Somaliland oo sheegtay inay ka qaybalayso Shirka Soomaalida uga furmaya Turkiga
Hargeysa(RBC):- Maamulka Somaliland ayaa sheegay inay ka qaybgalayaan shirka Soomaalida uga furmaya magaalada Istanbul ee waddanka Tugrika oo ay hore u qaaddaceen ka qaybgalkiisa.
Somaliland ayaa ka qaybgalka shirka Istanbul ka furmaya 31-ka bishan May ku macnaysay inay go’aansatay ka dib markii ay marti-qaad rasmi ah ka heshay dawladda Turikiga, hase-yeeshee, waxay Somaliland sheegtay inay ka qaybgalayso kaliya wejiga koowaad ee shirka Tugrika oo lagaga hadlayo arrimo quseeya horumarinta dhaqaalaha, tamarta, biyaha iyo waddooyinka, balse qaybta arrimaha siyaasadda lagaga hadlayo ayey sheegtay Somaliland inaanay ka qaybgalayn.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), ahna Afhayeenka Xukuumadda oo soo saaray war qoraal ah ayaa faahfaahin ka bixiyey sababaha ay Somaliland shirkaas uga qaybgalayso iyo cidda uga qaybgalaysa shirka.
Waxaanu qoraalka warkaasi u dhignaa sidan: “Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland, isla markaana ah Afhayeenka rasmiga ah ee Xukuumadda Somaliland wuxu soo saaray War-saxaafadeed ku saabsan ka qaybgalka wejiga hore ee shirka magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Ka dib markii ay marti-qaad rasmiya ka heshay dawladda Turkiga 24/05/2012-ka, Xukuumadda Somaliland waxay go’aansatay inay ka qaybgasho wejiga hore ee shirka Istanbuul oo ku began 31-ka May/ 2012. Marti-qaadkan rasmiga ah waxa si cad ugu qeexan in dawladda Turkigu Somaliland ula dhaqmi doonto si ka geddisan sida loola dhaqmayo gobollada Soomaaliya. Dawladda Turkigu waxa kale oo ay marti-qaadkeeda ku caddaysay in la raaci doono hab-maamuuskii shirkii London ku qabsoomay 23 Febraayo 2012-ka.
Shirkan Istanbuul ku qabsoomi doona 31/05/2012, waxa lagu gorfeyn doonaa, isla markaana goaammo lagaga gaadhi doonaa arrimaha la xidhiidha horumarinta iyo dhaqaalaha oo u kala baxa afar qaybood.
- U-adkaysiga, 2- Tamarta, 3- Biyaha iyo Waddooyinka. Maadaama oo uu Madaxweyne ku-xigeenku booqasho rasmiya ugu ambo-baxayo Jamhuuriyadda Jabuuti, Madaxweynaha Somaliland waxa uu u magacaabay in ay shirkaa Istanbuul ka qaybgalaan afarta Wasiir eek ala ah:
- Maxamed Cabdillaahi Cumar, Wasiirka arrimaha dibedda iyo Iskaashiga caalamiga ah,
- Sacad Cali Shire, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka
- Axmed Cabdi Xaabsade- Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryeynta
- Xuseen Cabdi Ducaale – Wasiirka Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha
Ugu dambayn waxaannu halkan ka caddaynaynaa in aannaan ka qaybgeli doonin, shaqana ku lahayn wejiga dambe ee shirka ee lagaga hadlayo waxan loo yaqaanno tubta nabadda (Road Mab-ka) oo aan khusayn Somaliland.”
RBC Radio
Xafiiska wararka ee Hargeysa.













waan ka qayb galaynaa , waanaan soo qaadaynaynaa dhaqaalaha inta nalooqaybiyay anaku kuuqadanaynaa magaca somaliland !! maansha alaah soo rujiya qeeybteenee who cares !!
somaliland aloow dhoowr
Ceebey tacal waa shirka somaliya lagu mideynayo oo magaca somaliweyn lagu surayao oo calanka somaliya laga dul taagyo somalidiid waqtigiisa dhamaa cid u baxeysaa majirto somaliya ayey ka tirsanyihiin SNM waqtigii ayaa ka dabao yimid oo shirka odayaasha waaxa joogey dhamaan beelaha daga waqooyi kana way u soo dhuumanyaan cid aqoonsan malaha
Waxaan ka tanaasulay in aan la ficiltamo beelaha soomaaliyeed qaybahooda kala duwan. sababtuna waxaa weeye waxaan ogaaday in dadka soomaaliyeed aysan lahayn dadnimo iyo raganimo ay dib uugu dhistaan hanaankii dawlad nimo ee ay iska burburiyeen 1990 kii. waxay hada marayaan 22 sanadood maha mudo yar. markaa dad aan wali fahmin oo aan dareemin inay ubaahan yihiin dawlad nimo in aan laficiltamaa waa ii khasaare. malaha soomaalidu mudadaas aadka u dheer ee dadkoodii waxna xabad lala dhacayo waxna dibadaha ku dayacan yihiin inay u naxaan oo dawladnimo dhistaan maysan garan wali.
