Nabadoono Iyo Aqoonyahano Reer Hiiraan ah oo Ka Digay Qorshe Lagu Kala Qeybinayo Gobolka Hiiraan (Dhageyso)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Odayaal dhaqameed iyo aqoonyahano kasoo jeeda gobolka Hiiraan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka digay qorshe ay sheegeen in lagu kala qeybinayo gobolka Hiiraan kaasoo ay sheegeen inay wadaan qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka oo beelo gaar ah ka soo jeeda.

Shirka jaraa’id ka dib ayaa Shabakada Raxanreeb waxay wareysi la yeelatay afhayeenka nabadoonada iyo aqoonyahanka maanta shirka jaraa’id qabtay oo lagu magacaabo Cabdi Xaashi Afrax wuxuuna faahfaahin ka bixiyey dugniinta ay soo jeediyeen.

Cabdi Xaashi Afrax wuxuu sheegay inay maqleen qorshe lagu yagleelayo maamul cusub oo loogu magacdaray ‘Shabeelaha Sare’ kaasoo laga goynayo gobolka Hiiraan isla markaana caasimad looga dhigayo degmada Buuloburde.

“Waxaa shirka looga hadlayey arin cusub oo soo korortay taasoo ah in la doonayo in gobolka Hiiraan loo kala qeybiyo labo gobol,  labadaasoo kala ah in la rabo in la magacaabo qeyb cusub oo la dhaho Shabeelaha Sare caasimadiisuna tahay Buuloburde, waxaana ka digeynaa qorshahaasi” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Wuxuu ku eedeeyey in qorshahan ay wadaandad qaarkood reer Hiiraan ah oo ku lug leh beelo degan gobolka Hiiraan. Wuxuuna afhayeenku sheegay in haddii la kala goynayo Hiraan loo kala qeybiyo Galbeed iyo Bari.

Afhayeenka waxgarad beeleedka maanta shirka jaraa’id ku qabtay Muqdisho wuxuu diiday jiritaanka maamul goboleedyo ka dhisan gobolka Hiiraan isagoo sidoo kalena sheegay in xitaa maamulkii heerka gobol ee dhowaan loo magacaabaygobolka Hiiraan uu qarka u saaran yahay inuu burburo.

“Wax maamul goboleed ah oo ka dhisan Hiiraan ma jiro, maamulkii gobolka ee dhowaan loo dhisay Hiiraan wuxuu hadda qarka u saaran yahay inuu burburo waayo maba shaqeeyo” ayuu sii raaciyey afhayeenka oo soo jeediyey in marka hore gobolka Hiiraan la xasiliyo intaan maamulo loo kala ordin.

Cabdi Xaashi Afrax wuxuu ugu baaqay DKMG ah inaysan ku degdegin sameynta maamulo aaney beelaha u dhameyn gaar ahaan gobolka Hiiraan.

“Mar walba dad aan gobolka meteli karin ayaa inta meelaha xafiis inta la isugu yeero meelahaasi ka hadhadla ama dawlada ku hoos dhuunta. Inta lagu socdo wado khaldan gobolka xaaladiisa inbay degeyso ilamahan” ayuu sheegay Cabdi Xaashi.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

AMA HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA

Xadgudubyada xuquuqda aadanaha

Dhowaan ayaa hay’adaha xuquuqda aadanaha ee caalamka waxay warbixino ay soo saareen ku sheegeen in xaalad ba’anoo dhanka xuquuqda aadanaha ay ka jirto magaalada Beledweyne halkaasoo dhalinyaro si bareer ah loo toogtay ka dibna webiga lagu tuuray.  Mar afhayeenka aanweydiinay wuxuu qiray inay arimahaasi ka dheceen Beledweyne.

“Way jirtay in qolooyin runtii shaar maamul soo xirtay gashan ay dadka iska dilaan. In dad la soo qabto la iska dilo oo ladhaho waa Shabaab ama waa kan waxaysii siyaadineysaa amni darrida” ayuu yiri Cabdi Xaashi Afrax.

Wuxuu sheegay in magaalada Beledweyne uusan ka jirin nidaam garsoor oo leh hay’adihii baarisa iyo maxkamado taasoo uu sheegay inay sabab u tahay in tacadiyo ay ka dhacaan magaalada.

 

 

RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

Share

Tags:

10 Responses for “Nabadoono Iyo Aqoonyahano Reer Hiiraan ah oo Ka Digay Qorshe Lagu Kala Qeybinayo Gobolka Hiiraan (Dhageyso)”

  1. Cabbire Fegradaha says:

    ========= ma waalan yahay? Federaalkana waa diidan yihiin hadanna dawlad goboleedyo hor leh ayey sii samaynayaan.

