DOOD FURAN: Yaa Ah Qaswadayaasha ‘Spoilers’?
Labo bilood ka dib shirkii kooxda Xiriirka Soomaaliya ICG ee ka dhacay Jabuuti kaasoo ahaa meeshii lagu soo hindisay diyaarinta liiska dadka loo bixiyey ‘qaswadayaasha’ waxay xukuumadda KMG ah iyo ururada Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo IGAD ku dhawaaqeen inay xayiraad saari doonaan dadka diidan habsami u socodka qorshaha roadmap-ka.
Laakiin liiska qaswadayaasha loo bixiyey oo horey ugu koobnaa dadka diidan Shariif oo u badnaaxildhibaano ayaa hadda u muuqdamid la ballaariyey laguna soo daray dadka diidan dastuurka cusub ee hadda shaqadiisu xukuumadda ku hawlan tahay. Isla tallaabooyinkan ayaa markale lagu soo daray odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin si weyn uga horjeeda siyaasadda labada Shariif.
Waqtiga lagu dhawaaqay digniinta waxay ku beegmeysaa iyadoo labo bilood kaliya ay ka harsan tahay waqtiga KMG ah ee dawladda hadda jirta, isla markaana madaxdasare ee KMG ahna ay sheegeninay iyaguna musharixiin yihiin, sidaasi darteedna waxay noqoneysaa in qaar musharixiinta ka mid ah loo jeediyey digniin halka qaar kalana laga aamusay.
War murtiyeedkii wadajirka ee Qaramada Midoobay, IGAD iyo Midowga Afrika soo saareen shalay wuxuu digniin gaar ah u jeediyey dadka diidan dastuurka iyo kuwa ka hor imaadsan hannaanka roadmapka wax u qorsheeyey iyadoo la og yahay in roadmapka iyo dastuurka ay ku jiri karaan wax xun iyo wax fiican intaba. Markaas ma waxaa fiican in laga doodo oo khaladka laga saaro wixii fiicana lagu taageero mise hadalba ma furna!.
Haddii dimuqraadiyada, siday qabto la fiiriyo adduunyada waxay isku maqashaa aqlabiyad “majority” marka xildhibaanadii 13-kii Disembar riday Shariif Xasan ee 278 ayaa noqonaya qaswadayaal mise kuwa Shariifka taageersan oo ka hor yimid go’aanta inta badan?
Dastuurka diidmadiisa iyo ogolaanshihiisa ma waxaa iska leh Soomaalida mise waa lagu qasbayaa oo talo kuma leh xitaa haddeysan rabin?
Qaswadayaasha ma waxaa loo yaqaan kuwa diidan dastuurka iyo roadmapka mise dadkii dadka xaqdarada ku laayey ee meel walba joogana way ku jiraan? maxaaxe lagu xukumayaa?
Waa tee cida xaqa u leh inay shaabadeyso qaswadayaasha ma Mahiga iyo Midowga Afrika mise dawlada Soomaaliya? Dastuurka iyo dawladnimaduse yey dan ugu jirtaa?
……. Waa dood furan!!
RBC Radio











WAXAA QAS WADE AH MADOOBE NUNOW IYO WAXA UU HOR BODAYO
qaswadayashu waa kuwa ka soo horjeeda dastuurka oo indhalanata ku mucaradaya waana kuw federlaka diidan dastuurkan waxii ka horyimada waa qaswadayaal
Waxa aan si fiican uga helay halka ay doodani uu qoraagu ku taageerayo doodiisa ee odhanaysa,
“”Haddii dimuqraadiyada, siday qabto la fiiriyo adduunyada waxay isku maqashaa aqlabiyad “majority” marka xildhibaanadii 13-kii Disembar riday Shariif Xasan ee 278 ayaa noqonaya qaswadayaal mise kuwa Shariifka taageersan oo ka hor yimid go’aanta inta badan?”"
Su’aashu waxa ay tahay ka horaysa taa somalidu ma qabtaa dhaqan ahaan iyo dimuqraadiyad ahaanba?
