DOOD FURAN: Maxaa Lagu Xusuusan Doono C/laahi Yuusuf Axmed ?


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Allah ha u naxariistee Waxaa habeenimadii Jimcaha 23-ka Maarso 2012 magaalada Dubai ee wadanka Imaaraadka Carabta ku geeriyooday Madaxweynihii ee DKMG Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed oo beryahan ku xannuunsanaa isbitaal ku yaalla Dubai.

Haddaba maxaa lagu xusuusan doonaa marxuumka?  Aan soo qaadano dhowr dhacdo oo xaqiiqo ahaan u dhacday.

1- Wuxuu ahaa aas aasihii Jabhadii SSDF ee dagaalka la gashay dawladii Maxamed Siyaad Barre.

2- Wuxuu ahaa sarkaalkii ugu horeeyay ee Soomaaliyeed oo isagoo Ethiopia gudaheeda jooga diida in degmada Balambale ay Ethiopia leedahay taasoo uu xarig mudo ku dhow 7 sano uu ku muteystay.

2- Wuxuu ahaa aas aasihii maamulka Puntland 1998, iyo madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland.

3- Wuxuu ahaa ninkii hubka ka dhigay maleeshiyaadkii qabaa’ilka ee Puntland ku sugnaa kana qaaday isbaarooyinka daadsanaa wadada u dhexeysa Gaalkacyo illaa Boosaaso.

4- Wuxuu ahaa madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya oo habka federaalka qaadata nasiibna u yeelata inay Villa Soomaaliya salka dhigto tan iyo 1991-kii inkastoo ay gelbinayeen ciidamada Ethiopia.

5- Wuxuu ahaa hogaamiyaha maamul ka qabta Soomaaliya oo aan wax dhaqaale ah keydsan, aan guri ka dhisan gudaha iyo dibada dalka.

6- Wuxuu noqday madaxweynaha kaliya ee Soomaaliya oo markii uu xukunka ka degey ka dib qoray buug ku saabsan taariikhdiisa iyo waayo aragnimadiisa.

……… Maxaa kale oo aad ku xusuusan kartaa C/laahi Yuusuf?

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

45 Responses for “DOOD FURAN: Maxaa Lagu Xusuusan Doono C/laahi Yuusuf Axmed ?”

  1. Buuhoodlawi says:

    INAALAAHI WAA INAA ILAAHI RAJUCUUN ALLA YAA RAXMAA

    Run ahantii hadan wax uun ka tabto madaxweynihii hore ee somalia col C/laahii yuusuf Axmed
    xaqiiqdu waxay tahay inan la soo koobi karin wax yaalihii lagu xususto balse waxan hada tabanayaa qar ka midaa…………………………………………………………………………………………………………

    1 C/laahi yuusuf wuxuu ahaa nin aad u neceb musuqmaasuqa iyo xatooyada xoolaha dadweynaha
    2 c/laahi yuusuf wuxuu ahaaa nin hadal cad oo an hadalkiisa la leexan runtana ka sheega hadalkiisa
    3 c/laaahi yuusuf waxan ku xusustaa hadalo inta badan somalidu diidi jirtay balse xaqiiq ahaa oo dadku caloolsha ku haysan jireen balse isagu uu si cad u sheegi jiray?
    4 c/laahi yuusuf wuxuu ahaa Caqligii ama maskaxdii ka danbaysay in dhidibada loo tagao maamul goboleedka Puntland mudadii uu xukumayeyna waxaa Asatan ahayd midnimo iyo isjacaylkii dadkii hore loo odhan jiray Puntland

    5 C/laahi yusuf wuxuu ahaa nin lagu tilaamo inuu lahaa saxiibtinimo kana fogaa qabyalada hoose
    6 c/laahi yusuf waxaa lagu xususan doonaa jacaylkii midnimada qaran ka hir gala somalia
    7 c/laahi yuusuf wuxuu ahaa nin mowqaf adag ruuntiina an aad ugu dhaga nuglayn wadamada shisheeyahaha tasoo Akhirkii keentay inuu ka dago kursigiisii madaxweyne nimo

    Mar labad waxan tacsi u dirayaa umada somaliyeed Gar ahan dehehladii madaxweyne Yuusuf

  2. Said Abdikarim says:

    Geesi halyeey qaran jecel, somalinimadu ay ku wayn tahay ayuu ahaa Mudane abdulaahi Yusuf ahmed, ilaahay janadi fardowso ahayd haka waraabiyo. wax badan ayaa lagu xasuusan doonaa, maahayn nin xaday hantida dad weynaha, sidaas oo kale nin been sheega ma uusan ahayn

  3. 1.waxa uu ahaa madaxweynaha kaliya ee xilka iska casilay isagoon waxtigiisi dhamaan , dan somaliyedna uga tanaasula .
    2. Waa madaxweynaha kaliya ee aan mucaarad ku noqon dowladi isaga ka danbeysay .
    3.Waxa uu si cad uga horyimid damacii ethopia ku dooneysay dakeda Kismayo .
    Iyo intaad sheegteen bahda RBC .

