Gardarrada Gaas oo laga wada gilgishay. W/Q Bashir M. Hersi
Gardarrada Gaas oo laga wada gilgishay
Bashir M. Hersi
brdiraac@hotmail.com
Maajo 04 2012
Murti ayaa dhahaysa: “Nimaan talin jirin hadduu taliyo, nimaan tagi jirin ayaa taga” mid kale waxay leedahay: “Nimaan qaybin jirin hadduu qaybiyo, nimaan qadi jirin ayaa qada” mid kale ayaa oranaysa, dadka saddax ayaa ugu xun: “Tiraab xume, Talo xume iyo Tab xume” tu kale waxay ahayd: “………… Muuse waa kaa!”.
Sida magaca qormaduba yahay, waxaan kaga hadli doonnaa mudane C/wali Gaas, oo Ra’isul wasaaraha dawladda KMG ah, anigoo ka dhugan doona dhinacyo dhawr ah, oo u baahan in la dhiraandhiriyo, sababo la xiriira arrimo badan oo is biirsaday iyo aragti weecsan oo la faafiyey awgeed, maxaa yeelay xaqiiqdu waa mid qura mar walba, qof gaar u haystana ma jiro.
Ugu horrayn, ma doonayo inaan wax ka iraahdo sooyaalka aqooneed, maamul iyo sayaasadeed ee Gaas, sababtu waa inaysan jirin meel laga tixraaco oo hufan, qawaar kasta waxaa loo xarriiqay sadarro qurux badan, oo la xiriira taariikh nololeedkiisa, Adiguba dhugo buugga “Halgan iyo Hagardaamo” ee la leeyahay C/laahi Yuusuf ayaa qoray, waaba su’aale: heer uu wax ku qoro ma ku sugnaa? Maxaa taariikhda loo hagranayaa? Bal daaloco naqdiga Boobe Yuusuf Ducaale ee uu baxshay: “Hadimiyo Hantaaq”.
Maalintii Formaajo la qadaanqadiyey, ee xilka si qasab ah looga qaaday, ee intuu dadka ku soo baxay ku yiri: “DAN SOOMAALI AYAAN U TANAASULAY” ayaa waxaa isla markiiba suuqa la soo galiyey Mudane Gaas, oo la yiri waaba ninka majraha u hayey xukuumadda Formaajo, Alla dadku maxay ka helaan Borobogaanada, waan u soo laaban doonaa waxa uu galo ama gooyo Gaas.
Shariif markuu xilka u magacaabay Mudane gaas ayuu yiri: “waxaan ku soo xushay Gaas, aqoon iyo karti” karti iyo aqooneey xaal qaata! Hubaal siduu u garab maray wax yaabo badan oo wanaagga Soomaali ku jiro, inuu taana u garab maray, waaba caadadiisa oo mar walba wuxuu tallaabada u qaadaa dhanka qaldan.
Mudane Gaas shaqsi ahaan waa nin af gurracn, aan codkar ahayn, hadalka dadka deeqsiin karin, ku caan ah jaajaalaynta iyo weedho jaban, sidaa waxaan u leeyahay laba middood, oo kala ah: hadal uu jeediyo oo aan jabnayn ma maqal, micnaha inuu qolo qaar raasan yahay ma hane, si qumman uma hadli yaqaan.
Midda kale, waa inuusan afkiisa dhawrin, hadalkiisana qabyaaladi ka marnayn, oo ah laba hannaan oo qof hoggaamiye ah aan ku habboonayn. Waxaaba u sii dheer, afar eray oo Soomaali ah oo aan markii horaba qaab lahayn markuu yiraa, kan shanaad waa eray qalaad, waaba su’aale ma madax qalaad baa?.
Gaas iyo golaha wasiirrada
Mudane Gaas wuxuu faraha kula jiraa meel waba, wuxuu ka dhammaan la’yahay isku shaandhayn iyo wasiirro badalid, waaba yaabe, hadday u dhimman tahay xukuumaddiisa bilo, haddii shir madlan yahay maalmaha nagu soo food leh, haddii marxalad kala guur lagu jiro, siduu ku hindisay inuu wasiirro cusub magacaabo? Waalli ka weyn ma arag.
Maamlin dhexdaa ah waxaa faraglintiisa lagu sii daayey nin boorso ku watay 2 milyan oo Dollaro o kaash ah, isagoo soo adeegsaday wasiirka arimaha gudaha C/samad macallin Maxamuud.
Mar aan sidaa u sii dheerayn wuxuu ku dhagganaa maareeyaha Dekadda Muqdisho, sababa la xiriira boobka hantida qaran, doonayana in la booboo biraha dekadda dhexyaal, isagoo soo wakiishay wasiirka Dekedaha iyo gaadiidka Badda Aadan Cabdullaahi Aadan, haddii xaal sidaa yahay muxuu ka magacaabay gudiga la dagaalanka Musuqmaasuga, waa maaweelo aan muuqaal lahayn.
Gaas iyo Gobollada
Siduu xilka u qabtay, marka laga soo tago qabyaaladdiisa qayaxan, shaqada ugu weyn ee uu qabtay waxay ahayd, inuu waxba kama jiraan ka soo qaaday wixii maamullo dhisnaa, qodob uu qiilsanayo ayaa qoran, oo ku jira Dastuur ku sheeggii lagu soo madmadoobeeyey wadanka Kenya, lama taabtaankuse waa Puntland, oo iyadu ah waa maamul buuxa, dibna madax bannaani uba qaadan doonta haddaysan haddaba u haysan.
La yaabku waa markii ra’iisul wasaaruhu booqasho xabashiyeed ku tagay Beledweyn, saacado hadday xabashidu u xogwarrameen, dabcan meeshana ha ka saarin maamulka Dooxada Shabeelle, ayuu Muqdisho ku soo laabtay, waraysi uu BBC-da siiyey ayuu ku dafiray inay wax maamul ah ka jiraan Beledweyn, isla waraysiga ayuu kala hadlay, mar wuxuu leeyahay way na soo dhaweeyeen, marna wuxuu dafirayaa in maamul jiro, isuma kay qaban.
Midda la yaabka ah waxay ahayd, markuu yiri: “si maamul goboleed loo dhisaa waa in la helaa ugu yaraan laba gobol” waa mide Puntland markii la aasaasayey miyey ahayd laba gobol? Illeen marka Bari laga reebo inta kale waa la wada degaaye, kaba dhig, ee Galmudug ma laba gobolbaa? Iyadoo sidaa ah ayeyba ka qaybgashay shir aayaha Soomaali looga arrin sanayey, ma garan “Adigu waxba ma tihid”, oo haddaa qiimaynta maamullada ma Gaas ayaa loo xilsaaray?.
Taas siyaabo kala duwan ayaa looga hadlay, gaar ahaan waxaa ka hadlay mudanayaal ka soo jeeda Hiiraan, oo yiri faraha kala bax arrimaha gobolka, waaba su’aale, Gaas gurracnaantiisa meeshii maamul ka jiro, markuu sii adkayn lahaa, sii habayn lahaa, sii hormarin lahaa, ayuu isagiiba inkiray jiritaankiisa, malaha waa dumiye, iima bixin ujeedka hadalkiisa, wuxuuse ahaa midaan siyaasi ku hadlin, ninkii saacado ka hor ku marti sooray, inaad seef madaxa uga sartaa kaama mudna.
Intaa kuma ekaysan, ee wuxuu soo diray laba wasiir iyo shan xildhibaan, waxaa ugu tunweynaa wasiirka qorshaynta qaranka iyo iskaashiga caalamiga C/laahi joodax Barre, si ay muumul ugu sameeyaan gobolka, isagoo iska dhagatiray hadalladii xildhibaannadu u soo jeediyeen, aan mar kale ku celiyo, war ninku ma waalan yahay mise waa fayow yahay? Hadduu yiri maamul goboleed waxaa dhisan kara laba gobol iyo ka badan, muxuu u soo diray kuwan aan xushmadda iyo xilka waxba ka aqoon.
Waxaan uga jeedaa, horaa loo yiri: “Lagaa baray oo lagaa badi” feerka iyo buujimada waxaa noo qaabilsabanaa baarlamaanka, maanta waxaa ku soo darsoomay wasiirradii, berrina filo madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, wax haray ma jiraan, xukun iyo xeer midna lama dhawrayo, ethics akhlaakh iyo anshax midna lama dhuganayo, magac, muunad iyo sharaf midna lama tixgalinayo, waa ha yaacdo iyo maadigaa yiri.
Hadda waxaa la doonayaa in gobolka Hiiraan laba gobol laga dhigo, ujeedka kala qaybtintaa gobolka waxaa dabada ka riixaya mudane Gaas, ee rabitaanka dadka deegaan kuma iman kumana socdo, midda ka sii daran ayaaba ah, dadka deegaan Amxaar iyo Alshabaab maxay u kala dooriyaan? Wabigii magaalada wuxuu isu badalay XABAAL! Sidii mayd loogu tuurayey.
Gaas iyo Dastuurka
Waxaa gabogabo ah marxalad kala guur ah, ku meel gaar ayaa la doonayaa in la moodo, xaggee loo moodayaa? Maxaa lagu moodayaa? Sidee loo moodayaa? Yaase moodaya? Waa weydiimo aadan is weydiin karin! Haddaad is weydiisana cid aadan weydiin karin! Haddaad weydiisana aad “isbaarayste” [Isbaaro dhigte] ku suntanmaysid, awalse “Qaswade” ayey ahayd, cunaqabatyn ayaa lagu saarayaa haddaan lagugu salaamin waa lagugu sagootin! Aragtidan gurracan mudane Gaas ayaa suttiga u haya, dabcan Faroolana gadaal ayuu ka soohayaa, oo xaajadu waxay maraysaa, meshuu Abwaan Hadraawi ka yiri:
Dadku yuu ku eedayn
Ha dhexgelin ammuuraha
Isha xidho afkana dhawr
Arag maqal warka ood
Arag maqal warkana ood
Weydiimahan kuwo la mid ah ayaa jira, kase horreeya, aanse la doonayn in la isweydiiyo, ma ahan weydiimo culus, balse cindigaba lama galin, cidna iskuma mashquulin ma jawabtoodaa fudud? Ma dadkaan doonaynba inay su’aal isku daaliyaan? Mise waaba dood aan loo joigin? Miday tahayba, maxaa laga guurayaa? Maxaa lagu gabranaa? Waxaase kaba sii daran haddiiba dib la dammoonayn.
Mudane Gaas awooddiisa dhan wuxuu isugu geeyey sidii loo meelmarin laaha dastuurkan qabyo qoraalka ah, kaliya ma ahan, wuxuuba ku daray laba arrin oo mid walba midda kale ka sii liidato, maya ka xun tahay, waa midda koowaad, aflagaaddo oo u jeedinayo ciddii durta dastuurka, isagoo ku sunataya inuu yahay qof sibaaro u dhiganaya dastuurka, malaha eragan ayaa ah eraga maanta laga wada baqo, waaba su’aale miyeyba jirtaa qof aan sibaaro u ool, waqti xaadirkan?.
Midda kale, ee iyana muddaba la waday shalayna meel walba ku qorneed aaya ah, in qaswadayaasha waa sida hadalka loo dhigee, lala tiigsan doono Maxkamad, oo waaba su’aale maxaa loo magacaabi waayey? Waa haddii ay jiraan wax rasmi ah, waabase yaabe, kuwii dadka laayey ayaa Nabaddoonno loogu yeeraaye, maxaa cagajuglayni taraysaa? Wallee shisheeye inuusan qofna qof u sandullayn karine, maa wax la iskula haro, Soomaali ayaa isu dambaynaysee.