Dadka didan geedi socodka nabadenta iyo dastur in ay yelato somalia o donayo in guryo iyo bero aysan lahayn ay sii heestan wana dad doonaya in ay qabil ku hoos jiraan waligod oo ay ku dhaqman noole noole ku dul nool lagamana yelayo waa in dastuurka la codeya dadweynaha somaliyedna helan xuquq wax laga weydiyo qofka madawtinimada hogamin doona one man vote hadi u cod ka helayo deeganka u isleyahay waa laga dooranaya ha aado codna ha u raadsado ogowna qof danbi dalka iyo dadka ka galay wuu didayaa waayo lama doranayo codna heli mayo kaas ayaa ah qaswade waana kuwa hada ku shira hotelada waa weyn ee muqdisho oo xishod darada qabilada u sheganaya ha weydiyan qabilada ay sheganayan wax ma u qabten waligod xitaa halgeed oo la harsado ma talaalen waa maya kuwas ayaa ah qaswadayal mahadsanidin
waxaa qaswadayaala kuwa kasoohorjeeda ansixinta tastuurtka oo ah dhabihii lagu gaari lahaa dawlad saxa oo adduunka la’taabiqaadi karta ,
Haddii aan arrintan in yar ku darsado, Waxaan u arkaa in aan loo sinayn cidda qas wade ah iyo ciddaan ahayn. Waxaad arkeeysaa beel dhan oo wada cabaadeeysa oo wada leh Dastuurkan ma ogolin. Markaan sidaa leeyahay, shaqsiyan Dastuurkan ma taageersani laakiin, waxaan ogahay kuwa ka qaaylinayo in aaysan ka hadlayn dan Somaliyeed ee aay dantooda Beel ahaan ka dhex arki waayeen.
Waxayna ila tahay, haddii xitaa la yiraahdo Somaliya diinta Islaamka ha lagu xukumo in aay noqonayaan dadkan dadka ugu horreeyo ee ka hor imaanayo.
Marka, Anigu Kaarka Cas ee qaswade yaasha waxaan siiyey, dadkan 21ka sano Somaliya xagga iyo xagga u diiday ee Microphoneka afhayeennimada wada qaatay ee Xamar ka qaaylinayo ee aan magacyadoodu halkan lagu soo koobi karin.
SOMALI BADANKEED WAY TAGERSANYIHIIN DASTUURKA EE WAXAA KA SOO HORJEEDA DAD QASWADAYAAL AH OO UU HORKACAYO FARMAJO IYO XASAN XAAD
qof walba oo kala dambayn iyo xasilooni ka soo horjeeda. oo haddana xoog ku faana!!
Qas wade waxaa ah ninka raba in uu sicodsiiyo
wax umadii soomaaliyeed oo dhami diidantahay
qabiilkiisa maahane. Waana midka raba in wax
diinta islaamka ka soo horjeed, shisheeyana wato
dadka ku sandukeeyana. Waa midka wadaniyadii
iyo diintii iyo dadnimadii iyo damiirkii ka dhamaaday
. waa kuwa qodobo aan soomaali u dhamay si qaas
ah ugu darsay dastuur ku sheega. Qaswadsyaashu
WA c/weli Gaas iyo faroole iyi mahiiga oo ============= ah.
introductionkaaga hal dhinac buu u jeedaa ee iska cadayso.
Sharcigan shalay markii sharrifka loo soo saarayay maxaa looga qaylin waayay , adigana uga hadli wayday!!!!
Haday dadka qaarkii iska aamusan yihiin micnaheeda ma aha inaysan wax garanayn ee waa sharaf ay leeyihiin.
asc marka hore…Ani waxay ila tahay inuu maan gaab yahay ninkii dhaha waqtigaan somaali dastuurka uma dhama ama way udhantahay maxaa yeelay weli ergooyinkii kama doodin mana aysan arag mana ucodeen miyaysan ahayn inaan ka warsugno ergooyinka dhamanteen ina wada sugaya.. hadaan usoo noqdo yaa qas wadayaal ah .. taasi way iska cadahay maahan inaanu baarlamaankii dhacay wada aflagadayno laakiin waxaynu ognahay inay dhagar qabayaal ubadnayeen iyo kuwii labatanka sano wadanka soo baabi,inayay qabqablayashii dagaalka kuwaas oo sida ku cad dastuurka cusub aan boos kuyeelan doonin dowlada cusub ogna gooray tahayba haday noolaadan inaysan maxkamada fursanayn iyo qabiil madax maray baa isbarada dhigtay … somali inta saalimkaa way ogtahay hadaynaan is indho tiraynin ciday yihiin.. kuli calaa xaal ani waxaan ila tahay hadaan fikradayda hadlo cid kasta oo maanta dantoda daraadeed dadka masakiinta marin hababinaysa qabiil, diin, qurba dawarsi, munafaqnimo ama idaacado ha isticmalane haloo aqoonsado qas wadayaal… waa mahadsantihiin .. waxaan rajaynayaa inaan offend gareeyay dhagarqabe kaliya…
wax qaswade la yiraahdo ma jiraan waxaa laga soo horjeedaa dastuurkan in lagu bilo liqeesto la rabo soomaaliya dadka kasoo horjeedana xaqbay u leyihiin in ay kasoo hor jeesrtaan a wali gaas iyo sheikh sharif o dabadhilif ah ayaa futada ka riixaya lakin cawaqib xumo ayay kalmayaan hadii rabi idmo
Aniga xassan ahaan.. ma garanaayo wax shacabkaan soomaaliyeed u roon… maxaa yeelay daawo walba oo loo sheego jiro ayey ka sii qaadayaan, arrin walba oo la keeno wey sii xumaaneysaa. Waxaan dhihi lahaa wax un hala isku raaco… Qabiilna Qaran ma noqdo.
