War Deg Deg : Boqor Buur-Madow Oo Lagu Xiray Hargeysa


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Hargeesa (RBC) Ciidamada Booliska maamulka Somaliland ayaa goordhow xabsiga u dhaadhiciyay Boqor Cusmaan Aw Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah wax garadka ugu magacaweyn Soomaalida.

Wariyaal ku sugan Hargeesa oo diiday magacooda in loo adeegsado Warbaahinta ayaa u sheegay RBC Radio in Boqor Buurmadow oo maanta yimid magaalada Hageesa, isla markii uu garoonka diyaaradaha Hargeesa ee Cigaal International Airport ay gacanta ku dhigeyn ciidamada ammaanka Hareega, kuwaas oo dabadeed u dhaadhiciyay xarunta dhexe ee dambi baarista CID-da Magaalada Hargeesa, halkaas oo hadda lagu hayo.

Wariyaasha aan la hadalnay ayaa noo sheegay in aysan wadan ciidanka xiray wax war qad ah oo muujinaya in la soo xiro Boqor Buurmadow. waxa uu horrey wax uga sheegay dowladdii Daahir Riyaale Kaahin. in kastoo la iska cafiyay.

Ma cadda xarigiisa in ay arrintaas ka dambeeso, xiriiro aan la sameenay ehaladiisa ayaan noo suura galin, dad badan oo ku dhaqan Hargeesa ayaa u sheegay RBC Radio in xariga maanta oo loo geestay Buurmadow uu yahay mid shir qool ah.

Ilaa hadda wax aan ka hadlin xaringa Boqor Buurmadow dowladda Somaliland, waxana xarigiisa uu ka mid yahay wararka ugu waaweyn ee maanta laga hadalhayo magaalada Hargeesa.

Boqor Buurmadow ayaa ka yimid magaalada Dubai ee dalka iskutaga Imaaradka carabta halkaas oo sidoo kale dhawaan lagu xiray in kastoo la siidaayay.

Waxa uu ka mid ah Aw Buurmadowe dadka ugu cadcad ee mucaaradka ku ahaa dowladii horre ee Daahir Riyaala Kaahin.

Boqorka ayaa waxa uu ka mid yahay dadka ugu cad-cad Soomaaliya ee dhinca cuqaasha,waxana uu ka mid ahaa boqoradii Africa ka socotay ee u caleema saaray Korneel Qadaafigii geeriyooday in uu noqdo boqorka boqorada Africa.

Wixii ku soo kordha warkan waxa aad kala socon kartaa Raxanreeb.com

RBC Radio
————–
Xafiiska Wararka Hargeesa

Share

Tags:

16 Responses for “War Deg Deg : Boqor Buur-Madow Oo Lagu Xiray Hargeysa”

  1. Waa wax laga xumaado inuu maanta dhiig yacab siilaanyo uu xiro Boqor buur madow waana uga tacsiyeynayaa boqorka iyo heladiisiiba xariga macna la,aanta iyo in la,aanta ee lagula kacay boqorka

  2. [...] Taken from: War Deg Deg : Boqor Buur-Madow Oo Lagu Xiray Hargeysa [...]

  3. Maxamedcawke says:

    Hadii buurmadow laxidhay waxa lagu xidhay wuxuu galabsaday waana lasoo dayndoonaa maxaad ka halaysaa

  4. Maxamedcawke says:

    Miyaa laxidhay buurmadow guuxiisuu ka dheereeyay

  5. Mohamud says:

    Wuxuu ka mid yahay dadka fara ku tiriska ah ee beeshiisa ee garwaaqsan in dhibaatadii ay geysatey xukuumaddii siyaad Barre aanay iyaga si gaar ah ugu dhicin balse ay qabaailka kale oo dhammi la qaybsadeen.sidoo kalena dulmiilayaashu ay qabiil kasta oo soomaaliyeed ka soo jeedeen, oo aaney xubnaha qabiilkooda ee maamulkaas ku jirey ayna nadiif ka ahayn Dulmiga. waana aragtidaas waaqiciga ah waxa ay ku naceen Masuuliyiinta SNM.

  6. Jaale says:

    Aad uu aad baan uu hambaleyneya Dowlaada Somaliland iyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo ineey sharciga hor keenan Boqor Buurmadow oo ah nin ku caan baxeey isku dirka iyo ka been sheegida shacabka Somaliland.

    Waa in sii deg-deg maxkamad laa saaro Buurmadow isla markaana xadhiga lagu xukuumo ugu yaraan 5 sanno.

