MAXAA KU QARSOON DASTUURKA QABYO QORAALKA EE LA SOO WADO


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Ma Soomaalidii 1960-kii baa ka tacliin, caqli iyo damiir fiican kuwa hadda mise wax kalaa jira?..  Ma Soomaalidii hore iyo maamuladii dalka soo maray ayaa ka diin iyo wadaniyad fiicnaa kuwa hadda jooga mise wax kalaa jira?..Ma gaajada, Colaada iyo abaarta ayaa na dawaqisay mise indhahaan ka xiranahay???
____________________________________________________________________

In ka badan labo sanadood ayaa guddi ay dusha ka maamusho hay’adda UNDP waxay gacanta ku hayaan dastuur la rabo in Soomaaliya lagu dhaqo marka uu dhamaado waqtiga KMG ah ee hadda dhamaadka ku dhow. Dastuurkaasi oo ka kooban 69 bog ayaa xubno guddiga diyaarinaya ka mid ahi Raxanreeb u sheegeen in diyaarintiisu ku baxday in ka badan $25 milyan (labaatan iyo shan milyan oo doolar), lacagtaasoo aan weligeed xitaa la gelin adeegyada aas aasiga ah ee u baahan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Iyadoo su’aashaasi ay madaxeena xannuunjisay ayaa waxaa dhowaan dalka yimid xubnaha guddiga madaxa banaan (siday sheegeen) ee gacanta ku haya diyaarinta dastuurka cusub ee loo yaqaano “QABYO QORAALKA DASTUURKA LA TASHIGA DADWEYNAHA” kuwaasoo soo bandhigay dastuurka cusub oo la sheegayo in ay ansixin doonaan 825 ruux oo ka wakiil ah lixda saxiixayaasha heshiiska roadmapka markaasna loo qaadan doono dastuur ummada Soomaalida raali ka tahay!.

Haddaba haddiiba sidaas loo dhigo, aan marka hore isweydiino muxuu yahay dastuurku muxuuse sheegayaa? ma yahay mid ka tarjumaya dhaqanka, qaranimada iyo diinta ay dadka Soomaaliyeed aaminsan yihiin? mise wax kalaa ku duugan???  BAL ILA ARAG.

 DIINTA IYO DAWLADA

Dastuurka Qabyo Qoraalka wuxuu sheegayaa in Islaamku yahay “Diinta dawlada” sida ku xusan Qodobka 2aad faqradiisa 1aad oo leh sidan; “Islaamku waa diinta dawlada” iyadoo laga leex leexday in si cad loo sheego in Islaamka uu yahay diinta kaliya ee dalka.  Isla qoraalkan qabyada ah ayaa horey loogu sheegay in “Diintu ay tahay tan dalka (ma ahan tan dawlada)”.

Waxaa xusid mudan in dastuuradii hore ee Soomaaliya loo sameeyey sida Dastuurkii 1960-kii, Dastuurkii 1979-kii, Dastuurkii 2000 ee Carta iyo Dastuurkii 2004 ee Mbagathi ay dhamaantood si muuqata u sheegayaan in “Diinta Islaamku tahay TAN RASMIGA AH EE DAWLADA”

- Dastuurkii 1960: Qodobka 1aad (faqrada 3aad) waxaa ku qoran: “Diinta Islaamka ayaa noqoneysa diinta qura ee dalka”.

- Dastuurkii 2000 ee Carta: Qodobka 2aad (faqrada 2aad) waxaa ku qoran; “Islaamku waa diinta Qaranka, dalkana laguma faafin karo diin kale iyo afkaar kale oo ka soo horjeeda diinta Islaamka” (Halkan waxaa lagu adkeeyey in diin kale oo aan Islaam ahayn dalka la keeni karin).

- Dastuurkii 2004 ee Dawlada KMG ah: Qodobka 8aad (faqrada 1aad) waxaa ku qoran; “Islaamka ayaa ah diinta Jamhuuriyadda Soomaaliya”.

SHURUUDA MADAXWEYNAHA

Malaha qodobkan waa midka ugu yaabka badan ee ku jira Qabyo Qoraalka hadda la wado, waxaana qodobkan haddii aan si wanaagsan loo fahmin uu yeelan karaa khatartiisa, wuxuuna leeyahay qodobka 95aad ee Shuruuda madaxweynaha “Waxaa loo dooran karaa xilka madaxweynaha muwaadin kasta Soomaaliyeed oo ay da’diisu gaareyso 40 sano, lehna sumcad sare,waayo aragnimo iyo heer oo ku haboon hogaaminta xushmada qaranka“.

Fasiraad: Micnaha waa in musharaxa/masuulka qabanaya xilka madaxweynaha Soomaaliya aan looga baahneyn Muslinimo.