  4. reer mudug says:

    Inaa lilahay wana ileyhi raajucuun, ilaahay ha unaxariisto madaxweynihii hore dowlada federalka abdilahi yusuf axmed, wuxuu ahaa nin wadani ah, nin aanan waxna qarin oo laabxaaran, nin go aan qaadasho leh oo waxa wuu rabo yaqaan, cadeeyana, nin heshiisna leh dagaalna yaqaan….qofkii waxkale oo dheerad ah kahayo hanoosheego…….

  5. Daahir says:

    Hogaamiye u daacad ahaa dalkiisa

  6. Faarax says:

    Aniga fikrad ahaan waxaan qabaa in marxuumkaas dhintay dood laga furin laguna ekeeyo oo kaliya in loo duceeyo lana cafiyo waayoo hadee dood laga furo waxaa dhacda in qaladaad ka dhacay la soo bandhigo marxuumkana loo kafo xurmada maydku leeyahay rabi ha u naxaristo waana cafiyay anigu

  7. Wuxu kalo ahaa nin jecel wada hadalka intan caalwaa la isla garin wuxuu ahaa nin aragti dheer oo 1993 shegay in argagixiso ay jogan dalka somalia adunkana 10 sano ka dib garowsaday wuxuu lagu xasusan kara dowlada faderalka oo laga dhexlay nidam dowladed oo dhameystiran xafiskii madaxweynaha iyo gaarigi lagu qadi jiray iyo hal timbare o shaqenaya dowladihi ka horeyayna wey isla baa bi ijiren marka dowlad kale laso dhiso waxa laga dhexli karaa geedka weyn e u dhisay dadka reer puntland oo manta harsanayan wuxu qoray buug tarikhi ah o aysan jirin wali madaxweyne somaliyed o qoray wuxu u horseday somalida waji cusub marku is casilay magalada baydhabo wuxu kalo ahaa allaha u naxariste dhaman nin ka guul gaaray waxaa u hiigsanayay e ahayd in u ka miro dhaliyo hadafkisi ku adana in xukunka dalka qabto waxana la wada soconaa in dhaman shacabka somaliyeed ay u wada riyaqen lakin kooxaha xagjir ah ayey isku af garan wayeen oo diday wax allaale wax wada hadal ah oo sharafti iyo samcadi dalka dib loogu so celin lahaa ka dhago adegay waxa lagu xasusan karaa in uu ahaa wadani dhab ah marki dowlada ethopia ay u qabatay magalada balan bal o calanka ethopia laga suray u yirahdo ma ii qabaneysen mise waad qabsaneysen hadalkasna wuxu ahaa hadal dhaxal gal ah oo tarikh u sameyay qof kasta o somali ah waxan ka cududaraya in aanan halkan kuso kobi karin waxa lagu xasusto allaha u naxariste marxun abdulahi yusuf ahmed allana waxan uga baryaya janatul fardowso ka warabiyo ameen ameen by kamatage

  8. Ali Salad says:

    Somali waxay tiri dhimo ha lagu amanee. Cabdulahi deegaan iyo dhalasho cidna igama sokayso hase ahatee, Soomaali meesha ay taalo buu yaalaa. oo macnaheedu yahay haddii Soomaaliya ay wanaagsan tahayna Cabdulahi waa wanaagsan yahay haddii Soomaaliya xuntahayna asna waa xun yahay. Wabilahi Al-towfiq.

    PS: intaas aan iri aragti ugu filan ninkii wax garanaya!

  9. qabqabsay says:

    Ilaahay ha u naxariistee
    Askari khibrad iyo xeel dagaal leh buu ahaa.

  10. prof Piccolo says:

    INAA LILAHAY WA INAA ILAAHU RAAJUCUUN, ILAAHEY HA U NAXRIISTO
    waxaa uu ahaa odey somaliyeed, waxaa uu ahaa nin somali jacel,nin muwaadan, waxaa uu ahaa nin
    geed gaab iyo geed dheer u korey iney somaliya kabaxdo dhibka heysta,waxaa uu si cad ooga horyimid damcii ethiopia ay rabtey iney somaliya ku qabsato.mana aheen nin ogoon qalin ku xadey
    waxey u aayi doonaan nin asagoo kale ah oo daacad ka ah somalinimada waxey tahey ,dhamaan asxaabtii iyo ehaldii uu kabaxey marxuum C/llahi Yuusuf Axmed samir iyo iman alaha ka siiyo Amiin

  11. abdulkadir says:

    inaalilah waa ina ilahi rajucuun abdillahi yusuf ilahaye ha u naxa riisto dadka somaliyeedna waxaa usoo sheedina haya in aay caafiyaan haleyey abdulaahi yusuf ahmed yey oo ah geesii reer somaliyeed

  12. amla says:

    Inaalillaahi wa Inaa ileyhi raajicuun

    Waxaa lagu xasuusataa geesi nimo waxaa lagu xasuustaa wadani nimo waxaa lagu xasuustaa musuqmaasuq nacayb waxaa lagu xasuusttaa mid jecel bulshada reer Puntiland sidii ay ugu nolaan lahyeen nabadwaarta iyo hurumar waxaa lagu xasuustaa nabada iyo kala dabeynta ka jirta deganada puntiland.

