JAAFAAN : Hawlaha Dekedda Boosaaso Dar-dar Xoogan Ayey Ku Soctaa, Shabakadda Raxanreeb oo u Waraysi siiyey [Sawirro]


Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

Boosaaso [RBC Radio] Mudooyinkii ugu danbeeyey waxa ka socday Dekedda weyn ee magaalada Boosaaso dhaq-dhaqaaq xoogan oo dhanka ganacsiga ah,iyadoona ay kamid tahay dekeddu  Ilaha ugu muhiimsan ee ay Puntland ku tiirsan tahay dhanka wax soo saarka dalka.

Aggaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda  Puntland Cabdimajiid  Samatar  Maxamuud[Jaafaan] oo Xafiiskiisa ku qaabilay Shabakadda Raxanreeb ayaa ugu horeyn waxan wax ka weydiinay hawlaha kala diuwan ee ka soconaya Muddooyinkii ugu danbeeyey dekedda magaalada Boosaaso halka ay marayaan.

Aggaasimaha Guud ee Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Cabdimajiid Samatar Maxamuud

JAAFAAN: Bismilaah, Hadaan ka waramo dhaq-dhaqaaqa dekedu aad iyo aad  buu wakhtigan u fiican yahay, shaqada socotaana wey badan tahay, waadna aragtaan oo Indhihiina ayaa Idin macalin ah,

RBC Radio: Waa tahay Mudane Aggaasime bal iyana ka waran dhaq-dhaqaaqa dhoofinta meesha uu marayo marba hadaad ka hadashay soo dejinta?

JAAFAAN: Dhoofinta waxa iska caadi ah in laba ama Saddex gaadiid ah ay habeen kasta dhoofaan, tusaale ahaan waxa i hortaala warbixintii saaka lo’ iyo geel laba doonyood ayaa dhoofay marka Exports-kuna wuu fiican yahay.

RBC Radio: Doonyaha iyo Maraakiibta ugu badan ee kusoo xirta dekedda Boosaaso dalalkee ayey ka kala yimaadaan iyo rarka ay keenaan?

JAAFAAN: Haa, Inta ugu badan waxa ay keenaan waxa lagu Iibsho dalka, raashin, waxay keenaan  bagaash, shidaal,waxayna ka yimaadaan Cumaan, Yeman, Hindiya, Sharjah, Imaaraatka oo dhan marka meelahaas ayey ka kala yimaadeen.

RBC Radio: Xili Xagaa ah ayaa lagu jiraa marka bal Is bar-bar dhig dhaq-dhaqaaqu suu ahaa xiliyadii hore  iyo Wakhtigan?

JAAFAAN: Weli lama gaarin xili la isla bar-bar dhigo sababtoo ah waayo waxa lasoo dhaafay Saddex meelood oo meel Sanadkii, lixda bilood oo kale waa lagu Xisaabtami karaa laakiin aad buu u fiicanyahay een kal hor hadaayaa sidan oo kale bay shaqadu ahayd ma dareemayno wax la tilmaami karo oo ay ku kala duwan yihiin,

RBC Radio: Mudane Aggaasime waxa jirtay Muddooyinkii ugu danbeeyey hawlo dhanka dayactirka ah oo laga waday dekedda Boosaaso dhinaca balaarinta iyadoo ay Idin ka gacan siinaysay WFP marka hawlahaasi Xaggee bay iminka marayaan?

JAAFAAN: Marka la qeybiyo wixii socday iyo wixii la sugaayey, wixii socday waxaa kamid ahayd Xafaaraada dekedda oo qodisteeda la dheereynayo markii hore 6.8 bay ahayd ilaa 7 haddana 9 weeye qeybta Maraakiibtu, gudaha iyana waa laga shaqeeyey  laakiin hadda waxaanu sugaynaa Company-gaan ka shaqeynaayey qodista dekeda oo ay WFP qandaraaska siisay iyo Wasaarada dekeduhu inay isla Jeegareeyaan oo Isla hubiyaan shaqadii la qabtay laakiin hadda shaqadii Xafaarada Shirkadu waxay ku warbixiyeen inay qabteen anagana waxaa noo dhiman hubintii iyo dabagalkii oo markaas ay noqoneyso in mashruucaas la ABROVE-gareeyo in uu dhamaaday iyo in wixii kale dib loogu noqon doono.

