Burhaan Boqor Muuse oo ah Wakiilka Boqorka Daarood oo RBC Radio Uga Waramay Safarka Odayaasha ee Turkiga (Dhageyso)


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Muqdisho (RBC) Wakiilka boqorka Daarood ee madasha shirka odayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho Burhaan Boqor Muuse ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyey RBC Radio wuxuu kaga waramay safarka odayaasha dhaqanka ay maanta ugu ambabexeen dalka Turkiga.

Burhaan Boqor Muuse ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay tagayaan magaalada Istanbul ee qadiimiga ah, halkaasoo ay ku booqan doonaan dhismayaashii boqortooyadii Cusmaaniyiinta iyo masaajidada waaweyn ee wadankaasi ku yaalla.

Wakiilka boqorka Daarood oo aan weydiinay in qaar ka mid ah oday dhaqameedkii Puntland ay weli ka maqan yihiin shirka ayaa shegay in sadex oday oo ku maqan Garowe iyaguna ay ka soo ambabixi doonaan maalmaha soo socda si ay ugu biiraan odayaasha hadda u safray Turkiga.

“Murankii ka jiray socdaalka waa la xaliyey koley hadda way dhamaatay” ayuu yiri Burhaan Boqor Muuse oo ka jawaabayey halkii uu ku dambeeyey khilaafkii ka dhex taagnaa DKMG ah iyo odayaasha dhaqanka ee ku saabsanaa aaditaanka Turkiga.

Sida uu sheegay wakiilka boqorka waxaa lagu wadaa in mudo usbuuc ah ama in ka badan ay qaadato safarka odayaasha ay ku joogi doonaan wadanka Turkiga.

Dhanka kale qaar kale oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee maanta u safray wadanka Turkiga ayaa sheegay inay filayaa inay la kulmaa asuuliyiin ka tirsan dawlada Turkiga, culimaa’udiin iyo odayaal reer Turki ah oo ku xeeldheer arimaha Islaamka.

Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!

Sida qorshuhu yahay waxay odayaasha maanta u safray wadanka Turkiga dawlada wadankaasi u fidisay inay u sameyneyso baaritaano caafimaad oo lacag la’aan ah intooda u baahan.

 

HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA BURHAAN BOQOR MUUSE

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

43 Responses for “Burhaan Boqor Muuse oo ah Wakiilka Boqorka Daarood oo RBC Radio Uga Waramay Safarka Odayaasha ee Turkiga (Dhageyso)”

  1. wiil reer ka ah says:

    AS/C,

    Boqorka Daarood!!!!!!!!!!!! War ninyohow anugu waaba yaabanahay, dadkaan reerpuntland waxaan moodayay inaysan aqoonin ku habsiga magacyada.

    ****** xitaa buusan boqor u wada ahyn markaasaa Daarood oo dhan la madax goosanayaa…war isku xishooda oo bililiqada joojiya,

    mida xigta waxaa ceeb ah inuu Muuse sheegto boqor daarood hadana uu wiilkiisa ka dhigto wakiilkiisa !! Family Business or what!!

  2. Jaaliyada Beesha Axmed Harti Uk says:

    waxaan rabaa in aan wax yar tu saaleeyo kan wata magaca wiil reerka ah ma fah min waxa uu yahay magaca uu wato in taas kadib walaal bililiqo ilaahay kama dhigin waa saldano aad u facwayn soo jireen ah soo madhay taariikh dheer ma kulayaabayo waxaa laga yaabaa in aad dhalatay xiligii kacaankii maxamad siyaad amaba xiligii burburka marka anigu runtii maganayo cida aad tahay haddi aad tahay dadka ku abtirsada saldanada laga hadlayo aabana uu noolyahay waxa ay aheeyd in uu aabe kuu sheego waxa ay tahay boqortooyadani iyo taariikhdii ay soo madhay mida kale waxaa laga yaabaa kuwo cuqdadeesan ayaa jiree in aad kuwaas ka mid tahay

  3. LEEF LEEF KU REEB says:

    waryaahee waxay ila tahay inaad tahay NIN dhaqanka SOMALIDA in yara ka yaqaan, Boqortooyada Darood miyaad ku haysataa QOYSKAAS reer BOQOR, ilaa DAROOD waa dhaqan soo jireen ah, haduuse XANUUN ku hayo oo BOQORTOOYADA majeerteen ku dhibayso BOQORNIMADOODA awoowgaa ayaa hanan waayey udaa dadka MANSABKOODA ina gumeedyahow.