mahadsanidiin raxanreeb.com
Su’ashu aad bey u wanagsan tahay, balse jawabta la heli karaa cidl sugeysa ama asmaceysaa ma jiraan, waayo qaswadayaal waxaa ah Shariifka iyo kooxdiisa diiday in uu horkeeno mooshinadii dowlada Barlamaanka misnah furaha la wareegayay Nairobi ilaa Dubai ee aan marnaba ogolaanin in uu Barlamaanka shaqeeyo aanan marnaba wax la iska weydiinin mooshinadii Dowladani hada jirta ee MR.A/wali..
Mida xigtaa Dowlad waxa ay jirtaa marka ay Barlamaankedu shaqeenayo oo ay la imaankarto heshiiisyada ay gishay iyo wax qabadka sanad laha ah, marba hadi aysan jirin meel loo laabanayo oo sharcigii dalka kala hagayay uu yahay Barlamaan ayaganah la yiri waa Spoilers taasi macnaheedu waa cadahay waxaana halkaasi ka cad in arinta Mahiga iyo dalalka dariska la ah iyo kooxo somaliyeed oo dano qaas ah wadataa ay yihihiin Spoilers saxda ah ee aan dooneynin in ay dowlada Dimoquradiyad ah oo codkeeda sida saxda ah wax ku diidi karta ama ku ogalaan karta aanan marnaba la heli…
Dadka Diidan in la ansixiyo Dastuurka wadanka looga saarayo kumeel-gaarka wadan oo rabo in uu wadanka ku jiro kumeel gaarka oo aan dowladda la helin kuwaas baa qaswadayaal ah sababtoo waa gafanayaal ku dhaaxay dowlada la,aan aaminsana qabiil oo aan ogalayn wax garami haystana hantidii umadda soomaaliyeed kuwaas baa qaswadayaal ah marka waxaan leeyahay iska daayo in la caadaysto waxkasta in laga horyimaad, dadka ku nool moqdisho iyo agagaarkeeda anigu waxaan u qabay in ay ka daaleen dagaal iyo bur-bur, maantay in ay yiraahdaan waxaan ka hor imaanaynaa rajada soomaalida aniga waxay ilatahay in ay tahay cadowtinimo soomaaliyeeda ayna ka daranyihiin codowga soomaaliyeed sababtoo nolol iyo geeri mid ma ogola waxay baaba, oo keliy iyo isdhexyaac dowlada la,aan dhaqaalo, la,aan iyo bur-bur waligiisa socda waana dhiig-miirato
waar kuwiinan distuur aan weli soomaali la soo dhex dhigi si rasmi ah daasadaha u sii tumanayow ee taageerayow yaan siyaasiyiintiinu idinku gawracin in laydiinla dhaqmo wixii xunba xaawaa leh waayo maanta waxaan arkaa kuwii soomaaliya halaqmareenka ka dhigay oo xataa mooryaankiina wata oo dhiiqadaad ku jirtaan u isticmaalaya qubay siyaasiya oo ay isku daahirinayaan
qaswadayaashu waa kuwa dastuur 8 sano qabyo ah oo siyaasiyiin nooc walba lihi ay ku dhici waayeen inay taageeraan kuwa maanta taageeraya iyadoon dastuurka soomaaliyiba ka shirin yaa yidhi dawlad lama dhisi karo dastuur la’aan? sawnagii 1960 ba dawlad dhisanay oo 1961 dastuur afti loo dhigay samaysanay ma markaasaynu gumaysi ka baxnay mise maanta ma islihi nin soomaaliya ku gogortan geliyey oo wadaninimadiisu maamul goboleed ku kooban tahay baa soomaaliya qas ka daynaya
QASWADE (ISBAAROOLEEY) SOOMAALIDA IYO ADDUUNWEYNAHUBA WAA YAQAANAAN IYAGAANA MIISKA IS KEENAYA WAXBA YAAN MEEL AYSAN JOOGIN LA GEYN. BAHASHA HALA XAMILO QASWADE WAA IS-YAQAANE WAXBA HA GABANE BANAANKA ISKEEN.
