Museveni: Soomaaliya Waxa Ay u Baahan Tahay Taageero Xoogan
Kampala (RBC) Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa xafiiskiisa kula kulmay ku xigeynka lataliyaha arrimaha ammaanka u qaabilsan ra’iisal wasaaraha UK David Cameron , kaa oo lagu magacaabo Oliver Roddins oo hadda isaga iyo xubno kale ay joogaan dalkaas.
Madaxweyne Museveni ayaa sheegay Soomaaliya in ay u baahan tahay taageero xoggan, taas oo ugu yaraan ka dhigi karta in Soomaaliya ay soo ceshato sharaftii iyo nabadgalyadii , taas oo ka dhigi karta in dib loo soo celiyo kaabiyaasha muhiimka ah ee uu dalka lahaa sida Caafimaadka, Waxbarashada, Wax soo saarka.
Wuxuu sheegay Mr. Museveni oo ah abaandulaha ciidamada dalka Uganda in Soomaaliya ay heesato rajo fiican., wuxuu yiri haddii la siiwado howlaha bini’aadinimada ee la siinaayo dadka Soomaalida ee dhibaateysan in wax badan laga kaban karo.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay deeq bixiyaasha in ay taageeraan howlaha la doonayo in Soomaaliya lagu soo celiyo hanaanka wanaagsan.
Dhinaca kale, Oliver Roddins oo ah ku xigeynka lataliyaha gaarka ah ra’iisal wasaare Cameron u qaabilsan xagga ammaanka ayaa ku ammaanay dowladda Uganda doorka ay ka ciyaartay howlaha nabad ilaalinta maidowga Africa ee Soomaaliya AMISOM.
Wuxuuna tilmaamay Uganda in aysan howlo milatry ku howlaneyn balse ay siddoo kale horrumarka Soomaaliya ay ka qeyb qaadatay sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu sheegay in dowladiisa ay lacago hore leh ku bixisay howlaha siyaasada ee hadda ka socda Soomaaliya, waxana uu hoosta ka xariiqay beesha caalamku la diyaar tahay $11-milyan, taas oo in ka badan milyan iyo bar ay bixineyso dowladda Britain.
Dhawaan Danjiraha Britain u qaabbilsan Soomaaliya, Matt Baugh ayaa waxaa uu soo saaray qoraal uu ku qoray Bolggiisa, waxana uu shaaciyay in haddii madaxda Soomaalidu ay ku dhaqaaqaan tallaabada saxda ah, in markaas ay beesha caalamku la garab taagnaan doonto lacag lagu socodsiiyo hawlaha.
Sidoo kale kulankaas waxa ay labada hoggaamiye ka hadleyn khilaafka ka dhexeeya labada Sudan, waxa ka qeybgaley wasiirka gaashandhiga Uganda Hon. Crispus Kiyonga iyo Maj. Gen. Nathan Mugisha oo ah ku xigeynka danjiraha Ugandan u fadhiya Soomaaliya.
RBC Radio
================
Xafiiska Wararka Kampla












[...] See more here: Md Museveni Soomaaliya Waxa Ay Ubaahantahay Taageero Xoggan [...]