Mudane Gaas isagoo u jawaabay dadka dastuurka duraya, ayuu adeegsaday eraga “Isbaaro” waxa ku qasbay lama garan, aan ka ahayn in eragani yahay eray bixinta ku badan carrabka siyaasi isku sheegga, waliba kuwooda doonayo inay dadka bajiyaan ama cabsi galiyaan, waaba haddii eray dadku ka cabsanaayane.
Mudane Gaas isagoo VOA-da waraysi siinaya ayuu yiri: “Dadka mucaaradaya dastuurka qabyada ah, boqolkiiba 99 maba garanayaan waxyaabaha uu qoraayo!” mid aan mudane Gaas dhoho, dadka duraya dastuurka qabyo qoraalka ah 100% way garanayaan waxa ay u durayaan, sababta ay u durayaan, qodobka ay durayaan, sidaa ay u durayaan, ujeedka ay u durayaan, ee armuu mudane Gaas isagu garanayn waxa uu ku hadlayo? Waa iga weydiin kaliya, qof walba siduu doono ayuu qaadan karaa.
Waxaase hadalka mudane Gaas jawaab ka baxshay madaxa dhaqanka beelaha Muqdisho Nabaddoon Maxamed Xasan “Xaad” oo waliba shaki galiyey xilka uu Soomaali u hayo, isaguu ku suntay inuu Faroole matalo, ee uusan Soomaali matalin, loogana baahan yahay inuu raalli galin ka baxsho aflagaaddadaa uu gaystay, waa sida Nabaddoon Xaad yiriye.
Waxaa ku soo biiray dadka u dulqaadan waayey qaabxumada mudane Gaas, oo ka gilgishay gardarradiisa qaawan Abaanduulaha ciidan xoogga dalka Gen. Cabdikarim Yusuf “Dhagabadan” ka dib markii Gen. Dhagabadan ka warhelay soddon askar ah oo loo qaadayo tababar, oo uusan isagu waxba ka ogayn, loona qaadi rabay wadanka Jabuuti, lana yiri waxaa ogaa mudane Gaas.
Gen. Dhagabadan ayaa is hortaagay ciidankaa la qaadi rabay, kuna amray in la geeyo xarunta dambi baarista, si su’aalo loo weydiiyo, waaba iga su’aale, mudane ciidan si gaar u tababaranaya, qas ka weyn miyey jira? Waliba waddo sharci darro ah u maraya.
Gen. Dhagabadan meesha ay isku qabteen Gaas taa kaliya ma ahan, ee waxay isku maandhaafeen qaabka loo soo xulayo odayada beesha uu ka soo jeedo Gen. Dhagabdan, oo mudane Gaas soo faragaliyey, bal aqriste qas ka qweyn miyaad haysaa, in mudane Gaas uu faraha la galo, beel uusan u dhalan, qaabka loo xulayo odayadooda? Haddana waxay doonayaan inay naga dhaadhiciyaan waxaa jira qaswadayaal.
Hadduu garan waayey mudane Gaas inuusan galin meel aan dirsan, iskuna qaadin meel aan u qummanayn, ayaa waxaa si toos ah ugu jawaabay Gen. Dhagabadan oo yiri: “Ma waxaad tahay kaabo Qabiil Soomaliyed? Mise Ra’isal wasaare Soomaaliyeed?” siina raaciyey: “C/weli Gaas waa Professor Qabyaalada ku Qalinjabiyay!” oraahdaa mid ka agdhawna waxaa horay u yiri Nabaddoon Xaad, isu gayn waxay muujin, inuusan shaqadii loo igmaday ku maqnayn.
Ugu dambayn, Dhagoolkii wuxuu yiri: “Inaan gardaranahay waxaan ku ogaaday dadka dhan ayaa faraha igu soo wada fiiqay!” hadda Gaas hadduu garasho leeyahay wallee in farta lagu wada fiiqay, mase dhacaysaa inuu ka joogsado inuu noqdo Jookar meel walba gala? Taa waxaa ku baxay Mudane Shariif Sakiin, oo Tareenka siyaasadda uga degay, ee adna yeysan kugu imaane, wax isukal har.
Gunaanadka qormada aan ku soo gaabsho tuducyo ka mid ah gabayga Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” gabayga magaciisa waxaa la yiraa: “Gudgude” waana sidan:
Runta wuxu u guul-guulayaa, way gun-dheer tahaye
Goldaloolo qudha maaha iyo, goonnidaa taliye
Gedaan loo filayn baa jirtiyo, Geel-la-daaq kale’e
Hadba geed-is-maris baa u hadha, guul dad leeyahaye
Miyaan Geeddi-Baabbow arladu, gelina waayeynin?.
Bashir M. Hersi
Halkaan ka Akhriso Qoraaga Qormooyinkiisii ee Hore
=================================================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM











waa sax qoraaga waa runtiisa Gardarrada Gaas somali oo dhan ayaa wada aragtay gaas waa nin qabyaalada ku weeyntahay gaas waa nin faroole uu amar siiyo marka waa in uu siyaasada somalia isaga baxaa
” Al qaafilatu tasiiru wal kilaabu tanbax”
War ninku muxuu ka hadlayaa? koleyba isir nacayb xun buu aad ula liita. Waan wada dhameyn waayey hantaaticiisa. Ninka Xaad iyo odoyaashii mafia da ahaa ka dhigaya dad qiimo leh, bal ka warama.
Fadlan raxanreeb maqaalkan wuxuu meel ka dhac ku yahay akhristayashiina. Ka saara waxaa soo qoray nin aad ula jahawareeray siyaadda Professor Dr.Gaas oo Somalia tubtii dawladnimada ku wada…Allaha idankii. Qoruhu malaha wuu quustay, oo gabbalkii dawlada la’aanta ayaa ka sii dhacayaa.Waa waxba kama soo qaad tixraaciisa hadraawi..waa halkii isagana dhigay inuu dawlad la’aan jooga 20 sano, isaguna maanta ku sugayo ictiraaf raqdiisa dusheeda
sxb umada soomaliyeed waxa meshaan dhigay wa qabiil iyo qurun marka wax kale oo soconaayo umadana ee ka qaadankarto ma haysaa?????????????????????????
somalia goor meey ka weey naaneysaa
cadiifada ku dhisan qabiilka???????????
WALEE WAA YAAB WAXAAN KA XUMAHEY WAQTIGA IGA DHUMEY INTA AAN AQRINAAAYEY QORAALKAAN
waxaan aaminsahay ninkaan in uu buko oo cuqdad la ildaranyahay khaladka waxaase leh nimanka site kaan leh oo saa daabacay waxaan kuusheegayaa in prof gaas wuxuu yahay lo ogyahay ninka kali ah intii 1991 laga soo bilaabo somali wax lataaban karo uqabtay teeda kale ilaah been usheegta puntland markii la asaasay BARI kali ah maahen ee waa lo ogaa 6 gobol bay ahayd oo beesha ————- qayb kamid ah kubohowday ..
SOMALIYEEY WAXAAD IGA CAAWISAAN DOWLADA HADA JIRTA SOO MA AHA MID QABIIL WAX LUGU QEEEBSADEY , JA,WAABTU HADII EY TAHEY HAAAAAAAAAA, MARKA GAAS HADII UU QABIILKIISA U SHAQEEYO MAXAA LAGA RABAA ,ILEEN QABIIL AYAA WAX LUGU QEYBSADEY , MARKA NINKAN MAQAAALKA QOREY NINKII QABIILKIISA AHAA AYA WAX U QABAN WAAYEY EE SAXIIBOOW GAAS QABIILKIISA AYUU U SHAQEENAYAA EE ADIGA QABIILKAGA DADKA MA TALA U SHEEG MAQAALKAN BYYY
Ninka qolaakan qoray ujeedada ugu weyn ee uu waxaan u qoray waxay tahay u danayn qabiil iyo aflagaada dad gaar ah sida Raysulwasaare GAAS. Waxaan hubaa in aanáy ka muuqan qoraalka maslaxad wa sixid ah , hiilada iyo aflagaadaduna magasho ama kama daadegto dadka oo dhan ee malaha waxaad ku qancinaysaa kuwo aad kuugu dhow, maleba ha iga ahaatee Farmaajo iyo inta Xamar fadhida ee uu xulufada la yahay!!!
Haddii ammaanta farmaajo reer xamar kula dhaceen aad sidaa ugu qushuucday, waxaa haboonaan lahayd in ay ficilo iyo wax tarmo ugu muujiyaan degaanka uu ka soo jee “waa farmaajo,e” waaba aan hubaaye 22 sano oo aad dabo taagnayd waxaa ka weydey in aadan maanta ka helaynin.
Waxaan ku soo gaba-gabaynayaa sidatan:
Marka dadku dad noqdana waxaan ahay boqorkooda.
Marka dadku daanyeer noqdaana waxaa hay Daaxuurkooda.
isagaa isku maah maahay oo yiri waa kaa muuse kkkk waakaa dee ========== wax ma yaqaan xaar buu ka wareegay mooryaan waa duul ibtiloobay xishoodkii iyo ala ka cabsigii meel iska dhigay
waxaan filayaa qofku markuu asagu hadalkiisu ka hufan yahay qabyaalad buu cidku dhaliil karaa marka qoraaga waxaan filayaa inuu ka bad badiyey , dhaliishiisa soona dhigtay wixii uurkiisa ku jiray , hadaan soo qaato wuxuu yiri markii puntland ladhisay ma waxay ahayd labo gobol hadana wuxuu sii raaciyay gobolka bari ma ahee inta kale waa lawada degan yahay . marka waxaa moodaa inuu cidgaara diiradu u saaran tahay , asaga hadaad tiri profisoorka qabyaalada adna waa qoraaga qabyaalada mahadsanid qoraaga
qabyaalada ee ku dhaqmaan xaad iyo diiriye mogadisho ayaa ka dagi weeysay hadii laga qabto labadaas iyo xulufada ee wataan nabad ayee noqoneysaa mogadisho
lakiin hadeey heysayaa aduunkana arkay labadaas nin waxa ee ku dhaqmaan!
war waxan muxuu ahaa xayawaan ka ader maad xishooto oo necaybka iyo cuqdada kudilooty iska saarto duli baad tahy aan caqli lahayn balwaxaad qorayso eeg ======== cuqdadaysan baad tahy aan dad iyo dal aqoon nimaan talin jirin haduu taliyo kulahaa oo yaa somali utalinaayey intay jirty tankale waxad tiri puntland bari mahe inta kale waa lawada degaa sow ——— mawada dego puntland ma ——– baad utaqan xita hadad ——— utaqan nugaal yaa ladega inan gumed baad tahy reer miyi ah waxase kaa liita laangaabka xun ee meeshan wax kuqora waxaas masoo gasheen haduu yahay nin xishooda
qofka iskaleh qoraalkan maha qof wax garadah mana aha qof waayo arag ah ee waa qof caytamay
war ninlkaan aan aqoon af somaliga sida loo qoro oo khaldaad badan ku jiro muu asgu isa soo saxo intuusan aflagaadeen musuuliyeenta war waxaano ku leenahy mar dambe waxyaalahaas oo kale hala soo shir tagin
amacaytan ama waalo sxb madaxweenaha mustaqbalka waa mudane gaas insha alaah waxa fikirka daciifka ee qab yalada wato walaga taqalusayaa aduun waxan jooknaa qofka fican iyo qofka xun lakala yaqaan HAGUULESTO MUDANE GAAS
subxaan caafimad ma jiro ilaahay umada ha caafiyo
Xaashaa lilaahiye qoraagu waa asiibay siday ahayd, bale waxaa dhibsan doona
qormadan qiimaha badan inta qabiil dartiis u jiran
Ku.Bashir M.Hersi ama qoraaga qoray qoraalka dheer ee kore.