YEY SOOMAALIYA KA DEGI WEYSAY? QASWADE
YAA ISBAARO DHIGTAY? QASWADE
YAA UMMADDA HOOBIYE KU HOGGAAMIYAY? QASWADE
YAA DUMARKII FARO-XUMEEYAY? QASWADE
YAA BIRI-MAGEYDADII DHAXANTA, QORAXDA IYO ROOBKA BADAY? QASWADE
YAA SOOMAALI ISKU TAAGAY AFRIKAANNA KA BAQAY? QASWADE
YAAN DANTIISA AQOON? QASWADE
YAAN WELI GAROWSAN? YAA KALE WAA QASWADE
YAA…………..YAA…………. YAA………..YAA………….
QASWADOOW WAAN KU SOO QABAN DOONNAA WELIBA ADOO FOOLXUMO KAA MUUQATO SIDII MADAXDII CARABTA HADDAADAN UMMADDA FARAHA KALA BIXIN OO DHIBTA JOOJIN
anigu warkaaygu waa cadyahay qaswade waxaa ah ninka labaatanka 20 sano diidan dowlad nimo oo aan aqoon haaaaaah alaakiin yaqaan oo kaliya mayaaaaaaaaaa waana dadka jooga caasumada somalia oo kunaaxay xooli hii soomaliyeed 20sano kujira guri nin leeyahay iyo beer nin leeyahay
intaas kadib somalia nabad baay noqonaaysaa qurba hana waan ka noqonay naa dustuurka na waa soconayaa hadii la diidana waa lookala daran yahay nin kii gurigiisii dhisanayay awalba wuu sii dhisanayaa kii guri giisii burbur sanaana waa sii burbur sanaaniyaa hadalku waa dha maaday sxb cafi iyo masaabax
Qofka ama ninka ragga waxaa lagu qiimeeyaa shaqadiisa,,hadii aan fiirino shaqada ay qabteen laba shariif iyo gaas?99% jawaabta waa maya waayo, fursado badan ayaa soo marey kama faa,ideysan
1) dastuur 8 sanno la diyaarinaayey maxaa hada loo soo saarey iyadoo waqti yar u harey
2) ayagooo ku fashilmey 4 Sanno ay joogeeen kuna dhameystey dalxiis iyo khilaaf
3)Igad, Qaramada midoobey,, hadey soomaliya Nabad noqoto waxaa dhamaanaayo lacagtii beenta lagu cunaayey
4) shacabka in ay rayigooda cabiraan xaq ayey u leeyihiin
5) somaliya 22 waxay isku dagaashey cadaalad xumo maanta nabad ifeyso waa in ay dagaal kale ogolaanin in shaqsiyaad buufis kursi jeceyl madax marey in shacab la dhaho qaswadayaal waa bembi
6) Mahiige iyo kooxdiisa waa in ayaga la geeyo maxkamada caalamiga ah waayo waa dagaal oogayaal , si ay usii jooogaaan ayey wax walbo sameeyeeen,,
7) Nabada somaliya qof walbo ayey nolol u tahay Aduunyada waa in ay aragtaaa si nabad ah dulmiga labada shariif iyo gaas,,, shacabka waa in la maqlaa loona keenaa waxay raaali ka yihiin
Dadka qaska wadaa ma qarsoona oo waa kuwa la soo marsiin la yahay nabadda soomaaliya.Kuwaasoo wata dano ayaga u gaara.Haddii kale waxay yahiin horboodayaasha reeraha Hawiye.Waana kuwaas maanta ku wada haya ma doonayno dastuur.Dastuur ma rabno macnaha waa doonimayno dawlad iyo nidaam.
asc dhamaan waxaa qaswadayaal ah dawlanimada dadka ka soo horjeeda magacaydonaan hasheegtene,
umaddaan 20 sano shidada ku jirtay waxay u baahantahay dawlad,waxaa layiraahdaa “dawlad xumi dawlad
la’aan ayey dhantaa”,maantay waxaanu u baahanay nabad hadii aan nabadi jirin nolol ma jirto kuwaan caqlilaaweyaasha ah oo caasimadii intii looga cararay waxba qabsanwaayey waxay garan layihiin in haddii
ay xamar nabad noqoto ay wadankoodhan ay hormuud u noqonayaan xag dhaqaale iyo xag siyaasadeed.
