Maxa ku dahsoon Tahriibta?
Maxa ku dahsoon Tahriibta?
C/kariim Aadan Jaamac (fiqi)
Abdikarimadam@gmail.com
Maarso 06 2012
Arar:
Waxa ay mahad oo dhami u sugnaatey allihii ii suurto geliyey inaan maqaalkan wax ka dhaho. runtii ma ahan arin lagu soo koobi karo maqaal sidan u kooban, laakiin waxaan u arkey inay waajib igu tahay inaan wax ka dhaho arintan xanuunka badan, kadib markii aan arkey dhacdooyin badan oo aan laga aamusi karin iyo qulqulka qaris ka tuur nimada ah ee ay sameynayeen dhalinta wadankeyga soomaaliya.
Waxaan isku dayi doona haddii alle ogolaado inaan wax ka daah furo waxyaabo badan oo ku dahsoon tahriibta. sidoo kale waxan wax ka eegi doonaa waxa ku riixaya dhalinta inay tahriibaan.
Waxan kaloo ka jaawabi doonaa su,aalo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin:
1. Dadka tahriiba waa dad noocee ah?
2. Xagee u tahriibaan?
3. Maxey raadinayaan?
4. xal ma loo heli karaa?
5. yaa masuul ka ah joojinteeda?
Su,aalaha kor ku xusan ayaa waxa ay gundhig u noqon doonaan maqaalkeena. waxa inta kadib aynu wax ka ogaan doonaa tahriibta iyo waxa ku qarsoon.
Tahriibtu waa ay kala duwantahay waxa ayna qaadataa magacyo kala duwan, waxa ayna ka dhici kartaa bad , cir iyo berri intaba, laakiin mida aynu hada u dan leenahay waa midda beriga. gaar ahaan wadada u dhaxeysa Libya iyo Talyaaniga iyo jidka kasii horeeya ee kasoo bilowda soomaaliya.
Waxa is weydiin mudan dadka tahriibaya waa dad noocee ah?
Inta badan dadka tahriiba ayaa ah dad dhalin yaro ah oo da,doodu u dhaxeyso 20 ilaa 40 , mararka qaar waxaad arkeysaa dad kasii yar yar intaas ama ka weyn. laakiin waxa ay u badan yihiin inta u dhaxeya da,daa aan kor ku xusnay.
Fikradda tahriibtu inta badan waxa ay ku dhalataa dadka jooga gudaha wadanka waxana la aaminsanyahay in asalkeedu uu yahay dhaqaale raadis. mararka qaar waxad is dhahaysa arintuu dhaqaale raadis way ka badalantahay, marka aad aragto dad badan oo dhaqaale fiican haysta oo jidka ku jira. laakiin waxa jira dad iyaga ay ka tahay mar yurub cagta geliya.
Safarka tahriibta
Waxa safarka ku baxa lacag aan yareyn oo uu tahriibuhu wax ku qabsan lahaa haduu sida wanaagsan ku fakari lahaa. ma rabo inaan wax ka dhaho lacagtan halka ay ka keenaan laakiin inay aad u badan tahay waxaad ka dareemi kartaa safarka lagalayo inta uu le,eg yahay.
Safarku waxa uu kasoo bilowdaa soomaaliya, waxaana ay soo maraan dadkani, wadada u dhaxeysa kenya iyo sudan ama ethiopia iyo sudan. waxa jira iyana dad kasoo talaaba Uganda laakiin dadkaasi saa uma badna. dhamaan dadkani marka hore safarkoodu waxa uu kusii jeedaa sudan. waana wadada kowaad ee muhiimkaa ee tahriibuhu maro.
Dadkan inta badani safarka kowaad waxa ay ku soo galaan, safar beriga ah. waxa jira dad iyagu Hawada soo mara laakiin dadkaasi ma badna. wadanka sudan waa wadan aad u baaxad weyn walow uu laba dal hada kala noqday laakiin hadana wax weyn iskama badalin baaxadiisi hore. Iyadoo weliba qofka beriga kaso galaya inuu K/suudaan kasoo galo.