Dhinaca baaxada dekeda waxaa lagu jira Sanad cusub,mashaariicdii Sanadkii hore wey xirmeen,waxaan rajeyneynaa deeq farabadan,waxaan ka rajeyneynaa wadamo kala duwan, barnaamijka noo diyaarsan waxa weeye in dekedda dhinaca la baneeyey lagu fidiyo oo ay noqoto qeyb loo Isticmaalo Konteenarada ama gaadiidka yaryar ama ganacsatada danyarta ah ama meelahaas oo dhan iyadana Wasiirkii baa Safar ugu maqan,wuxuu tagay Kenya, Ingiriiska hadda Jarmalkuu joogaa,wuxuu la kulmay Japan,wuxuu la kulmay WFP,IOM,waxaas oo dhan waxay horudhac u yihiin mashaariicda loo qabanayo  dekeda iyo sidii loo balaarin lahaa ,

RBC Radio: Su’aasha ugu danbeeysa haddaan ku weydiino Aggaasime waxa ay tahay xiliyada Xagaaga inta badan waxa ka dhaca gudaha dekeda in dab ka dhasho qaar kamid ah doonyaha yar yar ee badeecadaah u sida ganacsatada taasina ay keento khasaare baaxad leh, maxaa idin qorshe ah si uusan dab u dhicin xiliyadan oo kale ?

JAAFAAN: Dabku waa wax u baahan in laga taxadaro oo masiibooyinkaas dhacaya buu kamid yahay magaaladaas weynaatay buu bar gubay , doon yar oo meel iskaga jirta iska daa een anaga waxaan haynaa hadda shaqooyin aasaasi ah baanu u qaban karnaa inaan bamam ku xino badda oo aan doonyaha saarno in dabka marku uu bilowdo haamihii yaryaraa iyo waxyaalihii lagu daminayey uu fariisanayey la sameeyo waad aragtaan doonayaha marka ay degayaan marka ay soo xirtaan waxaa saaran Shaqaale dab damis iyo haamo yaryar waxaas laakiin wax weyn oo aad u qiima badan markiiba wax ka badeli kara jawiga majiraan waxaanse EEBE ka baryeynaa masiibooyin wax nayeela nagu keenin.

_____________________________________

Cismaan Turaabi
RBC Radio
Xafiiska Boosaaso

Share

Tags: ,

16 Responses for “JAAFAAN : Hawlaha Dekedda Boosaaso Dar-dar Xoogan Ayey Ku Soctaa, Shabakadda Raxanreeb oo u Waraysi siiyey [Sawirro]”

  1. xaamdi says:

    masha allah

  2. daacad says:

    MAASHAA ALLAAH DEKEDA BOSASO HORUMAR BAAA KASOCDA WAA MEESHA KALIYA OO AY DOWLADA PUNTLAND ISHA DHAQAALAHA U AH

  3. qooqane says:

    shaqo wanaagsan mudane :jafaan halkaas ka wad shaqada hufan ee aad u hayso dalkaada iyo dadkaadaba masuul sahqadiisa ka soo baxa aya tahay waxaana kugu xasuusta berigi aad ahayd maareeyaha bender qaasim Airpot bosaso

  4. liibaan says:

    masha allaah mudane halkaas ka wad dedaalka

  5. fahmo says:

    jafaan waxaad tahay halyey dadkisa u adeegaya ilahay hakula qabto hawshaad hayso

  6. gasoor haye says:

    waa wax runtii aan ku farxay oo hergalin ah waxaan u mahad celinayaa maamulka dekada kolay faroole waa ka naxayaa arinta dekada waayo waxa uu jecayl yahay inuu horimariyo garoowe oo kaliya guul iyo barwaaqo ayaan hawada inii soo marinayaa dhamaan shacabaka reer puntland

  7. MARQAAN says:

    WAAN KA XUNNAHAY HADII AAN NAHAY BEESHA ??????????????? HORMARKA KA SOCDA DEKADDA BOSASO & PUNTLAND OO DHAN.

