Khaliif Ciise Mudan: Ninka Qaraxa Ka Geystay Gaalkacyo Wuxuu kasoo Jeedaa Gobolada Baay iyo Bakool


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Gaalkacyo (RBC) Wasaaradda Amniga ee maamulka Puntland ayaa ka hadashay Qarax khasaarse geystay oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo isla markaana ay ku dhinteen laba Aaskari oo ka tirsan Ciidamada Booliska Puntland .

Wasiirka Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo maanta la hadlaayey Saxaafadda Isagoo ku sugan magaalada Xaafuun ee gobolka Karkaar ayaa sheegay in falkaas ay aad uga xun yihiin ka maamul ahaan isla markaana uu ahaa qarax fulaynimo ah.

Khaliif ayaa EEBE uga baryey labada Askari ee qaraxa ku dhimatay iyo inta ku dhaawacntay Illaahay Caafimaad degdeg ah siiyo oo uu kamid yahay Taliyaha qeybta Ciidamada Booliska gobolka Mudug ugu horeeyo.

.…”"” Horta intaan taas ka hadlin waxaan EEBE uga baryayaa in uu Janadii ka waraabiyo laba Mujaahid oo ku geeriyooday Gaalkacyo oo Ciidanka Booliska kamid ahaa, wixii ku dhaawacmayna Illaahay Caafimaad degdeg ah siiyo oo Taliyaha qeybta ugu horeeyo…”“ayuu yiri wasiirka.

Wasiirku waxa uu ku sheegay ninka qaraxa sitay ee ay Ciidamadu dileen  in uu deegaan ahaan kasoo jeedo gobolada Baay iyo Bakool isla markaana uu ahaa Tima-jare xarun ku lahaa kasoo horjeedka Saldhiga Booliska ee magaalada Gaalkacyo.

…”"runtii ninka kasoo jeeday gobolada Baay iyo Bakool,wuxuu ka ahaan jiray Tima jare Saldhiga hortiisa, shalay wixii Isaga oo sameynaaya buu ku dhintay.. Maydkiisiina meeshii buu yaalaa si Cida kasoo horjeeda uu u Ogaado, haddii aad ku aragtaan cid idin aad garan markiiba loo sheego Ciidamada Booliska meel kasta oo ay Joogaan tan kale ay sameystaan Guddi kaas oo ka shaqeeya inaan laga Kirayn qofkii aan la garaneyn in loo sheego,qofkii kusoo siyaada, waxaana uga mahadcelianayaa Shacabka reer Puntland taageerada buuxda ay siiyaan Wasaaradda amniga Puntland meel kasta oo ay Joogaan ..”"ayuu yiri Khaliif.

Duqa degmada Gaalkacyo Siciid Cabdi Faarax iyo Taliye ku xigeenka qeybta Booliska gobolka Mudug Maxamed Maxamuud Jaamac (Beergeel) oo Shir Jaraa’id Saxaafadda ugu qabtay gudaha magaalada ayaa faah-faahin ka bixiyey iyana sida uu u dhacay Qaraxaasi oo si wey looga dareemay gudaha magaalada iyo deegaanada kale ee Puntland.

Laamaha amniga ee gobolka Mudug ayaa hadda wada baaritaano ku aadan sida uu u dhacay Qaraxu isla markaana hadda waxay baadi-goob ugu jiraan nin labaad oo la sheegay in uu la socday ninka hadda la dilay oo la gartay deegaanka uu kasoo jeedo.
______________________________
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Share

Tags:

19 Responses for “Khaliif Ciise Mudan: Ninka Qaraxa Ka Geystay Gaalkacyo Wuxuu kasoo Jeedaa Gobolada Baay iyo Bakool”

  1. ahmed says:

    taas maxaa kujaban waa runtii waxaa wax qarxiyaa waa dadka gobolldaas kasoo jeedaa puntland wa inay meel uga soo wadajeestaan dadka inta xun ee xasadka iyo nacaybka lasoo galay galkacyo galkacyo maahaan kunfuur koonfurna maahan galkacyo waa lakala leeyahay lamana sii wadayo qaraxyadaas hadii la ugaarsdo dadka noocaas oo guryaha aaan laga soo saarin danbiga ay leeyihiin lagu qaadin ddka galkacyo waxan leeyahay waqooyi iska daaya jiljileeca ee kasaara magaalada labadiina xaaafadood ddka aan wanaaga lajoogin hadii kale dhexdiina isfiirsada oo cadiifad ha idin dhextaalo