Marka hore haddii uusan Ina Gaas talin jirin yaa talin jirey miskiinyahoow?Yaa u soo halgamay xornima doonkii soomaaliweeyn?
Awoowayashiis baa u soo halgamay.Kii soo hindisay calanka soomaaliya soo ma ahayn daeerkiis oo dhawaan ku dhintay wadanka KANADA?Meeqa adeeardiis iyo xigtadiis ku dhimatay gobanima doonkii?Markaas adiga adeeradaa maba aqoon wax la yiraahdo xornimo iyo dawlad.Haddaad indhaha kala qaaday miskiin yahoow.
xagga aqoontana waad ogtahay in uu Gas yahay ninka maanta soomaali oo dhanba ugu shahaadada sareeya.Ugu dambeeyn qoraalkaagu waxuu u jan-jeeraa qabiil ka hadal.Qabilna waxaa u dooda mid uu dilooday adiga oo kale.Waxaad maqashay waxbaa la qoraa.Haddii ad aqoonteed leedahay noo sheeg wax an kaa faa`iidaysano.Uma baahnin qof xantiis iyo ceeb ka sheegayn.
Goobaha ay Soomaalidu ku sheekeysato markaad dhegta u raariciso waxaad maqlaysaa wax kaa yaabiya! Waxaan ogaaday in uu qabiil kastaba rumaysan quraafaad laga dhoodhoobay qabiillada kale.
========== shiray oo isku raacay in ay PL qabsadaan!! =========== baa isku raacay in uu caasimadda Garowe u raro!! Ciidamo ========== ah ayaa ku jiray dagaalkii Khaatumo iyo Somaliland!! Sheekh Sharriif iyo Siilaanyo ayaa ka wada shaqaynaya qorshe ========!! Prof. Gaas ayaa xaqiray in uu gobalka Hiiraan ka jiro maammul la mid ah kan Puntland!!
Anigoo la yaabi jiray warka Dr. Faroole iyo Dr. Hiraabe ayaan quustay markii aan maqlay Dr. Togane oo yiri “Qanyare xaar waaye, Muuse Suudi xuux waaye”.
Doqon walaba oo qabiil ka buuxo, wuxuu isku dayaa in uu wax ka sheego dad ka sharaf badan ka aqoon badan. Dadka diidan Gaas waa kuwa u bartay xaran iyo qalalaasaha wadanka.
Prof Gaas waxaa lagu maagayaa waxaa weeye Humarka iyo Dowladnimada uu wada ayaa lagu xag xaganayaa,
Ku: Raxan-reeb.
Walaalayaal waxaan idin weydiinayaa, ninkaan waalan, ama aan iraahdo Dawacaan caraysan ee Bashiir, waxa uu sheegayo ee maalin kasta uu leeyahay Hebel baa Hebel sidaa ku yiri, ma adinkaa xaqiiq u haya markaad dadka u sooban-dhigaysaan mise ninkaa waashay baad ku ra’yi tihiin?! Kolayba anigu Xumaanta idinku jirto ma aqaan waxa idinku wacan, ilaa intaas ma aydan garan waayin.
Ninkan PM ah qaladaad badan inuu leeyahay waa hubaal oo Soomaali buu u yahayba’e. Hase ahaatee waxaan u arkaa qoraaga inuu isagu PMka uga dhow yahay qabyaalada. Maantoo dhan wuxuu noogu soo celcelinaya “Qabyaalad” aad markaad sii tix raacdo waxba ahayn. Qabyaalad iyo qurun oo dhan Muqdisho ayay taalaa. Odayaashan iyo dadkan aan qabyaaladda ka xishoon wax kastana asal uga dhigay muu ka hadlo? ======== qofna kama qabyaalad badna dad kalana qabyaalad bay ku caayayaan. Isma qabato labadaasi. Farmaajo iyo Gaas waxay ku kala duwan yihiin ma arag anigu. Midna waa fanto midna waa ma geydo, been qabyaalad ku dhisan oo reer nacayb ah baan u arkaa.
war midkaan xoolahaa maxaad usoo qorteen warkiisa?
waan ogahay oo dadka mucaaradka ah hadaladooda waad jeceshihiin laak mucaarad caqli leh hadalkiisa soo gudbiya.
wakhti dhuminta qoraalkan iyo ogaanshaha qoraaga daciifnadiisa waxaan shaki ku jirin in uu yahay guulwadayaashii xalane ee sagaashanka eray sannadka lagu bari jiray ee dowladnimadii soomaaliya lagu dumiyey ee qabiil wada reer baadiya ah laga simay agaasime guud iyo generalka ciidamada.oo ay wali u hanqal taagayaan oo indhacade iyo reerihiisa xaaf iyo xaadkuu sheegayey amaradooda ku shaqeeya inta illaahay dad badiyey,
Aduunyada waxaa u daran qof aadan gaari karin wax ka sheeg oo xag xaggo. Prof Gaas Xafidulah umada soomaaliyeed wado wanaagsan ayuu ku wadda, waxaana diidan wadadaas kuwa u bartay Xaranta, dowlada la’aanta iyo musuq maasuqa.
Ninka qoraalkaan soo galiyay waa nin caloosha ka buka oo qabiil ka buuxo, Farmaajo doqon buu ahaa, mana is taahilin in laga dhigo Raysul wasaara qaran, sababtu waxay tahay marka kowaad ma aha nin karti u leh in uu umad maamulo, tan labaad waxay tahay waa nin calooloshisa u shaqeeysta ah oo waliba laaluusha si aan qarsi laheeyn u qaata.
Prof Gaas cidkasta oo huwan magac qabiil ama mid kale, wax aay qoraal kaga qaadayso ma aay jirto.
Hadalkayga waxaan ku soo gabagabeeyn ninka qoraalkaan soo galiyey waxaan ku oron lahaa, caloosha ayaad ka bugtaa ee dhakhtar u tag. Gaas xag xago wax kaga qaadi maysid
Xafidu lah Prof Gaas
Allalehehe nirig naafoow run baad sheegtay ” Al qaafilatu tasiiru wal kilaabu tanbax ”
Ninkan maqaalka qoray jirro ayaa ku raagtay, marka wuxuu doonayaa inu is daweeyo. Waxaan leeyahay bal gabaygan ay gabar sooomaaliyeed tirisay bal akhriso.
[Garshada inta u liidataad gaar u leedahay dheh!
Adduunyada casriga gaadhay baad gooni joog tahay dheh!
Afrika oo caqligu wada gudhaad gaane sii tahay dheh!
Gumucii la wada daadiyaad gaar u sidataa dheh!
Inta aad is kala gadanaysaan guuli kaa dheere
Maxaa adiga kuu gaara oo gubaya maankaaga?
Maxaa guusha kuu diidey ee geedka kaa saaray?
Maxaa gulufka iyo weerarkiyo gaaska kugu beegay?
Gebagebo maxaa kugu saliday gacan shisheeyaadka?!
Godob raagatey iyo ciil maxa kugu guhaameeyey?
Ma gartaad lahayd baad adigu goosan kari waydey?
Soomaaliya gumoodaye hadmaad garan waxyeelaynta?]
Qofka waxaan qoray waa ruux dhakhtar u baahan hubaal. Bal maxuu kawadaa maahmaahda ugu saraysa. Haduusan cabdiwali ka imaan umad talin jirtay oo waliba maskax fiyow ku talinjirtay waa yaabe yaa Somali u talinjiray?
qoraaga waa qolama si loo qiimeeyo waxa uu qoray. Waxa maanta soomaali wax ku cabirtaa waa qabiil ee ninka maqaalka qorow soo raaci qoladaad u dhalatay bal in laguu qaban karo gaas iyo in kale umaddu ha ogaatee. gaas waa la yaqaan cidda uu ka dhashay bal adna ciddaad u dhalatay akhristayaasha la wadaag.
digniin,ogow soomaalidu waa is taqaan oo mid ku yaqaan baa sheegi doona cidda u dhalatay. ogow qabiil xun ma jiro oo ha baqin inaad sheegato ciddaad tahay.
mahadsanidiin dhamaan,
Bashiir Hersi ilaahay gacanta kuma gooyo qofka xaqa sheega ummad ayaa xuubsanaynsaa war kuligiin ma nin gaas dhalay ayaa idinku jira cudur iyo cuqdad ayaa idinka dhex qeylinayee miyeydaan ogayn inuu dhamaaday dagaalkii sokeeye oo lagu kala adkaaday , waxaa cadaatay qoladii ku adkataay dagaalka waayo cuqdadi ma hayso waxaana cadaatay qoladii lagaga adkaaday dagaalka waayo cudur ayaa ka dhex guuxaya , ninkani nin madax isku sheega ayuu dhaliilay dhagaysta hadaad hadalkiisa beeninaysid oo aad leedahay waa beentiis sheeg laakiin meel kale haysku qaadina, ileen doqoni dab kama kacdee daamankay meermeerisa, Bashiiroow ninkan waxaad ilowday intuu wax baranayey inuu laba jeer waashay oo madaxu xiirnaan jiray laakiin waxaa soo geliyey sheekadan Farmaajo oo wasiir ka dhigay , iminkana sawirkii amiin caamir sawiray ee boorsadiisa Puntland ka soo daadatay ayaa dhab ah, qabiil ayaa ka dhex guuxaya , Aniga oo la kulmayey qaybo ka mida madaxda dalka ayaan soo agmaray markaasuu markiiba kuwii la taagnaa ku yidhi waayo ninkani markaasaa lagu yidhi waa yaab arag oo waa Generaladii dalka ka tegay markaasuu yidhi waa qoloma maqale markaasaa lagu yidhi waa car i taabo markaasuu la soo booday way ka muuqataa inuu madax yahay laakiin waa dadkaanu hortaaganahay haddii ay yimaadaan fijaan caano leh cabi mayno
KANI JAWAAB MA LAHAN WAXAANSE KA XUMAHAY WAQTIGA AAN ISAGA QASAARIYAY AKHRISKIISA >>>> KU LAHAA QORAA BASHIIR MOHAMED XIRSI KKKKKKK
QORAAGAA BANYAA
DHEH NACAS DOQON LAX SABEEN KKKK OK BES MAKA DHAHAA XAYAWAANKA MISE WAA KU WADAA
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk qoraagan warkiisa iguma cusba dhowr wepsite oo kalana waan ku arkay waa mid xilwaayay baan is ir intuu udoontay kkkkkkkkkkk midakale inta soomaalidu waa isbaraty qoraaga iyo inta nicib cabdiwali gaas una nicib kaliya waa reer hebal ogaada inta aad nicib tihiin inkabadan ayay idiin nicib yihiin cidii kasoo jeedo koob shaahana niima ogala soomaldu waa qorikartaa inta cidkalee qorto hadii cid dad nicib tahay ayaguna booskumalaha dhul iyo xil midna looma ogala insha alaah
waa nin jiran wax kasoo qaad na malahan ninkaa hadalkiisu anigu mawada kharin wax la akhriyi karana ma ahan gaas dhaliil waa yeelan karaa maxaa yeelay waa masuul alaakiin qof kaan wuxuu sooqor qof xishoonayaa masoo qoro ama wax garanaya
markaad wax qoraay so wa inaad 1 aad ilaahay ogtahay
2 qof aqoonlae aa tahay oo siyaasada wax kayaqaan
3 tariikh da soomalia na yaqaana
Sxb nin jiran baatahay oo isir naceyb kabooxo, adeer naceybkagu maahan mid adiga kaliya kugu ege
Abahaa iyo Awowgaa ayaa qabey,kuligiina waxaad tihiin langaabyo laangaabyo dhaleen.
