WAR MUHIM AH: Dastuurka Qabyada oo Qodobadii Xasaasiga Qaarkood Laga Tirtiray


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Ka dib kulamo xiriir ah oo maalmihii u dambeeyey ka socday magaalada Muqdisho ayna wada lahaayeen saraakiisha wasaaradda dastuurka ee DKMG ah iyo guddiga qorida dastuurka ee ay taageerto hay’adda UNDP ayaa Shabakada Raxanreeb waxay ogaatay in isbedel lagu sameeyey qaar ka mid ah qodobadii xasaasiyada badan abuuray ee dastuurka qabyada ku jira.

Labadii toddobaad ee la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka socday buuq iyo shirar ay lahaayeen beelaha,siyaasiyiin, aqoonyahano iyo culimo kuwaasoo si isku mid ah u dhaleeceeyey dastuurka cusub.  Waxaana wararka xog ogaalka ay sheegayaan in dawladu codsatay in dastuurka laga tirtiro qodobada dadweynuhu ka qeyliyeen.

Qodobada laga bedelay dastuurka waxaa ka mid ah;-

CUTUBKA 9-AAD: Waxaa gebi ahaan la bedelay  ee dastuurka oo ka hadlayey shuruuda madaxweynaha kaasoo lagu ku kordhiyey shurudoo cusub, wuxuuna markii hore uu u dhignaa sidan;-

Haddaba sida xogta aan ku helnay waxaa lagu kordhiyey qodobo cusub oo ay ka mid yihiin;-

A- In qofka isu soo sgaraxaya jagada madaxweynaha uu yahay Soomaali.
B- Inuusan horey u guursanhaddana qabin xaas ajnabi ah.
C- Inuu yahay Muslim.
D- Inuusan heysan dhalasho wadan kale.

- Sidoo kale isla qodobkan waxaa lagu kordhiyey “Haddii musharaxa uu horey lahaa dhalasho waddan kale waa inuu ku buriyaa (cancel) mudo lixbilood ugu yaraan, ka hor xilliga musharaxnimadiisa.  Waana inuu soo cadeeyaa”.

QODOBKA 12AAD- JINSIYADA: Sidoo kale qodobkan waxaa lagu sameeyey isbedel iyadoo la burburiyey mudada shanta (5) sano ah ee ku xusan in lagu qaadan karo muwaadinimada Soomaaliyeed. Wuxuuna markii hore ahaa sidan;-

Haddaba,xogta ay muujineyso waxaa qodobkan loo daayey in lagu saleeyo sida dasturradii hore ay qabeen, isla markaana la sameeyo sharciqeexaya oo gaar ah waxaana loo dhigay sidan;-

A- Jinsiyada waxay u xafidan tahay sidii ay ahayd dastuuradii hore
B- Waxaa jiri doona sharci gaar ah oo xadeynaya mudada muwaadinimada lagu qaadan karo.

QODOBKA 7AAD- XUDUUDAHA?: Waxaa haatan socda waxka bedel lagu sameynayo qodobka “xuduudaha dalka” oo sida la cadeeyey dastuurka qabyada ah ka maqan, kaasoo sida Raxanreeb loo xaqiijiyey la qeexi doono.

Dhanka kale, waxaa weli dood ka taagan tahay QODOBKA 172AAD ee  ka hadlaya “Xadidida waxka bedelka dastuurka” oo ay ku qorneyn in kaliya gobolada Puntland iyo Somaliland codsigooda waxloogabedeli karo dastuurka. Waxaana warar na soo gaaraya ay sheegayaan inay suurtagal tahay in qodobkaasina meesha laga saro sida ay ku doodayaan dadka qaarkood oo u arka qodob dastuurka ka dhigaya mid gobolada dhexe iyo koonfurta kaliya u gaar ah.

Isbedelka dastuurka

Isbedelkan lagu sameeyey qodobada qaar ee dastuurka ayaa yimid maalin ka dib markii golaha wasiirada ay go’aamiyeen in dastuurka qabyada loo bandhigo guddi culimo Soomaaliyeed, kuwaasoo iyaguna la rajeynayo in marka loo geeyo ay ka hadlaan.  Waxaana hadalka golaha wasiirada ka horeeyey hadal uu jeediyey madaxweyne Shariif oo sheegay inuu ku talinayo in dibloogu laabto dastuurka.

Waxaana arimahan oo dhan ay dhacayaan xilli loo diyaargaroobayo shirweyne dastuurka ku saabaanoo Muqdisho ka furmi doona illaa labada toddobaad ee fooda nagu soo haya.

RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

Share

Tags:

22 Responses for “WAR MUHIM AH: Dastuurka Qabyada oo Qodobadii Xasaasiga Qaarkood Laga Tirtiray”

  1. wl anigu fikirka aad qabtaan maqabo qoladiinaa raxanreeb ka daaya dadka jahawareerka aad ku haysaan waxaan waxba ka jirin ayaad qoraysaan shacabka iyo dowlada soomaliyeed ayaad iska horkeynaysaan kadaaya dhibka dadka meeshii larabay in waxa wanaagaa sheegtaan ayaa fitno abuuraysaan mide waxan ka hadlayaa arinta c/laahi siciid samatar waa mudiin reer puntland haduu dhib wado waxaa qabanayaa shirciga puntland iyo dowlada dalka ka jirta faroole waxan u arkaa madaxweyne caadil ah oo dadkiisi wuxii ay u dhiibteen ka soo baxay adinkane dad reer puntland ayaa tihiin afkiina hagaajiya madaxweynuhu mucaarad waa yeelan karaa nidaam loomaro ayaa jira wabilaahi towfiiq

  2. kaafi says:

    waa sax waa in qodobada gaaladu kusoo dhexdarsatay laga tirtiraa waan soo dhawaynaynaa hadaanu nahay reer p/land wax kastoo islaamnimadeena iyo qaranimadeenaba dhaawacaaya wayna kumahadsanyihiin culumadii iyo odayadii aflabadii yeeray oo yiri WAAWAREEY KAKACAAY in layna hoosaasiyo maahan inagoo federalkaliya uu muraadkeenu yahay wax walbaa wayhagaagayaan hadii culumadu katalo bixiso wabilaahitawfiiq

  3. madka says:

    waa war weyn oo aan soo dhaweynaayo in wixii shacabka ka dhiidhiyeen laga saaro oo wax la isku afgarto inta aan la keenin shirweynaha soo socda waadna idiinka mahadcelinayaa aniga oo kamid ah akhristayaasha waayadaan danbe idinku soo xirmay war hufnaanta iyo eex la aanta aad soomaali dhamaan ugu wada adeegtaan

  4. Mohamoud says:

    waxaa wax laga naxa ah in labadalo arin ay diinteena islaamku inoo sheegtay oo lagu badalo wax ay gaaladu soo dhoobdhoontay waayo waxaa lagu yidhi dastuurkan beenta ah in qofku ku qaan gaadhi karo oo kaliya dada 18 sano jirka ah arinkaasi maaha wax la aqbali karo waayo waxaynu nahay dad 100% Muslim ah waxaana diinteena suubani inoo sheegtay in qaangaadhka qofku Wiil ama Gabadh midkuu doono ha ahaadee inuu k u qaan gadhi karo oo kali dada 15 jirka kolkaas maan meel lagaga dhicin diinteenii suubanayd waa ayose ninka aqbalayaa inuu wax ay soo mala awaaleen reer galbeedku in dadkeena lasoo dhex dhigo oo deedna la yidhaa u codeeya taasi u malayn maayo inmay dadweyna somaliyeed aqbali doonaan………………………………………………………………

  5. cadaado says:

    masha’alaaaaaaah waa wax lagu farxo qodobadaas iyo qodob kale oo datuurka laga yaabo in ay ku jiraanba ummadda somaliyed xaq ayey u leeyihiin in ay ka dhiidhiyaaan waana soo dhaweyneynaa runtii..anigu waxaan qabaa in culamada looga dambeeyo wax kasta oo dastuurka ku saabsan waayo tastuur waa wax la isku xukumo..allaahan kitaabka quraanka ayuu u soo dajiyey in la isku xukomo….aaaaaaad iyo aad aaa mu hadsantihin RBC…somali ha is raacdo

  6. muslimah2012 says:

    AC waxaan bogaadinayaa shacabka Soomaaliyeed oo muujiyay inaan dalkooda layska maamulankarin.

    Wax walba oo dulli ah sidaas si le’eg uga hor taga oo iska dul qaada isticmaarka dadban amaba tooska ah oo dalkeenna hooyo ku jiro maanta. Shacabkii dulli diida lama dulaysankaro, mar haddaad aragtid shacab dhawr qof oo danaystayaal ahi iska maamulanayaan waxay tilmaan u tahay liidashada shacabkaas.