Aniga waxay ilatahay in Qaswadayaashu yihiin. Kuwa nagu qasbaya waxa aanaan rabin oo ah Tastuurka iyo Roadmapka ug yaraan waxaan xaq u leenahay in aan wixii aan umada somaliyeed dani ugu jirin kahor imaano ama diidno. hadii sidaas Qaswade lagu noqonayana dhamaan umada Somaliyeed waa qaswadayaal waxay kelmadaasi lamid tahay kelmada Argagixino oo cidwalbaa u adeegsati cida aysan siyaasad ahaan iyo Mabda ahaan u rabin. Waxaa kasii danbeeya sidii loo xalaashan lahaa dhiiga umada,
Runtii waxa aan layaabanahay arintaan ah SOOMAALI oo dhan ayaa diidan dastuurka meesha laga keenay, hadaad ufiirsato dadka meeshaan COMMENTS-ka dhiibanaya waxay umuuqdaan badi kuwa taageersan dastuurka marka arinta halaga dhigo “dadka qaar diidan yihiin.” Mida kale dastuurka aniga ma’ arko wax looga hor imaankaro inuu jiro hada, sababtoo ah dadka kudoodayey waxbaa ka khaldan wax badan lama aysan soo shirtagin wixiina waa laga saxay dastuurka. mida kale dastuurkaan manoqonayo dastuur sii jireen ah illaa afti ama cod dadweyne looqaado ee waxaa looga gudbayaa kumeel gaarka kadibna dawlada soosocota ayaa waxay diyaarinaysaa sidii afti dadweyne loogu qaadi lahaa marka qofkii wax isku haya hasugto marka codka looqaadayo hana kujoojiyo codkiisa inuu ansax noqdo dastuurku. Hadaba hadaan usoo noqdo YAA QASWADE AH, waxaan qabaa aniga qofkasta oo ka hor imaanaya ansixinta dastuurka iyo in laga gudbo kumeelgaarka ayaa ah QASSWADE, meeshuu doono bulshada ama dawlada hakaga jiree.
Ilaah waxa uu ku leeyahay quraankiisa barakeysan (qofki ama madaxdi wax ku xukumta waxa aana ahayn waxa uu alle u sii dejiyay waxa weeyaan faasiqiin,waxa weeyaan daalimiin. Waxa weeyaan gaalo) sidaa darteed waxa aana ahayn kitaabka ALLE ma ogolaan doonoo waxa aan halkan uga sheegayaa DAJAAlKA (mahiiga) iyi inta soomaaliya la jecel wadada uusan ilaah ka raali ahyn in aay ku hugaamiyaan umada in aayna weligood ma awoodayaan ALLE ayaana ka difaacaya waa ayna ku hungoobi doonaan
ACWW:Waxaa ii muuqata fakar kala duwanaasho weyn somaliduna had iyo goor waxaa ay isku qabataa wax iska suuq madow ah.Waxaa ka horeeya in la yeelo dastuur.Goormaa dastuur dalku yelan karaa?Ma jirtaa baahi aad u weyn oo keenaysa in la qaato dastuurka?Dasturkan horta muxuu yahay yaa arkay?Maxay yihiin kuwa raba iyo kuwa diidan qola kastaa waxa ay ku doodayso?Anigu meesha wax dawlad ah oo ka jirtaa ma jirto dawlad waxaa la oran karaa dawlad iyada is xukunta go’aankeeda leh madaxdeeduna aanay cabsi qabin.Dastuurka haddii dadka somalida qaar ka mid ah ay diidan yihiin xaq ayay u lee yihiin waxa ay diidan yihiin in laga qanciyo la saxo.Dastuurkan intiisa badan waa kii 1960 oo medification lagu sameeyay meainly qayabaha federalka diinta jinsiyadda iwm.
Waxaa wata group-gaar ah danta laga lee yahayna ay tahay wadanku in uu sii qasnaado.waxu in ay shaqeeyaan ayaa ka wanaagsan in wax la qarba-qarbeeyo oo uu ka socon waayo qaybo ka mid ah dalka wax la isku raacsan yahay ayaa ka wanaagsan wax dhib keeni doona.Dastuurka waxaa wata waa puntland somalida kalena waxbadan kalama socota dalku ma ahan puntland.Dadka puntland iyagu waxaa ay qabaan in loo hiilinayo laakiin umadda somaliyeed ayaa laga horkeenayaa waxaana ila qurxan wixii saxid ah in la saxo.
Qaswadayaasha waxaa ah intii xaaraanta ku bulaashay ee Ummadda Soomaaliyeed 20sano iyo in ka badan soo qasayay ayaa haddana wali qasaaya,[Waana Tuugadii ku bulaashay hantida Ummadda soomaaliyeed]] oo waxay rabaan in ay gacan galiyaan illeen iyagu meel walba bay xaaraan ka buuxsadeene,waxaa intaas dheer wax magaratada isleh kursi baad waayaysaan oo awalna ku soo galay baarlamaanka laaluushka iyo garabeeshinka oo aan ku imaan cilmi iyo caqlitoona ee u badan juhalada,kuwaas oo aan waxna qorin waxna akhrin[Dagaal oogayaashii iyo kuwii u garabayn jiray]] waxayna ka baqayaan in ay wax ka waayaan[kuraasta hadda laqaybinaayo] oo lagu qaybinaayo [[Maxaad Taqaan]].