Adeer nin ragu wakii wax iska cesha maaha in uu habaartamo.
Adeer raga aad kahadleyso iyo kuwo kale oo badanba weyjirayaan inta soomaaliyi jirto.
ASC. Waxaan ka codsanayaa dadka web-ka iskaleh inaysan ka ogolaan qofkaan inuu wax sooqoray iska dhigaaya balse loosooqoray. Sababtoo ah huduu qofku horay wax u soo dhigtay oo uu INITIAL ADUCATION leeyahay ama uu san jiro qabin simacquul ah buu u qori lahaa wax haba mucaarade. Haddan hadalkiisa laqaado. Ma istaahila inaan magaciisa ugu yeero balse waxaan leeyahay waa NIN QABA CUDUR AAN DAAWA LAHAY OO QABIIL AH WAANA U DHIMANAYSAA ADOO KU HAYA ===========……..============……. BAA HALKAAS MARAY, HALKA UU ============== KU FAKARAYO INUU ADUUNKA KATALIO, ADIGA IYO KUWA KULA MIDKA AHNA AY MUSQULAHA KU DHAQDAAN BEERAHANA KU FASHAAN. KKKKKKKKKKKKKKKKKKK.
GAAS WAA NINKA KALIYA EE WAX ADMINISTRATION AH OO SOOMAALI MEEL KA SOOSAARI SAMEEYAY EE AAN DADKIISI UKALA EE XAN. WAA NINKII FARMAJU GACANTA HAYEY WAX KALA TUSAYEY. EE SOOMAALIYEEY WAX LA SHAQEEYA KEENA.
Geesi waxaad tahay midaan , godobta yeelayne dhe
gunimada la diriraad tahoo, gooni daaq noqone dheh
gobonimo allaa kugu galaday, iyo garaadweyn dheh
qalinkaad gudoontoo xumahaad gawdhisaa abid dheh
gafanaha dalkeenii gubaad, sheegtay gacaloow dheh
gaas iyo xertiisaad gamuun saartay gibilkood dheh
gasiin iyo waxay goobayaan , gununuf shaydaane
haka gaabsan godobtay wadaan, gole ka sheegeed dheh
gubaabi soomaalidoo gaar isugu leexi
oo gees ka gees hadalka gee , waa gun dheeryahe
maandeeq rag gaasirahayaa , gaaday oo helaye
gurmad bay rabtaa iyo ragaan, gaabsan abidkood dheh
bashiiroow gudoontaye walaal, gudo xilkaad gaadhay
gocorada gumaysiga la jira , shaaci gulufkooda
annaa garabka kuu taagan , ^geesh kaloo badane
haka gaabsan giiryaalahaa, guuxa marinayaa
gabay tuugo lagu soo heliyo, gabano soo heesa
iyo doqon garmaamaynaysaa, gaadhka ka hayaaye
gabaarayda nagu faafaysaa , gaadhka ka hayaaye
gaas iyo xertiisaan intaa gaadhka ka hayaaye
gumaysiyo dhashiisaan intaa gaadhka hayaaye
ha gudhina gigtaa uun ku hay , gaanak dhinacaaga
Saaxiib bashiiroow wiil iyo gabadh haday soo buraanburaan haw joojin xaq baad sheegaysaa anigaa kugu raacsan iyo inta soomaalinimada jecel ee ka fayoow cuqdada qabiilka haddii danta wadanka laga hadlona waxay kugu tilmaamayaan qolo cajiib
War Koofur maxaa nadaba dhigay waxaa nooga qasaaray maal iyo naf reer Puntland. wax la dhaho Soomaali iskaga hara walaahi waa eednay Soomaali ayaan isku keenaynaa walaalahaya iyo Soomaalinimo war hadii anagii daalac naloo raacday oo amaan iyo wanaag aan nalala jecleen maxaa na daba dhigay waad aragtaan heerka ay Soomaali ka atagan tahay maanta wadaniyad maleh oo kaad aragto qalin baas waxuu u qaatay dad wax kasta lagu suubiyey oo maalkoodii ka soo cararay hadana dadkoodi lagu xasuuqay Koonfur min Muqdisjho ilaa Kismaayo oo weli la leeyahay qabiil beey wadaan waxa ma salaat Waajib nagu ahbaa Soomaalinimada yaa ugu furta xun kuwaan cawaaamta ah. Waa inaan Puntland ku ekaanaa dhehnaa Mr. gaas xaal qaado oo ka fadhiiso odoyaasha war iska dhaafa tagida Muqdisho, wax Soomaalinimo la dhaho ma anagaa Aakhira nalagu cadaabayaa maxaad ugu shaqeeyn weeydeen ayageey utaal kuwa neceebka nala daba joogo oo wax ujaawaabo aan la arag una maleeyey dadka ineey wadda doqomo yihiin wada suuxsan yihiin. waxaa iiga sii daran kuwa waqtiga ku lumiyey maqaalka Neceebka Naaziga lagu qoray.
Waxaan yaa soo galiyay meesha mid qaad cunay miyaa waxaan qoray waayo waa wax lagu caayayo shakhsi ee mahan daliil.
Mana fiicna in Raxanreeb aad waxaan ookale siisaan furaha Wbka.
Wuxuu yiri hadii uu taliyo nimaan talin jirin nin aan tagi jirin ayaa tago.kkkkkkkkkkk Dr Abdi wali yaad Mooday Waa nin ===== ah oo ===== .marka hadii aad qayishay waa arin kale.
Wuxuu wax kasheegay Marxuun Cabdulla Yusuf.Qof dhintay oo la caayo ayuusan aqoon waxa nabigu ka yiri.Jaahil kaba wayn ayaa tahay aqoona malid waxaadna dhiman adoo qaba caro ======= laangaa.com
ADER NINKA WAX SOO QOREY WAA INAN GUMEED ANAGU KAAMA ,ANAAN DHIGIN ADARIS CUQDADA ALAHA KAA SAARO.
Ninkani waa mid oogu yaraan 3 waashay.
kolay oogu yaraan wuxuu joogay Kenya mirow walaan ayuu mahala cunay.
Ninkani wuxuu ubahan yahay dhakhtar xaga dhimirka ah.
waxaan hubaa naftiisa ayuu haliskuyahay.
waayo jaahil rabo in uu ka hadlo wax uusan aqoon waa dhib.
Bashiir M. Xirsi, waxaan kaaga tacsiyadaynayaa faalooyinka laga bixiyay oo qaar badan oo ka mid ahi iyaga oo aan akhriyin ka dib markay arkeen cinwaanka ay kuu dareen galaan cay ah, waxaase run biyo kama dhibcaana ah haddii aad ku qori lahayd degelada kale ee caafimaadka qaba sida ugu yaraan Wardheernews. inaad heli lahayd garawshiyo badan.
Aan u soo noqdo inaan in yar ka idhaahdo maqaalkaagan farashaxanimada badani ka muuqato. Iyada oo aanu laba bilood ahayn raysal wasaare Gaas ayuu amiin Camir ka muujiyay sawir gacmeed muujinaya gaas oo sita shandada lagu qaato waraaqaha oo isaga oo dad badan la socda ay furan tay oo ay kasoo dhacday waraaqo badan oo dhamaantood ay cinwaan u ahaayeen Punltand…Puntland. Waxa kale oo jirtay mid kale oo uu ku muujiyay isaga oo dhakhtarka tegay oo la leeyahay xanuunka hayaa daawo ma leh ee irbadan(cirbadan) ku meel gaadh ahaan haw qaato.
http://aminarts.com/link/24_MAR_2012.html kama wado in waxa uu sheegayo Amin Camir oo dhami ay sax yihiin, waase inta uu isha kala helay.
Waxuu dadka tusayay inuu yahay nin qabiili laakiin somalida oo dhan baa maanta wada ah sidaa laakiin waa lagu kala fog yahay. runtiina marka la barbar dhigo raysal wasaarihii isaga ka horeeyay waxay isu ahaayeen kaaf iyo kala dheeri.
ADER NINKA WAX KALE AYAA KA GUUXAYA WAXA UUU QORAYNA WAA CADIIFAD CUQDI KU SALAYSAN MARKA QOFKIII WAXGARAD AH WAA FAHMAY KII KALENA YEELKI.
WAXAY ILATAHAY IN UU RIYO QORAY
kan ookale lama yiraahdo qoraa ee waxaa ladha haa qabyaalayste qormay oo wax somaliya uroon iyo wax udaran midna aan aqoonin 20 sano ayaa waxaa lagujiray dhibaato maantay markii laga bixilahaanah kaas oo kale ayaa iska hadlayah ama sida al shabaab gees istaaga ma raaca wadada horumarka sida indhacade oo kale 20 sano dadka masaakintaah kagadayay wabaga ayaad rabtaah inaad dadka kuhayso waa dhibaato medeeda kale puntland uma baahna konruf waa kamarantaah ee waxay uga tagiwayday kuwiinas oo kale caqliga lahayn inay nabad ukento
Nirig-Naaf kkkkk “geeddigu wuu socdaa, kilaabtuna wey iska qeylisaa” waa xikmad,
qoraaga (af somaliga melu ku bartey ma garanayee) waxaan xususinayaa GAAS adiga iyo inta kula sinjiga ah ayuu XAMAR ugu taliyaa AWOOWGIINA waa kii awowgaa u talin jirey,, nin aad u taliso haduu far kugu fiiqana farta lafteeda ayaa laga gooyaa ,, marka nacnacda iyo qeylo kilaabeeda ha iska dhameyn,, hadal intaa le’eg oo macno dara ahna mar dambe raxanreeb haku soo qorin,,
s/calaykum dhamaantiin war ninyahow in lays caayo waa laga fiican yahay in qofna qof uusan gaareyn wax ka shhegona waa laga wanaagsanyahay ninkaan waanin wax bartay nin wax bartay iyo nimaan wax baran isma fahmi karaan maxaa yeelay kan wax soo bartay wuxuu mar walibaa eegaa maslaxada guud kan kalena xageed maanta wax ka cuntaa marka ninka wax soo qoray asagaa u baahan inuu xaqiiqada raadiyo ka dibna wax kasheego siday wax yihiin tan kale maamulka r/reeb waa inaad eegtaan waxa siday yihiin ninkaan caadi maaha waxuu guntanyahay qabiil xaqiiqo mahayo
naga eega dadka noocan ookale ah waa ceeb
Wax wayn baa ka jira in nin qabiilaysta ah oo qabiilku qaranimada kala wayn yahay uu yahay.waayo?waxa uu kursiga ku fadhiyaa waa qabiil,ninkii ka horeeyayna loo yidhi kursiga ma gaydid,ee loogaga tuuray xukunka faroole ayaana ka shaqeeyay arintaa.