  2. Viva dowladeena lkn waxaan la yaabanahay shacabka bay iyo bakool ee magan galyada lasiiyay waxay fowdada uwadaan ilma adeerayaaloow wax badan ayaa layiri puntland dadkaa lugu caburiyaa maanta anaaa khaati ka taagan raxanweyn wixii soogaara yaan cidna lawaydiin by by

  3. suqdhe says:

    inaa lilaaahi wa inaa ilayhi raajicuun ilaahay ha unaxariisto samir iyo iimaan haka siiyo dadkii ay ka geeriyoodoon AAmin mada kale waxan waxan kacodsanaya in lasoo sheego dadka aad ka shakidaan waa in laga rara dadka aan udhalan puntland deegaanada puntland hal qofna allah haka dhigee taasina waa arin muhiim ah dadka reer puntland inay ku baraarugaan

  4. [...] More: Col. Khaliid Ciise Mudan : Ninka Qaraxa Ka Geystay Gaalkacyo wuxuu kasoo Jeedaa gobolada Baay iyo Ba… [...]

  5. qoslaye says:

    Faroole ayaa. Ka danbeeya se uu ********************* wax galka ah ugu soonoqinin gaalkacayuu tabaa isaga iyo kan galmudug labaxay waxay ushaqeeyan mles halayska qabti

  6. Asc kadib maamulka P/L shaqo wanaagsan ayeey sameeyeen balse mid ayaan ku dhaliilaya waana mida dadka ku qasbeysaa in uu fal xun sameeyi waxaana weeyaan qofkii dambi ama ficil xun ku sameeeeya gudaha P/L hala ciqaabo maxakamadna halasoo taago balse yaaneey sheegin halka uu ka soo jeedo ama reerka uu yahay waa iga talo antaa waayo qaska somaliya ka socdaahi qabiil ama qolo ka maqani ma jirto iyadoo dhan waliba laga eegayo taa waxaan u leeyahay dadka P/L u dhashay waxaa laga yaabaa in aay yidhaahdaan reer koofur baa qaraxa iyo qaska inooga horumaray laakiin waa qalad in sidaa la yiraahdo waayo budhcad-badeeda maantay dunida laa ciidh-ciidheysa %80 waa reer P/L iyadoo sidaa ay tahayna ma jirto cid ama dowlad ugu yeedho magaca P/L oo waxa la yidhaahdaa budhcad soomaaliyeed marka maxaa keenay hadii qof qalad idinka galo inaad tooj ku shidaan waa ceeb bal eeg xamar kumanaan baa qarax iyo ismiidaamin lagu qabtaa maalin qudhana lama ordhan inankani ama inantani waa reer hebel ama reer P/L bal eeg hargeeysa iyo caalamka qofna lama carab dhabo hadii aan ku qaldanahay taladan koleey waad isixi doontaan laakin xumaan ha ii fahmina

  7. jama says:

    hadal maa lawadaa iska dhiciya dadka mesha hadal gambara ha usoo qadanine ala majeerten iyo hadal maxaa kala hesta saas baan yeleynaa iyo cirka iyo dhulkaan tabaneynaa intaad ledihiin hal hal ayaa nilii dhameyndona ashoonkad ku adimeysaan iksa dhaafe wax ku dhaqaaqa ama afka xirta shiiidh

  8. rooraaye says says:

    adeer waa beentii waa tuug kale faroole caruurtiisa kamid yahay anigaa reer mudug ah walaal haku danbaabin wax uu ka ogyahay majiraan waa maamul 2 bilood u hartay oo meesha ka siisocda dadkii baa nacay dhamaantood waa ay ku fshilmeen dowladii waxay soo dhaafi wayday garoowe markaa waxay dadka usheegaan majirto waa fadhiid asagu khaliifku waa laangaab dadkii layiqiin maaha waa tuug kale haku wareerin is end faroole andb his time 60 days to go

  9. Alla-magan says:

    Alqaacida(Alshabaab) Reer Baay iyo Bakool oo keliya ma aha, waa argagixiso caalami ah, Reer Mudug, Reer Bari, Reer Nugaal, Galgaduud, Reer Woqooyi, all Soomaali iyo ajaanib bey ka kooban tahay Alshabaab.