Waxaa kaloo iyaguna qaswadayaasha ka mid ah,[Fadhikudirirka debadaha ku raagay oo aan wax maslaxad ah ka shaqayn isku dirmooyaane,sababtoo ah magaranayaan wacyiga haadda ka jira dalkii oo waxaa ugu dambaysay waagii qabiiladu ay dagaalamayeen walina taas baa maskaxda uga dawaaran laakiin waxay maanta joogtaa [[yaa maali jirayeey iyo Alloow nabadbaadi diin,dal iyo dadba]].
Waxaan leeyahay inta layska daayo midi midi ku taagga,haddii wax yar oo caqli iyo damiir ah idinku jiro
badbaadiya,Diinta,dalka iyo dadka soomaaliyeed haddii kale maalin aan maanta ahayn baa la soo miyirsan doonaa taas oo aan wax laga qaban karin.
Dhinaca Dastuurka inta laysla fiirsho wixii aan wax inoo dhimayn diinteena iyo dalkeena oo wanaagsanna ha laqaato wixii aan waxtar lahaynna halayska tiro,laakiin haddii la yiraahdo wax xun iyo waxsanba gaw iyo gash maleh,waana wixii horay inoo rogay ee halayska illaawo,Ilaahayna ha ku duwo somali Tubta toosan[AAMIIN]].
GOOD IDEA!. MR KAMATAGE WAAN LA DHACAY FIKIRKAGA WANAAGSAN WAANA KUGU TAAGEERAYAA…. SXB WAN KU SLAMAYAA WA SXBKA CUMAR YAMANI.
Qaswadayaal waxaa ah cida aan dooneyn somalia in ay degto, somalia in ay dawlad hesho, somalia in ay aduunyada la tartanto , waana //////////////, gaar ahaan ””””””” , wa taa xaqiiqda hadaad rabtaan .
Qaswqade yaa ah?? wa su al in la is wediyo mesha ay ku jirto wana eray ubahan in si buxdo loo fahmaa! Qaswade waxaa ah cid walba oo ka hortimada xasiloonida iyo dowladnimada soomaliya qaswadayasha noo diidan dowladnimadana aadbey ubadanyihin balse aan soo koobo waxaa hormuud u ah qaramada midoobay midowga africa dowladaha dariska itoobiya iyo keenya danjire kusheg mahiga qolooyinka pintiland ee cadawga kalkaala shariif sakiin xilkii sida xalasha ah looga qaday diiday cabdi wali gaas iyo lataliyihisa faham lawe faroole qaswadayal kuwas ayaa ah waxayna ku noqdeen arimahan soo socdo un au itoobiyo iyo kenya waa kuwii 22 years somalida kala dilayay hubna isugu dhiibayay balayin doolarna ku baxshay burburintena ninkii shalay naburburshay manta na dhisi mayo taasna waa riyo qoloyinka pintiland labaxay ayaguna waa qaswadayal waxayna hiil iyo hoo uyihin cadawga maxamiyada nagu ridayo waa cadaw kal kaal waxay kalo qaswadayal ku yihin sandareer yar inta qaaten ayeey qeeradka dalka cadaw labaxay africa oil usaxiixen gacantana ugalsheen faham laawe faroole waa qaswade aan xishoon caytama sida hablaha carqaladna ku ah wax walbo aysan qabiilkisa wadin sida xukumadi farmaajo waxow kaloo qaswade ku yahy abaabulka dilalka ruugcadaysha siyasada ku qabsado kuwas oo ka dhaco magalooyinka aan aheen garoowe waxow kalo gacan ween ka geestaa abaabulka iyo taakuleenta iyo dhiira galinta burcad badeeda qowlaysatada ah asagoona saldhig uga dhigay xeebaha bari soomaliya qaswadayal kuwaas aya ah waxa hubal tan iyo burburkii dalka somaliya cadaw badan inow kuso dulay had iyo jeerna dad xalal ah ay hujum kala hortagayen waxan leeyhy manta ayay maresa yamali jiray sida aa dalka uga difacden cadawgii unisom iyo itoobiya hadana uga difaca dastuur beenadka xaaranta ah oo diinta kahor imanaya gunaanadki waxa udardaarmaya shacbiga xamar ee xalasha ah cadaw walba idinka ka difaci jiray dalka hana ka daalinina marwalba illahna garabkina hagalo qaswadayashana waa qoloyinkaas
saxaafadda RR wanaag hadday qabato waa in la’sheegaa oo loomahad celiyaa .waxayna tahay sida emil da la’soodiriyo ugudbinaayaan ayagoo kareebaaya waxii aflagaada qabiil ama shakhsi ,waxaana kuguubaabinayaa saxaafadaha kalana inay kudaysaydaan RR.aad iyo aad baad umahadsantihiin RR.