Markaa Cabdi wali haduu sida uu sheeganayo uu yahay nin aqoon waxbarasha leh muu aqbaleen in pm
laga dhigo oo uu ka yimaado qabyaalad cad.
dadkiina ku dooda 4.5 baa wax lagu qaybsaday ee og in PM uu qabiil ku yimid.ogaada waxa uu kursiga ugu fadhiistay waa in uu danta reerka uu magacooda uu ku fadhiyo ka shaqeeyaayo.
Kuwa xaaraan wax ku qaybsaday ma u malaynaysaa in xalaal ku heshiinayaan
Anigu ma’aamin sani waxan nin baa qoray , waxan isleyahay naag baa qortay ,hadii aysan naag ahayna labeebshaa qoray .
ninka waxaan qoray waa nacnacle haya nimcaan soomali, waana dadka dalka iyo dadkaba horay udhigay.
Tan labaad walaalkiis heerka gaas isgeeyay adi ma iska gaynkadhaa?? waa adiga iska cantarmaaye,
kolay ————— ama ============ tahay, ============= baa baryahaan ============daba socda, war ==================
fakara oo uu nimanka aan damiirka lahayn kahara.
Ninkaani ma kooxda aan dastuur la maqashiin karin baa? Adeer Gaas Soomaali oo dhan baa la dhacsane bal u yara kaadi.
la maxaa idn hay ma idinkoo madax kanool idin qado baas raba in ad dad Qaran ah oo melkasta iyo mel kasta laga yaqaan in aad af lagadaysaan sida isku dhaama oo dadkii inilahaa ha u gafinina
Asc salaan ka dib waxaa wax laga xumado in waxaan iyo wax la mid ah internetka la soo galiyo, maxaa yelay ma ahan qoraal macno weyn ku fadhiya, hadana ma ahan mid isku habeysan, sida daradeed waxa aan ku leyahay maamulka raxanreeb fadlan qoraalada nocaan oo kale ah ha soo galinina webka. Mahadsanidiin
Kingfaysa
l
Goldogob
Waan salaamayaa Qoraaga Bashir M. Xirsi, Runtiina qorma fiican marka meelo badan laga fiirsho sida 1. uu qoraagu qormada tuducdeeda isugu dubariday iyo 2. sida uu adeegsaday suugaanta hodankaa ee af-soomaaliga. Laakin waxaa ka qormada ka muuqdata dhiilo qabiil – inkastoo uusan af toos ugu balaarin hadana waxaad moodaa inuu shiikadii raqiiska ahayd ee ====== iyo ======= oo soomaali qaranimadii ku wayda ay madaxiisa wali ka guuxayso. fiiri, markuu ka hadalayo, Faroole, Puntland Vs Xaad, beelaha …, Indacadade, Dhagabadan. Waxaa kaloo laga fahmi karaa qoraagu inuu aad xunyahay sida Gaas maareeyey maamul usamaynta G. Hiiran? Simple… waa garanay sxb? waxay rajaynaynaa in arintaas wax laga qabto. Ugu dambayn waxaan kala saari la’ahay inuu qoraagu yahay afku xoogle af-soomaaliga qori yaqaan ( wacni jaahil aan aqoon kale lahayn) iyo aqoonyahan qabyaaladu madax martay. Haduu kan hore yahay, waxaan leeyahay hambalyo, isku day fiican ayaad samaysan, hadiise uu aqoonyahan yahay ogyahayna meesha ay Soomaaliya xaalkeedu maantay marayo, waxay leeyahay waa nasiib daro. Maxaa yeelay maanta waxa miiska saaran waa jiritaankii dalka, waxa kaliya ee lagu badbaadin karana waa dawladnimo, dastuur iyo dulqaad. Intaba inuu wax ka fahmay qormada kama muuqato. Waxaan jeclahay qorayaasha qormooyinkan oo kale, waa curis loo bahaanyahay laakin ogsoonaw: Afku wuxuu la xoogyahay Magliga xawda ka jara.. Masuuliyad ayaa loo baahanyahay..Mahadsanid.
ninka waxaa sooqoray daawayba u ahayd malaha oo waaba bakhtiyilahaa haduusan naqaska iskasaarin ilima aha in uu caafimaad qab iyo miyirqabijiro kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Waxaa aad iila yaabiyey ninkaan waxa quraafadka ee uu sheegaya wax tusaale ama example meesha makeenin aan ahayn VOA da buu saas kayiri, waxaa ninkaan iiga soo baxday inuu necebyahay, reer Puntland uuna yahay taageerayashii Farmaajo.Puntland oo 5 gobol ka kooban ayuu dhahay waa hal gobol tankale ninmankaan xaad soo maaha ninka ku caan baxay inuu wax kasta isbaaro u dhigto yaa kadhigay oday dhaqameed Hawiye ? adoonka wixii uu somaliya ugu talagalay 99% waxuu geliyey Muqdisho maxuu Gaas taa uga dagaalami waayey haduu qabiilayste yahay.
Walaahi runtii anigu markaan ninkaan bashiir la yiraa qoraalkiisa arkay waxaan is iri ninka saa wax ka yihiin maxaase gaas gaar u dabadhigay nin walba oo xil somaaliya ka qabta oo wax qaseeyn ma jirine laakiin markaan figradaha dadka aqriyay waxaan is iri show ninka qoray waaba gaaskii oo taageerihiisa in aw ogaado rabay waayoo hadaan nahay ……………… Jadbo iyo xaraamo ayaaba nagu kacay gaas gaas ayaan afka labadiisa taako yeerinay war gaasna cid wax uma hayo bashiirna waaba ruux qoraal barad ah sidaan is iri ee danyeesha soomaaliyaay
BASHIIR WALAAL WAXAAD TAHAY QORAA QORMO XIGMAD LEH QORAY WAXAAD WAX KA QORTAY XAALAD DHAB AH OO TAAKAN WAA WAX JIRA KII QORMADAADA KA XUN SAKIIN LIQ DHEH
BASHIIR WAA LAACIB BANOONIGA QAABEEYA WAXA UU KA CIYAARAA QADKA DHEXE WAXA UU LEEYAHAY QORMOOYIN AAD U XIISA BADAN MAANTA WAXA UU WAX KA SOO QORAY NINKA WAALAN EE BUURAN EE PROF QABYAALADA LAGU MAGACAABO
WAR WAA WAREEY WAR MAANTA AYEEY INDHA FISH LEEDAHAY WAA SOO HALGANAY WAR HALGANKU MA GUUMAYSI GABDHO LA SIIYAA WAA LA YAQAANA XILIGII HALGANKA XILKAAD SOOMAALIYA KA HAYSEENE
WAR ISLA YAABA DICIIFIIN YAHAY
Wiilka maqaalka qoray oo Bashiir ah, Indhacadde, Culusow, Hiraabe, Xaad iyo kuwo kale oo badan qaylada ka yeereysaa waa: harraatidii ugu dambaysey ee ay dameero sii dhimanyaa tuuraan. Anigu sideedaba waxaan ku gartaa in waddadii saxda ahayd la hayo marka ay kuwaasi qayliyaan, marka waxaan leeyahay halkaa ha laga sii wado. Mar haddii diiqyadii ciyeen waagii baa soo dhow.
ninkaan waxaa aad u haaya waa isir nacayb ilaahay baan caafimaad uga dalbaynaa ,
Ninkani waa nin jirran ilaah ha caafiyo. Qofku markuu wax naqdinayo waxaa fiican in uu evidence waxiisu ku saleysan yihiin. Maqaal dheer oo runtii meel uu ku wajahan yahay la garan karin weeye. Midda kale soomalidu waxey tiraahdaa “HABARTA ODEGA WAX LOO SAAR”, maxaa dadka qaar saarey Gaas keliya, waddanka waxaa madaxweyne ka ah Sheikh SHARIIF may isaga daba gelaan oo danbiga ay sheegayaan u qabsadaan. Berigii C/llahi Yusuf uu madaxweynaha waddanka ka ahaa, habar walba oo meel ku dhuustaa waxaa ka danbeyaa la oran jirey C/llahi Yusuf. Maantana wax walba oo dhaca waxey leeyihiin waa Gaas qofka ka danbeeya, markaa howshu waa iska muuqataa oo waa ISIR neceeb ee xaq sheeg kama ahan. Waxaan u maleynayaa REER Puntland somalida kale raganimadooda ayey u quuri le’edahay sidaa darteed bey u daba dhigteen.
“QOFKAN MAQAAL KU SHEEGAN” soo qoray waxaan u malaynayaa waxbaa ka qaldane haysku daalinina!!!!!!!!!hadduu awood leeyahay ama cilmi ku filan leeyahay ummadda soomaaliyeed ,,
ha horyimaado haddii kale meesha kama tage waxna kama tare!!!!!!!!!!!,Alla maxuu hantaatacay ,waxaaba iiga filnaaday dhawrkii sadar ee hore,!!!!!!!!!!,waar kan yaan lagu dambaabin,ee iska xira xaalkiisa.
Waxaa jira maqaalo ay soo qoreen dawladaha adduunka ka jira qaarkood oo yiri ,waar ummaddaan dadkii xukumi jiray ha la baaro oo iyaga wax halaga waydiiyo,haddii kale waa dugaag oo way na soo galayaane,marka waa siday u sheegeene oo dugaag looma taliyee,tashanamaayaane,waana lo’gisi.,
waxaan u malaynayaa in mardhow laga hari doono Soomaalida miyirka qabtaana ay ka tashan doonto,meelkasta ha joogeene,waar ma waxaa loo dulqaadan karaa ummaddaas aan waxba fahmayn oo aan soo miyirsanayn!!!!!!!!!!!!!!.
Dawladnimo madoonaan say mabayaqaaniine.
Dastuuriyo kaladambayn madoonaan say mabayaqaaniine.
Daacadnimo madoonaan,deriskana madhawraan.
Daarahoo la diirtiyo ISBAARADUNA waaw dahab.
Doodu wayska xiran tahay ee waa in loo duceeyaa.
waligey qoraal ka qaab xun ma arkin waaba ku wareeray tira badnidiisa qoraalku waxa uu ku fiican yahay in la wada fahmo lana wada aqrin karo waxaan aad meesha soo galiseey saxiib waaba la kala ilaawayaa oo intii hore ayaba maskaxdaada ka baxeysa marka wax la fahmi karo meesha soo gali qashinkaana ka saar
Qoraaga maqaalkan waxaan u rakaa bakayle isku dheerarinaya maroodi!!!
Kkkkkkkkk war waa dhidar onkod ku kacay! ninku muxuu ahaa muxuuse ka hadlayaa fahmi waayaye?
Ninkaan qoraaga ah waa wadani runta ayuu Gaas kasheegay iyo inta qabyaalada kutaageerta ee aan damiirka lahayn oo u adeegi jiray isticmaar abbidkood oo Talyaanigii kumeestay Somalia lahalmaali jiray oo Soomaaliya oo dowlad xoog leh ah cadowgeedii Ethiopia intay aadeen kusoo hogaanshay wadanka oo dhabayaalka tusi jiray, hadana doonaya in wadanka gacanta ugaliyaan Uganda iyo Ethiopia iyo Kenya, ceeb caleeg
Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun! kalimada badanaa waxaa la yiraahdaa marka qofka uu dhinto, waana kalimada xaq ah, waxaan u iri markaan qormadan akhriyey hadan 70 comments laga soo daba qorey walo qaar magacyada iska soo bedbedesheen amaba dhowr jeer ku soo noqnoqdey. Inta badan commentska waa caadifad iyo qarow taasina waxay cadeyneysaa in in quluubo badan ay dhinteen. Intii la rabay in qormada laga hadlo baa cay iyo waxaan loo joogin lagula kacay qoraha. Qoraha wuxuu daliilshadey xikmado iyo hadalo laga soo xigtey dadka ay is hayaan Gaas.
