Emmanuel Chirchir : Waxa Aan La Wareegnay Afmadow


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

NAIROBI (RBC) Ciidamada Kenya ayaa la qabsaday magaalada Afmadow ee gobalka Jubadda Hoose, oo ay ku xoogganaayeen kooxda Al-Shabaab Arbacadii shaley, sidaas waxa sheegay afhayeen u hadlay military-ga Kenya.

Wuxu intaa ku daray inay ku dhow-yihiin magaalada dekadda leh ee Kismaayo, “Waxa aan hubnaa in Afmadow aan qabsanay” sidaas ayuu Major Emmanuel Chirchir ku sheegay war uu ku soo qoray barta bulshada ee Twitter.

Chirchir ayaa sheegay in 11-ka tirsan Al-Shabaab ay ku dileyn dekadda Kismaayo markii Talaadadii la soo dhaafay ay weerar xagga markabka ay ku qaadeyn sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Afhayeenka ciidamada Raaskambooni, Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa ka warbixiyay qabsashada Afmadow, wuxuuna sheegay in si nabad ah lagula wareegay degmada Afmadow oo 120km u jirta dhinac koonfur magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubadda Hoose.

Wuxuu sheegay in dagaallo teel-teel ah ay ka dhaceyn Tuulada Xayo iyo Qooqaani, laakin markii dambe ay jireyn Al-Shabaab, waxana uu sheegay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay u carareyn degmada Kismaayo, halkaas oo ay haddda isku aruursanayaan.

Cabdi Naasir Seeraar ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay la wareegi doonan magaalada Kismaayo, oo u sheegay in yoolkooda uu yahay, wuxuu intaas ku daray in magaalada Kismaayo ay duqeymo ku socotay gaar ahaan meelaha ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab.

Kenya ayaa ciidamo u soo daabushay soohdinta Soomaaliya bishii October, kaddib markii kooxda xiriirka la leh al Qaeda ay weeraro taxane ah iyo afduub ka geesteyn waqooyi-bari Kenya, waxana ay waxyeelo ay gaarsiisyeen ganacsigii ka soo gali jiray dalxiiska dalka Kenya.

Kenya waxa ka dhigtay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab mid seddax jiho leh, Al-Shabab dagaallo waxa dagaallo kula jira ciidamo Ethopia, kuwaas oo ku sugan bartamaha Soomaaliya, magaalada Muqdisho iyo harareeraheedana waxa kula dagaalamaya ciidamada AMISOM.

Isku xirkan military waxa uu cadaadis ka dhigay Al-Shabaab in ay baneyso dhul badan, sagaalkii bilood ee la soo dhaafay.

Kismaayo waa meel xudun u ah Al-Shabaab siddoo kale waxa ku sugan dagaalyahano shisheeye, waxana ay taarikh u leedahay magaaladan dekadda leh dagaal, maxaa yeelay waa meel istiraatiji ah oo gacan kuheynteeda lagu hardamo.

Al-Shabaab waxa ay si rasmi u shaaciyeen in ay midowga la lee yihiin al Qaeda horaantii sanadkan, waxana ay caan ku yihiin dagaalka ku dhufo oo ka dhaqaaq oo an nooca guerrilla-ah loo yaqaan, oo ay ku jirto is-qarxinta.

Maalintii Tallaadada maraakiibta dagaalka Kenya waxa ay duqeyn ka geesteyn magaalada Kismaayo, kaddib markii kooxdaas ay soo tuureyn hubka lidka diyaaradaha sida ay sheegayaan saraakiisha Kenya.

Sidoo kale, ilo wareedyo madax banaan ayaa u sheegay RBC Radio in Al-Shabaab inta aan laga qabsan Afmadow ay sii daayeen maxaabiistii ku jirtay xabsiga degmada Afmadow mana la oga tiradooda inta ay gaareyso.