    Maxaa markasta loo buunbuuniya beenta iyo masabitka dad gaar ah. Alshabaabka ****************** weligii waxba ma dilo miyaa mise ariga ka yimid Koonfurta ee xerooyinka ka buuxa ayaa loo fidyeeya( madax furasho) ruuxii Puntland ka soo jeeda hadduu wax laayo si qabaa’ilka isugu dhicin.???? !!!!!
    Waa siyaasadda gurracan ee Faroole caanka ku yahay si uu ugu maldaho ceebtiisa iyo fashilkiisa siyaasadeed.
    Dunidu wey ka dheregsantahay gumaadka iyo gabood-falka waxashnimada ah ee Faroole iyo bahdiisa ay u gaysteen reer Koonfurka. Fadhiid kacay iyo Fulay maalin raaya faan badanaa

    Ma illowdey Khayraadkii iyo maalkii koonfur ka yimid inaad ku nooleydeen oo la idinku soo koryey si toos ah iyo si dadbanba.

    Runttii Soomaaliya waxay ku dhisnayd oo lafdhabar u ahaa khayraadka Gobollada Koonfureed. Halka Gobollada dhexe ay weligood ahaayeen gundhigga dib u dhaca, colaadaha iyo baabi’ii qarankii Soomaaliyeed. waxay na bareen waxay na badeen baa ka sii daran.Weli dhbtii wey sii wadaan.
    Haddii Mudug iyo ****************** laga dhex saari lahaa Soomaaliya, barwaaqo iyo nabad bey ahaan lahayd . Wallaahi been ma aha ee Taariikhda dadka gobolladaas dib u baar .
    Colaadda iyo dhiillada Iyo baaba’a Soomaaliya yaa dhigey halaagggan, maxaa dadkan ka barakiciyey dhul aan welgiis laga barakicin. Weligiin ma maqasheen dad ka daaduumey Bay iyo Bakool ama koonfur oo idil oo nolol u doonta Mudug iyo ****************** maanta ka horow.
    Ku qabatey iyo qadarka Alle waa la qaataaye samir yeesha barakacayaashow fatxigu waa dhowyahaye

    ****************** maanta waa maalintiin ee ku sameeya waxaad doontaan, intaad soo uruurisaan sidii cayayaanka sun ku buufiya, Rabbigey Caza Wajallah ma seexdo, ma ilduufo, ma illaabo, wuu u kaadshaaa mujrimiinta si ay dembiga u badsadaan, markaasuu ku dhuftaa dharbaaxo bir ah iyo halaag aan waxba reebin.

    BAHDILA OO RIFA REER BAAY IYO BAKOOL, BOORKA KU JIIDJIIDA
    Eedeeya Barakacyaasha, ha u turin biri-ma-geydada
    Boqollaalkaad ku gumaaddeen bilaashka, baadil iyo aabi dheh.

    Magan waa la bixiyaa ruuxa baahan waa la sooraa,
    Bakhaylnimo iyo tiinu gunnimo baarkeed dheh.

    Been abuurka iyo fatooshkiinu fulaanimo baabkeed dheh.
    Baabi’nta miskiinkiyo musaafir beegsiga nacasnimo badatey dheh.

    Bihinbiha Faroole iyo tolkii biiq iyo baqa-carakiisii dheh.
    Bowe Bari laga reysey iyo bariis caana leh bixisadii illow dheh.

    Boodboodka haatan iyo bootadu wey hari beryo dhowaaneed dheh.
    Rabbigey Baarri ah ma mooga baaska aad dhigteen Billaahii yaqiin dheh

    Barteydaan ka arkaa durbaba nabadweeyee xaalku isbeddel
    Basanbaaskii iyo abaartii waa tan sii baxaysee laga bogsey colaaddii

    Barwaaqadii lagu yiqiin Baay iyo Bakool ma foga way ii bidhaantaaye
    Banaadir , marka iyo beerihii Janaale nuur baa ka baxaya Afgooye Baallaheede
    *************adoo diifeysanoo beddenkaadu isbeddeley
    Berriba filo, waxaan kugu sugi Baydhabo iyo Xamar baalaheede.

    Waxaad na baddeen iyo baaskii weli ma aan dhayin boogahaygii.

    Busta iyo omoska Boosaasood Rabbaa i badey mooyee beri ma haweysane.
    Beer ololka iyo gaajada Mudug, biyo iyo baad laysku laayo halkey beledu taal
    Baahi dileydii Reer Garoowe, jeeb yaraha baytkiisii halkuu Faroole ku barbaarey
    ALLAA I BADEY MOOYEE BERINA MA HAWAYSTEENE

    Boqorku wuxuu ku qoraad baalna u dhaafeyne, Shartiinana waxaan iri Bisinka iyo Yaasiinka.
    Baryadaada Eebbow waa lagu baraaraaye, Berisamaadkii soo celi Rabboow nimcadii aan baranay..