Soomaalideena iyo guud ahaan inta badan mujtamaca aduunka waxaa isaga qasan oo ay u maleynayaan in qofka jaamacad waxaa ka dhiga ka qibrad badan yahay kan shaqada qabanaya. Markaan arkey Dr Gaas CV waxaa ku badan inuu bare ahaa amaba qoraalo uu qorey, balse ma lahan khibrad lagu fuliyo waxa uu dadka barayey. Technocrat waxa la yiraahdaa qofka isku darsada labada, balse macal asif Dr Gaas ma lahan taas ee waa academia.
Mida kale waxaa sax ah in qofka marka uu soo dhex galo siyaasada Soomaaliya waxbadan isaga darsamyaan taasoo u badan in markii tuhun iyo qabiil lagu geliyo oo aad u dhowaato in wixii wanaaga ama ethics aad ka tagto. Malaha Gaas waxaa qaaday daadka tuhunka.
Marka commentigey waxaan ku soo gebagabeynayaa in wax la saxo ee aan qorayaasha wax idin iftiiminaya aan la aflagaadeyn balse wax ka qaldan loo sheego. Qabiil caabudista halaga tago ee Illaahey kownkan idin siiyey caabuda. Illaahey ha ina soo wada hanuuniyo.
Somalia in qaran ka istaago oo aduunka lajaan qaado
Dad bay aad u dhibaysaa yaase ujoojin tashan wayday
Ee waaa laguu talin raggaan marakan aad cagliga kadhiganaysaana
Ee xaad Iyo Ahmed diiriye sow raggii lahaa shalay argabadhu
Gurigay kudhalatay bay hadda kudhashay xagay taqaan
Oo uu ulajeeday guryaha biliqada ah arintuna waxa weeye dad
Wixiis. Baan wax kunoqday kuna cunay kuna cunidoonaa
Cidkasta oo caqli fiican latimaadana way gardaran yihiin Sababtoo ah
Dantaaddii adrabtay kuma jirto mesha oo ahayd is baaro
Bililiqo Iyo nidamdiid
Fadaralismna marabtid waxa Kaliyah
Ooqaran lagu wadaagi Karo hadalkaagii qoraaga
Waxaa kujiray hanjabaad uuleeyahay annibi ha isku halaynina
Waan isnaqaanaaye adder haddii adkufaanaysid dhac Iyo
Boob la ISLa soodhaaf ciidan Iyo calafna
Cidna madheerid
Maqaalkan markan arkay waxan is iri wax macno leh oo shaqsi Somaliya hogaan u haya lagu toosinayo ayaa ku jira, laakin markan qarkiis akhristey ayaan aad ula yaabay, waayadan dambe qofka Somaliga maba qarsan karo nacaybka shaqsiga ama qabiilka. malaha dhibkii baa inaga batay oo xoogaagii xishoodka ahaa ama wax layskula hari jirey waa inaga dhamaadeen.
Waxaan qabaa haddaad wax mucaaradaysid, ama aad wax sheegaysid waa inay noqdan wax meel loo raaco leh. Aqoonta Gaas meel loo raaco oo laga xaqiijo ayey leedahay, ee aqoon darida aad ku sheegaysid meel usaar. haddad cadayn hayso waxa uu isagu sheegtay ku beeninayso inaad keentay ahayd ee ma ahayn inaad kaliya tirahdo aqooney xaal qaado. murtida aad qoraalkaga ku bilowday waxay cadaynaysaa saad ugu habsaantay sheeko xariirtii somaliyeed. waxaan kaloo layaabay markaan qaybta hore ee qoraalkaaga eegay waxaa isoo baxday meesha aad wax u wado, waxaad ku bilowday Gaas iyo Cabdilahi Yusuf. Maxaa keenay Cabdilahi yusuf iyo buuga la sheegay inuu qoray, ma cabdiweli ayaa cabdulahi kuula ekaaday? mise waa laba nin oo isku aqoon ah? mise waa isku hayb oo saasad ku nacday.
qodobadaada oo dhan mid meel loo raaco leh malaha, Xaad baad tusaale usoo qaadatay…..malaha isgaad is fahmi kartaan, isagaana qoraalka meesha uu usocda fahmaya.
Raxanreeb waxad ku socotan habkii qabqablayaasha dagaalka Somalia haku milmina dadnimo xumida somali haysata maanta ee ilaaliya anshaxa warbaahinta…oo qofka aad maqaalkiisa soo galinaysaan halkan iska akhriya oo ilaa xad iska fiirsha.
abwali gaas waa la critizize garayn kara waxba ha gubanina qabyalada iska daya imisaad idinkuba dadka kale madaxdooda cayayseen marka markiina numberka xajista odayaal teda kale wixi la sheeg-sheego waxbaa ka jira looooolz
maahmaah baa adhanaysa dawacaa tidhi walee reer aan aqaan ma guuro waxaan uga jeedaa inta reer aad moodo inay dhaxal u heleen siyaasad iyo xukunka dalka ay wax qasayaan walee soomaaliya degi mayso gaas wuxuu ka soo jeedaa reer xataa p/ land afduub ku sameeyeey aa iyagu booska madaxwaynaha isu faaruqiya ma kuwa maamul yar waxaa ku samaynayaa soomaaliya u daahaya ta kale maxay reer muqdisho eeda u saarayaan keligood mayagaa dhaamay yaa soomaaliyoo nabad ah uu soo adeegsaday zenawi oo ku yidhi waar itoobiyaan ku mashquulayaa nidaaminteedee adigu orod soomaaliya soo gub zenawina ugu abaalguday inuu p/land ku ilaasho warkii oo kooban gaas isagoo dadkaa ka soo jeeda ayuu ku darsaday inuu yahay nin xanuunka waalidu ku dhacay oo mar maryaha dhigay isagoo america jooga ilaa hadana dawada buufiska qaata markaa ilaahay haw sahlo oo cudurku wax laysku caayo ma aha ee point gu waa dee qof noocaasa xaalada adag ee dalku marayo inuu qaso mooyee kuma kordhinayo faaiido iyadoo faroole yahay ninka majaraha u haya gaas. gaas adeerkiis marxuumkii a/laahi yuusuf buu ag fadhiyey wakhti lkn adeerkii wax jago ah uma dhiibin isagoo ogaa xaaladiisa caafimaad
WAAN HUBAA NINKA QORAALKA QORAY INUU I[[[[[[[[[[[ YAHAY
Gaas wa tuug dabdhilif ah meel xunbuuna ku danbeenya
@AXMED
waa kugu raacsanahay fikirkaaga. gaas macalin dhiga maadada dhaqaalaha buu ahaa wuxuu dalka u faaiidayn lahaa isagoo haya boos dhaqaalaha dalka (oon siyaasada ahayn) lagu hagaajinayo aniga sidaasay ila tahay
Weli intaan arkaayey nin wax ka sheega Siyaasi Soomaaliyeed ma arag Nin kaan maqaalka soo qoray nin ka been badan oo waxa uu doonaayo oo isaga laftiisu fahan saneyn.
Waayo ninka talin lahaa ama qeybin lahaa ama xakumi lahaa ama ka cod karsan ama ka war deeqsiin og Dr Gaas. (waa kuma?)
Waxaa naxdin ah in uu noqdo Aqoon yahan ku sheeg Somaliyeed (Ninika wax soo qoray)
Waxaan u maleyn in uu yahay ninka wax soo qoray nin afka soomaliga la baray oo aan ahayn Soomali.
war nin ku miyuu walan yahay ma waxa uu tusaale u soo qadanayaa hadalkii XAAD oo soomali oo dhan taqaan ee la ogaa siduu u hadli jiray sanadkii 2007-2009 EE aan ka hadlayn itoobiyaanka maadta wadka jooga lana ogyahay wagaas sida uu u hadli jiray ceeb u dhimo, ee hadana la ogyahy in isaga iyo odayaal uu horkacayo intay u tageen SH SHARIIF ku yiri hanoo kenin cin cidas kasoo jeeda, somaliyay ilaah ka baqa oo iska dhaafa hebel waa fican yahay lakiin reerkisa ayaan u nacay, nin tuug ahna ha u difaacin waa ila qabiil ama nin wanaagsan ha uga soo horjeedsan qabilayl kayga maha ama waa qabiil hebel, waa ceeb maanta aduun waxaa uu marayaa in nin cadaan iyo midow ka tarmaya uu nin kale oo cadaan ah u codeeyo midka madow sababtu maxay tahay waa fikirka ay wada amin san yihiin ilaah ha caafiyo umadeena somaliyeed ileen waxa haysa jiro qabiil sida ninka qoraalkaan soo qoray oo kale, ilaah haku cafiyo walal.
kkkkk war ninkaan miyuu waashay bismilaahi mise waxaan waa jahilnimo kolay nacayb wey dhaftay mida kale webka raxanreeb waligay wan jecl lakiin sidaan cml fadeexad ayaa idinsoo gaaraysa in madaxda lamucaarado ama wax laga sheego waa sax lakiin cay iyo aflagado iyo sidii naag masayrtay in wax losoo qoraa saxaafada midaas meel aykaga jirto maleh qoraaga waxan keeyahay marka hore wax soo baro kadib wax qor waxaan aad sheegtay oo dhan waa adiga dhaqankaaga ee isku xushoo dubku kaa murucye wwwwwwwwwww
Bismilaah, waxaan ila wanaagsan in maamulayaasha raxanreeb ay ka fiirsadaan qoraalada noocaan oo kale ah, waayo cadiifad aan cadayn wadan waa waxa soomaali isku diray inta aan isleeyahay websitekankama mid aha kuwa aadka loogu tilmaamo inay dhinac afkooda ku hadlaan, marka magac iyo masiibo marbay baxaanee ha u ogolaanina qorma noocaan ookale ah, inaad fahantaan Baan idinka filayaa. Qoraagana waxaan leeyahay taariikhda dib ufiiriyoo waxa wiil aakhiro loodiray kuwii beenta ku dagaal geliyeyna guryo waaweyn iyo gawaari badan iska heysta kuligood waxay ku dagaal gelin jireen sida aad waxaadan hubin isaga dhaxdabaalanayso, aan waxyar kuu iftiimiyo fabric weli gaaswaxa uu doonayo waa in sharciga la horkeeno dadkii mudada dheer dilka iyo dhaca ka geestay somalia waxayna suurtoobi kartaa markii lahelo dowlad aan ku meergaal aheyn sababtuna waxaa weeyeU N ka qaybtooda monitorinka ayaa cadeysey 2007kii iyo 2008kiiba gaasna wuxuu ku ishaaray jaamacadii casuntay ingiriiska 24/Feb/2012. Ha iska mucaaradinee oo hanoqonin dameeru dhaanraacdaye walaal wax hubso, hana u arkin jawaabtan inaan kaa jiro ee waa wadajir iyo isasixid.
waxaas waxaa qoray qof uurka iyo maskaxdaba kajirran muxuukahadlayaa?
