Jawaab: Dagaal Hoosaadka Amin Caamir
Jawaab: Dagaal Hoosaadka Amin Caamir
Cabdi Shiikh Xasan Aw-geedi
Xasanawgeedi@hotmail.com
Maarso 10 2012
Waayadaan danbe waxaa caadi iska noqotay in qofka soomaaliga ah ee wax dhaliilayaa inta badan aanu la gale imaan cadaymo muujinayo waxa u cida kale ku dhaliilayo gaar ahaan marka ay timaado dhinaca siyaasada. Sidoo kale Soomaalidu habka ay isu dhaliisho ama isu dacaayadyso inta badan waa hab laysla yaqaan habkaas oo ku salaysan dhaqankii xoola dhaqatada oo ah in dacaayadu xad aan la dhaafi karin leedahay.
Hadii aan maqaalkayga u sii dhaadhaco, Oraah facweyn ayaa jirta oo ah Soomaali been waa ku doodaa beense kuma maahmaahdo. Hadaba Soomaali waxa ay ka yaabto waxa ay tiraahdaa waxaasi waa dagaal hoosaad!! . dagaal maxaad tahay? Weedhu waxay ka koobantahay labo kalmadood oo isa saaran tan hore (dagaal) Weedha labaadna waa (hoosaad), labada kalmadood markii laysku daro waa waa dagaal hoosaad!! . Run ahaantii eray bixintaan xikmada ku jirta anigu horay uma fahamsanayn balse waxay igu soo maaxatay maalinimadii shalay kadib markii aan internet-ka ku arkay Sawir gacmeed (carton) uu Amin Caamir ku dacaayadaynayay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Shiikh Max’ud iyo weliba xubno ka mid ah qoyskiisa.
Sideebaa Sawirku ii fahamsiiyay eraybixinta soo jireenka ah? Kadib markaan Sawir gacmeedka madaxweynaha lagu ceebaynayo milicsaday ayaa waxay ishaydu qabatay Sawir gacmeed labaad oo isna loo ekaysiiyay ilma yar. Maskaxdaydu waxay is waydiisay madaxweynaha caydiisa lagaraye qoyskiisana maxaa cayda ku soo daray, islamarkiiba jawaabtii aan helay waxay noqotay in Soomaalidu dhaqamo hoosaadyo kala duwan leedahay dhanka cayda iyo dagaalkaba. Dhaqamadaas waxaa ka mid ah dhaqanka xoola dhaqatda, dhaqankaas xoola dhaqatada waxyaabo badan oo xun baa ku jira sida duulaamada, xoola kala qaadka, dacaayada iyo cayda, sidaas oo ay tahay waxaa jira wanaag badan oo uu leeyahay waxaa ka mid ah hadii lays caayayo ama lays dacaayadaynayo waxaa mamnuuc ah in qoys (family) la wada dacaayadeeyo.
Dhanka kale dhaqamada kale ee aan xoolo dhaqatada ahayn sida kan Amiin caamir waxaa banaan in wax kasta laysku caayo si hoose oo liidatana laysu dacaayadeeyo sidaas awgeed dacaayda foosha xun ee liidata Soomaalidu waxay tiraahdaa waa waa dagaal hoosaad!!
Hadii aan aan kasii gudbo gafka dhanka dhaqanka ah. Sawir gacmeedkii liitay ee Amiin caamir waxaa ka muuqaday dacaayad la xiriirta dhanka shidaalka, aflagaado madaxweyne iyo dacaayad Dhanka dastuurka Puntland la xiriirta. Hadii aynu isku dayno inaynu mid mid uga jawaabno hora tan hore ee shidaalka wali ma aynaan maqal shidaal Soomaaliya ama Puntlandba laga soo saaray marka shidaalka uu sheegay ee uu leeyahay Madaxweynaha ayaa cunay malaha waa mid uu ku qarwey marka waxaa fiican isga oo aamnkiisu joogo inuu wuxuu soo sawiroyo soo sawiro mideeda kale maantay ummada Soomaaliyeed oo dhan waxay raja ka qabtaa ina khayraadkooda ilaahay u fududeeyo balse isaga waxaa ka muuqata xasad iyo filan wayaa.
Tan labaad ee Madaxweynaha uu ku aflagaadaynoyo waxaad moodaa in cid kale soo kaarikaysay (Recharge) ee aany ahayn mid maskaxdiisa ka timid sababtoo ah isgu reer Puntland ma ahan xaqna uma leh inuu afaaraha Puntland soo galo, sidoo kale ma ahan siyaasi madaxweynaha isku dhererinya intaas kadib adiguba garo waxa ka hadalsiinaya!!
Mida sadexaad ee Dastuurka ansixintiisa iyo mudada ka harasan Puntland waa mid u taal ummada Puntland dadka reer Puntland-na waa dad isjecel oo si kasta oo ay xukun isugu haystaan waa dad midooba markii dhidir u muuqdo. Siduu horayba u sheegay AUN Khaliif Shiikh Max’ud “Inynaan tolnimo waa mergiye meel u wada joogin , oo muxubo noo kala dhamaan waa wax kaa maqane”.
Waxaan ku soo gunaanadayaa ma jiro wiil madaxweynaha Puntland dhalay oo xil Dawlada ka haya, hadiise ay dhacdo xaq ayuu leeyahay inuu xil qabto, Rag badan oo siyaasiyiin ahaa ayaa ubadkoodi siyaasada galay Sida Madaxweyne Aadan C/lle Cismaa, Madaxweyne C/rashiid Cali Sharmaarke, Madaxweyne Maxamed Siyaad Bare IWM.