Khatarta safarka sudan
Safarka aan u jeedo hada waa midka beriga ah. safarkan waa uu dheer yahayna waan khatar badan yahay. Ma soo wada koobi karno khatiirtiisa laakiin waxbaynu ka taaban doona.
Dhalinyaro badan oo safarkan soo martay oo aan la sheekeystay ayaa iga waramay khataro badan oo ku dahsoon.
Khatarahaas waxa kamid ah:
1. Cunno la,aan
2. Cafimaad darro
3. iyo khatar amaan darro
Cunno la,aan
Cunno la,aantu waxa ay kamid tahay waxyaabaha ugu waaweyn ee soo wajaha tahriibaha. waxaana sabab u ah iyaga oo aan qaadan karin cunno badan sababtoo ah inta badan waa ay lugeynayaan. waxaa intaa sii dheer, safarka oo ah mid sharci darro ah, oo laga dhumanayo laamaha ammaanka ee wadamada lasoo marayo. waxa marka khasab noqonaysaa iney in badan qadaan oo ay dhowrtaan waxyaabaha yar ee ay gacanta ku wataan. waxaana kaloo jirta hadiiba ay jirto tuulooyin yar yar oo ay soo maraan inay la qabsan waayaan cunnada halkaas laga cuno. Gaajadani waxa ay sabab u noqon kartaa cafimaad darro soo wajahad musaafurka.
Caafimaad darro
Caafimaad daradan waxa sabab u ah arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay, arrinta aynu kor ku xusnay ee Gaajada. waxaa kale oo jirta arrin muhiim ah; oo ah safarka oo qayb ka mid ah lagu qaato webiga Niil dushiisa iyadoo doomo yar yar la isticmaalayo, webigu waxa uu leeyahay kaneeco khatar ah oo sababta nooc kamid ah noocyada ugu khatarsan malaariyada. Xanuunkan malaariyada ayaa ah xanuun dhib weyn u geysta qofka uu ku dhaco hadaan dawo deg-deg ah loo helin.
Waxaa intaa sii dheer xanuuno aan weli la aqoon waxa ay yihiin oo soo wajaha musaafurka, waxaana aad ku arki kartaa jirka qofka diif ba,an oo ka muuqata iyo nabaro aan la aqoon asalkooda. Waxa kaloo jira xanuuno aan la aqoon ilaa hada waxa ay yihiin oo ku dhaca dadkaas qaarkood. waxaana sababta u weyn la dhihi karaa jirka dadkan oon la qabsan cimilada wadamadan.
Khatar Ammaan darro
Waxa intaas oo dhan sii dher khatar ammaan darro ah oo ay la kulmaan tahriibayaashu inta ay jidka ku jiraan. mararka qaar waxaa loo geystaa dil, dhac, kufsi iyo waxyeelooyin kale. Qaar ka mid ah dhalin yarada jidkaas martay oo aan la sheekeystay ayaa ii sheegay inay la kulmeen dhibaatooyin uu ka mid yahay jir dil loo geystay, waxa inta badan u geysta qaar kamid ah shacabka wax ma garad ka ah iyo weliba ciidamada qaar ka mid ah wadamada ay soo dhex mareen.
Mid ka mid ah dhalintaasi ayaa ii sheegay dhacdo naxdin badan oo ay la kulmeen. waxa uu igu yiri:”waxaanu ahayn dhowr wiil iyo gabar, intaan jidka kusoo jirnay, waxa gabadhii nagala haray koox adoon ah, laba wiilna way xanuusadeen oo waanu kasoo tagnay”. waxa uu inta ku daray in intii ay jidka kusoo jireen ay oon u ahayd rooti qalalan iyo biyo cad.
Inta aan dhalinyaradan la sheekeysanayey, waxa wajiyadooda ka muuqatay inaysan ogeyn inay la kulmayaan dhibaato intaa le,eg.
Mid ka mid ah dhalintaasi waxa uu igu yiri” hadii aaan ogaan lahaa dhibaatada inta le,eg in aan la kulmayo ma soo aadeen, hadal kuma sheegi karo dhibtii aan la kulmay”.
Waxaan inta uga gudbaynaa safarkeeni kasoo bilowday somalia ilaa sudan. Hadana waxaynu wax ka eegin safarka libya iyo sudan u dhexeeya.
