Qoyska Wariye Cawke C/laahi Cali oo Ka Codsaday Dawladda Puntland In ay Ka Sii Dayso Xabsiga Boosaaso[Dhagayso]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Boosaaso [RBC Radio]  Xaaska iyo Carruurta Wariye Cawke Cabdullaahi Cali oo hadda ku Jira Xabsiga magaalada Boosaaso ayaa markii ugu horeysay oo ay u waramaaan Saxafiyiinta gobolka ka dalbaday Dawladda Puntland in ay ay sii dayso isla markaana mudadii tibaxay saameynta qoys ee u ku reebay Xirnaanshihiisa.

Istaahil Cabdi Garaad oo ah marwada  u dhaxda Aggaasimaha Idaacadda Codka Nabada Cawke C/laahi Cali oo Saxafiyiinta kula hadashay hoygeeda ay ka degantahay magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ay ka xuntahay muddada Saygeedu ku xiran yahay Xabsiga isla markaana waxa ay ka codsatay Dawladda Puntland gaar ahaana Madaxweyne Cabdirixmaan Maxamed Faroole in Saygeeda loo soo daayo.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Halkan Ka Dhagayso Codka Xaaska Wariye Cawke, Istaahil Cabdi Garaad Guji Halkan

Waxa ay tilmaantay in Saygeeda  Cawke C/laahi Cali uu ahaa qofka kaliya ee u dhaq-dhaqaaqi jiray reerka isla markaana waxa ay tibaaxday in aysan jirin qof kale oo gacan qabtay reerka inta uu Xiranyahay, iyadoona xustay in isbadel weyn uu ku yimid noloshooda.

Madaxweynaha Puntland Cabdirixmaan Maxamed Faroole ayey Istaahil Cabdi Garaad oo Indhaheedu murugo ka muuqato waxa ay ka codsatay in Saygeeda dib loogu soo celiyo Xoriyadiisa ama lasoo taago Maxkamad kala cadeysa in dabi leeyahay iyo In kale.

….””” Waxaan ka codsanayna Madaxweynaha Dowladda Puntland C/raxmaan Faroole in ninkaas naloo soo daayo waayo Caruur iyo xaas buu ka xiran yahay,cid aan isaga ahayn ma fiirsan jirin oo qoyska u dhaq dhaqaaqi jirey’’,ayay cod murugo leh ku tiri oo intaa ku dartay in ay rajo ka qabto in lasoo daayo…”’”ayey tiri.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Cabdillaahi Cawke C/laahi oo ah wiilka ugu weyn Caruurtauu dhalay Wariye Cawke da’ahaana jira 7-sano oo isna la hadlay Saxafiyiinta ayaa si qiiro leh uga Codsaday Madaxweyne Cabdirixmaan Faroole in loo soo daayo Aabihiis isla markaana uu aad uga xunyahay Xariga loo geystay.

Halkan Ka Dhagayso Wiilka Wariye Cawke oo Faroole Codsi u Jeediyey Guji Halkan

….””’Waan ka xumaaday Aabahay marka la xirey,anagana saddex Caruur baan nahay Hooyadeena way nala joogta.Aabaheen noo ordi jirey hada wax noo ordaayo oo wax na siinayo ma jirto,waxaan ka codsanaaya Dowladda in ay Aabahay isoo dayso oo Madaxweynaha la iiga gaarsiiyo’’,ayuu Wiilkaas yar ka codsaday Madaxweynaha Puntland…..”"”ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee Aggaasimaha Idaacadda Codka Nabada Cawke C/laahi Cali ayaa muddo gaareysa bil iyo bar ku jira Xabsiga Boosaaso,waxaana jirin ilaa hadda Maxkamad lasoo taagay.

RBC Radio
Xafiiska Wararka Boosaaso.

Share

17 Responses for “Qoyska Wariye Cawke C/laahi Cali oo Ka Codsaday Dawladda Puntland In ay Ka Sii Dayso Xabsiga Boosaaso[Dhagayso]”

  1. [...] Original post: Qoyska Wariye Cawke C/laahi Cali oo Ka Codsaday Dawladda Puntland In ay Ka Sii Dayso Xabsiga Boosaas… [...]

