DOOD FURAN: Roadmap-ka Cusub iyo Kaalinta Odayaasha Dhaqanka ‘KOOFI’ u Taagan Danaha Saxiixayaasha Mise???


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Lixda saxiixayaasha qariirada roadmap-ka waxay shirkoodii Addis Ababa ka soo saareen qorshe hawleed cusub “new roadmap” kaasoo lagu magacaabay qariirada cusub ee dhameystirka marxalada kalaguurka.

Waxyaabaha ku jira qorshahan cusub ayaa waxaa ka mid ah sameynta labo guddi hawleed oo dusha ka maamula odayaasha dhaqanka ee haatan ku shirsan magaalada Muqdisho. Guddiyadaasi oo wakiil ka noqonaya lixda saxiixayaasha iyo beesha caalamka ayaa hawshoodu noqoneysaa;-

1)    Inay la socdaan soo xulista ergooyinka ansixinta dastuurka iyo mudanayaasha cusub ee baarlamaanka

2)    Inay wax ka qabanqaabiyaan hawlaha odayaasha dhaqanka sida habka doorashada mudanayaasha, shuruudaha lagu qaadanayo mudanayaasha iyo dib u celinta cidii ay ku kalsoonaan waayaan saxiixayaasha.

Waxaa baahida guddiyadan loo sameeyey lagu tilmaamay ka dib markii lixda saxiixayaasha ay shaki ka qaadeen odayaal dhaqameedka DKMG ah isugu keentay Muqdisho kuwaasoo haddaba u muuqda in ay taladooda kala madax bannaan yihiin lixda saxiixayaasha.

Waxaa socda loolan iyo isriix riixhoose oo u dhexeeya qaar ka mid ah lixda saxiixayaasha dhexdooda oo isku haya kuraasta sare ee dalka iyadoo midwaliba uu doonayo in tiro asxaabtiisa ah ay marka hore u gasho baarlamaanka cusub.

Arintan waxaa isla maanta ka qeyliyey odayaasha 135 qaarkood oo si kulul u sheegay inaysan aqbali doonin inay noqdaan ‘KOOFI’ u taagan danaha saxiixayaasha, taasoo muujineyda in haddaba uu jiro mugdi u dhexeeya lixda saxiixayaasha iyo odayaasha dhaqanka.

Dhanka kale haweenka oo lagu ballanqaaday heshiisyada in la siiyo 30% ergooyinka baarlamaanka iyo xilalka oo dhan ayaa iyaguna bilaabay inay qaab beeleed ula macaamilaan odayaasha dhaqanka, waxaana shirka odayaasha ku arkeysaa kala jiidasho odayaasha lagu hayo iyadoo mid waliba martiqaad gaar ah loo fidinayo si danaha gaar ee siyaasiyiinta xildoonka ah uga fushadaan.

Haddaba odayaasha dhaqanka ma yihiin kuwo ka madax banana roadmap-ka cusub? Mise talada saxiixayaasha ayey ku hoos jiraan?

Maxay guddiyada cusub ku kordhin karaan qorshihii horey u socday ee xulista iyo diyaarinta baarlamaanka cusub? Xulista baarlamaanka ma awooda odayaasha mise waxaa iska leh lixda saxiixayaasha? ……………. WAA DOOD FURAN.

Share

Tags:

23 Responses for “DOOD FURAN: Roadmap-ka Cusub iyo Kaalinta Odayaasha Dhaqanka ‘KOOFI’ u Taagan Danaha Saxiixayaasha Mise???”

  1. jamaal k says:

    meeshiii soomaali u fiyoobeyd baa gaalada doonayeen in mudo ah in lanaga haleeyaan qariidada ayaana hada lagu soo darey

  2. [...] Visit site: DOOD FURAN: Roadmap-ka Cusub iyo Kaalinta Odayaasha Dhaqanka ‘KOOFI’ u Taagan Danaha Saxiixayaas… [...]

  3. cabdi says:

    hada mise markii hore ay imaanayeen odayaasha
    hada waa la khiyaameeyey oo waxa ay keenaan waa looga danbeenayaa waana habka kaliya ee saxiixayaasha ku hubin karaan shaqsiyaadka ay u doonayaa xildhibaaninimo
    markii hore shaqadooda waxa ay u gudan karayeen sidii DUUBAB oo kale

  4. muna says:

    mid yaan lagu degdegin odayaasha waqtigaan duubabka ah waxa aad ugu badan rag mutacalamiin ah oo dayar ah oo aan la dhayalsan karin u maleyn maayo in saxiixayaasha ay u fududaan tooda in ay wax ku khaldaan waxaa kaloo meesha taal nimankaa saxiixayaasha waa iska qabqable af ingiriis ku hadla that is all