Isla qodobkan dastuuradii dalka horey loogu sameeyey waxay u dhigeen sida soo socota:

- Dastuurkii 1960- Qodobka 71aad (Faqrada 1aad) waxaa ku qoran; “Muwaadin kasta oo Muslim ah, aabihii iyo hooyadiina ay labaduba yihiin muwaadiniin asal ah oo xaq u leh inuu cod dhiibto/bixiyo, da’diisa aysan ka yareyn afartan iyo shan jir, wuxuu mudnaan u yeelanayaa inuu noqdo madaxweynaha Jamhuuriyadda. Qof lama dooran karo in ka badan laba xilli doorasho oo isku xiga”.

- Dastuurkii 2000 ee Carta- Qodobka 23aad (faqrada 1aad) waxaa ku qoran; “Waa inuu yahay Muslim ku dhaqma diinta, labadiisa waalid yihiin Soomaali dhalad ah; horena uusan u guursan haddana qabin oori ajnabi ah”.

- Dastuurkii 2004 ee DKMG ah- Qodobka 40aad (Faqrada C) waxaa ku qoran; “Inuu/inay  yahay/tahay Muslim kuna dhaqma/dhaqanta waalidiintiisuna/ waalidiinteeduna yihiin muwaadin Soomaaliyeed”.

Isla qodobkaasi (faqrada D) waxaa ku qoran; “Shisheeye qabin inta xilka/ uu/ay hayana/heysana guursan shisheeye”.

Faahfaahin: Arinta ku saabsan guurka xaas shisheeye (ajnabi) oo dastuuradii hore aad u adkeeyeen ayaa Qabyo Qoraalku meesha ka saaray iyadoo taasi ay u muuqan karto in si gaar ah loogu dan leeyahay rag Soomaaliyeed oo ay dhici karto inay guursadeen xaasas ajnabi ah oo markaasi qaarkood aaminsan yihiin caqiido aan ahayn ‘Islaamka’.

Isla qodobka shuruudaha madaxweynaha waxaa dastuuradii hore (Kii 1960, kii 1979, kii 2000, kii 2004) ay qexayeen in madaxweynuhu uusan geli karin ganacsi ama shaqo kale mudada uu hayo xilka madaxweynaha laakiin Qabyo Qoraalka qodobkaasi laguma soo darin hadda.

SHURUUDAHA IYO DHAARTA WASIIRADA

Qabyo Qoraalka UNDP maalgelisay wuxuu kaloo baalmaray shuruudihii wasiirka koowaad (raysul wasaaraha) iyo wasiirada xukuumadda iyo dhaarinta madaxda dawlada oo dastuurka laga rabay in lagu qeexo.

Hadaan dib ugu laabano dastuurkii 1960-kii iyo kii 2000 ee Carta waxay si isku mid ah u xuseen in wasiirada ito raysul wasaaraha dalka laga rabo Muslinimo iyo ku dhaqanka Shareecada.  Waxaana lagu dhaarinayaa “Kitaabka” iyagoo ku dhaaranaya dhaarta ku xusan dastuurka taasoo Qabyo Qoraalku ka tagay.

HELIDA JINSIYADAHA

Qabyo Qoraalka wuxuu sheegayaa in cid kasta oo Soomaaliya joogta mudo shan sano oo kaliya ama guursata muwaadin/muwaadinad Soomaaliyeed ay heli karto dhalashada Soomaalinimo, sida ku qoran Qodobka 12aad (faqrada 1aad iyo 3aad) oo leh “Qof kasta oo ay isqabeen ugu yaraan shan sano muwaadin Soomaaliyeed wuxuu xaq u leeyahay inuu dalbado Soomaaliyeyn (1)…………….. Qofka shan sano oo taxane ah, si sharci ah Soomaaliya u deganaa, buuxiyeyna shuruudaha sharciga Jinsiyada xaq ayuu u leeyahay inuu dalbado Soomaaliyeyn (3)”.

Arintan dadka sharciyada yaqaana waxay ku micneeyeen mid aan ku habooneyn Soomaaliya waqtigan marka loo eego xuduudaha iska furan, dawlad adag oo dadka soo galaya ilaalisa iyo sharci laga baqo oo aan jirin, taasoo sababi karta in cid walba ay si fudud ku qaadato dhalashada Soomaalinimada.

Faahfaahin: Wariye ka tirsan Shabakada Raxanreeb oo dhowaan booqday xarunta laga bixiyo dhalashooyinka ee Muqdisho ayaa la kulmay dhacdooyin yaab leh ka dib markii ay soo baxday in baasaboorka cusub ee Soomaaliga la siiyey dad ajnabi ah oo qaarkood hal toddobaad kaliya Muqdisho joogay. Tani waxay u muuqan kartaa in dastuurka Qabyo Qoraalka uu saacidayo!.

