RBC Radio oo Wareystay Wasiirka Dastuurka DKMG Soomaaliya (Dhageyso)
Muqdisho (RBC) Wasiirka Dastuurka iyo Dib u Heshiisiinta DKMG Soomaaliya C/raxmaan Xoosha Jibriil ayaa wareysi gaar ah oo uu maanta siiyey RBC Radio wuxuu kaga warbixiyey qorshaha u diyaargarowga ansixinta dastuurka cusub iyo shirka odayaasha dhaqanka ee beryahan ka socda magaalada Muqdisho.
C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sheegay in shirkaodayaasha haatan sidii loogu talagalay uu uga socdo magaalada Muqdisho, isagoo xusay in qaar ka mid ah golaha wasiirada in maalin kasta ay ka qaybgalaan shirkaasi isla markaana ay odoyaasha dhaqanka u sharaxaan Habraaca Marxalada Kala Guurka “Roadmap” iyo waliba arimaha dastuurka iyo waxa ku qoran.
Wasiirka oo aanu weydiinay qaabka loo xulayo ergada ansixinta dastuurka ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay diyaarinayaan Ergada ansixinaysa Dastuurka cusub, isagoo tilmaamay inqaar ka mid ah ergooyinkii loo rabay inay dastuurka ansixiyaan la diyaariyey.
Ka qeybgalka odayaasha Somaliland
Wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda KMG Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa xusay in dhamaan odayaasha ka qeybgalaya shirka dastuurka ay joogaan inkastoo oo uu shegay inay jiraan odayaal dhaqameedyo in ay jiraan odoyaal dhaqameedyo kale oo aanan imaan Muqdisho kuwaasi oo uu sheegay in meelaha ay ku sugan yihiin farsamadii lagaga soo kaxeeyn lahayn ay weli ku guda jiraan.
“Way jiraan odayaal maqan laakiin waxaan ku dadaaleynaa in dhamaan loo fududeeyo sidii ay ku iman lahaayeen shirka” ayuu yiri wasiirka oo intaa ku daray inay jiraan odayaal dhaqameedyo aan imaan shirka oo wakiilo soo dirsaday isaga oo sheegay in la ogol yahay wakiilashada.
“Annagu maamul goboleedyada kumacasumin shirka ee waxaan ugu talagalnay odayaasha dhaqankamarka odayaasha deeegaanada Somaliland way ku jiraan dadka shirka jooga” ayuu kaga jawaabay wasiirka mar aan weydiinay in dhaqankadeegaanada Somaliland ay joogaan.
C/raxmaan Xoosh Jabriil Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta wuxuu biineyay in la musuqmaasuqay habka loo soo xulay dhaqanka, wuxuuna ku adkeystay in dhaqankii soo jireenka ahaa ay ku casumeen shirka.
Here is the Music Player. You need to installl flash player to show this cool thing!
AMA HALKAN KA DHAGEYSO WAREYSIGA WASIIRKA
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho












Wasiirka Dastuurka marka hore aadbuu ugu mahadsanyahy sida wadanimadaa ah ee uu usaxay qaladadkii dastuurka kujira waxan kuleenahy howsha halkada kasii wad inta dhimana sax dhanka kale xaqii baa feeraha ka dilacay faham lawe faroole waxow mucarad cad kala horyimid dasturkii uu ololaha usiday markii laga saray qodobo badan o sad bursi ahaa dhanka kale waxa shirkii kabaxay odoyasha puntland ayagoo qeeru masul an mudneen darajada uu ku fadhiyo qabyaladiistana ku tilmaamay prafisorka qabyalada reesul wasare gaas xaqii baa dalicay way danaf wareereen beelihi puntland waxaa kaloo wax lala yaabay noqtay codsi uu ku diidanyhy dastuurka markuu farole udira beesha calamka asagoo dhahayo dastuurka looma dhama waa yaabe faroolow adigan sadbursi kugu ogeynee halkaa ka riimeesa waligeba gadal ba wax ka fahantaa faham laawow godkaa qodesay baa rag kugu riday ama diid adiga iyo odayasha aso dirtay oo shirka kabaxay ama yeela wala ansixin dastuurka wana ladhaqan galinaya waayabe maxaa iskaga ka badalay ma waxa maqashay shariif ayaa madaxwene noqonayo mar2aadfahamlawe faroole xilkas banaanka buu uyala shariif ogawse qabilka shariif waa baantuusha afganistan oo kale hadii shariif aan madaxtinimda helina gow iyo gash toona malahn adeer la isma gaarin baroorta joojo rag ka siya sad badan baa gambar gaaban kugu fadhiyo dastuurkana wa la ansixinaya ama diid ama doon ama caalamka warqad udir ama ha udirin dastuurka waa la ansixinaya mar2aadna madax weenanimada hawiyaa leh manalagala tashanayo faham laawe gadaal baa ka soo naaxi doonta damana yaa wax usheego dastuurka usacba tumesay soo mucarad kuma adan noqon laysma gaarin wali
abdirahman hosh masha allah Ellah haku xafido mooriyanta allah haka xijaabo aameen
Adeer sida hoos ku xusan waxa wadankeena uu sida la noqday waa anaga ee raali ahow.faroole shanta farood ayuu la yahay asagana allaha naga badbadiyo wasiirka dastuurka shaqadada horey u wad guul ayan ku rajeynayaa dastuurka,nin aan talin jirin hdi u taliyo in an tagi jirin ayaa tago kkkkkkkkkkk
?(Madashii Madaxa Somalida daashatay) aaway somalinimo)
qaar geedaha ayeey dulsaranyhin
qaar madaxooda ayaa lacag laga dhegay
qaar xabsiyda calamka ayey kusugayan dowlada u dhalata somalia
qaar dawarsi iyo waaba tiris ayey la jeeb weyn yihin
qaar lacag ayey meel ay dhigaan la yihin iyo maalgalin wadama kle ay ku jiraan
qaar madaxweyne ayey u ooman yihin
qaar doqonimo ayey la caloola waweyn yihin
qaar xornimo iyo waabo tiris ayey la saldhigi layihiin
qaar badaha iyo xeebaha carbeed ayey yaalaan ayagoo qolfoowabay
qaar nin dhintay oo kabihisa dhaaman ayeey dardaarankisa hystaan
qaar caruurtii ay afka ku wadaan meel ay dhigan ayey la radinayaan
qaar lacag ayeey soo dirayaan lagu baabiiyo maato
qaar arxan la.aan iyo aqoon la aan ayaa madaxooda daalisay
qaar odayadeeni baqshiish iyo manta ino le ayey dhafsadeen dalkoodi
qaar furihii janada ayaa gacanta laga siiyey umadina ay la halaagen (qarax)
qaraabo qabyo qoraalka aan iska deyno oo alle aan u laabano mahadsanidiin