahay tayada Ciyaartoydiisa uuna filayo in ay guulo la taaban karo kasoo hooyaan tartanka koobka gobolada  Puntland ee lagu qabanayo magaalada Garoowe.

Halkaan ka Dhageyso Khudbadii Tababaraha gobolka Bari Shariif Maxamed Cadow

Si kastaba Kooxda kubada cagta ee gobolka Bari ayaa la filayaa in berrito ay wada ciyaaraan Xulka dhigiisa ah ee Nugaal,waxaana si weyn looga dareemayaa gudaha ,agaalada Garoowe iyo Puntlandba Ciyaaraha Puntland.

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Wararka
Boosaaso

 

Share

Tags:

Leave a Reply

test

d

test