Man City Oo Hanatay 44-sano Kaddib Koobka England Premiership
Landon (RBC) Kooxda Manchester City ayaa xaley ku guuleestay markii ugu horeysay 44-sano kaddib horiyaalka Premier League ee dalka UK, ciyaar ay la ciyaartay kooxda Queen’s Park Rangers oo ay ka badisay.
Cayaarihii ugu dambeeyay tartanka England Premiership ee 2012 ayaa shaley la soo gababoobaya Dhamaan 20-ka koox waxa ay cayaarayaan hal, ciyaarta fiirada gaarka loo lahaa waxa ay ahayd tii dhexmareysay afarta koox Sunderland iyo Man United iyo Man City iyo QPR, waayo labada
Laba Manchester waa isku dhibco min 89 dhibcood balse Manchester City ayaa todoba gool ka horaysa koonxda Manchester United.Manchester City ayaa garoonkeeda lagu guddoonsiiyay koobka horyaalka England Premiership. Waxay ku qaaday farqiga goolasha markii Manchester United ay isku dhibco noqdeen.
Kooxda ayaa ka soo laabatay geeri, waxa ay ahayd ciyaar lama filaan ah, waayo daqiiqadihii ugu dambeeyay taageerayaasha kooxda Manchester iyagoo ilmeenaya ayey garoonka ka huleeleyn, laakin rajada waxa soo celiyay Edin Dzeko oo gool barbar dhac keenay, dabadeedna waxa goolka guusha u suura galiyay kooxda Al-Itixaad ah Sergio Aguero,kana dhigay in kooxda ay ku guuleesato horiyaalka Premier League.
QPR waxan ay ka carreesay in ay horiyaalka xili ciyaareedka soo socda ay iskaga harto, laakin in kastoo laga badiyay, haddan waa ay badbaaday, kaddib markii Stoke City bardhac ay wadagaleyn Bolton.
Manchester City Sanadkan iyadaa koobka qaaday markii cayaarteedu ugu dambaysay ay 3-2 uga adkaaday kooxda QPR, Sidoo kale kooxda kale ee Man City ay ka cabsaneysa waxa ay ahayd kooxda isku magaalada yihiin ee Man- United oo iyana ka adkaatay kooxda Sunderland.
Wariyaasha ciyaarta ka soo waramaayay, waxa ay ku tilmaameyn xili ciyaareedkan horiyaalka Premier League in uu ahaa kii ugu xamaasada badnaa taariikhda.
Macalinka kooxda City Roberto Mancini ayaa sheegay in loo baahnaa guushan, waayo koob kooxda kor umaqaadin tan iyo sanadkii 1968.xiligaas oo kooxda koob ugu dambeesay.
Dhowr jeer ayaa kooxda Manchester City rajadeeda ay laacantay, ilaa shantii daqiiqo ee ugu dambeeyay.oo lagu tilmaamay in nasiibku uu u hiiliyay.
Cayaartoyda Manchester City waxay soo xirteen funaanado ay ugu qoran yihiin CHAMPIONS.
Dabaal dagyo waaweyn ayaa ka bilowday garoonka kooxda Manchester City, waxana wali laga dareemayaa saaka dabaaldagyo deeganka ay dagantahay,
Hadaba waxa sidaas lagu soo gababageeyay horiyaalka Premier League xili ciyaareedkan oo loo caleema saaray kooxda Man City.
Sida horiyaalka dhamaaday kooxaha hogaanka ay ugu kala guuleesteyn waa sidan:
|Hoggaanka | Kooxda | Ciyaaraha ay yeeshen | Goolasha ay dhaliyeen | Farqiga
1- Man City 38 64 89
2- Man Utd 38 56 89
3 Arsenal 38 25 70
4 Tottenham 38 25 69
5 Newcastle 38 5 65
6 Chelsea 38 19 64
7 Everton 38 10 56
8 Liverpool 38 7 52
9 Fulham 38 -3 52
10 West Brom 38 -7 47
11 Swansea 38 -7 47
12 Norwich 38 -14 47
13 Sunderland 38 -1 45
14 Stoke 38 -17 45
15 Wigan 38 -20 43
16 Aston Villa 38 -16 38
17 QPR 38 -23 37
Kooxaha horiyaalka ka haray
18 Bolton 38 -31 36
19 Blackburn 38 -30 31
20 Wolves 38 -42 25
RBC Radio
——————————
Xafiiska Ciyaaraha Nairobi













[...] Taken from: Manchester City Oo 44-Sano Kaddib Kor U Qaaday Horiyaalka Premier League [...]
[...] See the original article here: Man City Oo Hanatay 44-sano Kaddib Koobka England Premiership [...]