  4. Cumar says:

    Meel ay beelaha Daarood isugu yimaadeen oo boqor ku doorteen lama arag lamana sheegin. Muxuu ahaa ninkan weyn ee sida sharci darada ah xilka isaga sheeganaya. War xishood

  5. Dooxa Mudug says:

    WIIL REER KALE @ waxad tahay qof iska dhigaya reer uusan ahayn ..Boqortayada Darood wa mid soo jireen ah ma ahan mid gacan ku rimis ah reer Boqor waxay saladanadoodu ka soo bilabatay maalintii uu awoowgeen Darood shulka yimid waxayna soo socotaya iyada oo sil silad aha ilaa laga soo gaaro Boqor Abdullahi Boqor Muse wana qiyaastii ilaa 40 boqor oo is dhalay tariikhda aduunkana way uga jirtaa meel muhiim ah boqortooyada darood ee fadhigeedu ahaa Gobalka Bari.

    Mida kale adiga maxaa kuwaalay ileen darood wax isku diidan ma jiree wadogatahay darood waxay isku racsanyihiin.
    1.ugaaska mareexan 2. garaadka dhulbahante 3.suldaanka warsangali 3.suldaanka absame 5.ugaaska laylkase————- boqorka Daroodna wa boqor Abdullahi Boqor Muse .

  6. Ciise M says:

    Boowe boqorka magacaas guud qaadi karaa xaguu joogaa?? Hade budland cid u maqan ama shirka odayasha dhaqanka u joogtaa majidho walaa islaam walaa boqor walaa ugaaas.
    Faroole ayaa ugaas, iyo islaam iyo boqorba noo ah cid kalena kama hadli kadho arimaha siyaasada pudland.

  7. Beesha says:

    Hadaan nahay koonfur nagala taga cudurka qabiilka ah ee aad noo keenteen.wadanka nookala gooya oo meeshiina lajooga qabiilka waxaa mahad leh alihii koonfur idinka rarey caasimada iyo agagaarkeeda qabiilka waa in wadani iyo walaalo muslin ah lagu badalaa odayaashaan xamar ha laga saaro markey shaqadooda dhameystaan badiyahooda ha lagu celiyo xamar odey qabiil uma baahna dhalinyaro wadaniyiina ayey u bahantahay

  8. Finiin says:

    S/calaykum dhamaan aflagaadadu waa ceeb qof umad hogaaminayain wax laga sheego sharaf dhac dadka soomaaliyeed wey garanayaan boqorka daarood ma aqaan dadka dowlad la,aanta garaadsaday marka burhaan maalin maalmaha kamid ah boqor ayuu u noqondoonaa daarood hadaba joojiya sxb dhaqan xumada iyo nacaybka

  9. samatar says:

    Hala yaabina caruurtaan waa kuwii burburkii ka dib dhashey , wax la dilo iyo wax la dhaco waxaan ahayn ma yaqaanaan ayadey ku barbaareen.

  10. Boqor"WHO" says:

    *************************************************** Maad tiraahaan Faroole Ayaa boqora asaagaa hada in kala dhoofiyee, Waar xishooda koleey xishood uma aydaan dhalane, Doraad ayaan arkayay mid sheeganaya boqor oo adinkaa oo ladan kunool oo kadhaadhicinaya in ay Putlaan tahay meel soomaaliya looga taliyo oo fadaraal aan micnihiisa oo aqoon kula murmaayay nin xaqiiqdii ka aqoon badan kana macquulsan. Aloow ayaa kuwaan wax bara ***************************.