Wadada u dhaxaysa Sudan iyo libya
Waa wado kaloo khatar badan inkastoo aysan masaafo ahaan leekayn, jidkii hore aan kasoo sheekaynay , laakiin waxey leedahay khatar aan yaren. khatarta ugu weyn ee aan ka sheegi karno ayaa ah in dhulka u dhexeeya labadan dal uu yahay saxare. saxare waa meel aan lahayn wax geed ah, dadna aysan ku noolayn, ciid buucaad ah oo badana leh.
Inta badan waxaa ku dhacda tahriibayaasha cuno la,aan iyo biyo la,aan labadaba. sheekooyinka laga soo sheegayo masoo wada guurin Karno laakiin waxeynu wax ka sheegi doonaa qaar ka mid ah.
Sababta ugu weyn ee dhibaatadani ugu dhacdo dadkan ayaa ah; in socodkan yahay mid sharci darro ah sidaa darteed ma heli karaan gaadiid fiican oo ay raacaan. waxa ay raacaan iyaga oo tiradoodu badan tahay baabuur yar yar oo cabdi bilaha gaariga loo yaqaani uu ugu weyn yahay. waxa badana ku dhacda gawaaridan inay ku xumaadaan jidka ama cilado kale oo farsamo xumo ku timado. waxey arintani dhalinaysaa in ay dadkii la socdaan ku go,doomaan halkaas, wax ay cunaanna ay waayaan, biyuhuna ay halkaa kaga dhamaadaan.
Mid ka mid ah dhalinta ka badbaaday safarkan halista badan ayaa ii sheegay in ay biyo ka dhiganayeen kaadidooda. waxa uu inta ku daray inay naftu u geysay inay wax walba sameeyaan si ay bal nafta u ilaashaan.
Wadada u dhaxeysa libya iyo talyaaniga
Qofkii alle ka soo badbaadsho labadii khatarood ee aynu kor kusoo sheegnay, waxa uu wa jahayaa meeshii ay arintu ka bilaabanaysay ee ah badda u dhaxeysa libya iyo talyaaniga.
Safarka badda ah, waxa uu u dhexeeyaa geeri ama nolol. Dhibka ugu weyn ayaa ah mid ka dhasha doomo bac ka sameeysan oo la saaro dad aad u faro badan. Wadada u dhaxaysa labadan dal waxa ku haligmay boqolaal dhalinyaro soomaaliyeed ah.
Waxa tusbax dabada laga furay noqotay soomaalida uusan dhibkani sida cad ugu muuqan ee kusii qulqulaya libya iyagoo quud daraynaya inay mar yurub lugta galiyaan. Dhamaan dhalinta tahriibtay waxa ay wax badan kala kulmeen dhibta ay la kulmeen inta ay safarka ku jireen. Sida ay ii sheegeen qaar ka mida lagama yaabeen inay dib u soo tahriibi lahaayeen hadii ay iyago dhibkan og wadanka joogi lahaayeen.
Ugu dameyntii arintan tahriibka ayaa noqotay mid ka mid ah dhibaatooyinka waaweyn ee laga dhaxlay burburka. waxana nasiib darro noqotay in ilaa hada aanan shirarka waaweyn ee soomaalida looga hadlayo arimaheeda aan lagu soo darin, ee laysku mashquuliyo arimo aad uga yaryar.
Xal ma loo heli karaa joojinta tahriibta?
Waa su,aal u baahan jawaab waafi ah in loo helo, sida aynu ognahay wax walba oo dhaca waxay ay ka tagaan saameyn ay ku reebaan cida ay ku dhaceen iyo meesha ay dhaceen. waxaana lagama maarmaan ah haday tahay arin waxyeelo ah, in waxtar degdeg ah loo helo. waxaan aamin sanahay xalka tahriibtu inuu fudud yahay hadii la helo dhowr arrimood:
- In qofkasta oo haminaya inuu mar tahriibo, inta uusan sameyn uu raalidiyo xog badan oo ku saabsan arintan. Waxa fududaanaysa in qofku uu go,aan wanagsan ka qaato dhibatada ay arintani leedahay. waana xalka ugu wanagsan ee lagu joojin karo.