    AAMIIN>

  10. Amina says:

    @ jama Subxanalah waxad leedahay hal hal baa laydiin dhamaynayaa reer P/L,waxad ogaataa hadaad tahay nin Muslim ah in dembigaa laguu qoraayo maxa yeelay hadaad dad dishid iyo hadaad carabkaaga iyo qalbigaaga aad ku dishid ogow waa iskumid,Ilaah weyna ah ka baq oo carabkaagu uusan naarta kuu jiidin wale af qoyani qalali doonee.

  11. proff says:

    waxaan dhihi la haa baaritaan iyo daba gal dheeri ah ha lagu sameeyo arintaas

  12. Xamaada says:

    As/c dhamaan.

    Xussen, waxaan leeyahay walaal fikirkaagu guud ahaan wuu saxan yahay LAAKIIN sababta keentay in la sheego gobolka uu ka soo jeedo dambiiluhu waa inaan tuhun kala dhex galin beelaha walaalaha ah ee wada degan Gobolka, hadii kale in lays tuhmo baan dhici karta.

    Puntland ka socda waxaan qabaa in maamulka Puntland oo wax ka ogyahay….sababtuna waa fududahay……….maxay mar walba uga hadlaan oo kaliya sidii wax u dheceen oo ay afkooda u soo marin la’yihiin cidii soo dirtay wiilashaan yar yar oo 500$ inta soo siisyay iyo Bastoolada kadibna farta ugu soo fiiqayo qofkii ay soo dili lahaayeen?!!!!!!!!!!!!!!!!! Cadawga saxda ahi ma ahan wiilkan yar ee Bastoolada wada ee maskaxda ka dambaysa.

    ILAAHAY dadkayaga in may meel dheer wax ka arkaan ha baro oo u midoobaan cadawgooda

  13. shiinadheere says:

    asw
    dadka yaa been loo sheegin magaalada gaalkacyo anaa ku dhashay intee ayay leegtahay? waa afar km oo dherer ah iyo shan km oo ballac ah amrka aan lagu darin banbanaanada /// sidee maalin walba dil uga dhacaa ama qarax?yaan been la isu sheegin isla dadka dega ayaa og oo ayagaa is khaarijinaya oo waxaa la doonayay in la dila duqa magaalda waa wax iska cad xitaa hadii la adeegsado tima jarayaasha reer bay reer mudug waliba ******** mudug ayaa og///

  14. shicibku maulka ha la shaqeyo wixii ay ka shakiyaana ha soo sheegeen haday qaban karaana ha qabteen wa bilaahi towfiiq.

  15. Somali Nabad says:

    Qabyaaladda inaan iska dayno ayaan fiicnaan lahayd.
    Kuwa qaraxyada gaysta kama soo jeedaan oo kaliya hal qabiil. Ninkan qaraxa ka gaystay cida xukunta ee u qaabilsan puntland Waa Fu’aad shangole ma raxanweyn baa?
    Galgala kuwa ka dagaalamaya ee Atam madaxda u yahay ma raxanweyn baa?
    Sh c/qadir mumin ee Galala jooga ma raxanweyn baa?
    Waa khalad in hal qabiil lagu tilmaamo inay qaraxyada ka gaystaan puntland.

  16. muuse says:

    BAY IY BAKOOL waxaa kayimado dhalin yaro ay hayso duruuf iyo nolol xumo marka kuwa waxma garato ah ayaa lacag usheegaya.

  17. Ali Soomali says:

    Reer puntland waxaanay ogeyn in dad badan oo asalkoodii hore kasoo jeeda Puntland ay degeen kuna tarmeen muddo dheer gobolada Bay iyo bakool, qaarkood baa u guray Puntland qaarna weli waxay ku dambeeyaan gobolada Arlaadi marka haddii dakaas puntland ku noqday ee ku hadlaya lahjada raxweyn ay wax ka geystaan puntland waxba hakula soo boodina waxay ahayeen raxweyn ee waa kuwiinii idiin soo noqday sidaas ula socda.

  18. Alla-magan says:

    RAXANREEB waa gurigii caddaaladda iyo runta.

    Noolaada weligiin.

Leave a Reply