  11. AAR DRD says:

    ASCaleykum nin baa hada ka hor yiri aabaheey baa geel lahaan jirey markaasaa ninkii kale wuxuu ugu jawaabey aabahay baa geel lahaan jirey anigaa dameer leh ayaa dhaanta. Midda kale magaca Darood waa la yaqaan laakiin marna yaan laga cararin marna yaan lagu qaraaban Darood run ahaantii maanta magaca Darood ma jiro jufu jufo ayaa loo kala go’go’ay marka beer la xawsiga riyada ah halayska dhaafo jufo kastana arimaheeda haka tashato inta isfahmeysa oo aan dano gaar ah wadan ha is raacdo oo qaranimo iyo midnimo haku nagaadaan somaliweyna sharaf hakula noolaadaan. Mida kale caydu ama aflagaadada waa hubka dumarka kuwooda kabtankaa marka halayska dhaafo SCaleykum.

  12. waxaan salaamayaa asxaabta webkaan ku kulma, Hadii aan ka hadlo boqorka daarood, boqorka daarood waa taariikh dheer mar ninka diidanow maxaad ku diidaysaa hadii aadan ama ******ahayn ama ******. Hadaad daarood tahay wax xumaan ah ha u qaadan magaca uu ninkaasi sito

  13. Kkkkkkkkk hala yaabina waa dadki laga soo gaday sinsibaar 1885 ee boqortooyadu keentay dalka dhashoodi oo cuqdadeeysan kana fa’ideysanaaya xoriyada la siiyay! Adeer iska hadal hada xor ayaa tahay wiil reer kaloow….

  14. Suqdho says:

    Odayaal dhaqamedka Turkiga Aaday Qaar waa dhaqancelin safarkoodu oo Dad kala Diin ah baa Turkiya ku nool Ismana layaan qaabka ay u wada noolyihiin in ay soo arkaan weeyeh micnuhu…..Qaarna meelo Tariikhi ah in ay soo booqdaan ……Qoyaskaas Reer Xawadane waa Duubka ugu Sareeya ee Dhaqanka Somaliya Balse Boqortoyada ****** kama soo hoyan Daarood Qomiyada Daarood iyo ******** Abtiris baa ka dhexeya ee Xeer Guri iyo Boqortoyo kama Dhaxalin

  15. yuusuf says:

    asc.dhamaan umada soomaaliyed marka xigo waxaan maqli jiray boqorka *********** iyo kuwokale laakiin mamqal mana aran boqor daarood daarood soowkan har iyo habeen aan dhexjoogno goormuu doortay boqor goormuuse heshiiyay kkkwaar afka suubsada

  16. Ninkii cuqdad ee haayso wa goonideeda boqortooyada wa mid soo jireen wana boqortooyo qarniyo soo jiray ninkii xanuunsanaw oo caloosha dhiig u fadhiyaw allah ku caafiyo!!!”"!!!”"”!!

  17. real somali says:

    alla war muxuu ahaa dadkan jeran like cumar iyo wixii lamida waar booqortoyandu idika iyo habbihinb waxaab indinka bariyimaso ina gumeedyahow afka bedelo. if u need the history of ************* kingdom go to the all international libraries and educated u self

  18. hurgumo says:

    kkkk wa ana walan mise cadan baa laga heesaya kk ninkaan ma raxanreeb aya ku caano shubtay war darood wa qoomiyad dad isyaqaan maha waxay kala degaan ethiopia kenya iyo somalia ninkaan nin xun maha wa nin wanagsan sidan hadalkiisa ka dhadhansaday balse boqor darood ha dhihinee boqorka reer bariga dheh waayo saldanadiisu xita mudug masoo gaarto see wax u wadaan camuu

  19. geeljire says:

    wabey wabe mahadaa daarood oo 500 oo sano kabadan mootan magaciisi nabad gali wayay wardee nimankiina reer bari nagadaaya bahasha aad nagu laadaysaan boqor reer puntland dhaha hadaad dontan bal car ha la idiin diido lakiin darood oo dhan ayan boqor u noqonaya adeerow sadanadaas mid reer bari qaadi karo maha nimankuu ilaa bossaso iyo qardho inta ku xeeraan inay boqoro u ahaayeen la iskuma diidana lakin dee waligood ma ay sheegan wax intaa ka baxsan maxa maanta soo siyaaday mise magacyadii salaadiinta iyo odayaal dhaqameedka aya dhamaday oo boqornimo aya loo xuubsiibtay lol nagadaaya ilma adeerayaal hadaad boqornimo rabtaan ilaa jigjiga ilaa godey ilaa qoraxey ilaa garissa ilaa kismaayo iyo jubooyinka ilaa reer khaatumo ilaa mudug dhulkaas iyo dhul kale oo badan oo beeshu degto taga oo kusoo qanciya markaas ka dib salaadiinta iyo ugaas yadu hadiin soo saxiixeen oo ogolaansho guud hala idin siiyo balse ku habso socon mayso boowe kaluunkiina inta dabataan alxamdulilaah dhaha howshaan wa idinka wayntehee

  20. raxanreeb. Maaxad u masaxdee commentigeyga. Ma magaca pintland ayaad didan tihiin.