- In wacyi gelin loo sameeyo dhalinyarda. maadaaba ay dhalintu yihiin cida ugu badan ee tariiba waxa lagama maarmaan ah in wacyi gelin fiican loo sameeyo dhalinyarada.
- In dhalinyarada shaqo abuuris loo sameeyo. Sida dad badani aamisanyihiin arinta ugu weyn ee sababaysa tahriibta ayaa ah dhaqaale darro iyo shaqo la,aan soo wajahda dhainyarada. waxa lagama maarmaan ah in loo helo dhalintan shaqooyin. Waxaana masuuliyda ugu weyni ay ka saarantahay maamulada iyo hay,adaha ka hawl gala goobaha ay ku nool yihiin dhalintani.
- In dhalinyaradu ay alle ka cabsadaan waayo ma banaana hijradani.. meesha loo socdana waa wadan gaalo, adoo waddan muslim joogana inaad u haajirto dhul gaalo wax banaan ma ahan.
- In Tahriibta lala mid dhigo masiibooyinka waaweyn ee wadanka saameeyey, sida burcada oo kale, waayo waxa ku haligmaya dhalinyaro farabadan oo soomaaliyeed, ahna cududii mustaqbalka dhow ee wadankeena.
Gunaanad
Waxaan rajeynayaa in wax badan maqaalkani uu daahfuray, walow saan horay u sheegay aan lagu soo koobi kari dhibaatada tahriibta maqaal sidan u kooban. waxan kaloo ku rajo weynahay in dad badan oo aan wax badan ka ogeyn waxa tahriibta ku qarsoon ay ka faa,iidi doonaan.
Cid kasta oo akhrida qormadan waxa uu waajib ka saaran yahay inay waxa ay ka fiido, uga faa,iidayso walaaheeda, si looga hortaga in dhibaatadan ay ku sii faafto walaaleheena kale ee soomaaliyeed ee ay San weli saameyn. iyadoo awalba bulshadeenu la daalaa dhacaysay dhibaatooyin ay ugu horeeyaan qalalaasaha siyaasadeed ee wadankeena soomaaliya hala keeyey.
Ugu dameyn waxaan eebbe ka baryaaya inuu dhibka umadda soomaaliyeed ku habsaday uu ka feydo, quluubta soo maalidana isku soo jeediyo, fidno wadayaashana alle ka qabto. allena na tuso wadankeena oo aynu aamino in aynu wax qabsan karno. halka aynu dad kale wadamadood ku sii hayaamayno.
Wabillaahi towfiiq
C/kariim Aadan Jaamac (fiqi)
Kartoum , Sudan
Abdikarimadam@gmail.com
==========================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM












[...] Read More: Maxa ku dahsoon Tahriibta? [...]
Masha allah, qoragu aad buu ugu mahadsanyahay maqaalkan ka turjumaya arin loo baahna in mar hore laga hadlo. Wuxu u muqda shaqsi da’yar oo aad u caqli badan.
AAD AYAAN UGU MAHADCELINAYAA QORAAGA KALMAHADAHA KA TURJUMAYA DHABTA KA JIRTA TAHRIIBTA OO UU SIDA KOOBAN UGU FALANQEEYAY MAQAALKIISA, WAXAAN FILAYAA IN DAD BADANI AY KA FAA’IIDAYSAN DOONAAN HADDUU ALLE IDMO
AAD AYAAN UGU MAHADCELINAYAA QORAAGA KALMAHADAHA KA TURJUMAYA DHABTA KA JIRTA TAHRIIBTA OO UU SIDA KOOBAN UGU FALANQEEYAY MAQAALKIISA, WAXAAN FILAYAA IN DAD BADANI AY KA FAA’IIDAYSAN DOONAAN HADDUU ALLE IDMO.
qoraagu aad ayuu u mahadsanyahey sida uu inoo ku waadixiyey waxa ku dahsoon tahriibta.
maasha alalh qoraagu aad ayuu umahadsanyahey…..
waxan dhihi karnaa wax badan oo naga qarsoonaa ayuu noo cadeeyey.