XUDUUDAHA DALKA

Dastuurka Qabyo Qoraalka laguma cadeyn illaa hadda soohdimaha dalka.  Sida la wada og yahay kuna cad Axdiga caalamiga ee Qaramada Midoobay Soomaalidu xuduudihii uu gumeysigu ka tagay dood bay ka qabtaa oo marna ma dhicin dawlad Soomaaliyeed oo aqbasha in ay ka tanaasusho dhulalka Soomaaliya kaga maqan Ethiopia iyo Kenya, laakiin tilmaan ahaan waxaa la qeexay jihooyinka soohdimaha qaranka Soomaaliyeed oo kala ah sidan:-

1- Waqooyi waxaa ka xiga:                         Gacanka Cadmeed
2- Waqooyi Galbeed waxaa kaxiga:          Jabuuti
3- Galbeed  waxaa ka xiga:                         Itoobiya
4- Koonfur iyo koonfur galbeed:               Kiinya
5- Bari waxaa ka xiga:                                 Badweynta Hindiya

Sidaasi waxaa qaba Dastuurkii 1960-kii iyo Kii Carta ee 2000 iyo kii 2004 ee DKMG ah.

Laakiin Qabyo Qoraalka sidee buu uga hadlay bal ila arag;

Raadraacyo:

- Halka ka akhri Dastuurka Qabyo Qoraalka oo dhameystiran (Ama booqo webka guddiga qoraya dastuurka oo ah www.dastuur.org)

- Dastuurkii Soomaaliya 1960-kii

- Axdigii KMG ee Carta 2000

Axdigii KMG 2004 ee DKMG ah

 

 

_______________________________
W/D: Cabdalle Muumin
Muqdisho, Soomaaliya

Share

Tags:

15 Responses for “MAXAA KU QARSOON DASTUURKA QABYO QORAALKA EE LA SOO WADO”

  1. Ceelbooc says:

    Thnks raxanreeb halkaas war baa iiga soobaxay
    Intaan madax duub ku jeednay baa UNDP shaqaysteen
    Culumo iyo caamaba ka kaca hana laga horyimaado dastuurkaan ba”ay

  2. king caamir says:

    war halaga gaaro gaalada wadanka walle ceebtii water gate ba kasoo socota meshaas

  3. Dr-mudug says:

    waa wax iska hor imanaaya kkk waa mahadsan tihiin raxanreeb. kkkk waa tastuur ay ku baxdey 25 million oo doolaar kkk.

  4. mire k says:

    Waxey u muuqataa in aysan Somalia diyaar u aheyn in ay qof shisheeye ah siiso dhalashada Somalia sanooyinkaan. Sidaas darteed waxaan codsanayaa in laga saaro dastuurka in qof shisheeye ah lasiiyo dhalashada Somalia ilaa inta ay Somalia kasoo kabaneyso dhibaatadi gaartay. Haddii aan laga saarin, waxaan umalaynayaa dad badan oo ay kamid yihiin ithiopian in ay 6sano kadib qaadan doonaan dhalashada Somalia.

  5. Caliyow says:

    15 million ayaan nahay Soomaaliyey hadii sida dastuurka Mahiga soo xarxariiqay qofkii shan sano Somalia joogaba noqonayo muwaadin sidii dalalka horu maray ee galbeedka Ethiopia oo 75million ah oo 10 million oo dadkeeda inoo soo dirta uun ayaaba inoogu filan in dalka la inaga qaado.
    Dastuur kusheegan horaan u sheegay hada looma baahna marka Soomaali xoogeedii iyo midnimadeedii soo noqoto ee dadku wax aan kuwada qancaan sameystaan markaa halala sugo hada kuwii dad iskugu xigay ayaaba xabad isku haysta

  6. dheere says:

    waa gawrac qarsoon oo soomaali loogaystay haduuba qabyaqoraalku saan yahay lama aqbalikaro khiyaano halis ah ayaa ku qarsoon yeelimayno diidmadu waa inay p/land kasoo bilaabataa maxaa yeelay inagaa laynagu xamanaayay inaynu culumo iyo caamaba laduubanahay dastuurka beesha gaaladu lacagaha faraha badan kubixinayso WIXII DHIIGLAHOOWBAXAAY

  7. Abu Ali says:

    sanad ka badan baan maalin walba soo galayey raxanreeb, maqaalkan waa kii ugu fiicnaa….. RAXANREEBEEY AFKIIN CAANA LAGU QABAY

  8. mire k says:

    Caliyow, run baad sheegtay! Dal ku yaalo Africa oo 20sano ka badan dowlad la’aan ah, oo burburay, oo u baahan nabad, dibudhis, sharci iyo kala dambeyn…in la dhaho ‘ wixi ku noolaado 5sano wuxuu helayaa dhalashada dalka’ sida dal ku yaalo dunida reer-galbeedka…waa qalad+qalad+qalad, waana ka soo horjeedaa aniga.