  21. idoor liqe says:

    War aniga boqorada ========== waxaan u qana in ay yihiin nimanka reer qardho ee ========= . Ee shaarbaha dhaadheer la baxa.

  22. Abdullahi says:

    A.C.W.BOQORTOOYADA DAAROOT UGU HOREYSAY WAA BOQORTOOYADA ========= EE DAAROOT WIXII KADAMBEEYAY WAA DHAAN RAAC IYO WXAN AAN JIREN HAATAN MAJIRTO WAX SHEEGAN KARO BOQOR DAAROOD WIXII SHEEGTO WAA DAMBI AAD IYO AAD UWEYN.

  23. Waayo arag says:

    Somalida waxba iskaga qaldan. Xasidkuna waa ku badan yahay
    Boqor isin sheegta oo boqortooyadan ka horeeysay daroodna ku daroo bal halaysheego
    Ma isaq ba laha ma hawiyaa lahaa mise darood kale
    Diinteena qabta qofka in lagu sharfo sandanadiisA soomaali oo qaarna qaawanaayeen qaarna islaynayeen baa saldanadani jirety iyadoo weliba madaxtooyo leh
    Sida boqorada uk oo gaala aad dhareerka ugu daadin lahaydeen kanaa idin matela sharaf iyo magacna idiin

  24. Waayo arag says:

    Aad ku helaysaan ee amaantiisa dhowra af xumadana ka daaya
    Cid kale iskadaa hadeer kii garoowe joogay ban lagu karayn
    Umad wAnaagi laga siibay baa tibiin

  25. Kismaayo says:

    KKKKKk . Boqor Darood? What a joke.

    Ayaan darro ka wayn ma jirto in dadkii wax bartay ama schookis uun wax ka soo akhrisay inay ka gudbi waayaan qabyaalad, bililiqo iyo magacyo beel kadaba wareegiisa.

    Boqor daarood kulahaa? War isku xishooda oo beenta dhaafa.

    BTW, waxaa xigi doona boqorka Hawiye and Dir ama habar etc?

    Somaliya waxay u baahn tahay dad ka tallaaba magacyadan oo ka shaqeeya midnimada umadda.

  26. buhodlaawi says:

    asc…. waxan filayaa in doodu meelo badan ka daganayso ilaa hadana an laysla meel dhigin xajada waxan odhan lahaa dhalin yarada iyo wayeelka runta iyo xaqiiqda ka baydhayaa inay ka wan tobaan kufsashada tariikhda midna ogaada oo tariikhdu mahan wax la kufsan karo Tariikhduna iyada is qorta in magaca darood lagu maxaabsada mahan wax fudud darood sandaladii ugu horaysayna waala yaqaan oo waxay kasoo jeeday gobolka Gado tii labadna waxay kasoo jeeday Gobolka sanaag markaa waxad samaysan qolayhiina ina boqor muuse Tariikhda qaldan u samaynayoow dib u fiirsha tariikhda oo idnku mel u dhaafsha sandalada Bandar Qasim 1910 waa xiligii sandalda soo bilatay waxana xilagaa darood lahaa ugu yaraan 3 sandaldood oo kale markaa buunbuunintii taltaaniga iyo daba ka riixidii labadii dawladood ee c/rashiid iyo c/risaaq yanay wado qaldan idn jeexin

  27. hassan says:

    hurgumo
    geeljire iyo
    kan wax liqe iyo
    suqdho baali waxaad si wanaagsan u garaneysaan sayidkii in cabdulle xasane ma gabayadiisii ku noqotaan,waxaase caqligiina idiin sheegay ninka beesha ahmed diriye sita oo aan idin rabin intaasna aad isku dhajisaan usheega kaliya daarood koonfur inta badan in uu leeyahay goofkaaga yar ka ah xajiso dheh.kumase dhici kartaane faroolow ku wardiya wax ma garatayahay

  28. madaxsare says:

    Cumar waa runtaa adigu ma joogin meeshaa lagu doortay boqorka laakiin awoowgaa baa joogay oo raali ka noqday marka sxb imika waa ku qasban tahay dhinac walba.