  13. NINA says:

    marxuumka weli dhiigiisu ma qaboobin ilaahay qabriga ha u waasiciyo oo raxmadiisa ha tuso aamiiiiiiiiiiiiiiiiin
    ta ah waxa lagu xusuusan doono taariikhdaa taa qori doonta waayo wax tarka iyo camalka dadka taariikhdu gadaal bay ka qortaa oo waa been ma sheegto ta kaliyuu u baahan yahay maanta waa iyadoo intii wax ka tabanaysay iska cafido loona duceeyo marxuumka in ilaahay janadiisa baab waasac ah uga furo oo oo ilaahay u dembi dhaafo isagaa qaadir ehe aamiiiiiiiin

  14. ilahay ha u naxariisto kolay somali waxay ku xasuusanaysa ayada taqan balse anigu waxan ku xasuusan dona malintii galdogob xabashidu sheegatay ee tiri waa dhul ethiopia ee uu diiday yririna waa dhul somaliyeed wiliba intuu naftiisa khatar u galiyay idacad ka hadlay loona xiray markii danbe ayada iyo balan-bale taasna waan ugu ducayn dona insh alah in ilahay qabriga u nuuriyo

  15. dacad says:

    asc wr wr sln kadib cabdlahi yusuf waxu ahayba wu dhintay alaha u naxariisto ban kuso kobaya sababto ah waxu ahay koley intii somali ah oo idacad ka dhageysatay ama dhaqankisa aragtay fikir bey ka heystan marka laga rebo in yar oo qabiil k racsan

  16. xabiib says:

    waxa lagu xasuusan karaa.

    1.inuu ahaa ninkii ugu horeeryay oo si dimuquraadiya uga agay jagada madaxtinimo isagoo xeerinaya sadexwaxyaalood.
    1.burbur iyo dagaal somali kusoo laabta oo uu waayo aragnimo ulahaa faa’iidatiisa yaqaanay iyo khasarihiisa.waliba waxan xasuustaa maalin aaniri adeer anagu raali kama ahain waxaan dhibkii la’ogayd usoomarna inaa ciyaaruga tagno wuuxuu yiri waxai aad moodeen maahan omali dagaal danbe uma baahna.

    2.inaan baro somali in xilka lagatago oo uuan macno lahayn ee danta guud muhiimtahay.\
    3.inuu diidayay in ay burburto astaan dawladnimo oo uu aasaasay.

    waxaa kaloolaga xasuustaa inuu ahaa nin aqoon ulahaa umada somaaliyeed oo yaqaanay taariikhdeeda iyo waliba ad ahaan wxuu ahaa sidii nin nabadoona.

    4.waxaa kaloo laga xasuustaa inuu ahaa nin karti iyohufnaan leh.
    5.in uu ahaa nin muwadin ah .oo jecel dadkiisa iyo dalkiisa.
    6.inuu ahaa nin nabad jecel laakiin yaqan cadawgiisa.
    7.waxa uu ahaa ninka aan ka’aarsan qofka liita laakiin aarsada kan ay iska soo horjeedaan..
    8.waxa uu ahaa nin hadal kuweerara dadka diidan mabaa diididisakuwa kalana ugu hanjaba.
    9.waxa uu ahaa nin jecelinuu habeenkii lugeeyo sida gurigiisa dhexdiisa iyomarar suuqa iyadoon la’ogayn .
    10.waxa uu ahaa nin mararka qaarkood habeen barkii intuu soobaxo magaalada aada iyadoo dad yar laocdaan si uu uqaymeyo ciidanka iyo magalaadaba.
    11.waxa uu ahaa nin sheko badan ookaftan badan oo qosol badan.
    12.waxa uu ahaa nin aan dadka shaqadooda kuqabsanlakiin yiraahda qof waliba shaqadiisa hayaaqaano.
    13.ma’ahayn nin dadka lashaqeeya haruufa ama ku mashquula.
    14.ma’ahayn nin hunguri .
    15.ma’ahayn nin waxyar kutanasula waxa uu ahaa nin weel wayn wax kudoonanaya oo hanwayn.
    16.waxa uu ahaa ninkutaama inuu arko karamada iyo haybada umada ee gaasirantay oo soonoqota har iyo habeena.
    17.waxa uua ahaa nin jecel inuu geeska aanahay gayi hodana uu noqdo.
    18.waxa uu ahaa ninyaqaan ninkiisa iyo ragiisa.
    19.waxa uu ahaa nin aan hadal lagaban oo wax uu aamin sanyahay sheega.
    20.waxa uu ahaa nin mabdi’iisa ku’adag .
    21,misna waa uu ahaa ninmarkuu gaaga shekeeyo waxa uu kahaminayo jecel in hami wayn aad yeelato.
    22.waxa uu ahaa nimaan jeclayn doqonka iyo nin hunguriga raadiya.
    waxa uu ahaa nin warkiisu cadyahay.

    wabilaahi tawfiiq taariikhdiisa anoomakarafoon la’iidhiibaa dhamanykarin yacni waxbadan baan is ag fadhinay habeenkiina intabadan meel baanu kushekaysan jirnay angoo groub ah.

