XOG: Shabakada Raxanreeb oo Faahfaahin Dheeri ah Ka Heshay Qaraxii Ismiidaaminta ee Villa Soomaaliya ka Dhacay


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Goob shaaha laga qabo oo qaraxu ka dhacay

Muqdisho (RBC) Shabakada Raxanreeb ayaa ogaatay in hay’adda Nabadsugida DKMG Soomaaliya ay furtay baaritaan ku saabsan dhacdadii isqarxinta ahayd ee Arbacadii 14-kii Maarso ka dhacday afaafka hore ee xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya gaar ahaan meel bannaanka ka ah xafiiska Shariif Xasan Sheekjh Aadan uu ku leeyahay madaxtooyada.

Ugu yaraan saddex maalmood ee la soo dhaafay waxaa taagnaa muran weyn oo ka dhashay qaabka uu ninka ismiidaamiyey ku dhaafay kontoroolka koowaad ee madaxtooyada laga galo oo ka mid ah saddex bar kontorool oo lasii maro marka loo socdo Villa Soomaaliya. Saraakiisha ciidamada iyo masuuliyiinta sare ee dawlada ayaa dhaliilo isugu jeediyiyey dhacdadan oo dadka qaarku tilmaameen dayacaad.

Waxay sidoo kale dood weli ka taagan tahay nin labaad oo saraakiisha Nabadsugida ku doodayaan inuu la socday ninka ismiidaamiyey, kaasoo lagu magacaabi jiray Cumar Maxamed Dhiblaawe oo ku magacdheeraa “Cumar Garweyne” laakiin eheladiisa ay diideen sheegashadaasi.

Sida uu habeenkii Arbacada [ee Khamiistu soo galeysay] uu sheegay Afhayeenka kooxda Al-Shabaab Cali Dheere waxaa qaraxa ismiidaaminta fuliyey nin uu magaciisa ku sheegay  Xasan C/qaadir Cali  “Muxsin”.  Ninkaasi ayaa cod isaga laga duubay waxaa habeenkii baahiyey idaacadda Al-Shabaaboosi rasmi ah u qirtay nin ninkaasi uu iyaga ka tirsanaa.

Dad ka baxsan Shabaabkana waxay sheegeen in ninka ismiidaamiyey uu da’ ahaan aad u yaraa.

Baaritaan muran dhaliyey

Ninka kiiskiisa dooda ka taagan tahay ayaa ah Cumar Maxamed Dhiblaawe “Cumar Garweyne”  oo qaraxa ku geeriyooday. Warar kala duwana waxay ka soo kala baxayaan hay’adaha nabadsugida iyo ehelada Cumar Dhiblaawe.

Ilo ku dhow nabadsugida ayaa Shabakada Raxanreeb u sheegay in Nabadsugida heshay vedio la duubay daqiiqado ka hor intii uusan qaraxa dhicin subaxnimadii Arbacada abaare 11:30 barqanimo. Vedio-ga oo ay qabatay Kaamirada amaanka ee Madaxtooyada ayaa muujinaya wiilka isqarxiyey oo gacanta heysta Cumar Dhiblaawe iyagoo ku sii socda kontoroolka labaad ee madaxtooyada oo ah halkii laga soo celiyey qaraxa ka hor.

Baaritaanka hadda socda oo Raxanreeb si hordhac ah uga warheshay ayaa sidoo kale sheegaya in labada nin ay weydiisteen inay gudaha u galaan madaxtooyada laakiin loo sheegay inaysan aqoonsiyo heysan wax ballana aaney u oolin sidaasi darteedna waxay dib ugu soo laabteen goob shaaha laga cabo oo ku taalla meel wax yar ka sokeysa kontoroolka koowaad halkaasoo ah meesha markii dambe uu isqarxisku ka dhacay.

Baaritaanka wuxuu kaloo sheegayaa in nin saddexaad oo hadda dhaawac ah uu la fadhiyey labada nin ee kale biibitada shaaha dhexdeeda.

Laakiin ehelada Cumar Dhiblaawe ayaa sheegaya in Cumar laftiisu uu dhibane u noqday qaraxa oo uu naftiisa ku waayey sidaasi darteedna aysan jirin wax uu ka ogaa.  Haweeney ka mid ah afar xaas oo Cumar Dhiblaawe carruur u heysa ayaa warbaahinta gudaha u sheegtay in ninka la sheegayo inuu gacanta ka heystay Cumar uu yahay nin ay ilme abti yihiin oo hadda dhaawac ahaan loogu daweynayo isbitaalka.