Xaalad jahwareer ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ka jirtay gobalka Jubadda Hoose, halkaas oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada dowladda, kuwa Raaskambooni iyo kuwa Kenya oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

 

RBC Radio

===============

Xafiiska Wararka Nairobi

 

Use Facebook to Comment on this Post

Share

Tags:

3 Responses for “Emmanuel Chirchir : Waxa Aan La Wareegnay Afmadow”

  1. khalif says:

    Dunidaan

    dunidaan waxaa dowlad mudan ninkii kaduulaye ninkii diida oo aan donahayn waxay ku doodaaneh dadlalaayay duudsiin ayay wada ducastaaneh dulmigaa kuwa doonayay dadi ku fanaaneh ana diiday oo anaan doonahayn duni laraadshayeh dulmigaasi waxaa noogu wacan kursi ladoonaye dunidaan ninaan dulmigalin doorkama ahaado dudsiinta waxa keenayaah doorka loomariyoo diintii ilaah balladhigay oo ladaca…l marayay dulmigaah waxa keenayaah doorka lomaraye dadkii …baa lalayoo layir dulkaluuwadayoo dunidan waxay doonasay dacalka hastaaneh alayleh u daayayoow anaa daa inkay u harineh diintaa ilaah baan u harin oo duxada u galineh . alayleh ina Aw ma ahi hadaan dunidu duugoobin oo dulmigii lagalay iyo wakhtigu dag dag so noqonin oo dunida dacal iyo ka dacal dulmigu beenoobin oo diintii ilahay katalin dacad la arkaayo oo dunidu u wada daacad noqon diinta loo waday oo dulmigu dirqi u kunoqon ku wii ku doodayay .dunidaan waxaa dawlad mudan ninkii kadulaaye dunidaan iswada qaawisay dadi ku fanaaneh dulmigaa lagasanahayaye dadku fananeh duguf dugufta beenta ayay dadku fananeh malkaa dadi waynoho ladhacay dad ku fananeh dulmigiyo is daba marinta ayay dadi ku fanaaneh durdurinta cirka iyo badahay dadi ku faaneh dambill yar oo ay wataan ayay dabin ku qolaaneh dunidaan alehiii tagay bay dafirahayaaneh dadkii bay daanyeer ku oran casriyaatahay dulmigaa inayqooshayaan dunida loo sheegyeh waxase daran midaan dhinacnajirin oo dhuuniyoo ba aneh dunidii nah seeg akhiranah dabi baa uyaaleh ,dulkaaa waxuu yahay ayaan diirayaa wali afka dhuub dhibaatadana doon duulah kula noqoyeh diintii nah qarih dulmigiineh dacada u keynyeh duulkaa dunida doortay buu dacada uyahay mana diido oo waxay doonayaan bu udalbahayaye hadaa diido dolar lacaga bu ku duldhigayaye dulmigaa ayuu doonayaah inuu dur durtaaye dalinkaa nin kii donayoow dunidaa wacaneh , dunidaan muslim duuganyoo daleyn baa haraye , diintiinah kuwii doonayaye duub ujarayaaneh ducaydiyo wadadada ayay dabku xirayaneh dudub ayay laynayaan dadkii oo idileh ilaah daa inoo noo gargaar dalabku waa kaase dugsiyadii quraankay mar hore dubatay oo xiraneh ducaydii iyo wadadii ayay dubatay oo maqaneh dumarkii iyo caruurtii ayay dubtay waa hore, daa inoo ilaahow noo gargaar dalabku waa kaase ,aamiin,

  2. [...] ee hogaamisa AMISOM ka careysan yihiin waxay tahay in marka ciidamada Kenyanka ay guul garaan waxay u tiiriyaan taliskooda KDF, haddiise ay dhacdo guuldarro sida dagaaladii Miido waxay u saariyaan AMISOM taasoo Ugandha u [...]

  3. [...] ee hogaamisa AMISOM ka careysan yihiin waxay tahay in marka ciidamada Kenyanka ay guul garaan waxay u tiiriyaan taliskooda KDF, haddiise ay dhacdo guuldarro sida dagaaladii Miido waxay u saariyaan AMISOM taasoo Ugandha u [...]

Leave a Reply