  17. cirmar says:

    inaa lillaahi wainaa ilayhi raajicuun
    marxuum A/yuusuf waxaa lagu xusuusan doonaa
    1) geesi wadani ah
    2) nin hadii wuxuu rabo cirka lagaga laalo isku dayi jiray inuu gaaro
    3) nin deeqsi ahaa
    4)nin aan lagu xaman tuugnimo iyo saqajaanimo kale
    5) nin wixii uu soomaaliya ka yiri oo dhami rumoobeen
    6)nin han weyni lagu yaqiin waligii
    7)nin wadani ahaa oo laga horyimi iyadoo loo isticmaalay qabyaalad, diin beenaad, wadaninimo beenaad hadana aan u joojin goaankiisii ahaa dalka iyo dadka dantooda
    8) nin dhammaan mucaaradkiisii oo dhan maanta wada jecelyihiin kana wada guulaystay
    9)nin somaali yaqaan
    10_)nin wixii xumaan laga sheegay oo dhami beenoobeen

  18. guray says:

    Anigu waxaan dhihi lahaa, haloo duceeyo. In laga faaloodo noloshiisa waxba ma kordhinayso aan ahayn dambi.

  19. farayare says:

    Faaraxow galgaladkaan dhigiyo gama’ la’aantayda
    Gogoshaan ku jiifsaday hurdada goodkii igu yaacay
    Gasiinkii la ii dhigay waxaan gawska uga daayey

    Dar guryii ka yimi baa war baas iila soo galaye
    Geeridii Xirsay sheegayeen gacal ha waayeene
    Goblamooyin waxay ii wadeen guuldarriyo hooge

    Gabbal baa u dumey reerihii geliga Booc yiille
    Abidkii rag waa go’i jiree tanise waa gaw’e
    Lix hal oo u wada gaar ahaa gocanayaa mooyi

    Mid weeye haddii lays galoo geel la kala qaado
    Gurmad noqonayaa iyo annagu guuto bixinnaaba
    Giiryaalihii fule markuu gelelef rooraayo
    Rogaalkuu giraangirin ogaa gocanayaa mooyi

    Geb hadday maritidu soo tidhaa goor u nala joogo
    Godka lagu janneeyow hadduu goosan la carraabo
    Garab saar rag weeyee hadduu gogosha soo qaado

    Gasiinkii la soo dhigay haddaad gal iyo daad mooddo
    Bakhayl baa gammiima’e intuu gaadhka ka qoslaayo
    Godolkuu ku haasaawin jirey gocanayaa mooyi

    Gar adkaatay, xaajada gurracan, guurti kala maagtay
    Haddii geedka laysugu yimaad golaha waayeelka
    Waxay gola fardooddaba haddii la isku soo gaadho

    Nin waliba hadduu gees damcoo giijo madixiisa
    Wax la wada gorfeeyaba haddii la isu geyn waayo
    Gaagaabsayaa iyo isagu gees u hadal yaaba
    Guddoonkii la wada raaci jirey gocanayaa mooyi

    Gugoo da’ay aroosyada haddii gowda laga saaro
    Shir girmidha haddii loo kiciyo gob iyo reer aada
    Gammaan naaxay heensaha haddii guudka laga saaro

    waa gelin is daawada halkii garangar loo joogey
    Gole igu bannaanaa wallee garab la’aaneede
    Gunnaduu ka soo toocin jirey gocanayaa mooyi

    Gardarrada sokeeyaha rag baa gees biciid u lehe
    Gudcurkiyo caddadu waa walaal kalase guul roone
    Gaadiid Ia dhaanshuu ahaa gibil ma diidaane
    Guraduu na wada saari jirey gocanayaa mooyi

    Alla wuxuu golxaalow ahaa gedefka reeraaye
    Magaciisu waa gudubsanaa gaaliyo Islaame
    Galbeed iyo Baraa laga yiqiin gololkii dheeraaye
    Gaashaan biruu noo ahaa gocanayaa mooyi

    Adduunyadatan laga guurayo ee gebegebaa taagan
    Ee laga galbaday meesha iyo geeridii Maxamed (NNKH)
    Anuun baa gubtanyoonaya oo geesigii tebaye

    Gartaa u noqday Eebbow ma jiro garangar waartaaye
    Allahayow wax badan baan gefaye Adigu hay goynin
    Oo geesta Nebigii i mari maanta lays gurayo.

