Wakiilka EU u Qaabilsan Geeska Afrika oo RBC Radio Muqdisho ugu Waramay (Sawiro+ Wareysi)
Muqdisho (RBC) Wakiilka Gaarka Midowga Europe ee Geeska Afrika Alex Rondoz oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa maanta wareysi gaar ah RBC Radio ku siiyey magaalada Muqdisho isagoo ka waramay arimaha gargaarka bani’aadanimo, taageerada Midowga Europ ee Soomaaliya ay siiyaan, aragtida Midowga Europe ee khilaafka baarlamaanka Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaqayada hadda socda ee la doonayo in looga gudbo marxalada kalaguurka.
Alex Rondoz oo kulan gaar ah RBC Radio ugu waramay ayaa ugu horeyn ka warbixiyey ujeedada socdaalkiisa ee Muqdisho isagoo sheegay in shalay uu yimid Muqdisho, ka dibna uu kulan la qaatay raysul wasaare C/weli Gaas oo sida uu sheegay uu kala hadlay arimaha gargaarka bani’aadanimo iyo qodobo la xiriira siyaasadda dalka.
Wareysiga oo kooban
ALEX: “Maanta waxaan booqday qeybo ka mid ah xeryaha barakacayaasha Muqdisho sida xerada Badbaado iyo xerada 77 halkaasoo dadka ay dhowaan yimaadeen, qiimeynteyda waxaa jira baahi loo qabo kaalmo fara badan iyo isku xir gargaarka waana labo arimood oo waaweyn. Waxaan ku dhiirigeliyey DKMG ah inay isku xiraan hay’adaha, arinta labaadna inay helaan dhulkii dadkaasi la dejin lahaa si loo sameeyo xeryo heerkooda sareeyaan.” ayuu yiri Alex Rondoz.
RBC RADIO: Shalay waxaad la kulantay raysul wasaaraha DKMG C/weli Gaas maxaad ka wada hadasheen?
ALEX: Waxaan u maleynayaa in ay muhim tahay isbedelka amaanka ee gudaha magaalada Muqdisho iyo hareeraha Muqdisho, dhul badan ayaana hadda u muuqda inay xasiloonida heleen aan aragno bal waxa dhaca bilaha soo socda, haddii aan la helin amaan quman ma jiri doono horumar sax ah taasi waa qodobkaa koowaad, waana sababta aan anaga Midowga Europe ahaan u taageerno istiraatiijiyada amaanka. Arinta labaad waa heerka siyaasadda, waxaa hadda jira hab dib loogu eegayo dastuurka si loo suurtageliyo in dalku noqdo hal wadanoo hal dawlad leh, geedi socodka siyaasada iyo wada tashiyada socda waxay ku xiran yihiin natiijada dambe. Ma dhahayo waa la guuleystay laakiin waxaan leeyahay waxaa muuqda HORUKAC taasina wa muhim.
RBC RADIO: Waxaad booqateen xeryaha barakacayaasha ee waaweyn sida xerada Badbaado oo ah meesha ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee barakaca ah, maxaa kaaga baxay waa sidee xaalka dadka aad halkaasi ku aragtay?
ALEX: ….. Sida aan kuu sheegay waxaan u maleynayaa dawlada way wadaa dadaal laakiin heerka dadka barakacayaasha waa in la hagaajiyaa taasi waa cadahay. waa su’aal ku saabsan helista nolol ku filan oo si fiican loo maareeyey, waa inay helaan biyo nadiif ah, nadaafada guud iyo musqulaha waa in la hagaajiyaa taasi waa waxa dadka dila.
RBC RADIO: Inkastoo UN ay sheegeen inay Muqdisho u soo guureen laakiin Midowga Europe ma joogaan Muqdisho si toos ah xafiisyo uguma lahan marka sidee baad ku leedahay wax baan ka qabaneynaa dalka idinkoo joogin?
ALEX: Waan in la helaa joogitaan buuxa oo Midowga Europe, hadda aniga booqashadeyda waxay qeyb ka tahay inaan arintaasi hubiyo, wayba isbedeleysaa…….
RBC RADIO: Waxaad sheegtay in mashaariic aad u sameyneysaan dadka barakacayaasha, runta marka loo hadlo ma ahan baahida dadka in xoogaacunto ah la siiyo ama teendhooyin loo dhiso ka dibna dhowr bilood gudahood ay ku baaba’aan. Xaqiiqda waxay tahay in dadku u baahan yihiin kaalmoo dhameystiran oo dib u dejin ah, ma noo sheegi kartaa mashrruucqorshe dheer oo dadkanaad u heysaan?
ALEX: Ii ogolow inaan sawir guud ka bixiyo, Waa in la abuuraa jawi nabadeed oo ay arki karaan dadka markaasoo ay awqood u yeelan karaan inay guryahoodii dib ugu laabtaan, taasi mar hore ayaa la bilaabay. Arinta kale waa in dadka loo sameeyaa barmaamij dib loogu dhisayo heerkooda nolosha si ay dib ugu degaan oo ay guryahoodii ugu laaban karaan… taasina waa barnaamij weyn, waxaa kaloo jirta in la eego fursada dadka loo sameynayo iyo waqtiga ay dhacayso waayo waxaan aragnaa in dadka qaar ay dib ugu soo laabanayaan magaalada halka qaar kalana ay ka sii baxayaan…. i ay dadku dib ugu degaan Arinta ugu muhimsan ee dadka barakacayaasha waa in la abuuraa xaalad amaan oo saamixi karta, ka dibna la siiyaa taageerada saxda ah.