Waxaan amin caamir kugu waaninayaa inaad dhaliilahaaga ka dhigtid kuwo wax toosinaya (constructive Criticism) balse haka dhigin cadaayad axmaqnimo ah oo iyada laftigeedu iska hor imaanaysa taasoo noqonaysa inaad adigu is dhaliilaysid (foolish Criticism) Hadaba waxaan leenahay ninyahaw isku dhererinta aad wiil kaa magacweyn isku dhererinaysid iska daa kuwa aad isku ayniga tihiin la baratan iskana daa masayrka iyo xaasidnimida alle ayaa bixiya sharafta iyo madaxnimada isaga ku kalsoonaw,
Waxaan ku soo afmeerayaa tuduc ka mid ahayd gabaygii khaliif Shiikh Max’ud:
1.Yaasiin Maxaa furay haday murugu kuu hayso
2.Sidii naag masayr gubay waxaadan meeyay noo oranin
3. Maxaa mawtka kaa dhigay sidii uu ula mataan joojay
4.Waa wiil maqaawiira iyo mudan Ibraahiime
Cabdi Shiikh Xasan Aw-geedi
xasanawgeedi@hotmail.com
=========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM












[...] Continue reading here: Jawaab: Dagaal Hoosaadka Amin Caamir [...]
QOra sarre Abdi sheikh xasan-geedi afkaada caana lagu qabay si fiican ayaad jawab wafi ah u siisay marba hadad tiri war Amin amirow isku dhaqan ma nihin oo wax adiga kula fiican ban anaga reer Puntland dhaqan noo ahayn oo caan ka aha deeganka amiin caadina ka ah.kkkk
Puntand uma baahna dagaal hadii wax dhaliil ah ay jirto waxa qura ee sheegi kara wa qof Puntlander ah maxaa meesha kenay shaanshi ismaba af naqane yaab badanaa …
@ Cabdi Shiikh.
Inkasto, uu sawirku yahay dhaliil siyaasadeed, haddana wax ceeba ma leh. Sabab, wax jira oo dhab ah
ayuu sheegay. Waxaani waa farshaxan-gacmeed ay bilicbadani ka muuqato, maadna loola jeedo.
Ma waxaan run ahayn in Faroole iyo wiilashiisu macmacaan dhuuqaan, mise waxaan run ahayn in geed
dheer iyo mid gaabanba ay u gorayaan sidey u sii joogi lahaayeen una sii dhuuqilahaayeen miidda.
Amiin Caamir, ( Is political cartoonist and he is funy. Get a grib man and get your head out from your ass.)
asc ww– waxaan salaamayaa qoraaga iyo RR,waxaana leeyahay ayadoo qoraagu uusan waxba katagin oo si saxa uu asiibay xaqiiqadii,baan waxaan kudarsanayaa ,aamiin caamir ma illoobay maahmaahdii ahayd cimri tagay ceeb laguma sogoontiyo oo aan uula jeedo aamiin waa 70 jir oo adoy soomaaliyeed ,markaa hadduu illoobay wadaniyadii iyo saxaafadda sharafteedii iyo qiimaha qofka bani aadamkaa marka ma illoobay inuu dhimanaayo oo ilaahay kalaxisaabtamaayo dadka uu isku diraayo iyo qofka sharafkiisii oo been kasheegayo ,haddaba waxaan kula talin lahaa aamiin caamir laba arimood tan koobaad ilaahay cabsidiisa inuusan illoobin oo uu dadka isku diraayo iyo beenta qofka sharafkiisa uu kuluminaayo uu joojiyo ,tan labaad waddankii uu wax kusoobartay oo ku xaqlahaa inuusan dadkiisa isku dirin oo uu dadka isu soojiido wax kheera uu umadda usoobandhigo waayo soomaaliya maanta ma ubaahna wax siikala fogeeya waxay u baahantahay in laisu soodhaweeyo oo qofkii aqoon leh inuu aqoontiisii layimaado waddankiisa hooyo oo uusan kudhuumaaleesan waddan shisheeye kana soocaytamin,waxaan leeyahay gabagabadii aamiin caamirow haddaad tahay waddani jecel waddankiisa oo kanaxaya ama aay dhibatso dawlad la aanta kajirta 21 sano kaalay oo imow waddankaaga hooyo ,haddii kale jooji daacayaadka iyo burburinta adigu kaw aad ka tahay. wabillaahi toowfiiq
Amiin caamir waa nin wadani ah run buuna shegayaa faroole iyo caruurtiisa ayaa nagu tagrifasho mida kale qofkan daciifka ah ee qoralka qoray waxaa kamuuqato caadifad qabiileed war anaga qabiil waan ka gudubnay ee amiir waa muwaadin soomaliyeed puntland wuu ka dhashay bcz he somali man hauu doorasho u imaadana madiideeno. Mida kale waxaa adiga ceeb kugu ah inaad farshaxaniistaha qaranka aad qoraal xun ku caysid adoo dhuumanayo oo magacaada iyo meel aad joogta soo qorin. Dhanka kale farshaxaniiste amiin caamir wuxuu si siman fikradiisa ugu cabiraa siyaasiinta soomaliyeed.