  29. NINA says:

    meel inta daarood isugu yimi uu boqor ku doortay lama sheegin hadii magaca beesha la afduubayo oo lagu qadhaabanayose waa mid kale daarood kama tagin boqortooyo laga dhaxlo duriyadiisiina iyagaa isimo u khaas ah samaystay boqortooyada daarood haday mid dhaxal ahaydna silsiladeedu bari kuma dhamaateen daarood sanaag buu ku aasan yahay dhashiisiina ilaa waamo ayay degaan maxaa umadaas oo dhan boqortooyada daarood looga maqli waayey?magaca boqor soomaalida uma aha dhaxal ee waa isim qofku isu bixiyo ama dadkiisu u bixiyaan qof kastaana boqor magacii waa qaadan karaa saa haloo fahmo

  30. garsoor says:

    wl kani burburkii ayuu dashay. xiligii sayid maxed cabdule ayaa nin ka mid adaraawiishta waxa uu yiri sayid gabay aaa i aya darwiishtii ayaa tiri ka joog ka joog aaa gabayaa. haye soo daa. aabe sayid gabay aa i haya soo daa. farasaka aabe sayid aryaa xuuu faanto tuuray xuu faantoo tuuray. waa looyeeray waxa la yiri dilbaa kuu waajibaya see aaabe sayid faraskisa faantadiisa waxa uga sheegatay hada wiilkaan ama gabar waxa uu yahay aniu garan maaye dilbaa ku waajibay.

  31. Falaago says:

    HURGUMO Raaciyodi KENODIID buu ka Soo Haray Saladanada Somaliya Boqortoyadidi Dir iyo Darood ee reer Xawaadane iyo Saldaandi Casriga iyo Xadarada oo Hobyo fadhiday waa KEENODIID
    inta kale waa Xubno Yarar oo aan Sal balaran lahayn Boqortoyo Daarood u goni ah horay Uma Jirin hada kadibna Imanmaysoh SALDANADA WIILKA IYO ADEERKIIS oo keliya weyeh Taariikhda Saldano ee Somalia Waa Boqor Cismaan iyo Cali Keenodiid Runta waa Sidaas

  32. hogol says:

    boqortoyo darood waxa u facwayneed tanade-kingdom ama boqortooyadii tanade ee ay carabtu wax ka qoraan ayada iyo tii ujuuraanka oo ayana koofur ka jirtay aya somalia ka jirjiray tii tanade kingdom na somali oo dhan aya isugu tagtay ooo mesha ka saartay dabadeedna boqortooyo ka danbaysay ma jirin ee waxa ka danbeeyay maamul beeled iyo saltanate ama saldano marka anigu waxay ila tahay xiligii boqorada wa lasoo dhafay

  33. geeljire says:

    halkaan ka dheeho taarikha boqortooyadii ugu horaysay somalia sida la sheego oo ay ku xigtay tii ujuuraan:
    http://www.somalinet.com/forums/viewtopic.php?t=223908

  34. Real-Somali says:

    Oo kaalay reerkan garoowe isku xareeyey miyeey waasheen
    goormuu Daarood Boqor Doortay. Ma beentaad isugu sheekeeysaan
    baad Run moodeen. Heedhaha iska nasta waad xanuunsaneeysaan
    Xukun jeceeyl ma heerkaan baad mareeysaan. Waxa ku xigo baan
    sugeetnaa.

  35. *******liqe says:

    Adeeer wax boqor la dhaho ma jidho iyo suldaan ama beeldaaje. Magacyan oo dhan waa magacyada burburkii la kala bililiqeystay. Laakiin magaca garaad ayaa ah magac soo jireen ah. Adeer waxba hays warerina. Daaroodna waxaa hada odayaasha hogaaminaya shirka garaadada khaatumo state. Ee ********* . ******* ********* aad ayaan uga xunahay in ay diyaaradii ka tagtay. Xooga luga baxsi ah iyo barxada cad ee garowe ayuu ka nafisi lahaa.