  5. maxamuud says:

    odayaasha in la dhiiqeeyaan awalba xamar loo keenay sidii lala doonayeyna waa lala rabeyna aleylehe waa lagu sugay

  6. elmi ali says:

    shacabka somaliyeed odayaasha dhaqanakow ha uso jedinayna halaag lixda saxiixayasha idinko u danaynaya iyo lacag aad ka cuntan allaah baa idinla, xisaabtamaya iyo ummada soomaliyeed ad matalaysaan allaah ka baqa allaah la baqa tuugta ka carara yey idin gadan roadmakaw wa tuuag waxa wataa kursi doona wakiil bad akm tihiin dadka yio dalka iyo diinta iogaada nabaday

  7. Qobey says:

    Qof danbe wax la weey diinayo majiro, ajandaa la diyaarshay ku sa leeysan taariiq iyo saacad, qofdanbe loojoogi maayo. Waqtigii hostage iyo hadalka waa dhamaaday

  8. Muwaadin says:

    War waddankan Faroolaa ka taliya….
    Waxaan ku talin lahaa in Faroole la iska raaco, taladiisana la qaato. Kolley waa la qaadan doonaa markii la idinku khasbee….

  9. hurgumo says:

    melez maalinba ninbaa adoon u ah maanta tallow yaa adoon u ah? kkkkkk anigu cidna magac dhabi maayo balse ceeb aduun iyo mid aakhiroba kaas waa u taal madiidin kaas

  10. Xaji says:

    Dhibkawadankafaroole

  11. Nabadoon says:

    Waxaan filayaa hawlaha meesha yaallo ma,aha kuwo sahlan waayo waxaa laga talinayaa ayaha ummadda soomaliyeed marka waxaa qasab ah in lala shaqeeyo odayaasha oo xulitaanka baarlamaanka aan kaligood lagfu siidayn. waxaa wanaagsan marka uu oday dhaqameedka uu keeno xubinta baarlamaanka gudiga hadda la samaynayo waxay ka qaadayaan imtixaan yar waxay fiirinayaan inuu buuxiyey sharuudihii lag rabay sida aqoonta, waayo aragnimada, da’diisa, iyo inuu u qalmo inuu noqdo xibin baarlamaan ee iyo waliba in beeshiisa isku raacsantahay inuu kursigaas u fariisto. laakiin dadka qaarkiis waxay arrimahaas wanaagsan u fasiramnkaraan qaar aan dantooda ku jirin oo wacxay rabaan si kaste ha ahaatee in qofka ay rabaan meesha la geeyo, waxaa kaloo jir qaar aan doonayn in dastuurkaan la meel amriyo arrimuhu ay iska sii ahaadaan qas iyo fawdadii 22 sano lagu soo jiray::::::::: U CODEE

  12. Saalixi says:

    I think Muna is UTTERLY and COMPLETELY RIGHT. That is ALL.

  13. keerow says:

    Dhaqankii saxda ahaa haddii aan la keenin, waa hubaal in laba Xariif iyo Afarta Saxiixeyaal guuleysan doonaan.

    Waxaa kale oo dhici karta iney dhexdooda ku dagallamaan Xaqqa , maadaama ay ku heshiiyeen Dulmiga.

  14. Basra says:

    WAAR HOOY intaad halkaan belaayo ku hurineysaan marna ma ka fekerteen inay SOMALIA KA BADBAADO ISTICMAAR KAASOO AH INAY MAXMIYAD GASHO!!!! Alla rag isku sheega meeshaan wax ku qorayCAQLI XUMAA!! Walaahi inaanaan waxba ka qabin in dariiq kasta loo maro is SOMALIA LOOGA BADBAADIYO INAY 1960 KA HOOS MARTO!! Marka TALO caqliyeesha kana fogaada wax aan hada loo baahneyn iyo dad in laysku daro lana suga arrintaa marka CALANKEENA BULUUGLE GUULEYSTO OO DAWLAD LAWADA AQOONSAN YAHAY LA HELO, INSHA ALLAHNA WEY DHICIN!!

  15. ahmedpunt---------- says:

    soomaali cudurka kansarkaa baa kaga dhacay qarankii soomaaliyeed ,qarankii soomaaliyeed waa gabar 21 jira oo qurux badan oo midab buluuga iyo xiddig ku xardhan oo ladayacan xanuunkaa khatartaa oo kadhashay dayaca iyo dad la’aantaa,sidaas darteed soomaali wax kastoo lagu dabiibi karo qarankii soomaaliyeed oo looga daaween karo cudurkaa khatartaa way banaatahay si loohelo dawlad dhamaystiran oo mar un kumeelgaarka dabarkaa aay uuga bixi lahayd ,waxaase shakki ku’jirin in oday dhaqmeedka aaysan kaalin kulahayn oo aay tahay kaalintii mutacalimiinta saxdaa oo aan ahayn kuwa iska sheegta,balse mucaarad waa dhamaaday waqtigiis iyo isbaaro intaba,marka yaanan laga hordhicin haloodaayo dawladda curdankaa taladeeda….jimco wanaagsan

  16. CADAAD hURUMBE says:

    It would be a tragedy and humiliating for the Somali nation to agree to the adoption of the additional clauses in the new road-map. it is obvious that the infallible sovereignty of Somalia is being manipulated and placed in hands of six unscrupulous and corrupt gang with their guru, Mahiga. The Ethiopians and Kenyans are working behind the screen to ensure that their stratagem for the cantonization of Somalia is being accomplished. Somaaliyey kuwan halala Jahaado,guul baa la gaadhi doona.