Kkkkkk wale amin meel ayaa looga soo haray awalba wuxuu ahaa faqri asaga kkkkkkk reer mudugu waxay dhahaan laangaab waa ahlu naar kkkkkk
Kkkkkk waa yaab faroole ayuuba u doodayaa war FARMAAJO oo ka sharaf badan oo ka soomaali jecel oo umada soomaliyeed oo dhan u heelaneed ooy taageertay ooy umudaharaaday oo isku kalsoon buu farshaxaniistahau soo sawiray marka anigu waxan ba u arkaa in faroole lafaaniyay oo waliba la dalacsiiyay madama lagu sawiray meel rag ka sharaf badan lagu sawiray sida FARMAAJO, ABDIWALI, ETC mida kale waa run caadifad qabiileed baa ka uuqdo qoraangan qabyaaladu dilootay. Thnks for ur reading
Asalamu calaykum,
Su’aasha ah in aan qofka layska madax goosto wax daliilana aan la keenin waa arin khalad ah LAAKIIN.
Qoraaga waxaan oran lahaa, Sawirka Amiin caamir wuxuu tilmaamayaa waxa Puntland ka jira xiligaan hada ah iyo khayraadkeeda cida gacanta ku haysa iyo sida loo isticmaalo, marka shilaadka dhaqaalihiisuna (Hadii la soo saaro) waxa uu kaga duwanaan doono nooma muuqato..Adiguse MA WAXAAD HAYSAA DAILIIL AH IN SIDA HADA LOO MAAREEYO DHAQAALAHA DALKA IN KAN SHIDAALKU KA DUWANAAN DOONO, OO MUDANE FAROOLE UU U MAARAYN DOONO??…jawaabtu waa maya….marka labadiina Amiin caamir ayaa runta noola dhaw waayo waxa hada jira buu tilmaamay.
“ka daroo dibi dhal baan maqli jiray” nin baad ku canaanatay xumaan baad wadaa adigii baana ninkii cay kala daalay oo xitaa qabil ahaan ucaayay “dagaal shaanshiyed bad uhoosgalisay”
Teeda kale carurta madaxwaynaha mid aan jago hayn miya ku jira? maad ilaahay ka baqdid.
bro wlaahi meel ayaad saartay kkkkkkkkkkkkkkk waxaan hubaa haduu wax fahmayo in uu garan doono sidaad oola hadashay balse illahay ayaa fahanka bixiyo.
anigu waxaan qabaa in amin amir mararka qaar uu asiibo sawirgacmeedyada siyaasada huwan lakiin waa khalad inuu xero taraaro waxaan usii raacinlahaa arimahahada kataagan p/land waxaan qabaa in madaxweyne faroole cidii dhaliilaysa ay cod uga rayso haday wax isku hayso lakiin dacaayad iyo wax dumin waa wixii qanarkeenii aan ku waynay ee raga qurbaha kasoo noqday oo hada p/land ugu soo noqonaya inay wax dumiyaan laydinka yeeli maayo
digniin
waxaa laga codsanayaa milkiilaha shabakada raxanreeb in uu ka fiirsado maqaalada oo soo gudbinayo dadwaynaya aad ugu xiran shabakada, waayo waxaan u arkaa maqaalkaan mid wax looga shegayo Qabiil(shanshi) mana aha maqaal loogu jawaabayo Amiin camir waxaana laga codsanayaa milkiilaha shabakada rali galin buuxda ,
ninka qoralkan leh baw w axaan ku leeyaha, waxaad reebeysay ayaaad gashay oo dhexda ka taagantahay adigaaba amin amir ka daran sababtoo ah waxa hadalkaadu u badnaa difaaca madaxda puntland , marka madaxada puntland waa mas’uuliyin wax waa laga sheegi karaa waana la tooosin karaa marka taas haku talaxategin , wiilka madaxwayna faroole aad ayuu ugu lugleeyahay maamulka halkaa ka jira, tankale oo aad leedahay amin amir puntland waxba kama gelin ,miyaanu muwaadin somaliyeed ahayn o ra’yigiisa soo bandhigi kara ?miyaaaanuse ahayn nin umada wax ugu gudbinaya si saxaafad ah ?marka i siixax qabaliyadana ka fogow
Ina Aw-geedi Geesi geesi dhalay waxaan aad ula yaabay sida cilmiyaysan ee aad ugu jawaabtay Amin caamir 1- dahanka dhaqanka ayaad ka tusaalaysat. 2-dhanka Ciritcism-ka iyo habka wax loo dhaleeceeya ayaad ka saxaday. ka dibna waad u laandheeraysay. waxaad bartay dadka Puntland inay isku wada qabiilyihiin. Mirihii Ismaaciil Jabarti iyo Miida nahay Haashim!!! ka bul dheh .
kkkkkkkkk. Ina Aw-geedi Reer ****** siidiyaashaa waad difaacday allaylehe mid labaad hakuugu dareen
looooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooool
Horta waa nin aqoon yahan ah cod karna ah, waxaan u malaynayaa odayga faroole ah laftigiisa ayaa ina Aw-geedi la baxay. ******nin kale oo sidaan u miisan culusi kuma harin. tolow mise waa wiilsha diricyadaa ee *****ee Raxareeb. ninkaas hala baaro
Ninkan Maqaalkiisa ma wuxuu kusoo GABA-Gabeeyay Wiilka Faroole yaanan la isku dhererin. Marna wuxuu yiri Xilba wiilka Faroole ma hayo, hadana wuxuu ka dhamaan waayay soo hadal- qaadida “Dagaal Shaanshiyeed” oo sida muuqato micnaha uu xambaarsan yahay uusan garaneynin laakiin dhowr jeer dhegtiisa maqashay.
Waxaa muuqato inuu EMOTiONAL iyo laab-Kac kula deg-degay Maqaal Hal micno Xambaarsaneyn. Wiilka Faroole waa la-Taliyaha dhinaca Warfaafinta ee Maamulka Puntland. Marka isaga iyo Aabihiis waa labo Masuul ka Ah Maamulka, waana la wada dhaliili karaa. Sidii dumar xifiiltan ka dhaxeeyo inuu soo qoro MASEYR iyo ISKU DHERERIN ma habooneyn.