  36. ****** liqe says:

    War waa maxay raxanreeb waa maxay bilaa xoriyadini iyo masaxaada qofka fekerkiisa waa u madax banaan yahay. Miyeynin aqoon xoritol qool ama freedom of speech. Anaa website beeleed soo galnay ar orda eeg webabka khaatumo iyo xoriyada ka jirta.

  37. puntlander says:

    marka hore ilaah ayaaboqorka boqorada ah tan kale ma diidanin in daarood boqor yeesho suaasho waxeey tahat beelweybta daarood ma isku raacdey.maxaase laga doonayaa haddii boqor la doorto
    1. in uu yahay nin diinta islaamka yaqaaan cibaadeestana.”in uu af soomaaliga si fiican u yaqaano.#in zinada iyo xaasas badan uusan soo yeelan daacad u yahay waddankiisa iyo beeshiisaba waa in ummadda soomaaliyeed beelHOODA UU IXTIRAAM IYO SHARAF KU LEEYAHAY SIDA BEELAHA KALE HAWIYE ISAAQ DIGIL IYO MIRIFLE IYO WALAALAHEENA KALE E SOOMAALIYEED MARKAA WAAN OGOLAANEYNA.

  38. Falaago says:

    Geeljiore ********** Odagi Daarood aha Uma Ducayn ee wuxuu yiri ************************** Dumarki Tirada Badanaa oo u Qabay buu u dhega Nuglaa ee Ilma Daarood iyo Odagi dhalay Uma Dhega nogalayn wixii Maal Aduun u ************* laha oo Dahabka Aad sheegtay u ka Midyahay ************** baa laga Rabaa ma Keligood baa Dhaxalaka Daarood leh? Boqortoyada Tabliiqa iyo digri Saalka [ALLOOW IYO AAYADII KA BAXANAYO AF DIINLAAN KU AARSANAYNAA UUX AAX}

  39. Nugaal boy says:

    Waa wax Lagu qoslo Jufidiisiba Xabad–Xabad isku haysatee Muxuu cid kale Boqor u noqdaa xitaa Reer qardho buusan u wada ahayn– idinkuna daarod baad ka hadlaysaane,,, adeer reerkiina soo kala dhici

  40. waxaan leeyahay soomaalida iyo dadka aflagaadada kasheegaya boqorka waa nasiib daro inaad garan waydaan maamuuska iyo sharafta uu leeyahay boqorku marka waxaan idiinku baaqayaa kalsooni siiya odayaasha dhaqanka si ay usoo xulaan dadka ku haboon ansixinta dastuurka kadibna loo helo dawlad civilian ah anigu waxaan taageersanhay dawlada TFG oo horkacayo madaxweyne shikh shariif iyo odayaasha dhaqanka

  41. Run sheeg says:

    Adeer boqortooyada daarood waa wax soo jireen ah iska daa nin ku abtirsada daarood e waxaa yaqaan qabiilada kale oo sidaas utixgeliya marka ninkii hadda sheeganaaya saldano kale adeer boqortooyadaa ku siisay oo dusha kaaga ilaalisa marka ninkaan Burhaan cidna ka baryi maayo Boqornimo waa saldanadii ugu horaysay ee abid soomali yeelato

  42. [...] waxgarad iyo dadweyne shalay magaalada Garowe ku soo dhoweeyay Burhaan Boqor Muuse oo ah wakiilka boqorka Daarood oo ka mid ahaa odayaashii dhaqanka ee ka qeybgalay shirkii dastuurka iyo dawlada lagu dhisay ee ka dhacay Muqdisho sanadkan [...]

  43. [...] waxgarad iyo dadweyne shalay magaalada Garowe ku soo dhoweeyay Burhaan Boqor Muuse oo ah wakiilka boqorka Daarood oo ka mid ahaa odayaashii dhaqanka ee ka qeybgalay shirkii dastuurka iyo dawlada lagu dhisay ee ka dhacay Muqdisho sanadkan [...]

Leave a Reply