Waxaa hadba dal xoogaa qado ah uugu sameeya wadamada caalamka madama ay ku faraxsan yihiin qadadaas iyo xoogaa jeebgalis ah. kama xishoodaan in rag asaagood ah oo dadkooda iyo dalkooda daryeelanaya ay horfariistaan oo soor quureed lasiiyo laguna tusaale qaato dhibta dawlad la aanta oo iyaga filim laga dhigto. waxaan ilaahay ka baryayaa in uu quluubtooda isu soo jeediyo dhexdooda ay isqadariyaan walaaloobaan iska daayaan gunimada ah dawlad la aanta.waxaynu u baahanahay dawladnimo qabiil dawlad ma noqonkaro.soomaalidu waxay noqdeen dad mashruuc laga dhigtay oo dalalka dariska ah iyo caalamkuba sixun u isticmaalo war halays daba qabto walaalayaal.
Waxaan la yaabaa umad dhan oo calaacal uun u soo taagan
21 sano war soomaali baad tihiin. Hadaad jinsiyadaada aad inkirto
qof wax kugu falayo ma jirto saa inleeyn wax aad tahay ismaba aad
ogid ee. Soomaali waa hal qowmiyad, oo hal luqad ku hadasha oo
hal diin leh(Islam) marka walaalaheen iyo dhulkeena Kenya iyo itoobiya
ku maqan aan soo ceshano intaad ku fakareeysaan soomaaliya
dhulkeedaan kala hooyneeynaa.
Waar horta beesha burco iyo hargeysa ee Somaliland (soomaali diidka) yaa u matalaya shirka Turkey??? Ma odayaashooda dhaqanka ee Xamar laga qaaday mise xubnaha beeshaas ugu jira DKMG ee Soomaaliya sida wasiirka g/dhiga mise waxaa tolow matali doona kuwa siilaanyo soo magacaabay oo qaar badanoo kujiraa aynan xitaa beesha hargeysa uba dhalan?????? kkkkkkkkk waa su’aal jawaab u baahan.
Mida kale, hadii aan Soomaali diid ahay oo Soomaali waan ka go’ay odhan lahaa waligey ma hor fadhiisteen waar kuwan reer soomaalidiid indho adakaa mey hargeysa iska joogaan maxay shirka Soomaaliweyn loo qabtay kasoo doneen??
Masaakiintii reer hargeyso waa is dhiibeen sidii shirkii London looga soo laabtay lolz. Aqoonsigii iyo gooni isu taagii aaway? Waxaan maqlay shirkan Soomaali cid maqan malaha xitaa beelaha Laascaano iyo Boorama maamuladooda waa la casuumay iyaga reer waqooyi in la is ag fadhiisiyo ayaa fiican somaliland waa u dhamaanaysaa shirkaan markuu dhamaado.
Waxaan ahay nin Somali ah oo ku faanaya somaalinimadiisa , dalkaygana waxa la yidhaahda SOMALILAND.
bal ninka iga Somalisan ha is cadeeyo haddii uu jiro………………..
Shirkan istanpuul waanu ka qayb galaynaa inta dantu noogu jito , ceebna maaha
Somaliland ALLAW dhawr
viva somaliland kee necebo adigay ku taal waayo af waxa lagu yidhi baal beri haa naagu baryinay,, markan adduunka ka helano aqoonsi inkasto aanu haysano aqooonsi calami ah ,,
@p real somaali
Huuno af soomaaliga wax somalilander la dhahaa kuma jirto ee Soomaali ayaa kujira. Waa adigoo yidhi oo kale England ayaan ka go’ayaa oo Englander iyo Englandland ayaan la baxayaa ama adigoo yidhaa Ethiopia ayaan ka go’ayaayoo Ethiopialander ama Ethiopialand ayaan la baxay waa wax runtii childish ama sheeko caruur ah oo lagu qoslo. MARKAA bal magaca soo iska soo badala markaa nagu soo laabta aan idiin aqoonsano Naasohablood land state ama cawaroland iwm
Somalida Koonfuur waa dad cajiib ah wale!