    Ma shaa Allaah,

  7. Soomaaliweyn says:

    Aad baan ugu farxay wax ka beddelista qodobka la xiriira Soomaaliyeeynta shanta gu’ ahayd. Qodobka kale ee ah shardiga madaxweynaha isagu dhib weyn ma lahayn, maxaa yeelay madaxweyne wuxuu ku yimaad doorasho dad-weyne, Soomaalina ma doorateen madaxweyne aan muslin ahayn.

    Dastuurku waa wax sidaas oo kale inta laga doodo haddana la beddelayo, balse ma aha wax u qalma in uu caqabad ku noqdo higsiga dowladnimo.

  8. Faarax says:

    Waan soo dhowaynaynaa hadaan la hurayn wax ka badalida laakiin waxaan ka sii jeclaan lahayn is asaga dhanba hadii awood aan wax uga badali karno jirto aan diidno gibihaantiisba waayoo wax reer galbeed iyo dabadhilif soo qorayn qayr noo horseedi maayo mida kale hadaan wepsite ayada dhamaan eegay waxaanba waayay soomaali qiima leh oo rabta ama u riyaaqsan marka laga reebo xerta faroole oo hadii la yiraahdo garoowe la idinka taabo maayo laakin dhamaan somaalida kale waa la gumaysanaa waa ku farxayaan ====================================================================================================================================================================================================================== baaritaan dheerna ku sameeya somaaliyey dhamaantiin koow in wax aan soomalida kala helin helaan .labo ,shisheeye la gaashado. Sadex in qabiil lagu faano. Waad mahadsantihiin.

  9. wadaad yare says:

    Qodobbada badankooda la leeyahey waa la baddaley mushkiladu maba ahan. Dadkuna markey dabka ku gubtaan ayey arrintaas ogaan doonaan.

    Ninka madaxweynaha isku sharraxaya inuusan jinsiyad kale heysan uusanna naag ajnebi ah qabin waa mid meesha looga saarayo murashaxiinta badankooda oo labada shariif kaliya soo reebaya!kkkk

    Soomaalida oo adduunka afartiisa gees ku kala firirtey in sharci taas looga dhigo waa arrin lala yaabo.

    Dowladaha dadkoodu adduunka ku firdheen sida soomaalidoo kale way oggolyihiin labada jinsiyadood.

    Dastuurka cilladdiisa dhan waa federalismka iyo waxa la xiriira oo qodobbo ah oo meelo badan ka buuxa. Laakiin gadaal ayaa laga ogaan doonaa dhibkaas inta uu la egyahey.

  10. hurgumo says:

    datuurku haduu dhaama sidi hore

  11. Qodax says:

    Laba qodob mooye inta kale waxba karo xabo.labada qodob waa qododobka 9aad qaynta “B” iyo “D”. Labada qodob waxa lagu kordhiyay waa khalad waxaana moodaa in Shariif isku talagalay. Dabayaaqadii 1991 da Soomali aad utira badan ayaa wadanka laga qaxiyay waxayna magangelyo u doonteen shanta qaaradood ee aduunka .Waxay wax ku qorteen kuna ilmo dhaleen wadamadaas ugurmaday mustaqbalkoodana meel sare gaarsiyay .
    Diinta islaamkuna Waxay qabtaan in ninka muslinka ahí u guursankaro gabadh ajnabi ah . Hadabav Ninkaas haHadabaduu xaaskiisa la sooguuro ma waxaa la oranaya islaantadu sharci ma helayso ilmahaaguna madaxweyne uma tartami karo.
    Hadaba taasu waxa keliya u danaynaysaa dadkii Marka horeba Dadkaan wadanka ls qaxiyay ,Sababto ah wadanka iyago keliyaa ku haray .

    Teedi kale Shariif iyo inta durbaaka garaacaysa waa dambilayaal Dagaal ,Haddi ay soomalinino jirto waa in Dadkaan maxkamad la soo taaga ,dabadeedna waxaa soo haraya dad nadiif ah oo aan Somaalida dambi kagalin .
    Bal eega inta aqoonyahaan nabada wax ku bartay kuna noolan jiray inta xasuuqa Somaaliyeed ka socday.
    Mida kale madaxweynuhu waa inuu leeyahay aqoonyahaan laamacadeed oo aan ka yareen Máster degree ,ma ahaan in Shariif oo kale loo daneeyo . Mar Haddi civil War wadan ka dhaco waa in saabsan dhab ah ay jirtaa .Maxkamad! Maxkamad! Maxkamad!
    Waana la ilaawin hantidii qaaraanka iyo kuwii shacabka ,ilaa ay sooceliyaa soomaalinimadu dhab kama ahaa .
    Wabilahi towfiiq