  17. Zakaria Ahmed says:

    Hadaba dhagayste, Cilado badan baa ii ga muuqdo jihadaan cusub ee hada addis ababa noo maa mulayso. sida
    1. Kow, waxaa xumaan iyo waayo aragnimo ah in Madaxwayne, Raiisul wasaare iyo Raiisul baarlamaan ba ay xaadir ku yihii aydhagayteen – meesha looga sheekaynayo “KARIIDAD CUSUB oo loo aloosayo soomaliya”,
    2,Lixda saxiixe ma matalikaraan soomaaliya oo dhan – miyaa loo dhanyahay saxiixaan. sida ay iila muuqato meetingka addis abbaba wuxuu ahaa mid u dhaxeeya Puntland & Iyo Galmudug. Aaway saxii xayaashii kale ee looga baahnaa in ay ka qaybqaataan- waa hadii xal loo raadinayo soomaliya. mid loo dhanyahay ma uu san ahayn.
    3.Umada soomaaliyeed waa in ay sharciga la tiigsataa raga maamulka loo dhiibtay ee habaal marinta la doonayo qaranimada soomaaliya – sida kuwa isug yimid addis ee soo saxiixay “SOMALIA NEW MAP” taloow $$ amoutiga ku soo aaday mid walba maxay tahay, crime against a nation has been committed and the panishment should be delived to those who planned, participated, facilitated.
    sida saxii xayaasha isugu tagay addis abbaba.

  18. farey says:

    waxaan oo dhan ee arbushka ah waxaa ka dambeeya FAROOLE ujeedadiisuna aheyd odayaasha puntland ee shirka ku haray inaysan u madax banaan soo xulista barlamaanka cusub,si taasi aysan u dhicin ayuu af labadiisa yeeray oo ka dhigan waawareey!!!! arrintii beesha caalamka waa tan isugu keentay adisababa oo qodobadaas lagu gaarey in gudi lo sameeyo odayaasha dul joogteeya,beesha caalamka waxay badbaadineysay inaan waqtiga ku meel gaarka lagu gorgortamin oo aan waqtiga lagu dheereysan baroor diiq qiiq isku qaris ah.hadal iyo dhamaantiis durduro geelbaa ku jabay damaacina waa xun yahay dantuna waa lama huraan

  19. farey says:

    faroole faroole faroole faroole

  20. Idman says:

    @cadaad Hurumbe
    @Zakaria
    Labadiinuba waxaad u muuqataan raggii Somalia 21 kii sano ee la so dhaafay la degay oo rabay inay saas sii ahaato, unfortunately, enough is enough and no more hostage so ( afka ciida ka ceshada) and accept the fact it is the end of your dark days and beginning of a new Somalia, Somalia ha noolaato!

  21. shaxda says:

    salan sare odayaasha dhaqan ka somaliyeed meelay joogaanba
    waxaa maanta muqdisho ku sugan rag lagu aamini karo dadkeena iyo dalkeenaba oo leh aqqon hagitaan iyo isusoo dhaweynba .waxaan ka codsanayaa kooxda labaxday saxiixayaal in odayaasha lagu wareejiyo howsha loona daayo

  22. Suqdho says:

    Road map ku waa Khariirada laga Hagayo Somalia marki laga Furasanwayey baa la hidisay Qolada Dhaqanku waa Maratabada Ugu Saraysah ee Talada Wadanka Somalia Balse waa Hadii wixi Dhaqanka Somalida lagu yiqiin ay miiska soo saaraan.kkk Kofiyada iyo Ul iyo Cimaamad waa la Shaq Shaqayaa. Xeer Dhaqameed Tafa Tiran baa laga sugayaa Duulkaas Tusbaxa Afka laga Furay Noqday.

  23. NINA says:

    wax kastaa waa hagaagayaan hadii oday dhaqameedyada xoriyad buuxda ay helaan oo aan la garab wadin ururo bulsho lagu dhex qarinayo basaasyo iyo dilaalo aday dhaqameedka majaraha ka wareersha alow sahal amuuraha waxaanba akhriyayey kuwan baasi oday dhaqameedyada turkiyey u raaceen

Leave a Reply