Dad iyagii is naceyb oo haddana aniga reer waqooyi (somaliland) ahaan inoo naceyb.
Waa yaabe somalinimada iyo jaceylka aad uu yeedheysan reer Somaliland maa idinku ku dhaqantan oo konfuurtu midoowdo horta? Galkaayo baad labo uu kala qeybiseen iska daa dhulka intiisa kale.
Somaliyeey wax aad diideysan iyo waxaad rabtaan anigaa idinku dhowee idin fahmi meyno.
Maalinta aad xanuunka iyo qabyalaada cudurka 4.5 dooxa ku dartaan oo bulshada koonfur is dhex gaasho baanu midoow dambe ka wada hadli. Koley Somali kala maarmi meyso. Khasab iyo jujuub see midnimo ku imaan meyso. macasalaam.
@ jaale sxb nacaybka iyo qabyaaladdu waa waxaad somali uga qaxday ilaahayna waxaan ka baryayaa in aydaan nagu soo noqon coz wax aad somali ku soo kordhineysid ayaaba iska yar, teeda kale bal eeg website yadiina tacliiqa ama comments ay dadkiinu qoraan waa wada yaq-yaqsi, qabyaalad iyo isir nacayb dadkana waxaad ugu neceb tihiin kuwa aad deriska tihiin ee sool iyo sanaag dega waana kuwii gumeysiga la dagaalay la’aantoodna mujtamac gaala ah ayaa degaankaas laga heli lahaa hadda iyagoo muslim ah ayeyba ingiriiska jecel yihiine
kkkkk wlhi reer somaliland waa siyaasiin, kacan aan u taagey Dhaqaalahana waan soo doonaneynaa waxa kale se kuma jirno kkkkkkk Caadi ma ahan, ani xataa saas ayaan ku talin lahaa sababtoo ah cid walba waa ay ka qadhaabataa dhibaatata ka jirto somalia ( Amisom,djibouti etc ) Somaliland shirkii turkey wixii ey ka rabeen waa ay ka helaan kana in ey wax soo dhaxsadaan ey rabaan, kolkaas meeshaan la isku joojin maayo xataa kii kula dhashey aa kugu qaraabanaayo.
Somaliland waa dad midaysan oo jecel nabada iyo horumarka, illahayna ku guuleyey, Somaliland 4ever.
Dad bey dhibeysaa in somaliland siyaasada ka dhex muuqato. Somaliland waa ay fiican tahay in siyaasada ay ku soo noqoto . Somalina ay hogaamiso kuwa sadbursiga raba ayaa somaliland diidan ayagoo ka baqaya waxey rabeen in ay wayaan sida faroole iyo kuwa raacsan . Somaliland albaab walba istaaga oo dowladnimo nagala shaqeeya hadi kale faroole ayaaiska nacnacleenaya.
Waxan leeyahay sland. Guul iyadaana wax lafahmi karaa kujeraan bal eega farooolaha pland iyo caalinka galmudug males ayaa maamula oo. Ay u ashkatoodaan hadana males. Ayaa amar siiyey dadka sland. Afka ku taagayow mid igu ogaada wadankan habkii. Lagu kala jari lahaa ayaa laga shirayaa dhowaan. Tiid mapka meelkasta lagu saxeexayo mays waydiisen un.ku smland lagu madarin mays waydiisen maxa siilanuo usaxeexi waayey ama uga qayb geli waayey sada shariifkiyo guruubkiisa taas ayaa kuu cadayn in sheeka kale jerto. Khatumo waa reer waqooyi dhaqan waa. Wadaagan koofur sidee. Bal loo afgartaa waa yuuloyin wada dawlado ah ceeb ey tacaal
paste ku garacdee,
Taariikhda aad ku faaneyso iyo gaal baan laa jihaaday waa taarikh qabiil oo adigu iyo tolka ku gaar ah. Waqooyiga badankiisa waxeey uu yeedhan ninkaas Sayid Cabdille Xassan tuug ehul naar ah. Maana dhici doonto in caruurteeda ku barbariiyo taariikhda beeleysan ee “darwish” iyo isir naceyb.
Gobolka Sool beelo badan ayaa dega sida Beesha Caynabo, Beesha Adhi-Caadheeye Fiqishine, Beesha Oog iyo Bohol Xargaga. Hal taako ee dhulkaas laa idin ogolaan maayo inaad jujuubisan oo khasab ku kaxeysan ee taasi ogow.