  12. Hurre says:

    kkk lagama sari karo qodobkan Puntland iyo somali lan sababto ah hada wax sidhaba u jira oo ushaqaynay waxaa jira 2dooda

  13. Jeeska says:

    Waxaa wax lala yaabo ah yaa markii hore ku qoray dastuurka qodobka ah punt land iyo somaliland codsigooda ayaa dastuurka wax looga bedeli karaa…warwaxani dastuur ma ahee soomaalida lagu ciyaarayaa.

  14. Jeeska says:

    Raxanreeb shaqo fiican ayaad dadka iyo dalkaba u haysaan waad ku mahadsan tihiin.runtii waa mesha keliya ee aan warka dhabta ah aan ka qaato Raxanreeb.

  15. Muxyadiin says:

    Assalamu Calaikum dhamaantiin,

    Salaan kadib waxaan ilaa iyo intii aan arkey maqaalkaan Raxaanreeb soo qortey, ugu dhaqaaqey sal ka gaarid arinkaan oo aan rabay in aan bal horta ogaado waxyaabaha la qoro waxa runta sheega iyo inta benta sheegta.

    Sababta aan tan u doortey ayaaa aheed maadama uu arinka yahay wax si fudud loo soo ogaan karo oo la soo helo karo xogta dhabta ah. Baaritaan kadib ayaan waxan hada si buuxda uu ogaadey oo aan gacanteeyda ku haystaa qoraalkii kama dambeesta aha, taasoo cadeeneysa in an waxba ka jirin maqaalkaan iyo dhamaan sheekadaan beenta ah oo meeshatan lugu soo qorey.

    Waxaase naxdin igu filan noqotey, hadiiba warbaahinta ay uu bareereen in been intaas le’eg oo waliba si fudu loo soo ogaan doono, maxaa uu qarsoon oo ay uu sheegaan shacabka. Horta aad ayaan runtii uga xumaadey waayo waa akhrisan jirey Raxanreeb, hadase wax waliba oo ay sheegaan sida aan ku aamino waa adagtahay. Halkaas waxaa ka cad in Raxanreeb uu soo jeesatey in ay jahwareeriso Ummada soomaliyeed. Kaligood ma aha oo kuwo ka sii daran ayaa buuxa. Shacabka sharafta leh waxaan idinkaga digayaa in aad iska eegtaan waraarka ay meelahaan isla dhex maraan warbaahinta

  16. Kismaayo says:

    Another cosmetic surgery won;t help the sad reality of this constitution.

    Yaa madax u noqonaya Soomaaliya cid ka jawaabtay ma jirto.

    Weli waxaa uu qodobkaasi u qoran yahay as Somalia is dawlad madani ah.

    madani ah waa tan keentay in gaalka iyo muslimka Soomaaliyeed u sinnaadaan xafiiska madaxweyne e Soomaaliya.

    Citizenshipka oo ceebtiisu iyo hagardaamadiisa taagaan tahay oo laga xayuubiyey Somali Badan dalkii iyo dadkii ay u dhasheen sida NFD n Ogaden region.

    Dhulka ka maqan oo Somaliya oo loo xalaaleeyey Xabashida iyo kenya.

    Codka degaanka ama gobollada oo lagu beddeli karo xuduudda Soomaaliya. Means haddii ay beeshaada u codayso inay dawlad aan Soomali ahayn noqonayaan waa arrin OK ah.

    Federalismka oo lagu tala galay kala cayrinta Soomaalida.

    Iyo walxo badan oo ka dhan ah jiritaanka iyo qarinnimada Somaalia

  17. [...] kastaba, hadalka Cali Geedi ayaa ku soo aadaya iyadoo shaley XKMG ah ay sheegtay in dhowr qodobo ay ka badashay dastuurkii dalka Soomaaliya, waxa soo badaneysa dhaliilaha lo jeedinaayo dastuurka cusub ee la rabo in loo sameeyo Soomaaliya [...]