  20. Ina Xaangaaf says:

    waxaan ku dari lahaa markii 1993-4 uu tagay Mogadisho uu go aan qaatay inuu joojiyo dagaal ba’naa ee ka socday Mudug region isagoo markaa ay lasocdeen rag kale oo saraakiil . markaa iyada ah oo heshiiska uu la saxiixday Alaya Rahma General Mohamed Farah caydiid dadka Puntland dagan guud ahaan waxay u arkayeen nin baqday oo sharaftoodii meel oga dhacay laakiin heshiiskii uu barigaa uu saxiixay ayaa ilaa maanta lagu daganyahay. intasan ku dari lahaa.

  21. abdulaahi alle ha unaxariistee waxa lagu xasuustaa .curitaankii dawlad goledka puntland . waxaa lagu xasuustaa … midnimadi umada iyo asaaskii dawlada hada kajirta dalka ..waxalagu xasuustaa calankii somalia oo uu udiiday ethiopia in ay dhulka dhigto .. waxalagu xasuustaa asaaskii urur kii SSDF….. wxaalagu xasuustaa dagaldii uu lagalay .. ururada islaamka isku sheegay oo uudhamantood dhulaka lasiamay .. waxaa lagu xasuustaa latashiga odayaasha iyo umada wax garadkaa … waxa kaloo lagu xasuustaa nin mayal adag oo mowqifkiisa karun sheega .. waxaa kaloo lagu xasuustaa nin jecel midnimada umada somaliyeed … waxaa kaloolagu xasuustaa ….

  22. abdi tani aden says:

    waxuu haa halyeey somaaliyeed

  23. jaamac says:

    INAA LILLAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN
    A/S
    wax yaabo badan baa lagu xasuusan kara lkn anigu hada hal talo ayaan umada usoo jeedinayaa taaso ah in la CAFIYO koloy madax wayne somaliyeed buu ahaayee qofwalbana xaqbuu ku leeyahay madaxda soo marta dalka qofka bini aadamkaana qalad wa uu gali karaa ee website ka waxaan ka codsanayaa barnaamij in ay soo bandhigto kasoo ah in ay umadu ku CAFISO madax waynaheenii loona duceeyo hadakaygana qalad yaa loo fahmin aniguna waan cafiyay illaahayna ha una xariisto
    AAMIIN AAMIIN AAMIIN AAMIIN

  24. ifiye says:

    raxanreeb waxad rabtaan in la buunbuuniyo ookaliya ama si daacdaa comatiga usoo wada daaya ama meesha afduub baad ku haysatane dooda ka saara meesha hadii kale soo wda geliya waxa lagu xassuusto marki la sheego

  25. caynshe says:

    waxaa lagu xusuustaa oo kale inuu DEEQSI, GEESI, HALGAMAA IYO HOGAAMIYE AWOOD BADAN CASIIMO ADAG ISLAMARKAASNA KAFTAN IYO SAAXIIBTINIMO walee dalka wuu tabi ee laakiin eeba waxaan ka rajaynaynaa kuwan inoo badala SHIIKH SHARIIF rajo ayaan ka qabaa in uu hogaamiye fiican noqdo sidoo kale FARMAAJO, C/GAAS WAA NIMAN DHALIN YARO AH OO ILAA HADA DADAAL MUUJIYEY.

  26. Amaal says:

    Ilaahay how naxariistee waxaa lagu xasuusankaraa:
    1. Geesinimo
    2. Go’aan qaadasho
    3. Wadaniyad ilaa markii uu siyaasada soo galay
    4. Nin-jeclaysi ma aqoon ee cidii uu u arko in ay la hadaf-tahay uu la cid ahaa ( nin qabiil maahayn)
    5. Musuq-maasuq iyo hanti qaran kuma inti faaci yirin
    6. Hadaf dheer uu siyaasadeed ilaa uu gaaray madaxwayne Soomaaliyeed ka dibna uu iskii isaga casilay siyaasana ka dhex-baxay
    7. Puntland oo midaysnayd markuu ka tagay Clahi Yusuf 2004ti

    iyo in kaloo badan oo loo baahayahay in si dhaba loo raadsho

    Mahadsanid

  27. INAA LILAAHI WA INAA ILEEHI RAJICUUN

    abdulaahi yuusuf ahmed waxaa lagu xasuusan karaa wax yaalo ad u badan oo uu qabtay