  2. hargaanti says:

    war ilmaha masaakiinta ah abohood usii daya war kuwani tallow cuqubada masaakiintaas miyaysan ka cabsi qabin waxan ugu baqaya dowlada puntland in shacabka caburinta heerka le eg ay ka joojiso intay goori goor tahay o caqligu shaqeeyo ilmahaas walidkod loosii dayo

  3. arshid ali says:

    faroole xukuumadiisu sharcidaro ayay ku haysataa wiilkaas wariyaha bil iyo bar buu ku jiraa xabsi isagoon xabsi lasoo tagaan. waxaa halkaas ku cad in uusan mesha sharci kajirin. teeda kale faroole waxaan ========== ahayan wuu xira wuuna cadaadiya waxan ka codsanayaa in beesha ////////// ay arinta ka hadlaan. waa xaq daro cad oon geed loogu soo gaban. caruurti baa ooyin. dadkii daka laayay baa magalooyinka marin oo xaragoon nin hadlayna waa danbiile dil mudan miyaa.

  4. qawdhan says:

    GOROYAA WAXAY TIRI ]]]]]]]]]]] MARKAAN MAQLO MUDKAA I XANUUNA. FAROOLENA MARKUU SAXAFI MAQLO MADAXAA XANUUNA. HORAY BUUNA U SHEEGAY INUU KA JAJABINAYO BIRAHAA IYO MAKARAFOONADA AY LA ORDAYAAN. KHUDBADIISII WAA DUUBANTAHAY KU BEEN ABUURAN MAAYO.

  5. carurtas iyo hoyadood dhibka soo gaara waxaa ka masuula faroole iyo wiilkiisa la yir saxaafada buu kala taliya hadii uu madax wayne yahay waa inuu dabaanaad qaada 3 carurtaa iyo marwada dhashay inta uu xiraan yahay wariyaha hadii kalle walee dhibku gurigiisa buu ku soo noqonaya

  6. jamiila says:

    Qofkii si khalad ah u fasirta xoriyada saxaafada ee Ummada dhib iyo isku dir ka wadaa waa la xirayaa waana la karbaashayaa weliba ,Faroole waa madaxweyne ciyaalkan meesha ku feegarayana waa iney ixtiraamaan madaxweynahooda mise webka ayaa sidaa raali ka ah?
    calaa kuli xaal waa dersi larabo iney ku quusqaataan saxaafada warxuma tashiilka ah,aniga figradayduna waxay tahay in xabsiga lagu hayo intii marxalada kalaguurku dhamaanayo ,puntland uma baahna suxufi lagu adeeganayo…. wabilaah taqfiiq

  7. without conditions release the innocent dad of the poor kids.. he is innocent. whatever law you are using is against human rights. free speech is allowed in the book of law. just because journalist mansion the corruptions taking place in Garowe does not mean you should arrest them.. Forole F…off and let go the innocent journalis. foroole ..faruur..let go the man….

  8. Libaax, Libaax Dhalay says:

    Ku: Dowladda Puntlnad.
    Salaan dabadeed, qoyska weriyuhu xaq bay u leeyihiin codsigooda, xataa haddii uu danbiile yahay Cawke, sidaasoo kalana dowladda xuquuqda lagu leeyahay oo shacabkeedu ku leeyahay ayeey ka mid tahay inay cafis u fidiso mararka ay sidan oo kale uu eedaysanuhu xuquuq si gaar ay dowladda u sheeganayso sida hadda u egyahay arrinka uu ku xiranyahay Cawke, sidaa daraadeed madax-weynaha iyo xukuumadaba annagoo taageerayna cabashada qoyska waxaan ka codsanaynaa inay sii daayaan Cawke haddii arrinta lagu haysta aysan ahayn mid khatar ku ah Puntland iyo shacabkeeda, waxaana aad ugu rajo weynaha in codsigaas uu noqdo mid ay ka jawaabto xukuummadda.

    DHanka kale, dadkaan meesha wax ku soo qor-qoraya ee iska hadlaya, waxaan leeyahay codsiga qoyska meel ha uga dhicin, waxa aad qoraysaana ha noqdeen wax labada dhanba aad ugu gar-sooraysaan adinkoo mucaaradnimadiina aan ku labayn arrinta ay qoyska codsanayaan, qoys baa cabasho jeedsanaya kuwo dano kale leh baa iska dhex boodaya, war hab qoraalka barta, ujeedooyinka waxa la qorayo fahma, dad un inay wax caayaan iyo inay wax mucaaradaan oo keliya meeshaan wax ugu soo qoraya, war ka xishooda qoyska oo ha garab yaacina.