Aamiin Caamir wax khalad ah oo iiga muuqda Sawir-Gacmeedkiisa ma leh hadaanan ku eegin ookiyaalaha Qabyaalada oo Kaliya. Waana Mu’adin Soomaaliyeed, xaq buu u leeyahay inuu dhaliilo Mas’uul walba oo Soomaali ah Meeshuu doona ha jooge. Waana intaas sida horeba looga bartay Mr. Caamir. Marka nin jecleysiga iyo wax walba qabyaalad ku dabaqida ha joojiyaan dadka ninkan oo kale ah, iskuna day inaad ka eegtid dhinac kale adigoon waliba ku deg-degin.
Alleylahe waad ka dhawaajisay in Amiin Caamir uu ijaaran yahay wwayadaan, si dagaal hoosaad ah. Waxaan suuqa ka maqlaayey Farmaajo iyo Saado Cali oo ah fanaanadadii SSC ku hungoowday oo ku xanaaqday Khaatumo inay faro kulul hayaan ninkaan. Mid walbana ujeedo gooni ah buu leeyahay, laakiin ma is tiri Shaanshi iyo reer Puntland gogol ha loo dhigo. kkkkk
aniga maqaalkan at ban ugu qan cay halmelse wan ogafikir duwanahay qoraaga meshas oo ah cunuga yar anigu waxan u arkay cunuga yar in uu kawado rer puntland oo dhan maxa yelay waxuu ugaliyay matan te calan ka puntland midakale rer puntlan ma ogo miyaa in amin camir lacak ku shaqeeyo hada waxuu kanbeen u wadaa tarsan iyo farmaajo oo xogaa lacak ah sii yay nin siyaasat iyo somali jaceel wax ka ok ma ahan
asc…Thanka you raxanreeb. walaahi markaan arkey sawirkani aad yaan oogu xumaadey. amiin arts aad yaan u jeclaa inaan booqto websidgiisa lakiin sawirkan ka bacdi waxaan u argey nin cadowdi nimo ka buuxda. car soomaliland wax haka sheego.
asc wr wb kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waa iga yaabiyey wiilka qorey maqaalkan amiin caamir waa nin wadani ah oo aan xaqiiqda ka gaban oo farta ku fiiqa wixi jira cidna marka adeer saxaafadu waa xor amiin camirna waa soomaali xor ah ciduu doonu wax ka sheegaya waxa tiri maxa ka galey pland kkkkkkkkkkkkkkkk war daciifow pland sow soomaali maaha mise wadan kale waa waaye kkkkkkkkkkkkkkkkkkk maskiin cadifad qaadey wuxu leeyahey faroole wiilashiisa maxa laga rabaa 2wiil oo uu sdhaley faroole baa ku jirta dowlada pland mid warfaafintu qaabil san yahay waa kan wariyihi hadlaba xabsiga geeyo midna waxa loo magaacaabey jago ka mid ah shidaalka oo la dhaho QADAR marka kaaley adigu beene mise adanba waxa qoreyso ogeyn teeda kale taariiqda baro alaha u wada naxariiste AADAN CADE IYO C RASHIIR CALI SHAR MA ARKE marna wiilashooda wax xil ma ma qaban dowladihii ay hogaaminayeen adeer taariiqda baro.
Asc ww Aw geedi ninka la dhaho amiin dacaayadiisa maloo dan galo waligiiba hala soo Jaaj gareeyo hadii aad raacraacdo wuxuuba yeelan qiima weyn marka Arag Oo Dhaaaf ka dhig dacaayadiisa. teeda kale madax weynaha wuxuu ku dacaayadaynayo sow maahan khayraadka dhulka uu xumo ka soo baxay ilaah khayraadka hanoo soo saaro amiina dacaayadaada meesha iskala fadhi ayaan leeyahay. teeda kale arinta doorashada puntland shacabkii doortay madax weyne Faroole ayay u taalaa hadii ay wakhtiga ugu darayaan iyo hadii ay bedelayaanba marna amiin lagala tashan maayo iyo kuwa wax u soo dhiibayaba. soomalidu waxay dhehdaa Nin magaalo ka dudayow yaa ku og xaalka amiin halkaas ku dhaaf maalinba qof hasoo sawiro isagaa daali. wabilaahi towfiiq.
War adiga maxaa kugu qasbay inaa qortid warqadaan. Jawaabta uma baahno waqti badan inaa galino. Laakiin qofba si buu u arkaa qoraalkaaga. Aniga inaa difaaceeysid waxaa adiga qiimo ku la leh. Ama reer puntland ahoow ama isku abtirsiinyo ahaada faroole. Xaq ayuu u leeyahay inuu sawiro sawirkasto lasoo gudboonaado Amin Caamir. Sida adigaba xaq ugu leedahay inaa difaacdid puntland. Ama lacag ha ku qaato ama si fun ah ha u suubiyee adiga maxaa ka qeylisiiyay. Hadaba jawaabta ka bixisay sawirkaas waa wax laga filanayo maskax qabyaalad iyo caqli fooraro oo kasoo jeedo dhul baxaad weyn oo saxaro ah.