    (1) abdulaahi waxuu ahaa marka koobaad muwaadin aan musuq maasuq aqoon
    (1) abdulaahi wuxuu ahaa nin kii xabsiga markii laga soo daayay u istaagay in uu gobaladan puntland dooladnimo u horseeda maantana aad ogtihiin meesha eey marayso puntland
    (3)abdulaahi waxuu ahaa nin kii 18 sano madaxtoyada somaliya oo lawayay madaxwayne taga ayuu tagay madax toyadii kuna shaqayay vila somaliya
    (4) abdulaahi wuxuu ahaa nin kii noo balan qaaday kasaraani markii lagu dooranayay oo aan goob joog ahaa yirina somaliyay kursigaan ama anoo gudana shadayda ayaan ku dhimanaya ama saad iigu dhiibateen ayan idin ku soo celinayaa wuuna soo celiyay abdulaahi si sharafi ku jirto
    (5) abdulaahi wuxuu ahaa nin kii asagoo guriga barlamanka ka soo baxay qarixii naxdinta lahaa lala eegtay kuna sigtay hadana shaqadiisa horay u sii watay
    waxaan si gaara aniga ugu xasuustaa
    waxaan ugu tagnay hoteel binaari
    wuxuu nooga sheekeyay sheeko aad ula yaab badan
    sheekadaas waxay aheed sidatan
    waan unimid madaxwayne abdulaahi yuusuf waxaanu niri
    madaxwayne nooga waran xaalada somaliya iyo magalada mugdisho
    waxuu nooga shakayay shekadaan layaabka badan

    (1) wuxuu yiri nairibi ayaad joogtan anaguna mugdisho oo gubanaysan ku shaqaynaa
    dhibka somalida hesata iyo tan aniga shaqsi ahaan i heysata tan aniga shaqsi ahaan
    layla beegsanayaa ween hadana waxaan diyaar u ahay in aan umada dhibka ka saaro
    wuxuu yiri aniga mugdisho dhibka iga soo garay ma malanmkartan shaqsi ahan tayda

    habeen siqdii dhexe aniga oo qolkayga jiifka kujira ayaa daaqada layga soo galiyay
    hoobiye daaqadiiyoo duulaysaa iigu timid sariirta leerkaan damiyay waan soo gur guurtay
    waardiyihiibaan u tagay waxaan iri damiya laarka dhan kadibna xabad ayaa meeshii ka bilaabatay
    waana iska qaabinay

    maalin kale aniga iyo 3 nin ookale ayaan meel gaara oo madaxtoyada gudaheeda gaar u baxnay kursi ayan ku fadhiyay kur sigii aan ku fadhiyay ayaan ka kacay intuu telefon ii soo dhacay saa ayaan ula yara dhaqaqay telefonkii hal mar ayan arkay kursigii oo hoobiye kala gooyay ragii meesha tagnana boor iyo seegaa qariyay

    tii baydhabo barlamanka hortiisana wad ogeedeen oo ina yuusaf ahmed kii ila dhashay ku geriyoday

    marka waxaan oran karaa nin kaasi waxuu ahaa hal yeey soomaliyeed alaha u naxariistee

  28. Sheik Daarood says:

    Allaha u naxariisto.
    waxaan ku hubaa inaan ku xusuusaan doono, inuu jeclaa inuu isu keeno somalia, inuu necbaa ka qayb qaadashada dagaalada qabiilka, wuxuu kaloo jeclaa in dadku ay Somalinimo ka fakaraan, koley dadka oo dhan ma oran doonaan wuu fiicnaa, laakiin waxaa xaqiiqa ah inuu ahaa nin somaliya wax badan xusuusan doonto, oo nin u dhigma uusan soo marin last 40 years,
    Run sheeg ayuu ahaa,

  29. GADO,GARBAHAEREY says:

    inaa lilaahi waa inaa lilaahi rajucuun , geesi buu ahaa ee allah naxariistii jano haka waraabiyo

  30. Ceelbooc says:

    Waxuu ahaa hogaamiye adag oo warkiisu cadyaha
    Waxuu ahaa deeqsi
    Waxu ahaa
    Nimaam dadka isku dirin sida farooloo kale dadka madaxa isu gLiya maahayn
    Waxuu ahaa ninuu kuwayn yahay magac..

  31. halgan says:

    ifiye@ sxb ma waxaad rabtay meshaan tacsidu ka socoto inaan ku caytanto oo madaxda qaranka cayso waxan filaya inaysan kaa ogaaln donin cid walba oo caqli leh wayna ku mahadsanyihiin raxanreeb