    Aad baan runtii uga xumahay Yeeydan yaacaysa ee aan waxba kala garanayn, war dadka waxa ka dhexeeya ma aha waxa aad samaynaysaan, dhibta qoyskaas ay sheeganayaan adinka idin ma hayso, waxaan mar kale madax-weynaha iyo dowladaba ka codsanaynaa in dib loo fiiriyo arrinta Cawke, isagana (waa Cawkee) waxaa ka codsanaynaa haddii la soo daayo isla markaasna uu jiro danbi uu ogyahay oo uu galay uusan dib ugu noqon gefkaas.

  9. QARDHAAWI says:

    YAA ALLAAH! Walaahi waanka naxay qoyska masakiinta ah ee aabohoodi indhaha u ahaa la xiray miyaan beer naxaa ku jirin dadka qoyskaan isku nuuga ah ka xiray abohood war u sii daaya caruurta aabahood.

    Saxafiyiinta mid ayaan oranlahaa iyagana hadii aad gacan qaban kartaan qoyskan wax tara oo biilkooda meel u saara inta aad wax isku qortaan inta arini meel u dheceeyso……. Wabilaahi towfiiq.

  10. ahmed bidaar says:

    aad baan caloosha uga gudbtay hadalka wiilka yar oo iila mid ah kuwa aan dhalay oo kale, waxaan ka codsanayaa qolooyinkaa maamula gobolada bari nugaal in ay carruurtaasi soomaaliyeed ay aabahood ay xoogga ku heystaan ay ay u siidaayo carruurtiisa , waxay meesha ku haayaan, ma ahan wax dowlada dhexe ay ka war heyso.

  11. Mohamed warsame says:

    Qofku danbi waa galaa waana la Ciqaabaah lakiin tani waa Mid aan marna Ubaahnayn In Ninkaas Xabsiga lagu sii hayo Maadaaba Ilmahiisii ay Ilaa Xadkaas Cabanayaan waxaaan Dowlada Puntland ka Codsanayaah Inay Qadariyaan Cabasha Dadkaas NUGULka ah ee Aabahood Maxbuuska yahay Xitaa Cafis in la siiyaah Hadii uu jiro danbi lagu haystaa waa lagama maarmaan

  12. Ali says:

    @Jamiila
    Gabadha tidhi Jamiila ee qabyaalada iyo caadifadu googeysey, maba eegayso reerkan iyo caruurta yar-yar ee aabahoodii u shaqayn jirey cadaalada darada lagu haysto (Naartu ku quwaaxsatey miyaaney ka baqayn in nabsigu caruurteeda helo mise maba leh)

  13. faroole u siidaa faamilkan aabahood ilaah habaar hakuigu ridaa maamulkii puntland dhibaato baad ku saaidaysay wax khayra oo aad keentay waligayo ma aanan arage

  14. shaqlan says:

    asc war masaakiinta abahood ha loo sii daayo haddii tol iyo qaraabo la yahay sidaaas si ma ahee.waa maxay hooyada calaacaleysaaa,haddii aan ninkeeda loo sii deyn karin.xatta baahida reerka ha la daloobo oo ha la biilo caruurta masaakinta .ileyn xoogii waa laga xirey u shaqeyn jirey.fadlan codsiga caruurta ha la fuliyo.
    mida kale waxaan ka baqayaa in faroole khudbadiisa wax duuba la waayo.ileyn saxaafadii buu fara kulul ku hayaa.waxaan dheho ma aqaaniye,caruurta abahood u sii dayaa intaas waa iga talo muslimow markhaati

  15. Dhafoor qiiq says:

    Hooyada masaakiinta ah ninkeeda haloosiidaayo. Dadkana caburinta halagadaayo.

  16. khaatumo man says:

    waxaan aad uga xumaaday maatada laga xidhay aabahood ee aan cidi caawinayn
    iyo sida xun ee maamulka faroole ula dhaqmayo shacabka reer koonfureed ee degaan koodii
    uga soo qaxay colaada ka taagan dadkaas oo moodayey puntland inay dalkoodii tahay
    ayaa sixun loola dhaqmaa puntland oo faroole ku amray in dadka ka yimaada konfur in xabsiyada lagu guro hadaanu nahay reer khaatumo state waxaanu aad iyo aad ayaan uga xunahay sida maamulka faroole ula dhaqmo dadka kasoo qaxay koonfur ee lagu xidh xidho puntland

  17. qadar says:

    kkkkkkkkkk Faroole dhako maxaa dhacay suxufi aa darishadaada tagan.

Leave a Reply