Horta aniga figradayda ilma aha in uu Amin Amir dagaal hoose kula jiro puntland dadkeedana neceb yahay, laakiin nin kasta oo madax ah waxaan qabaa in wax laga sheegi karo, qof kastaana figradiisa ka dhiiban karo, sidduu u arko , sax iyo khaladba tay doonto ha noqotee, waxaanse somalidoo dhan kula yabaa haddii qof wax ka hadlo ama shakhsi wax ka sheego, sababta qofkas wax sheegay qabiilkiisa oo dhan meesha loo keeno, waa qof kaliya qabiilna kama wada masuul noqon karo, haddaan sheekh shariif wax ka sheego taa micnaheedu ma noqonayso nacayb asga iyo qabiilkisaba u qabo,,sidaa awgeed somalidoo dhan waxaa u haboon inay kala fahmaan arinkaa.
War raxanreeb runtii waxaad tihiin warbaahinta aan aduunka ugu jeclahay uguna kalsoonahay kumaan kum oo ila mid ahna waa jirtaa laakiin in aad faroole amaantaan amiir caamirna dhalacaydaan waa wax dhaawacaya aqristayaashiina runta iyo dhexdhexaadnimada la idin ku bartay ninka warkaan qorayna ruux kaste waa u jedaa in caadifad qabiil gubee hadana hadal asluubaysan kuma hadlin raxanreeb inta dadka wanaagsan lagu dacaayadeeyo webkiina hadana danbi la,aan idin noqon mayso qoraaga ayey gaar u tahay.
Asc dhaman akhyarta & bahda raxanreeb, hadan uso labto arinta amin arts & qoralkaga , Amin arts waa nin arimaha somaliya kahadla oo aan qolana u seexan kama haybaysan markas wadciga jira ka hadla waxan xasusta hada kahor waxa soo dhaweyay Jabuti ina cumar gelle hadana isla markiiba Geele ayu so sawiray & xalada jabuti ka jirta , marka ninkan shiikh cabdi ah ma ina farola ? Amin arts siyaasinta oo dhan ayu waxka sheega ina faroolana siyaasada ayu ku jira isaga & aabihiisa sidan ognahay,marka ha caroon, Cabdilahi yusuf, cade muse,& siyasin puntland ah & somalida kalaba waxbuu ka shega marka walal is daji ninkan cidna uma joojiyo wixi jira ayu ku cabiraa sawir Gacmedka
war ninkani siduu sheegayo gabayada khaliif bay raxanreeb ku leedahay amiin amir ineynaan tolnimo waa margiye meel u wada joogin,oo muxubo noo kala dhamaan waa mid kaa maqane,midkale ninkaan warkiisa wax macna ah maleh kuwa dabada ka soo riixayana puntland waxba kama la tagikaraan wanaageeda
runtii faroole iyo amiin caamir waxaa magac iyo sharaf badan amiin arts waxaa kale oo xusid mudan reer faroole inta ay xil p/land kahayaan maqarsana sawir gacmeedka amin arts waa mid qoto dheer oo meel fog taabanaya waxan sigaar ah cabdi shekh u leeyahay “mahmaah xumo waa masala xumo” waadna sin biririxatay oo famila waad u dooday qabilna waad cayda
Aw-geedi@ sxb waxad moda inadan xaladaha puntland wax wayn kala socon hadaadba tiri wiil uu faroole dhalay oo xil hayaa ma jiro. oo kalay yuu ahaa kii shalay saxafiyiinta ku garacayay magallada garowe dhexdheda oo ay saxafada calamka dhan wax ka qortay? tan ah amiin camir maxa afaraha puntland galiyay midba laga yiri horta amiin camir somali oo dhan ayuu dacayadeeya somaliland puntland iyo somaliyada kaleba balse adiga ficilo aya ku qaaday markaad aragtay faroole oo lacayayo mid an ku sheego sxb faroole haduusan rabin la cayo ama wax laga sheego oo la mucarado ka dhig mayor-ka garowe balse inta xilka ugu sareya puntland qabato yaan lala hadlin bowe tasi shaqayn mayso
warsan gadaley waylo kaaciye. warninku faroole in uu difaaco maxumee bal muxuu ku gaaray shaanshi da in uu caayo misna mahmah yadiisu waa is burinayaan, waxase kasii daran abwaan caan ah buu ku halqabsaday . anigu cabdi sheikh ku fogaan mayo lkn waxan leeyahay maqaalkan damcan waa kaagii kugu horeey ee kuwa dambe naga hagaaji qabaa ila dana ha caayin intaad shaqsi difaacayso
Ninkas runti hadal nin weyn kuma hadlin oo na qanciyey hadaan nahay aqristayaasha, RBC na haday commentgayga so dayn waydo aqris dambe noo ma harin cos ninka waxas ku hadlayaba way siisay fursad, marka rer puntland hadan nahay wan tagersanahay AMIN arts,
hadu ina faroole kala sharaf badan yahay amiin camir runti waxad tahay ahlu faroole, anagana ma rabno nin dhinac ah, adeer ina faroole fursada inu raganimo ku radsado weeye e dhaxal maahan meesha, ader farole anagu xil noo haya hadi aan dacayadeyn weyno ya qabanaya, ader wadanka anaga leeh, ina farolaha aad sheegeyso waa nin nala mid ah marka dee amin amir iskalama wayna, o amin amir suncadisa heli meysid, ama madaxweyne faroole haku dhalo ama boqor haku dhalo,
Wiilyahow maqaalka qoray ilaa.xadkas ay caadifada qabilka WA laga fiican yahay Min camir waa muwadin soomaliyed cidwalba oo siyasada somaliya ku jirta waxbuu ka dhahaa ee caadifad qabil yeysan ku qadin tas waa horaa laga gudbaye
amin art waa wadani soo mali yeed waa in uu halmar soo booqdaa garow sidii loo siiyo abaal marin qali ah
qoraagu waa nin aan wax aqoon ah ulahayn farshaxanka (arts).
