XOG: Shaqaalaha Gaarka ee Raysul Wasaare C/weli Gaas oo La Wada Ceyriyey Iyo Jahwareer Hortaagan Baaritaankii Qaraxii Tiyaatarka


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC) Wajiyaal cusub ayaa toddobaadkan markii ugu horeysay ka shaqo bilaabay xafiiska raysul wasaaraha xukuumadda KMG ah C/weli Maxamed Cali Gaas ka dib markii laga ceyriyey badi shaqaalihii hore ee xafiiska oo ay ku jiraan raggii qaabilsanaa dhanka warfaafinta.

Ilo wareedyo muhim ah ayaa u sheegay Shabakada Raxanreeb.com in shaqaalaha cusub oo ay ku jiraan saraakiil amni, waardiyaal gaar ah iyo xubno qaabilsan dhanka nidaamka [protocolka] badankood laga keenay Nairobi iyo Gaalkacyo, kuwaasoo si rasmi ah uga shaqo bilaabay xafiiska.

Xubnaha shaqada laga ceyriyey waxaa ka mid ah agaasimihii qeybta warfaafinta Garaad Salaad Xersi iyo nin sawirqaade ahaa oo xafiiska ka tirsanaa kuwaasoo dhamaantood ay galaafatay baaritaankii qaraxii Tiyaatarka ee 4-tii April oo illaa hadda socda.

Sidoo kale waxaa xiran ugu yaraan lix ka mid ah shaqaalaha gaarka ah ee xafiiska oo isugu jira waardiyaal iyo shaqaale ka tirsanaa xafiiska kuwaasoo sida xog na soo gaartay ay sheegeyso lagu xiray amar ka soo baxay xafiiska madaxweyne Shariif si loo su’aalo wixii ay ka ogaayeen maalintii uu dhacay qaraxii Tiyaatarka.

Xubno ku dhow arimahan ayaa waxay Raxanreeb u xaqiijiyeen in wixii ka dambeeyey qaraxii Tiyaatarka uu jiray tuhun weyn ooku dhashay masuuliyiinta sare ee xafiiska raysul wasaaraha iyo raysul wasaaraha qudhiisa oo codsaday in isbedel lagu sameeyo shaqaalihiisa gaarka ah sababo dhanka amniga darteed ah.

Waxay arinta sii adkaatay ka dib markii baaritaanada socda qeybtood muujiyeen in ninka sawirqaadaha u ahaa xafiiska raysul wasaaraha oo magaciisa lagu soo gaabiyey “Cismaan” in maalintii qaraxa uu ka maqnaa xaflada Tiyaatarka markii telefoon loo dirayna uu ka cudurdaartay taasoo shakiga xooga leh dhalisay.

Jahwareerka baaritaanka 

Ugu yaraan saddexdii toddobaad ee ugu dambeeyey ayaa la dhihi karaa wuxuu baaritaanka qaraxii Tiyaatarka lagu waday uu galay marxaladii ugu adkeyd gaar ahaan marka loo eego hadalo isburinaya ee ka soo kala baxay xafiiska madaxweynaha iyo kan raysul wasaaraha.

Labo usbuuc ka hor ayaa waxaa  ka soo baxay xafiiska madaxweynaha lagu amray xariga saddex qof oo ka tirsan shaqaalaha xafiiska Raysal wasaaraha ayna ku jirtay haweeney, Talaabadaas oo aan lagu wargalin guddigii baarista ee uu hogaaminayey wasiirka gaashaandhiga iyo raysal wasaaraha intuba.

Taasi waxaa ka dambeeyey in guddigii baaritaanka iyo xafiiska raysal wasaaruhu ay dib ula soo wareegeen saddexdii qof si ay su’aalo u waydiiyaan. hase yeeshee waxaa mar labaad amar kasoo baxay xafiiska madaxweynaha dib Xabsiga loogu celiyey Saddexdii qof ee ka tirsaneyd xafiiska raysal wasaaraha kuwaasoo dhalasho ahaan kasoo jeeda gobolka Gedo.