  8. ras says:

    dakadan wax a xukuma mooryaan hadaad gacnacsi u timaad oo wiliba iga oo og baalugu dhibaataynayaa waxaa horteeda dhooban ninman aad u xush mad daran oo diinta ka fog oo aad ar gagagaxaayso quryuhu amaanka ufuranwata marka saas ayaa maamulku dakadu ku fiicanyahay waxaay u eegyihiin burcad badeed ama mooryaantii xamar joogi jirtay marka ilaahay ayaa u maqan reer boosaaso talo ahaan waxaan ku soo jeedinlahaa arinkaas wax halga qabto hadii kale ayaa dan u burubrin waxaay noqon maamulmaamul waxaa jira hadeer maahirland rascasayrland waxaa soo baxay hada lawadaa badersiyadalan mudugland goldogobland nugaalland bosaasoland iyo kuwo kale oo badan

  9. sundus says:

    ku; garsoor
    ader faroole dekadaan isagaa madax ka ah wadankana isagaa mamula dekadu ma aha xafadii garsoor oo alshababka lagu qarin jiray waa dekado rag dhistay dawladna ay mamusho orod alshababta hoosta soo gasho langaabyahow, daciifka ah maxaa hawlaha puntland ku galiyey mise jafaan ba leelkase ah oo halkaas bad naga soo gashay.

  10. tuugada halkaa ka qurquri

  11. caraseedo says:

    BISMILLAAHI:
    TO inta neceb Puntland iyo maamulkeeda:haddaad aragtaan dad wax caayaya ama habaartamaya waa dad daciif ah oo haddana laangaab ah,waana ciilan yahay oo kuma kalsoona qaybkii ALLE oo haddana meeshii uu Ilaahay talo saaran lahaa buu daciifnimadiisii la galgalanayaa oo waxuu intaas ku mashquulsan yahay xaasidnimadiisii lagu ogaa laangaabka oo waa hawlahoodii lagu yaqaanay oo la yaabimayno.
    Midda kale dadka leh maamullo kale baa jira puntland waxay leedahay dhul la yaqaan oo jirsaday 14 sano oo ay iskaga dambeeyeen madax kala duwan oo maaha mid maantay cusub ee ninkii maantay sheeganaaya tuulaan goosanayaa waxba qaadimaayo oo isagaa cidlo aadaya balse dhulku waa dhul puntland,maaulkalena waxba qaadimaayo ee sheekada hayska xumaynina,Dr Faroolena waa madaxwaynihii puntland ee xilligaan,haddaan awoodana waxaan oran lahaa 5sano oo kale haloogu daro,maxaa yeelay waa nin yaqaan sida layskaga celiyo waxmagaratada,meel walba ka buuxda iyo canaasiirta aan garanayn waxa xun iyo waxa fiican,kuwaas oo ah laxdhukani col iyo abaarba moog.
    Soomaali caqliga Alle hawsoo celiyo,puntland guuuuuuuul iyo gobanimo iyo horumar waara baa Alle uga baryaynaa[[AAMIIN]].

  12. daadir says:

    masha allah aad ayaan uga maqsuuday booosaso . turaabi sxb mahadsanid

  13. fahmo says:

    warmaanta maxaa loosheegay boosaaso ayay xayaysiinayaan raxanreeb.
    majaa juusayaan. hargaysaa lagu ogaa inay xayaysii yaane man shaa alaah mise shaqo la aan ayaa soo wajahday by

  14. Amina says:

    @Marqaan maxad uga xuntahay horomarka dekeda boosaaso iyo horumarka Puntland”waxa is weydiin mudan xagee wax uga soo degaan dadka degan tuuladaad wadato ee marqaan iyo heegaale iyo inta ay khaatumo degto’ horaa loo yiri doqoni xin og xisaabse ma’oga hadaan Ilaah walaalihin P/land idiin siin waa horaad gaajo u bakhtin lahaydeen ileen badna malihide marka waxaad mudantahay Ilaah Subxaana Watacaalaa ee ee puntland ku sii yey inaad goor iyo ayaan ugu Xamdi naqdid waa hadaad caqli shaqaynaya leedahay hadii kalena halkaagaa xaasidnimo la fadhi
    Wabilahi Towfiiq.

  15. haykal says:

    alla yaa dhaha runta sheega wax ka socdaa ma jiro dekeda bosaso waayo ganacsigiiba wuxuu u wareegay hargaysa kadib culays badan oo ay sameeyeen mamulka puntland iyo amni xumo baahsan oo qarisay gobolka bari khaasatan bosaso iyo calbari marka yaan been laga sheegin dhaqdhaqaaqa guud ee dekeda bosaso , waaay jirtay xili dekedu aay ahayd in meel lakala mariwaayo lakin beryahaan danbe xataaa doonyaha soo xiranaaya ee ganacsatada u rarani labo doonyood ma dhaafayn

  16. abshir says:

    maashaa alaah waa wax taariikhda gali doona dadaalkaa aad wadaa wllo oo ah dhaxal umada soomaaliyeed u haraya thank yuo bos

Leave a Reply