waa hadalki shube oo qof kale ka codsaday in uu wax u qoro.
waayo usagu waa gabyaa ee qoraa ma aha. “Ari FAR LAMA GELIN” SHUBE.
ee boowihiis buu sawir gacmeedka ka arkey, oo wuxuu moodey in uu shidaal dhab ah cabaayo.
a.c.w.w.
salaan ka dib waxaan filayaa Ninka maqaalkaan qoray wuxuu ku raagay dhulka lagu sheego Qurbaha Runtiina waxaa moodaa inay ku jirto wax laga fiican yahay oo ficilo ka muuqato waxaanse leeyahay Aminarts wuxuu ka hadlayo waa wax aduunka ku baahsan mida aa leedahay Qoyska muxuu uga hadlay kama uusan hadleen haduusan wiilashiisa xilka puntland uusan u dhiiban mida kale waxaan ku xasuusinayaa puntland waxaa soo maray 9 madax’wayne mid aan caruur dhalina kuma jiro nin walbaana ciyaal kiisa wuu la xishooday inuu umada horkeenu marka kuwii ka horeeyay wax ay ka xishoodeen muxuu uga xishoon waayay .
marka waxan leeyahay hadalku meeshuu lahaa ma aadan marin waxa laga hadlayaana waa wacyiga waxa meesha maamulaana waa caruurtiisa markuu bananka uga saaro ayaa ilmaha laga reebayaa laakiin intay talada la hayaan waa lagu darayaa ee haka guban in kastoo wakhti yariba u haray oo 8 bilood ah
ninkan isku sheegay abdi, waxaan leeyahay waxa kugu jira ilaahay somalida kale ma geliyo, waxaa tahay shaqsi laciif ah.
hadayba rer puntland sawiradaada qabyaaladeed dhagaystaan ba amiinaw saad rabto u soo qor ,waa qabyaalad bareer ah maxaa madaxwayne faroole iyo puntland daba galiyay ,puntland bas buu wax xun ka qoraa ,muxuu haduu calaad u dhawyahay somaliland wax uga qoriwaayay iyo puntlnad iyo xumaanteedaa kuu muuqata oo xumaantii somalida kale oo dhan waad arki wayay? aamiin naacle waligaa soo caaac dheh
aamin caamir waxaan oran karaa waa saxsanyahay waayo wax jiruu ka hadlay mida kale ninka maqaalkan soo qoray miyuusan siyaasada wadanka kawar qabin waa kan leh hadii madax weynaha lacaayay maxaa wiilka loogu daray wiilku xagee kaga harayaa waa lataliyihiisiiye
Qoraaa sare aad ayaan kaaga mahadcelinayaa sida wanaagsan ee aad u qortay maqaalkaaga xiisaha leh. Ogoow xumaanta reer Puntland loo hayo comments-ka ayaad ka fahmi kartaa. Laakiin annagu muwaadiniin reer Puntland ah ayaan nahay, dhibka Puntland waa na dhibayaa. Halkaa ka sii wad oo mid ku neceb iyo mid ku jecelba wax u sheeg. waxaanse Alle ka baryayaa in cidii is-wanaajisa Alle wanaajiyo Ciddii is-xumeysana Alle xumaanta ka qaado. Annagu haddaan Puntland nahayna cadawgeenu ma yara laakiin sabir iyo dulqaad ayaan kaashannay Allena waa nagu guuleeyay.
marka hore waad mahadsantahay ,lkn dhaliiluhu waa jiraan ,hana oran wiilashiishu dowlada xil kamahayaan , aamiina waa somali ,shidaalkuna puntland kaliya malaha, xaqiiiqada ha iska indho tirin .
amiina waxaan leeyahy cadacayada wax ka badal oo dhanka wanaaga iyo dhanka xumahaba sheeg , maxaa hal dhinac ku tusay, puntlandna iskuma xanaaqayso waxaa soo qorty ee waa dad isjecel, ,,,,,,
mise lacagtii lagu siin jiray ayaa lagaa jaaray ,oo waxbaa tabaysaana ,,
marka hore waad mahadsantahay ,lkn dhaliiluhu waa jiraan ,hana oran wiilashiishu dowlada xil kamahayaan , aamiina waa somali ,shidaalkuna puntland kaliya malaha, xaqiiiqada ha iska indho tirin .