Guddiga baaritaanka waday oo u badan xulufada raysul wasaare Gaas ayaa u arkay talaabada xariga ah ee uu madaxweynuhu amray mid lagu jahwareerinayo baaritaankooda oo weli natiijo aan keenin isla markaana uu carqaladeynayo xogta dadka la tuhunsanaa ee ay hayeen.

Isla maalmahaasi gudahood waxaaa idaacadaha Muqdisho ka hadlay xildhibaano iyo odayaal ka soo jeedo gobolka Gedo oo ka digay in xariga loo geystay saddexda ruux ay iska horkeeni karto beesha iyo xafiiska raysul wasaaraha oo ah xafiis qaran. Sidoo kale raysul wasaaraha laftiisa ayay la taliyaashiisu u sheegeen in xariga loo geystay saddexda ruux uu yahay mid xilligan dhaawac ku ah hawlaha xafiiskiisa sidaasi darteed la siidaayo.

Illaa hadda raysul wasaare C/weli Gaas iyo xulufadiisa oo uu ugu horeeyo wasiirka warfaafinta C/qaadir Jaahweyn ayaa u arka dadka xiran inay u xiran yihiin madaxtooyada ee aysan u xireyn hawsha baaritaankii qaraxa Tiyaatarka. Jaahweyn ayaa hadda hogaanka u haya ololaha ay wadaan xulufada raysul wasaaraha kadib markii uu si adag uga gilgishay eedeyn madaxweynuhu dusha u saaray oo ahayd in qaraxii Tiyaatarka uu ku dhacay masuuliyad darro ka timid wasaaradda warfaafinta.

Nin ka baxsaday Xabsiga dhexe

Iyadoo weli doodan ay ka dhex aloosan tahay labada dhinac, ayaa waxaa xigay nin la sheegay inuu ka baxsaday xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho toddobaadkii hore ka dib markii xiisad ay ka dhacday xabsiga Xamar dhexdiisa.

Tiyaatarka Muqdisho maalintii qaraxa uu dhacay

Inkastoo wasiirka garsoorka iyo taliyaha alsuubta (oo labaduba ka tirsan Aala Sheekh) oo hadlay labaduba ay beeniyeen in dad xabsiga ka baxsadeen, haddana warar lagu kalsoonaan karo waxay sheegayaan in dadka baxsaday uu ku jiro nin sarkaal ah oo horey uga tirsanaa guutada qaraxyada ee Al-Shabaab, kasoo ay ciidamada Amisom kusoo qabteen Dagaalkii ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Dayniile. Waxaana ninkan loo heystaa inuu wax badan ka ogaa qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Siideynta sarkaalka waxaa loo maleynayaa inay ahayd sababtii ugu weyneyd ee carqalada looga sameeyey xabsiga dhexe usbuucii hore iyadoo sida wararka warbaahinta ay muujinayeen in askar ka tirsan dawlada ay weerareen xabsiga.

Ma cadda sababta loo sii daayey sarkaalka Shabaabka oo reer Cadaado ah illaa hadda laakiin xubnaha raacsan raysul wasaaraha ayaa qaba in madaxweynuhu siideynta ninkan taageero kaga raadinayo beelaha Galgaduud maadaama madaxweynuhu hadda yahay musharrax u taagan tartanka doorashada Agoosto, dhowaana booqasho uu ku tagay degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Guddiga baarista oo awalba madax xannuunka ku badnaa ayna heysay firfircooni darri ayay markale niyad jab ku riday siideynta sarkaalka Al-Shabaabnimada ku eedeysnaa ee baxsaday.

Xulufada madaxweyne Shariif (Aala Sheekh) oo ay ku jiraan saraakiisha waaweyn ee amaanka sida wasiirka arimaha gudaha iyo agaasimaha nabadsugida ayaa lagu arkaa iyagoo ku sugan xafiiska madaxweynaha xilli kastana shirar kula jira madaxweynaha, arintaasoo loo fasiray inay qeyb ka tahay dhabarjebinta guddiga baarista.