inlasiidaba galo fa,iido maleh khasaaro mooyee?
midda labaad qofka shabakadaan iskaleh ama maamula inuu soogaliyo maba ahaynba?
asw marka hore akhyaarta iyo hawlwadeenada page ka waa salaamayaa marka xiga wiilka maqaalkaan qoray waa nin raba inuu caan nimo ku raadiyo xag xagashada iyo iska laalaadinta akhyaarta iyo madaxda dalka hab aan ku tilmaami karo xaasidnimo oo xitaa wuxuu su’aal galiyey His Excellency PM C/wali Gaas CV giisa miskiin war xitaa waxaa hareer martay oo meelkadhac ku samaysa dhaqanka Somalida markaad AUN C/laahi Yussuf Qabrigii kaaga baxsanwaayey!!!! aduun koo dhan wuxuu markhaati ka yahay Gaas inuu REFORMIST, PATRIOT, PEACE ICON AND ACADEMIC , soomaalidana waxay u qirsanyihiin Hogaamiye Hufan cidda ka soo horjeedana anaga iyo dunida ba waxay u taqaan Qaswadayaal, Nidaam diid ah iyo waliba qolida mahega lahaa walaahaan idin sheegi adinka iyo waxaad ka ganacsataan (means dr???? dealers) ugu dambayntii adoo unknown ah miyaan kaa dhagaysanna xanjarafaynta iyo xagashada Dr Gaas oo aa ku tilmaami karo Somali National Heritage Side (Hanti Qaran) waad mahadsantihiin.
raxanreeb ma ahan waxaas oo kali hantaaticiisa in ay soo gudbiso, waa isir ladiriir aan gaban mid labaad maroodiga takartasaaran ma arko midkale midda saaran buu arkaa. Cid miyaa wax ka sheegaysaa adiga is arag horta. Gaas Xaqiiqda waad u gaftay Allaah u noqo haddii aad tahay adoon Alle. Shaqsi wareerka waa lafiican yahay hadalka asluub baa loo sameeyaa qoraalada. waligay ma arkin qoraal ka farabadan kana cay badan.
qorah maqaalkaan (aflagaadadaan) waa seddex midkood:
1.Nin qabyaalad dhadhan iyo indhaba tirtay oo wanaaga iyo xumahaba ku fiiriya muraayadaha qabyaalada cuqdad iyo uurku taalna qaba oo sakaaraada ah(shartiisa allaha nagahayee).
2.Nin nidaam diid ah oo sharciga iyo dawladnimada cidda ugu horeysa uu qabanayo asagu ah maxaa yeelay nidaamku ogalaan maayo falal dambiyadda hadda ka jira muqdisho iyo dulmiga somali loogu gaystay.
3.Nin diaspora/amaba dalka jooga oo ku raadinayo caannimo isku dharerinta akhyaarta sidaas daraadeed cay iyo wasakh seyrinaya maxaa yeelay asagu (sida uu islayeehay ) wuxuu rabay inuu arko commentiyaashaan faraha badan hadhoowna xabadka salaaxdo!!! CIBAALE SOW MAGACAAGI (HADUUBA SAX YAHAY) CIIDA KUMA JIIDIN.
Qoraa ayaa iska ba’ay waxaan ka dareemayaa qoraalkan midka soo qorey nacayb isireed qaawan oouusan meelna ugu soo gaban. Adeer cuqdaa iyo caraddaa ayaan ku leenahay carabkaaga allaha naga duwo xumaantiisa. qof xun iyo qoraalkiisba waa isleeyihiin marka qoraalxumow horeyna qoraalkaaga waa u aragnay hadda uf iyo akh ayaad tahay. Qoraal aad qortey oo aan deel qaaf ama meel kadhac qof kale aan lahayn ayaan waayay. qoraalkaaga magca kolkii hore maan eegin lakin markan hordhaca arkey ayaan gartey inaad nacaskii xumaa ee laangaabka aha atahay ayana gartey. Bisaddu hilibka ay gaari waydo ayay uf tiraahdaa marka adigu ragg aadan adiga iyo qabiilkaaguba gaari karin baad rabtaa inaad isku dhererisid war socodkaaga haka tagin Gaas iyo Yey midna gaari mayside.
madaxweyne sh.shariif jileeciisa ayaa faroole iyo gaas ba ka waaley wayo abaanduulaha ciidanka x.d. somaaliyeed see askar aanu ogeyn loo diri kara mida kale xulista odayaasha biisha maxa ugeeyey…allow dhamaantod umada somaaliyeed shartoda ka wareeji.
Alla hayaay ma caadifad ba qaaday xuman wada hann, been qorahan.
Raxanreeb ha dhuminina mowduuciyadda iyo xikmadda! Qoraalka noocaan oo kalaah oo aan wuxuu ha hadlayaba aanan la fahmi karin haddaad soo galisaan akhristaal badan baa ka xiisa dhacaya websitekiina!
Ninyahow maxuma inaad fikirkaaga kahadasho laakiin waxaagu waa cay, aniga C/WALI GAAS majecli laakiin adiga waxaad kuhadleysid ILLAAH baa ilehe waa kugu kaligaaaaaaa!!!!!!!!
ninaana waxaka isku dayey in wax qoro.aqoonba maleh,waana waxa nadilay waayadaan.fadlan aawaxaan oran laha a ku hdadadal lahjadydaada uuillaah kuu dhaldiyey iskana illoow dadka adeysod iska dhigeesoeyso siiqadda add wax u qoreeyso iyo lahjadda add isticmaaleeyso dad ayaa iska leh
Jaallaayaasha Raxanreeb
Tan iyo jeerkii la askumay RR, waxaan ahaa akhriste u heellan faallooyinka wax-ku-oolka ah ee bartan RR iyo sawirrada qurxoon. Bartani waxay caan ku ahayd gorfayn hufan oo aqoon iyo xilkasnimo ku dheehan tahay, waxaase naamuuskeed jabay markii aan ku arkay shaqsi qoraa isku sheegaya oo hunqaacada ka socota aad aqoondarradeeda la fajacayso. Fadlan haddii aad doonaysaan in caqli loogu yimaado madashan, waxaasoo kale marna ha noo soo gudbinina.
waad mahadsan tihiin
Ninka Bashiir isku sheegayow Alla been badanindaa. Miyaadan xishoonayn Illahay ka yaabayn.
Waxaa la yiri nin ciid kugu shubay waxba kuma yeeline calooshiisuu ku tusay.
Intaa waxaa kuu dheer. Mawduuca aad qortay malaha wax tixraac ah ama min guurin.
Waad hadashay wax cadayn ahna ma laha haddaladaada beenta ah.
Waxaad inkirtay aqoontii Gaas ee aan nin sidaada liita maahee ninkale arki waayin. Jaahil xanuunsan oo cuqdad qaba ayaad tahay.
Waxaad ku bilowday maqaalka ” nin aan talin jirin hadduu taliy….. ” waa la yaqaan taariikhda soomaalida. Aabahaa ariguu raaci jiray ee goormuu talin jiray?
Markaad qorayso mowduuc cadaawad ah sida kan kor ku qoran waxay ahayd inaad wax uun xaqiiqada u dhaw haysato. Beenlow aan Alle ka xishoonayn oo aa dadnimo iyo damiir midna lahayn baad tahay.
Adiga iyo dameeraha kula midka ahna loo joojin maayo danta Soomaaliyeed.
Waxaa kaa fakan waayay Dadkii dhintay iyo uunki Aakhiro. C/llahi Yousef muxuu kaa qabaa Aakhiruu jiraaye?
Hadaaad wax kala garanyso ( mase filayo inaad wax kala garanayso) :
1) Goormuu Gaas dad ka caayay idaahadaha ka caayay?
2) Waa maxay gardarrada aad ku eedaysay Gaas?
3) Goormuu Qabyaalda ka hadlay( waqtigii meeshii )?
Ugu dambayn : La dhimo cuqdadaada iyo carradaada. Gaas waa Professor Ka soo baxay Harvard University ee Tacsi dhigo
/H
asc walaalayaal in wax la abiro ma xumee nin kaan maxaa uu kahadlin cajiib waan fahmi la ahay qoraalka waxa uu ula jeedo kkk lkn waxaan qiyaasayaa waa xanuun san yahay ninkaan qoraalka soo qoray cudur //a////// yaa ku haya ee gaas waa mas uul soomaliyeed afkaaga how celin mardan be nacasyahow xumi ina gumeedka ah
IDAA LAM TASTAXYI FASNIC MAA SHI’TA
War xishood oo Alle ka baq, wax aadan hubin oo aad fadhi ku dirirada ka soo maqashahay ummadda ha u keenin. Middeeda kale xitaa ummadda intaa le’eg wixii ay kugu maagto waa laga diktoonaadaa oo waa la gar naqsadaa. Bal eeg inta qof ee afka furatay markaad cayda iyo af xumada aad la soo shir tagtay. dadkaa oo dhan macnahooda maaha in ay GAAS ku jufo iyo xigaal yihiin ee waxa aad qortay ayaan ciddii akrisataba dareemi kartaa in qof weyn waxna isku falaya uusan waxan oo kale marna meel la imaneyn.Horaa qoraalo laguugu soo qoray waxna laguugu tusaaleynayo. War ninyahow xishood oo sidan haddaad mooddo in qoraa lagu noqonayo ciddii kuugu tiri way ku lug gooyeen. Marka kale bal ka digtoonoow, weli waan kuu nasteexeeynayaa……
Ninkan jiran sheekadiisa waxaan ku soo koobay nacnacdiisa: WAXAA LA YIDHI MUKULAAL BAA HILIP SAQAFKA GURIGA LOOGA SOO LULAY, MADHKAASBAY KU BOODAY OO GAADHIWEYDAY, SAY HADANA WAA KU BOODAY OO GAADHIWEYDAY, SAY MADHKII SEDDEXAAD BAY INAY KOR U EEGAY TIDHI UF HILIBKU QUDHUN BADANAA! Marka arrinta heysatay waa (MASEYR) ka haya MUDANE ABDI WELI MOHAMED ALI GAAS XAAFIDULAAH…kkkk. Walaal Mr. GAAS duntiisa hoose ugu dhaadhac waa hadaad cagligeed leedahay ogoowna waa kuu ayaan darro in nin kaa qiimo badan aad afkaafa dalaq ku siiso waayo sida aad hada u jeedo oo dhulka laguugu jiiday baad ku dambeyn ….kkk Mr. GAAS WAA NIN MASIIR DAWLADNIMO lagu soo barbaariyey, ee aan nin liita oo afkaas uun ka nool ahayne EE GAAR MEESHUU GAARAY MUDANE GAAS lana imoow ragganimadeed aad garab istaagi kadho haddii kale weligaa hooseyntaas iyo ceytankaas ragganimo ka raadi…..kkkk
xumaan, xaqdi, dibindaabyo iyo xasad tan aduunweenaha ugeestay walina uu ku hayo ,waxa kadaran kana xun mida ay iyadu isu gaysatay walina aysan ka waantoobin. 21 sano ayaa somali wax cudur laayo,wac badda ku le’day, kuwa xabadi macano la’an ula tagtay, kuwa xabsiyada aduunka oo idill qaarna ku dhinteen qaarna weli dhimana nooleen, yaa ka dambeeya halaagooda iyo dhibka weli haysto oo rajadiisu yartahay in ay ka idlaato geyiga somaaliga..wax aad loola yaabo waxa ka mida dad wanaagu cudur ku samaynayo oo wax kasta oo fiican aysan macno u sameenayn. dadkaas oo kule bullshoi mxaan kaga go’aansana ?