Inta la og yahay taariikhda aduunku waxay soo martay marxalado kala duwan . Waxaa hubanti ah iney lahayd macaan iyo qadhaadh .Aragtida kala duwan ee bani’admiga ayaa keenta in qof waliba waxa la habboon uu qaato.Bal u fiirso haddii dad kala saarayso wixii aad jecshay ayaa ku kala ama waxa aad aaminsan tahay.haddaba anigu axdii ay qorteen dadka raaci waayey ayaa ila khaldan anaa meeshaan iska leh.maxay qaswadaan ayaga ayaa la leeyahay.Waxay ku shaqeeyaan dadka lahaantood
KU.Jaalle Ximan iyo Xeeb.
Saaxiib marka hore wad deg-degtay oo ma adan hubsan waxa uu yahay ama ku saabsan yahay Dastuurka laga hadlayo waayahaan.Tan kale Dastuurkaas waxkasta oo aynaan raali ka ahayn ma qaadan doono.
Tan kale waad adiga ka hadlaya diintee waligaa ma ka hadashay dhibaatooyinka ay beeshaada guud ku hayso soomaaliweeyn?Dilka,Kufsiga iyo dhaca maxuu yahay dambiga ka weeyn oo ka dhacay soomaaliya?Sababta ad u diidan tahay nabadda soomaaliya wax kale ma aha ee waxaad ogtahay xisaabaadka kugu imaan doona.Isla markaas adigay dan kuu tahay in soomaaliya ay ka hir gasho nabada iyo dawlad wax ku ool ah.Waxaad kaloo ad ogtahay in aadan haysan dhul ku deeqa ama ka heli kartid waxyaalo badan oo wada muhiima.
Qaswade waxaa ah ninka soomaali oo nabad ah Amxaaro u galay. Waxaa kale oo qas wade ah ninkii
caasimadii soomaaliya Xabashi soo dhex fariisiyey ee hada soomaalinimaan rabaa afka baarkiisa ah ku doodaya. Qaswade waxaa ah ninka qodobo qabiil gooniya u danaynaya ku darsaday tdastuur ku sheega. Qaswade waa qofkii raba in uu dastuur nooga dhigo wax umada soomaaliyeed oo dhami aysan rabin reer puntland kaliya maahane oo iyagu u haysta hadii qof yiraahdo ma rabo waxaan xaq duudsiga ah oo aad wadaan in qofkaasi dawladnimada iyo Soomaalinimadaba diidanyahay. qaswade waa ninka wixii shisheeye cadaw ahi rabo in uu uga shaqeeyo rabo, dantii dalka iyo dadkana raba in uu beecgeysto kuwaas oo lagu tilmaami karo khaainul wadan aan damiir lahayn. Qaswade waa midka
raba in uu cuno sad bursi xaaraan ah hadana umada kale xaaraan cunid ku eedaynaya. Qaswade waa kan soomaliya cadawgeedii hor ee talyaani iyo kan hadeer ee xabashiba waligiis u kaalmaynayay. Qaswade waa dadkii soomaalidu u aqoon jirtay Mahbarka ilaa iyo hadana ka shaqeeya kala goynta soomaaliya maadaama ay yihiin dadka had iyo goor Federelism-ka u ololeeya.
Qaswade waa kaan xitaa hadeer hartigii kale wax kasta udiiday ee kaligood isla raba in ay wax walba cunaan. Qaswade waa kan in uu wax kasta in uu kaligiis cuno rabo umada kalena gaajo u dhimato.
To Waayeel walaal waan ku salaamay, Walal waxaan rabaa in aan kuu sheego in dadkeygu ka dhul fiicanyihiin reer puntland waayo waadinkii oran jirteen boowe bari laga reysay iyo bariis caano leh.