amiina waxaan leeyahy cadacayada wax ka badal oo dhanka wanaaga iyo dhanka xumahaba sheeg , maxaa hal dhinac ku tusay, puntlandna iskuma xanaaqayso waxaa soo qorty ee waa dad isjecel
mise lacagtii lagu siin jiray ayaaj lagaa aaray ,oo waxbaa tabaysaana
ka dib salaan . qoraagu waa mahadsanyahy, waxaan leeyahay dhan ayaa u badatay, oo amaanta madaxwaynaha ,wayna jirtaa in aruurtiisu ay dalka ka taliso. tankalena shilaadka waxa uu u dhexeeyaa somaliwayn oo dhan . amiina waxaa leeyahay dhanka xumaanta maxaa kugu koobay oo dhanka horomarka kugu koobay . mise waxaa lagaa jaaray lacagtii lagu sin jiray.mar un maad maad jaleecdo dhanka wanaaaga .puntalnd waa dad aan wax u arag waxaad soo qorto . by bosaso
`waxy ila tahay in Amir camir uu ku lacag qato dadka caydooda faroole shidalkiisa haduu nuugo isagaa is ka leh lakiin nin charge ku shaqynaya waxba kama qadi karo cayna ninkii leh bay dhibin daldaloolo ka galimayso faroole ee webkaa hayska halayn oo hungurigun yuu meel xun kaaa ridin camirow
puntland ha noolooto
waxaa jale oo kasii daran umad dhan calankeeda ama astaanteed inuu kadhigo cafaayad maydaan arkay calanka puntland inuu kadhigay cafaayad dagaalka ugu wayn waa halkaaas
anigu wax badan oran mayo waxan iri qoraga somalidu waxay dhahdaa maah-maahe xume waa masalo xume marka oday next time isku day inaad wax xikmad ku jirto dadka dhex-keento teda kale shaanshi wa qabiil ee isku day inaadan qabiil wax ka sheegin wayo amiin shakhsi ayuu wax ka sheegay e qabiil wax kama sheegin
Amiin waa farshaxaniiste uu Ilaahay heybad iyo caqlisaliim uu isagu daray oo aan Soomaali ama caalamkaba aan laga heli karin qof u dhigma marka loo fiiriyo garaadka iyo caqliga uu Ilaahay siiyey, markaa ninka ku doodayo wiilka uu dhalay faroole oo aan garan karno aqoontiisa iyo taariiqdiisa inuu la barbardhigo amiin caamir waa mid gef iyo ihaano ku ah caqliga saliimka ee Ilaahay ina siiyey waana qoraal aan ka fiirsi lahayn oo cxanbaarsan caadifad jaahili ah oo aan la saan qaadi kari karin xadaaradan cusub markaa waxaan oran lahaa kii maskiinka ahaa ee qabiilka indhaha tiray inuu ku faano haybada uu Amiin leeyahay uuna Ilaahay ugu shugriyaa inuu amiin ka dhigay Soomaali.
Xaasidka aad sheegtayna waa adiga oo weli waxaad ku darsatay jaahilnimo iyo caadifad raqiis ah oo laga xishoodo, Amiin Caamir walaahi intaad nooshahay iyo inta uu jiro farac aad sheegato inaan lala meel dhigi karin.
Qoraagu wuu kuqaldanyahay in uu amiin waxka sheego, waa wax reer baadiye ah oo cadiifad qabiil kabuuxdo, wuxuu difaacayaa nin dectator ah oo kaligii kataliya maamul dhan oo puntland layirado balday sida dalkii dhamaa u yeelay , meeye dadkii kale, meeye siyasiyiintii umada,meeye aqoonyahankii, meeye saladiintii, warninkaan dalkii oo dhan buu afka kushubtay, hada shidaalka lasheegayo na waaba been, waa ceelal biyaha laga soo saro, waxa laqodooyo, isaga iyo mahiga iyo sarisan oo shirkad maafiyo ah oo layaqaan baa isku xirtay, shidaalkaan na dadka baa lagu waalaya si xilka u siii dheerado, kororsiimo aan xad lahayn, marka ninka noocaas ah baad qabiil ahaan ugu doodaysaa ….! Amiin na waa journaliste artise aqoon yahan ah oo dimacracyga u shaqeeya,waana xor sida uu doono dadka wax ufahansiiya, nac nac dada kalatag waxba ma ogide,……..
amiin caamir calooshi u shaqayste lacag la siiyay uu dacaayadeeyo puntlan baad tahaye iska aamus waxaan la garanayn baad tahay ee waxaad yeeshaa laaluushkaaga iska qaado aad ku dacaayadaynaysi puntland kan kusoo diray waa layaqaan kuwa aan isku kalsoonayn ee ku soo diray waa la ogyahay waa la garan waa laga dharag sanyahay xaasidow jab
saaxaib waxaan filayaa qaraabo inaaa latahay ninkaa difaaceeyso bulshaweynta somaliya waxaytaqanaa amin caamir waxayna marwaliba atageersanyihiin ninka amiin caamir waayo adiga difaacida aad kujoirta waxa kale ma ahan ehel baatihiin ninkaa difaaceeyso waayo uma difaacooysid si somalinimo ninyoow oo somaliya sidaan ayaay nabad iyo run iusu sheega ay udiidantahay faroole iyo wiilkiisa madaahba akaasaran ineey shacabka reer puntland ay dhaceen waxay ayaga doonaan aysameeyaan madaahba akaasaran koley lagu bartay sxb qaoraalkaana
Ascw
waxa soosocda qofkaan katalin waxa jooga kama taliyo, anigu wixii aflagaadha ma soo dhawaynayo lakiin waxa layiri “fulay xanti ma mooga”. waxaa igu maqalaa inkastoo aysan wanag sanayn waxanan xaqiiqdeeda hubin inaan wax ku saleeyo hadana wiil ina cabdiraxmaan ah in looga dhigay ku xigeen ninka puntland u qaabilsan shidaalka
wixii gafa alaah hanaga cafiyo wana laysixikaraa ascww
Sc
Waxaan salamayaa dhamaan RR iyo aqristayaashooda,anigu waxaan ka qabaa Amirarts inuu yahay farshaxaniste aad u qodo dheer aragtiyaha iyo qalbigoda soo sawira,maleg baa ilaah yiri qifkaa nafta kasoo qaad aadanaa magac u bixine,hada inagaa fasireyna isagu wuu sawirey uun, SC
Faroole wuu mudan yahay in la caayo
Garnaqe Amin iyo Awgeedi labaduba waa gafeen.
Amin wuxuu caayay ummadda reer Puntland oo dhan Calankii Puntlandna wuxuu ka dhigay Kastuumo reer Faroole leeyihiin waana qabyaalad iyo af xumo tan ugu weyn
Ina Aw-geedi hadii uu wax saxayo waxaa la rabay si fiican oo odaytinimo ah inuu a hadlo ee isna wuxuu ku sii dhacay khalad kii Amiin Caamir ka sii fool xun
Waa run Amiin Caamir inta uusan faallo oo dhan bixin dhinac kastaba wuxuu u baahan yahay inuu soo darso dhaqanka ama xaaladaha cidda uu ka qorayo… farshaxanka waxaa lagu qoraa wax TRUE STORY ah.
