DAAWO SAWIRADA: Taliska Xabsiga Dhexe Oo Maanta Meel Fagaaro Ah Ku Gubay Waxyaabaha Maanka Doonriya


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Muqdisho (RBC Radio) Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar Maxamed Xuseen Axmed Sabdoow ayaa maanta ka warbixiyay muqaadareed ay soo qabteen ciidamada xabsiga dhexe ee xamar oo loo waday dadka maxaabiista ah.

Mukhaadaraadkan ayaa waxa ay isugu jireen Jaad, Xashiish,Sigaar iyo waxyaabo kale oo maanka dooriya kuwaas oo ay isticmaalayeen maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Xamar.

Taliyaha Xabsiga ayaa meel fagaare ah waxa uu ku gubay dhammaan mukhaadaraadka oo ay soo qabteen ciidamada Asluubta ee jooga Xabsiga dhexe ee Xamar.

Sidoo kale  wuxuu sheegay in ciidamada Asluubta ay ka hortagaan wax walba oo muqaadaraad ah oo leesku dayo in la keeno Xabsiga isla markaana ay isticmaalaan maxaabiista Xabsiga ku jirta.

Maxamed Xuseen Axmed Sabdoow ayaa baaq ujeediyay dhammaan dadka soo booqanaya Xarunta xabsiga dhexe ee Xamar kuwaas oo uu sheegay in maxaabiista ay u keenaan Mukhaadaraadka isaga tilmaamay in ciddii lagu arko ciqaab adag ay muteysan doonto.

Ma ahan markii ugu horaysay oo ciidamada Asluubta ay qabtaan Muqaadaraad ay sheegeen in la doonayay in loo gudbiyo maxaabiista xabsiga Dhexe ku xiran.

 RBC Radio

xafiiska wararka Muqdisho

Use Facebook to Comment on this Post

Share

2 Responses for “DAAWO SAWIRADA: Taliska Xabsiga Dhexe Oo Maanta Meel Fagaaro Ah Ku Gubay Waxyaabaha Maanka Doonriya”

  1. [...] View article: DAAWO SAWIRADA: Taliska Xabsiga Dhexe Oo Maanta Meel Fagaaro Ah Ku Gubay Waxyaabaha Maanka Doonriya [...]

  2. Waayeel says:

    fari kama qodna.waxaas iyo wax ka sii badan baa ku jira Xamar iyo magaalooyin kaleba.
    Waan ku faraxsanahay in Qaadka lagu daray maandooriyaasha.Qaadku waaba yahay maandooriye run ah.Sababtoo ah waxaan akhriyey war bixin ay soo saareen niman ah saynisyahan oo baaray waxa uu yahay Qaadku.Waa sheeko dheer waxase ka mida war bixinta in uu qaadku boqolkiiba 48 yahay maandooriye dhab ah.Waxuu la mid yahay bay yiraahdeen nooca la yiraahdo Marawaana.Ugu dambeyn qaadku waa daraag run ah qofkii an ogeeynoow.

Leave a Reply