RBC RADIO: Maxaad nooga sgheegi kartaa taageerada maaliyadeed ee Midowga Europe u doondeeyey gargaarka bani’aadanimo ee Soomaaliya gaar ahaan barakacayaasha?
ALEX: Waa mid isbedbedeleysa, waayo waxay ku xiran tahay hadba baahida taagan laakiin deeqda lacagta waa mid ku haboon. Waxaad og tahay in dhowrkii sano ee la soo dhaafay in Midowga Europe uu gaarsiiyey kaalmooyinka Soomaaliya in ka badan hal bilyan oo Euro. Lacagtan waxay ku baxdaa taageerada amaanka iyo sidoo kale gargaarka iyo horumarinta marka waa ballanqaad weyn. Hadda deeqahan waxay maraan Qaramada Midoobay iyo hay’ado laakiin waxaan filayaa in waqtiga ku haboon marka la gaaro in deeqahan toos loo marsiin doono dawlada Soomaaliya waayo waxaan rabnaa inaan dhisno hay’adaha dawladeed.
RBC RADIO: Arin kale oo ku saabsan siyaasadda, Sidaad og tahay waqtiga KMG ee dawladan wuxuu dhamaanayaa bisha August 2012 markaas oo la filayo in nidaam kale uu bedelo midkan hadda jira, marka muxuu yahay doorka ay qaadanayaan wadamada Midowga Europe marka loo eego marxalada kalaguurka ee Soomaaliya?
ALEX: Marka ugu horeysa Doorkeena waa inaan dhiirigelino. Ogow Kumeel gaarnimada maahan wax weligiis jiri kara. Sidaa darteed siyaasad ahaan anagga waxaan rabnaa inaan dhiirigelino wax kasta oo keenaya hab dawladnimo ay aamin karaan SOOMAALIDA OO DHAN, kuma oranayo midka ugu fiican laakiin waxaan leeyahay WAX UUN AY SOOMAALIDA AAMINI KARTO dhamaan dhinacyada kala duwan ee Soomaalida iyo dadka reer Muqdisho,. Anaga doorkeena waa inaan bixino taageero dhaqaale oo aan haddaba siino sidoo kale talabixin tan siyaasadana siyaasad ahaan baan uga hadalnay,. Laakiin waxaan rabnaa inaan cadeyno inaanu u baahan nahay inaan aragno ISBEDEL haddii kale ma heli kartid kalaguur wanaagsan, Waana arin u taalla dadka Soomaalida laf ahaantooda iyo siyaasiyiinta Soomaalida ee iyaga metela,…… mana aha hawl annaga noo taalla inaan XUKUNO, waa adinka Soomaalida ah dadka xukumaya, waana filayaa in maalin maalmaha ka mid ah aad aadi doontaan doorasho. Laakiin waqtiga hadda lagu jiro waxaad u baahan tihiin dawlad amaanka ilaalisa.
RBC RADIO: Waxaa muuqata in indhaha caalamku u soo jeestay Soomaaliya si ka duwan 21 sano ee la soo dhaafay, marka waxa isweydiin mudan waxa hadda dunida iska bedelay?
ALEX: Waaa arin cad.. Soomaaliya waxay noqotay arin CAALAMI ah dhowr sababood dartood, waxay amaan darideeda uu dhoofisay wadamada deriskeeda, waxay soo dhoofisay khataraha badaheeda ka jiray ee loo yaqaano BURCAD BADEEDA, Sidoo kale waxay noqitay arin niyad ah, waayo dad aad u fara badan ayaa gaajo u dhimanaya.
RBC RADIO: Su’aasha iigu dambeysa, waxaad og tahay baarlamaanka KMG Soomaaliya weli wuu kala qeybsan yahay, waxayna taasi saameysay kaalintii baarlamaanka ka qaadan lahaa ka bixida marxalada KMG ah ee dalku ku jiro, marka muxuu yahay aragtida beesha caalamka gaar ahaan reer Europe?
ALEX: Baarlamaan wuxuu u jiraa inuu sharci u sameeyo wadan waxayna u baahan tahay in shaqo la qabto, ujeedada loo sameeyey baarlamaan waxay tahay waa inaadan hawshaada curyaamin xitaa haddii aad kala fikir duwan tihiin. Waa in la helaa isu tanaasul si horey loogu dhaqaaqo taasi waa waxaaan hadda raadineyno. Marxalada curyaaminta ee hadda lagu jiro waa ARIN NIYADJAB leh.
RBC Radio
______________________________________________________________________________
Alex Rondoz waa wakiilka gaarka ee Midowga Europe u qaabilsan Geeska Afrika. Wareysigan waxaa Muqdisho kaga qaaday Cabdalle Muumin.














war nimankiina cad cad waxaa tihiin moriyaan dalkana wax uqaban maysane degdeg uga baxa dalka 21sano ayaad jogteen wax muuqdana uma aydinkaan qaban waxaadna ku qaraabataan waxaan quudinaa barakacyaasha somaliada
so go outside of the country you didn,t support the displaced people please stop the false