Adeer ninkan maqaalkan Qorayoow habeen baad ku jidhaa,Amiina wax buu la socdaa Websaadyo badana wuu akhriyaa oo kala duwac halkaasuuna ka cabir qaataa, ee wax iskama yiraahdo,cabirkuu sameeyana waa wuxuu Faroole Puntland ku wado iyo lacaguhuu ka qaatay Shirkaddahaas, waan la ogyahay in uu Saxaafada ka baqo wixii la ogaana wuu kaga hadli jiray waaguu Xil doonka ahaa Gorooweonlin iyo Radio Garoowe,(Ninkii Doof ku yimi Baa Geeridu Dhibeysaa).
horta sheekada Hassan waa wax iska cad oo qabiil ku biyo shubatay ama fahan waa uu fahmi waayay kartoonka Amiin Amir. Haddaad xasuusato horay waxa uu u soo sawiray faroole oo sac isaga iyo wiilkiisu maalayaan dadkii kalan ay ka gaajaysan yihiin. taasina ma sac maal bay ahayd? mise u jeedku waa khayraadka wadanka ama gobolka oo lagu tagri falo ayaay ka hadlaysaa?? oo uu ku tagri falayo Faroole mise muuqaalka fuustadaad ka diday??
Mida kale aamiin Amir waa nin soomaaliyeed ama farshaxan soomaaliyeed oo rayigiisii ama siyaasada soomaaliya ku cabira carton kiisa inta badana xaqiiqda taabta .
Mana u malaynayo aniga iyo adiga oo faroole isku xoqaya midkeena inaan puntland kaleenahay Amir Amir waxaana hubaal ah inuu aniga iyo adigaba damiirkiisa soomaalinimo aad uga sareeyo keena sabta oo ah dhiilo qabiil ayaa adiga ka qaylisiisay
Amiinow Xaal qaado reer puntland hadaaan nahay hassan lama qabno warkaas guulaso maandhe
Aaamiin Caamir Afkaaga caanao lagu qabay Qoraaga kalena waxaan leeyahay saaxiib Falaari Gil-gilasho kaagama hadho ee Aamin Amir Illaaahey Gacmaha kaama gooyo waayo waxaa uu taabtay runta Horaase loo yiri Runta dadku weey kuugu Nacaan Allaase kuugu jecel wax walba oo uu sawiro farshaxaniistaha weyn ee Amin Amir waxaan leeyahay waa wax xaqaa’iqda ku saleeysan mideeda kale waxaad ogaataa sida aad Website-kan u adeega ///kuugu suura geliyay inaad Aflagaado, catow iyo calaacalba aad soo gelisid lamid ma ahan website-ka aminarts.com waa mid fac weyn mana ahan mid leeysaga hadaaqo laguna taageero Afkaaraha Guracan ee Qabyaalada Qaawan ee aan marnaba dharka lo gelinin waxanse idiin leeyahay wax badan baa idiin dhiman idinka iyo siyaasiyiintiinaba inta ay cuqdad bafsiga /////////uu idiinku jirana weligiin ma bogsooneysaan insh’alaah dhamaantiinba waayo makii Qabyaalad laga sheekeynayo Qof kasta oo wax garad ah waxaa maskaxdiisa ku soo dhacdo Reer putlan “amaba aan iraahdo” //////” Illaaheyse xaqa ha idiin ada waafajiyo cudurkan xuna waad la wada dhimaneeysaan ””””inta uu ku dhaqmaayo cunsuriyadaan oo kale weligiis “Boowe” Horumargaarimaysaan” waxaanse dareemayaa in runtaan oo kale ay dad fara badan ay wada dhibeeyso sida dhaqankiina uu inoo dhibaayo oo kale waxaad tihiid dad aanan maalin gelinkiis lagu dhex noolaankaarin Maato leys ah isir fuquuqa ku dheereeya Horaase loo yiri ” Doqonta dadka dad ma moodo iyaduse dad ma ahan”
sxb afkaaga caano lagu qabay, si fiican ayaad wax u tustay aamin caamir, waxaan aad usii xoojin constructive criticism hakuu noqoto, si negative ah ha u fekerin
Asxabta yan aamin arts lo gafin wayo wa nin sawira wayn ah caana ka noqday bulshada somaliye kuna caan baxay saadalinta jawiga ama siyaasada ka jirta wadanka somalia ha ahato mida tagan ama mid an wali lagarin marka waxan le yahay yan la dhalilin amin arts wa siyasi adag qaybwayn ma ka qatay dib u dajinta wadanka wana taager sanahay sida u xaqiiqada u so bandhigo
+somalida waxaay tiraahda nin gubaan tumay ilaaq dalbay marka haddii wax laga sheegay faroole iyo wiilkiisa amiin caamir ma ryntaa lagu diidaya cajiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiib waa yaab
Cabdi Sheekh Xassan aan kula kaftamee qoraalkaa qortey wuxuu iilla eg yahay hadalka dumarka oo kale……… Amiin Caamir kartuunkiisa intabadan wexey ku bees gareesantahay xaqiiqda iyo wacyiga jiro
ceelka laga qodo buntland soomaali oo dhan ayaa leh ee beel malaha. xukun jeceelka Faroolena waa mid ey lawada qabaan nin walba oo maamul qabta macal asaf