  32. Fadumo says:

    Abdulaahi Yusuuf Ahmed Ilaahay waxaan uga baryeynaan inuu Janno fardoowsa ugu bishaareeyo.
    xasuustay: markii taariikh nololeedkiisaa an dib u MILICSADO wuxuu ahaa HALGAMAA Soomaaliyeed oo geed gaaban iyo geed dheer u koray midnimadda soomaaliya. Wuxuu gaaray heerka ah inuu soomaliya madaxweyne u noqodo, una tanaasulay sidii Aadan Cadulle cismaan u tanaasulay isagoon wax dhib ah abuurin. In tii uu halganka ku jirayna marar badan naftiisu khatar u gashay oo xabsi u seexday si uu qaranimada soomaaliyeed u badbaadiyo, Aniga waxay ila tahay in mowdinkaa Soomaaliyeed ee halgamaaga ah in loo duceeyo lana cafiyo waayo qof markuu han sare hiigsanayo(GOAL) wuxuu marayaa jid adag oo qodxo badan abdullahina ninkeed buu ahaa oo waa maray jidkaas oo uu weliba sharafta iyo wanaaga badan ee aynu ka wada sheegayno ku mutaystay waynuna wada qirney inuu yahay HALYEY SOOMAALIYEED oo istaahila sida halyeyadii soomaaliyeed ee ka horeeyey loogu magacaabayWAX LAGU XASUUSTO OO MAGACIISA SITA Sida Airport, Sports stadium, School iyo wixii la midda loo sameeyo welibo aan talo ku bixinlahaa in laga sameeyo gobolka MUDUG ee nasiibka u helay in lagu aaso! Illaahy waxaan uga baryeynaa sida ummaddiisu u tustay jaceylkiisa inuu helo jeceyka EEBBE SUBXAANA WATACAALAA oo uu noqdo marti si fiican loogu soo dhaweeyo qabrigiisa. Maalin. MAALIN JIMCA AH BUU MARXUUMKU GEERIYOODAY mark ilaahay Insha Allaah soo dhaweyn fiican buu ka helayaa, Amiin

  33. Alaha unaxariisto colonel and president and leader c.laahi yuusuf ahmad aniga waan aqaan sigaar ah ayaan qaraabo u ahayn oo ilmo aan abti u ahay ayuu adeer u ahaa lkn maanta waa dhintay aan u imaado odaga waxaa lugu xasuustaa inuu ahaa geeesi run sheeg ah oo aan baqin wuxuu ahaa ninkii yiri adeer walaalkay iyo amali makala jecli dadka dhintaya ayuu kamid yahay wuxu ahaa nin aan laga marin xaga nabada puntland oo waa la ogaa inuu cagta mariyay tuugadii la baxday akhwaanul muslimiin wuxuu ahaa nin ka shaqeeya xaga amniga oo wuxuu gali jiray xaafada koonfureed ee baraxley la dhoho galkayo asagoo lugaynaya oo caleemo qoyan loo ruxayo wuxuu ahaa nin jecel in somali heer gaarto wuxuu ahaa nin cuqaasha iyo odayaasha jecel wuxuu ahaa nin aan seexan in muqdisho kuseexatay nabad mooyee wuxuu ahaa nin dagaalkii ithiopia ay mari waysay oo bilad ku qaatay wuxuu ahaa ninkii koonfur ka sifeeyay argagixi sadii oo dowlada gacanta ugaliyay wuxuu ahaa nin ad adag lkn maanta waa dhintay oo umalayn maayo in asagoo kale aan helno somali maxamad oo aduun waynihii ayaaba utacsi yaynaya adeer alaha kuu naxariisto somali inta wax ka tabanaysa waa intii ksoo horjeeday

  34. Saacid Celiye says:

    Ilaahey ha u naxariisto mundane President Abdullahi Yusuf Ahmed he was a true Somali who wanted unity for his country he was man of peace my Allah forgive him .R.I.P Saacid Celiye Dubai

  35. xoosh shiikh nuur says:

    cabdulahi yusuf xumaan iyo samaanba u lahaa

  36. ciidyare says:

    asc\
    hadan kadhiibto fikirkayga waxuu ahaa oday somaaliyeed wadani ah geesi ah deeqsi ah wadanka jeclaa go;aan adag nin aragti dheer in dagaalyahana nin runta sheega waxaan leyahay umalayn maayo in nin asagoo kalaa lagahelaayo somaaliya waxaan leeyahay alaha unaxariisto badel qarqabana ilaah hanoo gusoo badalo booskiisa waxaan kacosan umada soomaaliyeed ee walaalahay ah in ay cafiyaan waayo waxaa layiri nin xilqaaday eed qaad marka hadii ayjiraan in tuu noolaa dad wax kasheeganaaya hala cafiyo hana looduceeyo in uu ilaah geeyo janafardowso danbigiisana alaha dhaafo waana cafiyay anigu amin aminnnnnnnnnn ayaa rabi

  37. Abdirsak says:

    Inaa lilaahi Waa inaa ilayhi raajucuun. Marka hore waxaan
    Halkaan uga tacsiyadeynayaa qoyskii uu kabaxay madaxweynihii
    Hore marxuum Abdilahi Yusuf Axmed, waxaan samir iyo imaan
    allaha idinka siiyo, inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun.
    Marka xiga waxaan uga tacsiyadeynayaa soomaali oo dhan
    meelba ay joogaan. Abdilhi inuu ahaa halyey soomaaliyeed
    taarikhda ayaa qori doonto, ilaahay waxan uga baryayaa marxuumka
    in janatul fardowsal ilaahay ka waraabiyo. Inaa lilaahi Wa inaa
    ilayhi rajicuun.