  7. RUNSHEEG says:

    @ MOHAMUD BOQORKU GUUXIISU KA DHEEREEYEY MARKAA DADKA INUU LA TALAABSADAA LA BARAYAA. TAN AAD TIDHI MAHAMUD SXB SNM AYAA NECEB WAXAAN KUU SHEEGI LAHAA SNM WAXAA AY BAABADAY 1991 MARKII TALISKII KACAANKU BURBURAY EE SOMALILAND AYAA XIDHAY BOQOR BUUR MADOWNA BEEL HOOSE OO JUFO AH AYUU BOQOR U YAY EE DADKII SNM TAAGEERSANAA UMA WADA AHA….. SNM AAD AYAANU UGU FAANA HADII AY KU DHIBAYSO IYO HADII KALABA MEEL KASTA OO LOO MAGAC SAMAYNAYANA MUJAAHID AYAANU UGU MAGAC DARNAA KKKKKKKKKKKK

  8. kkkkkkkkkk war boqorka maxaa laga rabaa oo sow kuwii laaha dimoqoradiyad baa nahey sow ma’ahn
    Siilanyo oo hantida shacbka somalilander ku tagri faley ayuu boqorka ka biyo diidey iyo dhaca ay ku hayaan SNM oo qoyska siilanyo oo hadda hantda oo dhan gacanta ay u gashey gaar ahaan naagta uu qabo siilnyo oo caasho waris oo lacag faro badan ka qaadata dhaqaalha wadanka soo galaya oo ay guryo ooga gadtey dubai,london,Chinaha ay guryo cusub ka gadtey haddba somalilanderka beenta loo sheegayao oo la leeyahey ictiraaf baa soo dhow buu diidey Boqor bur madow oo hadda kahor lagu xirey dubai oo uu xaragiisa uu ka danbeyey Siilanyo oo ah nin tuug ah oo shirkii London lacag ku qaatey qadiyada somaliyeed inuu ka midyahey ayuu lacag ku cunaa marka uu hargeysa yimaado been buu u sheega shacbka siilanyo oo ku dhoofa passporka britishka ah tuugan waa inuu sii daayaa boqorka haddii kale waa dagaal sokeye oo somaliya lagu biiri doono

  9. mursal says:

    Hadii aanu nahay reer Somaliland , waxaanu ku granaynaa ninkani inu xadhiga istaahilo , faqash oo dhan baa ka xun xadhigiisa..
    Mise tolow faqashtu , wixii Somaliland ka soo hor jeedaba way ammaanyaan shaydaanna ha ahaadee !!

  10. sheeko waalan.cuqaashiina ma baxsan wayday.. illahay hargaysa nama bado.

  11. bah bah…Waar kan Faqash iyo wax ka sheekaynayaa muxuu ka hadlayaa??? balaa micne ayaad tahay.
    sababta aanu uga xumaanayno Odayga Xadhigiisa waa”"”"anagoo Faqash ah “”"Anagu Odayaasha waanu Qaderinaa sxb…secondly Maxaa somaliland looga xumaada oo ay haysataa? Togdheer iyo waqooyi galbeed ayaad ku dhex wareerteene!!!!! sidii aad wax haysataan baad iska dhigaysaaan. EE KOR U BAX.

  12. NINA says:

    GROODI IYO NAASAHABLOOD states waxay noqdeen NATSI CAMP oo cidaan la fikirka ahaynba waa xidhayaan buurmadow waa isimka keliya ee maamulka hargaysa ka madaxbanaan xaga xoriyada hadalka meeshuu tagana wataa lagu xidhayo shalay dubai maanta hargaysa waa maamul jar ka laalaada oo gaboodisan oo dhamaadkiisii soo dhawaaday

  13. Birjeex: says:

    @ Siilaanyo.

    Boqorku waa Boqor Soomaaliyeed, waa in si deg-deg ah xoriyadiisa loo siiyaa iyada oon sharuud lahayn.

  14. tolo maxa lo xiidhaya buuru maadaw waa walanyahaya siilayo ha la xiidho isaga siilayo ilahaya ha ka qabato dadka u dhiibayo siilaya ma la diilo

  15. [...] Facebook Recommendations Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin Hargeysa (RBC) Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee waqooyiga dalka ayaamaanta markii ugu horeysay la soo tusay maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa kadib markii uu xabsiga ku jiray mudo ku dhow hal bil. [...]

  16. [...] Hargeysa (magudhe) Boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee waqooyiga dalka ayaa maanta markii ugu horeysay la soo tusay maxkamad ku taalla magaalada Hargeysa kadib markii uu xabsiga ku jiray mudo ku dhow hal bil. [...]

Leave a Reply