Amisom oo shakisan

Dhamaan dhacdooyinka isxiga ee ka socda Muqdisho ayaa shaki ku abuuray saraakiisha taliska Amisom oo si gaar ah u daneeya arimaha amaanka. Waxaana taasi ay keentay in afhayeenka Amisom uu shaaca ka qaado in iyaguna baaritaan gaar ah ay furayaan oo la xiriira qaraxii Tiyaatarka.  [War saxaafadeed Amisom]

Amisom waxay kaloo toddobaadkan markale shaaca ka qaadeen in ciidan boolis ah oo iyaga u gaar ah ay dhigi doonaan saldhigyada booliska qaarkood si ay qeyb uga noqdaan baaritaanada tallaabadaasi oo dadweynaha ka yaabisay maadaama Amisom lagu ogaa militari oo ay ahayd in shaqada amniga gudaha ay booliska Soomaalida ku filnaadaan!.

 

 

 

________________________________________________________

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho 

Share

Tags:

8 Responses for “XOG: Shaqaalaha Gaarka ee Raysul Wasaare C/weli Gaas oo La Wada Ceyriyey Iyo Jahwareer Hortaagan Baaritaankii Qaraxii Tiyaatarka”

  1. xabaal barbaar Boy says:

    Waa khiyaali waxaan oo dhan.
    Aala sheekh iyagaaba ka tirsan shbbka ee yaan lagu baabi’ine ha iskaga baxaan kuwa kale ee aan warka hayn intii maalin kasta qaraxyo lagu baabi’in lahaa.

  2. sacdiyo says:

    waxaa cad in dhibkii ka dhacay teatre qaranka ay ka danbeeyeen alla sheekh
    waxay hada aad u daneeyeen inay madaxa isku galiyaan beesha gobolka gedo iyo xaafiiska raysul wasaaraha isagoo shiikh shariif ka cararaya inay lug ku yteelato arinkan ayuu waxa uu xiray sedex nin oo reer gedood ah laakiin umada reer gedo iyo umada puntland labaduba hada runta way ogaadeen

  3. John Hajigure says:

    Wixi jiraba Cakaaro ayaa ay Iman doonta …

  4. ahmed says:

    Asw ma beel Gedo la yiraahdo baa jirto? waad ogtihiin cida degto Gedo ee afka sheega ileyn qalbiga waa idinkaga buuxaaye. Raxanreeb waxaad umada ugu horkacayseen joojiya. Shaqaalahas Farmaajo ayaa keenya isku beelna yihiin waa dhamaatey, maxaad beesha Gedo aad u leedihiin, Gedo waxaa dega 16 qabiil, ma lixda ruux la xireybaa 16 qabii ka soo wada jeeda. There is a way to write things diplomatically, but this one you got all wrong.

  5. garowe says:

    alla-sheikh walle farbaa ku godan wayna cadaan donta hadiise ay ku cadaato dee madaxwayne alshabaab ah yaa la shaqayn kara?

  6. WIIlMUDUG says:

    HORTA GOORMUU SHIIKH SARIIF KA TOOBAD KEENAY AL-SHABAAB NIMADII?!.

  7. hogol says:

    war raxanreeb comments ninka idin qabilsan yaan uga dacwoona kuu rabo wuu fasaxay kuu rabano wuu xanibin no xoriyad waxay waxaas maxad commentska u furteen hadiinan noo so fasaxayn agah

  8. Basra says:

    Soomaali waxay tidhaa FALAADHI GILGILASHO KAAGAMA HADHO waa taas waxa heysta wixii sharkaan ka dambeeyey oo ummadu ay tuhun weyn qabaan. Marka haday isqariyaa oo ka badbaadaan in la helo xagay uga badbaadayaan CADAABTII ALLE(JAHANAMO ) oo sugeysa? Ma Alla subxaana wataala laga dhuuman kadhaa!

Leave a Reply