Fadhikurirkan waxan soo qoray waxa uu meesha ku qoray waa caay iyo habaar. Labadaasna wax laguma qaado. Wax xigmad ah oo uu meesha kuhayo haba yaraatee ma jirto.
Raisalwasaaraha haday noqoto Cilmi iyo Hayba Ilaahay waa u dhameeyay. Gaas waa ninkaa Harvard oo ah jaamacada aaduunku ugu sareeysa ka soo baxay. Obama sidoo kale isna wuxu ka soo baxay Harvard.
Cantara Baqashkan intaad iska dayso orodoo wax baro ayaan kula talin lahaa anigu.
waxa kaliya ee aan ka fahmey qormadan waa in qofka qoray uu la dakaamey qabyaalad iyo isir naceyb, iyo in uusan u soo joogin ama uu geel ka raacanayey wixii 20-kii sano ee ugu dambeeyey dalka ka dhacayey iska daa taariikh kale e`. Waxaa kula talin lahaa in marka hore uu ayaamo maktabadda soo booqdo.
RAXANREEB:
Hanbalyo ayaan ku leenahay, sabab, dadka ma caburisaan oo qof walba xor buu u yahay
in uu fikirkiisa dhiibto. kuwa kugu guubaabinaya in (Bashiir) aad qoraalkiisa joojiso, waa kuwa u factiriya
oo la ceytamaya, waana aad soo daysay qoraalkoodii, weli ma hayno mid yiraada RR maxaad meel-ka-
dhacayga u soo deysey. RBC. Waa saxaafad xor ah ee shakhsi kastow ku soo talagal.
QORAAGA:
Qoraalka (Bashiir) waa fadhi-ku-dirir caadi ah, murraadkiisiina ma seegin, kaa soo
ahaa in uu reer gaar ah dhiiga ku kariyo. Tilmaan waxaa kuu noqon kara, oraahaha uu ku bilaabay
maqaalka, soo qaadistii (AUN: Cabdale Yey) iyo naynaaso uu ku ismay buugiisa.
Soo qaadka hebalada reer heblow oo Xamar joogga, iyo ujeedadii qoraalka oo ahayd dhul-ku-jiid
W/koowaadka: C/Weli Gaas, taas oo uu san warmeynteeda ka daalin aadna ugu dheeraadey.
Qeynuunka fadhi-ku-dirirku waxaa weeye in meesha u daran laysku dhufto, oo qofka aad gaarsiisoo
hadalka in uu gacan u bedelo, shaki-kuma-jiro, in qaarkiin gacan ula tegi lahaa haddey tiigsan karaan.
QABYAALADA: Nin baa laga weriyey, ” War qabyaaladu kululaa”, waa marag ma doonto in ay kuligeyn
ay millad noo tahay oo in aan caabudno aanu qarka u saaranahay, (Allaan) ka magan galaye.
Saas oy tahay ayaan iskula yaabnaa, oo qoloba, qolada kale ay ku riixdaa. Waase in dhishey oo waa
innaga dalkeenii ku duminey, welina aan u qabin wax naga lumeen.
Bulshada reer hebel ee boggaan ee (Bashiir) u af-celisey, wax walbana ku yiri la yaab ma lihidin oo
waxaad ahaydeen dad diintooda difaacanaya, wax idinku gaar ah ma ahan, inta kalena saas buu ficil-
koodu u dhici lahaa.
FAANKA: Faan iyo dhiriq labada (Bashiir) waad ku seyrteen, waxse yaab mudan mid yiri, oo faan ka
dhigey, ” Ninkii calanka sameeyey, annaguu ahaa”, horta calanku sameyntiisu wax dhib badan may
ahayn oo naqshado badan oo la soo bandhigey ayaa laga qaatay, midabkii la qaato ayaa Soomaaliya
calan u noqon lahaa.
Astaamaha kale ee dalku leeyahay sida, Labada shabeel, warmaha iyo caleenta, astaanta Booliiska,
astaanta Xoogga dalka, haysta qaranka, IWM, raggii hindisey cid ma soo qaadee, mana sheegto ee
maxaa, (Ina-Cawaale) ku siyaadaa.
GUNAANAD: Bashiir ciid ayuu (C/Weli) ku seyrey, balse idinku calooshii reer dhan ayaad dibadda soo
dhigteen, guushana isagay, (3-0) ku raacdey. Haddaan hoos kuugu daadago, dariiqiisii ayaad marteen
oo waad la caytanteen, halkaad ka soo bandhigi lahaydeen wax qabaka aad (Gaas) ku cawryeysaan.
asc waad salaaman tihiin shaqalaha shabakada raxan reeb salaan kadib waxan layabanahy
qof wax ka qal dameen waala arki jirey lkn shabakad wax kaqaldameen ayaa igu cusub waxan idin kula talin lahaa umada somaliiyeed oo awalaba meeli ayan ufayoobeyn oo gacan ku dhiigle in kaar qabe qablayaal iyo isbareystayaal haku noqonina afku dhiig layaal
oo waxan oo kale umada ha u so qorinina waxan idil leyahay marlabaad madaxda dowlada somaliya aflagaadada iyo ihaaneynta kadaaya somaliyana sidii hore maahan oo waaleys daba joogaa lafiirsan mayo 21 sano fadlan maaha in aad kaga dhacdaan saxaafada waxan waa wax lagu lalaboodo qoralada noocan aha waxa uu wax u dhimayaa sum cadiina wabilaahi tow fiiq
ilaahow hana tunin qalinkisaa uraya war waxan layaabanahay wixii wax xarxariiqaba hadi umada latusayo umadi maharteene waxan kasaara meesha qabyaaladu dilotey ee jaahilakaah
@Bashir(Qoraaga)
NACASNIMO MARBAY KULA DEGTAA,
DALOW KU GEYSAAYE!
DAMBIGOOD GASHIYO,
WAXAY BADIN DACAR QOOSHAAYE!
HADALGAAGU DAW MALEH
IYO DULUC LA QIIMEEYO!
KABA DARANE CAQLIGAA
KAA DAM YIDHI OO LAGUBA SII DIIQAY!
BAL DAALO DR. KEENA GAAS,
MADASHA DOORKIISA,
ILLAAHAY HA DAAYEE, KU DAYO
WAA HALEY DARANE!
bismilah waxaan filayaa inaydan u ciil qabin mr gaas oo si fiican u xamateen una canbaaryseen taas oo diinta islaamkana noo banayn mida labaad waxaan leeyahay safada ma ahan in borobogandada iyadu bilowdo so ee ha la daayo ulil amrigaan idin leeyahy sumcadiinana way fiican tahay in maanta somalia waxa ka dhacay aydaan farahiina ku wasakhaysanin sida hada aad leedihiin afaaro qabiil
Waxaan dhihi lahaa ninkaan ikhyaareey haloo qabto qof bara luqada Afka Soomaaliga,uma habeeya markuu wax qoraayo,ka dibna u saxa qoraalku inta qaybood oo uu ubaahan yahay,sida:Horudhac,Araarasho,guntii hadalka,dulucdii hadalka,gabagabadii,iyo in uusan qofku ka hadlin wax uuna xaqiiqdeed haynin,loomana baahna,wax iska dheh,qof iska cay,qof nacayb,qabiil nacayb,markaa ninkani waxuu isku darsaday masalooyinkaas aan soo sheegay iyo kuwo kale oo badan,waxayna u dhacayaan xigmad yari.
FG:Walaal waxaan ku dhihi lahaa BURAASH WASAQAYSAN DADKA ADUUNKA LAGUMA WASAQEEYO,intaas halagu dhaafo ninka odayga ah.
Ninka maqaalkan qoray waa xanuunsan yahay isbitaalka haloola cararo cidii ka ag dhaw ,walaahi marna waan yaabaa marna qoslaa ninkaa nacaybka qabiil ee ku jidha iyo aragti gaabnidiisa ,war wuxu xaguu kasoo jeedaa ma dhulbahantaa kkkkkkkkkkkk kuwaasaa xanuunsan maalmahane.
fad ama ha fadin waa laydin fadsiin prof gaas
Waa wax laga noxo wuxuu qoraagu halkan kusoo qoray, maaha inaan taageerayo Dr Gaas, laakiin fikirka xorta ah iyo xad gudubka shaqsiyadeed yaan la isku qaldin. Fikirgaaga adaa leh qoraagow xur baanad u tahay, hase yeeshee ma haboona in wixii uur kaaga jira aad nala qaybsato. Dr Gaas inaad mucaarado xaq baad u leedahay waana wax fiican runtii, laakinn fadlan caydu wey reebantahay.
ASC WR WB WAXAA SHARAF IYO AMMAAN LEH DR CABDI WALI GAAS >> OO SOMAALI U DOONAYA INAY KA DHALATO DOWLAD XAQIIQI AH >> WAA HALYEEY SOMALIYEED OO SOMAALI DHULKA TAALA DOWLAD IYO DUSTUUR U DHISAYA >> WAXA DHALIIILAYA WAA WAX MAGARATO IYO DOWLAD DIID MR XIRSI WAA QALDAN TAHAY DHIBAATADA DOWLAD LA,AAN LEEDHAY MA ARAG >> WAXAAD QALINKA KU QORATY WAA AMA AAD INDHAHA KU KALA QAADAY BOOB >TAASI WAA DHAMAATAY DOWLAD IYO SHARCIBA DHALATAY INSHALAAHI GUUUUUL BAN U RAJEYNAYAA EE GEEDI WAD GAASOW GARAB KAAGA ALAHA GALO GUUSHA ALAHA KU SIIYO AMIIN
ASC WR WB WALEE WAA YAAB YAAN RUN LA SHEEGIN MIYAA WIXIINU WAR GAAS SOMALI HORUMAR LAMA RABEE ============= ======== ,TEYDA ANA LEH TAADANA KULA LIHI WAA LAYDINKU FAHMEY IIMAANKA ALLAH IDIN GELSHO WAA REER SED BURSI MOOYE AN WAX KALE AQOON ALLOW SAHAL AMUURAHA HADRAAWI NOOLOW WAA GEESI ABWAAN SOMAALIYEED OO SAX AH ======== KII XUKUN QABTABA WAA INUU WAX BOOBAA TAAS WAA DHAMAATEY WAKE UP WAAN KUU JEEDNAA
ninkaani wu xanuun sanyahay lakin waxan leenahay alla kuma caafiyo waxa uu ku hadlayo wax macquula maahan waa ninka yiri gobolka bari maahane inta kale waa lawada eegad war aan ku saxee puntland waxay kakoobantahay 8 gobol marka isa sax waxaad kaxanuun sanaysona waan garanaya waxa weeyan muxu ra,iisul wasaare gas hiiraan maa mul ugu dhisi wayay taasna mudane gaas kala xiriir ariyohow bila caqliga ah gaas waa aqoon yahan ee adiga ayaa jaahila oo qabiilayste ah oo qabyaaladi ku haysa waa adiga prof gaas iyo moriyaan xaad isbar bar dhigayee miyaad cabsan tahay mar 2aad waxan ku leeyahay waad xanuun santahay ee ilaahay kuma caafiye runta ayaana kuu sheegayaaye cudurka ku haya daawa malahan ee intaad nooshay is aas haddi aad dhimato cidna qurunkaaga aasi kari maysee