  18. Hersi says:

    Warkan waxaa qabaa n uu hubin u baahan yahay …raxan-reeb annagu been ugama baran laakiin baryahaan olole looga soo horjeedo dastuurka in eey wadaan arkaa….laakiin saxafadda qawaaniinteeda ma haboona in meel looga dhaco ..war berri idinkusoo laabanhayana maahan in aad daabacdaan…!! xaqiiqdana ilaahbaa og, laakiin waaba muuqataa in hawiyaha eey aad ugasoo horjeedaan dastuurkaiyo qaabka federaalka ee dowladda ..sida saxaafadda codkoda ku hadashaba ka muuqato….raxan reeb iyo horseed media iyo saxafad kaloo badan sida gedo on line eeyba ku biireen……..laakiin dhabtu waa dasturkan uu socon hayo qaabka federaalkuna uu hirgalahayo arinkaasuna uu yahay arin yurub iyo american ku dabada ka wadaan …p/land iyo somali-land eey u aragto qaabka kaliya ee wax loo qeybsan karo mar hadiii is aaminaadii mesha ka baxdey…somali nimadadana aan laga maarmeyn iyo midnimada …!!

  19. dr ardaf says:

    waan tageer sanahay lkn waa yaab somaliland iyo buqland maxa siiyay awooda waxkabadalka
    dastuurka una diiday dadka somaliyeed micnaha makuwa somali neceb ayaa xaq leh

  20. Rigeeye says:

    SCM: Waan idin Salaamay Dhamaan Bahda Wabs.Raxanreeb, Maamulka iyo Shaqaalaha, iyo Dhamaan umadda Soomaaliyeed ee Jecel Midnimadda Umadda Soomaaliyeed. Waxaan Soo Dhaweynayaa Runtii Qodobada la bedelay ee lagu Saleeyey Diinta Islaamka. Mida labaad. Waxaan umadda Soomaaliyeed ee jecel Midnimadda umadda Soomaaliyeed, inay il gaar ah ku eegaan kuwa u ololeeynaya inay wareeriyaan umadda Soomaaliyeed, doonayana inay daba dhilif u ahaadaan Cadawga umada Soomaaliyeed, kuna figira inay kala fur furaan umadda Soomaaliyeed ee ku abtirsata, Diin. Dhaqan.iyo Af,( doonayana inay ka dhigaan Sida Ethiopia oo kale oo ay ku noolyiin 73 qoomiyadood oo aan isku diin ahayn) . marka Soomaaliyeey Waad aragtaan Sida loolanka u socdo. Waxaana idiin Cadeeynaya Kuwii Shalay umadda u kala qeybiyey qabiil, Goboleeysi, kuna tashaday waxay iyaga go.aamiyaan mooyee wax gale inaysan Socon. waadna aragtaan markay fashilmeen wixii ay dhoodhoobayeen inay u kala carareen ama qoraalo u qoreen Cadawgii umada Soomaaliyeed., Marka Waxaan Hadalkayga Ku soo koobayaa adinkana idinka Codsanayaa inaad aamiinta iigu Dartaan inuu ilaahay umadda Soomaaliyeed u soo celiyo Sharaftii iyo karaamadii ay lahayd,)( ilaahayna uu naga qabto wixii ka soo horjeedo horumarka umadda Soomaaliyeed iyo ku Dhaqanka Diinta Islaamka Aamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin. Wabilaahi Taqfiiq.

  21. GUUL AMA GEERI says:

    MUXYADIIN NINKA LAYIRAAHDO WAXAAN U MALAYNAYAA adagiga ayaa quraan saar umaahan waayo nomaadan sheegin waxa aad so ogaatay oo ka run ah arintaan ama kabeen ah mida kele RAXANREEB maqaalkaan ay soo qoreen waa sax waayo qodobada ay sooqoreen waa laysku haystay waxaana lagu balamay in laga saaro tastuurka marka waxaan ku dhihi lahaa aflagaadada dadka kadaa thanks RAXANREEB waxaan leeyahay xaalbaan kabinay wixii anshax xumo ah oo idinsogarta hadaan nahay umada soomaliyed ee
    caafimaadka qabta shaqada aad umada u haysaana halkaa kasii wada thanks allaah

  22. [...] Ma waxaa jira qodobo qaar oo horey dastuurka ugu jiray oo hadda laga saaray, sida masuuliyiinta dawlada KMG sheegeen, kuwaasoo dabcan ka hor imaanaya danaha Puntland?  Qodobka 172aad ee dastuurka qabyada ee hadda la bedelay ma ka mid noqon karaa waxyaabaha madaxweyne Faroole shakiga geliyey? [AKHRI QODOBO KA MID AH  DASTUUTKA OO LA BEDELAY] [...]

Leave a Reply