Waa kuma Cumar Dhiblaawe?

Cumar Maxamed Dhiblaawe waxaa uu sanadihii 2005 illaa 2009 ka mid ahaa saraakiisha dagaalka ee ururkii Maxkamadaha Islaamka. Markii sanadkii 2009 dawlada KMG ay ku biireen hogaankii Maxkamadaha badankood ayna yimaadeen Muqdisho wuxuu Cumar Dhiblaawe ku biiray  xubnihii Maxkamadaha Islaamka ee ku dhowaa madaxweyne Shariif.  Waxaana markii dambe loo magacaabay “Agaasimaha Waaxda Dacwada” ee Madaxtooyada xilkaasi oo uu hayey illaa bilawgii 2011.

Sanadkii 2011 ayuu Cumar iska casilay xilkii uu ka hayey madaxtooyada, waxaana dad ku dhow ay sheegeen inuu qorsheynayey inuu waxbarasho Jaamacadeed dibadda ugu baxo. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ka hor iscasilaadiisa uu ka cawday mushaharka yar ee ay bixiso madaxtooyada taasoo aaney madaxdu waxba ka qaban.

Isla sanadkaasi dhamaadkiisi waxaa Cumar qabtay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo xirtay mudo ka badan labo bilood markii uu booqasho ugu tagay carruur iyo xaasaskiisa mid ka mid ah oo deganaa Ceelasha Biyaha. Inkastoo markaasi Al-Shabaab dil ku xukumeen haddana wada hadal beeshiisa ay gashay ayaa suurtagal ka dhigay in isagoo nool uu ka soo baxo gacanta Al-Shabaab wuxuuna dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Waxaase markale xiray hay’adda Nabadsugida DKMG ah oo markan Cumar ku eedeysay inuu Shabaab u galay.  Markii uu labo bilood oo kale xabsi ku qaatay Muqdisho waxbana lagu waayey ayuu Cumar Dhiblaawe heley xoriyadiisa dibna u bilaabay noloshiisa caadiga ah.

Mid ka mid ah xaasaska Cumar Garweyne waxay sheegeysaa in illaa daqiiqadii ugu dambeysay uu ku talo jiray sidii uu waxbarasho jaamacadeed u doonan lahaa, uuna qorsheynayey helista fiisaha waxbarashada. Doodaasi waxay ehelada Cumar u cuskanayaan in subaxdii Arbacada abaare 9:00 illaa 10:00 subaxnimo inuu joogay dekeda weyn ee Muqdisho kulana ballansanaa masuuliyiin dawlada ka tirsan.

Ninka saddexaad ee ay boolisku nabadsugida sheegayaan ayaa isaguna magaciisa lagu koobay “Ina Jimcaale”kaasoo la sheegay inuu ka tirsan yahay ururka Ahlusuna ee gobolka Banaadir.  Ina Jimcaale waxaa dhaawac culus oo maqalkiisa waxyeeleeyey uu ka soo gaaray jugtii weyneyd ee qaraxa ahayd.

Marka laga tago sheegadashada labada dhinac, Weli ma cadda xiriirka ninka ismiidaaminta sameeyey ee ay Shabaabku shaaciyeen inuu iyaga ka midka ahaa iyo labada nin ee midi geeriyooday. Ehelada labada nin waxay sheegayaan inay labaduba ay beri ka yihiin tuhunka nabadsugida. Waxayna ehelada intaa ku darayaan in miinada ninku isku qarxiyey iyo fadhiga ay meesha fariisteen aanay wax xiriir ah u dhexeyn.

Baaritaanka weli socda ayaa la sheegayaa inuu ugu dambeyn keeni doono natiijada. Waxaana arintan darteed waxbadan laga bedelay habka amaanka madaxtooyada Villa Soomaaliya oo la sii adkeeyey tan iyo Arbacadii qaraxii dhacay.

 

 

 

 

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share

1 Response for “XOG: Shabakada Raxanreeb oo Faahfaahin Dheeri ah Ka Heshay Qaraxii Ismiidaaminta ee Villa Soomaaliya ka Dhacay”

  1. [...] Sida ku cad warbixin Raxanreeb ay faafisay maalmo ka dib maalintii uu dhacay qaraxii albaabka madaxtooyada goob shaaha laga cabo ka dhacay ee khasaaraha badan sababay, waxaa ninkii qaraxaasi fuliyey sheegatay kooxda Al-Shabaab oo cadeysay inuu iyaga ka tirsanaa. [AKHRI Warbixinta] [...]

Leave a Reply