    Waa kaaf iyo kala dheeriye ma shabaabkaa layska gadayaa? Waa sidee xaalku?

  2. Qlayanbo says:

    XARARDHEERE IYO HIIRAANBA WAA ISKU MIDA WAXAA SHEEGTEY KUWO NOLOSHA OOGA DHACEY QURBAHA AYAA MADAXWEYNE SHEEGTEY OO MASHAQEYSTAYAAL AH HADDBA DADKA SHEEGAYA MADAXWEYNE WAA KUWO AY U DHAMAATEY OO QURBAHA LAGA SOO CAYRIYEY OO NAAGAHIHII AY BACDA MADOW DIBADA U SOO DHIGTEY

  3. Raxanreeb.com inaad qofkii hadlaba soo daabacdaan waa nasiib daro, waxaad halkaas ka dareemaysaah in qiimihii iyo sharaftii oday dhaqameedyadu hoos u dhacday oo ay soo hareen qolaysato ku qaraabta magac beenaad iyo shaati qabiil. gobolka hiiraan waxuu mudanyahay in laga dhigo laba gobol oo hal dowlad goboleed leh waayo waa gobolka kaliyah ee aan lakala goyn xiligii 8da gobol. waa gobolka labaad ee ugu dadka badan waxaana ka maqnaa xaq runtii waayo waxaad arkaysaah in jowhar oo 90 km xamar u jirta iyo hiiraan oo ah gobolka ugu wayn ugna dadka badan isku xaq iyo magac ay wadaagaan. waan soo dhawyanaynaah in gobolka laba laga dhigo taasoo dani ugu jirto dhamaan reer hiiraan iyo somaliba.

  4. WEST HIIRAAN says:

    Asc, horaaan u sheegay in eeysan jirin wax la dhaha maamulka gobolka hiiiraan, ee meesha ethiopia rag eey keensantaya kaliye ah joogaan, ayadoo beesha ======== ama ======== fogeeysay kuna sheegtay ineeey tahay beel taageerta Alshabaab, waa waxii ka dhacay gaalkacyo, oo uu faroole dad ku xasuuqay, marka war ethiopia sii jooogi meeeyseee reer bariyoow miir yeesha, foowdadane ka daaaye gobalka, hadddi kale qax baa loo aaayi doonaaa.
    Dhnak kale hiiraan waligeeed ilaa waagii siyaad xitaaa waxeey ahaan jirtay west and east, Ama bari iyo galbeed, iskuna shaqa ma aheeyn, iskuna maamul ma aheeyn, nidamka hadda la wada ee shiikh shariif gadaal ka riixye ma soconaaye meelna ma gaaraayo, waayo waxeey wadaan waa caddaalad darro, hadddi gobalka laba loo qeeybinaayo waa in laga dhigaa WEST HIIRAAN & EAST HIIRAAN ka dibna qolo walba u madax banaanaato howlaheeda.

  5. jowhar says:

    maraxoow hiiraan haliigala tashto maa kudooodee. hiiraan cida lagala tashanaa waa ========== meeshaas seria B aa katihiin gobolka cusub iyo dagmo cusub iyo xafad cusub masameesan kartaan ee afka qabso dameer yohow

  6. khaaalid says:

    WEST HIIRAAN KAN SOO QAATAY QORAALKAADA OOYIN BAA KA MUUQATA..WEST NORTH WAX LA DHAHO MA JIRAAN HIIRAAN WAA HIIRAAN HADA OO LA JOOGO XAAFADA HOWLWADAAG WAXAA KU SUGAN CIIDAMADA MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN WAXAADNA LEEDAHAY GOBOLKA MAAMUL KAMA JIRO. BEEN MIYAAD NAFTAADA U SHEEGEE MIDA KALE GALBEEDKA AAD SHEEGEE WAA HALKEE ILEYN WAAN OGNAHAY BALADWAYNE WAA 4 XAAFADOOD HAL XAAFAD XITAA KAMA DAGTID…. GALBEEDKA WAA HALWADAAG BAS HILAAC OO LAAN YAR OO HOWLWADAAG KA MID AH AYAAD XITAA MINORITY KU DHEX TAHAY ISKA DAA MEEL KALE BAL FIIRI XITAA HALWADAAG OO HAL XAAFAD AH AYAAD WADA DEGIN… MIDA KALE QAXA AD SHEEGTAY FAAN LOOMA BAAHNA AYAAN HORE 20 MEYDAD KAMA CARARTEEN HADAAD WAX QAXIN KARTO EE DUMARKAADA IYO CARURTAADA U TAR INTAAN LA XASUUQIN

  7. rashiid says:

    RAXAN REEB WAA NASIIB DARO INAAD SOO QORTAAN ODOYAAL XAMAR ISKAGA QAYILO WARKOODA….. GOBOLKA HIIRAAN WAXAA GACANTA KU HAAYO MAAMULKA GOBOLKA HIIRAAN OO UU MADAXA KA YAHAY MUDANE CABDIFATAAX XASAN AFRAX

  8. Waxaa nasiib daro ah in ruux walbaa iska hadaaqo, maxuma laakiinse dadkii waxaa ku dhacay brain washed, odayaashaan xamar ka qaylinayah maba ahayn raxanreeb inay soo daabacaan ama sheegsheegaanba, waxaa layiri dabeer aad saarantahay dhuusadiisa waxba kaama dhinto, gobolka hiiraan waxaa loo qaybiyey labo gobol kusaawoo kala ah, Upper shabelle iyo Hiiraan region dowlad goboleedka katalisaana waa Dohada shabelle State of Somalia. hadana ayagaa gobolka gacanta ku hayah, Sida uu sheegay allaha dhowree geesiga birtaah Abdifatah Aftah oo ah Gudoomiyaha maamulka hiiraan ahna madaxwayahay dooxada shabelle “bil kadib madaxwayne shariif waxuu soo saarayaah decreeto uu gobolkaan ku magacaabayo, caasimadiisuna waa buuloburte dowlad goboleedkiina waa dhisantahay oo maamulka hada jira ayaaba ah sidaas daraadeed jifooyinka alshabaab iyo alqacida la safan ee gobolka degan nabada haka shaqeeyeen, waanu ka xunahay dadka xaafada howlwadaag ee beledweyne ka qaxay ee ceelasha biyaha u qaxay inkastoo qoryo badan iyo hub xaafadaas laga soo saaray hadana waa soo laabankaraah ayuu yiri madaxwayne . afrah asagaa khadka telefoonka shir uga qaybgalayey” hadaba kuwaan meelaha ka qaylinayow waxaad maqasheen freedom of speach hadaad wax isku haysaan imaada gobolka hiiraan oo dadka wax la qaybsada hadii kalena ceelasha biyaha iska joogah. dowlada doxada shabelle waa daacad dadka reer dooxadana waa u simanyihiin wax bari iyo qoraxsin layiraahdo majiraan ee beexaw iyo gobolada dooxada ee beledku magaalo madax uyahay beerihiina ka faagfaagto. viva dooxada iyo gobolada madanaha ah upper shabelle iyo hiiraan under dohada shabelle state of somalia guuuuuuuuuuuul

  9. Wiil hiiraan says:

    @ khaalid iyo nina dooxada la baxay, war niman yahoo khilaayi baad ku jitriiin sida muuqata, raxareeb hadeey idiin buunbinise ana website-ka oo soomaliyeed, waxba idiinka dhigi meeysa, ee maanta fekartaan, xaqiida lama iska indhi tiri kara, meesha cidda awoodda ku lehna waad muuqattaa, haddeeer oo eey ethiopia idiin joogta baad adinakaa oo maamulka sheegta u gudbin karin galbeedka goblka hiiraan ilaa aad taliye ciidanka ama gudoomiyeha degmada b/weeyna ciidinakiise meesha tagin kuwaas oo meesha u dhashay, adinka barigiine iska jooga, daafada xabashida idiin keentayne iska la cuna, lkn berri beey ethiopia baxeeysaaye xaggeed galeeysan heee kkkkkk, ma buuraha jicibka yiilay bee diyaar idiin ah, kk any way qorxada barqeed calaacal laguma dadi kara, and BY WAY BARNAAMIJKA LABADA GOBOL AH WAXAA ISKA LEH FEREKIISE MAXAMED AMIIN IYO C/QAADIR DHICISOOW, adiga caqlina ma aleh, damiir sooamliyeedna ma lihide meel fadhiisa , haddeey sheekada dagaal noqotane, maanta isma baraneeynee waan is naqaanaa,ee cagaha dhulka dhiga, fulay wax ka fagfag badan ma jirtee, markii gacan loo qaada wax ka carar xun ma jirto.

  10. filsan says:

    dooxada walaal naftaada been ha u sheegin gacan aadan goon karrina wa dhunkadaa …. galbeedka tii karacday watan aad iyo amxaradiba dib ugu so noqon weydeen. xanuunki ku garay wa ki idin istajiyay idaacadaha e aad ka qirteen xooga hubka galbeed lagu hesto. beesha galbeedka dad adiga kaaqaxa ineysan eheen cadeenteeda iga hoo>>.. beesha wa kuwi gabadhoodii aad disheen ugu aaray beeldajahagi taarikhda ha qaldin dharbaxida gaaljecel af kaama celiyo …. car dooxatada shabeele galbeedka hatimaado ayadoon nabad caama ah dhicin car o car.

Leave a Reply