mida kale ma ogtahay in wax boobida aad igu eedaynayso in aysan bilaaban hadeer ee aad hilmaansantahay wixii dadkaagu horay u boobay 21-kii sano ee hore oo waliba reer tolkaa ka dhisteen guyihii loo baxshay booli qaran ee dabaqyada ahaa, aniguse hadii aa hada daganahay guryihii aad horey u boobteen ee booli qaran ee canshuurteyda lagu dhisay ma guryo dad leeyahay aayaan deganahay ? mise waxaan ahay nin xoolihii horay looga dhacay helay, soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa nin iyo xoolihiis aragti ayaa ka dhaxaysa. Dhanka kale dastuurka aad sheegayso ma waxaad jeclaan lahayd in aad dastuur soomaaliyeed nooga dhigto wax Puntland ama reerkaaga si gooniya wax ugu ogol soomaalidii kale oo dhamina xaqoodii lagu daboolayo? cadaalad daro weynaa dhaqankaanina wuxuu la mid yahay midkii aad soomaali oo nabad ah amxaaro ugu gasheen 1978-kii markii dambana aad inta soo hogaamiseen galdogob iyo balanbale ugu wareejiseen kadibna aad caasimadii umada soomalaiyeed xabashi u keenteen. Dhanka kale hadii dambiyo la iska xisaabinayo, ma dabi ka weyn oo wadan laga galo ayaa jira khaainul wadan iyo diinkii ilaahay oo laga soo horjeesto kadib markii aad maxkamadihii diideen dawladnimadii soomaliyeed ee siyaad bare diideen, hadan umaba jeedid xumaantaada ee waxaad u jeedaa kaliya wixii dhib ku gaaray markii xamar lagaa bursaday ee xadka iyo xawaaraha iyo habaar waalid jartay. ugu dambayntii wixii xumaan aan sameeyana karti aan ku qirano aniga iyo beeshaydu waan leenahay, ninkii xumaan nagaa galay mid hore iyo mid dambana xisaabu isagay u taale ha ogaado, waxba boorka ha isku qarin.
Been iyo buhuu bahaa badanaa waar QASWADAYAAL waa kuwii 22sanno Soomaaliya ka degi la’dahay! Dal nina rabo inuu dago nin dabku hurinayo weeye dalkeenu! Waa Rag wada burburkii inta ku lacageysaty oo DAHAB haddii loo keeno caalaqaya, oo jecel inay Sidaa ku sii jidho si ay u sii lacageystaan weeye qaswadayaashu ee waxba yaan darbi madax ku garaac lagu jirin kuligiin waa taqaanaan QASAWADAYAASHA ee Illahat Somali ha ka qabto!
wiil ximin iyo xeeb
qofkaad la hadlayso ha saarin magaca beel waynta jifadiisa uun la hadal waayo beelwaynta d booli qaran uma dhamayn oo cidaaduba dawladiisiyaad waa ka buuxday cashuurta dalkana qaybtooda waa bixin jireen baasha d beelwaynta d wixii dhacay waa ka dhaqdeen maantana soomaalidii kalay gacmaha is haystaan jifadan farta taagan noqotayna ee aad la hadlaysana kuma gawracnin
hadaanu beelwaynta d nahay. midbaananse kugu raacsanayn inaad xamar hantida dadka ee la haysto aad ku taageerto waayo dee xamar oo dhami booli qaran ma ahayn arintaasina ma aha wax sharaf iyo soomaalinimo idiin keenaysa
Intii dawladii hore ee siyaad bare jirtay ayay qabiilada qaar xoolihii umada dhaceen
waxaa dhici jirtay in dad iska qaadan jiray lacagtii bangiga dhexe taalay
iyada oo lagu qori jiray in la daymiyey inta loo diiwaan galiyo hanti maguurto ah ayuu
leeyahay oo geelbaa baadiye u jira kadibna la oran jiray wuu keenay inta loo cafiyo
markaas ayuu ninkaasi guryo xamar ku yaal ku dhisi jiray, qaar kalena waaba la iskala
Fakan jiray hantidii umada sida cali khaliif gakeyr oo kale oo la fakaday lacagtii
warshadii mareerey, marka rag sidaas dhaca umada ah guryahoodii ku dhisay
ayaa dhahaya guryaheenii ayaa nalaka haystaa. Mida kale ma ogtihiin in dekeda
boosaaso lagu dhisay mucaawinadii fao ee talyaanigu soomaaliyoo
dhan ugu tala galay kadibna uu C/risaaq juriile iyo siyaad bare leexiyeen
inta mar la soo jeedshay in hobyo lagu dhiso maadaama boosaaso la yiri waxay u dhawdahay
Berbera kadibna loo diiday hobyo qabiil ahaan darteed. Warkii oo dhami wuxuu yahay
In xaqii umada koofur iyo gobolada dhexe degan ay lahaayeen ee laga dhacay ee canshuurtoodii
iyo qeybtii ay mucaawinooyinka ku lahaayeen isugu jirtay dhulkoodiina aan
waxba horumarin ah aan laga dhisin, sida dekad, Airport, School dugsi sare iyo
Jaamacado midna, lacagteeniina boosaaso garoomo diyaaradeed loogu dhisay
sidaas darteed anaga ayaa xaq u yeelanayna guryaha xoolaheenii lagu dhisay
ee xamsr idiinkaga yaala, mar dambena yaan la idiinka maqal guryaa nalaka
haystaa. Yoomun laka wa yoomun calayka yaa Waayeel idku dheeg.