  9. Ali Shire says:

    Maxaa dastuur cusub loo sameynayaa? maa kii lixdankaa oo uu shacabka soomaaliyeed ucodeeyey dalka lagu dhaqo ilaa dowlad rasmi ah dalka yeelanayo. Marka dalka laxasiliyo kadib maa dastuur cusub lasameeyo si shacabka soomaaliyeed markaas afti looga qaado? 825 qofood ma matali karaan shacabka soomaaliyeed oo dhan.

  10. Somalian man says:

    Waxaan u maleynayaa qoraalkaani inuu yahay qoraal caadifadaysan , qof waayo arag ahna uusan qorin , raxanreeb idinku ma waalantihin , barnaamijka wax ka dheh ee aad soo bandhigteen waa akhrinaa , hadana hadal ka duwan baad soo qoreysaan .
    Arinta diinta waxaan jeclahay qodobka 1aad farqadisa 1aad ama 2aad , waxay si sax ah u sheegaysaa in diinta dalku ay tahay islaam , diin aan islaamka ahayna aan lagu faafin karin . Maxaa kale oo qarsoon ? .
    Arinta madaxtinimada dalkana somalia waaqica iyo dhaqanka ka jira baabayna suuragal ku ahayn inaan nin aan muslim ahay xukumo .
    Arinta dhalashadana aduunka oo dhan bay ka jirtaa in qofka 4yrs ama 5yrs jooga dal inuu xaq u leeyahay in uu dhalasho qaato , marka sucudiga laga reebo .
    Fadlan hadalada buun buuninta ah iska dhaafa .

  11. keerow says:

    Somalia Dawladnimo iyadoo aan aqooninbaa Tuugadii Talyaaniga siiyeen Xornimo.
    Waxaa runta ah in Somalidu ay weli ku Caqli yihiin Geela, Lo’da iyo Ariga, lana guur guuraan iyagoo daaq iyo biyo doon ah, waana nasiib darro iney sheegtaan Gobanimo.

    Waxey caabudaan Qabiilka, Qansaca iyo dulmiga, diin weligood kuma dhaqmin laakin wey sheegtaan, weyna ku daneystaan, haddii dantooda iyo tan qabiilkooda ka waayaana wey ka hor-imaanayaan.

    Marka Dastuur in loo sameeyo is-daayee waa iney AMISOM haysataa dalkaas 20 Sano oo kale si loo baro waxa loola jeedo Dawladnimo.

  12. Abdullahi says:

    Asc all, waa iga didniiin walaalayaal hala diido oo halaga hortago dastuurkan ay gaaladu dabada ka riixeyso, sida kamuuqatanana la rabo qof somali ahan jiray oo gaalobay in madax nalooga dhigo waqtigay noqotaba, oy dheer tahay in dhalashadeenii iyo astanteenii si fudud lagu heli karaayo, subxanallah illaahow waxan ka baryaynaa inaad naga qabato ood uu fashil ku danbeyo hagardamada ay noo maleegayaan, amiin.

  13. ALI JEBIYE says:

    WALEE KUWA AAMINAY GAALO KALKAALAYAASHII OO KASUGAAYA DASTUUR AAN TUURLAHAYN BAA IIGU YAAB BADAN EE WAA IN LOO DIYAARGAROOBAA DAGAAL LAGUQAADO KUFAARTA IYO KUWA KABAQAYA XAQ IYO DARIIQA CAD EE ILAAHAY INOOGU SOODHIIBAY NEBIGEENII SUUBANAA CSW MUXAMED OO CAD OO TOOSAN OO XAQA WAANA INLAHUBIYAA KUWA QORAAYA DASTUURKAN TUURTA LEH DURBABA LAGA QAYLIYEY SUBXAANA LAAH ALAAHU AKBAR

  14. Aadan Cade says:

    Dastuurka cusub waxa uu u gogol xaarayaa in mahiga uu noqdo madaxwaynaha dalka sababtoo ah 5 Sano kadib waxa uu noqonayaa muwaadin waxaana uu xaq u yeelanaa in uu isku soo sharaxo doorashada madaxtinimada sababtoo ah waxa uu buuxiyay shuruudaha madaxtinimada

  15. Well, the what so called “Dastoor of somalia does not have the substance and comprehensive meaning, its just elussions to mislead somali people. There a lot somali schoolars who know what kind of dastoor somali people need, but sadly somali small group somali people wha chasing their interest and some fornigners who just know our name “somalia” draf this fake dastoor.

Leave a Reply