  38. Cabdilaahi says:

    Alaha u naxariisto janadiisa ha geeyo dadka soomaaliyeed waxaaan ka codsanayaa in ay cafiyaan maadaama uu iminka dhintay

  39. saacidyare says:

    waxkale ma jian wan inta kor ku xusan

  40. Ibrahim abdirahman osman says:

    Hadal oo hada kahor waagi madaxweynaha ahaa !hadal kaas wuxuu ahaa Dad ka maalinti shaqeeya waa lashaqeyneynaa kuwa habeenka shaqeeyana waala shaqeyn doonaa

  41. Hassan says:

    cabdullahi yuusuf allah unaxariistee taariikh xun iyo mid fiicanba leh
    Hadaan ukala qaadno before and after. 1) before waqtigii dowlad qaran oo uu hogaaminayey dalka allah unaxariistee Maxamed siyaad barre cabdullahi wuxuu ahaa mahbal soomaali oo dhan 95% wexey u arkayeen in uu ahaa cadawga koowaad ee soomaaliya 2)dagaalkii sokeeye kabacdi wuxuu noqdey halyey beeleed waxaa dhacdey in halbeel oo soomaalida kamida la beegsaday la isugu tagay iyadoo la damcay in la dhabar gooyo wadankana laga suuliyo . siyaa sadii soomaaliy waxey noqotay in lagu kala feylo ceydiid iyo cali mahdi. siyaasadii qaloocneyd ee ceydiid iyo calimahdi waxaa dhabarka kajabiyey allaha unaxariistee marxuun cabdullahi yuusuf markuu ku dhawaaqay maamul goboleedka buntland. buntland maanta soomaali oo dhan baa ubaxsatey kana macaashey cidkasta oo soomali ah nabad ayey ku dagantahay marka cabdullahi alaha unaxariistee waxaan dhihi karnaa waa halyeey soomaaliyeed.

  42. Alle ha u naxariistee C/laahi Yusuf Axmed waxaa uu ahaa ruux wadani Soomaali ah oo taariikhda bog wanaagsan ka galay wax weynna dalka u qabtay sida hirgalinta hanaanka dawladnimo ee maanta jira ee TFG-da ,maamulka goboleedka Puntland iyo ka qayb qaadashada heshiiska ka dameeyey nabad ku wada noolaansha labada bulsho ee hadda loo yaqaan Galmudug iyo Puntland. Taariikh wanaagsan oo buugga u gashay ka dib ayaa hadda rag ay hoggaaminayaan Dr. faroole iyo Shariif Sh. Axmed waxay isku dayayaan inay taakhda labada marxuum ee Col. C/laahi iyo General Caydiid ka dhigaan “hal bacaad lagu lisay” ka dib marxuum C/laahi ay ugu magac dareen qayb ka mid ah dhul ka caagan inay in cid ama maamul sheegto ama ruum lagu magacaabo iyadoo la helin is-faham ka fiican midkii ay horay u saxiixeen labadan marxuum eebbe naxariistiisa ha ka waraabiyee. Waxaana habboon in shacabka ka soo jeeda degaannada deriska ay fahmaan qorshaha ay wadaan dad aan garanayn mustaqbalkooda.
    Horaa waxaa loo yiri:”Ninaan kuu furi doonon yuusan kuu rarin” . la yiri ” Meesha bugta iyo fartaa is og ” IWM

  43. ISSE says:

    as.w.w
    c/laahi yuusuf ahmed alaha unaxariisto alaha u danbi dhaafo, waxuu ahaa halyeey soomlaliyeed, soomalida markii uumadaxweynaha ka ahaa wey garan waayeen, waxuu go aan saday in uu markaliya magaca dowladnimo ee soomali uu soo celeyo waase lafahmi wayey, markii uu xamar tagayna dad baa waxay ufasirteen si qalad ah maamulkiisa , waxaan ku xasuusan karaa, inuu somalida talo usoo jeediyey oo ahayd in ay isracan o ay khilaafkooda dalka gudihiisa ku dhameeyaan, dowladnimadoodana ay ilaa shadaan , haday shir qabsanayana ay ku qabsadaan wadanka guduhiisa, si ay uga badbaadan in lakala furfuro,
    waana shaqsi ay ka go neeeyd in somali ay isku tashato,

  44. ali says:

    aniga waxday ila tahay sidaa iyo sidaa

  45. bari says:

    alla yaa arxamu raximin hogamiyihi somaliyed hadii aan til mamo mar xum c/lahi yusuf axmad waxa uu ah nin somaliyed jecel somali nimada iyo mid nimada somaliyed neceb cadal xumada jecel qaranimada waxana kucaday naysa mar xumku inta usan madax wayne kanoqon somaliy hor ahantii jagada madax way naha somalya waxa uu soo dhisay mamul goboled tabac san somaliya iyo magala madax da somaliya muq disho oo ay raga diyen dagalada iyo qabilay siga ba an eeguu ahan somaliya wax gaar siyey kadib dhisida mamul goboled ka waxa uu is ku diyey dhisida somali wayn inbadan wa oqab son tay socelin ta wada jirka somali wayn aaaaaaaad banu uxusi doona hadanunahay reer puntland iyo somaliyo idilba

Leave a Reply